Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay Madaxweynihii Koowaad ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) Madaxweynaha oo Aadan Cadde ku tilmaamay aasaasihii dowladnimada Soomaaliya iyo hoggaamiyihii dimuquraadiyadda Qaradda Afrika ayaa sheegay in dowladdu ay hirgalindoonto Maktabad lagu kaydiyo taariikhda iyo wax qabadkii Madaxweyne Aadan Cadde. Waxaa uu xusay in ay go’an tahay sidii loo xusi lahaa dadkii muhiimka ahaa ee dalkaan u dhintay iyagoo difaacaya horumarka. Muddo dheer ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay niyaddiisa ku jirtay sidii lagu heli lahaa goob jiilka soo socda ay kala socdaan taariikhda dalkaan. Aadan Cadde ayaa ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay Afrika ee si nabad ah oo dimuquraadi ah xukunka ku wareejiyay. Source: goobjoog.com
  2. 449656068_1238390960871603_406547096447864774_n Qaran News
  3. 449136444_480204184632820_5835545243625280939_n 447898590_773915648248343_9053134793016328352_n Qaran News
  4. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horraysay ka hadlay jabhad ka horjeedda Somaliland oo la sheegay in lagu soo dhaweeyay dalka Jabuuti. Madaxweyne Biixi oo arrintaasi ka hadlaya ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in dowladda Jabuuti soo dhaweyso jabhad ka dhan ah jiritaanka maamulkiisa Somaliland. Waxa uu sheegay in ay gudaha Jabuuti isku urursanayaan oo ka soo hanjabayaan jabhad la baxday Awdal State oo sheeganaya in ay xoraynayaan gobolkaasi Awdal. “Waxaan arkayay jabhado jabuuti dhexdeeda ka soo dhex hanjabaya oo leh Awdal baanu xoraynaya, halkaa kamaan filayn, haday jabuuti sidaa la noqotay waxay noqoto ayaynu sugaynaya” ayuu yiri madaxwayne Muuse Biixi. Waxa uu intaasi raaciyay in muxaafad iyo mucaaradba ay ka midaysanyihiin difaacista Somaliland isla markaana qofkii kii ka baxa ee mabda’ kale la yimaadaa uu yahay qof cadowga la soo saftay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo si adag uga hadlay jabhad lagu soo dhaweeyay Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  5. Dhusamareb (HOL) - A United Nations delegation, led by Acting UN Special Representative for Somalia James Swan, arrived in Dhusamareb on Saturday to meet with Galmudug President Ahmed Abdi Kariye Qoor Qoor. Source: Hiiraan Online
  6. Natiijada doorashadii madaxtinimada ee Sabtidii shalay ka qabsoontay dalka Muritania ayaa la filayaa in la shaaciyo maanta. Madaxweynaha xilka haya ee Maxamad Walad Gazwani ayaa lagu wadaa in uu mar kale ku soo baxo doorashadan oo aheyd mid aad loogu tartamay isla markaana ay ka loollameen murashaxiin dhowr ah. Gazwani ayaa ololaha doorashada ku galay inuu sare u qaadi doono maalgashiga dalkaasi dhaca Galbeedka Africa, xilli uu waddanka isu diyaarinayo inuu billaabo wax soo saarka gaaska dabiiciga ah. Madaxwene Maxamad Walad Gazwani oo marki ugu horreysay jagadan loo doortay sannadki 2019-ki, ayaa wajahaya lix murashax oo uu ku jiro Bayram Tah Cubeyd, oo kaalinta labaad kasoo galay doorashadi tan ka horreysay. PUNTLAND POST The post Maxamad Walad Gazwani oo mar kale lagu wado in loo doorto madaxweynaha dalka Muritania appeared first on Puntland Post.
  7. Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa xalay buuxiyay hawada caasimadda Beirut ee dalka Lubnaan. Sidoo kale waxay ku duuleen waqooyiga Lubnaan, illaa galbeedka Suuriya, iyadoo qaarkood ay soo baxayaan inay gudaha u galeen bariga dalka Ciraaq, balse ma jiro wax duqeymo ah oo la soo sheegay illaa hadda inay diyaaradaha geysteen. Gelitaanka diyaaradaha dagaalka Israa’iil ee hawada dalalka Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq , ayaa loo qaadanaya tallaabo ay Israa’iil sare ugu qaadayso xiisadda, xilli ay horey u xaqiijiyeen inay ansixiyeen dagaal toos ah oo ay la galaan Xisbullah. waxaa kalo ay tan ay ku soo aadaysa xilli la sheegay inuu Mareykanka ka codsaday Ciraaq inay hawadeeda ka xirato diyaaradaha xamuulka ee Iran oo saacadihii u dambeeyay la sheegay inay saanad iyo injineero u daabuleen gudaha Lubnaan si ay gacan u siiyaan Xisbullah. PUNTLAND POST The post Diyaaradaha dagaalka Israa’iil oo xalay buuxiyay hawada dalka Lubnaan appeared first on Puntland Post.
  8. Cairo (HOL) - Somali Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Maalam Faqi, met with his Egyptian counterpart Sameh Shoukry in Cairo on Saturday to discuss strengthening bilateral relations. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) - Somali people paid their last respects to the former Speaker of the Somali Parliament, Prof. Mohamed Sheikh Osman Jawari, in a state funeral prayer in Mogadishu on Saturday. Source: Hiiraan Online
  10. A senior official of the militant Islamist group Hamas, Osama Hamdan, said on Saturday there has been no progress in ceasefire talks with Israel over the Gaza war. Source: Hiiraan Online
  11. For the first time in eight years Germany booked the quarterfinals in the Euro 2024 after goals from Kai Havertz and Jamal Musiala secured the host a 2-0 win over Denmark in last 16 at Dortmund's Signal Iduna Park on Saturday. Source: Hiiraan Online
  12. Ethiopia is grappling with a confluence of health emergencies, according to a recent report by the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA). Source: Hiiraan Online
  13. President’s decision to drop finance bill after deadly violence leaves protesters divided over how to achieve broader goals Source: Hiiraan Online
  14. Vinicius Junior scored twice as Brazil all but secured a spot into the Copa America quarterfinals on Friday with a 4-1 victory over Paraguay. Source: Hiiraan Online
  15. Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa Soomaaliya ku taageertay lacag dhan $36 Malyan oo ahayd deyntii Sanduuqa OPEC uu Soomaaliya ku lahaa, lacagtaan ay Dowladda Saudi Arabia ka bixisay Dowladda Soomaaliya waxaa loo yaqaanaa (Bridge Loan). Sida lagu daabacay bogga Al-Carabiya. Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen ayaa waxaa qeyb libaax leh ka qaadatay Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wada xaajoodka deyn cafintaan xalka looga gaaray iyo habkii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa Soomaaliya ku matalalay kulankaas oo ka dhacay magaalada Vienna ee magaalo madaxda dalka Austria. Dhanka OPEC waxaa heshiiska ku matalayay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee ururka OPEC Dr. Cabdulhamid Alkhalifa xilli uu goob joog ka ahaa heshiiska Dr. Mohamed Al-Jadaan oo ah Wasiirka Maaliyadda Dowladda Sacuudi Carabiya. Wasiirka Maaliyadda ayaa yiri, “Waxa aan heshiis ka gaarnay Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan. Waxa aan ka mahadcelineynaa taageerada Dowladda Sacuudiga ee fududeysay dhabaha loo maray xalinta deyntaan. Tani waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada Deyn Cafinta Soomaaliya, ee lagu guuleystay ee taageeraya xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya”. Maxay tahay deyntan? “Waa deyn ay Soomaaliya qaadatay toddobaatameeyadii ilaa siddeetameeyadii xilligii dowladdii kacaanka waxaana ku lahaa waddamo ama shirkado kala duwan oo ay u weyn yihiin koox loo yaqaano Paris Group ah oo waddamo isu tagay, waxaana horkacayay deyn cafinta Soomaaliya IMF iyo Bankiga Adduunka, marka sannadkii dhamaaday waxaa Soomaaliya laga cafiyay lacag dhan 4.5 milyan oo doollar, laakiin wixii ka dambeeyay waxaa soo baxayay oo deynta qeyb ahaan ku lahaa dhinacyo kale kuwaas oo aanan ku jirin Paris Group,” ayuu Dr Shaafici Shariif Maxamed oo falanqeeya arrimaha dhaqaalaha. “Waxaa jiray waddamo kale oo Soomaaliya ka cafiyay deymihii ay ku lahaayeen, tusaale sannadkan dhexdiisa Ruushka ayaa Soomaaliya ka caifiyay deyn uu ku lahaa ka dib shirkii xiriirka Ruushka iyo Africa, sidaas si la mid ah Ingiriiska ayaa bil iyo bar ka hor ku dhawaaqay in Soomaaliya lacagtii uu ku lahaa ka cafiyay haddana waxaan arkaynaa OPEC oo ku dhawaaqday in 36 malyan ay iyadana ka cafisay dabcan waddamo kalana waa ay soo bixi doonaan.” Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay deyntan laga cafiyay? Heshiiskan magaalada Vienna ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo sida la sheegay wadxaajood iyo heer kala duwan soo maray ayay khuburadu sheegeen in Soomaaliya ay uga dhigan tahay inay fursad u heli doonto mustaqbalka dhaw in ay qayb ka noqoto deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si la mid ah dalalka soo koraya ee Afrika. “Waxay fursad u tahay oo Soomaaliya uga dhigan tahay in lacagaha laga cafiyo, dabcan waddan lacag lagu leeyahay sidiisaba lacag kale lama deymin karo, kii lacag kugu lahaana lacag kuma deyminayo, kii aan kuugu lahayna xataa hadduu ogaado in deyn laguugu leeyahay kuma siinaayo marka Soomaaliya laba fursadba waa ay heleysaa oo kuwii hore deynta ka cafiyay waxay ka heli karaan deyn cusub kii aan lacag ku lahayna marka uu ogaado inaan Soomaaliya deyn lagu lahayn waxa uu siinayaa deyn,” ayuu yiri Dr Shaafici “Middaan OPEC sida gaarka ah u quseeysa, waxay leeyihiin sanduuq loogu talagay mashaariicda hormarinta oo aan ahayn arrimaha saliidda kaas oo loogu talagalay waddamada dhaqaalahoodu hooseey, marka Soomaaliya awood uma lahayn markii hore ay ku codsato dhaqaalaha OPEC ee hormarinta maaddaama ay ku jirto “Black list” ama liiska Madow sidaas darteed ma codsan karin lacago cusub inay hesho, marka hadda waxay fursad u heshay inay lacag cusub ka codsan karto OPEC taas oo loo isticmaali karo mashaariicda hormarineed ee Soomaaliya,” ayuu yiri sidoo kale Dr Shaafici. Isha: BBC The post Sacuudiga oo Soomaaliya ka furatay ururka OPEC appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad lagu xusay madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya AUN Aadan Cadde ayaa si qota-dheer uga hadlay taariikhda wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed ay uga tageen Aadan Cabdulle Cismaan iyo Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Madaxweynaha ayaa balan qaaday in Maktabad Qaran loo dhisayo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari oo ku geeriyooday Muqdisho, maantana lagu aasay. Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo kulanka joogay ayuu Xasan Sheekh faray inuu keeno dhulkii laga dhisi lahaa Maktabadda Jawaari, isagoo fasiraad ka bixiyey, sida ay muhiim u tahay in qofka magaciisa meel lagu xuso, si uusan u lumin. “Qofkii garoonka Aadan Cadde ka soo dega wuxuu dhahaa magacaan muxuu ahaa? Si lamid ah qofkii Buug ka iibsaday Maktabadda Jawaari waa inuu dhahaa magacaan muxuu ahaa, si loo baro halyeygaas abaalka gashaday umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri “Waxaan dhiseynaa Maktabad Qaran oo lagu xusuusa doono Prof. Jawaari, wasiirka waxbarashada ayaa arintaas u xil-saaran, waa uu joogaa caawa, waxaana farayaa inuu dhulkii keeno, waa dhiseynaa, hadii guri dhisan la helana kaba sii fiican.” Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay taariikhdii Allaha u naxariistee Madaxweyne Aadan Cadde, isagoo ku sifeeyey halyey tusaale wanaagsan u ahaa Soomaalida iyo guud ahaan umadaha Afrika. “Aadan Cabdulle wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay Afrika ee doorasho ku yimid, doorashana xafiiska uga tegay, 1960-kii wuxuu ahaa sanadkii Afrika, Aadan Cadde wuxuu ahaa madaxdii taariikhda dhigtay, wax badan ayey nooga tageen Aabayaasheen oo Aadan Cadde ugu horeeyo, wax waa naga lumeen waxna weli waan heysanaa, diinta, dhaqanka, afka, taariikhda iyo waxyaabo kale oo muhiim ah ayaan weli heysanaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday oo ku dhowaad 30 daqiiqo ka hadlaayey wanaagii ay dalkaan ku lahaayeen Aadan Cadde iyo Jawaari, munaasabadaan ayaa ka dhacday Hotel Jazeera, Xasan Sheekh oo la filaayey in arrimo kale uu ka hadlo ayaan dhinacna uga bixin mowduucaan. The post Muxuu madaxweyne Xasan ka shaaciyey kulankii xalay lagu qabtay Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia solemnly commemorated the passing of Mohamed Sheikh Osman (Jawari), former Speaker of the Somali Parliament, with a state funeral held today in Mogadishu. Jawari passed away unexpectedly at his residence in the capital yesterday. The funeral proceedings, conducted with utmost protocol, began with a national farewell at the Dhagah Tuur statue. Subsequently, funeral prayers were held at the principal mosque of the Isbahaysiga, attended by dignitaries including the President, the Speaker of the Lower House, the Prime Minister, the Governor of Benadir Region, government ministers, members of both houses of Parliament, and other prominent figures who esteemed Jawari. In his tribute, the President lauded Jawari’s pivotal role in advancing state development, national progress, and the establishment of governmental institutions in Somalia. He acknowledged Jawari’s extensive service to the nation across various leadership roles and his profound contributions to rebuilding the government. The President extended heartfelt condolences to Jawari’s family, many of whom were present, offering prayers for solace and fortitude during their time of grief and praying for Jawari’s eternal rest in Jannatul Firdowsa, the highest abode in paradise. Following the ceremony, Jawari was laid to rest at the Sheikh Ali Sufi cemetery, with the funeral attended by government officials, relatives, and numerous mourners. Born in Afgooye in 1945 and raised in the Bur-Hakaba district of the Bay region, Jawari dedicated a significant portion of his life to the development of Somalia’s government. He pursued legal studies at the Somali National University in the 1970s and assumed the role of Speaker of the Parliament of Somalia in 2012, marking the first parliamentary election in over four decades. He later served as Speaker of the House of the People until his resignation under pressure from the administration of President Mohamed Abdullahi Farmajo. More recently, Jawari contributed to a committee appointed by President Hassan Sheikh tasked with safeguarding Somalia’s independence and territorial integrity following a controversial maritime MoU between Somaliland, the breakaway region of Somalia, and the neighboring country, Ethiopia. May Mohamed Sheikh Osman (Jawari), a stalwart leader who devoted his life to the betterment of Somalia, rest in peace. By: Abubakar Mohamed Ali The post Somalia pays tribute to statesman who dedicated his life to nation-building appeared first on Caasimada Online.
  18. Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta kala hadlay caqabadaha ka jira gobolka Geeska Afrika. Wasiir Fiqi oo hadda ku sugan dalka Masar, ayaa maanta la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheit, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, isku duwidda iyo adkaynta taageeridda qarannimada Soomaaliya. Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta taageerada Jaamacadda ee joogtada ah iyo garab-istaaggeeda dhowridda midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay qotodheeraynta iskaashiga iyo xoojinta ujeedooyinka wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta u dhexeeya. Labada masuul ayaa hoosta ka xariiqay in si firfircoon looga shaqeeyo dejinta istiraatiijiyado wax ku ool ah oo looga hortago caqabaha heer gobol. Sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaalidihii ugu dambeeyay gobolka Geeska Afrika iyo mowqifyada caalamiga ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh. Si gaar ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa diiradda saaray gardarada Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, isagoo Jaamacadda Carabta ku amaanay sida ay Soomaaliya ugu garab istaageen qadiyadaas. Ugu dambeyntii Wasiir Fiqi ayaa dalalka Carabta ka codsaday inay xoojiyaan garab istaagooda Soomaaliya oo wajaheysa marxalado kala duwan, sida gardarada Itoobiya, argagixisada, dhaqaale yari, dowlad-dhiska iyo caqabado kale. Dhinaca kale, Wasiir Fiqi ayaa maanta kula kulmay Magaalada Qaahira, dhiggiisa dalka Masar Sameh Shoukry, oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursadaha cusub ee iskaashiga si kor loogu qaado dano wadaagga labada dal ee walaalaha ah. Kulanka ayaa diiradda lagu saarray dhinacyo badan oo muhiim ah sida dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, dhaqanka, tababbarada, iyo caafimaadka, waxaa kale oo la iskula eegay furidda khad duulimaad toos ah oo labada dal dhexmara bisha Luulyo ee soo aaddan iyo in Soomaaliya laga furo laanta Bankiga Masar, waxaa intaasi sii dheer in lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha geeska afrika, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh. Soomaaliya ayaa la leh Masar xiriiri iskaashi xooggan oo qoto-dheer oo taariikhi ah, waxa ayna u aragtaa saaxiib istiraatiiji ah. The post Xogta qodobo xasaasi ah oo looga hadlay kulamo Qaahira uga socda Masar iyo DF appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirixamaan Cabdishakuur ayaa ka digay qaabka loo gelayo wadahadalka la sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya uu uga furmayo magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Wuxuu ku dooday in go’aan qaran laga qaatay qadiyadda Itoobiya, kaas oo lagu cadeeyey qaraar ay ansixiyeen labada gole ee dowladda Soomaaliya, balse hadda uu garan la’yahay wax is bedelay. “Go’aanka lagu diiday heshiiskii Is afgaradka ee dhex maray dolwadda Itoobiya iyo Somaliland wuxuu ahaa mid qaran oo xukuumadda, labada aqal ee Baarlamaanka iyo siyaasiinta mucaaradka oo dhami isku raaceen,” ayuu yiri CC Shakuur. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku sheegay in isbedel uu ku yimid go’aankii dowladda Soomaaliya oo ahaa “in wadahadal aysan la geli doonin Itoobiya ilaa ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Muuse Biixi.” Sidoo kale shuruudaha qaraarka ay wasiirada iyo baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen ayaa dhigayey “in wadahadal lala galo Itoobiya uu dhici karo markii ay aqoonsato madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.” “Waxaan muuqata in uu is-beddelay go’aankii xukuumadda ee ahaa in aysan wadahadal fool ka fool ah la galaynin Itoobiya ilaa iyo inta ay ka noqonayso isfahamka, aqoonsanaysana midnimada, wadajirka iyo gobbonimada qaranka Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa dalbaday in Madaxweynaha oo hoggaan u ahaa hawshan qadiyadda Itoobiya in uu ballaariyo talada ku aaddan arrintan ee uusan kaligii isku koobin. “Waxaa kaloo muhiim ah in la caddeeyo sababaha keenay is-beddelka Mowqifka xukuumadda,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. The post CC Shakuur oo ka digay qorshe uu Xasan Sheekh ka damacsan yahay xiisadda Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  20. Mogadishu (HOL) - Environmental Journalists for Somalia (EJS), with the support of the European Union and International Organization for Migration- IOM, conducted a two-day waste reduction workshop for 50 Internally Displaced People in Mogadishu's Deyniile district on June 25-26, 2024. Source: Hiiraan Online
  21. 448790184_456164437173658_156384426296850867_n The Sahil region on Saturday offered to support the candidacy of Abdirahman Mahmed Abdillahi Irro for the presidency of Somaliland when the elections are held in November this year. At a gathering at the Mansoor Hotel in Hargeisa, 30 politicians and their supporters from the Sahil, Togdheer and Maroodijeex Region including leaders, academics, and dignitaries said they were confident Mr Irro, the Wadani Party candidate was the best person to turn around the fortunes of Somaliland. Mr Irro was excited saying that after 22 years, the Sahil region is fully supporting him. He promised that if he wins the election, he will work to meet the region’s needs. 449420226_779822854363606_8769039434002152162_n (1) He mentioned that the one of the main need that Sahil region has had over the years is lack of electricity adding that the current and previous administrations have failed to fix the problem. “I promise that this will be fixed once we take over leadership,” said Irro while encouraging them to vote him for change in order to reach unity for everyone in Somaliland. Dr. Mohamed Abdillahi Cumar who talked at the ceremony said: “Every country has a political language known as “deep state which is organized force which includes technical leaders of civil servants, biochemical servants and people who have a major impact on national politics while helping the strategic opportunities in the region that will soon provide. When it comes to Somaliland’s political direction, Gabiley Clan clan is “deep state”. I called on them to be a be part of the political change to save the country by using their voice and power deep/state. He added: “During Somaliland’s history, social and political agreements were crucial in keeping the country and its people united. Recently, these agreements have started to break down. We need to fix them and focus on unity and cooperation to achieve lasting peace and full collaboration” The former chairman of the National Electoral Commission and a former Kulmiye party minister, now with the Waddani Party Abdikadir liman Warsame who spoke at a forum said that people have already seen what Kulmiye has done and agree there needs to be a change and a new president. He urged people to vote for change and support presidential candidate Abdirahman Irro. Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online)- Diyaaradii ugu horeysay oo Soomaali ay leedahay ayaa maanta soo cagadhigatay magaalada Muqdisho, taas oo bilaabeysa duulimaadyo caalami ah iyo kuwo gudaha ah, waana markii ugu horeysay ee burburkii kadib oo diyaarad ay ku duusho magaca Soomaaliya. Ganacsato Soomaaliyeed ayaa diyaaradaan iska leh, waxaana wada oo shaqaale iyo wax walba ka ah dhallinyaro Soomaaliyeed. Premier Airlines ayaa lagu magacaabaa shirkadda iska leh diyaaradaan oo ku howlgeli doonta magaca Soomaaliya, waxayna buuxi doontaa baahi badan oo bulshada Soomaaliyeed ay u qabtay. Munaasbaadii xariga looga jaray diyaaradaan ka howlgeli doonta dalka, waxaa maanta xarigga looga garay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ganacsatada iska leh Diyaaradda, maamulka garoonka iyo masuuliyiinta wasaaradda gaadiidka ayaa kasoo qeyb galay munaasabadda xarigga looga jaray diyaaradaan. Milkiilaha diyaaradda ayaa munaasabadda ka sheegay in diyaaradaan ay u safri doonto dhamaan deegaanada shanta gobol ee Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu sheegay in diyaaradaan ay shaqaale ka yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed, sidoo kale dowladda iyo masuuliyiinta kale ee ka qeyb gashay munaasabadda ayaa soo dhoweeyey qorshaha shirkadaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Diyaaradii ugu horeysay oo Soomaali ay leedahay oo Muqdisho soo cagadhigatay appeared first on Caasimada Online.