Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. On 16 July, the President of the Republic approved the bill for the Act on Temporary Measures to Combat Instrumentalised Migration. The aim of the act is to improve border security and ensure that Finland has effective means at its disposal to combat instrumentalised migration, which is being used to put pressure on Finland. The aim is also to prepare for more serious instances of instrumentalised migration. The act lays down the conditions under which a government plenary session can decide to restrict the reception of applications for international protection in a limited area on Finland’s national border and in its immediate vicinity. Such a decision would be made following cooperation with the President of the Republic. Applying the act requires highly exceptional and pressing reasons. Doing so always requires knowledge or a justified suspicion that a foreign state is attempting to influence Finland in a way that poses a serious threat to Finland’s sovereignty and national security and no other means are sufficient to resolve the situation. A decision to apply the act may be made for up to one month at a time. If the act is applied, applications for international protection would not, apart from certain exceptions, be received in the area subject to the restriction, and instrumentalised migrants would be prevented from entering the country. A migrant who has already entered the country would be removed from the country without delay and instructed to travel to a place where applications for international protection are being received. The act will enter into force on 22 July 2024 and will remain in force for one year. Act prepares Finland for worse situations According to public authorities, the threat of instrumentalised migration on Finland’s eastern border, which began in the autumn of 2023, remains high. The border crossing points on the land border between Finland and Russia are closed until further notice. Instrumentalised migration is one way that Russia can put pressure on and affect the security and social stability of Finland and the EU. Finland’s eastern border is the longest external border that both the EU and NATO have with Russia. This new act prepares Finland for the possibility that Russia may continue to exert pressure for a long time and in more serious and larger-scale ways. This act is what is called an exceptive act. Exceptive acts may be used to enact limited exceptions to the Constitution for compelling reasons. The new act takes into account the situation of people in a particularly vulnerable position. During parliamentary proceedings, the act was supplemented with provisions that strengthen protection under the law. Other possible means to combat the threat of instrumentalised migration were assessed during the legislative drafting process. Based on the assessment, other means would not be effective in preventing efforts to put pressure on Finland through instrumentalised migration, because current national and international law lack sufficient procedures. Finland’s goal is to find EU-level solutions to combat instrumentalised migration. Qaran News
  2. Turkiga ayaa xeebaha Soomaaliya u soo diri doona dabayaaqada sanadkan markab sahamin doona shidaal iyo gaas, Qorshahaan ayaa qayb ka ah heshiis iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sida ay sheegtay wasaaradda tamarta ee Turkiga Khamiistii. “Waxaan u soo diri doonnaa markabka Oruc Reis dhammaadka Sebtembar, ama horraanta Oktoobar Soomaaliya, wuxuu halkaas ka sameyn doonaa daraasad weyn oo seismic ah, oo socon karta bilo,” ayuu yiri wasiirka tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar. Markabkaan ayaa baari doonnaa Saddex Baloog. Labo ka mid ah saddexdaas baloog, ayaa 50 kiiloomitir u jira xeebaha Soomaaliya, Bayraktar ayaa intaas ku daray in midka saddexaad uu u jiro ilaa 100 km. “Waxaan u maleyneynaa in Soomaaliya ay leedahay kheyraad badan oo shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha, waxaan saxiixnay heshiis dhinaca badda ah oo saddex baloog ah, Turkiga wuxuu yeelan doonaa xuquuq gaar ah oo raadinta iyo soo saarista marka aan ka helno shidaalka meelahaas,” ayuu yiri Bayraktar. Bishii Maarso, Turkiga ayaa Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, Wasaaradda Tamarta ee Turkiga ayaa sheegtay in ay sii xoojineyso xiriirka labada dal ka dib markii ay heshiis dhanka difaaca ah ku heshiiyeen bishii hore. Source: goobjoog.com
  3. Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa daahfuray ololaha Talaalka caruurtii aan helin dhamaystiraka Talalka joogtada ah sanadahii lasoo dhaafay. Ololahan cusub ayaa ujeedkiisu tahay kor u qaadista tirada carruurta ka yar shanta sano ee loo dhamaystiray Talaalka joogtada ah ee lagaga hortagayo xanuunada ku dhaca caruurta. Daahfurka ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ismaciil Garas, howl-wadeennada Wasaaradda iyo hay’adaha bahwadaagta la ah oo ay kamid yihiin hay’ada Cafimaadka Aduunka ee (WHO) iyo hay’ada caruurta aduunka ee (UNICEF). Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka shanaad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, kaasi oo lagu ansixiyay ajendaha kulamada soo socda. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu horreyn xubnaha guddiga joogtada ah warbixin kooban ka siiyay qorshaha xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka bulshada bariga Afrika. Intaasi kadib, xubnaha guddiga ayaa ka dooday ajendaha kulanka oo ahaa ajendeynta fadhiyada isbuuca saddexaad ee kalfadhiga shanaad, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddoonka golaha. Kulanka ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay ajendayaasha ugu horeeya ee looga hadli doono kulamada guud ee golaha todobaadka soo socda iyo sida ay u kala horeeyaan. Sidoo kale guddiga joogtada ah ayaa ka dooday muhiimada goluhu uu siinayo in shuruucda golaha la hor keenayo ay miisaaniyadooda wataan. Xubnaha guddiga joogtada ayaa ugu dambeyntiina wadar ogol ku ansixiyay ajendaha kulamada guud ee golaha toodbaadka soo socda, kadib dood iyo fallan-qeynta kala horeyntooda. The post Xogta kulan ka dhacay Villa Hargeysa oo lagu ansixiyay… appeared first on Caasimada Online.
  5. Munaasibad Hadhimo sharafeed ah oo loo sameeyey Masuuliyiin kala duwan oo ka soo diggarogtay Xisbiga Ucid kuna soo biiray Xisbiga WADDANI iyo tageerayaal kala duwan oo ka kooban Heer gobol iyo Heer degmo. Munaasibadan qado sharafta ah waxa ka qayb galay Xoghayha Dawladaha Hoose Mukhtaar yuusuf Mingiste,Xoghayha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Yuusuf Nuux Yuusuf tadhase,Xoghayha gobolka maroodi jeex Mawliid Muuse Dacar,Xoghayha abaabulka iyo wacayigelinta garabka dhallinyarada heer qaran Khaalid Xayle iyo masuuliyiinta degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed mooge. Masuuliyiinta lagu soo dhaweeyey Xisbiga Waddani iyo Masuuliyiinta xisbiga oo madasha ka hadlayba waxa ay isla qaateen in xiligan ay muhiim tahay in Isbedal uu Dalka ka dhaco. Qaran News
  6. Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Booliiska degmada Deyniile ayaa gacanta ku soo dhigay laba eedeysane oo lagu kala magacaabo Maxamed Maxamuud Siid Axmed oo 42 jir ah iyo Qadiijo Maxamed Cabdulqaadir oo 23 jir ah, kuwaas oo loo haysto in ay ku kaceen falal anshax xumo ah oo liddi ku ah diiinta suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee Ummadda Soomaaliyeed. Booliiska ayaa sheegay in eedeysanayashaan la horgeyn doono cadaaladda, balse wax faahfaahin intaas dhaafsiisan oo la xariirta nooca falka anshax xumada ah ee loo haysto Booliisku ma bixin, waxaa’se bilihii la soo dhaafay ay laamaha amaanku xir xireen dhallinyaro badan oo baraha bulshada muuqaallo aan wanaagsanayn ku baahin jiray. Source: goobjoog.com
  7. Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa kulamo hordhac ah la qaatay waxgaradka deegaanka oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamed Ugaas Axmed. Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa tilmaamay in uu deegaanka u yimid sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida, isla markaana aysan dowladda federaalka Soomaaliya marnaba ogoleyn inay deegaanka ka dhacaan wax kasta oo dhaawacaya nabadda iyo xasiloonida bulshada. Kulankaan waxaa Wasiir Fartaag ku wehliyey Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee BFS, Agaasimayaal, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayee Source: goobjoog.com
  8. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddi gaar ah oo kasoo talo bixiya dhacdadii ka dhacday Degmada Caabudwaaq ee Dowlad Goboleedka Galmudug ee hubka badani dadweynaha ugu gacan galay. Guddoomiyaha ayaa faray guddigan inay si dhab ah ugu kuurgalaan hubkii ay dhowaan dadweynaha Caabudwaaq gacanta ku dhigeen iyo dadkii shaqaaqadaas ku dhintay, islamarkaana ay warbixin sax ah oo arrintaas ku saabsan golaha Shacabka hor keenaan. 15-kii bishan ayay ahayd markii dadka deegaanka Caabudwaaq ay la wareegeen gaadiid hubsaday oo ka yimid dhinaca Itoobiya, waxaana israsaasayn halkaas ka dhacay ku dhintay badan oo isugu jira ciidan iyo dablay deegaanka ah. Source: goobjoog.com
  9. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, aya shir-guddoomiyey shirka Guddiga Sarre ee Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland. Guddigu wuxuu warbixin iyo qorshe ka dhegaystay Hay’adda Waddooyinka kaas oo ay ku soo bandhigtay qorshaha Dayactirka iyo dib-u-dhiska waddooyinka waxaana Guddigu ansixiyey 8 Mashruuc oo kala ah :- 1. Dayactirka joogtada ah iyo buuxinta godadka : * Boosaaso – Gaalkacyo * Garoowe-Laascaanood . 2. Dhameystirka dhismaha Wadada Cawsane-Hadaaftimo. 3. Dhameystirka Wadada Lafagorayo (26km). 4. Dib-u-dhiska Buundooyinka Carmo-Boosaaso (waa 25 Buundo). 5. Dib-u-dhiska Buundooyinka Xaaji-kheyr. 6. Dayactirka Garbaha Wadada Garoowe -Sinujiif. (30km ayaa la dayactiraya) 7. Dhameystirka Wadada Birtadheer-Kalabayr (20Km ayaa laga shaqeynayaa). 8. Dib-u-dhiska Wadada Xaarxaar- Jalam (12.5km ayaa laga shaqeynayaa) . Qorshaha hirgelinta mashaariicda horumarinta Waddooyinkan ayaa lacagta ku baxaysa laga bixin doonaa khasnada Dowladda Puntland, waana Cashuurta dadweynaha oo dalka dib-loogu-celinayo. PUNTLAND POST The post Puntland oo ansixisay 8 mashruuc oo lagu dhisayo waddooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray degmada Caabudwaaq ayaa kulamo hordhac ah la qaatay waxgaradka deegaanka oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamed Ugaas Axmed. Wasiirka amniga gudaha ayaa ugaaska iyo odayaasha waxgaradka u sheegay in uu deegaanka u yimid sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida, isaga oo ka shaafiyey hanjaabaddii kasoo baxday dowladda federaalka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Fartaag ayaa u caddeeyay Ugaaska in aysan dowladda federaalka Soomaaliya marnaba ogoleyn inay deegaanka ka dhacaan wax dhaawacaya nabadda iyo xasiloonida bulshada, taas oo ka dhigan in xal wada-hadal dib loogu soo celiyo hubkii Isniintii lagu dhacay halkaasi. Kulankaan waxaa wasiir Fartaag ku wehlinayey xildhibaanno ka tirsan labada gole ee BFS, agaasimayaal, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel. Dowladda federaalka ayaa dib uga joogsatay go’aankii ay horey uga qaadatay dhacdadan, kaasi oo ahaa in awood dib loogu soo celiyo hubkii la boobay, kaasi oo ay sheegtay inuu ahaa mid sharci darro ah oo ay iyadu gacanta ku dhigtay, balse jidka u galeen maleeshiyaad hubeysan. Hubka gacanta u galay dadka shacabka ayaa lasoo warinayaa inuu ahaa hub aad u culus, ayada oo illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn ujeedka laga lahaa, marka laga yimaado in uu kasoo gudbay dhanka Itoobiya, mana sheegin dowladda federaalka cidda ay kusoo qabatay maadaama ay sheegtay inuu ahaa hub sharci darro ah oo ay soo qabteen ciidankeedu. Si kastaba, Hubka gacan u galay shacabka ayaa imanaya, ayada oo Caabudwaaq iyo deegaanada ku hareereysan ay ka taagan yihiin colaado qabaa’il, xitaa beesha degta Caabudwaaq ay mararka qaar jifo-jifo u diriraan. The post Sawirro: Xogta kulan xasaasi ah oo dhex-maray Fartaag iyo ugaaska beesha Sade appeared first on Caasimada Online.
  11. Tareenkii Siyaasada Ee Madaxweyne Cirro Oo Si Xawli Ku Socda Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Xaji Cali Xasan Iyo Hogaanka Sare ee Xisbiga, Garabada Dhallinyarada & Haweenka oo ay Ugu horayso Marwada Musharraxa madaxweynaha Xisbigi WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble, Ayaa Ka Qayb-galay Munaasibad Heersare ah oo Lagu Soo Dhaweeynaayey Siyaasiyiin, Haldoor, Waxgarad Iyo Taageerayaal Ku Soo Biiray Xisbiga Kuwaas oo kasoo jeeda beesh YAASUf ISAXAAQ (SACAD MUUSE.) Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka. Golaha ayaa wasaaradaha amniga gudaha, gaashaandhigga iyo caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howl-galladii ugu danbeeyey ee dagaalka Al-Shabaab ee ay ciidanka qaranka ka wadaan qaar kamid ah gobollada dalka. Golaha ayaa sidoo kale waxaa lala wadaagay warbixinta shaqaaqadii dhawaan ka dhacday xabsiga dhexe ee Xamar, taasi oo galaafatay nolosha askar iyo maxaabiis ku jiray xabsiga, kadib markii uu dagaal toos ah dhex-maray xubno Shabaab ah oo dil ku xukumnaa iyo ilaalada xabsiga. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamsza Cabdi Barre ayaa waxa kale oo lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo la xiriira arrimaha Xajka, isku-xirka dowladaha hoose iyo la-tacaalidda dhaawacyada iyo cudurrada faafa ee ay kamid yihiin shuban biyoodka, gawracatada iyo jadeecada. Kulanka toddoobaadkan ee golaha wasiirada ayaa imanaya, ayada oo taagan tahay xiisadda hubkii lagu boobay duleedka Caabudwaaq, kaasi oo dowladda federaalka u dirtay soo celintiisa wafdi culus oo uu horkacayo wasiirka amniga gudaha Cabdullaahi Fartaag. Dowladda federaalka ayaa waxay horay u sheegtay inay ka go’an tahay soo celinta hubkaasi, iyada oo xilligaan u mareysa qaab wada-hadal ah iyo inay la tashato waxgaradka Caabudwaaq, taas oo hoos u dhigeysa xiisadda ka dhalatay hanjabaaddii kasoo baxday dowladda. “Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xun tahay falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen maleeshiyaadkaas wadada u galay ciidanka qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dowladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xad-gudubka ah,” ayaa horay lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. The post Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, Faarax Cadaani Maxamed oo ka warbixiyay howlgal ka dhacay degmadaas ayaa sheegay inay dhibaato ku hayaan shacabka Kaaraan ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya. Faarax Cadaani ayaa hanjabaad culus u diray ciidamada milatariga, wuxuuna sheegay in hadda kadib ay la dagaalami doonaan, haddii ay ku xad-gudbaan amniga iyo shacabka. “Askari milatari ah oo qoray wato ma ogolin waan la dagaalameynaa gacan bir ah ayaan ku qaaneynaa, haddii uu diidana isla degmada ayaa lagu maxkamadeynayaa” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in askartu ay degmada ku imaan karaan si nabad-galyo ah, balse la rabo inay iska soo dhigaan hubka, oo uu xusay inuu dhibaato ku yahay amniga. “Haddii ay imaanaayaan degmada Kaaraan cid u diideyso ma jirto dharka iyo hubka ha’iska soo dhigaan waa amni, guryahooda haddii ay ku yaallaan ha yimaadaan” ayuu ku daray. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin u diray taliska ciidanka Xoogga dalka, wuxuuna ka dalbaday inay la xisaabtamaan ciidamadaas, si looga qabto reer Kaaraan. “Mararka qaar waxaa degmada soo gala ciidan sheeganaayo Xoogga dalka oo oo dhib ka gaysto Kaaraan taliyeyaasha waxaan ka codsaneynaa ciidankaas inay u diraan difaaca, ayna la xisaabtamaan” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha maamulka degmada Kaaraan. Waxaa kale oo hadalkiisa kusii daray “Ciidanka Xoogga dalka waxaa loogu talagalay difaaca, waxaa loogu talagalay inay Shabaabka la dagaalaan taliyeyaashooda hala xisaabtamaano ciidankaas dhib badan ayaan ku qabnaa”. Kaaraan oo ku taalla cirifka waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa badanaa ka dhaca isku dhacyo ciidamada dhexdooda ah iyo dhac ay mararka qaar gudaha degmadaasi ka gaystaan askar ku labisan dareeska ciidamada milatariga Soomaaliya. The post Guddoomiyaha Kaaraan oo soo saaray hanjabaad culus oo ku socota… appeared first on Caasimada Online.
  14. (Bloomberg) -- Somalia’s semi-autonomous region of Puntland wants the United Nations to reinstate an arms ban lifted seven months ago, saying easier access to weaponry is fueling clan conflict. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) — The National Disaster Management Agency (SoDMA) is on the verge of completing a cutting-edge emergency assistance center in Mogadishu, designed to provide immediate aid to those in urgent need of medical attention. Commissioner Mohamud Macalin Abdulle recently visited the construction site, emphasizing the center's vital role in saving lives during emergencies. Source: Hiiraan Online
  16. 451872188_1213989169603211_7693695202241382422_n Qaran News
  17. 451728098_385350714160222_4872929986244441343_n Qaran News
  18. Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wafdi culus oo maanta ay dowladda federaalka Soomaaliya u dirtay degmada Caabudwaaq ayaa gaaray degmadaasi oo ku taal Waqooyiga gobolka Galgaduud. Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Fartaag, ayada oo halkaas si diirran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Wasiirka ayaa inta uu joogo deegaanka waxa uu kulamo la qaadan doonaa maamulka iyo qeybaha bulshada deegaanka, xilli Isniintii duleedka degmadaas lagu bililiqeystay hub fara badan oo u gacan galay shacabka. Wasiir Fartaag iyo wafdiga uu horkacayo ayaa Caabudwaaq u tegay qorshaha dowladda ee soo celinta hubkaasi, ayaga oo la fariisan doona waxgaradka deegaanka, oo ay kala hadlayaan xaaladda taagan iyo halista ka dhalan karta hubka la boobay ee haddana u gacan galay shacabka. Dowladda federaalka ayaa waxay horay u sheegtay inay ka go’an tahay soo celinta hubkaasi, iyada oo xilligaan u mareysa qaab wada-hadal ah iyo inay la tashato waxgaradka Caabudwaaq, taas oo hoos u dhigeysa xiisaddii ka dhalatay hanjabaaddii kasoo baxday dowladda. “Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xun tahay falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen maleeshiyaadkaas wadada u galay ciidanka qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dowladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah,” ayaa horay lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Sidoo kale waxaa arrintan kasoo jawaabay Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo ah Ugaaska guud ee Beesha Sade oo nasiib darro ku tilmaamay in dowladda ay u goodiso shacabkii gacanta ku dhigay hubkii sharci darrada ahaa ee lagu qabtay waqooyiga Galgaduud. “Sida la wada ogyahay, koox abaabulan, oo ka ganacsata hubka sharci darrada ah, ayaa saanad ciidan oo kontarabaan ah, soo gelisay waqooyiga Galgaduud,16-kii July 2024, hubkaas, oo ahaa mid aan lagu wargelin hoggaanka dhaqanka, madaxda maamullada iyo guud ahaan dadka deegaanka, ayaa qarka u saarnaa in uu gacanta u galo kooxo halis ah, qatarna galiyo amniga deegaanka, Galmudug iyo guud ahaan Dalka,” ayuu yiri Ugaas Maxamed. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Galmudug iyo dowladda federaalka ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii lagu soo celin lahaa hubkii lagu bililiqeystay waqooyiga gobolka Galgaduud kaas oo dhaliyay walaac, maadaama uu galay gacanta shacabka. The post Wafdi culus oo ka socda DF oo gaaray Caabudwaaq + Qorshaha (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
  19. Maxkamadda Sare ee Ciidamada Soomaliya ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Taliyihii saldhiga Heliwaa dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo kooxdiisa oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay labaatan iyo labadii bishii February ee sanadkaan 2024. Kooxdaan oo ka kooban lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku weheliyey kiiskaan, Dable Bol. Maxamed Cabdi Qoone, Liibaan Maxamed Axmed oo ah maskaxdii ka dambeysay dilka marxuumka, Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin], Maxamed Cadaawe Cali iyo Yaasiin Cabdi Jaamac. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiiskaan lixdii April ee Sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday. Maxkamadda sare ee ciidamadda oo aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen xukunsaneyaasha tobankii bishaan, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan. 1- Ex dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo 2- Ex Dable Bol. Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, ayey maxkamadda sare ee ciidamada ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax. 3- Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, halka 4- Maxamed Cadaawe Cali, 5- Yaasiin Cabdi Jaamac iyo 6- Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay maxkamadda sare ku xukuntay min todobo sano oo xabsi ciidan ah. Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow, Guddomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo mar kale xukuntay kooxdii dilay marxuum Abuukar Kaabax appeared first on Puntland Post.
  20. Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Mudane Abdullahi Sheikh Ismail Fartaag ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud,waxaana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Wefdigan ayaa waxgaradka deegaanka kala hadli doona hubkii dhowaan u gacan galay qaar kamida dadweynaha magaaladaas, kaas oo la doonayo in dowladda lagu soo wareejiyo si aan colaadaha gobolka ka taagan loogu adeegsan. Hubka ayaa la sheegay in markiisii hore laga keenay dhinaca dalka Itoobiya, balse illaa hadda lama caddayn cidda rasmiga ah uu u socday iyo ujeedada laga lahaa ee dalka loo soo galiyay, xilli dowladda iyo maamulka Galmudug ay siyaabo kale duwan uga hadleen. Source: goobjoog.com