-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa,(Qaran news)- Dhamaan xubnihii golaha deegaanka ee degmadda Salaxlay ayaa ku biiray xisbiga ugu balaadhan xisbiyada qaranaka Somaliland ee Waddani. Waxana soo badanaaya xildhibaanada golayaasha deegaanka ee dalka oo ku biiraaya xisbiga rajada Somaliland ee Waddani, ma aha markiibu horaysay ee xildhibaano noocani oo kale ahi ay ku biiraan Waddani hase ahaatee waxa sidani oo kale ugu biiray golayaasha deegaanada ee Gabiilay iyo Oodweyne. Dhanka kalena musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo arinta golaha deegaanks Salaxlay ee ku soo biiray Waddani ka war bixiyay waxa uu yidhi. Waxa aan gacmo furan, niyadsan iyo wada-shaqeyn rasmi ah ku soo dhaweynaynaa dhammaan 7da xubnood ee katirsan Golaha deegaanka ee degmada Sallaxley oo si buuxda u taageeray isla markaana qaatay go’aanka ah in ay qeyb ka noqdaan isbeddelka dalkan ka dhacaya ee uu hoggaaminayo Xisbiga rejada Shacabka ah ee WADDANI. Sallaxley waa WADDANI, muhmal iyo caad toonna ma saarna. Dadka reer Somaliland oo dhan baa WADDANI isugo iman doona & isbeddelkaba. Qaran News
-
Dadka reer Iran ayaa maanta u dareeray codbixinta doorashada madaxtinimo ee lagu xulanayo cidda qabaneysa madaxweynaha dalkaasi mudada dhowrka sano ah eee soo socota. Xarumaha Codbixintu ayaa saaka furmay 8 subaxnimo (04:30GMT) waxayna xidhmi doonaan 6pm (14:30GMT),iyadoo ay suurtagal tahay in codbixinta lagu kordhiyo dhowr saacadood oo illaa caawa saqda dhexe. Doorashooyinkaan ayaa la sheegay in ay ku tartamayaan dhowr qof,waxaana ugu cadcad Ghalibaf iyo Jalili oo u taagan inay yihiin kuwa ugu horreeya. Labaduba waa muxaafid, inkastoo Ghalibaf loo arko mid dhexdhexaad ah, halka Jalili uu yahay nin adag. Pezeshkian waa musharaxa kaliya ee matalaya siyaasada isbadal doonka ee Iran, iyadoo musharaxiinta kale ee la midka ah aan loo ogolaan inay tartamo. PUNTLAND POST The post Tartanka doorashada Madaxtinimada Iran oo maanta bilowday appeared first on Puntland Post.
-
Fariin ku socota Xubanaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL. Madaxweyne Muuse Ma musharax baa mise Xafiisku idinla maamula? IIleen waakan ku qudbadeynaya doorashadu sidaasey u dhaceysa. Waxan idin xasuusinaya 2010kii . Waxaan ka mid ahaa sarakiisha Xisbigii Weyna ee UDUB. Madaxweyne Rayaale ayaa dalbaddey iney Ciise Xamari kulmaan. Ciisena wuu diidey waxuna yidhi mudane Madaxweyne 7 xubnood uun baad la kulmi karta balse kaligey kuma iman karo. Isagoo diidaya in kalsoonida lagu qabey wiiqanto ama shaki ka yimaado dhinaca asxaabta Mucaradka oo markaa Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay Marka xubnahiina komishanka waxaad dhex u tihiin dhamaan tartamayaasha dalka. Masuuliyadda idin saarani waa mid ey Somaliland badbaadeedu ku xidhan tahey umadduna idinka sugeyso. Dalkeena waad aragtaan dildilaaca ka jira. Hadaba waxaad isticmaashaan awoodiina idinkoo raacaya dastuurka dalka. Madaxweynuhu haduu idin magacaabey. Waxa ka danbeysey ansixintii Golahaa wakiiladda. Dhaarintii Maxkamadda Sare iyo kalsoonidda ey idin siiyeen asxaabta qaranka iyo ururadda tartamayaa. Heybadii qaranka oo dhan baad sidataan. Ha dhalinyaroobina mustaqbalkiina dambe eega dalka badbaadiya oo doorasho xor iyo xaalala qabta. Sumcadd weyn baad ka heleysaan. Hadaadse u muuqataan niman darafu dowle ah. Dalkuna buuq buu galaya idinka naaneys xun baa idin raaceysa. Umadana dhegta taagan. Waa waqti xaasxaasiya lagu jira. Waxna idinkama qarsoona Waa dardaaran.Nin weyn iyo Waano duleed iyo midaan Dow u lahaa Waa bilaahi Towfiiq Hon-Envoy Abdirizak Diinaari diinaari1960@gmail.com Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo deg deg ah kadib dagaalkii saaka dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug. Puntland ayaa deegaanka colaadda kasoo cusboonaatay isla maanta u diray wafdi goleyaasha dowladda ah, sida ay shaacisay Madaxtooyadda maamulka Puntlnad. Ku-simaha madaxwaynaha dowlad-goboleedka Puntland ahna madaxwayne ku-xigeenka Ilyaas Lugatoor ayaa ku baaqay in colaadda ka socota galbeedka gobolka Mudug la joojiyo sida ugu dhaqsaha badan bilaa shuruud, islamarkaana ugu baaqay beelaha walaalaha ah ay is-xakameeyaan. “Waxaan ku baaqaynaa in colaada ka socota galbeedka gobolka Mudug la joojiyo shuruud la’aan. Sidaasi darteed waxaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex-martay ugu baaqyna in la is-xakameeyo oo nabadda laga wada-shaqeeyo,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda oo ku saxiixna madaxweyne ku-xigeenka maamulka. Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Si dhakhso loogu joojiyo colaadda oo nabadda loo xoojiyo, waxaana wafdi goleyaasha dowladda ah u dirnay deegaanka, waxaan rajeynayaa in masuuliyiinta Puntland iyo Galmudug ee wada dadaalka nabadeynta ah ay ku guuleystaan xakameynta colaadaasi.” Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale waxa uu ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday colaadaasi, isaggoo kuwa dhaawacmayna caafimaad deg-deg ah Allah uga baryay. “Ugu dambeyn waxaan ka tacsiyeeynaynaa dadkii ku geeriyooday colaadaasi, Allaah janadii h ageeyo, kuwa ku dhaawacmayna Allaah ha u booga dhayo Aaamiin.” Dagaalka saaka oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu dib uga qarxay deegaanka lagu magacaabo Maygaagta, waxaana uu udhexeeya laba beelood oo isku haysta dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi. Labada dhinac oo horay ugu dagaalamay aaggan ayaa markale saaka is-farasaaray, kadib gurmadyo ay heleen, waxaana dagaalka la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan. Maamullada Puntlnad iyo Galmudug ayaa dadaal ku bixinaya sidii loo dejin lahaa xaalka, islamarkaana dadka walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalsan looga dhex abuuri lahaa jawi xasilloon. The post Puntland oo qaaday tallaabo culus kadib dagaalkii maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Bare ayaa Wasiiru -dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) u magacaabay xil cusub. Cali Balcad ayaa loo magacaabay u qeybsanaha Arrimaha xiriirka Bulshada Bariga Afrika oo Soomaaliya si rasmi ah ay ugu biirtay dabayaaqada sanaddkii dhammaaday. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dikreetada uu ku magacaabay Cali Balcad ku sheegay in xilka loo magacaabay wasiiru dowlaha uu muhiim u yahay Soomaaliya. Sidoo kale, Xamza ayaa warqadda magacaabidda ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala tashaday. Dikreetadaan laguma cadeyn in Cali Balcad uu sii ahaan doono wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo in xilkaas laga qaaday toona. Wasiir Cali Balcad ayaa muddo kusime ka ahaa wasaaradda arrimaha dibadda intii aan loo magacaabin wasiir Axmed Macalin Fiqi, hada warar soo baxaya waxay sheegayaan inay isku dhaceen Fiqi. Sidoo kale Cali Balcad wuxuu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale Cali Balcad ayaa awood badan ku lahaa wasaaradda markii uu joogay Wasiirkii hore Abshir Haruuse. The post Wasiir Cali Balcad oo xil cusub loo dhiibay – Maxaa ka jira inay isku dhaceen Fiqi? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan Qado sharaf ah la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda Federaalka ku matala gobolada Waqooyi ee Somaliland. Madaxweynaha ayaa la wadaagay masuuliyiinta uu la kulmay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso ka hortaga faragelinta shisheeye, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ku bogaadiyay doorkooda isku haynta bulshada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. Dhankooda siyaasiyiinta ayaa Madaxweynaha la wadaagay inay ku faraxsan yihiin mowqifka uu dowladda ku jaheeyey ee difaaca dalka, gaar ahaan gobollada ay ka soo jeedaan ee Somaliland. Sidoo kale, siyaasiyiinta Somaliland ayaa madaxweynaha ka balan-qaaday in xeelad kasta ay adeegsa doonaan si looga guuleysto damaca ay Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliya, maadaama ay ka soo jeedaan deegaanka. Soomaaliya waxaa ka socda munaasabado waaweyn oo lagu xusayo toddobaadka xoriyadda, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan hoosta ka xariiqay in midnimada Soomaaliya ay lama huraan tahay. Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raadinaya farsamooyin lagu soo xero geli karo Somaliland, taasi oo maanta uu siyaasiyiintaan uu kala tashaday. The post Sawirro: Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay siyaasiyiinta Somaliland ku metesha DF? appeared first on Caasimada Online.
-
Telefishinka ASTAAN TV qaybtiisa Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa mar kaliya shaqada ka caydhiyay shaqaale aad u tiro badan oo in muddo ah ka haw-galayay telefishinka. Shaqaalahan ayaa intooda badan waxa ay ka shaqayn jireen qaybta turjumida iyo codaynta aflaamta kala ah duwan sida Musalsalada, Hindiga, Maraykanka iyo kartoonka carruurta oo dhammantood si maalinle ah uga baxa amma looga soo daayo channelada kala duwan ee TV-gu leeyahay, sidoo kale waxa jira shaqaale kale oo iyagana laga eryay qaybaha kale ee uu ka kooban telefishinka Astaan, arrinta ayaa laga cabsi qabaa in dadka reer Hargeysa marka ay ogaadaan inay gadood ka samayn doonaan. Shaqaalahan shaqada caydhiyay ayaa iyaga oo subax soo shaqo tagay sidii caadada ahayd waxa mar kaliya lagu wargeliyay in shaqada fasax ka yihiin oo laga eryay isla markaan uu TV-gu ka maarmay sidaana ay fasax ku ahaadaan, sida ay noo sheegeen qaar ka mid shaqaalahan ASTAAN TV ee shaqada laga eryay dhacdadan ayaa dhacday toddobaad ka hore. Sida kale shaqaalahan sida kadiska ah shaqada looga eryay ayaa waxa ay noo sheegeen in dhammaan shaqadii ay qaban jireen loo wareejiyay xarunta uu TV-ga Astaan ku leeyahay magaalada MUQDISHO ee caasimada dalka Soomaaliya, iyada oo halkaa lagu soo diyaarin doona ka dib loo soo qaadi doono halkan si ay u daawadaan dadka reer Hargeysa, waxa ayna arrintani sii kordhinaysaa shaqo la’aanta ka jirta Somaliland iyada oo ay dad qaar ay u arkayeen shaqo abuur u soo kordhay bulshada. Lama sababta ay maamulka telefishinka ASTAAN TV hal mar u caydhiyeen shaqaalahan tirada badan, balse waxa hore jiray tuhuno badan kuwaas oo la xidhiidha in xogta TV-ga si weyn looga ilaaliyo dadka reer Somaliland ee shaqaalaha ka ah xarunta telefishinku uu ku leeyahay magaalada Hargeysa iyo inay shaqaale tiro badan ka keensadaan gobollada Soomaaliya iyaga oo guryo uga kireeya magaalada Hargeysa dhaqaale ka badan ka ay siiyaan dadka reer Somaliland ku bixiya. Ugu dambayntii arrinta xusida mudan ee ay Loollan Media sheegeen shaqaalahan shaqada laga caydhiyay ayaa ah in XUQUUQDII shaqaalenimo ay TV-ga ku lahaayeen muran la geliyay laga dafiray waxa ay noo sheegeen in markii ay ku yidhaahdeen haddii shaqada naga caydhiseen xuquuqdayadii uu na siiya ay maamulka TV-gu si jeesjees ah ugu jawaabeen iyaga oo uu sheegay in qofkii xuquuq ka doonaya uu Looyar soo qabsado ka dibna uu u yimaado, waxa xusid mudan in qaarkood ay noo sheegeen in ayna awoodin lacag ay Looyar ku qabsadaan arrintani ay tahay dulmi iyo awood sheegasho kale oo la doonayo in xuquuqdooda lagu duudsiyo. Lama oga in arrintani ay ku kooban tahay maamulka Hargeysa ee TV-ga Astaan iyo in uu la ogyahay mulkiilaha Warbaahinta Astaan Cabdimanaan Yuusuf Maxamed oo la sheego in uu yahay ganacsade Samafale ah oo dulmiga neceb. Muuqaalka warbixinta oo faahfaahsan shaqaalahan cabanaya kala soco Loollan Media Source
-
FARMAAJO oo farriin u direy dhowr jiho kadib dagaalka MUDUG
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baaq nabadeed kasoo saaray colaadda kasoo cusboonaatay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug. Dagaalkan oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa madaxweynihii hore wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaalka, islamarkaana ay nabada qaataan oo gacmaha isqabsadaan. “Dadka wada dhashay ee isku diinta, dhaqanka iyo ehelka ah ee ku dagaalamaya Galbeedka Gobolka Mudug waxaan u soo jeedinayaa in ay joojiyaan dagaalka sokeeye iyo daadinta dhiggooda, kana fakeraan aakhiradooda iyo adduunkoodaba,” ayuu yiri Farmaajo. Waxa uu intaas kusii daray “Dagaal sokeeye waa ka soo daaleen dadkeennu, mana jirto cid guul iyo natiijo wanaagsan ka keentay, sidaas awgeed, jidka idiin furan waa in aad gacmaha isqabsataan, wada-hadal iyo walaalnimana ku dhammeysataan wixii khilaaf ah.” Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale wuxuu waxgaradka ugu baaqay inay kaalintooda sida ugu dhaqsaha badan ka qaatan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ee ku dagaalsan Mudug. “Culumada, odayaasha dhaqanka, iyo waxgaradka waxaan ugu baqaayaa in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, dhexdana ay u xirtaan sidii ay xisadda u dejin lahaayeen,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Farmaajo. Dowladda Federaalka, Galmudug iyo Puntland ayuu iyagna ku adkeeyay “in ay si dhow uga wada-shaqeeyaan nabadaynta iyo joojinta colaadda deegannadan.” “Waxaan Alle ka baryeynaa in uu qalbigeenna isu soo jeediyo, nabad iyo barwaaqana ku manneysto dalkeenna.” Gobollada dhexe ayaa waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi. The post FARMAAJO oo farriin u direy dhowr jiho kadib dagaalka MUDUG appeared first on Caasimada Online. -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda Jabuuti iyo guud ahaan shacabka dalkaas, maalinta xoriyadda ee 27-ka Juun. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo horumarka ay Jamhuuriyadda Jabuuti ku tallaabsatay tan iyo markii ay xornimada qaadatay, isagoo tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah. “Waxaan ugu hambalyeynayaa walaalaheenna Jamhuuriyadda Jabuuti sanadguurada 47-aad ee xorriyadda. Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay wadaagaan taariikh dheer, dhaqan iyo dhiig. Waxaan ku faaneynaa horumarka iyo midnimada ay gaareen walaalaheenna Jabuuti, waxaana u rajeyneynaa mustaqbal ifaya iyo hurumar waara.” Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, isagoo uga mahadceliyey dowlad iyo shacabba doorka ay ka qaateen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. DHAMMAAD Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga daah-furay Mmashruuca Nagaad ee hirgelinta naqshadeynta bulaacadaha iyo biya-mareenada caasimadda, taasi oo muddo badan ay shacabka caasimada ka sugayeen maamulka gobolka. Mashruucan oo maanta uu ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ka daah-furay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, ayaa waxa uu wax badan ka tari doona dhibaatada ka taagan caasimadda xilliyada roobka oo waddooyinkeedu noqdaan biyo dageen. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in heer qaran oo si wadajir ah la isaga kaashan doonno sidii xal-waara loogu heli lahaa arrimaha bulaacadaha iyo biyo-mareenada magaalada Muqdisho. Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa isna madasha ka sheegay in dowladda Hoose ee Xamar ay sanadkaan 2024 hortabin u leedahay xal-u-helida iyo maareynta biyo-mareenada magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in sida ugu wanaagsan loogu faa’ideysan doonno mashruuca Nagaad oo uu maal-gelinayo Bangiga Aduunka (World Bank). Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale oo madasha ka hadlay ayaa dhankooda xusay in si wadajir ah la isaga kaashan doonno dar-dargelinta howlaha Naqshadeynta iyo dhismaha Biyo-mareenada magaalada Muqdisho. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), agaasimaha hay’adda UNOPS u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Al’aa iyo madaxda hay’adda Hydro Nova. Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa; maamulaha guud ee mashruuca Nagaad Maxamed Nuur Xasan, madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya, guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale. Si kastaba, mashruucan ayaa wax badan ka tari doona haddii uu noqdo mid si rasmi ah u hirgela oo aan la musuq-maasuqin mid wax badan ka tari kara dhibaatada caasimadda, oo xaalad adag gasha xilliyada roobka, oo waddooyinkeedu isku beddelaan biyo dageeno, taasi oo hakad gelisa isku socodka dadka iyo gaadiidka ee gudaha caasimadda. The post Sawirro: Madaale oo maanta u dhaqaaqay’ arrin ay muddo sugayeen reer Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Ra ’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Bare ayaa Mudane Cali Cumar ( Balcad ) u magacaabay in uu noqdo u qeybsanaha Arrimaha xiriirka Bulshada Bariga Afrika. Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dabayaaqada sanaddkii dhammaaday bulshada bariga Afrika ka dib dadaallo ay waday muddo sanado ah. Uqeybsanaha ayaa ka shaqeyn doonnaa sidii loo dhameystiri lahaa heshiisyada wali dhiman iyo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo bulshada bariga Afrika. Cali Cumar ( Balcad ) hadda waa Wasiiru -dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka. Source: goobjoog.com
-
Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay nabad iyo in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda Galbeedka Gobolka Mudug. Maamulka Galmudug waxey dhinaceeda u dirtay deegaannada dirirtu ka socoto guddi ka kooban wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiinta gobolka Mudug. Waxa ay ka codsatay in loo hoggaansamo guddiyada ay Galmudug iyo Puntland u xilsaareen xabbad joojinta iyo nabadeynta, sidoo kalana lagu tixgaliyo shaqadooda ciidammada ay isla garteen masuuliyiinta labada State in la geeyo goobaha dagaalku ka dhacday. Dhanka kalena Ku Simaha Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland ahna Madaxwayne ku xigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Ayaa baaq nabadeed udiray beello ku dagaalamaya galbeedka gobalka Mudug. Waxaa uu sheegay in ay ciidamo u direen goobta si looga kala dhex galo beellaha dagaalamaya. Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya oo ka hadashay go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah ciidamadeeda ku sugan gudaha dalka, ayaa sheegtay in uusan jirin codsi rasmi oo dowladda Soomaaliya uga yimid oo arrintaasi la xiriira. Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in dhamaadka bisha December ee sanadkaan ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada waddan u dhaxeeya, oo xilligaan maraya meel xasaasi ah. Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa iska fogeeyay inuu jiro codsi ay dowladda Soomaaliya uga dalbaneyso Itoobiya inay ciidankeeda ka saarto Soomaaliya, isaggoo sheegay in go’aanka ka bixitaanka ciidanka ee Soomaaliya uusan ka imaaneyn dowladda Xamar oo keliya. “Howl-galka nabad ilaalinta ee aan ku joogno Soomaaliya ma aha mid keliya khuseeya dowladda Soomaaliya waa masuuliyad caalami ah. Waa howl-gal uu maamulo Midowga Afrika oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay. Sidaas daraadeed, marka ay arrimaha noocan ah yimaaddaan, geestayada si rasmi ayaan uga wada-hadlaynaa waxna waa la iska weydiinayaa,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Itoobiya. Waxa uu intaas kusii daray “Sidaan kuu sheegay codsigu ma ahan mid ka imaanaya Soomaaliya oo keliya. Haddiise uu yimmaado, marka aan ka soo baxno masuuliyadda nala saaray, beesha caalamka haddii ay danaynayso joojigaanka ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya, diyaar ayaan u nahay in aan waajibkayaga gudanno.” Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhankooda wax fudud ka tahay in ciidankooda ay soo celiyaan, ayna dejiyaan aag ka caagan dagaalka, balse ay marnaba Itoobiya cidna uga fasax qaadaneyn haddii arrimaha ka jira Soomaaliya ay halis ku noqdaan amniga qaran ee Itoobiya. “Sida aad og tahay, arrimaha ka jira Soomaaliya haddii ay halis ku noqdaan amniga qaran Itoobiya ma aha mid ay cid uga fasax qaadanayso. Waxa aan qaadaynnaa tallaabo noo gaar ah.” Waxa uu intaas kusii daray “Sidaas oo ay tahay, hadda ma jiraan codsi rasmi ah oo odhanaya Itoobiya ha la baxdo ciidankeeda jooga Soomaaliya oo naga soo gaadhay dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay.” Itoobiya ciidamada ka jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada howl-galka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn howl-galkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya. Si kastaba, go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay dalka uga saareyso ciidamada Itoobiya ayaa waxaa si adag uga horyimid madax goboleedyada ka taliya deegaanada u badan ee dalka ka joogaan waa Axmed Madoobe (Jubbaland) iyo Cabdicasiis Lafta-gareen (Koonfur Galbeed). The post ITOOBIYA oo sheegtay in go’aanka bixista ciidankeeda uusan quseyn Somalia keliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq badan ayaa ka dhashay hadal-jeedin uu Isniintii sameeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu kusoo hadal qaaday xiisada weli taagan ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Tan iyo kowdii bisha Janaayo ee sanadkaan xiisadda labada waddan ayaa meel adag taagneyd. Xasan Sheekh ayaa marar badan waxa uu horey uga hadlay arrinta Itoobiya, laakiin hadalkiisi Isniintii ayaa wax badan ka duwanaa fariimihiisi hore. Marka koowaad farriinta madaxweyne Xasan Sheekh ee arrinta Itoobiya waxay kusoo aadeysa iyada oo saddex xaaladood taagan yihiin. Mid waa cadaadiska labada dowladood lagu saarayo inay wada-hadlaan oo dowladdo waaweyn waddaan. Midda labaadna waa iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya inay Itoobiya rabto in is-afgaradkii u beddesho heshiis rasmi ah, si uu berri u adkaado gorgortanka ay la galayaan Soomaaliya. Midda saddexaadna waa iyada oo bisha July ee sanadkan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay go’aan ka gaarayo howl-galka saddexaad ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo kasii mid ahaanshaha ama saarida ciidanka ka socda waddanka Itoobiya. Marka arrimahaas la eego dowladda Soomaaliya inay dib u qeexdo booskeeda waa lagu qasbanaa oo dalalka horkacaya wada-hadalladu waxay rabaan war rasmi ah oo xalka ku dhisaan. Itoobiya waxay isku qastay saddex dood, si ay caalamka u jahwareeriso. Mid waa inay rabaan marin ganacsi, marna waxay farta ku fiiqayaan saldhig millateri, marna waxaa kasoo fakaneysa inay raadinayaan bad ay toos u yeeshaan. Haddaba saddexdaas maxay Soomaaliya ka ogoshahay oo dooddaha socda iyo dhex-dhexaadiyaasha ay wax ku dhisi karaan ayaa la isweydiinayay waayahan. Laakiin madaxweyne Xasan Sheekh jid ayuu u farmuuqay cid walba oo howshaan daneynaysa inay kaalin ka qaadato. Bidhaaminta madaxweyne Xasan Sheekh waa in uusan deris diid aheyn, inuu aqbalsan yahay in la wada ganacsado oo ay dekeddaha faraha badan ee Soomaaliya suuq u baahan yihiin, Itoobiyana ay tahay suuq weyn oo ay tahay in laga faa’iideysto. Laakiin labo arrimood oo dooddooda la geli karin ayaa farta ku fiiqay Xasan Sheekh. Mid waa saldhig ciidan oo Itoobiya ka sameysato biyaha Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu Itoobiya ku yiri taas iska ilooba dhici mayso. Midda labaadna waa bad helid. Xasan Sheekh iyadana si cad ayuu u sheegay in aysan Soomaalida gorgortan ka galeynin. Mar haddii uu Xasan yiri saldhig warkiis majiro, qaadashana kaba daran, maxaa xigga?. Hadda dalalka arrintaan ku mashquulsan inay ka nabad-dooneyaan waxay miiska keeni karaan aragti ah ku saabsan sidee ganacsi ahaan loo kala faa’iidi karaan, dekeddee Itoobiya wax kasoo degsan kartaa oo aad ugu dhow, ma mid cusub ayaa la dhisayaa mise kuwii hore ayaa loo sahlayaa inay qiimo jaban wax uga soo dagsadaan, ugana dhoofsadaan. Sidee noqon doona faa’iido wadaagga, ma loo baahan doonaa dowladdo shisheeye oo maal-gelinta qeyb ka noqdo iyo arrimo kale. Waxay ka dhigan tahay inuu madaxweyne Xasan Sheekh Isniintii soo xiray doodda, dibna u qeexay mowqifka Soomaaliya ee xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya, jidna uu siiyay dalalka dhex-dhexaadinta wada, isaggoo u maray kalmadihiisa luuqad dowladeed oo aan caadifad ku dhisneyn. Madaxweyne Xasan Sheekh inkasta oo isaga iyo dowladdiisa leeyihiin qaladaad badan oo lagu haysto, haddana marka la eego sida uu bilowgii illaa hadda u wajahayo qadiyadda Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu u muuqda maan-gal mudan in mowduucan lagu garab siiyo. The post Farriinta Xasan u diray Abiy oo ka weyn sida Soomaalidu mooday – Maxaa ku duugan? appeared first on Caasimada Online.
-
Itoobiya ayaa iska fogeysay eedeynta Soomaaliya ee ah tallaabo militari oo hal dhinac ah iyo ka gudubka sharci darrada ah ee xuduudaha, waxayna ku tilmaantay ‘mid aan sal lahayn’ Itoobiya ayaa diiday eedeymo uga yimid Soomaaliya oo ahaa in askarta Itoobiya ay si sharci darro ah uga soo talaabeen xadka Soomaaliya. Danjire Nebiyu Tedla, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, ayaa ku tilmaamay sheegashada “mid aan sal iyo raad toona lahayn” mar uu BBC-da u warramayay. Danjire Nebiyu ayaa qiray joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (#ATMIS) iyo heshiis laba geesood ah oo u dhaxeeya labada dal. Waxa uu carabka ku adkeeyay in aysan jirin wax dhacay marka laga reebo dhaq-dhaqaaqyada caadiga ah ee ay wadaan ciidamadan. Walaaca Soomaaliya ayaa ka dhashay hadal uu danjire Abuukar Daahir Cusmaan oo ah ergayga joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ka jeediyay warbixintii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 24-kii June, 2024. Danjire Cusmaan ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya in ay carqaladeeyeen qorshihii la qorsheeyay in 4,000 oo ATMIS ah laga saaro dhamaadka xilli ciyaareedkan. Juun, isaga oo tixraacaya “falalka hal dhinac ah iyo xuduudaha sharci-darrada ah.” Carqaladeyntan la sheegay, sida uu sheegay danjire Cismaan, ayaa Soomaaliya ku qasabtay inay dib u dhigto xilliga kala guurka ah ee la qorsheynayo bisha September. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa ku khilaafay sheegashadaas, iyadoo sheegtay in “hawlgal xuduudeed [olole] aan la fulin.” Wuxuu intaas ku daray in wadahadallo uu la yeeshay saraakiisha sare ee Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (#ENDF) ee mas’uulka ka ah howlgallada milateri ee Soomaaliya ay daaha ka rogeen in dhaqdhaqaaqa laga hadlayo uu yahay “leyli tababar ciidan oo joogto ah” oo loogu talagalay in loogu diyaargaroobo khataraha mustaqbalka, si la mid ah dhoolatusyadii hore ee la sameeyay. . Qaran News
-
8 The European Union is working with Arab states to push forward a peace plan between Israel and Palestine once the Gaza war is over, and perhaps even sooner, a senior EU diplomat has told The National. European and Arab officials are working to stage an international conference ahead of full-scale peace negotiations, possibly in Spain. With diplomatic efforts intensifying to avoid the total collapse of the enclave, hopes have faded for a ceasefire being achievable in Gaza in the coming months, the EU’s special representative for the Middle East peace process, Sven Koopmans, told The National. EU and Arab nations work on peace plan for post-war Israel and Gaza Conference for the region may have to take place while war is still rages, the EU’s Middle East peace envoy tells The National Sven Koopmans, the EU’s Middle East peace envoy, emphasised the ‘devastating violence and a complete breakdown of the social fabric’ in Gaza. Photo: Wikimedia Commons Sven Koopmans, the EU’s Middle East peace envoy, emphasised the ‘devastating violence and a complete breakdown of the social fabric’ in Gaza. Photo: Wikimedia Commons The European Union is working with Arab states to push forward a peace plan between Israel and Palestine once the Gaza war is over, and perhaps even sooner, a senior EU diplomat has told The National. European and Arab officials are working to stage an international conference ahead of full-scale peace negotiations, possibly in Spain. With diplomatic efforts intensifying to avoid the total collapse of the enclave, hopes have faded for a ceasefire being achievable in Gaza in the coming months, the EU’s special representative for the Middle East peace process, Sven Koopmans, told The National. Prague to lead safety mission to Syria as refugees pressed to return A high-level preparatory meeting to discuss peace in the region should happen “sooner rather than later”, but “the fact that it is taking forever to get to a ceasefire means we also have to think again,” said Mr Koopmans, a Dutch diplomat, speaking ahead of a trip to the UAE and Qatar this week. “A conference for the sake of a conference is not a good idea. It should have results.” The prospect of a peace conference is being overtaken by the urgency of the dire humanitarian situation in Gaza, which Mr Koopmans described as possibly falling apart in a scenario similar to what happened in Somalia’s civil war in the 1990s. “There is devastating violence and a complete breakdown of the social fabric. It is impossible currently to organise orderly distribution of any type of aid and there is no clear vision of what should happen when the fighting ends,” he said. “Then you will have a violent, non-governed, or partially governed zone with people who have basically nothing and are all traumatised. It would be a catastrophe of immense proportions combined with an incredible amount of chaos.” To make sure Palestinians “actually survive to live to the day of peace”, diplomatic efforts must focus now on allowing more humanitarian aid into Gaza, preparing the enclave for a post-ceasefire situation and ensuring the survival of the Palestinian Authority, said Mr Koopmans. Israel has withheld tax revenue it holds on behalf of the Palestinian Authority and has redirected $35 million of these funds to families of victims of the October 7 attacks. This puts the PA’s reform plans at risk, despite them being well received in Brussels when they were presented by Prime Minister Mohammad Mustafa to EU members last month. “The PA has an incredible financial disaster hanging over its head,” said Mr Koopmans. A lot of political effort needed Mr Koopmans recognised that “a lot of political attention is needed right now” to put an end to the conflict. But he also pushed back against criticism that the EU has been slow and relatively ineffective in its reaction to the war in Gaza due to internal divisions between member states. Countries reluctant to appear as critical of Israel such as Germany, Hungary and the Czech Republic have slowed down the adoption of retaliatory measures to Israeli human rights violations in Gaza and the West Bank. These include sanctions against extremist Israeli settlers that attack or kill Palestinian civilians, which were issued in the EU weeks after the US and the UK made a similar move. EU countries have also been busy with national elections this year. In some countries, such as France, the Gaza war has become a highly sensitive and polarising topic. Mr Koopmans cited an emergency meeting of Arab and EU officials in Oman after the October 7 attacks, describing statements given by the EU’s foreign affairs minister Josep Borrell as “very forward looking”. “He said ‘we support Israel in its security and the need to support its citizens’, and at the same time we say don’t overreact, don’t cut off Gaza from food and water because that would be contrary to international law,” said Mr Koopmans. “Some in the media criticised him for that. I think everybody agrees with him now. If they agree with him today they should have agreed with him in October.” EU and Arab nations work on peace plan for post-war Israel and Gaza Conference for the region may have to take place while war is still rages, the EU’s Middle East peace envoy tells The National Sven Koopmans, the EU’s Middle East peace envoy, emphasised the ‘devastating violence and a complete breakdown of the social fabric’ in Gaza. Photo: Wikimedia Commons Sven Koopmans, the EU’s Middle East peace envoy, emphasised the ‘devastating violence and a complete breakdown of the social fabric’ in Gaza. Photo: Wikimedia Commons The European Union is working with Arab states to push forward a peace plan between Israel and Palestine once the Gaza war is over, and perhaps even sooner, a senior EU diplomat has told The National. European and Arab officials are working to stage an international conference ahead of full-scale peace negotiations, possibly in Spain. With diplomatic efforts intensifying to avoid the total collapse of the enclave, hopes have faded for a ceasefire being achievable in Gaza in the coming months, the EU’s special representative for the Middle East peace process, Sven Koopmans, told The National. Prague to lead safety mission to Syria as refugees pressed to return A high-level preparatory meeting to discuss peace in the region should happen “sooner rather than later”, but “the fact that it is taking forever to get to a ceasefire means we also have to think again,” said Mr Koopmans, a Dutch diplomat, speaking ahead of a trip to the UAE and Qatar this week. “A conference for the sake of a conference is not a good idea. It should have results.” The prospect of a peace conference is being overtaken by the urgency of the dire humanitarian situation in Gaza, which Mr Koopmans described as possibly falling apart in a scenario similar to what happened in Somalia’s civil war in the 1990s. “There is devastating violence and a complete breakdown of the social fabric. It is impossible currently to organise orderly distribution of any type of aid and there is no clear vision of what should happen when the fighting ends,” he said. “Then you will have a violent, non-governed, or partially governed zone with people who have basically nothing and are all traumatised. It would be a catastrophe of immense proportions combined with an incredible amount of chaos.” To make sure Palestinians “actually survive to live to the day of peace”, diplomatic efforts must focus now on allowing more humanitarian aid into Gaza, preparing the enclave for a post-ceasefire situation and ensuring the survival of the Palestinian Authority, said Mr Koopmans. Israel has withheld tax revenue it holds on behalf of the Palestinian Authority and has redirected $35 million of these funds to families of victims of the October 7 attacks. This puts the PA’s reform plans at risk, despite them being well received in Brussels when they were presented by Prime Minister Mohammad Mustafa to EU members last month. “The PA has an incredible financial disaster hanging over its head,” said Mr Koopmans. A lot of political effort needed Mr Koopmans recognised that “a lot of political attention is needed right now” to put an end to the conflict. But he also pushed back against criticism that the EU has been slow and relatively ineffective in its reaction to the war in Gaza due to internal divisions between member states. Countries reluctant to appear as critical of Israel such as Germany, Hungary and the Czech Republic have slowed down the adoption of retaliatory measures to Israeli human rights violations in Gaza and the West Bank. These include sanctions against extremist Israeli settlers that attack or kill Palestinian civilians, which were issued in the EU weeks after the US and the UK made a similar move. EU countries have also been busy with national elections this year. In some countries, such as France, the Gaza war has become a highly sensitive and polarising topic. Mr Koopmans cited an emergency meeting of Arab and EU officials in Oman after the October 7 attacks, describing statements given by the EU’s foreign affairs minister Josep Borrell as “very forward looking”. “He said ‘we support Israel in its security and the need to support its citizens’, and at the same time we say don’t overreact, don’t cut off Gaza from food and water because that would be contrary to international law,” said Mr Koopmans. “Some in the media criticised him for that. I think everybody agrees with him now. If they agree with him today they should have agreed with him in October.” A woman walks with a water container after filling up with others from a truck loaded with water cisterns in Rafah in the southern Gaza Strip on June 25. AFP A woman walks with a water container after filling up with others from a truck loaded with water cisterns in Rafah in the southern Gaza Strip on June 25. AFP There have also been calls from some EU countries to pressure Israel into engaging in peace negotiations with the Palestinian Authority, which it has so far refused to do, by reviewing the EU-Israel Association Agreement. But such calls went unheeded until Israel shocked the international community last month when it violated an International Court of Justice ruling ordering it to stop its military offensive against Rafah in southern Gaza. EU foreign affairs ministers then agreed on calling a meeting with Israel, which it has accepted, and the bloc is now internally discussing the meeting’s agenda. Yet just the fact that EU countries have considered reviewing the trade agreement, compounded with other statements such as calls for releasing PA funds, has angered Israel, and diplomatic relations have tanked as a result. This has further raised doubts about Europe’s ability to influence Israeli policies. Israeli officials refused to meet Mr Koopmans during his most recent visit to Israel and Palestinian territories earlier this month. Speaking to The National, Mr Koopmans downplayed the snub, saying that Israeli had reacted in a similar fashion during past wars in Gaza. He was, however, keen to highlight positive offers the EU can make to Israel to encourage it to engage with Palestinians in peace talks. Based on its experience in rapidly ramping up military aid to Ukraine in the past two years, the EU believes it can contribute to Israel’s regional security at some point in the future. “If the circumstances are right, and we are not there right now, there is always more that we can do in terms of political, economic and security co-operation and integration,” said Mr Koopmans. Such tools include the revival of an EU border mission at Rafah which was greenlighted by the bloc’s 27 foreign affairs ministers last month. “It could have an expanded mandate and be in different places,” said Mr Koopmans. Mr Koopmans has based his diplomatic efforts with the Arab region on the EU’s so-called “peace day” that aimed to relaunch negotiations for a two-state solution with Saudi Arabia, Egypt and Jordan. The meeting took place in New York in September, one month before the Hamas-led October 7 attacks against Israel that killed around 1,200 people. Israel’s military response in Gaza has killed more than 37,500 people and injured close to 87,000 others. The peace-day effort, which reiterated long-held EU positions such as calling for an end to illegal Israeli settlements in territory meant to be part of a future Palestinian state, was paused but “still forms a basis of inspiration for all of us”, said Mr Koopmans. The EU updated its vision for the region in light of the continuing conflict with a proposal of robust security assurances for Israel and Palestine conditioned on full mutual diplomatic recognition of both states in the region, according to a version leaked to the media in January. The plan has since been modified, and it is not available to the public. “I don’t have a document that people can just put their signature on and it would be a peace agreement. I don’t even have a draft of that,” said Mr Koopmans. “What I have is a draft of steps to get there: how to set up a negotiation process; how to bring together all the things that you need to have a successful peace agreement.” Source Thenationalnews Qaran News
-
Dowladda Puntland ayaa baaq nabadeed oo deg deg ah ka soo saartay dagaal beeleedka ka socda galbeedka Gobolka Mudug. Bayaan Rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan oo shuruud la’aan ah lagu joojiyo colaad beeleedda ka socota galbeedka Gobolka Mudug. Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo bayaanka soo saaray ayaa sidoo kale ku baaqay in labada dhinac is xakameeyaan. “Waxaan ku baaqaynaa in colaadda ka socota galbeedka gobolka Mudug lagu joojiyo shuruud la’aan sidaasi darteedna waxaan dadka walaalaha ee colaaddu dhexmartay ugu baaqaynaa in la is xakameeyo” ayaa lagu yiri baaqaasi. Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay wefdi ka kooban golayaasha dowladda u dirtay degaanka colaaddu ka taagan tahay ee galbeedka Gobolka Mudug. “Si dhakhso loogu joojiyo colaadda oo nabadda loo xoojiyo waxaan wefdi golayaasha dowladda ah u dirnay degaanka” ayuu sii raaciyay bayaanka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. Halkaan ka akhriso baaqa dowladda Puntland PUNTLAND POST The post Puntland oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka galbeedka Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed mar kale subaxnimadii hore ee Khamiista maanta dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka. Dagaalkan ayaa dib uga bilowday miyiga deegaannada Maygaag, Jiicboor iyo Ooman, xilli la qorsheynayay in halkaa la geeyo ciidan isku dhaf ah oo kala dhex gala dhinacyada dagaallamaya, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in dagaalka maanta uu ahaa midkii ugu xooganaa ee muddooyinkii u dambeeyay ka dhaca galbeedka gobolka Mudug. Dagaalka oo saacado badan socday ayaa duhurkii iskiis joogsaday, waxaana uu dib u qarxi karaa xilli walba maadaama labada ciidan is horfadhiyaan oo aan la kala dhex galin, waxaana dhaawacyada ka dhashay la soo gaarsiiyay isbitaallada magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinacyada Puntland iyo Galmudug. Puntalnd iyo Galmudug wali xal uma helin dagaalka soo noq noqda, mana jiro wada-hadal hadda socda oo lagu kala dhex galayo dhinacyada dagaallamaya, waxaana shalay natiijo la’aan ku dhammaaday kulan ay yeesheen mas’uuliyiin ka kala socota Puntland iyo Galmudug. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta Khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedka galbeedka Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.