-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan 64-sano guuradii ka soo wareegatay xorrnimadii gobolada koonfureed ee dalka Iyo midowgii waqooyi iyo koonfur. “Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu hambalyeynayaa xornimada iyo midnimada dalkeena oo 64-sano ay kasoo wareegatay,waxaana maalmahan xorriyadda ay naga mudanyihiin inaan xusno maadaamaa ay ka turjumayaan qiimaha qarankeena Iyo midnimadeena“ ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed midnimo si loo adkeeyo dowladnimadeena, waxaana uu sheegay in dowladnimada Soomaaliya hada ay sameyneyso horumar dhinac walba ah muhiimna ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaag u muujiyaan dowladooda. Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa sheegay in dowladda ay horumar weyn ka sameysay dagaalka dalka looga ciribtirayo Al-shabaab islamarkaana halgankaas uu soconayo ilaa inta dhulka Soomaaliyeed oo dhan uu ka noqonayo meel ka caagan argagixisada. Source: goobjoog.com
-
Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday wareega koowaad ee doorashada baarlamaaniga dalka Faransiiska ee dhacday Axaddii shalay ayaa muujineysa, in uu ku guuleystay xisbiga midigta fog ee RN ee ay hogaamiso haweeneyda mayalka adag Marine Le Pen. Inkasta oo natiijada rasmiga ah ay ku xirnaan doonto maxsuulka wareegga labaad ee doorashadan oo la qaban doono todobaadka danbe, ayaa haddana sida ay warbaahinta maxalliga ah ee Faransiiska iyo kuwa caalamiga ahba ay ku warramayaan, in xisbiga RN uu doorashadi shalay ka helay codad dhan boqolkiiba 34. Tani ayaa dhabarjab weyn oo siyaasadeed ku ah madaxweyne Emmanuel Macron oo horraantii bishaan iclaamiyay doorashadan laga soo hormariyay waqtigeedii caadiga ahaa, kaddib jabki dharbaaxadi xisbigiisa kasoo gaadhay doorashadii Baarlamaanka Yurub. Isbaheysiga Wadajirka ee uu qeybta ka yahay xisbiga madaxweyne Macron ayaa lagu wadaa in doorashadi shalay ay ka helaan codad dhan 20.5% ilaa 23%. Isbaheysiga NFP ee dhinaca bidixda ayaa iyaguna doorashada ka helay codad dhan 29% sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah. Sida la saadaalinayo, xisbiga RN ee midigta fog ee ay hogaamiso Marine La Pen ayaa la filayaa in doorashada toddobaadka danbe ee wareegga labaad uguna danbeeya uu guulo kale ka keeno. Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warrantay, in La Pen ay awoodi doonto in ay xukuumad soo dhisto, haddii ay heshiis awood qeybsi ah la gaadho mid ka mid ah axsaabta kale. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo oo ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfurta ee 1960-kii. Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay musuuliyiin kala duwan oo ka tirsan goleyaasha dowladda, ciidanka cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo salaam Sharaf siiyay calanka iyo madaxweynaha, 64 sano ka hor halkii laga saaray calanka lagu midoobay ee lagu dhisay Soomaaliya. Dabaaldegga Luulyo ayaa sidoo kale lagu qabtay xarumaha dowlad goboleedyada dalka iyo maamuka Kumeel gaar ah ee SSC Khaatumo oo 33 sano kadib xalay laga taagay calanka Buluugga ah magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo caasimad u ah maamulka SSC Khaatumo. Xuska 1-da Luulyo sanadkaan 2024 ayaa kaga duwanaa deegaannada qaar sanadadii hore marka loo eego iyadoo dowladdu ay guulo la taaban karo laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo looga saaray deegaanno iyo degmooyin ay muddo dhowr iyo 10 sano ah ay maamulayeem Shababaabku. Sanad walba maanta oo kale, Soomaaliya waxaa ay 1-da Luulyo u dabaaldegtaa maalin taariikhi ah oo ku asteysan maalintii ay xoroobeen gobollada Koonfureed, midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur isla markaana ay dhalatay Jamhuuriyadda koowaad ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 64 sano kadib waxay maanta ku beegan tahay markii ay xornimada qaateen Gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waana maalmo ku wayn Ummadda Soomaaliyeed. Dabaal-degyo iyo fantasiyo lagu xusayo maalintan qaran ee 1-da Luulyo ayaa maanta ka socda dalka, taas oo ay ka qayb qaadanayaan madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed. Haddaba 64 sano kadib, halkee joogtaa Soomaaliya? Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Kowda Luulyo oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in 64 sano kadib aysan weli xor ahayn Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Laftagareen ayaa sheegay in weli Soomaaliya uu haysto cadow lamid ah gumeystihii xornimada laga qaatay 1960-kii. “Annaga waa xornimo ah oo aan qabno maleh maanta Soomaali 64 sano kadib waxaa na haysto cadow kii lamid ah gobonimada laga qaatay oo u baahan inaan gobinimo ka qaadano” ayuu yiri madaxweyne Laftagareen oo xalay khudbad ka jeediyay Baydhaba. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in Soomaali ay la timaado midnimo iyo wadajir, si ay usoo ceshato sharafkeeda iyo xornimadeeda, loogana maarmo shisheeyaha. “Sidaas darteed waxaa nala gudboon maanta oo ay tahay feestadii Kowda Luulyo inaan hiigsi sameyno haddii aan nahay dadka Soomaaliyeed, hiigsigaas oo ah inaan ka shaqeyno midnimada iyo wadajirka Soomaaliya” ayuu mar kale yri madaxweyne Laftagareen. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in dalalka dariska ah iyo kuwa Afrika uu soo maray gumeysi, balse kadib ay faa’iideysteen isla markaana ay dhisteen dowlado sal adag, nidaam iyo sharci. “Markii xornimada la helay waa laga faa’iday dadka kale iyo dowladaha kale ee gumeysiga uu haystay oo Afrika ahaa xornimada waa ka faa’ideysteen oo waxay sameysteen nidaam iyo sharciyad iyo isku xirnaan iyo dowladnimo ay heshiis ku yihiin” ayuu sii raaciyay. The post Daawo: 64 sano kadib halkee maanta joogtaa Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (HOL) - At least two people, including a soldier, were killed in an explosion in the central Somali town of Beledweyne in the Hiiraan region on Sunday afternoon. Source: Hiiraan Online
-
Sanad walba maanta oo kale, Soomaaliya waxaa ay 1-da Luulyo u dabaaldegtaa maalin taariikhi ah oo ku asteysan maalintii ay xoroobeen gobollada Koonfureed, midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur isla markaana ay dhalatay Jamhuuriyadda koowaad ee Soomaaliya. Qormadeenna waxaa Dib ugu eegi doonnaa sida ay maalintan ku timid, innaga oo is dul istaagi doonna halganka iyo halgamayaasha keenay in Soomaaliya ay iska dul qaado 1960-kii gumeystaha reer Yurub oo dhulkooda ku sugnaa in ka badan 70 sano. Halgankii Sayidka: Sayid Maxamed Cabduule Xassan ayaa ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee dagaal la gala gumeystaha, waxaa uu noolaa mudadii u dhaxeysay(1856-1921), waxaa uu ahaa hogaamiyhii Darwiish, lana dagaalamay gumaystayaashii Ingiriika, Talyaaniga iyo Xabashida, isagoo kula dagaalay dhulka looga yaqaano Somaliland, Nugaal iyo Taleex. Muddo 20 sano ah ayuu socday dagaalka Darwiish iyo gumeystaha, 41 goobood ayay ciidamada Daraawiishta Ingiriisu ku kulmeen, kuwi ugu waaweeynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa kamid ahaa: Afbakeeyle, Faradhiddin, Cagaarweeyne, Daratoole, Jidbaale iyo Dulmadoobe. Ugu dambeyntii diyaaradaha cadawga waxaa ay duqeeyeen Taleex iyo xarumihii Sayidka oo dhan, Sayid Maxamed intaa kadib wuxaa uu soo aaday koofurta Soomaaliya halkaas uu markii dambe uu ku geeriyooday degmo ku taallo webi Shabeelle. SYL: Ururka SYL, waxaa uu ahaa urur dhalinyaro oo la aasaasay May 15, 1943dii, ururkan waxaa lagu dhisay guri ku yaalla waddada Via Roma ee Magaalada Muqdisho. Dhalinyaradii dhistay waxaa ay kala ahaayeen: (1). C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, (2). Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, (3). Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, (4). Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed, (5). Cismaan Geedi Raage, (6). Dheere Xaaji Dheere , (7). Daahir Xaaji Cusmaan )8). Cali Xasan Maslax Berduda, (9). Maxamed Cali Nuur, (10). Maxamed Faarax Hilowle, (11). Xaaji Maxamed C/llaahi Xayeysi, 12). Huudoow Macalin Cabdulle iyo (13). Maxamed Cusmaan Baarbe . Ururka SYL, waxaa madax u ahaa : Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xogheyaha guud ee ururka SYL Markii dambe oo Yaasin Xaaji Cusmaan geeriyooday waxaa lagu badalay Cabdulahi Ciise Maxamud, dhalinyaradan waxaa lagu xasuustaa dhacdooyin badan oo ku tusinaya dadnimada iyo kartida ay lahaayeen. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948: 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Hanoolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysidiidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintas waxay adeegsadeen dadka dabadhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibnay hal hogaamiye , labo calanka side iyo afar ilaalo ah. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruurinay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay, kal-fadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegada waxay magaalada New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu cabbiro Mawqifka SYL . October 5, 1949 ayey SYL mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. November 21, 1949 ayey golaha guud ee qaramad midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: Bishii April 1950 ayey dowladda Talyaanigu la wareegay maamulidda koofurta Soomaaliya, waxaa Talyaaniga weheliyey guddi ka kooban saddex dal oo kala ahaa: Masar, Philibin iyo Colombia, dalalkan ayaa wakiil uga ahaa Qaramada Midoobay, ilaalinayeyna sida Talyaanigu u fulinayo shaqada loo dhiibay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani Gobollada Waqooyi-Somaliland Gobollada waqooyi ee dalka ama Somaliland, waxaa ay galeen halgan dheer, iyagoo ku guuleystay markii dambe in la siiyo xuriyad. April 6, 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya. Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen. Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa magaallada Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 maalmood u socday waftigii waqooyi ee kan koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafdi ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo watiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin. 25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha. Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan. Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”. Xuriyaddii Koofurta iyo Midnimadii Labada Gobol: Xririyadii Somaliland 4 maalmood kadib, 1-da Luulyo 1960-kii. waxaa xuriyadii qaatay gobollada koofureed ee dalka iyagoo ka xuroobey gumeystaha Talyaaniga. Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal oo xilligaa ra’isul wasaare ka ahaa Somaliland, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii. Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maalinta ay xuriyadda qaadatay koofura Soomaaliya, isla markaana ay midoobeen labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya waxaa dalka Soomaaliya yimid wafdi ka socota goboladii kale ee ku haray gacanta gumeystaha. Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti) Waxaa ka yimid halgamaagii weynaa ee Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid gobollada Koofur Galbeed iyo NFD. Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama Somaliweyn. Markii xuriyadda la helay 1960-kii, isla markaana ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur, baarlamaanka dalka waxaa uu aqlabiyad ku doortay Aden Cabdulle Cusmaan in uu noqdo madaxweyne muddo hal sano ah, isagoo maalmo kadib July 22, 1960-kii Ra’isul wasaare u doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke. Source: goobjoog.com
-
Ahmed Abul Gheit, the Arab League Secretary General, reiterated the pan-Arab body's support of Somalia in the face of any pressures or challenges threatening its sovereignty and the integrity of its territories. Source: Hiiraan Online
-
After fleeing conflict in Somalia, Mohamed Mataan overcame many challenges growing up in Kenya’s Dadaab refugee camp. Today, he is helping young refugees learn digital skills that could lead to a brighter future. VOA reporter Ahmed Hussein met Mataan in the Dagahaley section of Dadaab and has this story. Source: Hiiraan Online
-
Somalia's 64th Independence Day and 50th anniversary of the establishment of diplomatic relations with Qatar were celebrated Sunday at a reception in Doha, hosted by the embassy of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa dirtay wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Macallin Fiqi oo maanta u safray Turkiga, waxaana la sheegayaa in Addis Ababa ay iyaduna Turkiga u dirayso wasiirka Arrimaha dibedda. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay, in “Dowladda ay ka go’an tahay mabaadi’deeda ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” Turkiga ayaa Soomaaliya u sheegay inuu diyaar u yahay inuu xalliyo khilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa, waxaana dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu Ankara kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga Hakan Fidan. Haddaba maxaa laga ogyahay kulankan? “Kulanka oo ah mid hal maalin soconaya ayaa waxaa labada dhinac ku kala matalaya Wasiiradooda arrimaha dibadda ayaa waxaa aan fahamsanahay in Itoobiya ay codsatay kulanka, waxaana fududeynaya dowladda Turkiga oo labada dhinac isku keeneysa,” ayuu yiri Maxamed Mukhtar oo ka faallooda arrimaha geeska horayna u soo noqday wasiirka batroolka Soomaaliya. “Mowqifka Soomaaliya ayadoo qoraal ahna wey gudbiyeen marar badanna wey sheegeen in arrinta qaranimada aysan marnaba gorgorton ka galeyn iyo midnimada dhulka Soomaaliyeed, balse wixii kale oo wadahadal ah oo wada ganacsi ah ama wada shaqeyn ah ay diyaar u yihiin,” ayuu intaas ku daray. “Marka la eego Turkiga isaga laftirkiisa waa dal ay ku nool yihiin dad Kurdiyiin ah oo doonaya inay go’aan, marka dowladda Turkiga mabdi’iyanba ma aaminsana in dal qeyb ka mid ah la gooyo sababtoo ah iyaga laftooda maanta ma jecla inay Kurdiga ka go’aan marka dhankaas marka ay timaaddo dowladda Turkiga waxay la mowqif tahay dowladda Soomaaliya.” Wuxuu sidoo kale sheegay in hadda Turkiga uu doonayo in diiradda shirkan lagu saaro sidii looga laaban lahaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la gashay Soomaaliya iyo sidii xiriirkooda looga dhigi lahaa mid shaqeeya. “Itoobiyaanka waxa ay la imaan doonaan oo miiska ay saari doonaan lama oga sababtoo ah Abiy Axmed waxaa lagu bartay inuu yahay qof aan la qiyaasi karin waxa uu rabo iyo waxa uu sameynayo balse barrito marka ay imaadaan waxa ay miiska soo saaran iyo waxa ay la yimaadaan ayaan arki doonnaa haddii Alle yiraahdo,” ayuu sidoo kale yiri Maxamed Mukhtar. Maxaa ka soo bixi kara kulanka? “Haddii Itoobiya ay miiska soo saaraan inay arrintan ka laabanayaan markaas waa suurogal wax kasta oo wadahal ah, ama ha noqoto maalgashi ama Turkida, Soomaalida iyo Itoobiyaanka oo ka wada hadla dekadaha Soomaaliya sidii looga wada faa’iideysan lahaa halaga wada hadlo, sida loo wada maal-gashan lahaa halaga wada hadlo marka waxyaabo badan ayaa suurogal ah, balse haddii barrito ay miiska soo saaraan arrintaas gorgorton malahan ma filaayo markaas inay jiraan wax laga sii wadi hadli karaba marka waxay ku xiran tahay waxa ay miiska soo saaraan,” ayuu sheegay Maxamed Mukhtar. Dawladda Soomaaliya waxay ku sheegtay qoraalka kooban ewe wasaaradda Arrimaha dibadda ay soo dhigtay barta X in ay “ka go’an tahay inay si adag ugu taagnaato mabaadii’deeda ay ku ilaalinayso madax banaanideeda dhuleed.” The post Maxaa laga ogyahay kulanka Soomaaliya iyo Itoobiya uga furmaya dalka Turkiga? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka socda dabaal-deg wayn oo aan caadi ahayn, kaas oo lagu xusayo maalinta kowda Luulyo oo ah markii ay xornimada qaateen Gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Munaasabad lagu xusayo sanad guurada 64-aad ee maalintan qaran ayaa haatan ka socota magaalada Muqdisho, taas oo si heer sare ah loo soo agaasimay. Sidoo kale waxaa la xiray waddooyinka halbowlaha ah ee caasimada oo lagu soo daadiyay ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo hakad-geliyay dhaq-dhaqaaqa. Ciidamada ayaa gaadiidka iyo dadka ka celinaya waddooyinka muhiimka ah, si ay u sugaan amniga inta uu socdo dabaal-degga xuska kowda Luulyo. Waxaa kale oo ay ciidamadu sameynayaan bandhig cajiib ah oo lagu muujinayo qiimaha maalinta xoriyadda dalka, kaas oo ka socda taalada Daljirka Daahsoon ee Muqdisho, waxaana halkaasi lagu arkayaa gaadiidka dagaalka iyo ciidamo oo dhuulatus sameynaya. Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo oo ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. “Hambalyo Dadka Soomaaliyeed munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 64-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, habeenkii xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo 1960-kii.” ayuu yiri taliyaha Xoogga oo qayb ka ahaa calan saarka xalay ee kowda Luulyo Munaasabadan waxaa ka horreysay midda 26 June oo iyana horay loogu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana sanadkan ay dowladda u diyaar garowday si ka duwan sanadihii hore. The post Daawo: Dabaal-deg aan caadi aheyn oo nooc cusub ah oo ka socda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Millatariga Kuuriyada Koofureed ayaa ku warramay, in Kuuriyada Waqooyi ay aroornimadi hore ee saaka xeebteeda bari ka ridday gantaal nooca riddada dhexe ah. Tallaabadan ayaa imaaneysa maalin kaddib marki ay Peyongyang wacad ku martay in ay jawaab adag ka bixin doonto dhoolatus cusub oo ay si wada jir ah u fuliyeen millatariga Mareykanka, Kuuriyada Koofureed iyo Japan. Xafiiska Taliska ugu sarreeya ciidamada qalabka sida ee Kuuriyada Koofureed ayaa sheegay, in wax u eg laba gantaal ay aroornimadi hore Kuuriyada Waqooyi ka tuurtay degmada Jangyon ee xeebta koofurbari ee dalkaasi ka go’doonsan dunida inteeda kale. Taliyaha guud ee ciidamada ayaa sheegay in militariga Kuuriyada Koonfureed uu sare u qaaday howlaha ilaalinta xadka, isla markaana ay si dhow xogta isu weydaartaan Mareykanka iyo Japan. Kuuriyada Waqooyi ayaa inta badan tijaabisa gantaallo kala duwan oo u badan kuwa xanbaara madaxyada niyukleerka, gaar ahaan xilliyada ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kuuriyada Koofureed ay sameeyaan carbisyada millatari. PUNTLAND POST The post Kuuriyada Waqooyi oo saaka tijaabisay gantaal kale appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Kenya , William Ruto ayaa waraysi uu bixiyay ku soo bandhigay dhacdooyin halis ku ahaa ammaanka Kenya oo lagu arkay inta uu socday mudaaharaadyadii lagu diidanaa sharciga maaliyadda. Mid ka mid ah dhacdooyinka uu soo qaatay waxay ahayd in markii bannaanbaxayaasha ay gudaha u galeen xarunta Baarlamaanka in qayb ka mid ah ay si toos ah u aadeen goobta lagu kaydiyo hubka ee loogu talagalay in dhismaha lagu difaaco, isagoo intaa ku daray; “Waxaa jiri doona baaritaan lagu ogaanayo sida dadkan ay u ogaayeen in bakhaar hub uu ku yaallo dhismaha Baarlamaanka.” Waxaa kaloo uu sheegay in kaamirada CCTV ay qabatay wajiyada dadkii weeraray Baarlamaanka,Maxkamadda Sare iyo xarumo kale, isagoo sheegay in muuqaallada CCTV lagu maxkamadeyn doono kuwii iskudayay inay gudaha u galaan bakhaarka hubka ee dhismaha Baarlamaanka, isagoo caddeeyay shaqsiyaadka la xiray inta mudaaharaadka uu socday in 1-da July la horkeeni doono maxkamadda. Qof kasta oo dambiyo gaystay inta dibadbaxa uu socday ayuu sidoo kale sheegay inay Booliiska xogtiisa kaydiyeen si gacanta loogu soo dhigo. Ruto, waxaa kalo uu soo bandhigay in diidmada hindise sharciyeedka Maaliyadda 2024 ay ka dhigan tahay in Kenya ay ku qasban tahay in ay amaahato $7.7 bilyan si loogu buuxiyo qorshaha miisaaniyadda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Kenya oo halis Amni ku tilmaamay Muddaharaadyo dhawaan ka dhacay dalkaasi appeared first on Puntland Post.
-
Dalka Soomaaliya burburkii kadib waxaa soo gaaray dhibaatooyin aad u waaweyn oo gumeysigii soo jireenka ahaa uu helay fursad aad u weyn uu kala qeybin karo soomaalida. Dalalka Itoobiya iyo Kenya waxay hore innaga heysteen dhul aad u ballaaran laakiin maadaama aan leheyn dowlad adag waxay ogaayeen inay iman doonto waqti ay soomaalidu dib u midoobi doonto balse rajadaasi waxay burburtay markii aan dowladdeennii duminnay. Kenya waxay isku dayday inay beddesho qaabkii dhuleedkii Soomaaliya iyadoo isleh Soomaaliya aad ayey u nugushahay awoodna ma leh waxay sheegatay inay leedahay dhowr iyo boqol miles oo baddeennii ka mid ah inkastoo aysan ku guuleysan inay baddii qaadato 100% misena waxaa ay qaadatay marin biyood ay Mombasa ku tagto taasoo aysan leheyn markii hore. Haatan waxaa taagan xaaladda Itoobiya ay baddeennii tiri waxaan qaadanayaa illaa 50 miles oo bad ah kana dhisanayaa Deked aan anigu maamulo iyo saldhig military oo aan ciidanka badda u dhiso. Isweydii haddii Itoobiyaan uu dhisto deked ay iyadu leedahay oo dowladda Itoobiyana ay maamusho ka fikir maxaa ka dhalan kara ? Jawaabtu waa mid kooban waxaa dhici doonta inay xirmaan dekedihii Soomaaliyeed ee waqooyiga Soomaaliya ee Berbera iyo Jabuuti taasoo dekedahaasu aheyd isha keliya ay shacabkaasi dhaqaale ka heli jireen noloshooduna ku tiirsaneyd. Maadaama Itoobiya ay bad heshay waxay ka maarmi doontaa adeegsigii dekedaheenna taasina waxay keeni doontaa soo wajihi doona shacabkii Soomaaliyeed ee waqooyiga oo markii horeba la daalaa dhacayey faqri iyo shaqo la,aan. Tan ku saabsan inay Itoobiya rabto inay saldhig ciidan badeed ka sameysato Soomaaliya waa mid khatarteeda leh waxaa iska fudud inay timaaddo baddeenna si kastaba haku timaaddee balse waxaa adkaan doonta in laga saaro dhulka Soomaaliyeed. Waxaad mooddaa in dowladdii Soomaaliyeed ee dalkan xukuntay ineysan uba jeedin khatartan aadka u weyn ee Soomaaliya ay wajihi doonto sanooyinkan soo socda iyadoo had iyo jeer aan maqleyno waxaa la wada hadashiisiinayaa Itoobiya iyo Soomaaliya arrinta ku saabsan heshiiskii badda ee Muuse la saxiixday Itoobiya. Haddii ay Soomaaliya oggolaato inay la hadasho Itoobiya arrinta badda maxaa diiday inay dhici doonto halheyskii ahaa *ku qabso ku qadimeyside* Waxaan dowladda Soomaaliyeed kula talin lahaa ineysan lumin heybaddii iyo sharaftii Soomaalida lagu yiqiin ayna ilaaliyaan karaamadii Soomaaliyeed. Wabillaahi Towfiiq Qore: Maxamed X Seeraar The post Waxa dhici doona haddii DF ay Itoobiya dekad u ogolaato wada-hadallada Turkey appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo, isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha JFS ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dalkeenna, iyadoo dhanka kale la riday Buula-layr loogu dabaal-dagayay munaasabadda qiimaha wayn ku leh dadka Soomaaliyeed 1-da Luuliyo ayaa ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo maanta lagu wado inay dalka ka dhacaan munaasabado lagu wayneynayo maalintan qiimaha leh. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Xuska Munaasabadda Xorriyadda dalka ee 1 Luuliyo appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo la kulmay masuuliyiinta maamulkaas ee ka soo jeeda gobolka Awdal iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqan Gobolkaas ayaa jeediyay hadal uu eedeymo culus ugu jeediyey dowladda Jabuuti. Muuse Biixi ayaa sheegay in Jabuuti ay dhistay ‘jabhad’ ku goodineysa inay Somaliland ka xoreynayaan gobolka Awdal, isagoo sheegay in taasi aysan dhaceyn. Madaxweyne Muuse ayaa sheegay in Somaliland aysan fileyn in Jabuuti looga dhawaaqi karo koox ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland, balse arrintaas ay la noqotay layaab, isagoo ku goodiyey in maamulkiisa aysan waxaba ka qaadi karin kooxo lagu aas-aasay wadamo kale. “Maalmahan waxaan arkeynay qolo jabhad ah oo Jabuuti ka dhex hadleysa oo leh Awdal ayaan xoreyneynaa, Jabuuti taas kama filaneyn, hadeysa sidaas la noqotay wixii ka dhasha ee guud weynu arki doonnaa” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Madaxweynaha ayaa sheegay iIn siyaasiyiinta Somaliland ay ka mideysanyihiin mabda’a ilaalinta qaranimada Somaliland, balse ninkii aragtidiisu ay taas ka duwanaato uu yahay mid soo raacaya cadawga, sida uu hadalka u dhigay Muuse Biixi. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada laga arkay rag badan oo deegaan ahaan ka soo jeedaan gobolka Awdal oo isku abaabulay gudaha Jabuuti, kuwaas oo toos uga horyimid go’aanada Muuse Biixi, si cadna u sheegay in aysan ogoleyn heshiiskii uu Muuse badda ku siiyey Itoobiyaanka. Sawirrada siyaasiyiinta uu ka hadlay Muuse Biixi ayaa la baahiyey iyagoo booqanaya safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti, iyaga oo la kulmay Danjire Salaad Cali Jeelle, sidoo kale waxay mar tageen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ragaani waxay mar walba sheegaan in aysan ogolayn in dhul xeebeen laga kireeyo dawladda Itoobiya, balse marna ma aysan sheegin in ay Jabhad yihiin iyo in kale, Muuse Biixi ayaa hadalkiisa u dhigay, carabkana ku adkeeyey in ragaasi ay jabhad yihiin. Wax kacdoon dadweyne ah hadda kama jiraan gobolka Awdal iyo deegaanada kale ee dhaca xadka Jabuuti iyo Somaliland, balse waxaa jira guux dadweyne oo lagu diidan yahay damaca Itoobiya, halka Somaliland ay muujineyso feejignaan ay kaga hortegeyso wax kasta oo kacdoon ah. The post Muuse Biixi oo Jabuuti ku eedeeyey inay dhistay jabhad ka soo jeeda gobolka Awdal appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska booliska Soomaaliya iyo xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa soo saaray amar wadajir ah oo ay ku cadeynayaan in caawa inta loo dabaal-degayo 1-da Luuliyo aan xabado la ridi karin. Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida Cabdullahi Buulakamey iyo Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay ku soo saareen amarkaan. Ugu horeyn Afhayeenka booliska ayaa sheegay in qofkii xabad rida lasoo xiri doono dushana laga saari doono wixii khasaare ah oo caawa dhaca, isagoo hoosta ka xariiqay in xabado la rido inta lagu jiro munaasabadaha toddobaadka xoriyadda Soomaaliya. Booliska Gobolka Banaadir ayaa maalmo ka hor shaaciyey in la soo xiray 9 askari oo jebisay amar ahaa in “xabado aan laga ridi karin Muqdisho” askarta lasoo xiray ayaa habeenkii calan saarka ee 26-kii Juun kor u riday xabado. Xabadihii habeenkaas la riday ayaa Muqdisho ku dilay ugu yaraan labo qof iyagoo dhaawacay dad kale, taas oo khasabtay in lasoo qabto askartii xabadaha riday intooda badan. Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Jeneraal Cabdullahi Buulakamey oo shirkaan jaraa’id la qabtay afhayeenka ayaa sheegay in askartii lasoo xiray ay u gudbiyeen xabsiga dhexe, iyadoo dhowaan lasoo taagi doono maxkamad. Wuxuu sheegay in askartaas loo heysto dadkii xabadaha ku dhintay iyo kuwii dhaawacmay habeenkii 26-kii Juun iyo amarkii booliska oo ay jebiyeen, Buulakamey ayaa ku goodiyey inay maxkamad soo taagi doonaan 9-ka askari ee lasoo qabtay. Hoos ka daawo The post Daawo: Amar la dul-dhigay ciidamada DF iyo xogta kiis loo heysto askar lasoo xiray appeared first on Caasimada Online.