Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidanka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland ee PSF oo magaalada Boosaaso ka fuliyay hawlgal looga hortagayay falalka amni daro ee ka dhaca magaalada. Sida ay sheegeen Saraakiisha howlkaan ayaa ahaa lagu xoojinayo amniga magaalada waxaa lagu soo qabtay xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Kooxda Shabaab. Ujeedka howlgalka ayaa ahaa raad-raaca tuhmanayaasha lasoo qabtay oo la aaminsan yahay in Daacish ay u qaabilsan yihiin hanjabaada ganacsatada deegaanka. Ciidanka ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan saddex qof oo looga shakisan yahay ku lug lahaanshiyaha falalka guracan ee falkaan, waxaana ku socda baaritaan. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojisay howlgallada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah deegaanada maamulka Puntland sida dhulka Buuraha Galgala. Source: goobjoog.com
  2. Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa warbixin ka soo saaray hawlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Daacish oo ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Taliska Ciidanka PSF ayaa warbixintaasi ku sheegay in ay hawlgal qorshaysan oo lagu sugayo amniga ka fuliyeen xaafadaha Boosaaso kaasi oo ka dhan ah maleeshiyaadka Daacish ee cabsi-gelinta iyo hanjabaadda ku haya xarumaha ganacsiga Boosaaso. Taliska PSF ayaa sidoo kale warbixintooda ku sheegay in hawlgalkaasi ay ku qabteen saddex xubnood oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish gaar ahaanna shakhsiyaadka kooxda u qaabilsan cabsi gelinta iyo hanjabaadda ganacsatada Boosaaso. Warbixinta PSF waxay intaasi raacisay in baaritaan lagu samaynayo shakhsiyaadka gacanta lagu dhigay ee ku eedaysan argagixisada Daacish islamarkaana sharciga lala tiigsan doono haddii ay ku caddaato in ay ka tirsan yihiin kooxahaasi nabad-diidka ah. PUNTLAND POST The post Ciidanka PSF oo sheegay in ay Boosaaso ku qabteen shakhsiyaad lagu tuhmayo Daacish appeared first on Puntland Post.
  3. Xisbiga talada haya ee dalka Mexico ayaa sheegtay in doorashadi ka dhacday dalkaasi ay ku guuleysatay haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum oo ka tirsan xisbigaasi. Xisbiga MORENA ayaa guushani sheegtay saacado yar kaddib marki lasoo xiray doorashada xalay fiidkii xilliga Mexico, iyaga oo sheegay in Claudia Sheinbaum ay codad aad u badan ku horreyso taasoo waddada u xaareysa in ay noqoto madaxweynihi u horreeyay oo dumar ah oo hogaamiyo Mexico. Ra’yi ururin ay sameysay xarunta Parametria ayaa muujineysa in Sheinbaum ay doorashada ka heli doonto codad dhan 56%. Sida kaso muuqatay codadka ilaa iyo hadda la tiryay, murashaxa xisbiga mucaaridka Soojit Galvez ayaa heshay 30%. Inkasta oo aanan wali la dhameystirin guud ahaan tirinta codadka, haddana Galvez ayaanan qiran in laga guuleystay, iyada oo u sheegay taageerayaasheeda in ay dulqaad yeeshaan ilaa looga dhawaaqayo natiijada rasmiga ah. PUNTLAND POST The post Haweeney markii u horraysay la sheegay in ay ku guulaysatay doorashada madaxweynaha Mexico appeared first on Puntland Post.
  4. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in uu hoos u dhigo kicinta “xiisadda gobolka”. Wada xidhiidh dhanka taleefanka ah oo dhex maray Antony J. Blinken iyo Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa dhinacyadu kaga wada hadaleen hawlaha gobolka. “Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony J. Blinken ayaa la hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay ka wada hadleen danaha amni ee Geeska Afrika, oo ay ka mid tahay in la yareeyo xiisadaha gobolka.” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay afhayeenka Aqalka Cad, Mathew Miller. Maraykanka ayaana Madaxweyne Xasan ugu baaqay in uu awoodda saaro “la dagaallanka argagaxisada” sida warsaxafaadeedkaas lagu sheegay. “in diirada la saaro ujeedooyinka la dagaalanka argigixisada, lana soo afjaro qorshayaasha lagu doonayo in lagu bedelo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS). Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen doorka muhiimka ah ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.” Ayuu sheegay Mathew Miller. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya muddo xiisad diblomaasiyadeed ay u dhaxaysay Soomaaliya Itoobbiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii is afagarad ee Somaliland Itoobbiya kala saxiixdeen sannadkan horraantiisii. Xiisaddaas ayaana gaadhay heer Soomaaliya, sida uu baahiyey La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta X (oo horey loo oran jiray Twitter) ee idaacadda maxaliga ah ee Goobjoog in dhammaadka bisha Diiseembar ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada wadan u dhaxeeya. Farriinta Maraykanka ayaana loo arkaa in ay daba socoto warka ah ka bixitaanka ciidammada Itoobbiya ee Sooomaaliya sida uu qabo Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawed. “Laba arrimood dartood ayaa ku keenay Maraykanka, midi waa heshiiskii Itoobbiya iyo Somaliland oo dawladda diidday in khilaafkas laga wada hadlo, maadaama khilaafyada lagu xilliyo in la wada hadlo oo sidaan u arko diblomaasiyad xumo ah iyo ta hadda dhalisay oo ah midda ay Soomaaliya tidhi waa in ittoobbya ciidamadeedu naga baxaan” ayuu qabaa Wasiir Axmed Ciise Cawed. Wasiir Cawed ayaana ku dooday in “Maraykanku ay rabaaan in ay xiisadddaas la qaboojiyo. Dhammaadka 2024 oo qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo hawlgalka kumeel gaarka ah ee ATMIS, ayaa waxa socda qorshe kale oo ciidamadaasi ku sii joogayaan sanad dheeraada, inkastoo magacooda iyo waajibaadkooduba wax iska badalayaan. Haseeyee ciidamada Itoobiya qayb kama sii ahaan doonaan hawlgalka cusub, sida uu sheegay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin Xuseen Macalin waxa kale oo uu sheegay in marka uu dhammaado xilliga ATMIS Diiseembar 2024, ay jiri doonaan illaa 12,000 oo askari oo qayb ka noqonaya hawgal cusub, kaas oo ay suurtagal noqon karto in ay qayb ka sii ahaadaan dawladdaha hadda ciidamadoodu joogaan marka laga reebo kuwa Itoobiya Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland kowdii Jannaayo si ay u hesho xeeb dhererkeedu dhan yahay 20-KM, ayaa Soomaaliya si weyn uga caraysiiyay, isla markaana xiisad weyn ka abuurtay gobolka. Marka laga soo tago eedeymaha iyo hadallada kulul ee soo noqnoqday ee ka soo yeeray Soomaaliya, waxay sidoo kale arrintan u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waqti sii horreeyay ayuu ahaa markii Soomaaliya xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Itoobiya, waxayna ku amartay safiirka Itoobiya iyo dublamaasiyiinta kale inay ka baxaan Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa sidoo kale lagu amray inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho. Dhawaan sida oo kale dawladdu Federaalku waxa ay amartay in la xidho qunsuliyaddii Itoobbiya ay ku lahayd Hargeysa, taas oo aan hirgelin. Itoobiya iyo Somaliland ayaa heshiiskii is-afgarad ee ay kala saxiixdeen waxaa la sheegay in loo bedeli doono heshiis wax ku ool ah muddo gaaban gudaheed. Si kastaba ha ahaatee, lix bilood ayaa ka soo wareegtay markii la saxiixay Heshiiska Is-afgaradka, ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin halka uu marayo iyo dhaqan-gelintiisaba. bbcsomali Qaran News
  5. Voters at a voting station in Galkayo in May 2023. Garowe (PP News Desk) — One week after Puntland President Said Abdullahi Deni had discussions with political parties, the Puntland Electoral Commission (PEC) today published an electoral schedule for the local government elections to be conducted in three remaining districts. PEC designated 23 July 2024 as the day to conduct local government elections in Garowe, Dangorayo, and Godobjiiraan. The electoral schedule includes consultations, a dispute arbitration process, selection of candidates and campaigning by political parties. The winning parties will form the district council for each district. These elections will remove one of the obstacles in Puntland’s democratisation process. The outcomes of the elections will finalise the process through which Puntland moved to representation based on political parties. It saddles the incumbent government with the responsibility to create a space for all political stakeholders to strike a credible and transparent balance between the work of MPs in Puntland State Parliament, who were elected by traditional elders, and the role of district councillors, who were voted in by citizens. The PEC electoral schedule published today. Decentralisation is a key component of the democratisation process in Puntland. Negotiations between the Puntland State Government and political parties will begin after the elections are concluded in the three districts. Some political parties have already started consultations with their members about proposals to reform the Puntland State Parliament. “Political parties do not want to be seen as a servant of Kaah, the political party of President Deni. No party can claim to be a ruling party because no presidential elections have been held in Puntland,” said a political commentator in Garowe. The role of the MPs in the new parliament alongside elected District Councillors representing parties is one of the constitutional hurdles that President Deni seeks to surmount. The political parties that have become a feature of Puntland politics limit the legislative capabilities of parliamentarians seen to be subservient to the executive branch of the government. In May 2023, Puntland conducted the second phase of local government elections, almost two years after the first pilot local government elections were held in Qardho, Ufayn, and Eyl. © Puntland Post, 2024 The post Puntland State to Conduct Elections in Three Remaining Districts appeared first on Puntland Post.
  6. Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Arimaha Caafimaadka & Nafaqada Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Nuur ayaa magaalada muqdisho kulan kula yeeshay madaxa xafiiska hay’adda UNOCHA ee Soomaaliya Mr Crispen Rukasha. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada xafiis iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka caafimaadka & Nafaqada Soomaaliya. Caafimaadka ayaa kamid ah adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada, kaas oo Soomaaliya hormar weyn ka sameysay sanadihii la soo dhaafay, inkastoo tayada aqooneed iyo qeymaha xarumaha qaarkood ay bukaanada ka qaadaan aad loo dhaliilo. Source: goobjoog.com
  7. Baidoa (HOL) - The Southwest regional state administration has opposed the federal government's plan to withdraw Ethiopian troops from the country by the end of 2024, when the AMIS mission officially ends in December. Source: Hiiraan Online
  8. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/VID-20240602-WA0014.mp4 Qaran News
  9. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Musharraxa madaxweynaha xisbiga mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hoyga guddoomiyaha kulan balaadhan kula qaatay dhalinyaro aqoonyahan iyo haween ka soo jeeda gobollada Togdheer, Sool iyo Saaxil ee beesha Maxamed Yonis ee East Burco Clan Waxgaradka beesha ayaa tilmaamay in ay kaalin weyn ka qaadanayaan dadaalka isbedel ee xisbiga WADDANI, islamarkaana codkooda iyo cududooda la barbar istaagayaan hoggaanka xisbiga si isbedel hoggaamineed dalka uga dhaco xisbiguna ugu guulaysto dooroshooyinka muddaysan Madaxda Xisbiga WADDANI ayaa si kal furan u soo dhaweeyay haldoorka beesha, islamarkaana uga mahadceliyay taageeradooda. Sidokale tilmaamay in ay xil weyn iska saari doonaan wax ka qabashada deegaannada beesha iyo horumarintooda. Qaran News
  10. Telefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad uu isu diiwaangeliyay inuu u tartamo doorashada madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacaysa 28-ka June, kadib geeridii madaxweynihii hore ee Iran Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed bishii hore. Ahmadinejad, oo horey uga tirsanaan jiray Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa markii ugu horreysay loo doortay Madaxweynaha Iran 2005-tii, isaga oo ka dibna xilka isaga dagay markii ay dhammaatay muddo xileedkiisii sannadkii 2013kii. Golaha Ilaalada ayaa ka mamnuucay inuu ka qeyb galo doorashadi 2017, sanad ka dib markii hoggaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei uu uga digay in ka qeygalist doorashada “aan ahayn mid ay ku jirto danta dalka iyo isagaba”. Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay labadooda kadib markii Axmadinejad uu si cad ugu dooday in la hubiyo awooda ugu dambaysa ee Khamenei. PUNTLAND POST The post Ahmadinejad oo mar kale uu isu diiwaangeliyay in uu u tartamo xilka Madaxweynaha Iran appeared first on Puntland Post.
  11. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/447630396_880311967154741_5472581651332126897_n.mp4 Qaran News
  12. Hanti-dhowraha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa Muqdisho ka furay shirweynaha xafiisyada Hantidhowrka heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Hanti-dhowraha ayaa sheegay in qabsoomidda shirka muddo laga shaqaynayay, islamarkaana ay tahay markii ugu horeysay ee oo xaafiisyada Hanti-dhowrka qaranka iyo kuwa dowlad gobolleedyadu ay kulan noocaan ah isugu yimaadaan. Shirka ayaa diiradda lagu saarayay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen labada dhinac, islamarkaana wax u wada qaban lahaayeen, isagoo xusay inuu kulankani yahay furdad ay ku kala war qaadan doonaan. Xaafiiska Hanti-dhowrka ayaa muhiim u ah isla xisaabtanka Maaliyadda, ka hortagga musuqa iyo lunshaha xoolaha dadweynaha, islamarkaana daba-gal joogto ah ku sameeya dhaqdhaaqa miisaaniyadda dalka. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  13. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Kuuriyada Koonfureed, halkaas oo uu uga qeyb-gali doono shir madaxeedka Jamhuuriyadda Kuuriyada Koofureed iyo dalalka Afrika, oo 4-taIlaa iyo 5-ta bishan ka furmaya magaalada Seoul. Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo warbaahinta uga warramay shir madaxeedka 2024 ee Kuuriyada Koofureed iyo Afrika, ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka qaaradda Afrika iyo dalka Kuuriyada Koonfureed oo in ka badan 50 soo jirey. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laga wada hadli doono sameynta iskaashiga labada dhinac dhex mara oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, kaabeyaasha, farsamada, iyo Teknolojiyada. Isbadelka cimilada, cunto yarida, iyo dhibaatooyinka caafimaadka ayaa sidoo kale laga wada xaajoon doonaa inta uu shirku socdo, ayadoo Afrika ay doonayso in laga taageero warshado soo saara kheyraadka dhex ceegaaga. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu shirka ka jeedin doono khodbad uu kaga hadlayo hormarrada iyo guulaha ay Soomaaliya ka samaysay dib u dhiska dowladnimada, nabad-galyada,iyo kobcinta dhaqaalaha. Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee dhex mara qaaradda Afrika iyo dalkan kamid ah kuwa ugu sareeya dunida dhaqaalaha iyo Teknoolojiyadda ku hormartay ayaa la filayaa in heshiisyo kala duwan lagu kala saxiixan doono. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  14. Oodweyne (Qaran news)- Waftigii uu hogaaminaayay gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye ee ku sugnaa magaaldda Burco ayaa saaka u jarmaaday magaaladda Oodweyne ee xarunta gobolka Daad madheedh. Waftiga Samaale oo ku fashilmay in uu hanta quluubta beesha bariga Burco ayaa magaaladda Oodweyne u tagay in uu xilka u kala wareejiyo maayarka cusub ee Oodweyne iyo kii hore oo maanta xilka loo kala wareejinaayo. Fadeexda ugu weyni waxa ay maanta tahay in dadkii xaflada xil wareejinta ka sacabin lahaa ama ka mushxaradi lahaa baabuur lagaga soo guray deegaanka Sheekh ee gobolka Saaxil arinkaasi oo ay xukuumaddu ka hawl gashay. Waxa iyana saaka dhanka Hargeysa ka anbabaxay wasiir Siciid Sulub iyo wasiur Shugri Bandaro kuwaasi oo uu madaxweyne Muuse Biixi uu ku xoojiyay in ay garab siiyaan waftiga Cabdicasiis Samaale oo la sheegay in ay iyagu socon doonaan oo tagi doonaan magaaladda Ceerigaabo iyo deegaanada hoos yimaada halkaasi oo la sheegay in ay dib u furi doonaan xafiisyadii Kulmiye oo iska xidhnaa 7 sanadood ee ugu danbaysyba. La soco wixii warar ah ee ka soo kordha waftigani. Qaran News
  15. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u amba-baxay magaalada Seoul ee caasimadda Koonfur Kuuriya. Ra’iisul wasaare Xamse iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Seoul kaga qayb galaya Shir-madaxeedka jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo dalalka Afrika kaasi oo qabsoomaya inta u dhexaysa 4 ilaa 5 bishan Juun. Af-hayeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka warbixiyay safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Shirka Seoul looga hadli doono xoojinta xiriirka Afrika iyo jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya. Farxaan Jimcaale ayaa sheegay in sidoo kale Shirka looga hadli doono iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo Kaabayaasha dhaqaalaha ee u dhexeeya dalalka Afrika iyo dalka Kuuriyada Koonfureed ee marti-gelinaysa Shirkaasi. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Shir kaga qayb galaya dalka Koonfur Kuuriya appeared first on Puntland Post.
  16. Xisbiga ANC ee uu mar hogaaminayey Nelson Mandela ayaa la kulmay natiijadii ugu xumayd ee doorashada tan iyo markii uu dhamaaday midab-takoorkii Koonfur Afrika, 30 sanno ka hor. Natiijooyinka doorashada degmooyinka ee 99% ayaa lagu dhawaaqay in ANC ay heshay 40%.Tani waa hoos u dhac aad u daran tan iyo doorashadii hore oo ay ANC heshay 57% Natiijada Doorshada ayaa macneheedu yahay inay awoodda la wadaagto hal xisbi ama dhawr xisbi. Hogaamiyayaasha ANC ayaa isku diyaarinaya wadahadalo isbahaysi oo adag. Xisbiga midigta dhexe ee Democratic Alliance (DA) ayaa weli ah xisbiga labaad ee ugu weyn isagoo helay 22%. Xisbiga cusub ee MK oo uu hogaamiyo madaxweynihii hore Jacob Zuma ayaa ku jira kaalinta saddexaad isagoo helay 15%. Waxa uu beddelay xisbiga xagjirka ah ee EFF oo saamigoodu hoos ugu dhacay 9%. Saami qaybsiga kuraasta Golaha Shacbiga oo ka kooban 400 oo xubnood ayaa ku saleysnaan doonta saamiga codadka la kala helay, Source
  17. Sawir AI ama macmal ah oo muujinaya xeryo teendho ah oo Falastiiniyiin ah oo barakacayaal ay ku suganyihiin iyo hal-ku-dhigga ‘Indhaha oo dhan waxa ay kusii jeedaan Rafax ayaa si weyn u dhex socda baraha bulshada. Sawirka waxaa la isticmaalay in ka badan 47 milyan oo jeer kuwaas oo ahaa isticmaaleyaasha Instagram oo ay ku jiraan dadka caanka ah sida Dua Lipa, Lewis Hamilton iyo Gigi iyo Bella Hadid iyo ciyaartoyda kubadda cagta qaarkood. Muuqaalka iyo halku-dhigga ayaa noqday mid faafa ah ka dib markii ay Israa’iil duqaymo ka geysatay xero ay ku nool yihiin dad Falastiiniyiin ah oo ku barakacay magaalada Rafax ee koonfurta Qasa horaantii toddobaadkan. Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in ugu yaraan 45 qof ay ku dhinteen duqaymahaas boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen. Israa’iil waxay sheegtay inay beegsatay laba taliye oo Xamaas ah, waxaana laga yaabaa in dab khasaare badan dhaliyay uu ka dhashay qarax labaad. Waxaa jirtay cambaareyn caalami ah oo si weyn loo cambaareeyay weerarka Israa’iil. Dhacdadan ka dib, sawirka ayaa noqday mid si weyn loo arkayo ka dib markii nin dhalinyaro ah oo ku nool Malaysia uu soo dhigay bartiisa bulshada, BBC Arabic ayaa ogaatay. Haddaba sidee buu sawirkani ku yimid? Halkee buu ka bilaabmay hal-ku-dhegga indhaha oo dhan waxa ay ku jeedaan Rafax? Dhacdadii dhimashada lahayd ee horraantii toddobaadkan ka dhacday Rafah ayaa horseeday in dadku soo dhejiyaan muuqaallada Richard Peeperkorn, oo ah wakiilka Ururka Caafimaadka Adduunka ee dhulka la haysto ee Falastiin, isagoo hadlaya bishii Febraayo. Wuxuu u sheegay saxafiyiinta xilligaas in “indhaha oo dhan ay ku wajahan yihiin Rafah”, isagoo ka digay ciidamada Israa’iil ee weeraray magaalada. Source
  18. Lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Macallin oo dhowaan marti ku ahaa dood-wadaag ay warbaahinta goobjoog qabatay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in gabi ahaan Ciidanka Itoobiya ay dalka ka baxaan bisha September ee sanadkan. “Ciidanka Itoobiya ma sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya dalka Soomaaliya, dowladduna go’aan culus ayay ka gaartay ” ayuu Xuseen Macallin asagoo ka warcelinaya weydiimo arrintan la xariiray oo la hor dhigay. Go’aanka dawladda Soomaaliya ayaa salka ku haya muranka labada dal u dhexeeya ee ka dhashay damacii ay Itoobiya ku doonaysay inay qaadato qeyb kamida badda Soomaaliya, ka dib markii ay heshiis aan hirgelintiisa lagu guuleysan la gashay Soomaaliland. Tan iyo bishii January markii uu maamulka Abii Axmed is afgarad uu bad ku doonayo la galay Muuse Biixi waxay dowladda Soomaaliya wadday dadaal aan loo kala harin oo arrintaa meel ka dhaca ku ah qaranimada dalka looga hortagayo, waxayna ku guulaysatay in damacaasi uu dhicisoobo ka dib markii dalalka dunida oo dhami ay ka soo horjeesteen, Itoobiyana ay gashay go’doon diblumaasiyadeed. Haddaba ayadoo ay jirto in Soomaaliya ay si buuxda baddeeda u difaacatay, is afgaradkii Muuse Biixi iyo Abii Axmedna uu Mira-dhal noqan waayay ayaa haddana waxaa taagnayd dood ku saabsan joogitaanka Ciidanka Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, dad badan ayaana shaki galinayay sida dowladda ay militarigeedu qeybo badan oo dhulkaaga kamida maamulaan, qeybo kale looga difaaci karo. Sidoo xeeldheereyaal badan ayaa qabay in ciidankaasi ay kamid yihiin caqabaha guud ee haysta dib u dhiska dowladnimada iyo midnimada dalka, balse haddii uu qorshahani guulaysto intaas iyo hagardaamooyin kaloo Itoobiya wadayba xal baa loo helayaa sida ay khubaradu sheegayaan. Ciidanka Itoobiya oo isugu jira kuwa howl-galka ATMIS ka tirsan iyo kuwo ka madax-bannaan ayaa hadda ku sugan deegaanno kamida Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo Jubbaland, ayagoo halkaas ka geystay dhibaatooyin bulshadu ka sheegatay iyo xadgudubyo ka dhan ah madax-bannaanida dalka. Source: goobjoog.com
  19. Mogadishu (HOL) - Somalia's Deputy Minister of Information, Abdirahman Yusuf Al-Addala, reported that Friday's U.S. airstrike in Puntland killed three ISIS militants and destroyed the group's army camps in Af Cas village, located 80 km southeast of Bosaso town. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) - Somali Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Ahmed Moalim Fiqi met with his Chinese counterpart, Wang Yi, in Beijing to discuss enhancing bilateral relations between the two nations. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud spoke by phone on Saturday with U.S. Secretary of State Antony Blinken about bilateral relations between the two countries. Source: Hiiraan Online
  22. Minneapolis (HOL) — Mustafa Ahmed Mohamed has been identified by the Hennepin County Medical Examiner's office as the suspect in Thursday's south Minneapolis mass shooting and ambush that left Officer Jamal Mitchell dead. Mohamed, who had a history of violent crime and was wanted on several warrants, was killed in a shootout with police following the ambush. Source: Hiiraan Online
  23. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/447166732_1189967362205182_3976546552882850496_n.mp4 Qaran News
  24. In an explosion of gold and silver confetti, Real Madrid held aloft the Champions League trophy for a record-extending 15th time on Saturday. Source: Hiiraan Online