-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Soomaaliya ayaa dhowaan loo doortay mid kamida xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayadoo ka qeyb ka noqan doonta 3 dal oo labada sanoo soo socata golahaas ku matali doona qaaradda Afrika. Dowladda Soomaaliya ayaa ku biiris golahan ku Dadaalaysay 5-tii sanoo la soo dhaafay, ayadoo musharax kursigaas gudbisay sanadkii 2018-kii, ugu dambey’se way ku guuleysatay. kamida noqashada golaha ammaanka ayaa ah guulihii ugu waaweyn ee ay Soomaaliya gaartay tan iyo sanadkii 1991-kii, waxayna dadweynuhu naawilayaan in magac xumada, nabad-galyo darrada, iyo faragelinta shisheeyeba hadda ka dib xal loo heli doono, maadaama ay fadhiso miiska siyaasadda iyo amniga dunida laga hago. Haddaba sidee bay Soomaaliya uga faa’iidaysan kartaa xubinnimada golahan kamid ah hay’adaha ugu awoodda badan ururka Qaramada Midoobay, sidoo kalena go’aamada ugu dambeeya ka gaara xaaladaha dunida, gaar ahaan kuwa nabad-galyada iyo siyaasadda la xariira?. Si weydiintaas iyo qaar kaloo ku lammaanba warcelin loogu helo, warbaahinta goobjoog waxay qabatay dood ay ka qeyb-galeen aqoonyahanno iyo xeeldheereyaal, kuwaas oo aragtiyo aqoon iyo waaya-aragnimo ku dhisan soo bandhigay. Professor xuseen Iimaan oo ah xildhibaan hore iyo bare sare oo wax ka dhiga qaar kamida jaamacadaha dalka ayaa sheegay in in helidda kursigaasi ay qeymaha Soomaaliya kor u qaadayso haddii si dhab ah looga Faa’iidaysato oo ay dowladdu danjirayaal tayo leh ku darsato galaha. Dowladda waxaa la gudboon inay la timaaddo siyaasad arrimo dibedeed iyo qorshe qaran oo la xariira xubinnimada golaha ammaanka, sida uu qabo baafo. Professor Cabdullaahi Salaamulaahi ayaa sheegay in Xubinnimada golaha ammaanku ay kaalin wax ku ool ah ka qaadanayso difaaca ah iyo qaranimada dalka, xilli uu jiro damaca Itoobiya ee ku wajahan badda Soomaaliya. Xeeldheereyaasha ayaa soo jeediyay in dowladda Soomaaliya ay mowqif sugan iyo qorshe qaran ka yeelato xubinnimada golahan, islamarkaana ay diblumaasiyiin xil Kas ah geysato. Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay golahan ka mid noqatay sanadkii 1971-dii xilligaas oo ay kamid ahayd dalalka ugu awoodda iyo xasilloonida badan Afrika, balse jeerkan oo ay colaado sokeeye ka soo baxday daruufo nabad-galyo iyo kuwo siyaasadeedna ay haystaan ayaa la eegayaa sida ay xubinnimadeeda uga faa’iidaysato. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Wajiis ayaa jawaab kulul ka bixiyay qoraal weerar ah oo uga yimid Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame, kaasoo ku saabsan dhulka Qabuuraha Iskuul Polizia iyo war uu Sheekha ka sheegay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Yariisow. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri “Hadda Sheekh Cali Wajiis markii uu dadkii noolaa kula dhici waayey ayuu Allaha u naxariiste saaxiibkeey Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow u saariyey isku day eed qabuuro faagis ah.” Sheekh Cali Wajiis ayaa qoraalkiisa jawaabta ah ku difaacay Marxuum Yariisow, wuxuuna Cabdiraxmaan Cabdshakuur ku eedeeyay inuu saaxiib la yahay dhinacyo ka horjeeda dowlad dhiska Soomaaliya oo aanu magacaabin. HOOS KA AKHRISO QORAALKA SHEEKHA Ma rabo inaan la tirsado Cabdiraxmaan Cabdishakuur dhowr sababood dartood: 1- Guddoomiye Cabdiraxmaan Yariisow AUN, Annagu ka culuma ahaan waxaan ku amaaneynaa inow culumadii la tashaday qaatayna Taladoodii waana sharaf iyo amaan. 2- Guddoomiye Yariisow AUN annaga asagaa na soo weydiiyay su’aasha laakin dabcan dowlad ayuu xubin ka ahaay ee wax shakhsiya ma uusan sameyneyn. 3- Mr. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame markow badda Soomaaliya saxiixayay wexey ehayd inow culumada la tashado si loogu sheego in aysan banaaneyn laakiin waa ka il duufyay mudanuhu, waxaasa ka dabategay dowladdii ka danbeysay oo madaxweyne Xasan Sheekh hoggaaminaayay oo Maxkamada caalamigaa geysay malafkii. 4- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaan ugu cudurdaareynaa inuu saaxiiba la yahay sida muuqata dhinacyo badan oo mashruuca dowlad dhiska Soomaaliya iyo heshiiska taariikhigaa ee Soomaaliya iyo Turkiga dhibsanaya. 5- Ugu danbeyn waxaan mudanaha kula talinaayaa inow markaan beddelo siyaasaddii uu ku cireystay ee madhaleeska ehayd oo ah “dowlad kastaba dagaal ula taagnaaw ama u turjimneed: Cadkaanoow walee ama ku cunay ama ku ciideeyay Mudanaha salaan qaaliya heyga gudoomo. The post Sheekh Cali Wajiis oo jawaab cajiib ah siiyey CC Shakuur appeared first on Caasimada Online.
-
Maanta oo sabti in kabadan 2 Million oo Xujey Muslimiin ah ayaa taagan Buurta Carafo oo kamid Tiirarka ugu weyn gudashada Xajka, Xujeyda ayaa halkaan taga maalinta 9-ka bisha Carafo, waxaana maalinta bari ah ay ku began tahay maalinta koowaad ee Cuudul Axda. Muslimiinta sanadkaan ayaa waxaa ku jiro kumannaan Soomaali ah oo ka kala tagay Soomaaliya, Jabuti, Kenya, Itoobiya, iyo dhammaan qaaradaha caalamka, si ay u gutaan waajibaadka Xajka, sanadkaan ayaa tiridii ugu badneyd ee Soomaali ah ay gaareen magalada Maka. Umadda Muslim ah ee aan haleelin gudashada waajibaadka Xajka ama istaagga manta Buurta Carafo, ayaa intooda badan ah kuwa Sooman, waxaana caalamka oo dhan ka socda diyaar garowga maalinta ciidul Adxa oo ku beegan oo maalinta barri oo Axad ah 16-ka May 2024. Sanadkaan ruuxii ugu da’da weynaa ee kasoo qeybgala gudashada Xajka ayaa aheyd haweeney kasoo jeeda dalka Algeria, waxaana lagu magacaabaa Sarahouda Stiti, waxaana da’deeda lagu sheegay 130 sanadood, waxaana ay sheegtay in ay dunida nabad ugu duceynayso. Isbedelka cimillada iyo daran oo ka jira Maka ayaa sababay geerida tiro dad ah, kuwaas oo kamid ahaa xujeyda sanadkaan, waxaana ilaa iyo hadda dowladdu shaacisay ku dhowaad 20 ruux, heerka kulka ayaa ku dhowaaday 50 Digree, taas oo keentay naqaska inuu dadka ku xirmo. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Ehelka Qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Tacsiyadeyey geerida ku timid Alle Haunaxaristee Taliyihii Guutada 8-aad Ciidanka Xooga Dalka Gaashanle Maxamed Dheere iyo Gudoomiyihii hore Degmada Diinsoor Cabdisalaan Xaaji Siidow iyo Askartii La socotay. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Rajicuun Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Taliyihii guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXD iyo Saraakiil oo shahiiday iyagoo ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha Khawaarijta ah Gaashanle Maxamed Dheere waxa uu ahaa sarkaal kaalin mug leh ku lahaa xaqiijinta ammaanka Dalka gaar ahaan Deeganada Koonfur Galbeed iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoona lagu Xasuusto Howlgaladii lagu jabiyey Khawaarijta ee uu Hogaamiyey Waxaan Alle uga baryayaa Sarkaal Maxamed Dheere iyo Gudoomiyihii hore Degmada Diinsoor Abdisalaan Haaji Siidow Saraakiisha iyo Askartii la Shahiiday in uu hoygooda uu ka yeelo Jannatul Firdowsa, simir iyo iimaanna ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ay ka tirsanaayen”. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Lafta Gareen oo ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin ku dhintay qarax ka dhacay gobolka Baay appeared first on Puntland Post.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/VID-20240615-WA0000.mp4 Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - The Supreme Traditional Clan Sultan of SSC Khaatumo, Garad Jama Garad Ali, has warned Somaliland against launching an attack on Las Anod. Source: Hiiraan Online
-
WATCH: Germany vs Scotland 5-1: UEFA Euro 2024 Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somalia's federal government has announced plans to build a new airport in Mogadishu, aiming to alleviate congestion at Aden Adde International Airport. Ahmed Moalim Hassan, the Somali Civil Aviation Authority (SCAA) general manager, revealed that the new airport would be located in El Ma'an. The decision follows a thorough five-year environmental and safety survey that found the site suitable for construction. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ku sugan bariga gobolka Galgaduud ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulada Xuseen Cagey oo hoostagta magaalada Masagawaa. Ciidamada oo ka war helay dhaq-dhaqaaq ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka wadeen halkaas ayaa weerar kala hortegay, waxaana kadib halkaas ka dhacay dagaal culus. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay inay waddada u galeen xubnaha Al-Shabaab, xilli ay qorsheynayeen inay weerar soo qaadaan, kadibna ay halkaas ku gaarsiiyeen khasaare lixaad leh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in dhankooda aanu soo gaarin wax khasaare ah, isla markaana ay is xirfadeysan u fuliyeen howlgalka lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka dhex-maray labada dhinac uu ahaa mid xoogan, waxaana looga adkaaday Al-Shabaabka ku socdaalayay waddada, kuwaas oo kasoo baxay dhinaca deegaanka Xuseen Cagey oo dhaca bariga gobolka Galgaduud. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda. Galgaduud ayaa waxaa haatan isku haya labada dhinac, waxaana ahayd todobaadkii hore markii ay Al-Shabaab weerareen degmada Ceeldheer, balse laga hortegay. Weerarkaas oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogleh oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana mid kastaa uu soo bandhigay khasaaraha uu gaarsiiyay kan kale. Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weli deegaano iyo degmooyin ka jooga gobolladaas oo hoostaga Galmudug. The post Xogta weerar khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay GALGADUUD appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan arrimaha nabadda, amniga caalamiga ah iyo ganacsiga oo ka dhacay Switzerland. Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay khubaro ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Nabadda Adduunka Interpeace iyo Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO). Madaxweynaha ayaa iftiimiyay dadaallada socda ee dhismaha nabadda Soomaaliya, taas oo ku salaysan aragtidiisa “Soomaaliya Heshiis ah, dunidana heshiis la ah”, waxa uuna xusay caqabadaha gudaha iyo dibedda ee weli saameynta taban ku leh dadaalladaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda in ay xoojiso dib u heshiisiinta iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyey argagixisada, kuwaas oo baahi weyn u qaba adeegyada aas-aasiga iyo isdhexgalka bulsho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey hay’adaha iyo ururrada ka soo qayb galay kulankan, doorka ay ka qaadanayaan nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, waxa uuna la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, daris-wanaagga iyo horumarka gobolka Source: goobjoog.com
-
The United States on Friday announced another $315 million for hungry Sudanese as it pressed the warring sides to end obstruction of aid, warning that a famine of historic proportions could unfold without urgent action. Source: Hiiraan Online
-
The text is secret and the deal might yet fall through. But the memorandum of understanding signed by Ethiopia and Somaliland on January 1st has sent shock waves through the Horn of Africa. Somaliland, which declared its independence from Somalia in 1991, says that Ethiopia will become the first country to grant it recognition. In return, it will give its landlocked neighbour access to the sea. The deal has outraged Somalia, which describes it as an act of “aggression”. In April it expelled the Ethiopian ambassador. Now it is threatening to do the same to more than 8,000 Ethiopian soldiers who are stationed on its soil to fight al-Shabab, a jihadist group linked to al-Qaeda. But in Somaliland, a de facto state with its own government, flag, army, currency and courts, the mood is very different. “We are struggling for our independence, as every other country in the continent…has done,” says Muse Bihi Abdi, the president of Somaliland, speaking to The Economist in Hargeisa, the capital. Sitting stiff-backed in his presidential palace, Mr Bihi rehearses the arguments for Somaliland’s statehood. The territory it claims was once ruled by the British; the southern part of Somalia, with its capital at Mogadishu, was under Italian control. The two former colonies united in 1960, but the marriage was an unhappy one. Rebels from Somaliland rose up against a dictatorship, which killed tens of thousands of civilians and bombed Hargeisa into oblivion—a trauma that explains support for separate statehood today. When Somalilanders unilaterally declared independence in 1991, they said they were dissolving a union between states, not starting a breakaway country from scratch. “We are not secessionist,” says Mr Bihi, a former soldier who has held office since 2017. Even so, the idea of breaking up a state unnerves other African governments, many of which face separatist movements of their own. None has recognised Somaliland, a land of 6m people, which has now ruled itself for longer than it was ever governed from Mogadishu. Hence Mr Bihi’s bargain with Ethiopia, which lost its own coastline in 1993 with the secession of Eritrea. “They need the sea as we need recognition,” he explains. “We are ready.” Mr Bihi says that Ethiopia will lease a strip of coastline between Lughaya and Bulhar, some 20km by 20km, on which to build a naval base (see map). Ethiopia has said that it will consider its position on Somaliland, but has not given a public guarantee of recognition. A full agreement is still being hashed out. Even if Ethiopia recognises Somaliland, others may be reluctant to follow. Foreign governments have weighed in to support the sovereignty of Somalia, which was voted in as a non-permanent member of the un Security Council on June 6th. Egypt, which is already irked by an Ethiopian dam on the Nile, has pledged to defend Somalia. White House officials are concerned that the fallout could disrupt the fight against al-Shabab. “Why are the Americans against this?” asks Mr Bihi in exasperation. “They never explained to me.” Mr Bihi also has critics at home. His defence minister resigned after the deal was announced, saying that Ethiopia is an enemy. Plain-clothes security officers in Hargeisa raided a tv station and detained journalists who were hosting a live debate about it; a pop star was arrested after questioning the agreement in song. (The government says neither arrest was related to the deal.) Moustafa Ahmad, a researcher in Hargeisa, says that popular feeling is “very mixed”, combining excitement about recognition, concern about transparency and scepticism about whether Ethiopia will honour its side of the bargain. Meanwhile, in the eastern town of Las Anod, the push for statehood faces its biggest challenge since the formative years of the 1990s. People there have long felt ambivalent about independence, which they say has disproportionately benefited the majority Isaaq clan. Last year leaders in Las Anod declared they wanted to be part of Somalia instead. Mr Bihi tried to shell the city into submission, as more than 100,000 people fled from their homes, only for his army to have been forced to retreat last August. That was “a humiliation”, says Mahmoud Adam Jama (known as Galaal) of the opposition Waddani party. “[Somaliland’s] argument was that we control the territory,” he sighs. “Now we don’t.” Mr Bihi swats away suggestions that he has been too heavy-handed, saying that internal strife is “a stage that all countries go through”. His argument is unlikely to win over critics ahead of the elections in November. In its short history, Somaliland has done better than many nations at forging a degree of consensus and stability. But as it chases recognition abroad, there is still hard work to be done at home. Source The Economist Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu socdo qorshe garoon diyaaradeed cusub looga dhisayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in waqtiyada soo socda magaalada Muqdhisho ay yeelan doonto garoon diyaradeed cusub, oo laga heli karo adeegyada u baahan yihiin dhammaan nuucyada diyaaradaha ee u kala goosha gudaha iyo dibadda dalka. Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha laga hirgalin doono Ceel-macaan, kaasi oo uu sheegay inuu fududeyn doono in laga baxo ciriiriga iyo dhibaatooyinka kale ee hadda ka jira garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. “Istaraatijiyo ayaa u degsan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza, markii xukuumadda la doortay madaxweynaha wuxuu amar ku siiyay in aan la imaano qorshe lagu dhisayo garoon cusub oo ay yeelaneyso caasimadda,” ayuu yiri Mareeyaha oo ka hadlay sida uu ku yimid qorshaha garoonkan cusub. Waxa uu intaas kusii daray “Sahan badan oo ay sameysay hay’adda duulista rayidka waxaa noo hirgashay in aan helno dhul ku habboon garoon cusub in laga dhiso oo la yiraahdo Ceel-macaan, kuna yaala dhul siman oo baddana saaran.” Sidoo kale waxa uu sheegay in garoonka cusub ee la qorsheynayo dhismihiisa uu noqonayo mid baaxad weyn, si taxadar lehna loo hubiyay bad-qabka dhulkaasi, kadib muddo ay darseen jawiga iyo badqabka garoonka Ceel-macaan, isla markaana ay xaqiijiyeen in halkaasi tahay meel ku haboon adeegga diyaaradaha. Si kastaba, garoonka Addan Cadde ee magaalada Muqdisho oo hadda ah kan keliya ee caasimadda leedahay ayaa mararka qaar laga dareema cariiri iyo dhibaatooyin kale oo meesha ka bixi doona haddii garoonka cusub lagu guuleysto hirgelintiisa. The post DF oo shaacisay qorshaha garoon diyaaradeed cusub looga dhisayo Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Switzerland oo ah dal dhexdhexaad ah oo aan ka qayb qaadan dagaalada military ee adduunka ayaa maanta oo Sabti ah marti galinaya shir-madaxeed caalami ah oo looga hadlayo xal u helidda dagaalka Ukraine. Dowladda Switzerland, ayaa shaacisay liiska ka qaybgalayaasha shirka nabadda Ukraine , iyadoo hoggaamiyayaasha shirka ka qaybgalaya uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh. Ruushka ayaa diidday inuu shirkan ka qaybgalo, halka Shiinaha uu ku sheegay shir aan waxtar lahayn, maaddama aysan si siman uga qaybgaleen Ruushka iyo Ukraine , wuxuuna Shiinaha ka baaqsaday inuu wafdi u diro, halka Biden uu doorbiday inuu ka qeybgalo olole lacag aruurinta ah oo lagu qabanayo California, wuxuuna shirka u diray ku-xigeenkiisa. Ukraine ayaa iskudayaysa inay shirkan ka raadiso taageerro, wallow ay hoos u dhigeen dalalkii saameynta ku lahaa labada dhinac oo Turkiga iyo Sacuudiga ay ka mid yihiin. Ruushka ayaana si adag u cambaareeyay shirkan, inta ay socotay qabanqaabadiisa waxaa ay Switzerland, la kulantay weerarro dhinaca internetka, balse ma jirin wax eedeyn ah oo ay u jeedisay Ruushka. Halkan ka akhriso Liiska PUNTLAND POST The post Switzerland oo marti-gelinaysa Shir weyne looga hadlayo xal u helida dagaalka Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Garaadka Guud ee SSC-Khaatumo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa xukuumadda Somaliland uga digay qorshe dagaal oo ay wado. Garaadka ayaa Somaliland uga digay inay soo weerarto Laascaanood oo horey uga baxday gacantooda, isaggoo sheegay in aysan cidna duullaan ku aheyn iyagu, sidaas darteedna looga leexdo deegaankooda, haddii kale ay yaqaanan sida ay isku difaaci lahaayeen. “Inagu geed kale iyo guri kale duulaan kuma nihin, danina nooguma jirto. Laakiinse danteena in aynu ilaashano Ilaahay waa inoo baneeyay waynanu awoodnaa,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali. Waxa uu intaas kusii daray “Walaalaheena waxaanu leenahay duullaan idinkuma nihin ee idinkuna is-celiya.” Sidoo kale waxa uu xusay in Laascaanood iyagu leeyihiin, islamarkaana aysan jirin cid ay ka dhaceen, sidaas darteed uuna cid kale ka qeyb-galineyn, sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Garaadka ayaa imanaya, xilli dhawaan ay Somaliland sheegtay inay qorsheynayso duullaankii ugu weyna ee ay ku qaado Laascaanood, si ay dib ugu soo celiso gacanteeda, xilli ay hadda ka taliso SSC-Khaatumo. Milateriga Somaliland ayaa ku goodiyay inuu markale la wareegi doono qaybaha uu lumiyay ee gobolka Sool, wuxuuna sheegay inuu xitaa dhaafi doono Laascaanood, taasi oo ka dhigan in xukuumadda Muuse Biixi ee muddo xileedkeedu dhamaaday ay duullaanka ku raadineyso dhibco ay doorasho ku gasho. Ciidamada Somaliland ayaa sanadkii tegay ee 2023-ka lumiyay gacan ku haynta inta badan gobolka Sool iyo magaalo madaxda Laascaanood, kadib dagaal billo socday oo ay dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamo si beelaysan u abaabulan ay dagaal la galeen Somaliland, iyada oo ugu dambeyn 2-kii August 2023 laga adkaaday ciidamada Somaliland. Si kastaba, Ciidamada Somailand iyo kuwa SSC-Khaatumo ayaa hadda ku sugan yihiin goobo aan aad u kala fogayn oo gobolka Sool ah, iyada oo dhinacyadu ay hawada isku marinayaan hadallo colaad muujinaya. The post Garaad Jaamac oo DIGNIIN u diray Somaliland xilli ay qorsheynayso… appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan arrimaha nabadda, amniga caalamiga ah iyo ganacsiga. Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay khubaro ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Nabadda Adduunka Interpeace iyo Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO). Madaxweynaha ayaa iftiimiyay dadaallada socda ee dhismaha nabadda Soomaaliya, taas oo ku salaysan aragtidiisa “Soomaaliya Heshiis ah, dunidana heshiis la ah”, waxa uuna xusay caqabadaha gudaha iyo dibedda ee weli saameynta taban ku leh dadaalladaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda in ay xoojiso dib u heshiisiinta iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyey argagixisada, kuwaas oo baahi weyn u qaba adeegyada aas-aasiga iyo isdhexgalka bulsho. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey hay’adaha iyo ururrada ka soo qayb galay kulankan, doorka ay ka qaadanayaan nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, waxa uuna la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, daris-wanaagga iyo horumarka gobolka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo shir-gudoomiyay Kulan ku saabsan Arrimaha Nabadda iyo Ganacsiga Caalamiga ah appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa billowday howlgallo ballaaran oo la’isugu furayo waddooyinka go’doonsan ee isku xira deegaanada maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Howlgal gaar ah oo ay fulisay guutada 8-aad ee qeybta 60-aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howgal sifeyn ah waxay ka sameeyeen wadooyinka xiriiriya gobollada Baay, Bakool iyo Gedo, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in inta uu socday howlgalka lagu burburiyey goobo gabaad u ahaa Al-Shabaab, laguna dhibaateyn jiray dadka rayidka ah. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay si wadi doonaan gulufkooda, isla markaana ujeedka uu yahay in la’isku furo saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Xaaladda deegaanada laga sameeyay howlgalka ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac. Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxaana la filayaa inuu dhowaan gaaro wajiga labaad ee dagaalka ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya. Wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab waxaa lagu xoreeyay deegaano badan oo ku yaalla HirShabelle iyo Galmudug, waxaana khasaare badan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab. The post Howlgal la’isugu furayo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo billowday appeared first on Caasimada Online.
-
Minneapolis (HOL) — Inadequate oversight by the Minnesota Department of Education (MDE) enabled a massive fraud scheme involving Feeding Our Future, diverting over $250 million intended for pandemic children's meal programs, according to a state audit released Thursday. The scheme was described as one of the most significant cases involving pandemic funds and has led to the indictment of 70 individuals, with five recently found guilty. Source: Hiiraan Online
-
BARI, Italy (AP) — The Group of Seven leading industrialized nations turned their attention to migration, artificial intelligence, economic security and the Indo-Pacific region on Friday, the second and final day of their summit in Italy. The G7 leaders stressed their determination to meet global challenges “at a crucial moment in history.” Source: Hiiraan Online
-
London, UK (HOL) —Somali parents in the UK are facing challenges in supporting their children's education due to cultural differences and unfamiliarity with the country's laws, according to experts. Despite access to free education, these challenges lead to developmental delays for Somali students. Source: Hiiraan Online