Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa ka qeyb galay shirka wasiirrada Urur Gobaleedka ISCOS ee Bariga, Koonfurta iyo Waqooyiga Qaaradda Afrika. Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay horumarinta iskaashiga hawlaha maraakiibta, tababarada xirfadaha iyo Amniga Badaha, gunaanadkii shirka ayaa waxaa la daahfuray magaca cusub ee badalaya ISCOS, kaas oo noqonaya (MOESNA), Urur Goboleedka Badaha ee Bariga, Koonfurta iyo Waqooyiga Afrika. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya ka howlantahay xoojinta xariirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka iyo ururrada dunida si ay wax wada qabsi mira-dhal ah ula samayso. Source: goobjoog.com
  2. Ciidanka hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka NISA ee ka howlgala deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay Maxamed Cismaan Cabdiraxmaan oo ku eedeysan in habeeno ka hor uu degmada Guriceel ku dilay Liibaan Aadan Ibraahim oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaas. Taliyaha qaybta guud ee Nabad sugidda Galmudug Feysal Ibraahim Caanood ayaa Warbaahinta u sheegay in dabagal iyo baadigoob dheer kadib ay ku guuleysteen soo qabashada eedeysanaha, isla markaana baaritaan kadib loo gudbi doono cadaaladda. Dilalka macne la’aanta ayaa ku soo kordhaya deegaanada Galmudug iyo meelo kaloo dalka kamid ah, balse intooda badan gacanta ayaa lagu soo dhigaa gacan ku dhiigleyaasha geysta, ayadoo ugu dambeyn tiirka toogashada lagu hubsado. Source: goobjoog.com
  3. Mogadishu (HOL) - Somali government has launched a new national task force on immunization, polio eradication, and child survival to strengthen the country's public health infrastructure. Source: Hiiraan Online
  4. Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay wada-hadallo uga furmaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaa sidaas warbaahinta u xaqiijiyay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Ujeedka wada-hadallada ayaa ah in lagu soo afjaro xiisadda ka dhalatay is-afgaradka ay Itoobiya la gashay Somaliland ee lagu sheegay in ay ku aqoonsaneyso, ayada oo kaga bedeleneysa dhul-badeed ay ka dhisato dekad iyo saldhig ciidan badeed. Wada-hadalladan ayaa waxaa labada dal ogoleysiiyey dowladda Turkiga oo muddo bilo ah wadday dadaal ay isugu keeneyso Muqdisho iyo Addis-Ababa, waxaana jira warar sheegaya in sidoo kale ay dalal kale dabada ka riixayaan, oo Mareykanka uu ka mid yahay. Waxaa dhinaca Soomaaliya u matali doona wafdi ay horkacayaan wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Balcad, halka Itoobiya ay wakiil uga yihiin xubno uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassie. Taye Atske Selassie ayaa shalay gaadhay Ankara. Dhanka kalena Axmed Macallin Fiqi ayaa la filayaa inuu maanta u ambabaxo halkaas. Wararka qaar ayaa sheegaya in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay ka laabato is-afgaradka ay la gashay Somaliland, halka Soomaaliya la filayo in ay Itoobiya u ogolaato in ay ka kireyso dekad ganacsi. Xogta ayaa sheegeysa in Itoobiya ay isha ku hayso dekadaha Baraawe iyo Hobyo midkood. Source
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa u jawaabay koox uu ku sheegay jabhad oo ‘isku uruursaneyso’ dalka Jabuuti, taas oo dhowaan hanjabaad culus usoo dirtay maamulkiisa Muuse Biixi ayaa sheegay inuu arkay hanjabaadda kooxdan oo uu tilmaamay inay ku goodiyeen xoreynta gobolka Awdal, taas oo uu ku tilmaamay wax lala yaabo. Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in Jabuuti dhexdeeda aysan ka fileyn in laga soo abaabulo wax liddi ku ah jiritaanka Somaliland, uuna aad uga xun yahay arrintaasi, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha ayaa xusay inay ka war sugayaan sida ay xaaladda noqoto, wuxuuna sheegay in Somaliland ay mar weliba difaac ku jirto, ayna isaga filan tahay cadowgeeda. “Waxaan arkayay jabhado jabuuti dhexdeeda ka soo dhex hanjabaya oo leh Awdal baanu xoraynaya, halkaa kamaan filayn, haday jabuuti sidaa la noqotay waxay noqoto ayaynu sugaynaya” ayuu yidhi Madaxwayne Muusw Biixi. Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo maanta kasoo yeeray guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isna sheegay in Somaliland looga tashaday Soomaaliya iyo Jabuuti. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lagu tashaday in laba jiho laga weeraro Somaliland oo kala ah dhinaca Jabuuti iyo aagga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya. “Waxa lagu tashaday in dalkeenna laga soo weeraro dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Laascaanood, sidii 1988 kii ayaa maanta markale dhiigeena la xalaashaday, waxa lagu tashaday in Somaliland la burburiyo” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo ayada oo ay cirka isku sii shareertay xiisadda xoogan ee ka dhalatay heshiiska badda oo ay ka horyimaadeen dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya. The post Muuse Biixi u jawaabay koox uga soo hanjabtay JABUUTI appeared first on Caasimada Online.
  6. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Jabuuti iyo dowlada Soomaaliya ay maleegayaan qorshe lagu waxyeelaynayo Somaliland. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lagu tashaday in markale la daadiyo dhiiga shacabka Somaliland, isla markaana la burburiyo nabadooda. “Waxa lagu tashaday in dalkeena laga soo weeraro dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Laascaanood, sidii 1988 kii ayaa maanta markale dhiigeena la xalaashaday, waxa lagu tashaday in Somaliland la burburiyo” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuu ayuu ku eedeeyay in uu maleegayo qorshe Somaliland lagu waxyeelaynayo, si aan Somaliland loo aqoonsanin. Source
  7. Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Jimcihii sheegtay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday markab ku gooshayay calanka dalka Liberia oo marayay biyaha badda cas, kaasoo sida ay sheegtay hey’ad arrimaha badaha ka shaqeeysa, ka badbaaday shan gantaal oo lala beegsaday. Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay sidoo kale beegsadeen saddex markab oo kale oo ay ku jiraan laba markab oo marayay badda Mediterranean-ka. Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa sidoo kale sheegtay in weeraradooda ay ku qaadayaan marinnada maraakiibta ay ku garab taaganyihiin kooxda Xamaas ee dagaalka kula jira ciidamada Israel. Yahya Saree oo ah afhayeenka milatariga xuutiyiinta ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka Yemen ku sheegay in kooxdan ay gantaalada balaastikada ah ku garaaceen markabka Delonix oo ah nooca shidaalka qaada. Gantaalana ay la heleen. ​Si kastaba ha ahaatee, Hey’adda Kormeerka Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay goor hore oo shalay ah in markabka oo lagu bartilmaameedsaday meel 172 mile waqooyi-galbeed ka xigta dekedda Xudeydah ee dalka Yemen, uusan soo sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaaray weerarka Source
  8. Beel weynta gobollada Saaxil, Maroodi-jeex iyo Togdheer ee Ciise Muuse ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabatay xaflad ballaadhan oo ay ku shaacinayaan inay ku soo biireen xisbiga micaaridka ah ee WADDANI. Xafladdan ayaa loo qabtay siyaasiyiin tiradoodu tahay 28 siyaasi oo isku jira Xildhibaanno iyo xubno kala duwan oo xilal ka soo qabtay xukuumaddihii kala dambeeyay ee Somaliland oo dhammaantood maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga WADDANI. Xafladdan ayaa sidoo kale waxa ka soo qayb-galay salaadiin, cuqaal iyo dadweyne aad u tiro badan oo dhammaantood galbinayay siyaasiyiintan tirada badan ee maanta ku soo biiray xisbiga WADDANI. Madaxda ugu sarraysa xisbiga WADDANI oo ay hoggaaminayaan murrashaxa madaxweynaha xisbiga Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamed Cabdillaahi Cirro, guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo madax kale oo ka tirsan xisbiga ayaa xisbiga WADDANI si weyn ugu soo dhaweeyay siyaasiyiintan iyo taageerayaashooda. Source
  9. Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay Jimcihii inay oggolaatay bixinta lacag $2.2 bilyan oo dollar oo loogu talagalay Ukraine, taasoo ka dhigaysa wadarta lacagaha IMF ay ilaa iyo hadda siisay Ukraine ilaa $7.6 bilyan. Qoondaynta lacagtan ayaa la ansixiyay ka dib markii IMF ay dhamaystirtay dib u eegista afraad ee heshiis maaliyadeed oo ay IMFta la gashay Ukraine Hey’adda IMF ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hanaanka maareynta maaliyadeed ee Ukraine uu yahay mid weli xooggan oo adkeysi badan in kastoo caqabado iyo hubanti la’aan jirto. Source
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ciraaq Mudane Cabdiladiif Jamaal Rashiid ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Baqdaad Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed. Safiir Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa salaan uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Madaxweynaha dowladda Ciraaq, una sheegay in xariirka labada dal ee walaalaha ah sii xoojin doono. Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq ayaa horay u soo ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukumadda Federaalka Soomaaliya. Xariirka labada dal ayaa ah mid qoto dheer oo siyaasadda ahaan ku dhawaad qarni jira, ganacsi ahaana kumanaan sano soo jiray oo illaa xilligii aashuuriyiinta ku abtirsan kara, sidoo kale labada dhinac waxay wadaagaan dano dhinacyo badan. Source: goobjoog.com
  11. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ku-simaha wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta howlo shaqo ku gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Swan ayaa xarunta madaxtooyada Dhuusamareeb kula shiray madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), isaga oo kala hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollada dhexe iyo sidii xal loogu heli lahaa colaadaas oo ka taagan deegaano badan. Madaxweynaha Galmudug oo faah-faahiyay kulanka ay yeesheen isaga iyo James Swan ayaa sheegay inay isla garteen xal u helidda dagaallada ka socda halkaasi, “Waxaan ka wada-hadalnay beryahan dambe dagaallo qabiil ah oo kasoo cusboonaaday meelaha qaarkood kuwa Galmudug iyo dhinaca Puntland, iyagana hadda dadaalladooda meel fiican ayay marayaan, waxaana ku howlanahay in la xakameeyo” ayuu yiri. Qoor Qoor ayaa tilmaamay in colaaddan ay ka dmabeyso kooxda Al-Shabaab oo uu ku eedeeyay inay iska horkeeneyso beelaha wada daga gobollada Galgaduud iyo Mudug. “Waxaa kaloo rajeyneynaa inay dadku gartaan inay waxaasi yihiin xeelad iyo farsamo cadowga argagixisada ah ay ka dambeeyaan iyo dano raqiis ah” ayuu sii raaciyay. Inta uu socday waxaa kulankan looga hadlay arrimo kale oo ay ka mid yihiin ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab oo weli ka socda deegaanada maamul goboleedka Galmudug. “Sidoo kale waxaan ka wada-hadalnay arrimo kale oo muhiim ah oo ay ugu horreyso amniga iyo la dagaallanka argagixisada oo sidaan la socotaan waayo dambe guullo waa wayn laga gaaray” ayuu mar kale yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug. Wada-hadalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo faraha ay ka baxday xaaladda Galmudug, isla markaana meelo kala duwan ay ka qarxeen dagaal beeleedyo lagu dilay dad badan. The post Daawo: QM oo farogelisay dagaal beeleedyada ka socda GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.
  12. Taiwan and Somaliland officials discussed energy and mineral exchanges as well as potential cooperation during Somaliland Minister of Energy and Minerals Abdi Abdillahi Farar’s visit on Thursday, according to the Ministry of Foreign Affairs. In a statement, MOFA said Abdi highlighted Taiwan’s crucial role as an international development partner for Somaliland and the African country’s abundant energy and mineral resources during a banquet on Thursday night. He expressed hope that the Taiwan-Somaliland energy and minerals meeting will boost Taiwanese business recognition of Somaliland’s investment potential, fostering long-term, mutually beneficial relations. MOFA Vice Minister Chen Li-kuo said that Taiwan and Somaliland signed an energy and minerals cooperation agreement in 2022, followed by an inaugural joint working group meeting on energy and minerals in Somaliland in 2023. Abdi’s visit to Taiwan aims to further deepen cooperation in exploring and developing oil, gas, and strategic minerals, Chen said. Chen also highlighted the shared commitment to freedom and democracy between both sides, noting that Taiwan and Somaliland have closely cooperated since establishing representative offices in 2020. Horn tribune Qaran News
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan guddoomiyaha golaha shacabka, ra’iisul wasaaraha XFS, xildhibaano, wasiirro iyo madaxda kale ee Qaranka ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa. Salaadda Janaasada Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka,l iyo mas’uuliyiin kale. PUNTLAND POST. The post Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka JFS Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo aas qaran loogu sameeyey Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee Qaranka ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa. Salaadda Janaasada Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka,l iyo mas’uuliyiin kale. Source: goobjoog.com
  15. 449333947_1913807959137508_8653159830246343584_n Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, kaas oo shalay ku geeriyooda gudaha caasimada. Ugu horreyn marxuumka ayaa habmaamuus qaran iyo sagootin loogu sameeyay taaladda Dhagax Tuur waxaa kadib salaadda Janaazad lagula tukaday masaajidka wayn ee Isbaheysiga, waxaana ka qayb galay, Madaxweynaha, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna. Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa. Intaasi ka dib marxuum Jawaari ayaa lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi, waxaana tegay oo aaska ka qayb-galay mas’uuliyiin, ehellada marxuumka iyo shacab fara badan. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa waqtigiisii ugu badanaa soo geliyay dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed. Prof Jawaari ayaa ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, wuxuuna ku koray yaraantiisii degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay. Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacadii umadda Soomaaliyeed, intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday sanadkii 2012-kii guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen. Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley. Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxweyne ee uu Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. The post Sawirro: Jawaari oo aas heer qaran ah maanta loogu sameeyay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  17. Galkacyo (HOL) - Two Somali clans reached a preliminary agreement on Saturday to end recent inter-clan fighting in the Mudug region, following efforts led by a delegation from the Puntland and Galmudug administrations. Source: Hiiraan Online
  18. Sabawznaag,(Qaran news)-Xisbiga Kulmiye ayaa maanta wajigabax kala kulmay degmadda Sabawanaag ee dhacda Koonfur bari ee caasomada Somaliland. Waxa xaruntaasi gaadhay wafti balaadhan oo uu hogaaminaayay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno sar sare oo xisbigaasi ka tirsan oo ay ka.midyihiin ku xigeenadiisa iyo sidoo kale xubno ka tirsan xukuumada Muuse Biixi ee ku fashilantay in dadka deegaankaasi ay wax u qabato. Dadka deegaanka ayaan badankoodu ka soo qayb galin isu soo baxani maanta loogu talo galay in xisbiga Kulmiye uu dhoolatus ku sameeyo. Dadka deegaanka oo noo waramay ayaa sheegay in balanqaadyadii ay xukuumadu hore ugu samaysay aan la fulin isla markaana ay degaanadoodu ayna haysan goobo caafimaad, wadooyin iyo waxbarasho iyo sidoo kale biyo nadiif Deegaanka waxa dhawaan ugu geeriyooday daawo laan laba dumar ah oo isku dhintay kadib markii ay dhiig baxeen deegaankana laga waayay irbad dhiig joojin ah iyo gurmad deg deg ah intaba. Deegaankani waa deegaanka ugu dayaacada badan dalka oo dhan wax loo qabtayna ma jiraan inkasta oo dalka oo dhan uu kala mid yahay oo xisbiga Kulmie uu ku fashilmay dhamaan balanqaadyadii uu hore u sameeyay. Dadka dalka oo dhana waxa la gudboon in ay maanta codkooda ku ciil baxaan oo ayna eedin fartooda mar danbe. Xisbiga Kulmiye ayaa sidoo kale wajigabax kala kulmay goboladda iyo degmooyinkii ay booqdeen taasi oo salk ku haysa wax qabad laanta xukuumadda Muuse Biixi Qaran News
  19. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda u dhexeysa dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Ra’iisul wasaare Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland. Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika Molly Phee oo ka hadashay xaaladda kasii dareysa ee labada dal ayaa tilmaamtay in xiisadooda ay saameysay gobolka, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo xal keeni karta. Molly Phee waxa ay sheegtay in Mareykanka uu aad uga walaacsan yahay heshiiska badda Itoobiya la gashay maamulka Somaliland, kaas oo ay ka caroortay dowladda federaalka oo sheegtay inuu xad-gudub ku yahay madax-banaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya,. Sidoo kale haweeneydan ayaa sheegtay in Itoobiya aysan xaq u laheyn inay ku xad-gudubta madax-banaanida Soomaaliya, waxayna ugu baaqday inay badda ay dooneyso ku raadiso qaab ganacsi, ayada oo heshiis la galeyso dalalka dariska ah. “Itoobiya xaq uma lahan inay ku xad-gudubto madax-banaanida Soomaaliya, waa inay badaha dalalka deris qaab ganacsi oo heshiis lagu yahay u isticmaasho, taasoo u ogolaanayo sharciga caalamiga ee wadamada aan badda lahayn, balse ma ahan inay boobto bad aysan lahayn, anaga waan kasoo horjeednaa midaas,” ayay tiri Molly Phee. Dhinaca kale waxa ay Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika ka digtay cawaaqibka ka imaan kara tallaabooyin ay dhawaan qaadey dowladda Itoobiya ee faragelinta arrimaha Soomaaliya, taas oo ciidamo soo gelisay qaybo kamid ah dalka Ugu dambeyn waxa ay farriin culus u dirtay dalalka gobolka Geeska Africa, gaar ahaan Kenya, Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, ayada oo ugu baaqday in ay kawada-hadlaan, isla-markaana xal nabadeed u raadiyaan xaaladda kasoo korortay heshiiska badda. Hadalka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadayo, ayadoo weli Itoobiya ay ku adkeysaneyo fulinta heshiiska ay la gashay Somaliland, waxaana dhinaca kale weli halkiisii ah mowqifka dowladda Soomaaliya oo meel adag iska taagtay dhaqan-gelinta heshiiskaas. The post Mareykanka oo digniin culus kasoo saaray xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  20. Doorashada Madaxweynaha Iran ayaa loo gudbay wareegi labaad, maaddaama uusan jirin musharrax helay aqlabiyadda, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha. Wareega labaad oo la qabanayo Jimcaha , waxaa isugu soo haray Masoud Pezeshkian oo helay codod gaaraya 10.4 milyan oo u dhigma 42.1% iyo Saeed Jalili oo helay 9.5 milyan cod oo u dhigma 38.3%, kaddib markii la tiriyay in ka badan 24.5 milyan oo cod, sida ay sheegtay Al-Jazeera. Labada musharrax ah ee isugu soo haray doorashada , ayaa xambaarsan labo aragti oo iska soo horjeeda; Pezeshkian waa isbeddel doon doonaya inuu xiriir dhow la yeesho reer galbeedka, wuxuu sheegay dunidda oo dhan inay Iran la shaqeyn karto, marka laga reebo Israa’iil, halka Jalili loo arko inuu yahay nin mayal adag oo aan doonayn xiriir dhow oo reer galbeedka ah. Wareega labaad ayaa la filaya inay kor u kacdo tirada dadweynaha codeynta doorashada ka qeybgali kara, sababo la xiriira inay labada musharrax doorashada u beddeleen mid cad iyo tartan u dhaxeeya labo musharrax oo kala aragti duwan. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee doorashada Madaxtinimada dalka Iran appeared first on Puntland Post.
  21. Iimaaraadka carabta ayaa amray in la gaabiyo khudbada Jimcaha ee masaajidyada si dadka cibaadaysanaya looga ilaaiyo kulaylka aadka u daran, ayadoo heerkulka sare u kacay lala xiriirinayo isbeddelka cimilada. Maamulka guud ee arrimaha islaamka ayaa qoraal uu soo saaray Khamiistii wuxuu amar ku bixiyey in iimaamyadu ay khudbadooda ku soo gaabiyaan 10 daqiiqo muddada u dhaxaysa bilaha Juun ilaa iyo Oktoobar, markaas oo heerkulku uu yaraan doono. Inta badan khudbadaha jimcaha ayaa socda ilaa 20 daqiiqo, laakinse intaa wuu ka badan karaa wakhtiga. Waxaa kaloo jira in masaajidyadu markay buuxsamaan ay dibadda dad aad u badan salaadda ku tukadaan. Hadalka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in go’aankan loo qaatay “bedqabka dadka cibaadeysanaya, gaar ahaan inta lagu guda jiro bilaha xilliga xagaaga”. Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo maamulayaashu ay wadaan dadaal la doonayo in looga baaqsado waxyeellada caafimaad ee kulaylka iyo dhibaatooyinka la socda xilli meelo dalka ka mid ah heerkulku uu gaaray 50 darajada Celsius. Maxamed Yaasiin oo ku nool Dubai Sports city wuxuu Wargeyska Khaleej Times u sheegay inuu talaabadaas soo dhoweynayo. “dhawaanahan xilli dambe ayaan tagayey masjidka, dibadda oo qorrax daran ay ka jirto ayaanan ku tukanayey. Waxaan dareemayey sidii in timuhu ay I ololayaan kulaylka jira dartiis. Waxaan rajeynayaa in iimaamyadu ay aayado gaagaaban dadka ku tujiyaan, salaadahana ay dadka u fududeeyaan”. Iimaam Ayaz Housee oo ku nool Dubai wuxuu sheegay in dad badan ay sugayaan khudbada jimcaha “Waa khudbad ay dadku sugayaan todobaadka oo dhan, sidaa darteedna waxay aad ugu dadaalaan in aysan dhaafin inkastoo masaajidyadu ay buuxsamaan”” Sacuudiga iyo dalal kale oo khaliijka ku yaalla ayaa iyagana talaabadan oo kale qaaday. Hay’adda arrimaha diinta u qaabilsan sacuudiga ayaa sheegtay in khudbada Jimcaha ee masjidka weyn ee Makka iyo masjidka nabiga ee Madinalagu xaddiday 15 daqiiqo si aysan u dhibtoon dadka ku tukanayadibadda masjidka ee aan kulaylka har ka geli karin. Khaadunka labada xaram ee barakaysan, waa boqorka Sacuudiga, boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, ayaa ansixiyey soo gaabinta khudbada Jimcaha. Goor sii horreysay ayaa mas’uulka dusha kala socda hawlaha Masaajidka weyn ee Makka yio masjidka nabiga e Madina, Sheekh cabdiraxmaan Al-Sudaisi, wuxu faray imaamyada masaajidyadaas in khudbadaha la gaabiyo. Waddanka ciraaq, wadaadka saamaynta badan leh, Muqtada al-Sadr, wuxuu iimaamyada ka codsaday in ay salaadda fududeeyaan oo khudbada jimcaha laga dhigo mid gaaban si dadku uga badbaadaan kulaylka daran. Heerkulka aadka u daran ayaa keenay in sannadkan ay dartiis xajka ugu dhintaan 1,300 oo qof. Dhakhaatiirta ayaa dadka kula taliyey inay ka digtioonaadaan kulaylka xilligan, waxayna soo jeediyeen inay guryaha ku jiraan wakhtiyada uu kulaylku aadka u daran yahay ee ay suurtogal tahay in qorraxda ay toos jirka u qabato. “Ka fogow shaqooyinka xoogga u baahan wakhtiyada maalinnimada ah ee kulaylka daran uu jiro, una ogolow jirkaaga inuu la qabsado kulaylkaas ka hor inta aaan shqo culus qaban” ayey tiri Dr Karthikeyan Chinniah, oo ah dhakhtarad ka hawl gasha isbitaal ku yaalla Abu Dhabi. Meelaha kale heerkulka uu in badan sare u kacay waxaa ka mid ah dalalka Lubnaan, Masar, Kuwait iyo Urdun. Iimaaraadka carabta, dadka qabta shaqooyinka banaannada laga qabto waxaa dhaqan galay mamnuucis ku saabsan in shaqooyinkaas la qabto saacadaha u dhaxeeya 12:30 duhurnimno ilaa iyo 3 galabnimo, ilaa laga gaarayo 15 bisha Siteembar bbcsomali Qaran News
  22. Maxkamadda Gobalka Banaadir oo ka Jawaabeysa Xaashida Eedda ee uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku u soo gudbiyey, ayna Eedeysaneyaal ka yihiin: C/kariin Saalax Maxamed Maxamuud (Awkoombe). Maxamed Cali Cismaan Axmed Cali Yaasiin Abshir Maxamed Jaamac Maxamed Cumar Jaamac Kuwaas oo dhammaantood ku wada Eedeysan falal burcad-badeednimo, ayaa Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka waxa uu Maxkamadda horteed ku soo badhigay cadeymo kala duwan oo dhammaantood cadeynaya in Eedeysanayaasha sare ku xusan yihiin dembiilayaal galay dembiga lagu soo Eedeeye. Sidaas darted Maxkamaddu markii ay aragtay oo ay dhegaysatay dhammaan Eedda iyo Caddeymaha uu soo Bandhigay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxay Eedeysaneyaasha sare ku heshay Eedaha lagu soo Eedeeyey waxayna ku xukuntyay 5 sano, 3 bilood iyo 10 maalmood oo xadhig ah. Source: goobjoog.com
  23. Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho waxaa aas qaran oo ballaaran loogu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya professor maxamed shiikh Cismaan Jawaari oo shalayto galinkii dambe geeriyooday. Aas ayaa waxaa ka qayb-galay madaxda dalka ugu sarreysa oo uu madaxweyne xasan sheekh ugu horreeyo,Ra’iisul wasaare Xamse, guddoonka Baarlamaanka, wasiirro iyo xildhibaanno badan, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan goloayaasha kala duwan ee dowladda Soomaaliya. Madaxda ayaa aaska ka dib siyaabo kala duwan uga hadlay geerida marxuum jawaari, asagoo ku tilmaamay shaksi dalkiisa iyo dadkiisa waqti badan geliyay, islamarkaana ahaa waddani dowlad dhiska Soomaaliya kaalin weyn oo lagu xasuusan doono ka soo qaatay. Allaha unaxariistee Professor maxamed shiikh Cismaan Jawaari oo ay geeridiisu taabatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ayaa in ka badan 50 sano ku soo jiray siyaasadda dalka, asagoo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii kacaanka iyo kuwii ka dambeeyay. Source: goobjoog.com