-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku saabsan heshiiska badda ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya. Qoraalka uu soo saaray Abiy oo lagu daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa ugu horreyn lagu beeniyay inay Itoobiya ka laabatay heshiiskii ay horraantii sannadkan la gashay Somaliland, kaas oo ay si wayn ay uga qaylisay Soomaaliya. Xafiiska Abiy Axmed ayaa iska fogeeyay waraaqo saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay baraha bulshada, taas oo lagu sheegay in Itoobiya ay ka baxday heshiiskii is afgarad ee ay dhowaan la gashay Somaliland. “Dadka waxa aanu uga digaynaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah iyo dadka sida xun u isticmaalaya calaamadayada” ayuu mar kale lagu yidhi. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa heegay in labada dhinac ay ka go’an tahay in heshiiska uu hirgelo, isla markaana ay mar kastaa diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa. “Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka go’an in Agree-ga la saxiixo kadibna MoU-ga loo beddalo xeer oo uu dhaqan-galo. Aroorta haddii ay qolada kale diyaar tahay annaga diyaar ayaa nahay waa dal ballaadhan mana jiro wax ka noqosho ah..” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland. Source
-
Aas-aasaha website-ka WikiLeaks Julian Assange ayaa Arbacadi shalay gaadhay dalka uu kasoo jeedo ee Australia isaga oo xor ah, kaddib marki lagu sii daayay heshiis uu la galay dacwad-oogayaasha Mareykanka, kaas oo dhigayay in uu aqbalo inuu Mareykanka ka galay danbi jaasuusnimo, kuna baddasho xorriyaddiisa. Arrintaas ayaa so oaf-jartay 14 sano oo Assange uu eedeysane ahaa, muddadaasi oo marna uu baxsad ahaa, mar uu magan-galyo ku deganaa safaarad ku taalla Ingiriiska iyo mar uu ku xidhnaa xabsiga London. Taageerayaasha wariyahaan 52-jirka ah ayaa si farxad leh u soo dhaweeyay sii deyntiisa, balse sheegay in dacwadihi lagu qaaday ay tusaale u yihiin khatarta ay wajaheyso xorriyadda saxaafadda. Assange aroornimadi hore ee shalay diyaarad khaas ah ku tagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Canberra, halkaas oo si qiiro leh ay ugu soo dhaweeyeen qoyskiisa. Waxaa isku duubay xaaskiisa Stella, iyo aabihiis, John Shipton, ka hor inta uusan hawada feerin isagoo ku faraxsanaa soo laabashadiisa. Website-kiisa WikiLeaks ayaa sannadki 2010-kii baahiyay boqollaal kun oo dukumintiyo sir qaran ah oo uu leeyahay millatariga Mareykanka. Dukumintiyadaasi ayaa u badnaa kuwa millatariga Mareykanka ee dagaalladi Afghanistan iyo Iraq. Dusinti sirta milatari ee Mareykanka ee Wikileakes ayaa noqday kugu ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka. Assange ayaa marki hore sannadki 2010-ki lagu xiray dalka Britain kaddib marki ay maxkamad ku taalla Sweden u jartay waaran lagu soo qabanayo, kaddib marki lagu eedeeyay danbi kufsi ah oo marki danbe laga laabtay. Kaddib ayuu u cararay oo uu iska dhiibay safaaradda Ecuador ee London, kalkaas oo uu ku noolaa muddo 7 sano ah. Ugu danbeyntii sannadki 2019-ki ayaa laga soo xidhay safaaradda, oo loo diray xabsiga Belmarsh ee magaalada London. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan midnimada Soomaaliya, isaga oo soo hadal qaaday maqnaashaha Somaliland oo haatan u ololeyneyso inay ka go’do dalka intiisa kale. Firdhiye ayaa diiday in dowladda federaalka ay isku deydo inay awood ku ogoleysiiso Somaliland arrinta midnimada, ayada oo weerar ku eekeyneyso maamulka Hargeysa. Hoggaamiyaha SSC ayaa shaaca ka qaaday in laga haboon yahay adeegsiga awooddda dowladda, ayada oo Somaliland loo isticmaalo qasab iyo qoray caaraddiisa. “Haddii dowladda Soomaaliyeed ee aynu maanta hoos joognaa ay weerar ku ekeyso gobollada waqooyi, ayada oo damacsan inay ku qasabto inay midnimadii kusoo laabtaan waxaa waajib ku ah qof kasta oo muwaadin ah oo Soomaaliyeed inuu ka dhiidhiyo, isla mar ahaantaana ka hortego” ayuu yiri Firdhiye. Waxaa kale oo uu yiri “Sidaasi si lamid ah qof kasta oo muwaadin ah waxaa la gudboon in doonista qaybo kamid ah Soomaaliya aan la’isku dayin in lagu maquuniyo qasab iyo qoray caaradiis”. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aan midnimo iyo dowlad dhan lagu heleyn awoodd ku maquunis ee loo baahan yahay in qaabab kale xalka lagu raadiyo “Soomaali shalay, maanta iyo berriba dowladnimada loo dhanyahay iyo midnimo lagu waayayaa kala teg iyo madax taag lagu heli maayo” ayuu mar kale yiri hoggaamiyuhu. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in SSC-Khaatumo ay aaminsan tahay in aan cidna marti looga ahayn midnimada dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed oo loo dhan yahay. “Annagu haddaanu nahay shacabka SSC-Khaatumo aanu nahay reer waqooyi waxaan aaminsanahay midnimo aan cid marti looga ahayn iyo dowladnimo macno leh oo wada gaarta dhammaan gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliyeed” ayuu kusoo gabagabeeyay. The post SSC-Khaatumo oo diiday in DF ay awood ku ogolsiiso Somaliland midnimada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda Jabuuti iyo guud ahaan shacabka dalkaas maalinta xoriyadda ee 27-ka Juun. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo horumarka ay Jamhuuriyadda Jabuuti ku tallaabsatay tan iyo markii ay xornimada qaadatay, isagoo tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah. “Waxaan ugu hambalyeynayaa walaalaheenna Jamhuuriyadda Jabuuti sanadguurada 47-aad ee xorriyadda. Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay wadaagaan taariikh dheer, dhaqan iyo dhiig. Waxaan ku faaneynaa horumarka iyo midnimada ay gaareen walaalaheenna Jabuuti, waxaana u rajeyneynaa mustaqbal ifaya iyo hurumar waara.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, isagoo uga mahadceliyey dowlad iyo shacabba doorka ay ka qaateen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna hambalyo ku aadan 47-sano guuradii kasoo waraagatay markii wadanka Jabuuti uu ka xorroobay gumeystihii Faransiiska u diray shacabka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti iyo dowladooda. Aadan Madoobe ayaa sheegay in xorrnimada maanta ay ku naaloonayaan walaalaha Jabuuti ay usoo mareen dadaal badan iyo halgan dheer loona baahanyahay in ay ilaashadaan horumarka iyo dowladnimada ay maanta heystaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku amaanay horumarka ay heystaan iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka Geeska Afrika iyo kan gobolka. Bishii Juun 27-keedii sanadkii 1977-dii ayay markii wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda uu xorrnimada ka qaatay dalka faransiiska oo xiligaas gumeysanayay. Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti u rajeeyay barwaaqo iyo hormar dowladnimo oo kan kasii balaaran. The post Madaxweyne Xasan oo dhambaal u direy JABUUTI appeared first on Caasimada Online.
-
Doorashada Labaad Dr. Xassan Sheikh Maxamud Xilka Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) waxay aheyd dhacdo taariikhi ah, dadweynaha soo dhoweeyay si Soomaaliya uga gudubto xaaladda dowladnimada tabarta daran ee ragaadisay. Sababaha loo soo dhoweeyay doorashada labaad ee Madaxweyne Xassan waxaa ka mid ah: Source: Hiiraan Online
-
In the aftermath of the 1991 Somali Civil War, Puntland declared itself an autonomous state in 1998; unlike Somaliland, Puntland is part of the Federal State of Somalia. The name "Puntland" is derived from the Land of Punt mentioned by ancient Egyptian sources. It has a constitution that governs the State. Under this constitution, the government has three branches; the executive, legislature, and judiciary. The administrative capital of Puntland is Garowe, located in Nogal region, and is the seat of the Puntland parliament, presidential palace and government ministries. Source: Hiiraan Online
-
The Somali government's recent efforts to combat corruption faced a setback in May 2024. The acquittal of high-ranking officials cast a shadow over its anti-corruption strategy. However, this moment should not be viewed as an insurmountable defeat. Instead, it can catalyze a renewed and even more effective fight for a corruption-free future. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay, in Arbacadi shalay ay fashiliyeen isku day afganbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi, kuwaas oo muddo kooban heystay madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka, ka hor inta aysan dib uga soo laaban. Goor sii horreysay oo shalay ah, ayay cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga, ayaa isugu soo baxay fagaaraha u dhaw qasriga Plaza Murillo, oo ay ku yaallaan madaxtooyada iyo Congress-ka. Goob-joogayaal ayaa VOA-da u sheegay, in ay arkeen gawaari gaashaaman oo albaabka madaxtooyada xoog ku galaya iyo askar orod ku sii galeysa. Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada, xilli ay boqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ay si dhaqso ah ku buuxiyeen fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada. Iyaga oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia, ayaa waxaa u gacmo-haatiyay madaxweynaha oo ay hareeraha ka joogeen wasiirradiisa. Madaxweyne Arce ayaa u mahadceliyay dadki isugu soo baxay fagaaaraha. Wuxuu wacad ku maray inuu meel adag ka istaagi dooni afganbiga, isaga oo markiiba taliye cusub u magacaabay ciidanka millatariga. Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga. Isku-daygi afganbi ee Arbacadi ayaa yimid, kaddib bilooyin ay kacsaneyd xiisadda siyaasadeed ee Boliva, kaddib marki ay madaxweyne Arce iyo madaxweynihi hore Evo Morales ay isku qabsadeen maamulka xisibiga talada haya. Arrintaasi ayaa dhalisay bannaanbaxyo sii xoogeysanaya oo ay taageerayaasha Morales dhigayaan. Morales ayaa xakunka xoog looga tuuray sannadki 2019-ki, kaddib kacdoon dadweyne oo Bolivia ka dhacay, kaddib muddo tobnaan sano ah oo uu dalkaasi dhaca bartamaha Koofurta America soo xakumayay. Wuxuu hadda doonaya inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee Bolivia ka dhaceysa sannadka 2025-ka. Source
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan heshiiska badda, kaas oo dhaliyay xiisad xoogan oo u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Qoraalka uu soo saaray Abiy oo lagu daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa ugu horreyn lagu beeniyay inay Itoobiya ka laabatay heshiiskii ay horraantii sanadkan la gashay Somaliland, kaas oo ay si wayn u diiday dowladda dhexe. Xafiiska Abiy Axmed ayaa iska fogeeyay waraaqo saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay baraha bulshada, taas oo lagu sheegay in Itoobiya ay ka baxday heshiiskii is afgarad ee ay dhowaan la gashay Somaliland. Sidoo kale waxaa jawaabta kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha looga digay shacabka inay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee wareegaya baraha bulshada. “Xafiiska Raysal Wasaaruhu waxa uu dadwaynaha kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuur ka ah ee wareegaya baraha bulshada ee ku saabsan isfahankii aanu la galnay Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka dowlada Itoobiya. Waxaa kale oo uu qoraalku intaasi sii raaciyay in wixii xog ah ee ku aada arrimaha guddaha, gobolka iyo caalamkaba lagu baahiyo kaliya boga rasmiga ah ee xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed, isla markaana aanu shaqo kulahayn wararka lagu baahiyo baraha kale “Dadka waxa aanu uga digaynaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah iyo dadka sida xun u isticmaalaya calaamadayada” ayuu mar kale lagu yiri. Hadalkan waxaa ka horreeyay khudbad uu isna shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ka jeediyay magaalada Hargeysa, wuxuuna ku heegay in labada dhinac ay ka go’an tahay in heshiiska uu hirgelo, isla markaana ay mar kastaa diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa. “Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka go’an in Agree-ga la saxiixo kadibna MoU-ga loo beddalo xeer oo uu dhaqan-galo. Aroorta haddii ay qolada kale diyaar tahay annaga diyaar ayaa nahay waa dal ballaaran mana jiro wax ka noqosho ah” ayuu khudbadiisa yiri madaxweynaha maamulka Somaliland. Soomaaliya ayaa dhankeeda weli diidan heshiiska Abiy Axmed uu la galay Muuse Biixi, kaas oo dhaliyay inay qaraxdo xiisad u dhexeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo si weyn looga dareemay gobolka. The post ABIY Ahmed oo war culus kasoo saaray heshiiska BADDA, kuna adkeystay… appeared first on Caasimada Online.
-
Kuuriyada Waqooyi ayaa ku guulaysatay inay samayso Tijaabo muhiim ah oo looga dan lahaa in lagu horumariyo Gantaallada xambaarsan madaxyo badan, sida ay sheegtay wakaaladda warbaahinta dawladda ee KCNA. Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegashadaas diiday, ayadoo ku tilmaantay khiyaano ay xukuumadda Pyongyang ku qarinayso sida ay ugu guuldaraysatay gantaal dayax gacmeedka wax basaasa qaada oo ay dhowaan tijaabisay. Kuuriyada Waqooyi ayaa saaka oo khamiis ah sheegtay in tijaabadan la sameeyay arbacadii, iyadoo la adeegsanayo heerka koowaad, mishiinka shidaalka adag ee gantaalaha riddada dhexe. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa maalin ka dib markii militariga Kuuriyada Koonfureed uu sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ridday wax u muuqda gantaal oo ku qarxay xeebteeda bari. Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegtay in gantaalku uu ku guulaystay in uu kala saaro madaxyada dagaalka, kuwaas oo si sax ah loo hagay saddex bartilmaameed oo hore loo qorsheeyay. Xukuumadda Pyongyang ayaa ku howlan hormarinta hannaankeeda difaaca oo ay gantaallada casriga ah iyo qalabka kalee militariga ugu horeeyaan,ayadoo sameysa tijaabooyin is daba joog ah. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua ayaa weerar afka ah ku qaaday Agaasimaha Sirdoonka, Nordin Haji ka dib markii shalay khudbad ka jeediyay magaalo xeebeedka Mombasa, kadib dibadbaxyo dalka hareeyay maalmahaan. Waxaa uu ku tilmaamay Agaasimaha sarkaal hoose oo aan awood u lahayn inuu hoggaamiyo Hay’adda sirdoonka , isagoo ku sheegaya haddii ay sirdoonka shaqo wanaagsan qaban lahaayeen inaysan dhici lahayn xaaladda ay wajahayaan. Waxaa uu sheegay in Agaasimaha looga baahan yahay in uu shaqada ka taggo sidoo kalena uu qaato mas’uuliyada wixii dhacay. “Waxaan leenahay adeeg Sirdoon oo aan shaqeyneyn… Nordin Haji waa inuu qaataa mas’uuliyadda dhimashada iyo dhacdada xarunta baarlamaanka,waa inuu is casilaa waa inuu u oggolaadaa Ruto inuu soo doorto agaasime karti leh oo uu miyir qab ku soo celiyo NIS.”ayuu yiri Gachagua. Gachagua, oo ay ka muuqaatay in uu aad u careysan yahay ayaa intaasi kusii daray “Waa inuu mas’uul ka yahay dhimashada dhacday iyo qalalaasaha ka dhashay, waa inuu u oggolaadaa Ruto inuu soo doorto DG karti leh oo uu miyir qabo dib ugu soo celiyo NIS.” Madaxweynaha Kenya ayaa bishii March ee sanadkii 2023 kii u magacaabay Agaasimaha Sirdoonka Nuuradiin Haajji oo kasoo jeedda Soomaalida Kenya. Nuuradiin, kahor inta aan xilkan loo magacaabin wuxuu ahaa dacwad oogaha guud ee Kenya, isagoo intii uu xilkan hayay dacwado ku oogay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq. Wuxuu sidoo kale Nuuradiin soo noqday agaasime ku xigeenka waaxda ka hortagga dembiyada abaabulan, isagoo isla waaxdan NIS ka shaqeynayay markaas. Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah oo laga helayo dagaal beeleed ka socda gobolka Mudug Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya meleeshiyo beeleed uu ka socdo deegaannada miyiga ah ee ku yaalla galbeedka. Dagaalka oo bilowday foogtii hore ee saaka ayaa weli socda sida wararku ay sheegayaan, waxaana adag in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay ilaa iyo hadda dagaalka, maadaama dhulka uu ka socdo uu yahay aag miyi ah oo ay ku badanyihiin dadka xoolo dhaqatada ah. Colaadda u dhaxeeysa beelaha halkaa wada dega ayaa ku soo noqnoqotay degaannadaasi waxaana ay salka ku haysaa inta badan daaqqa iyo deegaanka, iyadoo isku dhicii ugu dambeyay ay ku dhinteen dad ka badan soddon qof. Wixii warar ah ee ku soo kordha halkaan kala soco Qaran News
-
Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay in ay fashiliyeen isku day afganbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi, kuwaas oo muddo kooban heystay madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka, ka hor inta aysan dib uga soo laaban. Cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga, ayaa isugu soo baxay fagaaraha u dhaw qasriga Plaza Murillo, oo ay ku yaallaan madaxtooyada iyo Congress-ka. Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada. Bqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ay si dhaqso ah waxa ay buuxiyeen fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada. Iyaga oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia, ayaa waxaa u gacmo-haatiyay madaxweynaha oo ay hareeraha ka joogeen wasiirradiisa. Madaxweyne Arce ayaa u mahadceliyay dadki isugu soo baxay fagaaaraha. Wuxuu wacad ku maray inuu meel adag ka istaagi dooni afganbiga, isaga oo markiiba taliye cusub u magacaabay ciidanka millatariga. Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga. Wasiirka arrimaha gudaha Bolivia, Eduardo del Castillo ayaa warbaahinta u soo bandhigay Jen. Juan José Zuñiga, oo hoggaaminayay iskudaygii afgambiga laga hortagay ee Bolivia , kaaso markii warbaahinta loo soo bandhigay katiinad looga xiray gacmaha, isagoo gashan jaakadda aan xabbadu karin oo ay ku qorantahay ‘waa la xiray’. Sarkaalkan wuxuu wajahaya inuu halis galiyay nolashada madaxweynaha iyo nidaamka Bolivia, iyadoo sidoo kale lagu soo oogi karo mas’uuliyada illaa sagaal qof oo ku dhaawacmay rasaas la riday inta uu afgambiga socday, kaa oo ay si adag uga hortageen shacabka Bolivia. Source: goobjoog.com
-
Dagaal beeleed xooggan ayaa saaka mar kale deegaanka Saaxa-qurun ee galbeedka Gobolka Mudug ka qarxay kaasoo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo deegaanka ah, waxaana fashilmay isku day dadaal nabadeed oo socday. Dagaalka ayaa yimid, ka dib is maandhaaf ka dhashay ceel biyood, sida la sheegay ay mid ka mid ah labadaasi beelood ka hirgelineysay duleedka deegaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsadayo. Labada maleeshiyo ee dagaalka uu u dhaxeeyo ayaa ka soo kala jeeda koonfurta Magaalada Gaalkacyo iyo Degmada Galdogob. Ma jirto cid illaa iyo hadda kala dhex gashay maleeshiyadaasi, balse odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo, nabaddana laga wada shaqeeyo. Colaadda beelahan deriska ah ayaa ku soo noqnoqotay gobolka, iyaga oo ka dhaxlay dib-u-dhac, amni darro iyo in dhiig badani oo dhexdooda ah ay iska daadiyaan. Dhowrkii sano ee ugu dambeysay beelahan ayaa nabad iyo iskaashi dhinaca horumarka ah ku wada joogay gobolka, ka dib heshiis nabadeed oo sanadkii 2020 ay ku gaareen Degmada Bandiiradley. Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu dib uga qarxay dagaal u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, kaas oo hadda ka socda galbeedka gobolkaasi. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Maygaagta, waxaana uu u dhexeeyaa laba beelood oo isku haysta dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi. Labada dhinac oo horay ugu dagaalamay aaggan ayaa mar kale saaka is-farasaaray, kadib gurmadyo ay heleen, waxaana dagaalka la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in xaaladda ay faraha ka baxday, isla markaana ay dagaalka ku dhinteen in ka badan 10 qof, halka ay ku dhawaacmeen tiro intaas ka badan. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalkaasi oo u dhexeeyo laba beelood oo kasoo kala jeeda maamulladaasi. Gobollada dhexe waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi. Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo dib uga qarxay gobolka MUDUG appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka ku saabsan in ay baabi’say is-afgaradkii dhinaca badda ee ay hore ula gashay maamulka Somaliland. Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa been abuur ku tilmaamay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo muujinaysa in Itoobiya ka baxday is-afgaradkii dhinaca badda ee Somaliland. Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in ay been abuur tahay warqadda ku faaftay baraha bulshada ee sheegaysa in Itoobiya baabi’isay is af-garadkaasi. “Xafiiska Ra’iisul wasaaruhu waxa uu dadwaynaha kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuur ka ah ee wareegaya baraha bulshada ee ku saabsan isfahankii aanu la galnay Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalkaasi. Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale sheegay in keliya wararka iyo go’aannada rasmiga ah ee dowladda Itoobiya lagala socon karo bogga xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy. PUNTLAND POST The post Dowladda Itoobiya oo beenisay in ay ka laabatay is-afgaradkii badda ee Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay, in Arbacadi shalay ay fashiliyeen isku day afgenbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi. Madaxweyne Luis Arce ayaa sheegay in ciidanka af-genbiga sameeyay ay mudda kooban haysteen aqalka madaxtooyada iyo xarunta baarlamaanka dalkaasi ka hor inta aysan dib uga soo laaban. Af-genbiga waxa sameeyay cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga dalkaasi. Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada iyo xarunta baarlamanka. Dhinaca kale boqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia ayaa si dhaqso ah ku buuxiyay fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada. Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha dalka Bolivia oo ka badbaaday inqilaab millatari appeared first on Puntland Post.
-
Dagaal beeleed culus ayaa lagu soo warramaya in uu mar kale saaka dib uga bilowday degaanno ka tirsan galbeedka gobolka Mudug. Dagaalka ayaa saaka ka socda nawaaxiga degaanka lagu magacaabo Jiicboor waxaana halkaasi ku dagaallamaya maleeshiyaad ka soo kala jeeda Galdogob iyo Bandiiradley. Dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlayaa aga-gaarka Jiicboor oo uu ka socdo dagaalka sida laga soo xigtay dadka degaanka. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo sheegaya dagaalka saaka oo lagu tilmaamay mid ka xooggan dagaalladii hore halkaasi ugu dhex maray maleeshiya-beeleedka labada dhinac. Sidoo kale dagaalka ayaa imaanaya iyadoo uu socday dadaal lagu raadinayay in la joojiyo colaadda islamarkaana la kala qaado maleeshiyaadka labada beelood. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed culus oo mar kale saaka ka bilowday galbeedka gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Makka (Caasimada Online) – Maamulka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay Cabdul Wahab bin Zain Al Abidin Al Shaibi inuu yahay shakhsiga furaha Kacbada Kacbada hayn doona kadib markii uu geeriyooday Sheikh Saleh Al Shaibi. Munaasabada lagu wareejinayay furayaasha Kacbada iyo Maqaam Ibraahim (Maqaamka Nabi Ibraahim) ayaa Isniintii lagu qabtay magaalada Makkah. Sheikh Cabdul Raxmaan bin Salex Al-Shaibi, oo wiil uu dhalay Sheikh Salex Al-Shaibi, ayaa furaha ku wareejiyay Sheekh Cabdul Wahaab bin Zain Al-Abidin Al-Shaibi, oo ah mas’uulka 78-aad ee Kacbada. Sheekh Abdul Wahaab oo ah qofka ugu da’da weyn qoyska Al-Shaiba, ayaa loo magacaabay inuu beddelo Sheikh Saleh Al-Shaibi, oo ahaa sii hayaha sare ee Kacbada oo geeriyooday Jimcihii la soo dhaafay. Waxaa caado ah in furaha Kacbada iyo Maqaam Ibraahim lagu wareejiyo qofka ugu da’da weyn qoyska Al-Shaiba. Ka dib markii uu la wareegay furaha Kacbada, Sheekh Cabdul-Wahaab wuxuu yiri: “Ilaahay ha igu guuleeyo gudashada waajibaadkan iyo mas’uuliyadda labada masjid ee barakeysan.” Sheekh Cabdul-Wahaab waxa uu furi doonaa Kacbada si uu u fududeeyo dhaqidda munaasibka ah ee sanadlaha ah ee Muxaram 15, 1446. Ilaaliyaha Kacbada waa qofka kaliya ee haysta furaha Kacbada, wuxuuna u xil-saaran yahay wax kasta oo la xiriira arrimaha Beydka Alle, oo ay ka mid yihiin beddelidda Kiswada (marada ku daboolan), dhaqidda, iyo carfinta. Tan iyo waagii Nebi Muxamed (scw) qoyska reer Banii Shayba waxa loo igmaday ilaalinta Kacbada, furaheedana ay hayaan. Qoyska Shaiba waxay sii wadaan inay ixtiraamaan sunnadii Nebiga (NNKH) iyagoo u dhiibaya jagada ilaaliyaha (sadin) ee Kacbada xubintooda ugu da’da weyn. Markii uu Nebigu (NNKH) galay Kacbada markuu Makka qabsaday ayuu burburiyay dhammaan sanamyadii ku jiray, wuuna mayray, albaabkiina wuu xidhay, dabadeedna wuxuu u yeedhay Cusmaan Bin Talxa oo ka mid ahaa qoyska Bani Shaiba, wuxuuna u dhiibay furihii isagoo leh, “Furayaashani way sii jiri doonaan ilaa maalinta qiyaame. Cid kaa qaadi karta ma jirto aan ahayn daalim. Qoyska Al-Shaiba waxa ay ilaa waagaas ahaayeen kuwa ilaaliya Kacbada sida uu Eebbe u doonayey iyaga oo lagu soo dajiyay aayadda keliya ee ku soo degtay gudaha Kacbada. “Runtii, Allaah wuxuu ku amrayaa inaad u dhiibto ammaanada cidda leh. Axmed Adan Dagaal (Axmed Safiina) oo ka faalooda taariikhda islaamka ayaa BBC Somali u sheegay: “Wakhtigii Nebigu dhashay beelaha Qureysh shaqada Xaramka way u qaybsanayd”. “Reer Banii Haashim oo uu Nebigu ka dhashay waxay lahaayeen oo ay hayeen furaha ceelka Zamzamka iyo waraabinta xujayda oo loo yaqaanay (Al-Siqaaya). Furaha Kacbadan waxa hayay beesha reer Baniishayba,” ayuu yiri. Dr. Saleh Al-Shaibi, oo ahaa caalim weyn, aqoonyahan iyo qoraa, waxa uu ahaa ilaaliyaha sare ee Kacbada, muddo toban sano ah. Waxa uu qabtay booska 77-aad ee furaha Kacbada kadib geeridii adeerkiis Sheikh Abdulqadir Al-Shaibi Oktoobar 2014, wuxuuna hayay booskan ilaa dhimashadiisa. Al-Shaibi wuxuu ahaa ilaaliyaha sare ee 10-aad inta lagu guda jiro xilliga casriga ah ee Sacuudiga, wuxuuna la socday xaaladda labada masaajid ee barakeysan. Sheikh Saleh Al-Shaibi waxaa xilka kala wareegay Sheikh Abdul Wahhab Al-Shaibi oo ahaa qofka ugu weyn qoyska. Muxuu furaha Kacbada ka sameysan yahay? Waxa uu sheegay in furaha uu ka samaysan yahay bir, dhererkiisuna yahay 35 sentimitir. Waa la beddelay oo la casireeyay dhawr jeer qarniyadii la soo dhafay oo dhan. Maanta furaha iyo qufulka Kacbada waxaa laga sameeyay Nikkel oo lagu dhejiyay dahab 18-carat ah halka Kiswada gudaha ama gogosha Kacbada ay tahay cagaar. Al-Zulfah wuxuu sheegay in qaabka furaha la bed-bedelo had iyo jeer. Dalka Turkiga waxa ku yaala madxaf ay yaallaan 48 furo oo kacbada lagu furi jiray laga soo bilaabo dawladdii Cusmaaniyiinta, halka Sucuudiga ay yaalaan laba nuqul oo furahaasi ah oo ka samaysan dahab saafi ah. Isha: BBC The post Xog: Waa kuma ninka lagu wareejiyay furaha Kacbada kadib geeridii Sheikh Saalax? appeared first on Caasimada Online.
-
The Australian government has committed an additional funding for humanitarian aid in the Horn of Africa region. Source: Hiiraan Online
-
Kenya’s President William Ruto says he will withdraw a finance bill containing controversial tax hikes after deadly protests which saw parliament set ablaze on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Julian Assange has landed back home in his native Australia, after a plea deal allowed him to walk free from a London prison. Source: Hiiraan Online