Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa markale gashay xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay khilaaf cusub oo soo kala dhex-galay guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland iyo madaxweyne Axmed Madoobe. Khilaafka ayaa si gaar ah uga dhex-qarxay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Aadan Khaliif iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo doonayo in la furo dastuurka maamulkaasi, kadibna wax laga beddalo, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Aadan Khaliif ayaa ka horyimid damaca Axmed Madoobe ee ku aadan furista dastuurka, waxaana uu horay uu soo saaray qoraal uu ku sheegay in dastuurka Jubbaland uu dhigayo in hoggaamiyaha maamulka uusan tartami karin muddo ka badan inta uu ogol dastuurka, Axmed Madoobe-na uu dhameystay muddadii uu ogolaan sharciga. Wararka ayaa sheegaya in haatan kulan loogu yeeray xubnaha golaha wakiilada Jubbaland, kaas oo maanta dhacaya, waxaana lagu wargeliyay xalay oo loo diray fariimo gaar ah. Kulankan ayaa qorshuhu yahay in xilka looga qaado guddoomiye ku xigeenka koowaad Aadan Khaliif oo ay is qabteen Axmed Madoobe, waxaana lagu wadaa inay codka kalsoonida kala noqdaan xildhibaanada, waxaana qorshahaas gadaal ka riixaya kooxda madaxweyne Axmed Madoobe. Abuul xoogan ayaa haatan ka socda magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay magaalada laga dareemay dhaq-dhaqaaqyo ay sameynayaan ciidamada Jubbaland, kuwaas oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee ka taagan halkaasi. Axmed Madoobe oo ah nin mayal adag ayaa inta badan meesha ka saara mas’uuliyiinta ay is qabtaan wuxuuna horay magaaada Muqdisho ugu soo masaafuriyay rag ay isku dhaceen. Ninkan ayaa Jubbaland majaraha u hayo tan iyo markii la aas aasay 2013-kii, wuxuuna weli doonayaa inuu kusii fadhiyo kursiga, laakiin waxaa diidan xubnaha mucaaradka ah. The post Xogta Khilaaf culus oo ka taagan Jubaland iyo Axmed Madoobe oo go’aan gaaray appeared first on Caasimada Online.
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn yaableh u jeediyay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo uu tilmaamay inay maleegayaan halis ka dhan ah Somaliland. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in loo tashaday Somaliland, isla markaana uu socdo qorshe culus oo lagu burburinayo maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha UCID oo carab baabay Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa sheegay inay ku tashadeen in laba jiho laga weeraro Somaliland oo kala ah dhinaca Jabuuti iyo aagga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qorshaha socda uu lamid yahay midkii 1988, isla markaana la xalaashaday dhiigooda, sida uu hadalka u dhigay. “Waxa lagu tashaday in dalkeenna laga soo weeraro dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Laascaanood, sidii 1988 kii ayaa maanta markale dhiigeena la xalaashaday, waxa lagu tashaday in Somaliland la burburiyo” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Dhinaca kale wuxuu si gaar ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu eedeeyay inuu isagu hoggaanka u hayo qorshahan ka dhanka ah Somaliland, ujeedkana uu yahay in laga hortego aqoonsi ay hesho Somaliland. Waxaa kale oo uu farriin u diray madaxda iyo shacabka Somaliland, isaga oo ugu baaqay inay si wadajir ah ugu diyaar garoobaan sidii ay isku difaaci lahaayeen, ugana hortegi lahaayeen in la burburiyo maamulkooda. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meeshii ugu xumayd ay gaartay xiisadda u dhexeysa Hargeysa iyo Muqdisho oo isku qabtay heshiiska badda ee Muuse Biixi uu la galay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya kaas oo ay ka caroortay dowladda federaalka Soomaaliya. The post Somaliland oo eedeyn yaab leh u jeedisay DF Soomaaliya iyo waddan kale + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu (HOL) - Somali government has denied social media reports that it is negotiating with the al-Qaeda-affiliated armed group al-Shabab, a few months after military operations against the group stopped. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaran ee loo xilsaaray aaska guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa war cusub kasoo saaray geerida marxuumka iyo aaska oo maanta ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in habmaamuus qaran iyo sagootin loogu sameyn doono taaladda Dhagax Tuur ayna ka qayb-galayaan madaxda qaranka, kadibna Janaazad lagula tukan doono masaajidka wayn ee Isbaheysiga. Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in aaska uu dhici doono 1:00 duhurnimo, isla markaana marxuumka lagu aasi doono qabuuraha Sheekh Suufi. Waxaa kale oo la go’aamiyay in warbaahinta dowladda muddo saddex maalin ah laga sii daayo barnaamijyo ku saabsan saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii marxuumka. Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:- Guddiga aaska Qaran ee Allaha ha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Jawaari waxa uu madaxda Qaranka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ogeysiinayaa hadii uu Alle idmo in maanta marxuumka aas Qaran loogu sameyn doono Magaaladda Muqdisho,ka dib markii ay la tashadeen qoyska marxuumka Guddiga waxa uu go’aamiyay in aaska Qaran ee Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari mudo sadex maalmood ah Warbaahinta Dawladda laga siidaayo Barnaamijyo ku saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari . Dhinaca Aaska Qaranka Gudigu waxay qorsheeyeen in aasku uu u dhaco sida soo socota: Habmaamuus Qaran Iyo sagootinta oo dhaceysa saacada marka ay tahay 12:00- duhurnimo,waxayna ka dhaceysaa taaladda dhagax tuur iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda qaranka ,guddiga aaska qaran,ciidanka hab maamuuska qaran Iyo qoyska marxuumka. Salaada janaasadda waxaa marxuumka lagu dukan doonaa 12:30 duhurnimo waana masaajidka Isbaheysiga Islaamka,waxaana ka qeyb galaya madaxda qaranka ,culimaa’udiinka ,qoyska marxuumka ,xubnaha Golaha Baarlamaanka ,wasiiradda,bulshada rayidka Iyo qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed , Aaska Qaran waxa uu dhacayaa 1:00 duhurnimo waxaa lagu aasi doonaa qubuuraha Sheekh Suufi ,waxaana ka qeyb geli doona culimaa’udiinka ,qoyska marxuumka,guddiga aaska Qaran Iyo dad kooban. Intaas waxaa dheer – [ ] Guddiga aaska Qaran waxa ay cayimi doonaan Sheekha tujin doona salaada janaasadda Iyo Sheekh ama qof ehelka marxuumka ah oo cafis dalbi doona Iyo hadii ay cid deyn ku lihi jirto. – [ ] Buuga tacsida ee marxuum Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari wuxuu laga bilaabo beri 2:00 duhurnimo ka furanyahay gurigii uu ku geeriyooday marxuumku. – [ ] Guddiga aaska Qaranka waxay madaxda Qaranka usoo jeedin doonaan in goob loogu magac daro Allaha ha u naxriistee Guddoomiye Jawaari . INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Waxaanu illaahey uga baryaynaa Inuu naxriistiisa ka waraabiyo marxuum Jawaari. The post War cusub oo kasoo kordhay geerida Prof. JAWAARI appeared first on Caasimada Online.
  5. 448790092_1014726980105629_6976167104297823817_n Qaran News
  6. Booliska Maldives ayaa xiray wasiiru dowlaha deegaanka, isbedelka cimilada, iyo tamarta dalkaas Fathimath Shamnaz Ali Saleem, iyadoo warbaahinta qaranka ay warisay in loo haysto eedeymo la xariira sixir nooca madow ah u adeegsaday madaxweyne Maxamed Muizzu. Saleem ayaa laga soo qabtay magaalada caasimadda ah ee Male, isaga iyo laba kale, sida ay booliisku u sheegeen warbaahinta gudaha ee jasiiradan islaamiga ah ee dhaca koofurta qaaradda Aasiya. Masuuliyiintan oo ay baaritaanno kala duwani ku socdaan ayaanay saraakiishu faahfaahin dheeraad ah ah ka bixin xariggooda, iyo qaabka ay madaxweynaha u sixreen. Warbaahinta maxalliga ah The Sun ayaa’se sheegtay inay jiraan warar sheegaya in Shamnaz loo xiray sixir madow oo uu ku sameeyay madaxweyne Maxamed Muizzu, Inkasta oo sixirku aanu ahayn fal-dambiyeed ka dhacay Maldives, haddana waxa ay keeni kartaa in lagu xukumo lix bilood oo xadhig ah marka loo eego shareecada Islaamka. Source: goobjoog.com
  7. Sanad walba waxaa dugsiyada sare ee dalka ka baxa oo ka qalin jabiya kumanaan kun oo arday ah, kuwaas oo ka tallaabay mid kamida ah jaranjarooyinka lama dhaafaanka ah ee waxbarashada udub-dhaxaad ah u ah, oo ay gu’yaal badan ku soo dhex jireen. Guul kastoo la hanto iyo gabangabada howl sidii loo rabay u hirgeshayba dareen togan baa ka dhashee, ardaydaasi todobaadyada ugu dambeeya ee wax-dhigashadooda, gaar ahaan markay imtixaanka ka gudbaan waxay sameystaan dabbaaldegyo waaweyn iyo damaashaadyo farxadeed. Qaarkood dharkii ay muddada dheer wax ku soo baranayeen ee ardaynimadooda astaanta u ahaa ayay jeex-jeexaan, qaar kalena qoraallo dareen len ayay ku xardhadaan, ayagoo muujinaya inay gaaraan hadaf ay ammnin dheer sugayeen. Waa run oo guul weyn dabaaldeg mudan way gaareen oo hormar waxbarashado oo ayaga, waalidkood, iyo dalkoodaba dan u ah ayay ku tillaabsadeen, intooda badanna dareenkaas ayaa farxaddooda gundhig u ah. Ardayda aragtidaas qaba ee rumaysan in geedi waxbarasho oo tobanaan sano socday ay ka gudbeen, waalidkoodna uu ka nasan doono qarashkii uu dugsigooda, bareegooda, biilkooda, iyo baabuur raacooda ku bixin jiray, oo ay ayagu noloshooda ku filnaan doonaan, qoyskoodana waxtari doonaan ayaa ah kuwa damaashaadkoodu u riyaaqidda mudanyahay. Balse waxaa jira qaar kale oo niyaayarkooda ay saldhig u tahay inay dugsigii kala dhammaadeen oo ay casharada ka nasan doonaan, iyagoo u arkaya lur iyo dhibaato ay ka soo gudbeen, ka dibna ay hurdo iyo baashaal ka bogan doonaan. Kuwa noocaas ah ee la dhacsan in dugsi dambe aanay u jarmaadi doonin oo buugaagtii ay xambaarsanaan jireen ka farxasheen, lugtii jiilaaloo dhaaftayna Illaahay uga dhigo, markii aad aragto waxaa is weydiinaysaa ” ma xabsi baa laga sii daayay mise xalqad waxbarashaa u dhammaatay?”. Si kastaba ha ahaatee ardayda intooda badani waxay ka simanyihiin isku tashi la’aanta oo waxay jecel yihiin in markay qalin-jabiyaan shaqo diyaarsan faraha laga saaro, haddii kale ay guryohooda hurdaan raashin uu waalidkood dhib iyo xamaal ku keenayna ay fadhi ku cunaan. Aragtida caynkaas ihi waxay kamid tahay dhaliiilaha waxbarashadeena iyo Afrikaanka oo dhan, maxay yeelay ardayda dunida kale hal-abuur iyo alifaadda wax cusub ayay ku dhaqaaqaan markay qalin-jabiyaan. Source: goobjoog.com
  8. Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday markab ku gooshayay calanka dalka Liberia oo marayay biyaha badda cas. Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay sidoo kale beegsadeen saddex markab oo kale oo ay ku jiraan laba markab oo marayay badda Mediterranean-ka. Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa sidoo kale sheegtay in weeraradooda ay ku qaadayaan marinnada maraakiibta ay ku garab taaganyihiin kooxda Xamaas ee dagaalka kula jira ciidamada Israel. Yahya Saree oo ah afhayeenka milatariga xuutiyiinta ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka Yemen ku sheegay in kooxdan ay gantaalada balaastikada ah ku garaaceen markabka Delonix oo ah nooca shidaalka qaada. Gantaalana ay la heleen. ​Si kastaba ha ahaatee, Hey’adda Kormeerka Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay goor hore oo shalay ah in markabka oo lagu bartilmaameedsaday meel 172 mile waqooyi-galbeed ka xigta dekedda Xudeydah ee dalka Yemen, uusan soo sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaaray weerarka Source: goobjoog.com
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Xubnaha Guddiga oo ka kooban 12 Xubnood ayaa waxa ay kala yihiin: 1. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka; Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. – Guddoomiye 2. Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag – Xubin 3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay – Xubin 4. Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Shiikh Cabdiraxmaan Beene Beene – Xubin 5. Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Xubin 6. Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani– Xubin 7. Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Yusuf Al caddaala – Xubin 8. Taliyaha Ciidanka Booliiska – General Sulub Axmed Firin – Xubin 9. Taliyaha Ciidanka Asluubta – General Mahad Cabdiraxmaan Aadan – Xubin 10. Habdhowraha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux – Xubin 11. Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) – Xubin. 12. Guddoomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SodMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle – Xubin. Source: goobjoog.com
  10. Xilli ay dalka kenya weli ka socdan dibadbaxyo waaweyn oo ka dhan ah sharci muran badan dhaliyay oo ay dhowaan dowladdu soo saartay, islamarkaana tirada dhimashada bannaanbaxyadaasi sababeeni ay gaartay ku dhawaad 30 qof ayay maxkamadda sare ee dalku arrintaas go’aan adag ka soo saartay. maxkamadda ayaa ku amartay ciidamada nabadgalyada in ay joojiyaan rasaasta tooska ah ee nool nool, midda macmalka ee ka samaysan caagga, sunta dadka ka ilmaysiisa ee loo adeegsado dibadbaxayaasha caraysan. Waxaa ay sidoo kale ku amartay booliska in ay ka fogaadaan dilka sharciga ka baxsan, afduubka, iyo jirdilka” ee ka dhanka ah mudaharaadayaasha cashuur-diidka ah. xukunka madaxkamadda ayaa salka ky haya codsi ay gudbiyeen qareenno iyo kooxaha xuquuqul insaanka oo lagu dalbanayay in la joojiyo adeegsiga hubka wax dila ee ay booliisku u adeegsadaan dibadbaxayaasha. Demas Kiprono, oo ah ku-simaha agaasimaha fulinta ee guddiga caalamiga ah ee sharciga Kenya, ayaa u sheegay warbaahinta in tallaabada ay maxkamadda sare ku mamnuucday adeegsiga rasaasta ay tahay mid looga hortagayo qaladaadka booliiska. Booliiska kenya ayaa lagu eedeeyay inay rasaas nool nool u adeegsadeen dibadbaxayaasha, taas oo sababtay geerida dad badan oo ka bannaanbaxayay inta badan gobollada dalkan dhibaatada dhaqaale la dhaalaadhacaya ee ku yaalla bariga Afrika. Source: goobjoog.com
  11. Madaxweynaha dowladda Ciraaq Mudane Cabdiladiif Jamaal Rashiid ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee dowladda federalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed oo gaaray magaalada Baqdaad. Safiir Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa salaan uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Madaxweynaha dowladda Ciraaq, una sheegay in xariirka labada dal ee walaalaha ah la sii xoojin doono. Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq ayaa horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federalka Soomaaliya isagoo hadda noqday safiirka dalka Ciraaq. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada dadaallo lagu buuxinayo boosaska safaaradaha dowladda Soomalaiya ee caalamka ku eedahay ee dib loosoo celinayo, kadib muddo soo kabasho dowladdu ku jirtay. Source: goobjoog.com
  12. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo mar kale dib uga qarxay qaybo kamida gobolka Mudug. Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu xalay ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan aagga deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, balse ma cadda khasaare soo kala gaaray. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa deegaanada lagu dagaalamay, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Dhinaca kale wafdi ka socda maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa ku baxay xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Mudug, halkaas oo iyana maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaal beeleedyo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof, ayna ku dhaawacmeen dad kale/ Wafdiga ku baxay xiisaddaas ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka maaliyadda Puntland iyo wasiirka amniga Galmudug, ayada oo ujeedadu tahay in la joojiyo dagaalkaasi. Gobollada dhexe ayaa waxaa ka taagan xaalad qasan oo ka dhalatay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo dib uga qarxay gobolladaasi, kuwaas oo gaystay khasaarooyin Dagaalladan ayaa kusoo aaday, xilli Galmudug ay weli ka socdaan howlgallo lagula dagaalamayo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo laga xoreeyay dhul ballaaran. The post Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Mudug + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  13. Mas’uuliyiin ka kooban wasiiro iyo xildhibaanno ay weheliyaan maamullada heer gobol, heer degmada iyo taliyaasha qeybaha booliska gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa Jimcihii shalay gaaray degaannadii lagu diriray ee galbeedka gobolka Mudug. Madaxda ka socday Puntland iyo Galmudug ee ka kooban wasiiro iyo xildhibaanno ay weheliyaan maamullada heer gobol, heer degmada iyo taliyaasha qeybaha booliska gobolka Mudug ayaa shir ku yeeshay nawaaxiga miyiga Maygaagta iyo Jiicboor ee ay ku dagaallameen beelaha. Shirka labada dhinac ayaa ugu danbayn ku soo dhammaaday is afgar ka kooban 4 qodob oo ay ugu horrayso xabbad-joojin shuruud la’aan ah iyo in la kala qaado malesshiyaadka labada beelood ee ku dagaallamay degaanka sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug. Waxa kale oo la isla gartay in la qabto guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya in wada-hadal nabadeed u furmo dhinacyada diriray iyo in ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban labada maamul la geeyo degaannadii lagu dagaallamay. PUNTLAND POST The post Is-afgarad laga gaaray dagaal beeleedkii ka dhacay galbeedka gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo soo saaray qoraal ayaa magacaabay guddi isugu jiro wasiiro iyo taliyeyaal ciidan, kuwaas oo loo xil-saaray aaska guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shalay ku geeriyooday magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Guddigan oo ka kooban illaa 12 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wuxuuna ka shaqeyn doonaan aaska marxuumka oo saacadaha soo socda ka dhici doono gudaha caasimada. Xubnaha guddiga ayaa waxa ay kala yihiin: 1.Wasiirka Beeraha iyo Waraabka; Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye – Guddoomiye 2. Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag – Xubin 3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay – Xubin 4. Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Shiikh Cabdiraxmaan Beene Beene – Xubin 5 Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Xubin 6. Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani– Xubin 7. Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Yusuf Al caddaala – Xubin 8. Taliyaha Ciidanka Booliiska – General Sulub Axmed Firin – Xubin 9. Taliyaha Ciidanka Asluubta – General Mahad Cabdiraxmaan Aadan – Xubin 10. Habdhowraha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux – Xubin 11. Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) – Xubin 12 . Guddoomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SodMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle – Xubin. Dhinaca kale waxaa jira guddi kale oo uu magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, kaas oo isna war kasoo saaray aaska Jawaari, wuxuuna sheegay in marxuumka habmaamuus qaran iyo sagootin loogu sameyn doono taalada Dhagax Tuur ayna ka qayb-galayaan madaxda qaranka, kadibna Janaazad lagula tukan doono masaajidka wayn ee Isbaheysiga. Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in aaska uu dhici doono 1:00 duhurnimo, isla markaana marxuumka lagu aasi doono qabuuraha Sheekh Suufi. Waxaa kale oo uu guddig uu go’aamiyay in warbaahinta dowladda muddo 3 maalin ah laga sii daayo barnaamijyo ku saabsan saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Jawaari. Allaha u naxariistee Prof Jawaari ayaa waqtigiisii ugu badanaa soo geliyay dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed. The post XAMZA oo magacaabay guddi ay xubno ka yihiin wasiirro iyo taliyeyaal appeared first on Caasimada Online.
  15. Mogadishu (HOL) - Somali political leaders, including President Hassan Sheikh Mohamud, Prime Minister Barre, Parliament speakers, and civil society organizations, have extended their deepest condolences over the death of former Somali Parliament Speaker Prof. Mohamed Osman Jawari. Source: Hiiraan Online
  16. JOHANNESBURG — “Kenya is not IMF’s lab rat,” was just one of many slogans condemning the International Monetary Fund that was seen this week on demonstrators’ placards at protests in Kenya against proposed tax hikes. Source: Hiiraan Online
  17. The family of Juweria Mohamed (Subcis), a member of the ruling Prosperity Party Central Committee and the Somali Regional State Council, who was shot and killed in October 2022, has expressed their frustration to Addis Standard. They have cited the lack of proper justice and compensation, as well as the pressure exerted by regional security forces, as sources of their discontent. Source: Hiiraan Online
  18. Ethiopia and South Sudan are set to build a 220-km cross-border road, following a 738-million-U.S.-dollar financial agreement signed in May 2023. Source: Hiiraan Online
  19. Kenyan MPs may still be reeling after anti-tax protesters overpowered police and invaded parliament on Tuesday - but two legislators are actually thankful to some of the invaders who went to their rescue during the ordeal. Source: Hiiraan Online
  20. Colombia secured a place in the Copa America quarterfinals on Friday with a 3-0 victory over Costa Rica, a result that extended the Cafeteros' winning sequence to 10 games. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay wada-hadallo uga furmaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaa sidaas Caasimada Online u xaqiijiyey ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Ujeedka wada-hadallada ayaa ah in lagu soo afjaro xiisadda ka dhalatay is-afgaradka ay Itoobiya la gashay Somaliland ee lagu sheegay in ay ku aqoonsaneyso, ayada oo uga bedeleneysa dhul-badeed ay ka dhisato dekad iyo saldhig ciidan badeed. Wada-hadalladan ayaa waxaa labada dal ogoleysiiyey dowladda Turkiga oo muddo bilo ah wadday dadaal ay isugu keeneyso Muqdisho iyo Addis-Ababa, waxaana jira warar sheegaya in sidoo kale ay dalal kale gadaal ka riixayaan, oo Mareykanka uu ka mid yahay. Waxaa dhinaca Soomaaliya u matali doona wafdi ay horkacayaan wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Balcad, halka Itoobiya ay wakiil uga yihiin xubno uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassie. Taye Atske Selassie ayaa shalay gaaray Ankara. Dhanka kalena Axmed Macallin Fiqi ayaa la filayaa inuu maanta u ambabaxo halkaas. Sida ay Caasimada Online xog ku heshay, Fiqi ayaa la filayaa in uu shir jaraa’id qabto ka hor inta uusan ka dhoofin Muqdisho, isaga oo sharxi doona qaabka ay wada-hadallada u dhici doonaan iyo mowqifka dowladda federaalka. Xogta Caasimada Online ayaa sheegeysa in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay ka laabato is-afgaradka Somaliland, halka Soomaaliya la filayo in ay Itoobiya u ogolaato in ay ka kireyso dekad ganacsi. Soomaaliya marna ma ogolaan doonto saldhig ciidan badeed. Waxaan caddeyn habka loo maamuli doono dekaddaas. Itoobiya ayaa sida la sheegay dooneyso in ay dekaddaas ayada maamusho, balse weli ma cadda haddii ay Soomaaliya ogolaan doonto iyo in kale. Xogta ayaa sheegeysa in Itoobiya ay isha ku hayso dekadaha Baraawe iyo Hobyo midkood. The post Xog: Wada-hadallo Ankara uga furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya + Qorshe heshiis appeared first on Caasimada Online.
  22. Doxa (Caasimada Online) – Waxaa soo xoogeysanaya wararka sheegaya in wada-hadallo ay u furmi doonaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhex-dhexaadineyso dowladda Qatar, kana dhacaya Doxa. Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in xogta uu hayo ay sheegayso in dowladda Soomaaliya doonayso inay wadahadallo la gasho kooxda. “Anniga xogta aan hayno waxaa weeye dowlada Soomaaliya markii hore way diidanayd ee ay caaboonayd ee ay Al-Shabaab la dagaalaysay laakiin hadda waa ogolaatay,” ayuu yiri Wuxuu intaa ku daray in haddi wadahadallo dowladdu la galayso Al-Shabaab laga dhigo arrin qaran, oo laga qayb galiyaa dowlad goboleedyada iyo mucaaradka. “Waxaan ka baqaynaa in laysku hoosaasiyo, wadahadallo argagixiso lala galay oo laysu hoosaasiyey ayaa jiray, taas ayaan ka baqaynaa sidii ku dhacday dowladdii Afqaanistaan.” “Dowladaha Qadar iyo Norway, waa dowladdo si caadiya u wada in lala hadlo Al-Shabaab, welligoodna waa wadeen xitaa dowladdii anigu an ka tirsanaa ee madaxweyne Sheekh Shariif, waa noola yimaadeen, waxayna ka shaqeeyaanba in kooxdaas lala hadlo,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame. Isagoo ka jawaabayey su’aal ahayd inay u muuqato in Al-Shabaab ay leeyihiin xal aan ahayn wadahadal ayuu yiri “Annigu waxaan raacsanaa istaraatiijiyadii hore ee madaxweynaha ee ahayd in Al-Shabaab wadahadal lala galo markii awooddooda la wiiqo,” ayuu Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur. Xildhibaaan Cabdirixmaan oo mar kale aan waydiinay in dagaalo dowladdu la gashay Al-Shabaab ay dhaceen basle in lagu dayo wada hadal iyo waxa diidaya ayaa yiri. “Haa, ha noo sheegeen in laga awood badin waaayey kooxda, annaga waxaan jecel nahay in marka kooxda la wiiqo ka dibna lala hadlo.” Cabdirixmaan Cabdishakuur ayaa xusay in Al-Shabaab aysan ahayn dad metelaya tabasho deegaan iyo mid dadba basle ay yihiin dad fikir ku socda. “Marka an dhahayo waa in la wiiqaa waxaa weeye in dadkii iyaga u galay inay wax tabteen iyo kuwa dano kale u galay ee an fikir ahaan la socon waa in la kala miiro” ayuu yiri Warsame. The post Xogta ku saabsan wada-hadallada DF iyo Al-Shabaab ee Doxa oo soo xoogeysatay appeared first on Caasimada Online.
  23. Guddiga aaska Qaran ee Allaha ha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Jawaari ayaa sheegay in Marxuumka Maanta lagu aasi doono magaalada Muqdisho. “Guddiga aaska Qaran ee Allaha ha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Jawaari waxa uu madaxda Qaranka Iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ogeysiinayaa in maanta hadii uu Alle idmo marxuumka aas Qaran loogu sameyn doono Magaaladda Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Guddiga. Guddiga waxa uu go’aamiyay in aaska Qaran ee Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari mudda sadex maalmood ah Warbaahinta dowladda laga siidaayo Barnaamijyo ku saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari. “Guddiga waxa uu go’aamiyay in aaska Qaran ee Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari mudo sadex maalmood ah Warbaahinta Dawladda laga siidaayo Barnaamijyo ku saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari” ayuu sio raaciyay Guddiga Guddiga aaska Qaran ee Marxuum Jawaari. Marxuumku waxa uu inta badan noloshiisa usoo adeegayey shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ka soo qaatay dowlad dhiska dalkeenna. Waxa uu ahaa xeeldheere sharci oo xilal kala duwan ka soo qabtay laamaha dowladda tan iyo dowladdii dhexe ee dalkeenna, isaga oo guddoon ka noqday Baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Guddiga aaska Qaran ee Guddoomiye Jawaari oo shaaciyay Wakhtiga la aasayo Marxuumka appeared first on Puntland Post.
  24. Understanding the Memorandum of Understanding June Edition This is your semi-monthly series of insights into the aftershocks of the MoU signed between Somaliland and Ethiopia. The conversation about the MoU in June shifted from the question of “if” to “when.” We are no longer talking about months but days. The latest verified source is Ethiopian MFA spokesperson Amb @mufti_dina , who told the BBC that they will provide new details in the coming days. Nevertheless, there are anti-MoU diplomatic efforts by Qatar and Türkiye that even exclude Somaliland from the process. However, these efforts are limited. Many countries have been “rebuilding Somalia” for 34 years without paying attention to what has been happening in Somaliland. The diplomats from these countries are equally ignorant and arrogant when it comes to understanding the history, geography, and diplomacy behind the MoU. In this series, my aim usually is to cover the impacts of the MoU, its feasibility, legality, benefits, and the #aftershocks. Today, I make a U-turn and instead discuss the main drivers behind the MoU. Historical Drivers This is not the first time that Somaliland and Ethiopia have signed a trade deal. – In 2018, Ethiopia became a major shareholder following an agreement with DP World and the Somaliland Port Authority. DP World holds a 51% stake in the project, Somaliland 30%, and Ethiopia the remaining 19%. – In 2005, Somaliland and Ethiopia officially signed the Berbera Corridor Agreement (BCA), allowing Ethiopia to import and export goods through the port of Berbera. In brief, Somaliland and Ethiopia have a history of striking successful deals and talks, which makes the 2024 MoU a natural step to the next level. Compare this to 12 years of fruitless talks with Somalia that yielded nothing but war and conflict. Meanwhile, the talks with Ethiopia have contributed to Somaliland’s GDP for almost two decades. Geographical Drivers A picture speaks a thousand words. Below is the population density of regions within Ethiopia. When people speak about the Berbera corridor, it is not just about linking a port to a landlocked country. It is a chain of the most densely populated cities and regional areas from the coast all the way to Addis Ababa. It is a chain of population hotspots that is rarely found in the horn. Imagine the economic activity that will be fostered once the right infrastructure is in place for this region. That is why Djibouti or ports in Somalia have issues not just with distance but with the disconnections these corridors will make with desert and sparsely inhabited regions. Diplomatic Drivers Why has Ethiopia decided to make this move now? The reason could be the recently active diplomacy of the Somaliland government that has gained attention from the UK, United States, Taiwan, and the UAE. Ethiopia has always viewed Somaliland as a neglected place that no one is interested in. The NDAA 2023 has instructed the US government to conduct a feasibility study on Somaliland. The conversation between Hargeisa and Washington shifted to whether the US should have a military base with recognition or no recognition. This is very different from the Somaliland of the late 90s. Ethiopia understood that it would be harder to strike a good deal with Somaliland after a deal with the UK or the US. With Somaliland demanding recognition in the MoU, this also sent a hidden message to the US that there can never be a US base without recognition, following the Ethiopian example. With a Republican president potentially coming soon, this will even be exacerbated as Somaliland has very strong allies in the Republican Party. So what can Qatar and Türkiye change? Do not forget, all these drivers combined have caused a paradigm shift in the thinking of the youth in Somaliland. The statement “We are more related to Addis Ababa than to Mogadishu” used to be called “hardline” but today it is in songs and shared all over social media in Somaliland. Finally, after decades of fascist ethnonationalism brainwash by dictator Siad Barre, Somalilanders are returning to their ancient existence where Somaliland ports have been mainly doing business with Ethiopia since 1 AD. I argue that the inhabitants of this land were actually the first globalists, working with all races—a skill that is handy today in the pursuit of international recognition. Abdi Daud Qaran News