-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ugu yaraan 16 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil ku bartilmaameed-sadeen dhisme iskuul oo ay ku noolyihiin qoysas barakac ah bartamaha Gaza. Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in madaafiicda cirka ee lagu garaacay iskuulka Al Nuseyrat ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux oo Falastiiniyiin ah. Milatariga Isra’il waxay sheegeen in ay taxaddir dheeraad ah muujiyeen ka hor inta aysan weerarka fulinin, si bay yiraahdeen ay u yareeyaan khasaaraha rayidka, isla markaana u duqeeyaan malleeshiyo ay ku sheegeen in ay aaggaasi kasoo weerareyeen. Dhinaca kale Waaxda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay ciidamada Israa’iil duqeyn ku dileen ugu yaraan 29 qof oo Falastiiniyiin ah, halka ay dhaawaceen in ka badan 100 qof. Dagaalka sagaalka bilood ka socda ee Gaza, ayaa la xaqiijiyay in tirada dadka ay Isra’il dishay ay gaareen in ka badan 38,000 oo ruux oo u badan dumar iyo carruur. PUNTLAND POST The post Millatariga Israa’iil oo duqayn cirka ah ku dilay barakacayaal reer Falastiin ah appeared first on Puntland Post.
-
Ururka Xamaas ayaa si rasmi ah u aqbalay hindisihii soo jeedinta madaxweyne Biden ee ahaa xabad joojin iyo in Israa’iil iyo Xamaas ay is weydaarsadaan la heystayaal iyo qodobbo kale, arrintaan ayaa u muuqa mid hoos u dhigeysa xaaladda Gaza. Mas’uuliyiinta Ururka Xamaas ayaa Reueters u sheegay, in Xamaas ay ka laabatay dalabkeedi hore ee ahaa, in marka hore Israa’iil aqbasho ka bixintaannka dhulka Gaza, kaas oo keenay in Israel dhankooda ay ka biyo diidaan dalabka Xamaas. Dhan kalena Ugu yaraan 16 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Isra’il Sabtidi ku bartilmaameedsadeen dhisme iskuul oo ay ku noolyihiin qoysas barakac ah bartamaha Gaza. Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in madaafiicda cirka ee lagu garaacay iskuulka Al Nuseyrat ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux oo Falastiiniyiin ah. Isra’il ayaa weerarka ku sheegtay mid ay ku bartilmaameedsatay malleeshiyaadka. Milatariga Isra’il waxay sheegeen in ay taxaddir dheeraad ah muujiyeen ka hor inta aysan weerarka fulinin, si bay yiraahdeen ay u yareeyaan khasaaraha rayidka, isla markaana u duqeeyaan malleeshiyo ay ku sheegeen in ay aaggaasi kasoo weerareyeen. Hase yeeshee Xamaas ayaa beenisay in dagaalyahannadeedu aysan halkaasi joogin. Source: goobjoog.com
-
Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo gaaray magaalda Baydhabo ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagreen). Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa ay kaga wada hadleen Arimo dhor ah oo ku jiraan Siyaasada, Amniga, Mashaariicda, bini’aadanimada iyo Daadejinta Adeegyada Dowlada, xilligaan maamulku qorsheynayo gaaritaanka deegaannada gacantiisa ka maqan. Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan Booqashadiisa Magaalada Baydhabo iyo taageerada ay la garab taagan yihiin Dowlad Goboleedka iyo Shacabka Deegaannada Koonfur Galbeed. Kulanka Madaxweynaha iyo Ergayga waxaa ku Wehlinayey Wasiiro, La Taliyaal iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed, waxaana kulanka intii uu socday looga hadlay arrimo dhowr ah oo xilligaan ka taagan deegaannada maamulkaasi. Source: goobjoog.com
-
Israa’iil ayaa lagu warramaya in ay diiddi doonto soo jeedinta heshiiska xabbad-joojinta, sababa la xiriira dalabaad ka yimid dhinaca Xamaas. Xamaas ayaa ka dalbamaya Israa’iil in ay samayso ballanqaad qoraal ah oo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Qasa. taasi oo ay dheertay inay Xamaas ka dalbatay in ay dammaanad qaadan Qatar, Masar iyo Mareykanka in xabbad-joojintu sii socon doonto illaa laga gaarayo heshiis dhammeystiran oo dagaalka soo afjaraya. Madaxa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da , Bill Burns ayaa tagi doona Doha toddobaadkan, isagoo ka hortagaya in meesha ay ka baxdo fursada soo dhaweynaysa heshiis la gaaro si loo sii daayo 120 maxbuus oo Xamaas ay ku hayso Qasa. Wuxu si wadajir ah ula kulmi doona Ra’iisal Wasaaraha Qatar, Agaasimaha Hay’adda Mossad ee Israa’iil iyo Madaxa Sirdoonka Masar, sida ay sheegtay Axios. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo ka horjeedda xabbad-joojinta dhexmarta iyaga iyo Xamaas appeared first on Puntland Post.
-
An estimated 4.5 million people are currently displaced in both rural and urban locations in Ethiopia, the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (UNOCHA) has disclosed. Source: Hiiraan Online
-
ROCHESTER, Minn. (KTTC) – Dozens gathered in SE Rochester to recognize and celebrate an important Independence Day. Source: Hiiraan Online
-
Somalia has paid $7.8 million, its full budget contribution dues for the financial year 2024/25. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay wada-hadalka la sheegay in lala galayo kooxda Al-Shabaab, waxaana arrintan si faah-faahsan uga hadlay madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta daah-furay kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kadibna khudbad u jeediyay xildhibaanada labada Gole. Ugu horreyn madaxweynaha ayaa beeniyay in dowladda federaalka ay haatan waddo qorshe guud oo wada-hadal lagula galayo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in aanay jirin wax ajende ah oo ay dowladda Soomaaliyeed ka leedahay arrintaasi. Madaxweynaha ayaa gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ku aadan wada-hadalka labada dhinac oo maalmihii dambe ay tabineysay warbaahinta. “Ma jiro qorshe aan wadno oo wada-hadal kula galeyno argagixisada oo aqoonsaneynba dowladda Soomaaliyeed, arrintaas waxaan rabaa inaan caddeeyo ma’aha mid jirto” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu ku hadlay dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxaha Khawaarijta, isaga oo sheegay in guullo waa wayn laga gaaray, isla markaana sanadkan imtixitaanka shahaadiga ah lagu galay degmooyin dhawaan uun laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ballan qaaday inay sii wadi doonaan howlgallada xoreynta ee ka socda dalka. “Waxaan kusii socon doonaa la dagaallanka Al-Shabaab, illaa dalkeenna oo xor ka noqono” ayuu sii raaciyay madaxweynuhu. Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday dalka, isaga oo sheegay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab, balse ay ka hortegi doonaan, si loo nabadeeyo deegaanada ay haatan kasoo cusboonaadeen dagaallada sokeeye. Beryahan dagaallo sokeeyo oo ahli ah ayaa kusoo noqnoqday deegaanada qaarkood waa qayb kamid ah qorshaha cadowga argagixisada oo rabta iska horkeenidda shacabkeenna, si aan uga jeesano ka xoreynta dalka Khawaarijta, taasina ma dhaceyso dalkeena waa nabadeyneynaa Khawaarijta dagaalkeedana waan waa wadeynaa” ayuu mar kale yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay wadaan guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo haatan ka socda inta badan gobollada dalka. The post War cusub oo kasoo kordhay wada-hadalka DF iyo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay banaanka hore ee xarunta golaha shacabka, iyadoo ay garbihiisa taagan yihiin xildhibaano kale oo badan ayaa ku hanjabay in hadii xilka Madaxweynaha ay dib u eegis ku samey doonaan hadii sidaan aan wax laga bedelin. “Dadku ma fahansana mooshin, laakiin baarlamaankaa ku shaqeeya oo wax ku toosiya, waxaana isticmaali doonaa awoodeena inta sharcigu noo ogolyahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad oo isla xisaabtan ugu hanjabay madaxda ugu sareysa dalka. Xildhibaan Cabdisamad ayaa Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ku eedeeyey inay dalka la habaabeen, isagoo xildhibaanada ugu baaqay inay gutaan waajibaadka qaran oo ay u dhaarteen, kuna dhaqaaqaan sidii loo badbaadin lahaa dalka. “Waxaan idiin cadeynayaa baarlamaanka uu kalfadhigiisu furmay waxay isku diyaariyeen isla xisaabtan adag, xildhibaanadu waxay dareensan yihiin in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay dalkii la habaabeen, waxaana u taaganahay inaan wax saxno,” ayuu yiri Cabdisamad Macalin. Sidoo kale Xildhibaan Cabdisamad ayaa sheegay in xildhibaanada loola dhaqmo si aad u liidata markii ay marayaan jidadka Muqdisho, isagoo ku goodiyey in arrintaas ay degdeg wax uga qabanayaan. “Xildhibaanada baarlamaanka 11-aad waxay noqdeen dadka xasaanada leh kuwa ugu liita ee dalka ku nool, waxaa lagu furtaa oo lagu handadaa jidadka, intaan ka badan ma sii dulqaada doono, laguma sii tuma doono sharafteena,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud. Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaano badan ay hadda u diyaarsan yihiin in xaaladda sidaan laga bedelo, isla markaana ay ku dhaqaaqi doonaan hadii ay la noqoto inay dantu ku jirto in madaxweynaha xilka laga qaado. “Xildhibaano aad u badan ayaa hadda u diyaarsan inay xaaladaan wax ka bedelaan, iyadoo hadii ay la noqoto in dib loo eego xilka madaxweynaha ay sameynayaan, xaqna waa u leeyihiin,” ayuu yiri. Xildhibaan Cabdisamad ayaa intaas ku sii daray, “Wax kasta ayaa la soo maray tan ugu daran waa in Qabuurihii lasoo fagayo maanta, ma jirto meel ka dambeysa in kii noolaa iyo kii dhintay ay baxsa la’yihiin, sidaan looma dul qaada karo, xildhibaanada waxaa ka go’an inay badbaadiyaan dadka ay u dhaarteen.” Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaano ku goodiyey inay mooshin ka keenayaan Madaxweynaha appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo is kaashanaya ayaa galabta kooxda Alshabab kala wareegay deegaan istiraatiiji ah oo lagu magacaabo Filfile, kaas oo dhaca waqooyiga deegaanka Buulaxaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo sina dhowaan laga saaray kooxda. Saraakiisha ciidanka howlgalka sameeyey ayaa Warbaahinta u sheegay in deegaankaas uu Alshabaab u ahaa meel ay xoolaha baadda ah uga qaadaan dadka shacabka ah, isla markaana ay ka gaysteen dhibaatooyin badan. Sidoo kale Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan baacsiga ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa si xoog leh uga socda deegaanada dowladda goboleedka Jubbaland, waxaana la filayaa in todobaadyada soo socda ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta sii xoojiyaan gulufka ka dhanka ah Alshabaab. Source: goobjoog.com
-
Dhalinyaro ka kooban aqoonyahan iyo wax garad isla markaasina ka soo jeeda jifada madaxweyne Muuse Biixi ee reer Samatar ayaa kulamo mudo qaatay la yeeshay qaar ka mid ah madaxda xisbiga Waddani ee Somaliland madaxdaasi oo ay isku deegaano ka soo wada jeedaan dhalinyaradani. Dhalinyaradani ayaa saaka kulan balaadhan oo duco iyo is waraysi ah la yeeshay suldaanka guud ee beelaha Gabiley Clan suldaan Xasan Wararku waxa ay sheegayaan in dhalinyaradani ay qayb ka yihiin isbadal doonka ka socda dalka waxana lagu wadaa in dhalinyaradani ay ku biiraan xisbiga Waddani oo ah xisbiga rajada iyo midnimada Somaliland. Dhowrkii todobaad ina soo dhaafay waxa aad xisbiga Waddani ugu soo badnaayay oo taageero buuxdavla garab istaagay deegaanada ay ka soo kala jeedaan Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka arimaha gudaha mudane Maxames Kaahin Axmed oo bulshadii deegaankiisu ay todobaadkii hore ku biireen xisbiga Waddani. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Jubaland ayaa dhowaan u codeeyay wax ka bedel lagu sameeyey qaar ka mid ah qodobada dastuurka Jubbaland, tallaabadaasi waxay sii xoojisay hubanti la’aan ka taagan doorashada maamulkaas, carada iyo walaaca mucaaradka ayaa cirka isku sii shareeray. Wasiir ku xigeen wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee dowlad goboleedka Jubaland Bishaar Aadan ayaa markii ugu horeysay sheegay waqtiga rasmiga ah oo ay dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulkaas oo wajaheysa hubanti la’aan weyn. Wasiirka oo ka qeyb galay barnaamij dood ah oo BBC ay qabatay ayaa muddo ka meer-meeray su’aal laga weydiiyey goorta ay dhaceyso doorashada maamulkiisa, balse markii dambe wuxuu sheegay in bisha 11-aad ay doorasho ka dhaceyso Jubbaland. “Wakhti ay doorasho dhacayso wasiir ma sheego ee guddi doorasho ayaa sheega, taana qorsheheedu waa uu socdaa, madaxweyneheyga ayaa saxiixay in ay November doorasho dhacayso, sidaas ayuuna qorshuhu yahay,” ayuu yiri Wasiir ku xigeen wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Jubaland. Waxaa taagan muran ka dhashay wax ka badelka dastuurka, baarlamaanka ayaa toddobaadkii hore u codeeyey in dastuurka Jubbaland laga saaro qodobkii xadidayey inta jeer ee xilka Madaxweynaha uu u tartami karo Axmed Madoobe oo hoggaanka maamulkaas hayey tan iyo markii la aas-aasay Jubbaland 10 sano ka hor. Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Axmed Madoobe ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa qaba in wax ka bedelka lagu sameeyey dastuurka maamulkaas ay tahay tallaabo khaldan oo aysan fileyn. Sidoo kale mucaaradka ayaa sheegay in arrintaan ay horseedi karto muddo kororsi uu sameyto Axmed Madoobe, waxay ku doodeen in muddo xileedkii baarlamaanka uu gabaabsi yahay oo bishii ugu dambeysay ay ku jiraan, sidoo kale waxay sheegeen in Axmed Madoobe uusan xaq u laheyn in mar kale uu u tartamo kursiga madaxweynaha. Siyaasiyiinta maamul-goboleedkaas oo qaar ka mid ah ay yihiin musharraxiinta madaxtinnimada ayaa dalbaday in la shaaciyo xilliga rasmiga ah ee doorashadu ay dhacayso. Bisha soo socota ee Agoosto ayuu ku egyahay muddo xileedka Axmed Madoobe, mana socoto ififaalo muujineysa inuu doorasho qaba doono, balse wasiirkiisa ayaa sheegay in bisha November ay doorashada qabanayaan, doorashooyinka ka dhaca Jubbaland ayaa lagu tilmaamaa kuwo aan xor aheyn oo Axmed Madoobe toos u maamulo. The post Xilliga doorashada Jubaland ay dhaceyso oo la shaaciyey iyo qorshe culus oo ka horeeya appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa safar shaqo ugu anbabaxay dalka Djibouti kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Qoraal kasoo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu yidhi “Safarka Hoggaamiyaha ayay muhiimadiisu tahay xoojinta walaalnimada, nabadda, xasilloonida gobolka iyo taageerada dhismaha Dowlad-dhiska Soomaaliya”. Kooxda Khaatumo ayaa hore dowlada Jabuuti ugu eedayn jirtay in ay qayb ka ahayd dagaalkii Laascaanood, lakiin Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa sheegay in Jabuuti anay wax lug ah ku lahayn dagaalka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, labadiisa Aqal ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka iyo dastuurka dalka. Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in doorasho qof iyo cod ah uu qabanayo 2026-ka, si ay codadkooda u dhiibtaan dadka Soomaaliyeed, una soo doortaan hoggaankooda. “Maanta waxaa nalaga sugaa inaan daka u jiheyno doorasho toos ah oo qof iyo cod ah oo guud ahaan shacabka qaybihiisa kala duwan siisa fursad ay ku codeeyaan iyaga oo xor ah, waana siineynaa shacabkeenna fursaddaas, insha allah” ayuu yiri madaxweynaha. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursad ay wax ku dooran karaan, laguna dooran karo, si looga gudbo doorashooyinkii dadbanaa ee soo maray Soomaaloya. “Waxaan kusii siqeynaa in muwaadinka Soomaaliyeed uu helo fursad uu wax kuu dooran karo, laguna dooran karo, waxaan filayaa in doorashooyinkii dadbanaa aanay ahayn kuwa loo xiiso qabo” ayuu sii raaciyay. Dhanka kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday arinta dastuurka isagoo baarlamaanka ku boggaadiyay tallaabado ay u qaadeen dhameystirkiisa, mudd 12 sano ah kadib. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonaan doodaha ku saabsan arrimaha dastuurka, si loo dhameystiro qodobada kale ee weli harsan. “Waxaa kale oo iyadana ahmiyad wayn ah leh sii wadida cutubyada ka dhiman dastuurka, si uu dalka uga baxo hubanti la’aanta dastuuriga ah” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ay taagan tahay cabashada kasoo yeereyso xubnaha mucaaradka iyo Puntland oo kasoo horjeestay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorashada soo socota iyo tallaabada loo qaaday wax ka beddelka dastuurka dalka. The post Xasan Sheekh oo war culus kasoo saaray doorashada 2026-ka iyo dastuurka appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (PP News Desk) — Six months after Ethiopia signed a maritime Memorandum of Understanding with the Somaliland Administration, a secessionist entity, violating Somalia’s sovereignty, the fallout from this legally dubious deal continues to affect Ethiopia-Somalia relations. Last week, talks sponsored by Turkey helped negotiators from both countries to make progress. Several days after the first phase of talks concluded, Prime Minister Abiy Ahmed informed the Ethiopian Federal Parliament that Ethiopia has no doubts about Somalia’s territorial and political unity. To break the deadlock, SIDRA INSTITUTE, a think tank based in Puntland State of Somalia, has proposed a legal compromise based on a model similar to the Indo-Nepal Transit Agreements, which enables landlocked Nepal to access Indian seaports. “Somalia has no problem with Ethiopia’s non-sovereign access to its ports for trade purposes but strongly rejects any claims to sovereign access, such as establishing a naval base on Somali territory. To resolve the dispute, Ethiopia and Somalia could adopt a model similar to the Indo-Nepal transit agreements. This model emphasises legal agreements, cooperative infrastructure development, and mutual benefits, ensuring Ethiopia’s access to the sea while respecting Somalia’s sovereignty and promoting regional stability,” SIDRA INSTITUTE writes in the policy brief. This lawful solution proposed by SIDRA INSTITUTE is expected to persuade Ethiopia to respect the international norms given the funding proposal Abiy’s government made to IMF for 10.5 billion dollars. Abiy defended his decision to violate the political unity of Somalia when he spoke to Ethiopian MPs earlier this week. “ Access to the sea is critical for Ethiopia’s growing economy and population. The MoU we signed with Somaliland came after the Somali government’s refusal to talk with Ethiopia in the first place” said Abiy Ahmed. Abiy Ahmed violated article 12 of the Joint Communique issued by President Mohamed Abdullahi Mohamed and Abiy Ahmed who was visiting Mogadishu on 16/06/2018: “The two leaders unequivocally stated their mutual respect for the sovereignty, territorial integrity, political independence and the unity of both nations and called upon all Somali actors to relentlessly work towards the unity and cohesiveness of Somalia” reads article 12 of the communique. © Puntland Post, 2024 The post A Somali think tank suggests a legal compromise between Somalia and Ethiopia On the Illegal Maritime MoU appeared first on Puntland Post.
-
450115336_823675359479880_3902880146904575001_n Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwooda mucaaradka ah ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo ay kusoo aadiyeen furitaanka kalfadhigooda 5-aad. Xildhibaannadan oo sheegay inay shilrar ku yeesheen Muqdisho ayaa soo saaray go’aanno culus oo ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen wax-qabad la’aan. Maxamed Ibraahim Macallimuu oo kamid ah xildhibaannadaas ayaa akhriyay warsaxaafadeed ay soo saareen, kaas oo ay ku sheegeen in la joogo waqtigii isla xisaabtanka, meeshana looga saari lahaa isku milanka baarlamaanka iyo xukuumadda. “Kadib kulamo in muddo ah u socday xildhibaanno badan oo ka tirsan labada gole ee BFS ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in la gaaray xilligii si dhab loo sixi lahaa isku milanka taaba galay hay’adaha fulinta iyo xeer dajinta, taas oo ay ugu wacnayd guddoonka baarlamaanka oo garan waayay shaqadii ahayd in lala xisaabtamo xukuumadda ” ayuu yiri. Macallimuu ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la marin habaabiyay shaqadii muhiimka ahayd ee wasaaradda arrimaha dibadda, ayan jiraan heshiisyo sharci darro ah oo lasoo galay. “Waxay hay’adda fulinta marin habaabisay siyaasadii arrimaha dibadda waxay xukuumaddu gashay heshiisyo caalami ah oo aan loo marin dariiiqii sharcigaa ahaa” ayuu sii raaciyay. Sidoo kale wuxuu yiri “Waxaa la baabi’iyay ciidamadii qalabka sida, waxaana cadowga loo loogay saraakiil geesiyaal ahaa, taas oo Soomaalida oo dhan ay marqaati ka tahay”. Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in uu kasii daray musuq-maasuqa ka dhex jira hay’adaha dowladda, ayna jiraan shirkado gaar ah oo lagu wareejiyay shaqadii laga rabay dowladda. “Waxaa laba lixaadsaday musuq-maasuqa hay’adaha dowladda dhexdooda, ayada oo la abuuray shirkado gaar loo leeyahay oo aan ku imaan hab daah-furan, kuwaas oo qabanayo adeegyadii ay dowladda u xilsaarnayd, ayada oo ujeedka uu yahay in lagu naas nuujiyo shaqsiyaad saaxib gaar ah la ah madaxda dalka” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Macallimuu. Ugu dambeyn waxay xildhibaannadan hoosta ka xariiqeen in xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza oo ku fashilinatay shaqadii loo igmaday iyo ballan-qaadyadii ay horay u horgeysay baarlamaanka Soomaaliyeed. “Xukuumadda fadhiidka ah ee isku magacowday Dan-qaran ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxa ay ku guul darreysatay hirgelinta ballanqaadyadii iyo qorshayaasha ay laba sano kahor soo hordhigeen baarlamaanka Soomaaliya” ayuu kusii daray xildhibaanku The post Xildhibaanada mucaaradka ee barlamanka oo soo saaray go’aanno culus (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
