-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu yahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas oo maalmahaan dambe hadalheyntiisu xiritaanku ay socotay. Kulankaan oo ay isku hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM ayaa lagu gorfeeyay sidii wax looga badeli lahaa nuuca shaqo ee xafiiskaan iyo in gabi ahaanba Meesha laga saaro sida la qorsheeyay. Wadaxaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya, kaas oo muddo dheer kasoo howlgalay dalka intii uu dib u dhiska ku jiray xafiiskaan. Howlaha xafiiska UNSOM ee siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qaramada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood. Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar, dhinaca UNSOM,waxaa Hoggaamiayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, xilli James Swan uu kaga qeybgalay qadka Teleefanka. Gabagabada warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadani astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo dhowaan at ku guuleysatay. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (Caasimada Online) – In Somalia, over the past six years, there has been minimal rainfall or consecutive cancellations of the rainy season. Occasionally, floods have occurred, primarily affecting farmers and herders in rural areas. Aid organizations have warned that Somalia is on the brink of drought, facing the threat of impending famine and floods. These disasters, both natural and exacerbated by climate change and environmental degradation, pose significant risks. Mogadishu residents experienced sporadic rain in the past few hours, which intensified into a heavy downpour today. This sudden rainfall has caused substantial damage. “You can see, from the kitchen, the pantry, the bathrooms to the bedroom, the water is sitting,” said a father carrying his 10-month-old daughter. Another woman living in the Wajir neighborhood of Karaan district had to flee her home. She found temporary rental accommodation in another area, but not everyone can afford this. “There is nothing left of my belongings at home; everything was drowned in the water—documents, certificates, passports, laptops, and other properties that have not yet been counted,” said Nadifo Haji, a mother whose children were saved by her neighbors who volunteered to rescue them. Hassan Mohamed, a recently married young man and a neighbor of the flood victims, told Caasimada Online that all his belongings were flooded. He said, “I have been using this bedding for less than a month.” Disruption of 12th grade national exams Most of the southern regions of Somalia and the Khatumo administrative areas are currently conducting secondary school exams. For Khaatumo, it is the first time since the reunification of the national examination system ten years ago. On the second day of these exams, thousands of students faced slight delays due to heavy rain, which caused significant traffic disruptions. “This morning, I sat here with my clothes wet. I went through a lot of trouble to get here, but luckily, I’m ready for the exam,” said Mohamed Ali Hussein, wiping water from his face with a hopeful smile. “Even for us, it was difficult to get here, but we are committed to our work,” said one of the teachers overseeing the students to ensure they stay focused on their exams. Local government responses to the rain victims Despite the local government collecting taxes from the community, there is no direct relationship between city authorities and the residents. Calls to the authorities went unanswered. “I called the village officer, the district commissioner, and other partners, but none of them answered the calls,” said an elder who declined to be named in the media. This is the story of one village incident, but internally displaced people, who are the most vulnerable, are facing the biggest challenge. Caasimada Online reporters, who have made various contacts with the displaced community, have found that these people have suffered a loss. It can always be expected that the damage will increase as the rain is still falling and the community does not have enough protection. The post Drownings, destruction, and displacement as heavy rains fall in Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia's political turmoil and escalating security threats will be under intense scrutiny on Monday when the United Nations Security Council convenes for an open briefing followed by closed consultations. Acting Special Representative of the Secretary-General for Somalia, James Swan, and Special Representative of the AU Commission Chairperson for Somalia, Mohamed El-Amine Souef, will lead the session. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — In a surprising turn of events, Abdikhafid Mohamed, a rising star for Somalia's national football team, has hung up his boots. The announcement came via a video that sent shockwaves through Somali social media, with fans grappling to understand why such a promising talent would call it quits. Source: Hiiraan Online
-
Kooxda Xizbullah oo weerar culus ku qaaday gudaha Israa’iil
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kooxda Xizbullah ee Lubnaan ayaa sheegtay Axadda maanta ah in diyaarad hubaysan oo aan duuliye la socon ay ku beegsatay goob ciidan oo ku taal waqooyiga Israa’iil. Israa’iil iyo kooxda awoodda badan ee Iran ay taageerto, ee xulufada la Xamaas ah, ayaa si maalinle ah gantaallo isugu weydaarsanayey xuduudda tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday October 7. Hadallka Xizbullah ayaa yimid saacado kadib markii ay daabacday muuqaallo ay ku sheegtay in ay muujinayaan goobo ka tirsan Israa’iil iyo xogtooda, ayada oo ay jirto cabsida laga qabo dagaal aan waxba la iskula harin oo ka dhex qarxa labada dhinac. Xiisadda xuduudda ayaa sare u kacday maalmihii tegay, ayada oo militariga Israa’iil ay ku dhawaaqeen Talaadadii in qorshe weerar culus loogu qaadayo Lubnaan “la ansixiyey oo la sharciyeeyey.” Hoggaamiyahan Xizbullah Hassan Nasrallah ayaa ku jawaabay hanjabaad ah in meel ka mid ah Israa’iil aysan badbaadi doonin haddii dagaal weyn uu billowdo. PUNTLAND POST The post Kooxda Xizbullah oo weerar culus ku qaaday gudaha Israa’iil appeared first on Puntland Post. -
Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas. Kulan gaar ah ayay shalay isku soo hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM,Wada xaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya. Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qarammada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood. Guddiga farsamo ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar. Dhinaca UNSOM, inkasta oo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Danjire James Swan uu khadka telefoonka New York uga qeyb galay, waxaa Hoggaaminayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay Xiritaanka Xafiiska UNSOM appeared first on Puntland Post.
-
Beirut (Caasimada Online) – Kooxda Xizbullah ee Lubnaan ayaa sheegtay Axadda maanta ah in diyaarad hubaysan oo aan duuliye la socon ay ku beegsatay goob ciidan oo ku taal waqooyiga Israa’iil, taasi oo jawaab u ahayd dilka taliye Islaami ah. Israa’iil iyo kooxda awoodda badan ee Iran ay taageerto, ee xulufada la ah Xamaas, ayaa si maalinle ah gantaallo isugu weydaarsanayey xuduudda tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday October 7. Hadallka Xizbullah ayaa yimid saacado kadib markii ay daabacday muuqaallo ay ku sheegtay in ay muujinayaan goobo ka tirsan Israa’iil iyo xogtooda, ayada oo ay jirto cabsida laga qabo dagaal aan waxba la iskula harin oo ka dhex qarxa labada dhinac. Sabtidii, kooxda Jamaaca Islaamiya ayaa ku dhawaaqday dhimashada mid ka mid ah taliyayaasheeda, Ayman Ghotmeh, iyagoo sheegay in lagu dilay “weerar Sahyuuniyad” oo ka dhacay magaalada Khiara ee deegaanka Bekaa ee bariga Lubnaan. Israa’iil ayaa markii dambe xaqiijisay in ay fulisay weerarka, iyadoo sheegtay in Ghotmeh uu mas’uul ka ahaa hub la siiyey kooxda Xoogagga Fajr, oo ah garabka hubaysan ee Jamaaca Islaamiya, iyo Xamaas. Xizbullah ayaa maanta sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay “weerar drone ah” ku qaadeen goobaha hoggaanka militari ee xerada Beit Hillel “ayaga oo ka jawaabaya khaarijinta ay cadowga Israa’iil ka fuliyeen magaalada Khiara. Milatariga Israa’iil ayaa dhanka kale bayaan uu soo saaray ku sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha la socon ay “ka soo gudubtay Lubnaan, kuna soo dhacday agagaarka Beit Hillel”, iyagoo intaa ku daray in “wax dhaawac ah aan la soo sheegin”. Xiisadda xuduudda ayaa sare u kacday maalmihii tegay, ayada oo militariga Israa’iil ay ku dhowaaqeen Talaadadii in qorshe weerar culus loogu qaadayo Lubnaan “la ansixiyey oo la sharciyeeyey.” Hoggaamiyahan Xizbullah Hassan Nasrallah ayaa ku jawaabay hanjabaad ah in meel ka mid ah Israa’iil aysan badbaadi doonin haddii dagaal weyn uu billowdo. Isha: VOA The post Dagaalka Xizbullah iyo Israel oo xoogeystay – Maxay maanta sameeyeen Xizbullah? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Askar hubeysan oo Itoobiyaan ah oo dhanka Feer-feer ka yimid, kuna sii jeeday dhinaca deegaanada Galmudug ayaa shalay lagu celiyay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Itoobiya waxaa dhawaan loo sheegay inay ciidankeeda Soomaaliya ka bixi doona dhamaadka bisha December ee sanadkaan. Laakiin ciidan u muuqday daan-daansi oo aad u hubeysan ayay shalay soo geliyeen dalka. Laba ciidan ayaa Itoobiya horey kaga joogay Soomaaliya, kuwo waxay ka tirsan yihiin howl-galka ATMIS, kuwana sharci darro ayay ku joogaan xad beenaadka. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya weli kama laaban go’aanka ah inay ciidanka Itoobiya ka baxayaan dalka daba-yaqaadda sanadkaan. Waxaase Itoobiyaanka shalay sameeyeen fal ay ku tijaabinayaan dareenka Soomaalida. Ciidan ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan aagga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa celiyay Itoobiyaankii. Dadka deegaanka waxay wariyeen in qarka loo fuulay in labada ciidan isku dhacaan. Warbaahinta maxaliga ah qaar waxay warisay in ciidanka cusub ee Itoobiyaanka ah inay diideen sababta ay u soo galeen dalka, kadibna waxay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku amreen in Itoobiyaanka ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen, ugu dambeyna taas wey aqbaleen. Tan iyo markii ay dib u qaraxday xiisadda labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku suntan 1-dii Janaayo ee sanadkaan iyo heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, waxaa si weyn hoos ugu dhacay wada-shaqeyntii ciidan ee labada waddan. Waxaa aad loo bogaadiyay tallaabaddii ay qaadeen ciidanka dowladda ee ku sugan Matabaan iyo hareeraheeda, waxaase dowladda federaalka ah ee Soomaaliya laga sugayaa inay arrintaasi daan-daansiga ah war kasoo saarto. Dhawaan xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka oo la hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la dejiyo xiisadda gobolka oo loola jeedo midda Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin sida muuqata Addis Ababa iyada ayaa daan-daansi wada. Go’aankii naga laabta ee shalay iyo degmada Matabaan wuxuu sidoo kale muujinayaa feejignaanta ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Maxay ka dhigan tahay in ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya ay dagaal ku sigtaan? appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Laba qof oo midkood uu ahaa cayaartow caan ah ayaa ku geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada sheekh. Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa cabshakuur Boqolle oo ka tirsanaa kooxda cayaaraha magaalada Hargeysa ee lagu magacaabo kooxda maaliyadda,iyo wiil kale oo asna magiciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Yaasiin, kaas oo maamule ka ahaa garoomo kubadda lagu cayaaro oo Soomaaliland ku yaalla. Sababta shilkan gaari keentay illaa hadda lama caddayn, sidoo kale lama xaqiijij inay jiraan dhaawacyo ka dhashay, balse wadada u dhexaysa magaalooyinka Sheekh iyo Burco ayaa ah mid ay shilal aad uga dhacaan, ayadoo la xusuusan yahay in jidkan mara buuraleyda halista badani uu galaaftay dad badan oo halkaa ku safrayay. Source: goobjoog.com
-
Cairo said it will prosecute some 16 travel agencies for illegally taking pilgrims to Mecca. Hundreds are believed to have died during the Muslim pilgrimage this year, the majority being from Egypt. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya ayaa qabatay shir wadatashi ah oo dhawr maalmood socday, kaas oo ku saabsanaa khariidadda tubta, kaas oo lagu arki doono qaab dhismeedkeeda sharci oo la waafajinayo kuwa bulshada Bariga Afrika (EAC) si ay awood ugu yeelato inay ka faa’iideysato urur goboleedka. Kulanka oo socday muddo hal toddobaad ah, ayna ka soo qayb-galeen wufuud dawladeed oo ka socday dalalka bah wadaagta la ah ee EAC, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo samayn lahaa khariidad dhammaystiran oo ku aaddan ka mid noqoshada Soomaaliya ee EAC, taasoo astaan u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca xoojinta iskaashiga gobolka iyo is-dhexgalka dhaqaalaha. Shirkii ka dhacay magaalada Nairobi 17-kii ilaa 20-kii bishii June oo uu shir guddoominayay ku-xigeenka xog-hayaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Bariga Afrika ee Koonfurta Suudaan, Beny Gideon Mabor, ayaa Soomaaliya loo mariyay afarta tiir ee sharciga EAC, si ay awood ugu yeelato inay waafajiso dastuurkeeda. Waxaana kamid ah waxyaabaha muhiimka ah ee xag dhaqaale ahaan laga wada shaqayn doono, islamarkaana shuruucda diiradda lagu saari doono 4 tiir oo kala ah Midowga Kastamada, Suuqa Guud, Ururka Lacagta iyo Xiriirka Siyaasadeed. Dhankeeda, Soomaaliya waxay dejisay khariidad-hawleed loo marayo is-dhexgalka EAC Wafdiga Soomaaliya waxaa hogaaminayay Dr Abdusalam H Omer oo ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan EAC. Soomaaliya oo dhowaan kamid noqatay Ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada bariga Afrika ayaa weli ku howlan buuxinta hannaanka kamid noqashada ururkaas, gaar ahaan hab-dhismeedka dhaqaalaha iyo sharciga. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa,(Qaran news)- Musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa laba todobaad ka hor isaga oo kaftamaaya sheegay xaga uu isagu ku dhashay. Waxana uu Cirro xiligaas sheegay in uubku dhashay Cisbatalka magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxana uu hadalkiisa raaciyay in aan la garanayn xaga uu Muuse Biixi uu ku dhhashay. Hadaba waxa kuu cad in tuuryadaas Cirro gaadhay meel fog, waxana isla su’aashii Cirro lagu soo daray imtixaanada dugsiyadda oo hada ka socda dalka oo dhan. Waxana la waydiiyay halka uu Muuse Biixi ku dhashay sida ku cad warqada imtixaanka ee hoos taala waxan uu arday ka mid ah ardaydii imtaxaanka galay uu uu su’aashaasi kaga jawaabay in uu Muuse Biixi Cabdi uu ku dhashay Xarshin oo ah dawlad deegaanka Somaalida Itoobiya. Qaran News
-
Gunmen kill Quran teacher and his wife near Dhusamareb town
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dhusamareb (HOL) - Gunmen killed a Quran teacher and his wife in a small village near Dhusamareb, the administrative capital of Galmudug state, on Saturday night. Source: Hiiraan Online -
Xildhibaan Yaasiin Axmed Maxamuud oo ku soo biiray mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa saaka loo dhaariyay xilkaasi. Xildhibaan Yaasiin Axmed ayaa beddelay walaalkiis alle ha u naxariistee marxuum Cali Axmed Maxamuud oo bishii hore ku geeriyooday shil gaari. Xubin katirsan Maxkammada sare ayaa Xildhibaanka cusub dhaariyey kadib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha oo uu buuxiyey shuruudaha soo xulista Xildhibaannimo. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa Xildhibaanka kusoo dhaweeeyey Golaha Wakiillada, isagoo u rajeeyey inuu guto waajibaadka ku qoran Dastuurka iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada. PUNTLAND POST The post Xildhibaan Yaasiin Axmed Maxamuud oo saaka loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay ka dib markii gaari xamuul ah uu wadada ka baxay oo uu ku dhacay mooto iyo dad lugeynayay deegaanka Timau ee ismaamulka Meru ee dalka keenya, sida uu shaaciyay Booliiska. Booliska ayaa sheegay in dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay isbitaallada gobolka, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta, gaariga xamuulka ah ayaa ka soo yimid Meru, asagoo ku sii jeeday Timau markii darawalku uu xakameyn waayay. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira afar rag ah, seddax dumar ah i, waxaana ka mid ahaa darawal mooto bajaaj oo la sheegay in uu dhintay markii la geeyay isbitaalka degmada Timau, shilalka baabuurta ayaana ku badan dalkaasi keenya. Source: goobjoog.com
-
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen laba markab oo midkood uu yahay markab dagaal oo laga leeyahay Mareykanka, halka mid mid kalena uu ku sii jeeday Israa’iil. Afhayeenka garabka milatariga kooxda Xuutiyiinta yaxye saree ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in markab xamuul ah oo uu ka dul babanaya calanka Liberia, laguna magacaabo Transworld Navigator ay si toos ah gantaalada ballistic-ga ugu garaaceen, asagoo maraya badda Carabta. Markabka waxaa la beegsaday sababtoo ah shirkadda iska leh ayaa ku xadgudubtay mamnuucida soo galitaanka dekedaha la haysto ee Falastiin,” ayuu yiri yaxye saree, isaga oo tilmaamay in dhammaan maraakiibta u socda Israa’iil ay bartilmaameedsan doonaan. Saree ayaa sidoo kale sheegtay in weerar loo adeegsaday gantaalada ballistic-ga iyo kuwa loo yaqaan cruise-ka ay ku qaadeen markabka militari ee USS Eisenhower, kaasoo hogaaminayay howl-galada ciidamada badda Mareykanka ee gobolka tan iyo markii uu bilowday dagaalka marinka Qasa. Weeraradan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhowaan degay markab lagu magacaabo MV Tutor, kaas oo gantaallo lagu garaacsy ayay sababeen inuu dab qabsado, waxaana muuqanaysa in kooxdu ay laba laabeen weerarada ka dhanka ah maraakiibta xariirka la leh Israa’iil iyo Mareykanka. Source: goobjoog.com
-
Magaalada Muqdisho waxaa xalay saqdii dhexe illaa haatan ka da’ay roob lixaad leh oo isku socadka dadka iyo gaadiidka, iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa magaalada saameyn weyn ku yeeshay, xilli lagu jiro bilaha Xagaaga. Roobka oo ku dhawaad 6 saacadood xariir ah magaalada ka da’ay ayaa ah mid kamida roobabkii ugu xooganaa ee sanadahan ka da’a caasimadda, ayadoo dad badan oo shaqooyin iyo danaha kale u bixi lahaa ay guryaha ku xannibanyihiin, jidadkana ay daadadka mahiigaanku jareen. Qaar kamid ah gaadiidlayda magaalada oo aan la hadlayna ayaa inoo xaqiijiyay in dhqdhaqaaqa dadka iyo baabuurtu ay aad u xadidanyihiin oo waddooyinka intooda badan ay biyo fadhiyaan, daadadkuna ay rogmanayaan. Sidoo kale ardayda imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad galaya, gaar ahaan kuwa degmooyinka fog fog ka yimaada ayuu roobku saameeyay, maadaama ay jidadka intooda badani go’anyihiin, roobkuna uu weli da’ayo. Si kastaba ha ahaatee weli lama soo warin waxyeello nafeed oo roobka ka dhalatay, balse waxaa laga cabsi qabaa in dadka danta yar ee goobaha barakacayaasha ku nool, ama guryaha qadiimiga ah degan oo uu saameyn taban ku yeesho. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Iiran ayaa lagu eedeeyay inay gadaal ka dabada sidii Xuutiyiinta dalka Yemeniinta ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Saraakiil katirsan sirdoonka Maraykanka oo qariyay magacooda in la xuso ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in Iiran ay qeyb ka tahay qorshaha Xuutiyiintu hub ku siin karaan kooxda Al-Shabaab. Warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka ee AFP ayaa lagu sheegay in Iiran ay doonayso inay xoojiso saamaynteeda gacanta Cadan, si weerraro ka dhan Maraykanka looga geysto halkaas. Mareykanka ayaa hore uga digay iskaashigan suurtagalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay. Sirdoonka Maraykanku waxa uu sare u qaaday suurtagalnimada in arrintaan ay ugasii dari karto xaaladda Soomaaliya, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo Xuutiyiintu ay weerraro joogto ah ku hayaan maraakiibta ganacsiga iyo hantida ciidamada Maraykanka tan iyo dagaalka Gaza. Maraykanka waxa uu sheegay in qorshaha Iiran ay ku doonayso in Xuutiyiintu ay al-Shabaab siiyaan ilo cusub oo hub ah, ay keeni karto in Alshabaab ay gacanta u galaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si ay ugu weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka. Source
-
Israa’iil Oo Duqeymo Hor Leh Ku Dishay 45 Falastiiniyiin Ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ugu yaraan 42 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil Sabtidii shalay ku bartilmaameedsadeen degmooyin ku yaalla waqooyiga Marinka Gaza. Ismail Al-Thawabta oo ah agaasimaha xafiiska warfaahinta Xamaas ee Gaza ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay, in 24 kamid ah dadka dhintay lagu dilay madaafiic lagu garaacay guri ku yaalla xerada qaxootiga Al-Shati oo mid ah sideed kaam ee taariikhiga ah ee qaxootiga Gaza, 18 kale ayuu sarkaalkani sheegay in ay ciidamada Israa’iil ku dileen xaafadda Al-Tuffah. War kasoo baxay millatariga Israel ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda ay duqeeyeen laba xarun oo ay Xamaas ku leeyihiin Marinka Gaza. Waxay sheegeen in ay dhawaan bixin doonaan faah faahin dheeri ah. Hamas ayaase beenisay oo sheegtay in weerarkaasi lala beegsaday dad rayid ah isla markaana wacad ku maray in Israa’iil ay ka shallaay doonto waa sida ay hadalka u dhigeene. Duullaanka Isra’il ee Gaza ayaa billowday horraantii bishi October ee sannadki hore, kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Israa’iil halkaas oo ay ku dishay in ka badan 1,200 isla markaana soo afduubatay boqollaal kale, hase yeeshee muddo siddeed bil kaddib, Isra’il ayaa Gaza ku dishay in ka badan 37 kun oo ruux oo Falastiiniyiin u badan dumar iyo carruur. Source -
Golaha Wakiilada Puntland ayaa Maanta oo Axad ah shaaciyay Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhigooda 54 aad oo furmay 15 bishaan June Ajandaha Rasmiga ee Kal-fadhiga 54aad oo ka kooban 11 Qodob ayaa waxa ku jira Qodob ku saabsan ka doodista Arrimaha Khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland. Ajandaha waxa sidoo kale ku jira Qodoba kale oo muhiim ah uuna ku jiro ka doodista Qulqulka Muhaajiriinta soo gala Puntland kuwaas oo inta badan ka yimaada dalka Itoobiya. Ajandaha Rasmiga ee Kal-fadhiga 54aad ayuu shalay ansixiyay Baarlamaanka kadib markii uu Qodob Qodob ugu codeeyay waxaase si rasmi ah loo shaaciyay Maanta. PUNTLAND POST The post Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland oo Maanta la shaaciyay appeared first on Puntland Post.