Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madax qaybta cuntada iyo calafka xoolaha ee qasaaradda Xaanada Xoolaha Dr. Mowlid Abdullahi Dahir ayaa ka warbixiyey kulanka iyo sababaha loo qabtay. Mr. Mowliid ayaa sheegay in shirkaan muhiimadda loo qabtay ay tahay in lagu hormariyo wax soosaarka cuntada iyo calafka Xoolaha. Halkan hoose ka dhegayso wareysiga Madaxa wax soo saarka ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha DFS Mowliiid Cabdullahi. Source: goobjoog.com
  2. Taliska ciidanka booliska Soomaliyeed ayaa magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad gobolleedka Puntland ka dejiyey eedeysane maalin ka hor laga soo qabtay gudaha dalka Kenya. Hoggaanka xiriirka dibadda (Interopl) ee boliiska Soomaaliyeed ayaa saaka aroortii diyaarad ku qaadey eedeeysane Maxmed Cumar Ciise oo horay u dilay Marxuum Maxamed Axmed Faarax. Eedeysanhaan ayaa lagu wareejiyey laamaha amaanka gobolka Nugaal, si loo horgeeyo Maxkamada loona marsiiyo Cadaaladda. Booliska Soomaaliya oo wada shaqayn la leh hay’adaha amniga ee dalalka geeska Afrika iyo dunidaba ayaa dhowr gacan ku dhiigle horay uga soo xiray dalalka dibadda sida koofurta Suudaan iyo keenya. Source: goobjoog.com
  3. Dhusamareb (HOL) - Somali security forces, supported by local clan militia, killed seven al-Shabab militants near the Eldher district in Galmudug State following a joint anti-al-Shabab operation. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay munaasabadda 26-ka June ayaa ka hadlay arrimo ku aadan midnimada, isagoo soo hadal qaaday maqnaashaha Somaliland. Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday inuu ka shaqeeyo midnimada dalka iyo sidii loo soo celin lahaa gobollada waqooyi, si ay mar kale u midowdo Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu diyaar u yahay inuu xilka uga tego arrinta midnimada, gaar ahaan soo celinta Somaliland oo haatan dooneysa inay ka go’do dalka. “Xilkeyga xittaa diyaar baan u ahay inaan uga tago in Somaliland kusoo noqoto midnimada Soomaaliya” ayuu ku yiri khudbadda uu xalay jeediyay madaxweynaha Soomaaliya. Dhinaca kale waxa soo hadal qaaday xiisadda taagan ee ka dhalatay heshiiska badda, wuxuuna sheegay in aysan ogolaan doonin in qeyb kamid dhulka Soomaaliyeed la gooyo. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in aysan kasoo horjeedin in Somaliland heshiisyo ganacsi iyo maalgashi ay la sameysato adduunka, balse waxa uu tilmaamay inay diidan yihiin in la iibsado badda iyo dhulka Soomaaliyeed, waxna loo dhimo midnimada dalka. “Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan labada dhinac ay ka dhexeyso xiisad xoogan, waxaana uga sii dartay heshiiska badda ee Itoobiya, kaas oo ay diiday dowladda dhexe, kuna tilmaamtay inuu xadgudub ku yahay madax banaanida dhuleed ee dalka. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay inuu xilka ka tegayo haddii Somaliland… appeared first on Caasimada Online.
  5. Waxa maanta magaalada Viena ee dalka Austria heshiis kula saxiixday Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee OPEC iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige heshiiskaas oo xal looga gaaray deymo Sanduuqa OPEC uu ku lahaa Soomaaliya oo dhan $36 Milyan. Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen ayaa waxaa kaalin muhiim ah kulahaa Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wadahadalada xalka looga gaaray deyntaan iyo waddii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska ay kaalin muhiim ah ku lahayd fududeyntiisa Dowladda Sacuudiga oo uu uga mahacelceliyay. “Waxa aan heshiis ka gaarnay maanta Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan. Waxa aan ka mahadcelineynaa taageerada Dowladda Sacuudiga ee fududeysay dhabaha loo maray xalinta deyntaan. Tani waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada Deyn Cafinta Soomaaliya, ee lagu guuleystay ee taageeraya xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan. Heshiiskaan maanta ay magaalada Viena ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo wadaxaajoodyo iyo heer kala duwan oo shirar ah soo maray ayaa uga dhigan Soomaaliya in ay fursad u heli doonto mustaqbalka dhaw in ay qayb ka nqooto deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si la mid ah dalalka soo koraya sida Soomaaliya gaar ahaan Afrika. Source: goobjoog.com
  6. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay danjiraha cusub ee Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Richard H. Riley, iyaga oo ka wada hadlay danaha labada waddan iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu socday kulanka waxa uu ka warbixiyay siyaasadda guud ee Xukuumadda Dan Qaran, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyo horumarrada laga sameeyay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay. Mudane Xamsa waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay waddo Qorshaha Isbeddelka Qaran (National Transformation Plan), kaasi oo ku saleysan hawlaha ahmiyadda u leh Xukuumadda, sida xoojinta dowlad wanaagga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyada oo door muuqda ay ku leeyihiin ganacsatada iyo maalgashatada Soomaaliyeed si ka duwan qaabkii hore. Ra’iisul Wasaaraha ayaa markale caddeeyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan heshiis ku sheeggii sharci darrada ahaa ee Ethiopia, oo uu sheegay in marnaba Soomaaliya aanay oggolaan doonin taako ka mid ah dhulkeeda. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay Iskaashi Ganacsi, Dhaqaale, Amni iyo Isdhexgal, balse aanay marnaba aqbali doonin ilaa Ethiopia ay ka laabato damaceeda gurracan. Danjiraha Mareykanka Mr Riley ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha isdaba joogga ah ee ay ku tallaabsatay ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isagoo ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025 – 2026. Safiirku waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga, arrimaha gargaarka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in shirkadaha Mareykanka ay si gaar ah u daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo halyeeyadii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay Ummadda Soomaaliyeed ka mudan yihiin geesiyaashii u soo halgamay Xorriyadda dalka ayaa mid mid u dul istaagay tabbeelayaal lagu xardhay taariikhda qaar ka mid ah Halgameyaashaasi, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay ilaalinta midnimada, dal jaceylka, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si looga miradhaliyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna. Taallooyinka dhagax tuur, SYL, Axmed gurey, Sayidka, Xaawo taako, iyo daljirka dahsoon ayaa dhammaantood u taagan halgamayaal Soomaaliyeed oo naftooda u huray calanka, madax-bannaanida, iyo ciidda dalka, waxaana lagama maarmaan ah in la xasuusto oo loo duceeyo. Source: goobjoog.com
  8. Mogadishu (HOL) – Somali government has secured an agreement with the OPEC Fund for International Development to settle an outstanding USD 36 million debt. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare kux-igeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobollada waqooyi ayaa xalay khudbad xasaasi ah oo hadal-heyn badan dhalisay ka jeediyay munaasabadda 26 June oo lagu qabtay Muqdisho. Saalax oo ku hadal qabsaday hoggaamiyaha SSC Cabdulqaadir Firdhiye oo meesha fadhiyay ayaa ugu yeeray “GUDDOOMIYE” isaga oo ka hadlay taariikhda Somaliland iyo maalinta qaran ee 26 June oo ah markii ay xoroobeen gobollada waqooyi 64 sano kahor. “1960 markii gobonimada la qaadanayay dareenkii jiray ma ahayn kan maanta jiray ee dadka lagu cabirayo, sida uu sheegay guddoomiye Firdhiye, gabaygana ay ka muuqatay AUN abwaan Kadiye xilli dadku quluubtoodu iyo rabitaankooda uu mid ahaa” ayuu ku yiri qayb kamid ah khudbaddiisa ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale isaga oo ka hadlayayu midnimada ayuu sheegay in loo baahan dhab ka hadal, si loo soo celiyo Somaliland oo haatan dooneysa inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale. “Dhab ka hadla siyaaadeed ayaan u baahanay si loo baadi goobo dadkaasi waa dadkii taariikhda midnimada ku suntanaa oo iyagu keenay halkan door wayn ayaan ka qaadan doonaa in midnimada la baadi goobo” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenku. Dhinaca kale hadalka kasoo yeeray mas’uulkan Soomaaliyeed ayaa dhaliyay caro xoogan, waxaana ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada. Qaar kamid ah dadka ka hadlay arrintan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Firdhiye oo meesha joogay, isla-markaana metal SSC loogu yeero ereyga guddoomiye, halka qaarkood ay tilmaameen inuu Saalax ka hadlay arrimo xasaasi ah oo jiro Maxamed Maxamuud “Waxaan qac waa dhaftay guddoomiye Fidhiye kulaaha isagoo hortiisa fidhiyo”. Abdirashiid Cawil “Reerkaada ku-matasho ee kuma matashid SSC-Khaatumo ee waxaa metala wixii Somalinimada ogol oo u horeeeyo Xasan iyo Xamza”. Amiin Cabdiraxmaan ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Gudoomiye kulaha Aar wuxu garacsana”. Cabdiqani Cali Nuur “Waxan marqaati ka ahay nin siyaasi ah inuu yahay oo dadkiisi soo celin karo”. Najmo Cabdiraxmaan ayaa iyaduna tiri “Gudoomiye Firdhiye miyuu yiri war ninku geesisanaa?”. The post Daawo: R/W ku-xigeenka oo guddoomiye ugu yeeray Firdhiye iyo caro ka dhalatay appeared first on Caasimada Online.
  10. Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta lagu wareejiyay eedaysane loo haysto dil hore uga dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay maanta la wareegeen oo garoonka diyaaradaha Garoowe laga soo dejiyay eedaysanaha oo baxsad ahaan ugu cararay dalka Kenya “Taliska Qaybta booliska Gobolka Nugaal ayaa maanta lawareegay eedeysane baxsad ahaa oo si dhuumaaleysi ah ugu gudbay dalka Kenya,kaas oo maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Garowe” ayaa lagu yiri Qoraalka. Maxamed Cumar Ciise oo ku eedaysan dilka marxuum Axmed Cabdullaahi Maxamud Faarax kaasi oo Garoowe ka dhacay 17 May 2023 waxaana soo qabashadiisa iska kaashaday Booliska Adduunka ee Interpol iyo ciidanka Booliska Puntland. “Eedaysane Maxamed Cumar Ciise ayaa ku eedeysan dilka marxmuum Axmed Cabdullaahi Maxamuud Faarax oo 17-05-2023 ka dhacay magaalada Garowe waxaa qabashadiisa iska kaashaday Ciidanka Booliska Aduunka ee Interpol,Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Mumin Abdi Shire,Laanta Danbi batista CID ee Gobolka Nugaal iyo Eheladda eedaysanaha”. Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa sidoo kale sheegay Maxamed Cumar Ciise oo ku eedaysan dilka marxuum Axmed Cabdullaahi Maxamud Faarax dhawaan la horgeyn doono Maxkamadda Awoodda u leh kiiskiisa. PUNTLAND POST The post Booliska Adduunka ee Interpol oo Booliska Puntland ku wareejiyay eedaysane dil loo hayso oo baxsad ahaa appeared first on Puntland Post.
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxwweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan heshiiska badda ee uu maamulkiisa la galay dowladda Itoobiya, kadib khudbad uu ka jeediyay munaasabad ka dhacday Hargeysa oo loogu dagaal-dagayay 26-ka June oo ah marka ay xoroobeen gobollada waqooyi dalka.. Muuse ayaa shaaciyay go’aankooda kama dambeysta ee ku aadan heshiiska badda oo muran badan dhaliyay, kadib markii ay ka caroortay dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku adkeystay inay dhaqan-gelin doonaan, isla markaana u beddali doonaan heshiis rasmi ah. Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Hargeysa iyo Addis Ababa ay ka go’an tahay in heshiiskaas uu hirgelo, isla markaana ay mar kastaa diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa. “Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka go’an in Agree-ga la saxiixo kadibna MoU-ga loo beddalo xeer oo uu dhaqan-galo” ayuu khudbadiisa yiri madaxweynaha maamulka Somaliland. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Aroorta haddii ay qolada kale diyaar tahay annaga diyaar ayaa nahay waa dal ballaaran mana jiro wax ka noqosho ah”. Dhinaca kale madaxweyne Biixi ayaa soo qaaday arrinta ictiraafka oo Somaliland ku qasbay inay badda ku wareejiyo Itoobiya, waxayna uga beddalay heshiiska ay wada gaareen. Biixi ayaa sheegay in Somaliland iyo dadkeeda ay haystaan fursad muhuum ah oo lagu aqoonsan karo, wuxuuna ku faanay in dalal badan ay daneynayaan Somaliland. “Ictiraafku waxaa weeyey in adigu dadk ku qiimeeyo oo uu ku baahdo, ilaaheyna intaas waa na siiyay dalka meel aynu wada ognahay oo maanta adduunka nin weliba Juquraafi ahaan baahan yahay weeye” ayuu mar kale ku yiri khudbadiisa madaxweyne Muuse Biixi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli Soomaaliya ay diidan tahay heshiiska Abiy uu la galay Biixi, kaas oo dhaliyay inay qaraxdo xiisad u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. ‘ The post Muuse Biixi oo shaaciyay go’aanka kama dambeysta ee heshiiska badda (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  12. The European Union is working with Arab states to push forward a peace plan between Israel and Palestine once the Gaza war is over, and perhaps even sooner, a senior EU diplomat has told The National. Source: Hiiraan Online
  13. Tartamayaashu waa in aanay carqaladayn doorashada. Way u siman yihiin tartamayaashu arimaha doorashada. Ma jiro mid ama koox tartanka ku jirta oo iyadu u leh awood iyo xaq inay sheegto ama yeedhiso sida doorashada loo gelayo iyo waxa lagu gelayo. Taasi haddii ay dhacdo waxa ay su’aal gelinaysa xaqnimada iyo madax banaanida doorashada. Doorashada soo socotaa waxa ay ku timi is af-garad siyaasadeed oo lagu dejiyay xaalad colaadeed oo keentay iska hor imaad hubaysan. Wax kasta oo raad arooryo dib u raacaya ama ku soo kordhinaya geedi socodka doorasho xaraf aan hore ugu jirin waa hallis keeni karta wax aan hadhow waxba laga qaban karin. Cid kasta oo Somaliland lexjeclo ka leh oo maankeedu caadi yahay waxa saaran waajib ah in doorashadu ku dhacdo si habsami ah oo aan lagu furin buuq iyo wareer hor leh. Wixii laga heshiiyay yaan cidi dib u soo gocan. Gar dabadeed baan guu guu nacay. Guuleed Dafac Qaran News
  14. Tartamayaashu waa in aanay carqaladayn doorashada. Way u siman yihiin tartamayaashu arimaha doorashada. Ma jiro mid ama koox tartanka ku jirta oo iyadu u leh awood iyo xaq inay sheegto ama yeedhiso sida doorashada loo gelayo iyo waxa lagu gelayo. Taasi haddii ay dhacdo waxa ay su’aal gelinaysa xaqnimada iyo madax banaanida doorashada. Doorashada soo socotaa waxa ay ku timi is af-garad siyaasadeed oo lagu dejiyay xaalad colaadeed oo keentay iska hor imaad hubaysan. Wax kasta oo raad arooryo dib u raacaya ama ku soo kordhinaya geedi socodka doorasho xaraf aan hore ugu jirin waa hallis keeni karta wax aan hadhow waxba laga qaban karin. Cid kasta oo Somaliland lexjeclo ka leh oo maankeedu caadi yahay waxa saaran waajib ah in doorashadu ku dhacdo si habsami ah oo aan lagu furin buuq iyo wareer hor leh. Wixii laga heshiiyay yaan cidi dib u soo gocan. Gar dabadeed baan guu guu nacay. Guuleed Dafac Qaran News
  15. England and Denmark advanced into Euro 2024 last 16 as top two teams in Group C despite being held to a goalless draw by Slovenia and Serbia respectively. Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa ku dhaawaqay in uu ka laabtay Sharcigii Maaliyada ee Banaanbaxyada rabshadaha sababay ka dhaliyey Dalka Kenya isaga oo sheegay inuu u tanaasulay Shacabka Kenya. “Dadweynuhu waxay ku adkaysanayaan baahida aan u qabo inaan sameyno tanaasulaad badan , dadku way hadleen…. Annigoo si aad ah u dhageysanaya dadka Kenya oo cod dheer ku sheegay in aysan dooneyn sharciga Maaliyadda, waan aqbalay sidaas darteed ma saxiixi doono sharciga maaliyadda 2024 kadibna waa laga laaban doonaa.” ayuu Madaxweyne Ruto. 22 qof ayaa shalay oo keliya ku dhintay dibad-baxyada Kenya, waxaa sidaas maanta sheegay urur u dooda xuquuqda aadanaha oo dowladda ay maal-geliso, kaasi oo wacad ku maray baaritaan lagu sameeyo wax uu ku qeexay “dhimashadii ugu badneyd ee mudaaharaadyo ka dhasha hal maalin.” “Waxaan diiwaan gelinay dhimashada 22 qof…waxaan qorsheyneynaa in aan bilowno baaritaan,” ayay tiri Roseline Odede, oo ah guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha Kenya. Sarkaal ka tirsan Isbitaalka Kenyatta ee Nairobi ayaa Arbacada maanta ah sheegay in halkaas “lagu daweynayo 160 qof, oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo fudud, halka qaar kalena ay qabaan dhaawacyo rasaas.” Dhinaca kale, boob iyo bililiqo ayaa laga soo weriyey Nairobi iyo deegaano kale, halka dab la qabad siiyey dhismooyin ku yaalla magaalada Eldoret ee uu ku xooggan yahay madaxweyne William Ruto. PUNTLAND POST The post Madaxweyne William Ruto oo ka laabtay Sharcigii Maaliyadda ee sababay Mudaharaadka Kenya appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub e Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Richard H. Riley ayaa ka wada-hadlay danaha labada waddan iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka. Ugu horreyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa safiirka la wadaagay go’aanka Soomaaliya ee xadgudubka Itoobiya iyo sidoo kale warbixin ku aadan siyaasadda guud ee xukuumadda, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshad iyo horumarrada laga sameeyay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa caddeeyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan heshiis ku sheeggii sharci darrada ahaa ee Ethiopia, oo uu sheegay in marnaba Soomaaliya aanay oggolaan doonin taako ka mid ah dhulkeeda. Waxa uu intaa raaciyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay Iskaashi Ganacsi, Dhaqaale, Amni iyo Isdhexgal, balse ay ku xiran tahay, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin ilaa Ethiopia ay ka laabanayso damaceeda gurracan. Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaraha la wadagaay safiirka in xukuumaddiisa ay waddo Qorshaha Isbeddelka Qaran (National Transformation Plan), kaasi oo ku saleysan hawlaha ahmiyadda u leh Xukuumadda, sida xoojinta dowlad wanaagga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyada oo door muuqda ay ku leeyihiin ganacsatada iyo maalgashatada Soomaaliyeed si ka duwan qaabkii hore. Dhankiisa danjire Mr Riley ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha isdaba joogga ah ee ay ku tallaabsatay ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isagoo ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025 – 2026. Safiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga, arrimaha gargaarka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in shirkadaha Mareykanka ay si gaar ah u daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya. Richard H. Riley oo todobaadkan uun laga guddoomay warqadaha aqoonsiga ee danjirenimo ayaa maalmihii u dambeeyay waday kulamo uu la qaadanayo madaxda Soomaaliyeed, waxaana kulankii ugu dambeeyay uu shalay la yeeshay Aadan Madoobe. The post Soomaaliya oo la wadaagtay Mareykanka go’aan culus oo xiisadda Itoobiya ee badda appeared first on Caasimada Online.
  18. Maanta waxay ku beegantay 26-ka juun oo ah kolkii ay Soomaalidu ka hoos baxeen labadii gumeysi ee amminta dheer silcinaayay midkood, islamarkaana Calan gobanimo astaan u ah laga taagay goob geyiga Soomaaliyeed kamida. Gobollada waqooyi ee dalka ayaa maanta oo kale 64 sano ka hor madax-bannaanidooda ka qaatay gumeystihii Ingiriiska, xilligaas oo ku beegan sanadkii 1960-kii, waana dharaar muhiim ah oo dadka soomaaliyeed ku weyn. Sanad walba markii la gaaro maalintan waxaa la qabtaa munaasabado dabaaldeg ah oo lagu xusayo dharaarta kamida ah ciidaha dad Soomaaliyeed, islamarkaana abde iyo muunad weyn u leh. Suugaanta maalinta iyo kuwa xega oo todobaadka madax-bannaanida dalka ku astaysan ayaa waxaa kamid ah Geeraarka caanka ah ee Cabdullaahi Suldaan timacadde uu beerta xorriyadda ee magaalada Hargeysa ka jeediyay 1960-kii, 26-kii juun. Suugaanta kale oo xul kamida maalmahana sida gaarka ah loo dhageysto waxaa kamid ah heesaha calanka oo ay ugu horayso midda ay dhextaalka u tahay qolo calankeedu waa cayn, oo uu sameeyay Abwaan Cabdullaahi Maxamuud maxamed oo Cabdullaahi Qarshe ku magac dheeraa Allaha u naxariistee. Sidoo Kale waxaa kamid ah heesta maandeeq oo uu xoriyay oo uu curiyay Abwaan Saxardiid Maxamuud Jabiye Allaha u naxariistee, uuna qaado Hoobalkii Weynaa ee maxamed Axmed Kuluc. Waxaa kale oo heesaha xorriyadda kamid ah heesta caanka ah ee goormaan ladnaanay oo uu sameeyay Abwaan Siciid Xarawo oo hadda Muqdisho ku nool. Dhammaan haldoorka suugaantan xoriyay oo uu ku jiro halgamaagii calanka sameeyay Maxamed Cawaale Liibaan ayaa haatan mootan oo sanado hore dhintay, marka laga reebo Abwaan Siciid Xarawo oo qudhiisu jeerkan gabow la tiicaya, waxayna inaga mudanyihiin duco iyo ku dayasho. Source: goobjoog.com
  19. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku tilmaamay dibadbaxyadii dhacay salaasadii shalay ee lagaga soo horjeeday cashuur kordhinta, aynu ku galeen baarlamaanka iyo xarumaha kale ee dowladda kuwo khiyaamo qaran ahaa. Waxa uu ka digay in tallaabo laga qaadi doono dibadbaxayaasha rabshadaha sameynaya. Inta la xaqiijiyay 6-qof ayaa ku geeriyootay in ka badan 100-qofna waa ay ku dhaawacmeen, laakiin tiradaasi waxay u badan tahay inay sii korodho. Khudbad uu jeediyay Mr. Ruto ayuu ku sheegay in dadka mudaaharaadaya ay yihiin dambiilayaal halis ah, wuxuuna digniin culus u diray dadka qabanqaabiyeyaasha dibadbaxayada ah. Source
  20. Ciidanka xoogga dalka ayaa saakay weerar ku qaaday deegaanka Baraag Sheekh Cabdullahi, oo u dhaxeeysa Ceeldheer iyo Cowswayne. Deegaankaan 36 KM u jira Ceeldheer ayaa waxaa joogay kooxda Al Shabaab. Weerar oo ku bilowday toogasho gaadmo ah oo XDS ay sameeynayeen ayaa isku badalay dagaal toos ah waxaana Shabaab looga dilay ilaa 7 Xubnood. Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in ay soo furteen ilaa Saddex qori iyo agab kale oo heysteen Kooxda. Shabaab ayaa deegaanka laga saaray. waxaa hadda joogga Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka wadda howlgallo. Maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah Kooxda Shabaab ee ka socda Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. Source: goobjoog.com
  21. Taliska Ciidamada Millatariga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degaanka Cali Cadhoole oo qiyaastii 33KM dhinaca waqooyi ka xiga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. Taliyaha Guutada Khaalid Bini-Waliid ee Ciidamada Millatariga Soomaaliya G/dhexe Maxamed Dhega Weyne oo hadal kooban siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in Hawlgalkaasi lagu dilay ilaa 7 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab. Taliye Dhega weyn ayaa sidoo kale sheegay in Hawlgalka Hub iyo Saanad Ciidan looga furtay Maleeshiyaadka Al-shabaab islamarkaana lagu burburiyay Fariisimo ay ku lahaayeen degaankaasi Cali Cadhoole oo qiyaastii 33KM dhinaca waqooyi ka xiga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. Taliyaha Guutada 24-aad Khaalid Binu Waliid G/Dhexe Maxamed Dhegaweyne ayaa intaasi ku daray in iyagoo kaashanaya ciidamada Macawisleey ee degaanka ay fuliyeen howlgalkaas afjarka ah oo u dhacay sidii loo qorsheeyey. PUNTLAND POST The post Millatariga Soomaaliya oo ka warbixiyay Hawlgal ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.