Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga daah-furay Mmashruuca Nagaad ee hirgelinta naqshadeynta bulaacadaha iyo biya-mareenada caasimadda, taasi oo muddo badan ay shacabka caasimada ka sugayeen maamulka gobolka. Mashruucan oo maanta uu ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ka daah-furay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, ayaa waxa uu wax badan ka tari doona dhibaatada ka taagan caasimadda xilliyada roobka oo waddooyinkeedu noqdaan biyo dageen. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in heer qaran oo si wadajir ah la isaga kaashan doonno sidii xal-waara loogu heli lahaa arrimaha bulaacadaha iyo biyo-mareenada magaalada Muqdisho. Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa isna madasha ka sheegay in dowladda Hoose ee Xamar ay sanadkaan 2024 hortabin u leedahay xal-u-helida iyo maareynta biyo-mareenada magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in sida ugu wanaagsan loogu faa’ideysan doonno mashruuca Nagaad oo uu maal-gelinayo Bangiga Aduunka (World Bank). Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale oo madasha ka hadlay ayaa dhankooda xusay in si wadajir ah la isaga kaashan doonno dar-dargelinta howlaha Naqshadeynta iyo dhismaha Biyo-mareenada magaalada Muqdisho. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), agaasimaha hay’adda UNOPS u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Al’aa iyo madaxda hay’adda Hydro Nova. Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa; maamulaha guud ee mashruuca Nagaad Maxamed Nuur Xasan, madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya, guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale. Si kastaba, mashruucan ayaa wax badan ka tari doona haddii uu noqdo mid si rasmi ah u hirgela oo aan la musuq-maasuqin mid wax badan ka tari kara dhibaatada caasimadda, oo xaalad adag gasha xilliyada roobka, oo waddooyinkeedu isku beddelaan biyo dageeno, taasi oo hakad gelisa isku socodka dadka iyo gaadiidka ee gudaha caasimadda. The post Sawirro: Madaale oo maanta u dhaqaaqay’ arrin ay muddo sugayeen reer Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  2. Ra ’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Bare ayaa Mudane Cali Cumar ( Balcad ) u magacaabay in uu noqdo u qeybsanaha Arrimaha xiriirka Bulshada Bariga Afrika. Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dabayaaqada sanaddkii dhammaaday bulshada bariga Afrika ka dib dadaallo ay waday muddo sanado ah. Uqeybsanaha ayaa ka shaqeyn doonnaa sidii loo dhameystiri lahaa heshiisyada wali dhiman iyo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo bulshada bariga Afrika. Cali Cumar ( Balcad ) hadda waa Wasiiru -dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka. Source: goobjoog.com
  3. Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay nabad iyo in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda Galbeedka Gobolka Mudug. Maamulka Galmudug waxey dhinaceeda u dirtay deegaannada dirirtu ka socoto guddi ka kooban wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiinta gobolka Mudug. Waxa ay ka codsatay in loo hoggaansamo guddiyada ay Galmudug iyo Puntland u xilsaareen xabbad joojinta iyo nabadeynta, sidoo kalana lagu tixgaliyo shaqadooda ciidammada ay isla garteen masuuliyiinta labada State in la geeyo goobaha dagaalku ka dhacday. Dhanka kalena Ku Simaha Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland ahna Madaxwayne ku xigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Ayaa baaq nabadeed udiray beello ku dagaalamaya galbeedka gobalka Mudug. Waxaa uu sheegay in ay ciidamo u direen goobta si looga kala dhex galo beellaha dagaalamaya. Source: goobjoog.com
  4. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya oo ka hadashay go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah ciidamadeeda ku sugan gudaha dalka, ayaa sheegtay in uusan jirin codsi rasmi oo dowladda Soomaaliya uga yimid oo arrintaasi la xiriira. Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in dhamaadka bisha December ee sanadkaan ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada waddan u dhaxeeya, oo xilligaan maraya meel xasaasi ah. Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa iska fogeeyay inuu jiro codsi ay dowladda Soomaaliya uga dalbaneyso Itoobiya inay ciidankeeda ka saarto Soomaaliya, isaggoo sheegay in go’aanka ka bixitaanka ciidanka ee Soomaaliya uusan ka imaaneyn dowladda Xamar oo keliya. “Howl-galka nabad ilaalinta ee aan ku joogno Soomaaliya ma aha mid keliya khuseeya dowladda Soomaaliya waa masuuliyad caalami ah. Waa howl-gal uu maamulo Midowga Afrika oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay. Sidaas daraadeed, marka ay arrimaha noocan ah yimaaddaan, geestayada si rasmi ayaan uga wada-hadlaynaa waxna waa la iska weydiinayaa,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Itoobiya. Waxa uu intaas kusii daray “Sidaan kuu sheegay codsigu ma ahan mid ka imaanaya Soomaaliya oo keliya. Haddiise uu yimmaado, marka aan ka soo baxno masuuliyadda nala saaray, beesha caalamka haddii ay danaynayso joojigaanka ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya, diyaar ayaan u nahay in aan waajibkayaga gudanno.” Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhankooda wax fudud ka tahay in ciidankooda ay soo celiyaan, ayna dejiyaan aag ka caagan dagaalka, balse ay marnaba Itoobiya cidna uga fasax qaadaneyn haddii arrimaha ka jira Soomaaliya ay halis ku noqdaan amniga qaran ee Itoobiya. “Sida aad og tahay, arrimaha ka jira Soomaaliya haddii ay halis ku noqdaan amniga qaran Itoobiya ma aha mid ay cid uga fasax qaadanayso. Waxa aan qaadaynnaa tallaabo noo gaar ah.” Waxa uu intaas kusii daray “Sidaas oo ay tahay, hadda ma jiraan codsi rasmi ah oo odhanaya Itoobiya ha la baxdo ciidankeeda jooga Soomaaliya oo naga soo gaadhay dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay.” Itoobiya ciidamada ka jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada howl-galka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn howl-galkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya. Si kastaba, go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay dalka uga saareyso ciidamada Itoobiya ayaa waxaa si adag uga horyimid madax goboleedyada ka taliya deegaanada u badan ee dalka ka joogaan waa Axmed Madoobe (Jubbaland) iyo Cabdicasiis Lafta-gareen (Koonfur Galbeed). The post ITOOBIYA oo sheegtay in go’aanka bixista ciidankeeda uusan quseyn Somalia keliya appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq badan ayaa ka dhashay hadal-jeedin uu Isniintii sameeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu kusoo hadal qaaday xiisada weli taagan ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Tan iyo kowdii bisha Janaayo ee sanadkaan xiisadda labada waddan ayaa meel adag taagneyd. Xasan Sheekh ayaa marar badan waxa uu horey uga hadlay arrinta Itoobiya, laakiin hadalkiisi Isniintii ayaa wax badan ka duwanaa fariimihiisi hore. Marka koowaad farriinta madaxweyne Xasan Sheekh ee arrinta Itoobiya waxay kusoo aadeysa iyada oo saddex xaaladood taagan yihiin. Mid waa cadaadiska labada dowladood lagu saarayo inay wada-hadlaan oo dowladdo waaweyn waddaan. Midda labaadna waa iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya inay Itoobiya rabto in is-afgaradkii u beddesho heshiis rasmi ah, si uu berri u adkaado gorgortanka ay la galayaan Soomaaliya. Midda saddexaadna waa iyada oo bisha July ee sanadkan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay go’aan ka gaarayo howl-galka saddexaad ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo kasii mid ahaanshaha ama saarida ciidanka ka socda waddanka Itoobiya. Marka arrimahaas la eego dowladda Soomaaliya inay dib u qeexdo booskeeda waa lagu qasbanaa oo dalalka horkacaya wada-hadalladu waxay rabaan war rasmi ah oo xalka ku dhisaan. Itoobiya waxay isku qastay saddex dood, si ay caalamka u jahwareeriso. Mid waa inay rabaan marin ganacsi, marna waxay farta ku fiiqayaan saldhig millateri, marna waxaa kasoo fakaneysa inay raadinayaan bad ay toos u yeeshaan. Haddaba saddexdaas maxay Soomaaliya ka ogoshahay oo dooddaha socda iyo dhex-dhexaadiyaasha ay wax ku dhisi karaan ayaa la isweydiinayay waayahan. Laakiin madaxweyne Xasan Sheekh jid ayuu u farmuuqay cid walba oo howshaan daneynaysa inay kaalin ka qaadato. Bidhaaminta madaxweyne Xasan Sheekh waa in uusan deris diid aheyn, inuu aqbalsan yahay in la wada ganacsado oo ay dekeddaha faraha badan ee Soomaaliya suuq u baahan yihiin, Itoobiyana ay tahay suuq weyn oo ay tahay in laga faa’iideysto. Laakiin labo arrimood oo dooddooda la geli karin ayaa farta ku fiiqay Xasan Sheekh. Mid waa saldhig ciidan oo Itoobiya ka sameysato biyaha Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu Itoobiya ku yiri taas iska ilooba dhici mayso. Midda labaadna waa bad helid. Xasan Sheekh iyadana si cad ayuu u sheegay in aysan Soomaalida gorgortan ka galeynin. Mar haddii uu Xasan yiri saldhig warkiis majiro, qaadashana kaba daran, maxaa xigga?. Hadda dalalka arrintaan ku mashquulsan inay ka nabad-dooneyaan waxay miiska keeni karaan aragti ah ku saabsan sidee ganacsi ahaan loo kala faa’iidi karaan, dekeddee Itoobiya wax kasoo degsan kartaa oo aad ugu dhow, ma mid cusub ayaa la dhisayaa mise kuwii hore ayaa loo sahlayaa inay qiimo jaban wax uga soo dagsadaan, ugana dhoofsadaan. Sidee noqon doona faa’iido wadaagga, ma loo baahan doonaa dowladdo shisheeye oo maal-gelinta qeyb ka noqdo iyo arrimo kale. Waxay ka dhigan tahay inuu madaxweyne Xasan Sheekh Isniintii soo xiray doodda, dibna u qeexay mowqifka Soomaaliya ee xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya, jidna uu siiyay dalalka dhex-dhexaadinta wada, isaggoo u maray kalmadihiisa luuqad dowladeed oo aan caadifad ku dhisneyn. Madaxweyne Xasan Sheekh inkasta oo isaga iyo dowladdiisa leeyihiin qaladaad badan oo lagu haysto, haddana marka la eego sida uu bilowgii illaa hadda u wajahayo qadiyadda Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu u muuqda maan-gal mudan in mowduucan lagu garab siiyo. The post Farriinta Xasan u diray Abiy oo ka weyn sida Soomaalidu mooday – Maxaa ku duugan? appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) - Somalia's Cabinet of Ministers approved a resolution defining national security threats during their weekly meeting in Mogadishu on Thursday, chaired by Prime Minister Barre. Source: Hiiraan Online
  7. Itoobiya ayaa iska fogeysay eedeynta Soomaaliya ee ah tallaabo militari oo hal dhinac ah iyo ka gudubka sharci darrada ah ee xuduudaha, waxayna ku tilmaantay ‘mid aan sal lahayn’ Itoobiya ayaa diiday eedeymo uga yimid Soomaaliya oo ahaa in askarta Itoobiya ay si sharci darro ah uga soo talaabeen xadka Soomaaliya. Danjire Nebiyu Tedla, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, ayaa ku tilmaamay sheegashada “mid aan sal iyo raad toona lahayn” mar uu BBC-da u warramayay. Danjire Nebiyu ayaa qiray joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (#ATMIS) iyo heshiis laba geesood ah oo u dhaxeeya labada dal. Waxa uu carabka ku adkeeyay in aysan jirin wax dhacay marka laga reebo dhaq-dhaqaaqyada caadiga ah ee ay wadaan ciidamadan. Walaaca Soomaaliya ayaa ka dhashay hadal uu danjire Abuukar Daahir Cusmaan oo ah ergayga joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ka jeediyay warbixintii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 24-kii June, 2024. Danjire Cusmaan ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya in ay carqaladeeyeen qorshihii la qorsheeyay in 4,000 oo ATMIS ah laga saaro dhamaadka xilli ciyaareedkan. Juun, isaga oo tixraacaya “falalka hal dhinac ah iyo xuduudaha sharci-darrada ah.” Carqaladeyntan la sheegay, sida uu sheegay danjire Cismaan, ayaa Soomaaliya ku qasabtay inay dib u dhigto xilliga kala guurka ah ee la qorsheynayo bisha September. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa ku khilaafay sheegashadaas, iyadoo sheegtay in “hawlgal xuduudeed [olole] aan la fulin.” Wuxuu intaas ku daray in wadahadallo uu la yeeshay saraakiisha sare ee Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (#ENDF) ee mas’uulka ka ah howlgallada milateri ee Soomaaliya ay daaha ka rogeen in dhaqdhaqaaqa laga hadlayo uu yahay “leyli tababar ciidan oo joogto ah” oo loogu talagalay in loogu diyaargaroobo khataraha mustaqbalka, si la mid ah dhoolatusyadii hore ee la sameeyay. . Qaran News
  8. 8 The European Union is working with Arab states to push forward a peace plan between Israel and Palestine once the Gaza war is over, and perhaps even sooner, a senior EU diplomat has told The National. European and Arab officials are working to stage an international conference ahead of full-scale peace negotiations, possibly in Spain. With diplomatic efforts intensifying to avoid the total collapse of the enclave, hopes have faded for a ceasefire being achievable in Gaza in the coming months, the EU’s special representative for the Middle East peace process, Sven Koopmans, told The National. EU and Arab nations work on peace plan for post-war Israel and Gaza Conference for the region may have to take place while war is still rages, the EU’s Middle East peace envoy tells The National Sven Koopmans, the EU’s Middle East peace envoy, emphasised the ‘devastating violence and a complete breakdown of the social fabric’ in Gaza. Photo: Wikimedia Commons Sven Koopmans, the EU’s Middle East peace envoy, emphasised the ‘devastating violence and a complete breakdown of the social fabric’ in Gaza. Photo: Wikimedia Commons The European Union is working with Arab states to push forward a peace plan between Israel and Palestine once the Gaza war is over, and perhaps even sooner, a senior EU diplomat has told The National. European and Arab officials are working to stage an international conference ahead of full-scale peace negotiations, possibly in Spain. With diplomatic efforts intensifying to avoid the total collapse of the enclave, hopes have faded for a ceasefire being achievable in Gaza in the coming months, the EU’s special representative for the Middle East peace process, Sven Koopmans, told The National. Prague to lead safety mission to Syria as refugees pressed to return A high-level preparatory meeting to discuss peace in the region should happen “sooner rather than later”, but “the fact that it is taking forever to get to a ceasefire means we also have to think again,” said Mr Koopmans, a Dutch diplomat, speaking ahead of a trip to the UAE and Qatar this week. “A conference for the sake of a conference is not a good idea. It should have results.” The prospect of a peace conference is being overtaken by the urgency of the dire humanitarian situation in Gaza, which Mr Koopmans described as possibly falling apart in a scenario similar to what happened in Somalia’s civil war in the 1990s. “There is devastating violence and a complete breakdown of the social fabric. It is impossible currently to organise orderly distribution of any type of aid and there is no clear vision of what should happen when the fighting ends,” he said. “Then you will have a violent, non-governed, or partially governed zone with people who have basically nothing and are all traumatised. It would be a catastrophe of immense proportions combined with an incredible amount of chaos.” To make sure Palestinians “actually survive to live to the day of peace”, diplomatic efforts must focus now on allowing more humanitarian aid into Gaza, preparing the enclave for a post-ceasefire situation and ensuring the survival of the Palestinian Authority, said Mr Koopmans. Israel has withheld tax revenue it holds on behalf of the Palestinian Authority and has redirected $35 million of these funds to families of victims of the October 7 attacks. This puts the PA’s reform plans at risk, despite them being well received in Brussels when they were presented by Prime Minister Mohammad Mustafa to EU members last month. “The PA has an incredible financial disaster hanging over its head,” said Mr Koopmans. A lot of political effort needed Mr Koopmans recognised that “a lot of political attention is needed right now” to put an end to the conflict. But he also pushed back against criticism that the EU has been slow and relatively ineffective in its reaction to the war in Gaza due to internal divisions between member states. Countries reluctant to appear as critical of Israel such as Germany, Hungary and the Czech Republic have slowed down the adoption of retaliatory measures to Israeli human rights violations in Gaza and the West Bank. These include sanctions against extremist Israeli settlers that attack or kill Palestinian civilians, which were issued in the EU weeks after the US and the UK made a similar move. EU countries have also been busy with national elections this year. In some countries, such as France, the Gaza war has become a highly sensitive and polarising topic. Mr Koopmans cited an emergency meeting of Arab and EU officials in Oman after the October 7 attacks, describing statements given by the EU’s foreign affairs minister Josep Borrell as “very forward looking”. “He said ‘we support Israel in its security and the need to support its citizens’, and at the same time we say don’t overreact, don’t cut off Gaza from food and water because that would be contrary to international law,” said Mr Koopmans. “Some in the media criticised him for that. I think everybody agrees with him now. If they agree with him today they should have agreed with him in October.” EU and Arab nations work on peace plan for post-war Israel and Gaza Conference for the region may have to take place while war is still rages, the EU’s Middle East peace envoy tells The National Sven Koopmans, the EU’s Middle East peace envoy, emphasised the ‘devastating violence and a complete breakdown of the social fabric’ in Gaza. Photo: Wikimedia Commons Sven Koopmans, the EU’s Middle East peace envoy, emphasised the ‘devastating violence and a complete breakdown of the social fabric’ in Gaza. Photo: Wikimedia Commons The European Union is working with Arab states to push forward a peace plan between Israel and Palestine once the Gaza war is over, and perhaps even sooner, a senior EU diplomat has told The National. European and Arab officials are working to stage an international conference ahead of full-scale peace negotiations, possibly in Spain. With diplomatic efforts intensifying to avoid the total collapse of the enclave, hopes have faded for a ceasefire being achievable in Gaza in the coming months, the EU’s special representative for the Middle East peace process, Sven Koopmans, told The National. Prague to lead safety mission to Syria as refugees pressed to return A high-level preparatory meeting to discuss peace in the region should happen “sooner rather than later”, but “the fact that it is taking forever to get to a ceasefire means we also have to think again,” said Mr Koopmans, a Dutch diplomat, speaking ahead of a trip to the UAE and Qatar this week. “A conference for the sake of a conference is not a good idea. It should have results.” The prospect of a peace conference is being overtaken by the urgency of the dire humanitarian situation in Gaza, which Mr Koopmans described as possibly falling apart in a scenario similar to what happened in Somalia’s civil war in the 1990s. “There is devastating violence and a complete breakdown of the social fabric. It is impossible currently to organise orderly distribution of any type of aid and there is no clear vision of what should happen when the fighting ends,” he said. “Then you will have a violent, non-governed, or partially governed zone with people who have basically nothing and are all traumatised. It would be a catastrophe of immense proportions combined with an incredible amount of chaos.” To make sure Palestinians “actually survive to live to the day of peace”, diplomatic efforts must focus now on allowing more humanitarian aid into Gaza, preparing the enclave for a post-ceasefire situation and ensuring the survival of the Palestinian Authority, said Mr Koopmans. Israel has withheld tax revenue it holds on behalf of the Palestinian Authority and has redirected $35 million of these funds to families of victims of the October 7 attacks. This puts the PA’s reform plans at risk, despite them being well received in Brussels when they were presented by Prime Minister Mohammad Mustafa to EU members last month. “The PA has an incredible financial disaster hanging over its head,” said Mr Koopmans. A lot of political effort needed Mr Koopmans recognised that “a lot of political attention is needed right now” to put an end to the conflict. But he also pushed back against criticism that the EU has been slow and relatively ineffective in its reaction to the war in Gaza due to internal divisions between member states. Countries reluctant to appear as critical of Israel such as Germany, Hungary and the Czech Republic have slowed down the adoption of retaliatory measures to Israeli human rights violations in Gaza and the West Bank. These include sanctions against extremist Israeli settlers that attack or kill Palestinian civilians, which were issued in the EU weeks after the US and the UK made a similar move. EU countries have also been busy with national elections this year. In some countries, such as France, the Gaza war has become a highly sensitive and polarising topic. Mr Koopmans cited an emergency meeting of Arab and EU officials in Oman after the October 7 attacks, describing statements given by the EU’s foreign affairs minister Josep Borrell as “very forward looking”. “He said ‘we support Israel in its security and the need to support its citizens’, and at the same time we say don’t overreact, don’t cut off Gaza from food and water because that would be contrary to international law,” said Mr Koopmans. “Some in the media criticised him for that. I think everybody agrees with him now. If they agree with him today they should have agreed with him in October.” A woman walks with a water container after filling up with others from a truck loaded with water cisterns in Rafah in the southern Gaza Strip on June 25. AFP A woman walks with a water container after filling up with others from a truck loaded with water cisterns in Rafah in the southern Gaza Strip on June 25. AFP There have also been calls from some EU countries to pressure Israel into engaging in peace negotiations with the Palestinian Authority, which it has so far refused to do, by reviewing the EU-Israel Association Agreement. But such calls went unheeded until Israel shocked the international community last month when it violated an International Court of Justice ruling ordering it to stop its military offensive against Rafah in southern Gaza. EU foreign affairs ministers then agreed on calling a meeting with Israel, which it has accepted, and the bloc is now internally discussing the meeting’s agenda. Yet just the fact that EU countries have considered reviewing the trade agreement, compounded with other statements such as calls for releasing PA funds, has angered Israel, and diplomatic relations have tanked as a result. This has further raised doubts about Europe’s ability to influence Israeli policies. Israeli officials refused to meet Mr Koopmans during his most recent visit to Israel and Palestinian territories earlier this month. Speaking to The National, Mr Koopmans downplayed the snub, saying that Israeli had reacted in a similar fashion during past wars in Gaza. He was, however, keen to highlight positive offers the EU can make to Israel to encourage it to engage with Palestinians in peace talks. Based on its experience in rapidly ramping up military aid to Ukraine in the past two years, the EU believes it can contribute to Israel’s regional security at some point in the future. “If the circumstances are right, and we are not there right now, there is always more that we can do in terms of political, economic and security co-operation and integration,” said Mr Koopmans. Such tools include the revival of an EU border mission at Rafah which was greenlighted by the bloc’s 27 foreign affairs ministers last month. “It could have an expanded mandate and be in different places,” said Mr Koopmans. Mr Koopmans has based his diplomatic efforts with the Arab region on the EU’s so-called “peace day” that aimed to relaunch negotiations for a two-state solution with Saudi Arabia, Egypt and Jordan. The meeting took place in New York in September, one month before the Hamas-led October 7 attacks against Israel that killed around 1,200 people. Israel’s military response in Gaza has killed more than 37,500 people and injured close to 87,000 others. The peace-day effort, which reiterated long-held EU positions such as calling for an end to illegal Israeli settlements in territory meant to be part of a future Palestinian state, was paused but “still forms a basis of inspiration for all of us”, said Mr Koopmans. The EU updated its vision for the region in light of the continuing conflict with a proposal of robust security assurances for Israel and Palestine conditioned on full mutual diplomatic recognition of both states in the region, according to a version leaked to the media in January. The plan has since been modified, and it is not available to the public. “I don’t have a document that people can just put their signature on and it would be a peace agreement. I don’t even have a draft of that,” said Mr Koopmans. “What I have is a draft of steps to get there: how to set up a negotiation process; how to bring together all the things that you need to have a successful peace agreement.” Source Thenationalnews Qaran News
  9. Dowladda Puntland ayaa baaq nabadeed oo deg deg ah ka soo saartay dagaal beeleedka ka socda galbeedka Gobolka Mudug. Bayaan Rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan oo shuruud la’aan ah lagu joojiyo colaad beeleedda ka socota galbeedka Gobolka Mudug. Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo bayaanka soo saaray ayaa sidoo kale ku baaqay in labada dhinac is xakameeyaan. “Waxaan ku baaqaynaa in colaadda ka socota galbeedka gobolka Mudug lagu joojiyo shuruud la’aan sidaasi darteedna waxaan dadka walaalaha ee colaaddu dhexmartay ugu baaqaynaa in la is xakameeyo” ayaa lagu yiri baaqaasi. Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay wefdi ka kooban golayaasha dowladda u dirtay degaanka colaaddu ka taagan tahay ee galbeedka Gobolka Mudug. “Si dhakhso loogu joojiyo colaadda oo nabadda loo xoojiyo waxaan wefdi golayaasha dowladda ah u dirnay degaanka” ayuu sii raaciyay bayaanka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. Halkaan ka akhriso baaqa dowladda Puntland PUNTLAND POST The post Puntland oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka galbeedka Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  10. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/449124323_1182861112748509_6815586029834533046_n.mp4 Qaran News
  11. Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed mar kale subaxnimadii hore ee Khamiista maanta dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka. Dagaalkan ayaa dib uga bilowday miyiga deegaannada Maygaag, Jiicboor iyo Ooman, xilli la qorsheynayay in halkaa la geeyo ciidan isku dhaf ah oo kala dhex gala dhinacyada dagaallamaya, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in dagaalka maanta uu ahaa midkii ugu xooganaa ee muddooyinkii u dambeeyay ka dhaca galbeedka gobolka Mudug. Dagaalka oo saacado badan socday ayaa duhurkii iskiis joogsaday, waxaana uu dib u qarxi karaa xilli walba maadaama labada ciidan is horfadhiyaan oo aan la kala dhex galin, waxaana dhaawacyada ka dhashay la soo gaarsiiyay isbitaallada magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinacyada Puntland iyo Galmudug. Puntalnd iyo Galmudug wali xal uma helin dagaalka soo noq noqda, mana jiro wada-hadal hadda socda oo lagu kala dhex galayo dhinacyada dagaallamaya, waxaana shalay natiijo la’aan ku dhammaaday kulan ay yeesheen mas’uuliyiin ka kala socota Puntland iyo Galmudug. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta Khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedka galbeedka Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Shirka oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha golaha ayaa waxaa lagu ansixiyay qaraar xasaasi ah oo ku saabsan khataraha amniga qaranka oo warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay xafiiska amniga qaranka. Golaha ayaa ansixiyay qaraarka oo ka kooban 8 qodob oo qeexaya khataraha amniga qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayada oo oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliya ee ku saleysan amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed. Waxa ay kala yihiin qodobada la meel-mariyay;- 1. Argagixisada; 2. Aragtida Gooni-goosadka; 3. Dowlad-nugeylka; 4. Xuduudaha Beylahda; 5. Faragelinta Shisheeye; 6. Isbeddelka Cimilada; 7. Khatarta Tiknoolajiyadda; 8. Khataraha Bulshada; Sidoo kale shirka ayaa warbixin ku saabsan munaasabadaha dabaaldegga maalmaha Xorriyadda, waxaa looga dhageystay Guddiga qabanqaabada oo soo bandhigay sida ay u qabsoontay munaasabaddii 26-ka Juun iyo diyaar garowga 1-da Luuliyo. Golaha wasiirada ayaa sidoo kale warbixinno ku saabsan howlgalladii u danbeeyey ee xasillinta dalka iyo ciribtirta Khawaarijta waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Labada wasaaradood ayaa shirka kusoo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamada Xoogga dalka oo ay sheegeen in jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab. The post Golaha wasiirada oo ansixiyay qaraar xasaasi ah oo ka kooban 8 qodob + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  13. Ethiopian Delegation headed by Mr. Adem Farah, Vice President of the ruling Prosperity Party and head of the Democratic System Building Center with the rank of Deputy Prime Minister, has arrived in Djibouti. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) - The Ethiopian government has denied reports that it withdrew from the Red Sea agreement signed with the breakaway region of Somaliland earlier this year. Source: Hiiraan Online
  15. Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka. Iyada oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, ayaa goluhu waxa uu soo saaray, isla markaana ansixiyay qaraar ka kooban 8 qodob oo qeexaya Khataraha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah: Argagixisada; Aragtida Gooni-goosadka; Dowlad-nugeylka; Xuduudaha Beylahda; Faragelinta Shisheeye; Isbeddelka Cimilada; Khatarta Tiknoolajiyadda; Khataraha Bulshada; Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixin ku saabsan munaasabadaha dabaaldegga maalmaha Xorriyadda, waxa looga dhageystay Guddiga qabanqaabada oo soo bandhigay sida ay u qabsoontay munaasabaddii 26-ka Juun iyo diyaar garowga 1-da Luuliyo. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ku saabsan howlgalladii u danbeeyey ee xasillinta dalka iyo ciribtirta shabaab waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Source: goobjoog.com
  16. Waxaa maanta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti looga dabaaldagayaa maalintii xornimada uu dalkaasi ka qaatay gumeystihii Faransiiska oo muddo dheer ka talinayay sanadkii 1977, waxaana habeenkii xalay dhacday munaasabad weyn oo lagu maamuusayay arrintaasi. Xuska munaasibadda 47-sano guuradii ka soo wareegatay markii xurnimada Jabuuti ay ka qaadatay gumeystaha Faransiiska, Jabuuti ayaa kamid aheyd 5tii gobo lee Soomali degijirtay ka hor inta uusan gumeystaha uu u kala qeybin 5-ta Soomaali. Dhulka Soomaaliyeed, taariikh ahaan, waxaa la qeybiyay 1884-tii gaar ahaan shir loogu magac daray shirkii Berlin, waxaa shirkaas ka soo qeyb-galay gumaystayaashii reer Yurub, Mareykanka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, waxaa lagu qeybsaday Afrika, Dalka Soomaaliya waxaa loo kala saaray Shan qeybood oo kala ah: Koofurta Soomaaliya ee loo biyay Italian Somaliland, Gobollada Waqooyi oo loo bixiyay British Somaliland, , Djibouti oo cadawda Faransiiska la siiyay , Nfd, Soomaali galbeed Itoobiya iyo Kenya lagu daray. Dalka Djibouti waxaa uu xuriyad ka qaatay Faransiiska June 27, 1977, Madaxweynihii ugu horeeyay Djibouti waxaa noqday Xassan Guuleed Abtidoon, Caasimadda Waa Djibouti, Waxaa looga hadlaa Af-Somali, Afka Faransiiska, Afka Carabiga iyo Afka Cafarta. Dowladda Soomaaliyeed oo markaas xornimadeeda heysatay kuna midowday gobolladii Koonfur iyo Waqooyiga baadi goobna ugu jirtay sedexdii gobo lee maqneyd, ayaa kalin muhiim ah ka geysatay dadaalka loogu jiray xornimo gaarsiinta dowladda Jabuuti. Magaalada Djibouti marka laga soo tago, Waxaa jira magaalooyin kale oo caan ah sida Arta oo xusuus gaar ah ku leh dadka Soomaaliyeed , Taourah, Cali Sabeih, Obok, Dakhil, lacagta laga isticmaalo Franc waxaana ugu dambeyn ay gaareen hadafkoodii ahaa guul. Dalkaasi xuriyaddiisa waxaa u soo halgamay dad badan, Laakin waxaan ka xusi karnaa Maxamuud Xarbi, Xarbi waa geesi u dagaalamay Xoraynta dhulka Xeebta Soomalida(Jabuuti), dalkan Masar ayuu wax ku bartay halkaas oo muddo ku sugnaa halgankiisa kasoo bilaabay. Ururkii PMP ayuu ku dhisay, isaga oo si cad u mucaaraday joogitaanka Faransiinska ee Jabuuti, ugu dambeentii cadawga Faransiiska ayaa diyaarad kula qarxiyeen badda dusheeda halkaana waxaa ku shahiisay geesiga Maxamuud Xarbi iyo ajaanib kale oo diyaaradda la socday. Djibouti, Maanta waa dal, Laakin waxaa ummadda Soomaaliyeed u qabteen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay kadib shirar badan oo dib u heshiisiin ah, dalka Djabuti waxaa ka dhacay shirar dib u heshiisiin, kuwaas oo loo qabtay dadkii Soomaaliyeed ee dowladdu ka luntay. Waxaa lagu dhisay 3 dowlad Soomaaliyeed, Sida dowladihii Cali Mahdi Maxamed, Cabdiqasim Salaad Xasan iyo Sheekh Sharif Sheekh Axmed, maanta waxaa ay ciidamadooda nabad ilaalin u joogaan gudha Soomaalida, dadka qaar waxaa ay ugu yeeraan xiligan la joogo Hiilwalaal. W/Q/ Abdi Aziz Ahmed Gurbiye Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bayaan deg deg ah kasoo saartay colaadda saaka kasoo cusboonaatay gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanno dhaca galbeedka gobolkaasi. Dagaalkan oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa waxay dowladda ku baaqday in si deg deg loo joojiyo colaadda, islamarkaana ay dhinacyadu fursad siiyaan nabadda iyo wada-hadalka. Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta oo bayaanka soo saartay ayaa waxay muujisay sida ay uga walaacsan tahay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya deegaanno ka tirsan gobolka Mudug. “Wasaaradda waxay ka walaacsan tahay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya deegaannada; Jiicboor, Saxo-Qurun iyo Meygaagta, ee ka tirsan gobolka Mudug. Waxaan ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda islamarkaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada-hadalka.” Sidoo kale wasaaradda ayaa waxay codsi u dirtay odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka iyo bulshada inteeda kale, “Waxa aan ka codsaneyna dadka waxgaradka ah inay nabadda u istaagaan oo ay kaalintooda ka qaataan sidii colaadda loo joojin lahaa. Wasaaradda ayaa waxay kale ugu baaqday masuuliyiinta maamullada Puntland iyo Galmudug inay kaalintooda ka qaataan, ayna u istaagaan xal u helidda colaadda. “Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax alle wixii kaga aaddan sidii xalwaara loogu heli lahaa colaaddan.” Gobollada dhexe waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi. Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda. The post DF oo bayaan culus kasoo saartay dagaalka Mudug appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla waddada Maka Al-Mularama ee magaalada Muqdisho, kaas oo aad u xooganaa. Dabka oo dhaliyay khasaare hantiyeed ayaa qabsaday maqaayad lagu magacaabo Isasaar oo ku taalla laamiga Tareebiyaano, waxaana ku gubtay maqaayadda iyo goob Madbacad ah oo ku dheggan, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Milkiilayaha maqaayadda uu dabka ka kacay oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Isaaq ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay inuu ka dhashay koronto. “Waxaa dab ka kacay koronto annaga oo shaqeysaneyno oo ku jiro xilliga shaqada ka bacdina jiingadihii ayaa dabka qaaday, khasaare wuxuu soo gaaray maqaayadda isa saar iyo madbacadda Rayaan” ayui yiri Maxamed Ibraahim Isaaq. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu khasaaraha ku kooban yahay hanti oo kaliya, isla markaana shaqaalihii iyo shacabkii ku sugnaa goobta ay ka badbaadeen dabka kacay. “Khasaaraha na gaaray waa mid maaliyadeed, ma jiro wax nafeed Alxamdulilaah, kulli waa wada gubtay guriga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Waxaa kale oo uu intaasi ku dareen inay gurmad deg deg ah, isla markaana ay soo gaareen gaadiidka dab damiska oo ku guuleystay inay damiyaan dabkaasi, wuxuuna u mahadceliyay dowladda iyo shacabkii usoo gurmaday. “Waa uga mahadcelinayaa dowladda sida ay noogu soo gurmadeen ee ay noo badbaadiyeen, waayo khasaaraha intaan waa ka waynaan laha, haddii ay iyaga ahaan lahayn iyo shacabka noo soo gurmaday” ayuu mar kale yiri. Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay gubashada goobaha ganacsi iyo guryaha ku yaalla caasimada, kuwaas oo dhaliya khasaarooyin kala duwan. The post Goobo ganacsi oo ku gubtay waddada Maka Al-mularama appeared first on Caasimada Online.