-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Shirka oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha golaha ayaa waxaa lagu ansixiyay qaraar xasaasi ah oo ku saabsan khataraha amniga qaranka oo warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay xafiiska amniga qaranka. Golaha ayaa ansixiyay qaraarka oo ka kooban 8 qodob oo qeexaya khataraha amniga qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayada oo oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliya ee ku saleysan amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed. Waxa ay kala yihiin qodobada la meel-mariyay;- 1. Argagixisada; 2. Aragtida Gooni-goosadka; 3. Dowlad-nugeylka; 4. Xuduudaha Beylahda; 5. Faragelinta Shisheeye; 6. Isbeddelka Cimilada; 7. Khatarta Tiknoolajiyadda; 8. Khataraha Bulshada; Sidoo kale shirka ayaa warbixin ku saabsan munaasabadaha dabaaldegga maalmaha Xorriyadda, waxaa looga dhageystay Guddiga qabanqaabada oo soo bandhigay sida ay u qabsoontay munaasabaddii 26-ka Juun iyo diyaar garowga 1-da Luuliyo. Golaha wasiirada ayaa sidoo kale warbixinno ku saabsan howlgalladii u danbeeyey ee xasillinta dalka iyo ciribtirta Khawaarijta waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Labada wasaaradood ayaa shirka kusoo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamada Xoogga dalka oo ay sheegeen in jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab. The post Golaha wasiirada oo ansixiyay qaraar xasaasi ah oo ka kooban 8 qodob + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopian Delegation headed by Mr. Adem Farah, Vice President of the ruling Prosperity Party and head of the Democratic System Building Center with the rank of Deputy Prime Minister, has arrived in Djibouti. Source: Hiiraan Online
-
Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka. Iyada oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, ayaa goluhu waxa uu soo saaray, isla markaana ansixiyay qaraar ka kooban 8 qodob oo qeexaya Khataraha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah: Argagixisada; Aragtida Gooni-goosadka; Dowlad-nugeylka; Xuduudaha Beylahda; Faragelinta Shisheeye; Isbeddelka Cimilada; Khatarta Tiknoolajiyadda; Khataraha Bulshada; Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixin ku saabsan munaasabadaha dabaaldegga maalmaha Xorriyadda, waxa looga dhageystay Guddiga qabanqaabada oo soo bandhigay sida ay u qabsoontay munaasabaddii 26-ka Juun iyo diyaar garowga 1-da Luuliyo. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ku saabsan howlgalladii u danbeeyey ee xasillinta dalka iyo ciribtirta shabaab waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti looga dabaaldagayaa maalintii xornimada uu dalkaasi ka qaatay gumeystihii Faransiiska oo muddo dheer ka talinayay sanadkii 1977, waxaana habeenkii xalay dhacday munaasabad weyn oo lagu maamuusayay arrintaasi. Xuska munaasibadda 47-sano guuradii ka soo wareegatay markii xurnimada Jabuuti ay ka qaadatay gumeystaha Faransiiska, Jabuuti ayaa kamid aheyd 5tii gobo lee Soomali degijirtay ka hor inta uusan gumeystaha uu u kala qeybin 5-ta Soomaali. Dhulka Soomaaliyeed, taariikh ahaan, waxaa la qeybiyay 1884-tii gaar ahaan shir loogu magac daray shirkii Berlin, waxaa shirkaas ka soo qeyb-galay gumaystayaashii reer Yurub, Mareykanka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, waxaa lagu qeybsaday Afrika, Dalka Soomaaliya waxaa loo kala saaray Shan qeybood oo kala ah: Koofurta Soomaaliya ee loo biyay Italian Somaliland, Gobollada Waqooyi oo loo bixiyay British Somaliland, , Djibouti oo cadawda Faransiiska la siiyay , Nfd, Soomaali galbeed Itoobiya iyo Kenya lagu daray. Dalka Djibouti waxaa uu xuriyad ka qaatay Faransiiska June 27, 1977, Madaxweynihii ugu horeeyay Djibouti waxaa noqday Xassan Guuleed Abtidoon, Caasimadda Waa Djibouti, Waxaa looga hadlaa Af-Somali, Afka Faransiiska, Afka Carabiga iyo Afka Cafarta. Dowladda Soomaaliyeed oo markaas xornimadeeda heysatay kuna midowday gobolladii Koonfur iyo Waqooyiga baadi goobna ugu jirtay sedexdii gobo lee maqneyd, ayaa kalin muhiim ah ka geysatay dadaalka loogu jiray xornimo gaarsiinta dowladda Jabuuti. Magaalada Djibouti marka laga soo tago, Waxaa jira magaalooyin kale oo caan ah sida Arta oo xusuus gaar ah ku leh dadka Soomaaliyeed , Taourah, Cali Sabeih, Obok, Dakhil, lacagta laga isticmaalo Franc waxaana ugu dambeyn ay gaareen hadafkoodii ahaa guul. Dalkaasi xuriyaddiisa waxaa u soo halgamay dad badan, Laakin waxaan ka xusi karnaa Maxamuud Xarbi, Xarbi waa geesi u dagaalamay Xoraynta dhulka Xeebta Soomalida(Jabuuti), dalkan Masar ayuu wax ku bartay halkaas oo muddo ku sugnaa halgankiisa kasoo bilaabay. Ururkii PMP ayuu ku dhisay, isaga oo si cad u mucaaraday joogitaanka Faransiinska ee Jabuuti, ugu dambeentii cadawga Faransiiska ayaa diyaarad kula qarxiyeen badda dusheeda halkaana waxaa ku shahiisay geesiga Maxamuud Xarbi iyo ajaanib kale oo diyaaradda la socday. Djibouti, Maanta waa dal, Laakin waxaa ummadda Soomaaliyeed u qabteen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay kadib shirar badan oo dib u heshiisiin ah, dalka Djabuti waxaa ka dhacay shirar dib u heshiisiin, kuwaas oo loo qabtay dadkii Soomaaliyeed ee dowladdu ka luntay. Waxaa lagu dhisay 3 dowlad Soomaaliyeed, Sida dowladihii Cali Mahdi Maxamed, Cabdiqasim Salaad Xasan iyo Sheekh Sharif Sheekh Axmed, maanta waxaa ay ciidamadooda nabad ilaalin u joogaan gudha Soomaalida, dadka qaar waxaa ay ugu yeeraan xiligan la joogo Hiilwalaal. W/Q/ Abdi Aziz Ahmed Gurbiye Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bayaan deg deg ah kasoo saartay colaadda saaka kasoo cusboonaatay gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanno dhaca galbeedka gobolkaasi. Dagaalkan oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa waxay dowladda ku baaqday in si deg deg loo joojiyo colaadda, islamarkaana ay dhinacyadu fursad siiyaan nabadda iyo wada-hadalka. Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta oo bayaanka soo saartay ayaa waxay muujisay sida ay uga walaacsan tahay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya deegaanno ka tirsan gobolka Mudug. “Wasaaradda waxay ka walaacsan tahay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya deegaannada; Jiicboor, Saxo-Qurun iyo Meygaagta, ee ka tirsan gobolka Mudug. Waxaan ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda islamarkaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada-hadalka.” Sidoo kale wasaaradda ayaa waxay codsi u dirtay odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka iyo bulshada inteeda kale, “Waxa aan ka codsaneyna dadka waxgaradka ah inay nabadda u istaagaan oo ay kaalintooda ka qaataan sidii colaadda loo joojin lahaa. Wasaaradda ayaa waxay kale ugu baaqday masuuliyiinta maamullada Puntland iyo Galmudug inay kaalintooda ka qaataan, ayna u istaagaan xal u helidda colaadda. “Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax alle wixii kaga aaddan sidii xalwaara loogu heli lahaa colaaddan.” Gobollada dhexe waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi. Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda. The post DF oo bayaan culus kasoo saartay dagaalka Mudug appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla waddada Maka Al-Mularama ee magaalada Muqdisho, kaas oo aad u xooganaa. Dabka oo dhaliyay khasaare hantiyeed ayaa qabsaday maqaayad lagu magacaabo Isasaar oo ku taalla laamiga Tareebiyaano, waxaana ku gubtay maqaayadda iyo goob Madbacad ah oo ku dheggan, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Milkiilayaha maqaayadda uu dabka ka kacay oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Isaaq ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay inuu ka dhashay koronto. “Waxaa dab ka kacay koronto annaga oo shaqeysaneyno oo ku jiro xilliga shaqada ka bacdina jiingadihii ayaa dabka qaaday, khasaare wuxuu soo gaaray maqaayadda isa saar iyo madbacadda Rayaan” ayui yiri Maxamed Ibraahim Isaaq. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu khasaaraha ku kooban yahay hanti oo kaliya, isla markaana shaqaalihii iyo shacabkii ku sugnaa goobta ay ka badbaadeen dabka kacay. “Khasaaraha na gaaray waa mid maaliyadeed, ma jiro wax nafeed Alxamdulilaah, kulli waa wada gubtay guriga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Waxaa kale oo uu intaasi ku dareen inay gurmad deg deg ah, isla markaana ay soo gaareen gaadiidka dab damiska oo ku guuleystay inay damiyaan dabkaasi, wuxuuna u mahadceliyay dowladda iyo shacabkii usoo gurmaday. “Waa uga mahadcelinayaa dowladda sida ay noogu soo gurmadeen ee ay noo badbaadiyeen, waayo khasaaraha intaan waa ka waynaan laha, haddii ay iyaga ahaan lahayn iyo shacabka noo soo gurmaday” ayuu mar kale yiri. Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay gubashada goobaha ganacsi iyo guryaha ku yaalla caasimada, kuwaas oo dhaliya khasaarooyin kala duwan. The post Goobo ganacsi oo ku gubtay waddada Maka Al-mularama appeared first on Caasimada Online.
-
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku saabsan heshiiska badda ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya. Qoraalka uu soo saaray Abiy oo lagu daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa ugu horreyn lagu beeniyay inay Itoobiya ka laabatay heshiiskii ay horraantii sannadkan la gashay Somaliland, kaas oo ay si wayn ay uga qaylisay Soomaaliya. Xafiiska Abiy Axmed ayaa iska fogeeyay waraaqo saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay baraha bulshada, taas oo lagu sheegay in Itoobiya ay ka baxday heshiiskii is afgarad ee ay dhowaan la gashay Somaliland. “Dadka waxa aanu uga digaynaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah iyo dadka sida xun u isticmaalaya calaamadayada” ayuu mar kale lagu yidhi. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa heegay in labada dhinac ay ka go’an tahay in heshiiska uu hirgelo, isla markaana ay mar kastaa diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa. “Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka go’an in Agree-ga la saxiixo kadibna MoU-ga loo beddalo xeer oo uu dhaqan-galo. Aroorta haddii ay qolada kale diyaar tahay annaga diyaar ayaa nahay waa dal ballaadhan mana jiro wax ka noqosho ah..” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland. Source
-
Aas-aasaha website-ka WikiLeaks Julian Assange ayaa Arbacadi shalay gaadhay dalka uu kasoo jeedo ee Australia isaga oo xor ah, kaddib marki lagu sii daayay heshiis uu la galay dacwad-oogayaasha Mareykanka, kaas oo dhigayay in uu aqbalo inuu Mareykanka ka galay danbi jaasuusnimo, kuna baddasho xorriyaddiisa. Arrintaas ayaa so oaf-jartay 14 sano oo Assange uu eedeysane ahaa, muddadaasi oo marna uu baxsad ahaa, mar uu magan-galyo ku deganaa safaarad ku taalla Ingiriiska iyo mar uu ku xidhnaa xabsiga London. Taageerayaasha wariyahaan 52-jirka ah ayaa si farxad leh u soo dhaweeyay sii deyntiisa, balse sheegay in dacwadihi lagu qaaday ay tusaale u yihiin khatarta ay wajaheyso xorriyadda saxaafadda. Assange aroornimadi hore ee shalay diyaarad khaas ah ku tagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Canberra, halkaas oo si qiiro leh ay ugu soo dhaweeyeen qoyskiisa. Waxaa isku duubay xaaskiisa Stella, iyo aabihiis, John Shipton, ka hor inta uusan hawada feerin isagoo ku faraxsanaa soo laabashadiisa. Website-kiisa WikiLeaks ayaa sannadki 2010-kii baahiyay boqollaal kun oo dukumintiyo sir qaran ah oo uu leeyahay millatariga Mareykanka. Dukumintiyadaasi ayaa u badnaa kuwa millatariga Mareykanka ee dagaalladi Afghanistan iyo Iraq. Dusinti sirta milatari ee Mareykanka ee Wikileakes ayaa noqday kugu ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka. Assange ayaa marki hore sannadki 2010-ki lagu xiray dalka Britain kaddib marki ay maxkamad ku taalla Sweden u jartay waaran lagu soo qabanayo, kaddib marki lagu eedeeyay danbi kufsi ah oo marki danbe laga laabtay. Kaddib ayuu u cararay oo uu iska dhiibay safaaradda Ecuador ee London, kalkaas oo uu ku noolaa muddo 7 sano ah. Ugu danbeyntii sannadki 2019-ki ayaa laga soo xidhay safaaradda, oo loo diray xabsiga Belmarsh ee magaalada London. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan midnimada Soomaaliya, isaga oo soo hadal qaaday maqnaashaha Somaliland oo haatan u ololeyneyso inay ka go’do dalka intiisa kale. Firdhiye ayaa diiday in dowladda federaalka ay isku deydo inay awood ku ogoleysiiso Somaliland arrinta midnimada, ayada oo weerar ku eekeyneyso maamulka Hargeysa. Hoggaamiyaha SSC ayaa shaaca ka qaaday in laga haboon yahay adeegsiga awooddda dowladda, ayada oo Somaliland loo isticmaalo qasab iyo qoray caaraddiisa. “Haddii dowladda Soomaaliyeed ee aynu maanta hoos joognaa ay weerar ku ekeyso gobollada waqooyi, ayada oo damacsan inay ku qasabto inay midnimadii kusoo laabtaan waxaa waajib ku ah qof kasta oo muwaadin ah oo Soomaaliyeed inuu ka dhiidhiyo, isla mar ahaantaana ka hortego” ayuu yiri Firdhiye. Waxaa kale oo uu yiri “Sidaasi si lamid ah qof kasta oo muwaadin ah waxaa la gudboon in doonista qaybo kamid ah Soomaaliya aan la’isku dayin in lagu maquuniyo qasab iyo qoray caaradiis”. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aan midnimo iyo dowlad dhan lagu heleyn awoodd ku maquunis ee loo baahan yahay in qaabab kale xalka lagu raadiyo “Soomaali shalay, maanta iyo berriba dowladnimada loo dhanyahay iyo midnimo lagu waayayaa kala teg iyo madax taag lagu heli maayo” ayuu mar kale yiri hoggaamiyuhu. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in SSC-Khaatumo ay aaminsan tahay in aan cidna marti looga ahayn midnimada dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed oo loo dhan yahay. “Annagu haddaanu nahay shacabka SSC-Khaatumo aanu nahay reer waqooyi waxaan aaminsanahay midnimo aan cid marti looga ahayn iyo dowladnimo macno leh oo wada gaarta dhammaan gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliyeed” ayuu kusoo gabagabeeyay. The post SSC-Khaatumo oo diiday in DF ay awood ku ogolsiiso Somaliland midnimada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda Jabuuti iyo guud ahaan shacabka dalkaas maalinta xoriyadda ee 27-ka Juun. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo horumarka ay Jamhuuriyadda Jabuuti ku tallaabsatay tan iyo markii ay xornimada qaadatay, isagoo tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah. “Waxaan ugu hambalyeynayaa walaalaheenna Jamhuuriyadda Jabuuti sanadguurada 47-aad ee xorriyadda. Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay wadaagaan taariikh dheer, dhaqan iyo dhiig. Waxaan ku faaneynaa horumarka iyo midnimada ay gaareen walaalaheenna Jabuuti, waxaana u rajeyneynaa mustaqbal ifaya iyo hurumar waara.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, isagoo uga mahadceliyey dowlad iyo shacabba doorka ay ka qaateen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna hambalyo ku aadan 47-sano guuradii kasoo waraagatay markii wadanka Jabuuti uu ka xorroobay gumeystihii Faransiiska u diray shacabka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti iyo dowladooda. Aadan Madoobe ayaa sheegay in xorrnimada maanta ay ku naaloonayaan walaalaha Jabuuti ay usoo mareen dadaal badan iyo halgan dheer loona baahanyahay in ay ilaashadaan horumarka iyo dowladnimada ay maanta heystaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku amaanay horumarka ay heystaan iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka Geeska Afrika iyo kan gobolka. Bishii Juun 27-keedii sanadkii 1977-dii ayay markii wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda uu xorrnimada ka qaatay dalka faransiiska oo xiligaas gumeysanayay. Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti u rajeeyay barwaaqo iyo hormar dowladnimo oo kan kasii balaaran. The post Madaxweyne Xasan oo dhambaal u direy JABUUTI appeared first on Caasimada Online.
-
Doorashada Labaad Dr. Xassan Sheikh Maxamud Xilka Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) waxay aheyd dhacdo taariikhi ah, dadweynaha soo dhoweeyay si Soomaaliya uga gudubto xaaladda dowladnimada tabarta daran ee ragaadisay. Sababaha loo soo dhoweeyay doorashada labaad ee Madaxweyne Xassan waxaa ka mid ah: Source: Hiiraan Online
-
In the aftermath of the 1991 Somali Civil War, Puntland declared itself an autonomous state in 1998; unlike Somaliland, Puntland is part of the Federal State of Somalia. The name "Puntland" is derived from the Land of Punt mentioned by ancient Egyptian sources. It has a constitution that governs the State. Under this constitution, the government has three branches; the executive, legislature, and judiciary. The administrative capital of Puntland is Garowe, located in Nogal region, and is the seat of the Puntland parliament, presidential palace and government ministries. Source: Hiiraan Online
-
The Somali government's recent efforts to combat corruption faced a setback in May 2024. The acquittal of high-ranking officials cast a shadow over its anti-corruption strategy. However, this moment should not be viewed as an insurmountable defeat. Instead, it can catalyze a renewed and even more effective fight for a corruption-free future. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay, in Arbacadi shalay ay fashiliyeen isku day afganbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi, kuwaas oo muddo kooban heystay madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka, ka hor inta aysan dib uga soo laaban. Goor sii horreysay oo shalay ah, ayay cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga, ayaa isugu soo baxay fagaaraha u dhaw qasriga Plaza Murillo, oo ay ku yaallaan madaxtooyada iyo Congress-ka. Goob-joogayaal ayaa VOA-da u sheegay, in ay arkeen gawaari gaashaaman oo albaabka madaxtooyada xoog ku galaya iyo askar orod ku sii galeysa. Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada, xilli ay boqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ay si dhaqso ah ku buuxiyeen fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada. Iyaga oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia, ayaa waxaa u gacmo-haatiyay madaxweynaha oo ay hareeraha ka joogeen wasiirradiisa. Madaxweyne Arce ayaa u mahadceliyay dadki isugu soo baxay fagaaaraha. Wuxuu wacad ku maray inuu meel adag ka istaagi dooni afganbiga, isaga oo markiiba taliye cusub u magacaabay ciidanka millatariga. Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga. Isku-daygi afganbi ee Arbacadi ayaa yimid, kaddib bilooyin ay kacsaneyd xiisadda siyaasadeed ee Boliva, kaddib marki ay madaxweyne Arce iyo madaxweynihi hore Evo Morales ay isku qabsadeen maamulka xisibiga talada haya. Arrintaasi ayaa dhalisay bannaanbaxyo sii xoogeysanaya oo ay taageerayaasha Morales dhigayaan. Morales ayaa xakunka xoog looga tuuray sannadki 2019-ki, kaddib kacdoon dadweyne oo Bolivia ka dhacay, kaddib muddo tobnaan sano ah oo uu dalkaasi dhaca bartamaha Koofurta America soo xakumayay. Wuxuu hadda doonaya inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee Bolivia ka dhaceysa sannadka 2025-ka. Source
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan heshiiska badda, kaas oo dhaliyay xiisad xoogan oo u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Qoraalka uu soo saaray Abiy oo lagu daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa ugu horreyn lagu beeniyay inay Itoobiya ka laabatay heshiiskii ay horraantii sanadkan la gashay Somaliland, kaas oo ay si wayn u diiday dowladda dhexe. Xafiiska Abiy Axmed ayaa iska fogeeyay waraaqo saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay baraha bulshada, taas oo lagu sheegay in Itoobiya ay ka baxday heshiiskii is afgarad ee ay dhowaan la gashay Somaliland. Sidoo kale waxaa jawaabta kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha looga digay shacabka inay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee wareegaya baraha bulshada. “Xafiiska Raysal Wasaaruhu waxa uu dadwaynaha kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuur ka ah ee wareegaya baraha bulshada ee ku saabsan isfahankii aanu la galnay Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka dowlada Itoobiya. Waxaa kale oo uu qoraalku intaasi sii raaciyay in wixii xog ah ee ku aada arrimaha guddaha, gobolka iyo caalamkaba lagu baahiyo kaliya boga rasmiga ah ee xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed, isla markaana aanu shaqo kulahayn wararka lagu baahiyo baraha kale “Dadka waxa aanu uga digaynaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah iyo dadka sida xun u isticmaalaya calaamadayada” ayuu mar kale lagu yiri. Hadalkan waxaa ka horreeyay khudbad uu isna shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ka jeediyay magaalada Hargeysa, wuxuuna ku heegay in labada dhinac ay ka go’an tahay in heshiiska uu hirgelo, isla markaana ay mar kastaa diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa. “Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka go’an in Agree-ga la saxiixo kadibna MoU-ga loo beddalo xeer oo uu dhaqan-galo. Aroorta haddii ay qolada kale diyaar tahay annaga diyaar ayaa nahay waa dal ballaaran mana jiro wax ka noqosho ah” ayuu khudbadiisa yiri madaxweynaha maamulka Somaliland. Soomaaliya ayaa dhankeeda weli diidan heshiiska Abiy Axmed uu la galay Muuse Biixi, kaas oo dhaliyay inay qaraxdo xiisad u dhexeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo si weyn looga dareemay gobolka. The post ABIY Ahmed oo war culus kasoo saaray heshiiska BADDA, kuna adkeystay… appeared first on Caasimada Online.
-
Kuuriyada Waqooyi ayaa ku guulaysatay inay samayso Tijaabo muhiim ah oo looga dan lahaa in lagu horumariyo Gantaallada xambaarsan madaxyo badan, sida ay sheegtay wakaaladda warbaahinta dawladda ee KCNA. Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegashadaas diiday, ayadoo ku tilmaantay khiyaano ay xukuumadda Pyongyang ku qarinayso sida ay ugu guuldaraysatay gantaal dayax gacmeedka wax basaasa qaada oo ay dhowaan tijaabisay. Kuuriyada Waqooyi ayaa saaka oo khamiis ah sheegtay in tijaabadan la sameeyay arbacadii, iyadoo la adeegsanayo heerka koowaad, mishiinka shidaalka adag ee gantaalaha riddada dhexe. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa maalin ka dib markii militariga Kuuriyada Koonfureed uu sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ridday wax u muuqda gantaal oo ku qarxay xeebteeda bari. Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegtay in gantaalku uu ku guulaystay in uu kala saaro madaxyada dagaalka, kuwaas oo si sax ah loo hagay saddex bartilmaameed oo hore loo qorsheeyay. Xukuumadda Pyongyang ayaa ku howlan hormarinta hannaankeeda difaaca oo ay gantaallada casriga ah iyo qalabka kalee militariga ugu horeeyaan,ayadoo sameysa tijaabooyin is daba joog ah. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua ayaa weerar afka ah ku qaaday Agaasimaha Sirdoonka, Nordin Haji ka dib markii shalay khudbad ka jeediyay magaalo xeebeedka Mombasa, kadib dibadbaxyo dalka hareeyay maalmahaan. Waxaa uu ku tilmaamay Agaasimaha sarkaal hoose oo aan awood u lahayn inuu hoggaamiyo Hay’adda sirdoonka , isagoo ku sheegaya haddii ay sirdoonka shaqo wanaagsan qaban lahaayeen inaysan dhici lahayn xaaladda ay wajahayaan. Waxaa uu sheegay in Agaasimaha looga baahan yahay in uu shaqada ka taggo sidoo kalena uu qaato mas’uuliyada wixii dhacay. “Waxaan leenahay adeeg Sirdoon oo aan shaqeyneyn… Nordin Haji waa inuu qaataa mas’uuliyadda dhimashada iyo dhacdada xarunta baarlamaanka,waa inuu is casilaa waa inuu u oggolaadaa Ruto inuu soo doorto agaasime karti leh oo uu miyir qab ku soo celiyo NIS.”ayuu yiri Gachagua. Gachagua, oo ay ka muuqaatay in uu aad u careysan yahay ayaa intaasi kusii daray “Waa inuu mas’uul ka yahay dhimashada dhacday iyo qalalaasaha ka dhashay, waa inuu u oggolaadaa Ruto inuu soo doorto DG karti leh oo uu miyir qabo dib ugu soo celiyo NIS.” Madaxweynaha Kenya ayaa bishii March ee sanadkii 2023 kii u magacaabay Agaasimaha Sirdoonka Nuuradiin Haajji oo kasoo jeedda Soomaalida Kenya. Nuuradiin, kahor inta aan xilkan loo magacaabin wuxuu ahaa dacwad oogaha guud ee Kenya, isagoo intii uu xilkan hayay dacwado ku oogay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq. Wuxuu sidoo kale Nuuradiin soo noqday agaasime ku xigeenka waaxda ka hortagga dembiyada abaabulan, isagoo isla waaxdan NIS ka shaqeynayay markaas. Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah oo laga helayo dagaal beeleed ka socda gobolka Mudug Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya meleeshiyo beeleed uu ka socdo deegaannada miyiga ah ee ku yaalla galbeedka. Dagaalka oo bilowday foogtii hore ee saaka ayaa weli socda sida wararku ay sheegayaan, waxaana adag in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay ilaa iyo hadda dagaalka, maadaama dhulka uu ka socdo uu yahay aag miyi ah oo ay ku badanyihiin dadka xoolo dhaqatada ah. Colaadda u dhaxeeysa beelaha halkaa wada dega ayaa ku soo noqnoqotay degaannadaasi waxaana ay salka ku haysaa inta badan daaqqa iyo deegaanka, iyadoo isku dhicii ugu dambeyay ay ku dhinteen dad ka badan soddon qof. Wixii warar ah ee ku soo kordha halkaan kala soco Qaran News
-
Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay in ay fashiliyeen isku day afganbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi, kuwaas oo muddo kooban heystay madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka, ka hor inta aysan dib uga soo laaban. Cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga, ayaa isugu soo baxay fagaaraha u dhaw qasriga Plaza Murillo, oo ay ku yaallaan madaxtooyada iyo Congress-ka. Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada. Bqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ay si dhaqso ah waxa ay buuxiyeen fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada. Iyaga oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia, ayaa waxaa u gacmo-haatiyay madaxweynaha oo ay hareeraha ka joogeen wasiirradiisa. Madaxweyne Arce ayaa u mahadceliyay dadki isugu soo baxay fagaaaraha. Wuxuu wacad ku maray inuu meel adag ka istaagi dooni afganbiga, isaga oo markiiba taliye cusub u magacaabay ciidanka millatariga. Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga. Wasiirka arrimaha gudaha Bolivia, Eduardo del Castillo ayaa warbaahinta u soo bandhigay Jen. Juan José Zuñiga, oo hoggaaminayay iskudaygii afgambiga laga hortagay ee Bolivia , kaaso markii warbaahinta loo soo bandhigay katiinad looga xiray gacmaha, isagoo gashan jaakadda aan xabbadu karin oo ay ku qorantahay ‘waa la xiray’. Sarkaalkan wuxuu wajahaya inuu halis galiyay nolashada madaxweynaha iyo nidaamka Bolivia, iyadoo sidoo kale lagu soo oogi karo mas’uuliyada illaa sagaal qof oo ku dhaawacmay rasaas la riday inta uu afgambiga socday, kaa oo ay si adag uga hortageen shacabka Bolivia. Source: goobjoog.com
-
Dagaal beeleed xooggan ayaa saaka mar kale deegaanka Saaxa-qurun ee galbeedka Gobolka Mudug ka qarxay kaasoo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo deegaanka ah, waxaana fashilmay isku day dadaal nabadeed oo socday. Dagaalka ayaa yimid, ka dib is maandhaaf ka dhashay ceel biyood, sida la sheegay ay mid ka mid ah labadaasi beelood ka hirgelineysay duleedka deegaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsadayo. Labada maleeshiyo ee dagaalka uu u dhaxeeyo ayaa ka soo kala jeeda koonfurta Magaalada Gaalkacyo iyo Degmada Galdogob. Ma jirto cid illaa iyo hadda kala dhex gashay maleeshiyadaasi, balse odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo, nabaddana laga wada shaqeeyo. Colaadda beelahan deriska ah ayaa ku soo noqnoqotay gobolka, iyaga oo ka dhaxlay dib-u-dhac, amni darro iyo in dhiig badani oo dhexdooda ah ay iska daadiyaan. Dhowrkii sano ee ugu dambeysay beelahan ayaa nabad iyo iskaashi dhinaca horumarka ah ku wada joogay gobolka, ka dib heshiis nabadeed oo sanadkii 2020 ay ku gaareen Degmada Bandiiradley. Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu dib uga qarxay dagaal u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, kaas oo hadda ka socda galbeedka gobolkaasi. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Maygaagta, waxaana uu u dhexeeyaa laba beelood oo isku haysta dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi. Labada dhinac oo horay ugu dagaalamay aaggan ayaa mar kale saaka is-farasaaray, kadib gurmadyo ay heleen, waxaana dagaalka la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in xaaladda ay faraha ka baxday, isla markaana ay dagaalka ku dhinteen in ka badan 10 qof, halka ay ku dhawaacmeen tiro intaas ka badan. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalkaasi oo u dhexeeyo laba beelood oo kasoo kala jeeda maamulladaasi. Gobollada dhexe waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi. Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo dib uga qarxay gobolka MUDUG appeared first on Caasimada Online.