-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiir arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay ayaan darro tahay in xilli ay Dadka Soomaaliyeed oo u dabaal-degaya maalmaha Xoriyadda in Hargeysa looga heeso qowmiyad kamid ah Itoobiya oo qudheedu kamid ah gumeysteyaashii halganka lala galay. Wasiirka oo ka hadlay munaasabadda magaalada Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in xorriyadda halgan dheer oo dhiig badani ku daatay loo soo maray, islamarkaana aanay habboonayn in madal madax-bannaanida loogu dabaaldagayo lagu raaligeliyo Itoobiya oo aan weligeed qancayn. Hadalka wasiirka Fiqi ayaa ku soo beegmaya xilli habeennimadii 26-ka juun ee madax-bannaanida loo dabaaldegayay magaalada Hargeysa laga qaaday hees hal ku dheggeedu ahaa ” ma lihin cadow xamar iyo Garoowe ka daran”. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay Howl-gallada ka socda deegaanada Jubbaland oo ay wadaan Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad gobolleedku oo maalmihii la soo dhaafay tuulooyin dhowr looga saaray gacanta Alshabaab. Sarreeye gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan ayaa sheegay in loo baahanyahay in si wadajir ah loo wajaho gulufka Alshabaab oo ay dowladda Soomaaliya iyo dowlad gobolleedyadu iska kaashadaan sidii magaalooyinka iyo deegaanada ay kooxdu wel maamusho looga saari lahaa, islamarkaana aan la dhayalsan dagaalka. Wasiirka ayaa sidoo kale dowladda ugu baaqay in goobaha laga soo saaray kooxda Alshabaab ay di degdeg ah u gaarsiiso adeegyada dowliga, islamarkaana laga hirgeliyo kaabeyaasha aas-aasiga ah ee nolosha. Hadalka Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan Wasiirka amniga Jubbaland ayaa ku soo beegmaya xilli uu howl-galka dhanka ah kooxda Alshabaab si xoog leh uga billowday deegaanada dowlad gobolleedkaas, islamarkaana kooxda loogala wareegay deegaanno ay kamid tahay buulo xaaji. Source: goobjoog.com
-
Dadka reer Iran ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda islaamiga ah oo ay ku tartamayaan afar musharax ka dib geeridii madaxweyne Ibrahim Raisi. Doorashada madaxtinimada ayaa loo qorsheeyay 2025-ka, balse geerida ku timid madaxweynaha Iran ibrahim Raisi iyo toddobo ka mid ahaa saaxiibadiisa oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyi galbeed ee dalka 19-kii May ee sanadkan. Doorashadan waxay dhacaysaa iyadoo Iiran ay wajaheyso xiisaddo gudaha ah iyo kuwo siyaasadeed, laga soo bilaabo dagaalka Qasa ilaa faylka nukliyeerka. Golaha Ilaalada, oo ah hay’ad aan la soo dooran oo ay u badan yihiin muxaafid, ayaa ansixiyay u-qalmitaanka lix murashax, oo ka mid ahaa siddeetankii soo gudbiyay murashaxnimadooda. Pazashkian, oo 69 jir ah, ayaa ka mid ah saddexda musharax ee ugu cadcad ee la filayo in doorashada jimcaha maanta inay bedeli doonaan madaxweyne Ebrahim Raisi oo geeriyooday. Labada musharax ee kale ayaa kala ah afhayeenka baarlamaanka muxaafidka ah, Mohammad Baqir Qalibaf, iyo muxaafidka mayalka adag, Siciid Jalili. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo muddo ka badan 30 sano u dhaqmeysay sidii dal madax-banaan, balse aan helin aqoonsi caalami ah ayaa hadda sii fogaatay, iyada oo god dheer uu ku dhacay wada-hadallo iyo isu soo dhawaansho labada dhinac ah waa dowladda dhexe iyo Somaliland. Somaliland oo horraantii sanadkaan la xiratay Addis Ababa oo ay ka aragtay danteeda iyo wixii ay 30 sano raadineysay ayaa 1-dii Janaayo la saxiixatay heshiis ay Addis Ababa uga beddelanayso aqoonsi, halka Somaliland ay siineyso ama sida ay ugu yeertay “kireynayso” qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, islamarkaana dhaca xeebaha gacanta ku hayso Somaliland. Hargeysa iyo Muqdisho ayaa sii kala fogaaday heshiiska badda kadib, kaasi oo Muqdisho si adag uga hortimid, midaasi oo sii fogeysay Somaliland, heer ay maanta mareyso in Hargeysa looga heeso “Ma lihi cadow iiga daran Xamar, Garoowe iyo kuwa xintama, waxaa iga xiga Amxaar xurmo iyo sharaf igula nool”. Somaliland oo u muuqata mid indhaha iyo caqliga uu tiray qaddiyada gooni-goosadka, ayna ka qaalib noqotay caadifaddu ayaa xilligaan wada dadaalo ay Itoobiya uga xod-xodaneyso inay ku dhawaaqdo “aqoonsi” si is-afgaradkii Janaayo loogu rogo heshiis rasmi ah. Itoobiya oo laftigeedu danaheeda raacaneysa ayaa la filan karaa inay aqoonsi uga dhawaaqdo Somaliland, waaba haddii Abiy uu ku dhiiran karo inuu Itoobiya u horseedo dagaal diblumaasiyadeed caalami ah, maadaama ay horey Soomaaliya ugu taageereen mowqifkeeda ay ku ilaalineyso midnimadeeda dalalka ugu waaweyn caalamka, oo ugu horreeyo Mareykanka. Soomaali badan ayay fajaciso ku noqotay iyo af kala qaad in Somaliland ay hoosta soo gashato Itoobiyaan la ogyahay waxa kala raacay Soomaaliya iyo inuu yahay cadow aan dhicin oo Soomaali leedahay, sida ay muujinayaan taariikhi hore. Somaliland oo Arbacaddii u dabaal-degtay xuska 26-ka June ayaa waxay madaxdeedu sheegeen in Somaliland iyo Itoobiya ay labadaba ka go’an tahay fulinta heshiiska, kaasi oo ay sheegeen inuu Somaliland u horseedi doono “aqoonsi iyo horumar.” Isku soo wada duubo, heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa gobolka ka abuuray xiisad diblumaasiyadeed xooggan oo ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, ayada oo sidoo kale qaar badan oo kamid ah urur-goboleedyada caalamka ay ganafka ku dhufteen heshiiskan ay Itoobiya ku dooneyso rumeynta riyadeeda badda. The post SOMALILAND ‘oo sii fogaatay’ iyo waxa ka socda Hargeysa oo fajiciso noqday appeared first on Caasimada Online.
-
Jose Fajardo scored late as Panama kept alive its hopes of reaching the Copa America quarterfinals with a 2-1 victory over the United States on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo ku yeeshay kulan hordhac ah oo ku saabsan joojinta colaad beeleedda galbeedka Gobolka Mudug. Mas’uuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in ay kulankooda uga hadleen sidii deg deg loogu joojin lahaa dagaal beeleedka khasaaraha xooggan sababay ee galbeedka Mudug. Kulanka ayay mas’uuliyiinta labada dhinac ku go’aamiyeen qodoba hordhac ah oo lagu baajinayo in uu sii socdo dagaalka beelaha ku diriray galbeedka gobolka Mudug. Go’aannada ka soo baxay kulanka ayaa waxa u horreeya in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo xabbadda islamarkaana labada maamul ee Puntland iyo Galmudug xaqiijiyaan hirgelinta xabbad-joojintaasi. Waxaa sidoo kale la go’aamiyay in mas’uuliyiinta labada maamul ay si wadajir ah ugu baxaan aagagga maleeshiyaadku isku hor fadhiyaan si loo kala raro. Ugu danbayn in dib loo bilaabo wadahalladii islamarkaana sida ugu dhakhsaha badan loo fidiyo gogol nabddeed oo la isugu keeno dhinacyada colaaddu dhextaal. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Galmudug oo go’aanno hor dhac ah ka soo saaray joojinta dagaal beeleedka galbeedka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Erdogan , hadal uu u jeediyay Xildhibaannada xisbigiisa AK Party, wuxuu u xaqiijiyay in uu Turkiga taageerri doono Lubnaan haddii ay weerar kala kulmaan Israa’iil. Waxa uu sheegay inay tahay wax laga ‘naxo’, taageerrada reer galbeedka ay siinayaan Israa’iil , taa oo uu ku sheegay in ay fududeynayso in uu dagaalka ku baaho bariga dhexe. “Waxay u muuqataa in Israa’iil ay hadda indhaha u jeedisay Lubnaan ka dib markii ay burburisay oo gubtay Qasa. Waxaan aragnaa dalalka reer galbeedka oo taageero siinaya Israa’iil daaha gadaashiisa”. “Qorshayaasha Netanyahu ee ah inuu dagaalka ku fidiyo gobolka waxay horseedi doontaa masiibo weyn… Turkigu wuxuu garab taagan yahay shacabka walaalaha ah iyo dawladda Lubnaan” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan. Xiisadda xudduudaha ee u dhexeeysa Israa’iil iyo Xisbullah ayaa sare martay toddobaadyadii la soo dhaafay, taas oo kicisay cabsida laga qabo dagaal toos ah oo dhexmara Israa’iil iyo Xisbullah ah. Horraantii toddobaadkan, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan ayaa sheegay dawladda Turkiga inay aragtay khatarta ah in colaaddu ay faafto, isagoo ka hadlaya xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Xisbullah. PUNTLAND POST The post Turkiga oo sheegay in uu Lubnaan garab istaagi doono haddii Israa’iil soo weerarto appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay eedayn ay dhawaan Soomaaliya u gudbisay QM oo ku saabsan in ciidamo Itoobiyaan ah ay ‘si sharci darro ah ugu tallaabeen dhinaca Soomaaliya.’ Waxay sidoo kale ka hadashay qorshaha ay ciidamadooda u joogaan Soomaaliya iyo cidda iska go’aanka iyo xilliga ay ka baxayaan iyaga oo sheegay inay muddo sii joogi doonaan. Nebyu Tedla, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya oo waraysi siiyay laanta Amxaariga ee BBC-da ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha Soomaaliya ee ka dhanka in ciidan Itoobiyaan ah ay si sharci darro ah u galeen gudaha Soomaaliya. “Arrintaas waa waxba kama jiraan. Sida aad ka warqabto Soomaaliya waxa noo jooga ciidammo ka tirsan ATMIS iyo kuwo aan ka tirsanayn ba. Arrintanna waxba kaga ma duwana. Waanu la hadalnay saraakiisha sarsare ee ciidankeenna ee aaggaasi ku sugan,” ayuu yiri afhayeenka. “Xogta ay nala wadeegeen waa mid aan ka duwanayn sidii hore. Waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq caadi ah oo laga ga hor tagayay halis amniga ka dhan ah oo laga yaabo in ay dhacdo sidii horaba u dhacday.” Maxaa keenay xiisadda ka soo cusboonaatay Itoobiya iyo Soomaaliya? Doodda la xidhiidha bixitaanka ciidammada ayaa in muddo ah soo jiitamaysay laga soo bilaabo heshiis is af-garad ahaa oo ay bilowgii sannadkan wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle oo ka hadlayay kulan xaaladaha Soomaaliya looga hadlayay oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen masuuliyiinta QM iyo kuwo ka socday Midowga Afrika waxa uu Itoobiya ku eedeeyay in askarteedu ay “si sharciga baalmarsan u galeen gudaha Soomaaliya”. Itoobiya waxa ay muddo dheer ka mid tahay waddamada ciidammada nabad-ilaalineed ee hawlgalka ATMIS ee jooga gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo tiro ahaan gaadhaya 3000 oo kun oo askari balse waxaa jira ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qiyaaso inta u dhaxaysa 5000 ilaa 7000 oo aan ka tirsanayn hawlgalka kuwaasi oo ku sugan qaybo dalka ka mid ah. “Sida aad ka warqabto dawaldda Soomaaliya ka sakow Villa Soomaaliya ma aha mid maamusha dalka oo dhan. Ciidankeennu waa mid mar walba isbed-beddel lagu sameeyo, gaar ahaan kuwa aan ka tirsamayn hawlgalka ATMIS. Waa middaas uun, laakiin ma jiro hawlgalka soohdinta ka tallaabsan oo aan fulinnay,” ayuu yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya. Goorma ayay baxayaan ciidammada Itoobiya ee jooga Soomaaliya? Dowladda Soomaaliya ayaa hadda doonaysa in labada nooc ee ciidammada ah Itoobiyaanka ah ay isaga baxaan Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah. Dhawaan ayay ahayd markii la Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta X (oo horey loo oran jiray Twitter) ayaa sheegay in dhammaadka bisha Diiseembar ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada wadan u dhaxeeya. Afhayeenka u hadlay dawladda Itoobiya ayaa iska fogeeyay in uu jiro codsi uga yimid dawladda Soomaaliya oo ay Itoobiya kaga dalbanayso in ay ciidammadeeda ka saarto Soomaaliya. “Sidaan kuu sheegay codsigu ma aha mid ka imaanaya Soomaaliya oo keliya. Haddii se uu yimmaado, marka aan ka soo baxno masuuliyadda na la saaray, Beesha Caalamku haddii ay danaynayso joojitaanka ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya, diyaar ayaan u nahay in aan waajibkayaga gudanno.” “Laakiin inta ka horraysa ma doonayno in aan arrimhaasi galno. Annaga waa noo fududahay. Marka aniga iyo adigu aan u wada hadalayno sidii laba qof oo Itoobiyaan ah, ciidankeenna in aan soo celinno oo aan dejinno aag dagaalka ka caaggan/ buffer zone waa noo fududahay. Sidaas darteed, ciidanka cusub ee Soomaaliya loo diri doono weli waa xilli hore oo ay adag tahay in la saadaaliyo.” Itoobiya waxa ay sheegtay in bixitaanka ciidamadeedu aanu qusayn keliya Soomaaliya balse ay tahay arrin u taalla Beesha Caalamka. Isaga oo ka hadlaya arrimahan Nebiyu Tedla waxa uu yidhi: “Hawlgalka nabad-ilaalinta ee aan ku joogno Soomaaliya. Ma aha mid keliya khuseeya dawladda Soomaaliya. Waa masuuliyad caalami ah. Waa hawlgal uu maamulo Midowga Afrika oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay. Sidaas daraadeed, marka ay arrimaha noocan ah yimaaddaan, geestayada si rasmi ayaan uga wada hadalaynaa waxna waa la iska weyddiinaynaa,” ayuu yiri. “Sidaas oo ay tahay, hadda ma jiraan codsi rasmi ah oo odhanaya Itoobiya ha la baxdo ciidankeeda jooga Soomaaliya oo naga soo gaadhay dawaldda Soomaaliya, Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay.” Ururka Al-Shabaab ayaa la xasuusan yahay in sannadkii la soo dhaafay uu hawlgallo ka fuliyay gudaha Itoobiya. Afhayeenka ayaa sheegay in Itoobiya ay qasab ku tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo amnigeeda ay ku ilaashan karto oo ka dhan ah Soomaaliya. “Sida aad og tahay, arrimaha ka jira Soomaaliya haddii ay halis ku noqdaan amniga qaran Itoobiya ma aha mid ay cid uga fasax qaadanayso. Waxa aan qaadaynnaa tallaabo noo gaar ah.” Isha: BBC The post Itoobiya oo qiil u sameysay ciidankii kasoo gudbay xadka Somalia ee awoodda lagu celiyay appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa,(Qaran news)-Gudoomiyaha xisbiga UCID- Ee Somaliland Ing. Faysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay X- ku baahiyay in dawladda Jabuuti ay dalkeeda ku soo dhawaynayso xubno ku mucaarid ah Somaliland isla markaasina ay doonayso in ay abuurto jabhaddo ku mucaarid ah Somaliland. Waxana uu ku baaqay in ay Somaliland dalkeeda ku soo dhawayso mucaaridka Ismaciil Cumar Geele ee Canfarta iyo Ciisaha waxana uu qoraalkiisu u dhignaa sidan hoos ku xusan. Waxa Jabouti laga soo dhaweeynayaa madaxa jabhada gobalka Awdal Ali Baxaar Waxa nala gudboon in aynu martiqaadno jabahada qomiyada Canfarta ee Furud. Iyo Jabahada Ciise Ee ka so horjeeda kaligii taliye Ismail. I.Geele Qaran News
-
Hargeysa,(Qaran news)- Dhamaan xubnihii golaha deegaanka ee degmadda Salaxlay ayaa ku biiray xisbiga ugu balaadhan xisbiyada qaranaka Somaliland ee Waddani. Waxana soo badanaaya xildhibaanada golayaasha deegaanka ee dalka oo ku biiraaya xisbiga rajada Somaliland ee Waddani, ma aha markiibu horaysay ee xildhibaano noocani oo kale ahi ay ku biiraan Waddani hase ahaatee waxa sidani oo kale ugu biiray golayaasha deegaanada ee Gabiilay iyo Oodweyne. Dhanka kalena musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo arinta golaha deegaanks Salaxlay ee ku soo biiray Waddani ka war bixiyay waxa uu yidhi. Waxa aan gacmo furan, niyadsan iyo wada-shaqeyn rasmi ah ku soo dhaweynaynaa dhammaan 7da xubnood ee katirsan Golaha deegaanka ee degmada Sallaxley oo si buuxda u taageeray isla markaana qaatay go’aanka ah in ay qeyb ka noqdaan isbeddelka dalkan ka dhacaya ee uu hoggaaminayo Xisbiga rejada Shacabka ah ee WADDANI. Sallaxley waa WADDANI, muhmal iyo caad toonna ma saarna. Dadka reer Somaliland oo dhan baa WADDANI isugo iman doona & isbeddelkaba. Qaran News
-
Dadka reer Iran ayaa maanta u dareeray codbixinta doorashada madaxtinimo ee lagu xulanayo cidda qabaneysa madaxweynaha dalkaasi mudada dhowrka sano ah eee soo socota. Xarumaha Codbixintu ayaa saaka furmay 8 subaxnimo (04:30GMT) waxayna xidhmi doonaan 6pm (14:30GMT),iyadoo ay suurtagal tahay in codbixinta lagu kordhiyo dhowr saacadood oo illaa caawa saqda dhexe. Doorashooyinkaan ayaa la sheegay in ay ku tartamayaan dhowr qof,waxaana ugu cadcad Ghalibaf iyo Jalili oo u taagan inay yihiin kuwa ugu horreeya. Labaduba waa muxaafid, inkastoo Ghalibaf loo arko mid dhexdhexaad ah, halka Jalili uu yahay nin adag. Pezeshkian waa musharaxa kaliya ee matalaya siyaasada isbadal doonka ee Iran, iyadoo musharaxiinta kale ee la midka ah aan loo ogolaan inay tartamo. PUNTLAND POST The post Tartanka doorashada Madaxtinimada Iran oo maanta bilowday appeared first on Puntland Post.
-
Fariin ku socota Xubanaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL. Madaxweyne Muuse Ma musharax baa mise Xafiisku idinla maamula? IIleen waakan ku qudbadeynaya doorashadu sidaasey u dhaceysa. Waxan idin xasuusinaya 2010kii . Waxaan ka mid ahaa sarakiisha Xisbigii Weyna ee UDUB. Madaxweyne Rayaale ayaa dalbaddey iney Ciise Xamari kulmaan. Ciisena wuu diidey waxuna yidhi mudane Madaxweyne 7 xubnood uun baad la kulmi karta balse kaligey kuma iman karo. Isagoo diidaya in kalsoonida lagu qabey wiiqanto ama shaki ka yimaado dhinaca asxaabta Mucaradka oo markaa Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay Marka xubnahiina komishanka waxaad dhex u tihiin dhamaan tartamayaasha dalka. Masuuliyadda idin saarani waa mid ey Somaliland badbaadeedu ku xidhan tahey umadduna idinka sugeyso. Dalkeena waad aragtaan dildilaaca ka jira. Hadaba waxaad isticmaashaan awoodiina idinkoo raacaya dastuurka dalka. Madaxweynuhu haduu idin magacaabey. Waxa ka danbeysey ansixintii Golahaa wakiiladda. Dhaarintii Maxkamadda Sare iyo kalsoonidda ey idin siiyeen asxaabta qaranka iyo ururadda tartamayaa. Heybadii qaranka oo dhan baad sidataan. Ha dhalinyaroobina mustaqbalkiina dambe eega dalka badbaadiya oo doorasho xor iyo xaalala qabta. Sumcadd weyn baad ka heleysaan. Hadaadse u muuqataan niman darafu dowle ah. Dalkuna buuq buu galaya idinka naaneys xun baa idin raaceysa. Umadana dhegta taagan. Waa waqti xaasxaasiya lagu jira. Waxna idinkama qarsoona Waa dardaaran.Nin weyn iyo Waano duleed iyo midaan Dow u lahaa Waa bilaahi Towfiiq Hon-Envoy Abdirizak Diinaari diinaari1960@gmail.com Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo deg deg ah kadib dagaalkii saaka dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug. Puntland ayaa deegaanka colaadda kasoo cusboonaatay isla maanta u diray wafdi goleyaasha dowladda ah, sida ay shaacisay Madaxtooyadda maamulka Puntlnad. Ku-simaha madaxwaynaha dowlad-goboleedka Puntland ahna madaxwayne ku-xigeenka Ilyaas Lugatoor ayaa ku baaqay in colaadda ka socota galbeedka gobolka Mudug la joojiyo sida ugu dhaqsaha badan bilaa shuruud, islamarkaana ugu baaqay beelaha walaalaha ah ay is-xakameeyaan. “Waxaan ku baaqaynaa in colaada ka socota galbeedka gobolka Mudug la joojiyo shuruud la’aan. Sidaasi darteed waxaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex-martay ugu baaqyna in la is-xakameeyo oo nabadda laga wada-shaqeeyo,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda oo ku saxiixna madaxweyne ku-xigeenka maamulka. Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Si dhakhso loogu joojiyo colaadda oo nabadda loo xoojiyo, waxaana wafdi goleyaasha dowladda ah u dirnay deegaanka, waxaan rajeynayaa in masuuliyiinta Puntland iyo Galmudug ee wada dadaalka nabadeynta ah ay ku guuleystaan xakameynta colaadaasi.” Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale waxa uu ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday colaadaasi, isaggoo kuwa dhaawacmayna caafimaad deg-deg ah Allah uga baryay. “Ugu dambeyn waxaan ka tacsiyeeynaynaa dadkii ku geeriyooday colaadaasi, Allaah janadii h ageeyo, kuwa ku dhaawacmayna Allaah ha u booga dhayo Aaamiin.” Dagaalka saaka oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu dib uga qarxay deegaanka lagu magacaabo Maygaagta, waxaana uu udhexeeya laba beelood oo isku haysta dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi. Labada dhinac oo horay ugu dagaalamay aaggan ayaa markale saaka is-farasaaray, kadib gurmadyo ay heleen, waxaana dagaalka la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan. Maamullada Puntlnad iyo Galmudug ayaa dadaal ku bixinaya sidii loo dejin lahaa xaalka, islamarkaana dadka walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalsan looga dhex abuuri lahaa jawi xasilloon. The post Puntland oo qaaday tallaabo culus kadib dagaalkii maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Bare ayaa Wasiiru -dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) u magacaabay xil cusub. Cali Balcad ayaa loo magacaabay u qeybsanaha Arrimaha xiriirka Bulshada Bariga Afrika oo Soomaaliya si rasmi ah ay ugu biirtay dabayaaqada sanaddkii dhammaaday. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dikreetada uu ku magacaabay Cali Balcad ku sheegay in xilka loo magacaabay wasiiru dowlaha uu muhiim u yahay Soomaaliya. Sidoo kale, Xamza ayaa warqadda magacaabidda ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala tashaday. Dikreetadaan laguma cadeyn in Cali Balcad uu sii ahaan doono wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo in xilkaas laga qaaday toona. Wasiir Cali Balcad ayaa muddo kusime ka ahaa wasaaradda arrimaha dibadda intii aan loo magacaabin wasiir Axmed Macalin Fiqi, hada warar soo baxaya waxay sheegayaan inay isku dhaceen Fiqi. Sidoo kale Cali Balcad wuxuu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale Cali Balcad ayaa awood badan ku lahaa wasaaradda markii uu joogay Wasiirkii hore Abshir Haruuse. The post Wasiir Cali Balcad oo xil cusub loo dhiibay – Maxaa ka jira inay isku dhaceen Fiqi? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan Qado sharaf ah la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda Federaalka ku matala gobolada Waqooyi ee Somaliland. Madaxweynaha ayaa la wadaagay masuuliyiinta uu la kulmay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso ka hortaga faragelinta shisheeye, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ku bogaadiyay doorkooda isku haynta bulshada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. Dhankooda siyaasiyiinta ayaa Madaxweynaha la wadaagay inay ku faraxsan yihiin mowqifka uu dowladda ku jaheeyey ee difaaca dalka, gaar ahaan gobollada ay ka soo jeedaan ee Somaliland. Sidoo kale, siyaasiyiinta Somaliland ayaa madaxweynaha ka balan-qaaday in xeelad kasta ay adeegsa doonaan si looga guuleysto damaca ay Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliya, maadaama ay ka soo jeedaan deegaanka. Soomaaliya waxaa ka socda munaasabado waaweyn oo lagu xusayo toddobaadka xoriyadda, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan hoosta ka xariiqay in midnimada Soomaaliya ay lama huraan tahay. Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raadinaya farsamooyin lagu soo xero geli karo Somaliland, taasi oo maanta uu siyaasiyiintaan uu kala tashaday. The post Sawirro: Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay siyaasiyiinta Somaliland ku metesha DF? appeared first on Caasimada Online.
-
Telefishinka ASTAAN TV qaybtiisa Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa mar kaliya shaqada ka caydhiyay shaqaale aad u tiro badan oo in muddo ah ka haw-galayay telefishinka. Shaqaalahan ayaa intooda badan waxa ay ka shaqayn jireen qaybta turjumida iyo codaynta aflaamta kala ah duwan sida Musalsalada, Hindiga, Maraykanka iyo kartoonka carruurta oo dhammantood si maalinle ah uga baxa amma looga soo daayo channelada kala duwan ee TV-gu leeyahay, sidoo kale waxa jira shaqaale kale oo iyagana laga eryay qaybaha kale ee uu ka kooban telefishinka Astaan, arrinta ayaa laga cabsi qabaa in dadka reer Hargeysa marka ay ogaadaan inay gadood ka samayn doonaan. Shaqaalahan shaqada caydhiyay ayaa iyaga oo subax soo shaqo tagay sidii caadada ahayd waxa mar kaliya lagu wargeliyay in shaqada fasax ka yihiin oo laga eryay isla markaan uu TV-gu ka maarmay sidaana ay fasax ku ahaadaan, sida ay noo sheegeen qaar ka mid shaqaalahan ASTAAN TV ee shaqada laga eryay dhacdadan ayaa dhacday toddobaad ka hore. Sida kale shaqaalahan sida kadiska ah shaqada looga eryay ayaa waxa ay noo sheegeen in dhammaan shaqadii ay qaban jireen loo wareejiyay xarunta uu TV-ga Astaan ku leeyahay magaalada MUQDISHO ee caasimada dalka Soomaaliya, iyada oo halkaa lagu soo diyaarin doona ka dib loo soo qaadi doono halkan si ay u daawadaan dadka reer Hargeysa, waxa ayna arrintani sii kordhinaysaa shaqo la’aanta ka jirta Somaliland iyada oo ay dad qaar ay u arkayeen shaqo abuur u soo kordhay bulshada. Lama sababta ay maamulka telefishinka ASTAAN TV hal mar u caydhiyeen shaqaalahan tirada badan, balse waxa hore jiray tuhuno badan kuwaas oo la xidhiidha in xogta TV-ga si weyn looga ilaaliyo dadka reer Somaliland ee shaqaalaha ka ah xarunta telefishinku uu ku leeyahay magaalada Hargeysa iyo inay shaqaale tiro badan ka keensadaan gobollada Soomaaliya iyaga oo guryo uga kireeya magaalada Hargeysa dhaqaale ka badan ka ay siiyaan dadka reer Somaliland ku bixiya. Ugu dambayntii arrinta xusida mudan ee ay Loollan Media sheegeen shaqaalahan shaqada laga caydhiyay ayaa ah in XUQUUQDII shaqaalenimo ay TV-ga ku lahaayeen muran la geliyay laga dafiray waxa ay noo sheegeen in markii ay ku yidhaahdeen haddii shaqada naga caydhiseen xuquuqdayadii uu na siiya ay maamulka TV-gu si jeesjees ah ugu jawaabeen iyaga oo uu sheegay in qofkii xuquuq ka doonaya uu Looyar soo qabsado ka dibna uu u yimaado, waxa xusid mudan in qaarkood ay noo sheegeen in ayna awoodin lacag ay Looyar ku qabsadaan arrintani ay tahay dulmi iyo awood sheegasho kale oo la doonayo in xuquuqdooda lagu duudsiyo. Lama oga in arrintani ay ku kooban tahay maamulka Hargeysa ee TV-ga Astaan iyo in uu la ogyahay mulkiilaha Warbaahinta Astaan Cabdimanaan Yuusuf Maxamed oo la sheego in uu yahay ganacsade Samafale ah oo dulmiga neceb. Muuqaalka warbixinta oo faahfaahsan shaqaalahan cabanaya kala soco Loollan Media Source
-
FARMAAJO oo farriin u direy dhowr jiho kadib dagaalka MUDUG
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baaq nabadeed kasoo saaray colaadda kasoo cusboonaatay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug. Dagaalkan oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa madaxweynihii hore wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaalka, islamarkaana ay nabada qaataan oo gacmaha isqabsadaan. “Dadka wada dhashay ee isku diinta, dhaqanka iyo ehelka ah ee ku dagaalamaya Galbeedka Gobolka Mudug waxaan u soo jeedinayaa in ay joojiyaan dagaalka sokeeye iyo daadinta dhiggooda, kana fakeraan aakhiradooda iyo adduunkoodaba,” ayuu yiri Farmaajo. Waxa uu intaas kusii daray “Dagaal sokeeye waa ka soo daaleen dadkeennu, mana jirto cid guul iyo natiijo wanaagsan ka keentay, sidaas awgeed, jidka idiin furan waa in aad gacmaha isqabsataan, wada-hadal iyo walaalnimana ku dhammeysataan wixii khilaaf ah.” Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale wuxuu waxgaradka ugu baaqay inay kaalintooda sida ugu dhaqsaha badan ka qaatan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ee ku dagaalsan Mudug. “Culumada, odayaasha dhaqanka, iyo waxgaradka waxaan ugu baqaayaa in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, dhexdana ay u xirtaan sidii ay xisadda u dejin lahaayeen,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Farmaajo. Dowladda Federaalka, Galmudug iyo Puntland ayuu iyagna ku adkeeyay “in ay si dhow uga wada-shaqeeyaan nabadaynta iyo joojinta colaadda deegannadan.” “Waxaan Alle ka baryeynaa in uu qalbigeenna isu soo jeediyo, nabad iyo barwaaqana ku manneysto dalkeenna.” Gobollada dhexe ayaa waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi. The post FARMAAJO oo farriin u direy dhowr jiho kadib dagaalka MUDUG appeared first on Caasimada Online. -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda Jabuuti iyo guud ahaan shacabka dalkaas, maalinta xoriyadda ee 27-ka Juun. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo horumarka ay Jamhuuriyadda Jabuuti ku tallaabsatay tan iyo markii ay xornimada qaadatay, isagoo tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah. “Waxaan ugu hambalyeynayaa walaalaheenna Jamhuuriyadda Jabuuti sanadguurada 47-aad ee xorriyadda. Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay wadaagaan taariikh dheer, dhaqan iyo dhiig. Waxaan ku faaneynaa horumarka iyo midnimada ay gaareen walaalaheenna Jabuuti, waxaana u rajeyneynaa mustaqbal ifaya iyo hurumar waara.” Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, isagoo uga mahadceliyey dowlad iyo shacabba doorka ay ka qaateen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. DHAMMAAD Source: goobjoog.com