-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A CCTV camera installed on a retail outlet in a Mogadishu market. Mogadishu (PP News Desk) — Several months ago, the Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) issued instructions obliging retailers, wholesalers, and business outlet owners in Mogadishu to install CCTV cameras on their premises. Businesses were initially reluctant to follow these instructions from NISA. However, threats of heavy fines for non-compliance caused the number of CCTVs installed in shops and food stores to increase rapidly. By issuing the directive, NISA failed to consider the fears of business owners who faced reprisals in the form of targeted explosions on premises fitted with CCTV. Anti-government forces view CCTV as a powerful surveillance system and deterrence used by security forces to foil planned assassinations and suicide bombings in Mogadishu. “Unlike government offices, businesses do not have a 24/7 security detail. That is why we fear being targeted by forces that oppose the installation of CCTV on business premises,” said a merchant in Bakara Market. Explosions intended to dissuade business owners from installing CCTV cameras on their premises have resulted in the deaths of many people and significant loss of wealth. Keen to pass the cost of securing Mogadishu onto its citizens.The Mayor of Mogadishu, Yusuf Hussein Jimale. NISA deployed plainclothes officers in different parts of Mogadishu’s main streets and the Bakara Market. The Federal Government of Somalia has resolved to extend the CCTV scheme to residential areas. Residents in Mogadishu districts have been instructed to install CCTV cameras, a move seen as enriching a select group of businessmen who are planning to import CCTV equipment to profit from the soon-to-be mandatory CCTVs for residents in Mogadishu. The Mayor of Mogadishu, Yusuf Hussein Jimale, is reportedly aware of and in favour of this scheme to put pressure on every family to buy a CCTV camera, despite already facing higher electricity bills for lighting the exterior of their buildings at night. The plan includes installing CCTV cameras in ordinary residential areas. NISA officers knock on doors and tell residents that they must install CCTV cameras on their houses. The Federal Government of Somalia is unnecessarily passing the cost of securing Mogadishu onto its citizens. © Puntland Post, 2024 The post The Somali government mandates the compulsory installation of CCTV cameras on homes appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa masuuliyiin isku dhaf ah u diray goobihii ay beeluhu ku dagaalameen ee galbeedka gobolka Mudug. Wafdigaan oo ay kala hoggaaminayeen Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa waxaa qayb ka ah Wasiirrada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland. Masuuliyiinta ayaa kormeer ku maray deegaanadii dirirtu ka dhacday, iyagoo markii dambe isugu yimid bartamaha goobta labada ciidan isku hor-fadhiyaan. Beelaha Sacad Habargidir iyo Leylakase Daarood ayaa ku dagaalamaya halkaas, waxayna masuuliyiinta maanta gaartay deegaankaas wadahadal u fureen dhinacyadii dagaalamay. Wadahadal dheer kadib, 4 qodob ayaa laga soo saaray kulamadii maanta, kuwaas oo kala ah: 1. In xabad joojin ay ka dhaqan-gasho deegaanada ay ku dagaalamayaan labada beelood, si dhiig dambe uusan u sii daadan. 2. In labada maleeshiyo beeleed laga kala qaado aaga dirirtu ka dhacday, iyadoo goobta la kala geynayo iyo waqtiga la kala qaadayo farsamadeeda dib loo gali doono. 3. In guddi labada dhinac ah oo ka xaajooda arrimaha la isku hayo oo dhulku kamid yahay lasoo magacaabo, labada dowlad goboleedna ay yeeshaan kor joogteyn. 4. In Ciidan la kala dhex dhigo goobta lagu diriray, isla markaana la xaqiijiyo qodobada sare ku xusan iyo wixii kasoo baxa guddiga la magacaabi doono. Dagaalka labadaan beelood ayaa galaaftay nolosha dad badan, waxaana sidii colaadaas loo joojin lahaa hada u kacay dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland. The post Sawirro: Puntland iyo Galmudug oo qaaday talaabo ay ku joojinayaan dagaalka Sacad iyo Leylakase appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray geerida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, intii uu Farmaajo dalka ka ahaa Madaxweynaha waxaa isaga iyo Jawaari dhex-martay taariikh siyaasadeed oo adag. Ugu horeyn Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan murugada geerida la qaybsanayaa, tacsi tiiraanyo lehna u dirayaa qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.” Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumku uu inta badan noloshiisa u soo adeegayey shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ka soo qaatay dowlad dhiska dalka. “Waxa uu ahaa xeeldheere sharci oo xilal kala duwan ka soo qabtay laamaha dowladaan iyo dowladdii dhexe ee dalkeenna, isaga oo guddoon ka noqday Baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Farmaajo. Farmaajo ayaa u duceeyey Jawaari, wuxuuna yiri, “Waxaan Allaah u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.” Allaha u naxariistee Jawaari oo labo jeer oo is xigtay guddoomiye kasoo noqday baarlamaanka Soomaaliya ayuu xukunka yimid Farmaajo, dhowr bilood kadibna wuxuu weerar siyaasadeed ku qaaday guddoomiye Jawaari ilaa uu isaga tago xilka. Sidoo kale mar kale ayey kooxda Farmaajo xumeysay Jawaari, markii isaga iyo Laftagareen ay u diideen inuu u tartamo kursigii uu ku fadhiyey ee golaha shacabka, waxaana laga horistaagay inuu tago Baydhaba. Allaha u naxariistee Jawaari, wuxuu waayihii dambe ka mid ahaa siyaasiyiinta loo diiday inay Baydhaba u safraan, inta badan siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa u ololeyneysa in Laftagareen uu baneeyo kursiga, maadaama uu dhamaaday muddo xileedkiisii. The post Farmaajo oo war ka soo saaray geerida Prof. Jawaari appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Sheekh Cismaan guddoomiyihii hore ee BFS oo maanta geeriyooday, waxaa uu ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, wuxuuna ku koray yaraantiisii degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay. Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacadii umadda Soomaaliyeed, intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Gaadiidka dhulka iyo cirka iyo Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Sanadihii 1973-1979-kii, waxa uu agaasime guud iyo ku xigeen agaasime guud ka soo noqday Wasaaraddii Shaqada iyo arrimaha bulshada. Markii danbena Prof. Jawaari wuxuu wasiir ka soo noqday wasaaraddaha gaadiidka, shaqada iyo shaqaalaha ee dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre. Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, waxa uu ka mid ahaa golihii Shacabka ee dowladii militariga ahayd. Markii dalku galay burburka, allaha u raxmadee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaa uu tagay dalka Norwey oo muddo uu ku noolaa. Dalka Norwey, waxaa uu ka soo shaqeeyey horumarinta iyo waxbarashada. Xilliyadii ay bilowdeen shirarkii wada hadalada dowlad dhiskii Soomaaliya, ayuu ka mid ahaa dadkii ku soo laabtay dalka si qayb ugu noqdo yagleelida dowlad Soomaaliyeed. Wuxuu guddoomiye u noqday guddigii madaxa bannaanaa ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay ee hadda dalku haysto, isagoo muddo dheerna u ahaa guddiyada dastuurka la taliye sare. Sanadkii 2012-kii ayuu Prof Jawaari, noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen. Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley. Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxwyene Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Waayadii danbe wuxuu si gooniya xoogga u saari jiray muxaadarooyin uu kula hadli jiray dhalinyarada ku jirta jaamacada dalka isagoo hoga tusaalayn jiray in ay dhexda u xirtaan horumarinta dalkooda. Dadka yaqaanyey waxay sheegeen inuu ahaa aqoonyahay ku xeeldheer dhanka afka iyo dhaqanka Soomaalida. Wuxuu si buuxda ugu hadli jiray luuqdaha Soomaaliga, Talyaaniga, Ingiriiska, Carabiga iyo Norweyjiyanka. Sanadkii 2022-kii ayaa ciwaano dad ku leeyihiin baraha bulshada iyo xarumo warbaahineed faafiyeen inuu geeriyooday guddoomiyihi hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cinwaan Jawaari. Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhintay da’da 79 sano jir, wuxuuna ifka kaga tegay sagaal awlaad ah. The post Kumuu ahaa Prof. Jawaari siyaasigii waqtigiisa geliyey dowladnimada ee maanta geeriyooday? appeared first on Caasimada Online.
-
Doorashada Labaad Dr. Xassan Sheikh Maxamud Xilka Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) waxay aheyd dhacdo taariikhi ah, dadweynaha soo dhoweeyay si Soomaaliya uga gudubto xaaladda dowladnimada tabarta daran ee ragaadisay. Sababaha loo soo dhoweeyay doorashada labaad ee Madaxweyne Xassan waxaa ka mid ah: 1- In Madaxweyne Xassan ballanqaaday inuu ka digtoonaan doono dhammaan qalalaadkii, dhallilihii, iyo maamulxumadii aafeeyay muddo xileedkiisii koowaad, taaso sababtay in dadweynaha Gobolka Benadir ay u dabaal-degaan guldarradisii doorashadii 2017, kuna farxaan doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo. Madaxweyne Xassan wuxuu ballan qaaday go’aan qaadasho dhellitiran, xulashada la taliyayaal (rakaab) sumcad iyo karti wanaagsan, iyo hadal iyo ficil is waafaqsan. 2- In Madaxweyne Xassan xubin firfircoon ka ahaa mucaaradka dowladdii Madaxweyne Farmajo oo si joogta ah u tilmaami jiray maamulxumada, tacadiyada, iyo u shaqeynta dowlado shisheeye (puppet), sida ku keydsan warbaahinta Soomaaliyeed. Muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo (2017-2022) waxaa xoogeystay damaca xukun kelitalisnimo joogto ah ee ku dhisan amar ku taakleyn, isbaheysi argagixiso, musuqmaasuq, iyo kala qaybinta bulshada. Aragtida dadweynaha waxay aheyd in xubin kasta ee mucaaradka ka mid aheyd ay ka fogaan doonto dambiyadi lama iloobaanka ahaa ee lagu eedeeyay Dowladdii Madaxweyne Farmaajo, lana dhirrigelin dono dhaqanka dowlad wanaagga iyo wax qabad dhab ah oo kalsoonida dadweynaha kor u qaada. Labo sano kaddib, guuxa dadweynaha oo kooxo kala duwan afqaad u yihiin, wuxuu tilmaamayaa in dadaalka iyo ballanqaadkii Madaxweyne Xassan ay xagal daaciyeen sababo ay ka mid yihiin: 1– Tixgelin La’aan kalsoonidarrada Shacabka Soomaaliyeed ka qabay Madaxda Sare iyo Xildhibannada Dowladda Federaalka (DFS) iyo rajoxumida hanaqaadka Dowlad waxtar ah. 20 Juun 2024, Wiil Taksiile ah oo 33 jir ah wuxuu ii sheegay “inuusan rajo ka qabin muddada noloshiisa iyo nolosha caruurtiisa in Soomaaliya ka dhalan doonto Dowlad wanaagsan, karti leh oo ka shaqeyneysa danaha dadka iyo dalka Soomaaliya.” Tixgelinta kasbashada kalsoonida dadweynaha waa tiirka dhexaadka dowladnimada Soomaaliya. 2– Kala fogaanshaha waxqabadka gaabiska ah, khilaaf abuurka ah ee DFS iyo Bartilmaameedka Higsiga 2026 oo ah “Soomaaliya oo ah dal mid ah, leh xukun baahsan, mideysan, dimoqradi ah, horumarsan, sharciga loo siman yahay, lugihiisa (awoddiisa) ku taagan, ka dhaceyso doorasho qof iyo cod, xilliyeysan, xor iyo xalaal ah.” Sababta loo aaneynayo kala fogaanshahaas waxay tahay tixgelin la’aan baaxadda iyo muhimadda dhammaan howlaha dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya iyo raacid la’aanta tilmaamaha dastuurka iyo maangalka toosan ee hogaaminaya howlahaas ballaaran ee dowlad dhiska shirkadda lagu yahay. 3– Wax Ka Qabad La’aan Fowdada ka dhex jirta Hay’adaha Amniga DFS. Ma jiro isku xir shaqo wadaag iyo hogaamin ka dhexeysa hay’adaha Amniga her federal. Sidaa darted, sababta ugu weyn ee dib u dhaca gulufka ciribitirka Al Shabab waa fowdada hogaaminta dagaalka, is curyaaminta hay’adaha Amniga, iyo jiritaan la’aanta qorshe mideysan. 4– Qalqalka Siyaasadda Arrimaha Dibedda DFS. Saddex dhacdo oo hoos ku faahfaahsan, caleemasaarka horjoognimada Kenya, saameynta Cutubka VII ee Axdiga QM, dhul iyo bad boobka Ethiopia, xiriirka iyo danaha is diidan ee dowladaha khaliijka ka leeyihiin Soomaaliya iyo geeska Afrika, Is dhinka deeqaha deeq-bixiyayaasha, Xasaradaha Adduunka ka socda, dhibaatooyinka haysta Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxay qalqal-gelinayaan madaxbannanida jaangoynta Siyaasad wax ku ool ah ee Arrimaha dibedda Soomaliya. Saddexda dhacdo waxay kala yihiin: I) Hadalkii Khadka telefoonka (1 Juun 2024) ku dhexmaray Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken iyo Madaxweyne Xassan Sheikh, kuna saabsanaa danaha amni ee ka dhexeeya labada dal sida qaboojinta xiisada Ethiopia iyo Soomaliya, ku howlanaanta la dagaalanka argagixisada, dhammeystirka qorshaha cidda beddeleysa ATMIS marka ay dalka ka baxdo, iyo tixgelinta ahmiyadad Xafiiska UNSOM; II) Ka qayb galka Madaxweyne Xassan Shirkii Oslo Forum ( Juun 11-12, 2024) kuna saabsan dhexdhexaadinta lama huraanka ah (Mediation Against All Odds), oo lagu xalaaleyay dhexdhexaadinta Al Shabab iyo DFS, ayadoo Madaxweyne Xassan 2 sano ka hor diiday taladaas, haseyeeshe Shirka hortiisa looga xaqiijiyay inuu oggol yahay dhexdhexaadintaas la filayo in dowladaha Qatar, Norway, iyo QM hormud ka noqon doonaan; iyo III) ka qaybgalka Madaxweyne Xassan Kulanka Guud ee ku saabsana Nabadda Ukraine ee lagu qabtay Geneva, Switzerland, 15-16 Juun 2024. Soomaaliya waxay ka mid aheyd 77 dal oo taageray Warmurtiyeedka Kulanka, halka 15 dal sida Sacuudiga, Imaraadka, India, South Africa ka gaabsadeen. Ruushka iyo Shinaha kama qaybgelin Kulanka ay dowladda Mareykanka horboodeysay, loogana soo horjeeday dagaalka u dhexeeya dowladda Ruushka iyo Ukraine. Waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya kala kulmi doonto cadaadis iyo dibin daabyo dalalka ka soo horjeeda shirkaas. 5- Tixgelin la’aan ra’yiga, cabashada, iyo guux maalmeedka dadweynaha oo tilmaan ka bixinaya falcelinta xilgudasho xumida DFS. Wax ka qabasho la’aanta guuxa dadweynaha waxay sababeysa niyad xumo, quus, iyo curyaamin. Bankiga Adduunka wuxuu dhowaan Soomaliya ka hirgeliyay Sahan Ra’yi (Country Opinion Survey) si uu u ogaado aragtida Daneeyayaasha (stakeholders) isugu jira Soomali iyo Ajnabi ay ka qabaan shaqada Bankiga Adduunka ka wado Soomaaliya. Afarta arrimood ee sahanku ku saabsanaa waxay kala yihiin: 1. Aragtida guud ee Daneeyayaasha ka qabaan xaaladda Soomaaliya; 2. Dareenka guud ee laga qabo Bankiga; 3. Aragtida Daneeyayaasha ay ka qabaan waxtarka, natiijada, shaqada, shaqo aqoonta, iyo daahfurnaanta Bankiga; 4. Aragtida Daneeyayaasha ka qabaan kaalinta mustaqbalka ee Bankiga. Haddii Bankiga Adduunka sahminaayo ra’yiga Soomaalida iyo Ajnabiga ka qabaan xilgudashadiisa, maxaa la gudboon Madaxda DFS? 6- Tixgelin la’aan itaal-darrida iyo dhib u dhaca dhismaha dowladnimada Soomaaliya ku sugan tahay. 12 sano waxaa qabyo ah dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Shanta (5) guulo ee DFS ka sheegato fagaarayaasha, kuwaasoo kala ah deyn cafinta, qaadista cunaqabteynta hubka, ku biiridda Ururka dalalka Afrikada Bari, iyo doorashada kursiga Golaha Ammaanka 2025-2026, gulahaasoo mudan aqoonsi, haddana waa guulo aan waxba ka beddelin xaaladda aadka u liita ee Soomaaliya ku sugan tahay xagga nabadgelyo xumida, maamulxumada dowladnimo (bad governance), argagixisada caalamiga ah, shaqo la’aanta, iyo saboolnimda. Adduunka wuxuu ku mashquulsan yahay in Soomaaliya loo helo Ciidammo nabad ilaalin ah iyo gargaar bani’aadannimo gaaraya $1.6 bilyan. Wakiilka Xoghayha Guud ee QM wuxuu Soomaalida ugu baaqay wada hadal, wada shaqeyn ku xallinayaan khilaafadkooda, kuna gaarayaan heshiis wadareed. Waxaa loo baahan yahay dhaqan dowladeed hadalka u beddeleya wax qabad xaqiijinaya midnimada, nabadgelyada, horumarka iyo maamul wanaag Soomaaliya. Sidaa darted, gguusha dhabta ah ee wax ka beddeleysa xaaladda liidata ee dalka oo muraayadiisu tahay Caasimada Muqdisho waxay ku xiran tahay dhismaha dowlad karti leh ee xaqiijisa higsiga 2026. 7- Ku tilmaamidda DFS “Madax Ka Nool,” “One-Man Government.” Safarrada Madaxweynaha JFS aan caadiga aheyn waxaa ka dhashay kala soocid la’aan xilalka Madaxweynaha, RW, Wasiirrada, Xoghayayaasha, Agaasimayaasha Guud, Agaasimayaasha, iyo La Taliyayaasha, iyo xilalka kala duwan ee hay’adaha dastuuriga ah, waxayna su’aal geliyeen baahida jiritaanka hay’adaha dowladda iyo takhasuska shaqo ee hay’ad kasta loo abuuray, iyo mas’uuliyadda jaranjaro iyo isku xirnaan ee shaqooyinka dowladda. Madaxweynaha JFS iyo Barlamaanka Federaalka ayaa u xilsaaran Jiheynta siyaasadda dalka, karti siinta hay’adaha dowladda, iyo mas’uuliyadaha dabagalka iyo la xisaabtanka Xilgudashada RW, Wasiirrada, Saraakiisha, Shaqaalaha, iyo Ciidammada dowladda si loo xaqiijiyo wax qabadka qof iyo hay’ad kasta ee dowladda. Hagaajinta Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda, hantida, shaqaalaha, Ciidammada dowladda ayaa asaas u ah la dagaalanka argagixisada, nabadgelyo xumidda, musuqmaasuqa, cadaalad-darrada, shaqo la’aanta, iyo fulinta shaqo-dowladeed ku saleysan sharci iyo habraac maamul ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed. W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow mohamuduluso@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Sababaha xagal daaciyay dadaalka madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ayaan darro weyn ku tilmaamay in Hargeysa looga heeso qowmiyad kamid ah Itoobiya, xilli ay dadka Soomaaliyeed u dabaal-degayaan maalmaha xoriyadda. Fiqi ayaa sidoo kale xaalad aan la fileyn ku sheegay waxa 26-kii June ka dhacay Hargeysa, halkaas oo looga heesay in aysan Somaliland laheyn cadow uga daran Xamar, taas oo luuqdeedu u dhigneyd “Ma lihi cadow iiga daran Xamar, Garoowe iyo kuwa xintama, waxaa iga xiga Amxaar xurmo iyo sharaf igula nool”. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa muujiyay in uu aad uga xun yahay in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu marin habaabiyay hees ka hadleysa damaca qowmiyad kamid ah kuwa dega dalka Itoobiya, oo xilligaan ay xiisad xooggan kala dhaxeyso Soomaaliya. “Dadka Soomaaliyeed hees la sameeyay iyo kalimaad lagu raali-gelinayo dal kale oo damac leh laguma sandulleyn karo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka Axmed Macalin Fiqi. Sidoo kale waxa uu xusay waxa ka dhalan kara arrimahaasi, isagoo dhinaca kale dadka Somaliland ku ammaanay diidmada ay ka muujiyeen damaca Itoobiya iyo falalka ay caadeysteen kuwa haya hoggaanka halkaasi, oo uu kala jeedo Muuse Biixi iyo hoggaankiisa. Hargeysa iyo Muqdisho ayaa sii kala fogaaday heshiiska Itoobiya ee badda kadib, kaasi oo Muqdisho si adag uga hortimid, midaasi oo sii fogeysay Somaliland, heer ay maanta mareyso in Hargeysa laga qaado hees noocaas ah, iyada oo lagu jiro dabaal-dega maalmaha xorriyada. Somaliland oo u muuqata mid indhaha iyo caqliga uu tiray qaddiyada gooni-goosadka, ayna ka qaalib noqotay caadifaddu ayaa xilligaan wada dadaalo ay Itoobiya uga xod-xodaneyso inay ku dhawaaqdo “aqoonsi” si is-afgaradkii Janaayo loogu rogo heshiis rasmi ah. Itoobiya oo laftigeedu danaheeda raacaneysa ayaa la filan karaa inay aqoonsi uga dhawaaqdo Somaliland, waaba haddii Abiy uu ku dhiiran karo inuu Itoobiya u horseedo dagaal diblumaasiyadeed caalami ah, maadaama ay horey Soomaaliya ugu taageereen mowqifkeeda ay ku ilaalineyso midnimadeeda dalalka ugu waaweyn caalamka, oo ugu horreeyo Mareykanka. Soomaali badan ayay fajaciso ku noqotay iyo af kala qaad in Somaliland ay hoosta soo gashato Itoobiyaan la ogyahay waxa kala raacay Soomaaliya iyo inuu yahay cadow aan dhicin oo Soomaali leedahay, sida ay muujinayaan taariikhi hore. The post FIQI oo ayaan darro weyn ku tilmaamay arrin kasoo yeertay HARGEYSA appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoonka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta ku dhintay magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, isagoo ku tilmaamay haldoor dadka Soomaaliyeed taariikh weyn ku leh, islamarkaana uu waqti badan galiyay dowladnimada Soomaaliya. Dhankiisa Guddoomiyaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid marxuumka,asagoo Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo. Professor Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo sanadkii 1945-tii ku dhashay magaalada Afgooye ayaa ahaa haldoor waddaniyaddu dhiiggiisa ku milantahay oo muddo dheer dalkiisa u adeegayay, islamarkaana xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray 60-kii sanoo la soo dhaafay, waxaana la filayaa in aas qaran loo sameeyo. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku geeriyooday maanta magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee Marxuumku uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya”. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu janadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ina ka siiyo dhammaanteen. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariiste waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jaeaari. Geerida Jawaari ayaa waxaa xaqiijiyey qaar kamid ah qoyskiisa. Waxaana ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid guddoomiyihii hore ee golaha shacabka madaxda sare ee dalka, oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Madaxweyne Xasan ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee marxuumka uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Ra’iisul Wasaare Xamza oo isna tacsi u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay Allaha u naxariistee Prof. Jawaari ayaa sheegay in qaranka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu maanta ka baxay tiir aad muhiim ugu ahaa dowlad dhiska Soomaaliyeed. Waxa u uku tilmaamay Marxuum Jawaari in uu ahaa siyaasi waayo arag ah oo muddo ka badan 60 sano ka soo shaqeeyay dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay ku gaamurtay maamul dowladnimo oo dhameystiran. Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka uga baryay Allaah (SWT) in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin. The post Prof Jawaari oo geeriyooday iyo madaxda sare ee dalka oo war kasoo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku geeriyooday maanta magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee Marxuumku uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya”. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sida la xaqiijiyay Maanta oo Jimce ah ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Geerida Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka marxuum Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaa si kooban Warbaahinta ugu xaqiijiyay Wiilkiisa Dr. Cabdicasiis Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta dalka qaarkood ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay Geerida Alle ha u naxariistee marxuum Jawaari. Mas’uuliyiinta u tacsiyeeyay Prof Jawaari ayaa ku tilmaamay Waayo arag mudda ka badan 60 sano ka soo shaqeeyay Dowladnimada Soomaaliya islamarkaana ahaa ruux ay ku gaamurtay maamulka dowladnimo oo dhameystiran. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Pro. Jawaari oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu si weyn u iibinayay dhowrkii billood ee lasoo dhaafay in uusan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud diidaneyn heshiiska ay Somaliland la gashay dowladda Itoobiya, balse uu dood ka qabo cidda saxiixaysa heshiiska. Muuse Biixi wuxuu leeyahay Xasan Sheekh isaga raba inuu heshiiska saxiixo, laakiin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii koowaad ka jawaabaya eedahaasi ka yimid dhanka Somaliland, isaggoo hadal ka jeedinayay munaasabadda 26-ka June. Xasan Sheekh wuxuu sheegay in aanay isaga iyo Muuse Biixi isku haynin saxiix, balse ay dooddiisa tahay in aan badda la bixin, mowduuca saldhiga ciidankana meesha laga saaro. Madaxweyne Xasan wuxuu tusaale usoo qaatay heshiiska dekedda Berbera. Wuxuu xusay in heshiiskaas 69% qaadanayaan faa’iidada dowladdo ajnabi ah oo ah Imaaraadka iyo Itoobiya, halka Somaliland ay heshay 31%. Haddana sidaas oo ay tahay wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka fuqday heshiiskaas, maadaama uu yahay heshiis aan lagu qaadan karin dekedda Berbera. Midkaan hadda la isku haystana haddii uu ganacsi ahaan lahaa wuxuu xusay madaxweyne Xasan Sheekh in aysan dhib u arki laheyn dowladda Soomaaliya. Wuxuu markale ku celiyay madaxweynaha Soomaaliya in aan la aqbaleynin nooca uu u dhigan yahay heshiiska ay Muuse Biixi iyo Abiy Axmed gaareen 1-dii bisha Janaayo ee sanadkaan, kaasi oo Itoobiya siinaya dhul, bad, saldhig ciidan iyo heshiis 50 sanno. Addis Ababa weli waxay ku adkeysaneysa heshiiska, laakiin dhinaca kale waxaa la soo warinayaa in dowladdaha Turkiga iyo Qatar ay meel macquul ah wax u marayaan oo ay isku diyaarinayaan inay labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya arrintooda xaliyaan. Dowladda Itoobiya ayaa habeen hore deg-deg u beenisay qoraal been abuur ahaa oo lagu sheegay inay heshiiska ka laabteen, taas oo dhinaca kale xoojisay sida ay Addis Ababa ugu diyaarsan tahay in is-afgaradkan xiisadda abuuray inuu wax u dhalo. Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaa hadda hortaalla inuu beddelo doodda ah Xasan Sheekh isna waa saxiix doon, oo taas beddelkeeda uu keeno aragti uu heshiiska ugu beddeli karo mid ganacsi, wallow la fahamsan yahay in Itoobiya aysan rabin heshiis ganacsi. The post Xasan iyo Muuse Biixi ma waxay isku hayaan cidda Itoobiya u saxiixaysa badda mise? appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomihii hore Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho Sida ay xaqiijiyeen masuul ka tirsan Dowladda Soomaaliya. La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah dadka sida aadka ugu dhawaa Gudoomiye Jawaari ayaa xaqiijisay geerideeda. Gudoomiyaha Jawaari ayaa bukaan socod ahaa sanadyadii lasoo dhaafay iyadoo dhowr jeer laga soo dayriyay xaaladdiisa caafimaad. Maxamed Sh. Cusmaan jawaari waxa uu 7dii bishii December ee sanadkii 1945tii ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose. Dhinaca tacliinta sare, waxa uu sanadku markuu ahaa 1982 ka qalan jabiyey kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xiligaas ka horna qaatay shahaado macalinimo oo luuqadda Ingiriiska iyo dimploma sharciga Islaamka ah. Sanadkii 2012 ayaa loo doortay Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Waxaa sidoo kale mar kale dib loo doortay 2017 kii wallow uu xilkaaasi iska casilay 2018 kii. Prof Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu horay u soo noqday wasiir dhowr jeer ka tirsanaa dowladii Maxamed Siad Barre ee xukunka laga tuuray sanadkii 1991. Wuxuu kaloo dowladaas ka qabtay xilal kale oo dhowr ah. Tababar ahaan, waa qareen, wuxuuna prof Jawari horay u soo guddoomiyay guddiga madaxa bannaan ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay. Source: goobjoog.com
-
449202445_1206839983584860_1110467348752196910_n (1) Qaran News
-
A climbdown by Kenya's president over plans to raise taxes brought no end to nationwide protests on Thursday, with at least two people reported killed in clashes near the capital Nairobi and others shot by police elsewhere. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay hadal uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay inuu ogol yahay in wada-hadal lala furo Al-Shabaab, kadib muddo uu diidanaa arrintaas. Xuseen ayaa caddeeyay in uusan jirin wax wada-hadal ah oo dowladda federaalka la furtay kooxda Al-Shabaab ama qorsheysan waqti dhow, uuna hadalka madaxweynaha ahaa marka ay fikirka xagjirka ah ka tanaasulan in lala fariisto. “Dowladda federaalka Soomaaliya wax wada-hadal ah kulama jirto Al-Shabaab (Al-Khawaarij). Madaxweynuhu wuxuu soo bandhigay shuruudo cad oo ku saabsan soo jeedintan,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka. Waxa uu intaas kusii daray “Waa inay jaraan xiriir kasta oo ay la leeyihiin kooxaha argagixisada caalamiga ah ayna aqbalaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waa inay diyaar u yihiin inay barnaamijkooda siyaasadeed si nabad ah u wataan.” Xasan Sheekh oo horraantii bishaan June booqasho ku tegay dalka Norway ayaa mar wax laga waydiiyay in dowladdiisa ay wada-hadal la fureyso Al-Shabaab ku jawaabay inay diyaar u yihiin, si wax kasta loogu dhameeyo miiska wada-hadalka. Madaxweynaha ayaa markaas sheegay in dhammaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, islamarkaana dowladda Soomaaliyeed ay ku dadaali doonto, sidii loo wada-hadli lahaa. “Waxaan rumeysanahay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, goormee ayay diyaar yihiin? dowladda Soomaaliya waa diyaar,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadalkaas uu waqti dheer qaadan karo, balse ay ku dadaalayaan sidii loo abuuri lahaa wada xaajoodkaas, kadibna looga miro dhaliyo. “Waxaan rajeyneynaa inay arrintaasi diyaar u noqdaan, marka ay diyaar noqdaan waan wada-hadli doonaa, wada xaajoodkaas wuxuu qaadan karaa waqti, laakiin ugu yaraan waxaan abuuri doonaa waddo cusub” ayuu sii raaciyay madaxweynaha Soomaaliya. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo deegaano badan looga xoreeyay kooxda. The post Villa Somalia oo sharaxaad ka bixisay arrin uu ogolaaday Xasan oo la xiriirta Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
-
The National Interest Joe Biden’s Failed Strategy Against the Houthi Threat in the Red Sea Topic: Security Region: Middle East Tags: HouthisRed SeaYemenJoe BidenCounter-TerrorismSomaliland Despite their attacks on global shipping, the Houthis are much weaker than they appear. by Michael Rubin Follow @mrubin1971 on TwitterL With their increasing attacks on shipping passing through the Bab el-Mandeb Strait and the Red Sea, the Houthis, an Iranian-backed tribal group from the Saada region of Yemen who seized power a decade ago, continue to endanger freedom of navigation and trade. The Biden administration initially used the U.S. Navy to counter the threat, but this was, at best, whack-a-mole and, at worst, military virtue signaling that wasted tremendous resources for little result. The Biden administration has quietly acknowledged failure by withdrawing the USS Dwight D. Eisenhower Carrier Strike Group from the Red Sea to the eastern Mediterranean should fighting escalate between Israel and Hezbollah. From the very beginning, a far better military strategy to counter the Houthi threat might have been to use the Somaliland airport at Berbera to run operations to counter Houthi threats and protect shipping. While it takes 4,000 men to crew an aircraft carrier, it takes only four to crew an Osprey or two to fly and fight in an F-16. President Joe Biden’s team, however, often downplays military strategies in favor of the belief that diplomacy alone can end threats posed by ideological and aggressive adversaries. Here, too, though, a lack of creativity and attention to local dynamics lead the White House and State Department to miss opportunities to end the Houthi threat and bring stability and prosperity to the Yemeni people. Throughout much of the country’s civil war, southern Yemen has been relatively peaceful and stable. Just as with Somaliland, South Yemen, with Emirati support, closed the door on Al Qaeda. Local attitudes matter, and if tribal leaders and politicians reject Al Qaeda, the group moves on to find more fertile ground. To recognize South Yemen’s and Somaliland’s rights to self-determination rather than sacrifice freedom of navigation and U.S. interests to a pro-Iranian regime in Sana’a and a pro-Chinese one in Mogadishu should have been an easy decision for U.S. policymakers seeking to consolidate stability and deny ungoverned space where Al Qaeda or other extremist groups could thrive. Local politics also matter. In the run-up to and immediately following the 2020 election, Biden, Secretary of State Antony Blinken, and National Security Advisor Jake Sullivan all declared, “Diplomacy is back.” By allowing Saudi Arabia to host the American mission to Yemen rather than operate a consulate in Aden, the State Department slammed the door on opportunities for diplomacy. This leads the State Department to miss opportunities to checkmate the Houthis and return peace to the Arabian Peninsula. On June 22, 2024, Major General Aidrous Al Zubaidi, president of the Southern Transitional Council and Vice Chairman of the Presidential Leadership Council, met a dozen anti-Houthi officials from Saada in the northwest portion of the country. Zubaidi promised to support anti-Houthi resistance in Saada and across the Houthi-occupied provinces in Yemen. That tribal leaders from the Houthi heartland are willing to turn their back so publicly on the Houthis signal that the pro-Iranian tribal group has lost local legitimacy. Zubaidi’s meeting is akin to the flight of Afghans away from the Taliban after September 11, 2001. Too often, the State Department’s Bureau of Near Eastern Affairs appears more inclined to preserve the status quo rather than recognize the benefit of its collapse. For more than a decade before the Syrian civil war, American diplomats parroted the line, for example, that Hezbollah was a Lebanese nationalist organization that the United States must not simply dismiss as a foreign-backed terror organization. However, Hezbollah’s willingness to deploy units to fight for Bashar al-Assad during the Syrian Civil War belied this notion, as Lebanese from southern Lebanon are the first to point out. The Zubaidi meeting reflects a similar dynamic. The notion that the Houthis have popular support is risible, especially when public opposition emerges in their home province. It is time to recognize that the Southern Transitional Council and Yemenis from both north and south have now turned the corner. The Biden administration has again imposed sanctions on the Houthis entity after lifting them in the first weeks of 2021. It also recognizes that the Houthi drug trade fuels instability across Yemen and the Middle East. Rather than disengage from Yemen, now is the time to double down and recognize the United States has potential local partners from Saada to Seiyun and from ‘Amran to Aden who wish to see the end of the Houthi reign of terror. About the Author: Dr. Michael Rubin. Michael Rubin is director of policy analysis at the Middle East Forum and a senior fellow at the American Enterprise Institute. Main Image: Mohammed al-Wafi / Shutterstock.com. The text image is from the U.S. Navy Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa lagu jiraa toddobaadka xoriyadda. Muqdisho illaa Hargeysa xaflado ayaa taxan, qolo walba sida ay doonto ayay u sheegaysa halgankii dhalay in calan Soomaaliyeed laga taago ciida Soomaaliya 26-kii June 1960-kii. Gobollada Waqooyi waa uga xaq badan yihiin Soomaalida kale maalinta la yiraahdo 26 June. Waxaase jira dad badan oo dood ka qaba dabaal-degga asbuucan, kuwaas oo aaminsan inay xafladahan ka muhiimsan tahay in la iska wareysto maxaa maanta hayna haddii ay ahaan laheyd midnimo, dowladnimo, walaalnimo iyo horumar. Jabhaddo hubeysan ayaa cagta mariyay nidaamkii kaligii teliska ahaa ee Maxamed Siyaas Barre 1991-dii. Laakiin 33 sano kadib wax xafladdo ka badan ma jiraan iyo runta oo laga dhuunto. 64 sano kadib maalintii xoriyadda ee Soomaaliya, maanta kow amni ma jiro. 1: Amni la’aan Soomaaliya weli waa soo kaban la’dahay, nidaamkii Siyaad Barre wax badanba ha qaldee dalka amni ayuu ahaa. Maanta dagaallo qabiil, kuwo argagixiso iyo ciidan shisheeye ayaa ku lifaaqan xaalka amni ee Soomaaliya. 17 sano oo ay ciidan Afrikaan ah ilaalinayeen ammaanka Soomaaliya waxaa dhawaan markale Midowga Afrika aqbalay inuu howlgal saddeexaad ka fuliyo Soomaaliya, taas oo ka dhigan in amnigii la hanan waayay. 2: Midnimo ma jirto Burburkii dowladddi dhexe ee Soomaaliya ee 1991-dii kadib dadka waxay filayeen in deg-deg la iskugu soo noqon doono oo uu jiri doono dal Soomaaliyeed oo mideysan oo cadowgiisa u babac dhigi kara, laakiin 33 sano kadib dalkii waa la isku keeni la’yahay. 3: Isku filnaasho la’aan Soomaaliya 9 sano oo colaad ah kadib waxaa sanadkii 2000 loo dhisay dowlad uu caalamka kaalmeeyo. 24 sano ayaa dowladda Soomaaliya waxay caalamka ku bixinayaan sanad walba malaayiin dollar oo lacag ah, haddana weli isku filnaasho majirto, qarankiina waa loo dawarsanaya weli, dadkiisuna kama doodayaan sidii ay taas uga bixi lahaayeen. 4: Dhulkii maqnaa oo weli go’aan lagama gaarin Soomaaliya waxaa dad iyo dhulba ka jiraan dhinacyada Itoobiya iyo Kenya. Lixdan iyo afar sano oo Soomaaliya xor tahay weli go’aan lagama gaarin qaddiyadahaasi waaweyn. 5: Dadka illaa hadda madaxdooda ma doortaan Tan iyo 1969-kii oo aheyd markii milateriga xukunka xooggeen illaa maanta oo ah 55 sano dadka Soomaaliyeed ma doortaan madaxda hoggaamisa. Haddana rejo badan ma muuqato. 6: Qabyaaladdii oo xal loo la’yahay Burburkii dowladda kacaanka kadib qabyaaladda ayaa meel xun la gaartay Soomaalida. Dowlad walba oo timaada Villa Somalia waa uga sii dartaa xaaladda, oo qeybta ayay sii qaladaa, maantana siyaasadda Soomaaliya waxay ku dhisan tahay hanaanka 4.5 oo u taagan inay qabiiladda kala sareeyaan. Dalka xaaladdahaasi ku jira ayaa xafladeynaya, halkii laga dooddi lahaa xornimada kadib maxaa naga xumaaday iyo mushkiladaha na haysta maanta sidee u maareynaa. Mushkiladahaas waaweyn ee taagan iyo soo kabasho la’aanta waxaa la isku raacsan yahay inay sababteedu tahay hoggaan xumo, wax badana isma doorin raggii madaxda ka noqday dalka tan iyo 1991, waana ku filnaan waayeen inay dalka hagaajiyaan. Umaddii aan xaqiiqada u bareerin, xalka ma gaarto. The post Soomaaliya: Qaranka uu xaalka ku xun yahay ee maalin walba xafladeynaya (6 qodob) appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Bolivia Luis Arce ayaa beeniyay inuu ku luglahaa ama uu horay u ogaa isku daygii afgambi ee dhicisoobay ee dhowaan ka dhacay dalkaas, kaas oo uu hoggaaminayay taliyihii hore militariga oo ku eedeeyay madaxweynaha in uu ka codsaday in uu sameeyo wax uu kor ugu qaadayo sumcadiisa. Arce ayaa u sheegay suxufiyiinta mar uu shir jaraa’id ku qabtay xarunta dowladda in aanu taliyuhu waxba ka ogeysiin qorshihiisa inqilaabka, islamarkaana aanu ka war hayn waxa uu damacsanyahay. Abaabulka cutubyo militari ayaa arbacadii la arkay, kuwaas oo uu Juan Jose Zuniga isugu soo uruuriyay fagaaraha weyn ee caasimadda La Paz, isaga oo albaabka qasriga madaxtooyada ku garaacay baabuur gaashaaman si ay askartu ugu daataan dhismaha. Wakaaladda wararka maxalliga ah ee Fides ayaa tibaaxday in Zuniga uu u sheegay booliska in madaxweyne Arce uu saddex maalmood ka hor u oggolaaday inuu abaabulo baabuurta gaashaaman , iyada oo ujeedadu tahay in lagu xakameeyo xaaladda cakiran ee dalka. Si kastaba ha ahaatee daba-galka isku daygii afgambi ee dhicisoobay ee arbacadii ka dhacay dalkan xiran oo ku yaalla koofurta ameerika ayaa socda, ayadoo saraakiil badan xabsiga loo taxaabay. Source: goobjoog.com