Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xarunta shirku ka furmayo wasaaradda maaliyadda Puntland Madaxweynayaasha saddexda dowlad goboleed ee Jubaland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa goor dhow imaanaya magaalada Garoowe oo uu maanta ka furmayo shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka. Madaxweynayaasha Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa hal diyaarad ka soo wada-raacay magaalada Baydhabo,halkaasoo uu saaka gaaray Axmed Madoobe oo ka soo amba-baxay Kismaayo. Labada madaxweyne Axmed Madoobe iyo Shariif Xassan oo hal diyaarad siddo ayaa haatan laga sugayaa garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir Hamaan. Dhinaca kale madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa saaka safar dhulka ah kaga soo baxay magaaalada Gaalkacyo isagoo ku soo wajahan dhinaca caasimadda Garoowe. Shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka oo gelinka dambe ee maanta ka furmaya xarunta wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe ayaa waxaan gebi ahaanba ka qeyb geli doonin madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare. Mudane Waare oo hore u ahaa guddoomiye ku xigeenka golaha islaashiga dowlad goboleedyada ayaa golaha laga saaray kadib markii uu shaaciyay in uu la heshiiyay dowladda Federaalka Soomaaliya oo khilaaf kala dhexeeyo madaxda dowlad goboleedyada. Ugu dambeynti, weli si rasmi ah looma shaacin qodobada looga hadlayo shirka madasha iskaashiga dowlad goboleedyada oo ku soo aaday,xilli khilaaf kala dhexeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana qaar kamid ah dowlad goboleedyada doorashooyin ku soo fool leeyihiin. PUNTLAND POST The post Shirka GID oo maanta Garoowe ka furmaya appeared first on Puntland Post.
  2. Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa waxay sheegayaan in gadood ay sameeyeen ciidamada Ilaalada madaxtooyada magaaladaasi, iyaga oo xiray waddooyin muhiim ah. Ciidamadan ayaa ka cabanaya mushaar aanay qaadan 7-dii bil ee lasoo dhaafay, waxaana ay sheegeen in aanay shaqo jiri doonin, inta ay ka helayaan lacagahooda. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ay xireen wadadii aadeysay dhanka madaxtooytada iyo sidoo kale dhanka xarumaha dowladda (wasaaradaha), waxaana loo diidey cid walbo oo shacab ama mas’uul ah iney aaddo. Waxaa socda dedaal ballaaran oo ay wadaan waxgaradka iyo saraakiisha ciidamada Puntland oo ay ku doonayaan iney ku qanciyaan askartan gadoodsan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Villa Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay sameyn doonta wax loo arko qamaarkoodii ugu xumaa ee siyaasada 19bilood ee ay xafiiska joogeen, iyagoo weerar hal-afle ah ku qaadaya Koonfur Galbeed. Laakiin magaca qofka ay rabaan iney tijaabiyaan ayaan macno badan sameyn doonin waana sababta loogu sifeynaayo qamaar siyaasadeedkii ugu xumaa ee Farmaajo iyo Kheyre. Xuseen Cusmaan Xuseen oo dhowaan iska casilay xilkii taliyaha NISA ayaa la aaminsan yahay in madaxweyne Farmaajo lagu qancinaayo inuu taageero maaliyadeed siiyo si uu ugu tartamo madaxdtinimada maamulka Koonfur Galbeed, doorashada dhici doonta 17ka bisha soo aadan. Lama hubo in Farmaajo bixin doono taageero maaliyadeed laakiin waxaa la aaminsan yahay in saaxiibada kale ee Villa Soomaaliya ay rabaan iney Xuseen ka dhigtaan qorshahooda koowaad ee Koonfur Galbeed. Xuseen Uurkuus oo la sheego inuusan wax taageero ah ka heysan beeshiisa Galadi iskaba dhaaf beelaha kale, ayaa dadka qaar ku talinayaan in aaney Villa Soomaaliya isku haleyn oo ay ka fakaraan musharax kale, waana arrinta wali caga-jiidka ku rideysa madaxweyne Farmaajo. Xuseen Cusmaan ayaa lagu eedeya inuu Toddobo bilood ku bur buriyay ciidankii ugu xooganaa ee ay Soomaaliya dhisato bur burkii kadib oo ah NISA, tani waxaa ay dhaawacday CV-giisa siyaasadeed waxaana ay dhibco badan ka lumin doonta xiliga doorashada Koonfur Galbeed. Waxaa socota dood xoogan oo ku saabsan mustaqbalka Koonfur Galbeed, Maxamed Nuur Abdullahi oo Jaamacada Nairobi ka bartay siyaasadda kana soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa aamisan in labadda qof ee ugu macquulsan iney badalaan Shariif Xasan in uusan ku jirin Xuseen Cusmaan wuxuuna u sababeeyay inuu yahay siyaasi daamaci ah oo xitaa meel cidlo ah uga tagi kara Koonfur Galbeed hadii uu fursad kale arko. “Shacabka Koonfur Galbeed waxey ka fakarayaan inuu sanadkaan isbadal dhaco, waxey rabaan iney ka baxaan gacanta siyaasi ganacsi u arka siyaasadada waana niyad jab iney gacanta u galaan siyaasi kale oo isna siyaasada ganacsi u yaqaana ayuu yiri Maxamed Nuur Abdullahi oo si kale u qaxeeyay mudane Xuseen Cusmaan Xuseen. Waxaa jira dadbadan oo usoo jeediyay Xuseen Uurkuus inuusan is sharaxin oo uu arrinkaas ka gaabsado, iyagoo u sababeynaya iney adag tahay inuu codad ku filan helo marka la eego aragtida ay ka heystaan reer Koonfur Galbeed , lama hubo inuu taladaas aqbalay balse ilo muhiim ah ayaa xaqiijinaya inuu ka fakaraayo talooyinkaas. Marka dib loo aqriyo taariikhdiisa siyaasadeed oo kasoo bilaabata 2004 ,waxaa muuqanaya inuu yahay qof aan meelna ku nagaanin, tani waxey ku qasbi kartaa Villa Soomaaliya iney musharax kale diyaariyaan ama iney labo musharax ku duulaan tagaan. W/Q: Mohamed Ali Adan Falanqeeye-Siyaasadeed London-UK Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Addis Ababa (Caasimada Online)-Abiy Ahmed Ali ayaa sheegay inuu 7 maalin joogo Xafiiskiisa, iska markaana uu bishiiba mushaar u qaato 300 oo Dollarka Maraykanka. Hadalkaasi ayuu ka sheegay Qasriga Menelik Palace ee Addis Ababa, xilli uu wareysi siinayey Wargeyska The African Exponent. Waxa kale oo uu sheegay inuu Xafiiska RW joogi doono 2 Xilli Doorasho, kadina ka degi doono Talada. Waxa uu tilmaamay inuu Ku dheganaan doonin Madaxtinimada sida Madaxweynayaasha Sudan iyo Uganda ee muddada dheer haya Talada. RW Ethiopia waxa uu xusay inay 20 sanno halgan ugu jireen sidii dalkiisa loogu soo dabaali lahaa Dimuqraadiyada, wuxuuna ku faanay inuu yahay Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee booqasho kormeer ah Ku soo mara kala-bar magaallooyinka ku yaalla Goballada Ethiopia. Si kastaba ha ahaatee, waxa Wareysigiisa iiga baxay inuusan ahayn Mas’uul musuq-maasaq iyo inuu tahay Hoggaamiye Ku qanacsan mushaarkiisa 300 Dollar iyo inuu ka iimaan fiican yahay Madaxda kale ee mushaar ahaan bishii u qaata in ka badan 20,000 oo Dollar. Bal maleey mushaarka Madaxdeenna ee xad-dhaafka ah, iyadoo ay welibana u dheer tahay inay adeegsadaan Kharashaad kale oo ka baxsan mushaarka iyo gunada. W\Q. Ustaad Nuuradiin Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  5. Garoowe (Caasimadda Online ) – Shirka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada dalka oo saacadaha soo socda shir uga furmi doona Garowe Gaar ahaan Hoolka Shirarka Wasaaradda Maaliyadda Puntaland. Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa wali kuguda jira qaban qaabada goobta uu shirku ka dhacayo iyadoo la filaayo in ay madaxada Maamul Goboleedyadu gaaraan Caasimadda Puntland ee Garoowe Shirka Garowe oo la filayay inuu dhaco 10-ka bishan ayaa arrimo farsamo dib ugu dhacay, waxaana shirkan la sheegay in looga tashanayo aayaha dalka iyo xaalada uu dalku marayo. Wararka ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada ee shirka ka qeyb galaya ay gelinka dambe ee maanta tagi doonaan Garowe. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan Gaalkacyo ayaa la filayaa in safar dhinaca dhulka ah ku tago magaalada Garowe. Sidoo kale Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa iyana diyaarad ku tagi doona Garowe. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la fileyn inuu ka qeyb galo shirkan, maadaama uu horay uga baxay go’aankii Maamul goboleedyada ku gaareen shirkii Kismaayo bishii hore ee September, kaasoo ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka. Shirka Maamul goboleedyada ku yeelanayaan Garowe ayaa ku soo aaday xilli kala guur ah oo qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada uu muddo xileedkooda yahay mid gabogabo ah, sida Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo ku soo fool leh doorasho bisha soo socoto, sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa isna waxaa xilka uga haray muddo 80 cisho ah. Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ah mid sii xoogeysanayay, tan iyo markii maamul goboleedyada ay hakiyeen wada shaqeyntii Federaalka, waxaana baaqday shir uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo oo lagu xalin lahaa tabashada ay qabeen maamul goboleedyada. Shirka Maamul Goboleedyada ayaa bilaaban doono maanta oo ah 20 Bisha October wuxuuna socon doonaa ilaa 23 Bishaan sida ku cad boorarka lagu dhajiyey howlka uu ka dhici doono shirka
  6. Jigjiga (CaasimadaOnline)-Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar), ayaa mar kale ku celshay in uusan lug ku laheyn arrimaha loo xiray Madaxweynihii hore Cabdi Cumar (Cabdi Iley). Mustafe Cagjar, waxa uu sheegay inay jiraan Odayaal kala duwan oo kala hadlay kiiska Cabdi Cumar, hase yeeshee uu si waliba ugu cadeeyay in aysan u furneyn faragalinta kiiska xariga Cabdi Cumar. “Odayaasha kiiska Cabdi Cumar ha kala hadlaan xeer Ilaalinta, horay waxaa arrintaan isaga fogeeyay Ra’isul wasaare Abiy oo sheegay in sharciga ay u taalo howsha Cabdi Cumar hadii ay arrintu sidaa tahay anigu iima furna inaan faragaliyo” “Cabdi Cumar waa loo hayaa cadeyno in danbiyo uu galay waa in kiiskiisa loo madaxbaneeya Maxkamada si loo soo xiro kiska uga furan dalk” “Dadku maaha inay dhahaan Cabdi Cumar danbi ma galin waxaa fiican in wax aan la hubin loo dhaafaa Maxkamada cid been lagu qabsanaayo ma jirto” Cagjar, oo u muuqda mid ka meermeeraya waxyaabo badan ayaa yiri “Waxaa laga yaaba in kiiska Cabdi Cumar uu qaato sanado badan waayo kiis Maxkamadeed wakhti gaara uma go’na” Cagjar, waxa uu carab ***** mar uu hooygiisa ku qaabilay Odayaal ka socday dhanka Madaxweynihii hore Cabdi Cumar in arrinta maxbuuska qudhiisa uusan ka helin macluumaad rasmi ah, waxa uuna suuragal ka dhigay inuu ku dhaco xukun. Sidoo kale, Cagjar oo muujinaya qancinta Odayaasha siyaabaha kala duwan ugala hadlaya arrinta Cabdi Iley ayaa ballanqaaday inuu ka shaqeynayo sidii uu kuwada kulmin lahaa Odayaasha iyo Ra’isul wasaaraha. Haddalka Cagjar, ayaa kusoo beegmaya xili uu wali taagan yahay walaaca ka dhashay xariga Cabdi Cumar, waxaana aad loo saadalinayaa inuu ku dhici doono xukun. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Ciidanka madaxtooyada Puntland oo saaka mushahar la’aan u gadooday ayaa haatan dib u furay wadada muhiimka ah ee isku’xidha xarumaha dowladda iyo Garoowe inteeda kale,halkaasoo ay subaxnimadii la wareegeen. Ilo’xo-ogaal ah oo Puntland Post la hadlay ayaa xaqiijiyay in saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka gadooday uu madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Camey ku qancisay in qeyb kamid ah mushaharkoodii si deg deg ah loo siinayo. Wadada u baxda dhinaca madaxtooyada iyo inta badan xarumaha dowladda ee buurta ayaa hadda si caadi ah ku soo laabatay kadib mudda ku dhow saddex saacadood oo ay u xidhnayd ciidanka gadooday. Dhinaca kale gadoodka ciidankan ayaa ku soo aaday xilli maanta magaalada Garoowe ay ku soo wajahan yihiin madaxda dowlad goboleedyada Jubaland Galmudug iyo Koonfur Galbeed kuwaasoo ka qeyb galaya shirka madasha iskaashiga dowlad goboleedyada oo Garoowe ka furmaya. PUNTLAND POST The post Ciidankii gadooday oo la qanciyay appeared first on Puntland Post.
  8. Xeer-ilaaliyaha Sacuudiga ayaa sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan inuu Jamal Khashoggi ku dhintay dagaal ka dhacay qunsuliyadda dhex-dhexdeeda. “Dooddii dhex martay muwaadinka Jamal Khashoggi iyo kooxdii joogtay qunsuliyadda, waxaa ka dhashay dagaal gacmaha la iskula tagay, taas oo keentay geeridiisa” ayuu raaciyey xeer-ilaaliyaha. Jamal Khashoggi, ayaa markii ugu dambeysay ee la arko waxaa ay aheyd October 12, 2018, Sacuudiga wixii markii hore waa inkiray dilka, iyaga oo sheegay inuu qunsuliyadda lugahiisa uga baxay. Jamal Khashoggi, waxaa uu qoraa ka tirsan Washington Post, waxaa uu sidoo kale horay u soo noqday madaxa iyo tifaftiraha guud Al-carabiya. Dhinaca kale, boqorka Sacuudiga ayaa shaqadii ka diray ku-xigeenka sirdoonka dalkaasi Axmed Casiri, iyada oo guddi heer wasiir ah loo saaray sidii isbadal loogu sameyn lahaa wakaaladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Dowlada Sacuudiga ayaa xilka ka qaaday ku-xogeenka madaxa Sirdoonka iyo Saraakiil kale oo shaqada laga eryay. Xil ka qaadista ku-xigeenka Madaxa Sirdoonka iyo eryinta Saraakiisha kale ayaa dhacday waaberigii hore ee maanta oo Sabti ah, sida uu qoray Wargeyska the Washington Post . Saraakiisha shaqada laga eryay oo gaaraya 5 Sarkaal ayaa waxaa kamid ah Ku-xigeenkii Madaxda Sirdoonka dalkaasi, S/gaas Axmed Al-assiri iyo Sacad Al-qaxtaani oo ahaa La-taliyihii Dhaxal-sugaha Sacuudiga. Qoraal kusoo baxay Wargeyska the Washington Post ayaa maanta lagu sheegay xil ka qaadista ku-xigeenka Sirdoonka iyo Ertinta Saraakiisha kale. Waxa uu sidoo kale Wargeysku qoray in dowlada Sacuudiga ay xirtay 18 Sarkaal oo iyaguna lala xiriirinaayo kiiska dilka Jamaal Khashoggi waxaana lasoo sheegayaa in lasoo taagi doono Sharciga. Dowlada Sacuudiga waxa ay sheegtay in baaritaano gaara ay marin doonto Saraakiisha la eryay iyo kuwa u xiran kiiska dilka Khashoggi. Sidoo kale, dowlada Sacuudiga ayaa lagu wadaa inay soo saarto liis hor leh oo ku saabsan arrinta shakhsiyaadka loo aaneynaayo dilka Khashoggi. Dhaxalsugaha Sacuudiga Bin Salmaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay loo aaneynaayay dilka Khashoggi, waxaana wali jira tuhun muujinaaya in dilka uu isaga ka danbeeyay balse uu Saraakiishaasi ku tirtiraayo. Sacuudigu ma uusan wali sheegin in Ku-xigeenkii Madaxda Sirdoonka dalkaasi, S/gaas Axmed Al-assiri maxkamad loo soo taagi doono kiiska dilka Jamaal Khashoggi iyo inkale. Dhinaca kale, dowladaha reer galbeedka ee arrintani isha ku hayay ayaan wali ka hadal go’aanka uu Bin Salmaan kiiska dusha uga saarayo Saraakiisha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradiisu ay gacanta ku dhigi doonto dhammaan xarumaha waxbarashada. Wasiir Goodax, waxa uu sheegay in dowlada Somalia qorshaheeda uu yahay in dhawaan ay la wareegto 24 Iskuul oo ku yalla Magalada Muqdisho. Waxa uu Wasiirku sheegay in Iskuulada uu sheegay ay yihiin kuwo dhamaantooda ay leedahay dowlada Somalia, isla markaana la doonaayo in dib loogu soo celsho gacanta dowlada. Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale uu jiro qorsho Dowladda kula wareegeyso Iskuulada dowladda ee ku yaalla deegaanada Dowlad Goboleedyada. Wuxuu tilmaamay Wasiirka inay jiran wadahadallo u socda dowlada iyo maamul Goboleedyada ka jira dalka oo ku aadan sidii ay uga caawin lahaayeen inay la wareegaan Iskuuladaas. Sidoo kale, Goodax ayaa ballanqaaday in mudada uu heyn doono xilka uu sameyn doono talaabooyin hormar leh oo taariikhda u gali doonta Somalia. Waxaa suuragal ah in dowlada Somalia ay caqabado kala kulanto la wareegida dhismayaasha iskuulada oo qaarkood ay iminka degan yihiin dad shacab ah. Haddalka Goodax, ayaa imaanaya xili maalmihii u dambeeyay uu sheegayay in Xukuumadda Soomalaiya ay qorsheyneyso tayeynta tacliinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Bosaso (Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa la wareegay qeybo kamid ah Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland. Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan kasoo foodsaartay dhanka maamulka waxa ayna xireen dhammaan isu socodka gaadiidka. Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa xiray Wadooyinka aada Madaxtooyada iyo Wasaarddaha ee magaalada Garowe waxa ayna qaarkood dhigeen dhagxaan waaweyn iyo biro. Waxay Ciidanku celinayaan gaadiidka iyo dadkii halkaasi mari lahaa waxa ayna saameysay shaqooyinkii ka socday Xafiisyada loo maro wadooyinkaasi. Ciidamada ayaa qaarkood waxa ay sheegen in mudo 7 bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, isla markaana ay u baahan yihiin mushaarkooda. Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka xasilinta gobolka Nugaal Muxyadiin Axmed Muuse iyo Saraakiil kale ayaa waddo dadaallo Ciidanka looga wareejinaayo wadada,maadaama Maanta lagu waddo in ay gaaraan Magaalada Garowe Madax ka socota maamul goboleedyadda. Si kastaba ha ahaatee Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa ku caan baxay Sanadyadii lasoo dhaafay markii ay mushaarka waayaan bilooyin in ay xoog kula wareegaan xarumaha maamulka. Caasimada Online Xafiiska Bosaso Caasimada@live.com
  12. Ciidanka madaxtooyada Puntland oo ka gadooday mushahar la’aan ayaa saaka goostay wadada laamiga ah ee aadda dhinaca wasaaradaha iyo madaxtooyada Garoowe. Dadweynaha magaalada Garoowe ayaa ku waaberiistay ciidan hubaysan oo gaadiidka celinaya kuna amraya in aysan isticmaali karin laamiga u baxa dhinaca wasaaradaha iyo madaxtooyada. Saraakiil ka tirsan ciidanka madaxtooyada oo la hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in wax mushahar ah qaadan mudda 7 bilood ah,islamarkaana ballanqaadyo loo sameeyay in ay lacagtooda heli doonaan aysan waxba ka hirgelin. Saraakiishu waxay intaas raaciyeen in ciidanka madaxtooyada Puntland ay tan iyo bilowgii sannadkaan ilaa saddex jeer mushahar la’aan u gadoodeen,balse mar walba ballan-qaadyo loo sameynayay welina haysan helin xuquuqdooda. Wixii ka soo kordha kala soco:Puntland Post The post Garoowe: Ciidan gadooday oo diiday in loo gudbo dhinaca madaxtooyada appeared first on Puntland Post.
  13. Koox la sheegay iney ahaayeen Burcad Badeed Soomaali ah ayaa ku guul darreystay iney qafaashaan markab laga leeyahay Hong Kong, kaasi oo marayey meel ku dhow biyaha Soomaaliya. Rag dhallinyaro ah oo watey doon dheereysa islamarkaana haystay qoryaha AK-47 ayaa la xaqiijiyey in Arbacadii aynu kasoo gudubney weerar ku qaadeen Markabkaan, balse ay la kulmeen iska caabin. Markabkan ayaa marayey meel 340 nautical miles u jirta Magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyey iney badbaadeen shaqaalaha iyo dhammaan agabkii saarnaa markabkaasi. IMB oo la socota dhaq-dhaqaaqyada Burcadda Badda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in markabkan uu galay halis weyn, balse ugu dambeyn iska caabin ay sameeyeen ciidankii saarnaa ay ku guuleysteen iney badbaadiyaan markabkaasi. Dhanka kale, saraakiisha midowga Yurub ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in lagu guuldarreystay in la qabto burcaddii weerarkaasi ka dambeysay. Waa weerarkii Labaad oo sanadkaan ka dhaca xeebaha dalka oo ay Buracadda badaha ku qaadaan Maraakiib islamarkaana guul darreysta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. The Red Sea state of Eritrea may play a key role in DP World Ltd.’s plans in the Horn of Africa, where a dozen ports could be needed to service the region, Chief Executive Officer Sultan Ahmed bin Sulayem said. Source: Hiiraan Online
  15. The government of Ethiopia should commit to undertaking criminal investigations and prosecutions following many years of rights abuses in Jail Ogaden, a detention facility in eastern Ethiopia’s Somali region, Human Rights Watch said today. Source: Hiiraan Online
  16. The expansion of the Somaliland’s port of Berbera is brewing tension between the Somaliland government and Somalia over the ownership of the territory. Source: Hiiraan Online
  17. At the recently concluded Somalia’s first Information and Communications (ICT) exhibition, Somalia’s country-code top-level domain (dotSO) launched the (.me.so) domain for the first time by giving out free domains to students and authors to promote blogging within the young people. Source: Hiiraan Online
  18. For the second time in 2018, pirates based from Somalia attacked a foreign flagged vessel off the coast of Africa. Source: Hiiraan Online
  19. Dowlada wadanka Sucuudiga ayaa qiratay dilkii loo geeystay saxafigii caanka ahaa ee u dhashay dalkaasi sucuudiga oo lagu magacaabi jiray Jamaal Khaashuqji. War ay qortay wakaalada wararka ee sucuudiga ayeey ku sheegtay in dilkaasi uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay isaga iyo ilaalada Qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul. Suxifigaan oo in badan la baadigoobayay ayeey ugu dambeeyntii sucuudiga uu qirtay in ciidamadiisu ay dileen. Dhinaca kale Sucuudiga ayaa sheegay in ay 18 qof oo kamid ah saraakiil sar sare arintaasi loo xeray. Sucuudiga ayaa la kulmaya cadaadisyo badan oo kaga imaanaya wadamada reer Galbeedka oo ka xumaaday dilka wariye Jamaal Khaashuqji. Wadamada dunida ayaa lagu wadaa ina ay maanta war ka soo saaraan sheegashada Sucuudiga uu sheegtay dilka wariyaha. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dowlada Sucuudiga oo Qiratay Dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji appeared first on Puntland Post.
  20. Residents living along River Tana were told on Friday to prepare for possible floods in coming days. Source: Hiiraan Online
  21. Booliska dalka Itoobiya ayaa maxkamadda Sare ee Itoobiya oo gacanta ku hayso dacwadda Madaxweynihi hore ee Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ku wargeliyey inuu isku dayay xabsiga inuu ka baxsado. Warkan oo aan ka soo xigannay Bogga FBC ayaa wuxuu sheegayaa Cabdi Maxamuud Cumar oo lagu soo eedeeyey rabshadihii 5-ta maalmood ka dhacay Magaalada Jigjiga oo ay dad badanna ku dhinteen hanti badanna ay ku burburtay inuu isaga ka dambeeyey ayay booliska Federaalka Itoobiya gacanta ku soo dhigeen. Haddaba Cabdi Maxamuud Cumar oo maanta ka muddeysnaa Maxkamadda sare ee Fedeeraalka Itoobiya oo maxkamadda la horkeenay ayaa waxay Boolisku sheegeen iyada oo amnigiisa iyo caafimaadkiisa loogu daneynayo in cabdi lagu xiray xabsi ku dhex yaalla xaruunta booliska. Hase ahaatee, Cabdi wuxuu soo jabiyey muraayadda daaqadda qolka uu ku jiray wuxuuna cunaha ku dhagay mid ka mid ah askarta ilaalada uga jirtay qolka uu ku xirnaa isaga oo tillaabadaasi uu qaaday uga dan lahaa inuu xabsiga sidaa uu kaga baxsado. Cabdi Maxamuud Cumar eedda iskudayga ka baxsashada xabsiga ee ay boolisku u soo jeediyeen mar ay maxkamadda wax ka weydiisay ayaa wuxuu ku jawaabay “inuusan falkaasi sameeynin eedduna ay tahay mid sumcaddiisa lagu waxyeelleynayo isla markaana lagu doonayo in jirdilkiisa lagu banneysto”. Wuxuuna intaa ku daray “Waxa laga sheegay iney been tahay shaqsi ahaanna cadaadis aad u weyn lagu hayo. Xabsi aan munaasab ahayna lagu xiray, nin maskaxda ka jirran oo ku xiran qol isaga ku dhaggan kan uu isagu ku jiro inuu 2 mar albaabka uu ku soo jabiyey oo uu waxyeella u geysan gaaray xaaladdaasina ay ammaankiisa khatar aad u weyn ku hayso.” “Maalinna isaga oo suuli ku jira inuu nin macabiista ka mid ah uu soo weeraray” ayuu sida oo kale maxkamadda u sheegay. “Guud ahaanna xabsiga aan ku xiranahay ma aha mid munaasab ah isla-markaana caafimaad darro uu kala kulmay.” Dambi baaraha kiiska Cabdi gacanta ku hayana wuxuu maxkamadda horteeda uu ka sheegay “inuu Cabdi uu ku xiran yahay xabsiyada caadiga ah ee maxabiista caadiga ah lagu xiro, wax cadaadis oo si gaar ah isaga looga hayana uusan jirin. Wuxuuna dambi baaruhu intaa ku daray “boolisku wixi dhacay markay Cabdi kala hadleen oo rabshadda xabsiga ka dhacday inuu isagu sabab u ahaa inuu qirtay isla-markaana raalli gelin uu ka bixiyey.” Booliskuna waxay maxkamaddu weydiisteen “10 maalmood oo kale oo ay Kiiska Cabdi baaritaan dheeraad ah ugu soo sameeyaan in la siiyo.” Ugu dambeyn, maxkamadda oo codsiga booliska aqbashay waxay u muddeysay in cabdi Maxkamadda la keeno 29-ka bisha October. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Cabdi Maxamuud Cumar oo isku dayay in uu xabsiga ka baxsado appeared first on Puntland Post.
  22. The United Kingdom has officially addressed reports that it had at a point supported Ethiopia’s notorious paramilitary unit, the Liyu Police. Source: Hiiraan Online
  23. A student activist said a Dunkin' employee in Portland, Maine, refused service and called police on her after a dispute started because she was speaking Somali with her family. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu qoray machadka daraasaadka amni ee Hiraal, Al-Shabaab waxa ay ku tiirsan tahay lacagaha Zakada iyo canshuuraha kale ee ay ka qaaddoo dadka Soomaaliyeed, hase yeeshee mararka qaar waxaa dhacday in lacagta yaraato, oo ay awoodi weyso inay bixiso mushaharka shaqaalaha aan sirdoonka [Amniyaat] ahayn, maadaama sirdoonka ay yihiin kooxda ugu muhiimsan uguna lacagta badan. Marka ay dhacdo xaalad saas ah, waaxda maaliyadda ee Al-Shabaab waxa ay qabaa’illada iyo ganacsatada ku nool meelaha ay maamusho ku amartaa inay bixiyaan ‘Infaaq’ Infaaq waa lacag mar soo dhac baad ah oo u dhaxeysa kumanaan illaa tobonaan kun oo dollar oo laga rabo qabiil kasta, iyo lacag u dhaxeysa boqol illaa boqolaal kun oo dollar oo ganacsatada lagu amro. ‘Infaaq’ waa mid ka mid ah lacagaha ay dadka ugu neceb yihiin ee Al-Shabaab ay ku amarto bixinteeda. Si aan la mid ahayn Zakada, oo mararka qaar loogu soo dhuunto waajibka diimeed, Infaaq waa dhaqan ku dhisan burcadnimo oo ay ku hoos nool yihiin dadka degan deegaanada ay kooxdan maamusho. Lacagtan ayaa waxaa loo soo rogaa gobol gobol, ayada oo ay ku xiran tahay hadba gobolka markaas dareemaya in miisaaniyaddiisa ay gabaabsi ku jirto. Si la mid ah Zakada, waxaa ururiya ciidamo gaar ah oo ay caawiyaan maamulayaasha deegaanka, oo ay ku jiraan odayaasha qabiilka. Xitaa darwalada mooto bajaajta waa laga qaadaa lacagtan. Arrintan ayaa sharxeysa sababta mararka qaar loo beegsado, oo kooxdan ay u disho dadka wada mooto bajaajta iyo xoolaleyda aan taageersaneyn Shabaab ee ku nool deegaanada aysan maamulin kooxda. Shaqaalaha Al-Shabaab ayaa xitaa marka ay kooxda ka waayaan, aan lacag ka heli karin ehalladooda ku sugan dibedaha, sababta oo ah Shabaab waxay tuhmeysaa in lacagtaas loogu soo diray inay wax jaajusaan, sidaas darteedna waa ay iska ilaaliyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. On a salary of just $300, Abiy Ahmed's Mission as Prime Minister in Ethiopia is not to amass wealth but to overhaul the economic model of his country. This is the type of leadership ideology Africa needs, don't you agree? Source: Hiiraan Online