-
Content Count
211,124 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed maanta ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa looga digay in madaxda maamul goboleedyada dalka ay isku dayaan muddo kororsi, ayada oo wasaaradda ay sheegty inay xaqiijin doonto sidii aysan taasi ku dhici lahayn. “Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka ayaa intaas sii raaciyey “Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan Dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka” “Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi” ayay tiri wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa lagu yiri, in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Somalia taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa xoogaa ka hor furmay kalafdhigii 4-aad ee Xildhibanada Golaha Shacabka oo dhawaan uu furay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay ilaa 168 Xildhibaan iyadoo aysan soo xaadirin xildhibaano badan oo qaarkood ay dalka joogaan halka kuwa kalana ay maqan yihiin. Anjadaha kulanka Maanta ayaa ahaa Amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaana halkaas khudbado ka jeediyey qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Mid kamid ah Xildhibaanadii halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Xukuumadda Soomaaliya ku fashilmatay qabashadi shaqadii loo xil saaray, wuxuuna si deg deg ah Ra’isulwasaaraha uga codsaday inuu is casilo. Xildhibaan Maxamed Gabey oo ah Xildhibaanka Ra’isulwasaaraha ka codsaday inuu is casilo ayaa ku eedeeyey dowladda inay kusoo aruurtay kaliya Baraha Bulshada sida Facebook iyo Twitter. “Fadlan Ra’isul wasaare is casil waad fashilantay” ayuu yiri Gabey. Sidoo kale wuxuu raaciyey “Shaqada Dowladda waxay kusoo aruurtay Facebook iyo Twitter”. Todobaadkii hore ayay aheyd markii Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu u sheegay in amniga Muqdisho aanan la isku haleyn karin, isla markaana Xildhibaanada is ilaaliyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The government of Djibouti today denied accusations of its alleged involvement in the funding and facilitation of arms trafficking in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
The government of Djibouti today denied accusations of its alleged involvement in the funding and facilitation of arms trafficking in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa uu Maamul Cusub ugu sameeyey degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud. Guddoomiyaha degmada Balanbale ayaa waxaa loogu Magacaabey Jaamac Xeyle Maxamed oo mar soo noqday Guddoomiyaha degmadaas,halka ku xigeen loo Magacaabay Cabdirisaaq Axmed Xalane. Wareegtadan oo ku taariikheysan 15/9/2018 ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulkaan ay xilka siiheyn doonaan inta laga soo dhisayo Golle deegaan iyo Guddoon ku dhisan doorasho xor ah. Marka laga soo tago Magacaabistaan ayaa waxaa xildhibaano maalin ka hor ku shiray Cadaado waxa ay shegeen inay xilkii ka qaadeen Axmed ducaale Geelle Xaaf. Sidoo kale xildhibaano ku shiray Magaalada Dhuusamareeb ayaa mooshin xilkii kaga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Casir ee dhankiisa isna Xaaf xilka ka qaaday. Xaaladda Galmudug ayaa ah mid xaalkeedu yahay Allow sahal waxaana muuqato inuu maamulkaas ku socdo jidka burburka iyadoo ay weli arrintaas ka jiifaan odayaashii iyo dhibaanadii horey usoo dhisay maamulkaas. Haddii ay xaaladda sidaan kusii socoto Galmudug ayaa maalmaha soo socdo yeelan doonto laba madaxweyne, laba madaxweyne ku xigeyn iyo laba guddoomiye Baarlamaanka oo ay kala duwanaan doonaan ku xigeenadooda!!. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maalmo tirsan ayaa ka haray 14ka October, oo ah maalin uu xasuusan yahay qof walba oo Soomaali ah. Waa maalintii uu dhacay qaraxii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya waxaana laga joogaa sanad maalmo dhiman. Dadbadan ayaan wali ka samrin dadkii ay ku waayeen isgoyska Zoobe, kuwaas oo badi aan la arag, waxaana bulshada Soomaaliyeed isu soo bax balaaran iyo xasuus weyn ugu baaqay duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi Maxamed. Qoraal uu ku faafiyay bartiisa Facebook ayuu ku xasuusiyay Dowlada iyo shacabkaba in aan loo kala harin xasuusta loo sameynaayo dadkii 14kii October lagu laayay Soomaaliya. Thabit ayaa ku tilmaamay maalin ay dhacday Musiibo Qaran, oo looga jawaabay Gurmad Qaran ayna ka dhalatay Midnimo Qaran. Sidaan ayuu u qornaa hadalkii uu Thabit Cabdi ku qoray bartiisa Facebook.. #14kaOctober, Maalintii mugdiga aheyd ee Musiibada Qaran inagu dhacday, dhowr usbuuc kadib waa ay sanad jirsandoontaa. 14 October 2017 waxay aheyd maalintii ugu murugada badneyd abid ee umaddeena soo martay, waxaa mar qura isbedelay waxwalba; hooyooyin ayaa caruurtoodii aasay, aafoobay ama gabi ahaanba waayay. Caruur baa iyagana waalidkoodii aasay amaba waayay. Riyadii dhalinyarada Soomaaliyeed, rajadii dalka iyo raasulmaalkii shacabka ayaa qaddar gudihiis si arxan la’aan ah loo dhaawacay. Hanti hadalkeedaba daa! Naxariistii janno Allaha siiyo dhamaan. Waa maalin mudan in aan si weyn u xusuusanaa inaga oo mid ah una mideysan xurmeynta dadkeenii musiibadaasi aafeysay. Waxay aheyd #MusiiboQaran, waxaa xigay #GurmadQaran, waxaanu uga gudubnay #MidnimoQaran. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed meelwaliba oo ay dunida ka joogaan; saqiir iyo kabiir, shacab iyo dowlad in si mid ah, niyadsan isla markaana damqasho bini’aadannimo leh ugu diyaar garownaa xusuusta maalintan xanuunka badan ee #14kaOctober. #Xusuusta14kaOctober Mahad-badan.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Ing,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Madaxda dowlad Goboleedyada ugu baaqay inay aqbalaan shirkii Golaha Amniga Qaranka ee uu ugu yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Eng. Yariisow oo xalay ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo sida nabadoonnimo uu doonayo in xal waara looga gaaro arrimaha tabashada jirta. “Waxaan aad ugu mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka baaqiisa ahaa shirka Golaha Amniga Qaran ee uu ugu baaqay dhammaan inay ka soo qeyb galaan Madaxda Gobolada, taasoo ku tuseysa sida Madaxweynaha u yahay Nabadoon doonaya in xal waara uga gaaro dhammaan wax kasta ee tabashi jira wada hadal lagu dhameeyo”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow. Waxa uu sheegay in aan wanaagsaneyn in lagu ol ololeeyo Colaada balse ay muhiim tahay in Nabada loo ol ololeeyo,taasina ay ka go’aan tahay Maamulka gobolka Banaadir. “Waxaan rajeynayaa saaxibadey aan ka wada tirsanahay Golaha Amniga Qaranka inay u dhega nuglaadaan oo ay qaadan doonaan baaqa Madaxweynaha si hoose oo Soomaali ah lagu xaliyo wixii tabasho jirta oo aan loo baahneyn dad shisheeye oo na dhex gasho”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Hadalkaan ka soo baxay duqa Muqdisho ayaa ku soo aadaya xilli Maanta qorsuhu ahaa in uu qabsoomo shirkii Golaha Amniga Qaranka ee uu iclaamiyey Madaxweynaha balse ay diideen ka qeyb galkiisa Madaxda Dowlad Goboleedyada. Khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, iyadoo maamul goboleedyada ay shuruud ku xireen shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo dalbaday in garab saddexaad ay dhex dhexaadin ka noqoto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka jawaabay go’aankii ay maadaxda dowlad goboleedyadu ku dalbadeen daraf sadexaad oo dhexdhexaadiya iyo in isla meel dhigo goobta uu shirku ka dhacayo iyo sugida amniga. Ra’iisul wasaare Kheyre oo xalay munaasabad ka dhacday Muqdisho ka qeyb galay ayaa sheegay in uusan soo dhaweynayn in la yiraado magaalo madaxda laguma shiri karo oo amni maahan, uusana garanayn cidda loogu danaynayo, wuxuuna xusay in Muqdisho tahay astaanta qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in uu san soo dhaweynayn garab saddexaad oo ajnabi ah oo dhexdhexaadiya dowladda dhexe iyo dowladaha xubanaha ka ah, isagoo ku tilmaamay dhaqan hore. Hoos ka dhageyso codka Ra’iisul wasaare Kheyre https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/09/Khayre-11.mp3 Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war-murtiyeed ay soo saareen 14-kii bishan ku xiray wada hadalka shuruudo ay kamid ahayd in la helo daraf sadexaad oo dhexdhexaadiya labada dhinac oo damaanad qaada heshiiyada lala galayo dowladda federaalka, maadaama ayay dheheen ay ka baxdey ballamihii iyo heshiisyadii horey loola galey. Sidoo kale Golaha shuruudaha waxaa kamid ahaa in sababo amni awgeed la isla meel dhigo goobta uu shirku ka dhacayo iyo sugida amniga. Hadalka ka soo yeeray Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa laga yaabaa in uu sii huriyo khilaafka dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Kheyre oo jawaab kulul siiyay dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka ambabaxay wafdi ka socda golaha aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaas oo loo diray koonfur galbeed si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Wafigan oo uu hoggaaminayo senator Cabdullahi Cali Garuun, ayaa waxaa ka mid ah Senator Xuseen Xaaji Cali, Senator Sam Sam Ibraahim Cali, Senator Axmed Macallim Cumar “ Axmed Nadiir”, Senator Faadumo Xasan Aadan Gariyow, Aadan Cabdi Aadan, C/fitaax Macallim Xasan, Maxamed Cali Maxamed Rooble iyo Ismahaan Fu’aad Xasan. Wafdigii kan ka horeeyay ee Aqalka sare u diro Dowlad Gobolleedyada ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland. Waxaa maanta baaqday shirkii amniga uu horay ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Shirkan ayaa waxaa uu qorshuhu ahaa inuu Muqdisho ka dhaco September 17- 18-ka, si looga arrinsado amniga iyo xaaladaha uu dalku ku jiro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
An Adelaide nursing student has been found guilty of being a member of the terror group ISIS. Source: Hiiraan Online
-
Federal DHS grants on extremism concern Muslims in Michigan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The week before Donald Trump was inaugurated last year, the Department of Homeland Security (DHS) awarded a Lebanese-American group in Dearborn $500,000 as part of a government effort to counter violent extremism known as CVE. The department also gave Dearborn Police $51,000 as part of the program. Source: Hiiraan Online -
A member of Somalia’s federal parliament is fighting for his life in hospital after surviving a car bomb attack. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Iraan ayaa markii ugu horeysay baahisay macluumaadka 18 qof oo u dhashay dalkeeda kuwaa oo lagu heysto gudaha Somalia. Dowlada Iran ayaa tilmaantay in muwaadiniintaasi ay gacanta ugu jiran Xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab. Mudane ka tirsan Baarlamaanka IIraan oo arrintan ka bixinaayay macluumaad dheeri ah ayaa sheeagay in 14 ka mid ah muwaadiniintooda ay heystaan Al-Shabab, halka tirada kale ay gacanta ugu jiraan burcad-badeeda Somalia. Waxa uu tilmaamay in qaarkood loo geystay dhibaatooyin uu ugu horeeyo Jirdil, balse waxa uu cadeeyay in Iran ay aad uga xun tahay in muwaadiniinteeda lagu waxyeeleeyo gudaha Somalia. Xildhibaanka oo lagu magacaabo Abdulqafur Iranejad, ayaa xaqiijiyey afduubkaas,waxaana uu sheegay in xiligaan ay socdaan dadaallo ku aadan sidii lagu sii deyn lahaa. Raggan ayuu Xildhibaanka sheegay in ay kalluumeysato yihiin,kuwaas oo laga qafaashay xeebaha Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in Wasaaradda arrimaha dibadda Iraan iyo hay’adda Sirdoonka dalkaas ay ku guuleysteen siideynta 4 Qof oo horay loo sii daayay 18 kalena ay wali ku jiraan Gacamaha Al-shabaab iyo Burcad Badeedda Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa ku goodisay inay awood kusoo furan doonto muwaadiniintooda ku jira gacanta Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya isugu yimaadaan kulankooda Labaad ee Kalfadhigga Afaraad. Kulanka maanta ayaa ah mid si gaar ah looga hadli doono ammaanka guud ee magaalada Muqdisho. Guddiga amniga ee golaha shacabka ayaa laga dhageysan doonaa arrimaha ku aaddan xaaladda amni ee Muqdisho, waxaana ay hordhigi doonaan xildhibaannada. Waxaa la filayaa in xildhibaannadu ay dood dheer yeeshaan, iyadoo muhiimad gaar ah siin doona amniga caasimadda. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeysay faraha kasii baxayey. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta baaqday shirkii amniga uu horay ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Shirkan ayaa waxaa uu qorshuhu ahaa inuu Muqdisho ka dhaco September 17- 18-ka, si looga arrinsado amniga iyo xaaladaha uu dalku ku jiro. Farmaajo ayaa shirkaasi amniga ku baaqay kadib war murtiyeedkii ay Kismaayo ka soo saareen golaha iskaashiga dowlad goboleedyada kaas oo ay ku hakiyeen wada shaqeynta kala dhaxeysay dowladda federaalka ah. Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shuruud ku xiray inay yimaadaan miiska wada hadalka, waxaana shuruudda ka mid ah: in la helo daraf seddexaad oo dhex-dhexaadiya iyaga iyo dowladda, marqaatina ka noqda fulinta ballan-qaadyada. Dhinaca kale, Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa wufuud u kala diray dowlad goboleedyada si xal looga gaaro khilaafka hareeyey dhinacyada kala duwan iyo bad-baadinta dowladnimada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka horyimid in gacan Saddexaad ay soo kala dhexgasho dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo khilaaf xooggan ka dhaxeeyo. Waxa uu sheegay in aanu soo dhoweyneyn hadalkii madaxda dowlad goboleedyada ee ahaa in Ajaaniib ay soo dhexgasho DFS iyo maamul goboleedyada. “Waxaanan soo dhoweyneyn in la yiraahdo daraf Saddexaad oo Ajnabi ah hana soo dhexgalo, daraf Saddexaad waa dhaqankii aan soo barannay oo la dhihi jiray ajaaniibta ha u kala garqaaddo madaxda Soomaaliyeed, taasi waa lasoo dhaafay” ayuu yiri Kheyre. Dhanka kale, Kheyre ayaa ka hadlay qodob kale oo ka mid ah qoraal ay soo saareen madaxda dowlad goboleedyada kaasi oo ku aadanaa halka shirka golaha amniga lagu qabanayo iyo amni ahaan. “Waxaanan soo dhoweyneyn in la yiraahdo magaalo madaxda dalka laguma shiri karo oo amni ma ahan, ma garaneyno cidda loogu daneynayo, laakiin waxaan rabaa inaan xusuusiyo cid walbo oo ay ka suurtowdo iney sidaa tiraado iney tahay astaantii qaranka” Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa xilligan waxaa ka dhaxeeya khilaaf baahsan oo aan weli wax xal ah laga gaarin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa oo mar soo noqday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia ayaa si adag uga hadlay Khilaf Siyaasadeedka dowlada Dhexe kala dhexeeya maamul Goboleedyada. Xildhibaan Odawaa, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xiligaan uu khilaaf intaa la’eg ka dhex dhasho dowlada Dhexe iyo maamulada waxa uuna ku baaqay in si dhaqsi ah xal loogu helo khilaafka. Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa in Khilaafka uu kasii xoogeysanayo heerkii uu taagnaa isagoo sababta ugu weyn ku sheegay dulqaad la’aan heysata dowlada. Mar uu la hadlaayay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in khilaafkaas uu ka danbeeyay kadib koror ku imaaday faham yari DFS ka heysato nidaamka federaalka ah, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu tilmaamay in dowlada Dhexe ay faragalin xoogan ku sameysay maamul Goboleedyada ka jira dalka taa oo sabab u noqotay Khilaaf xalintiisa ay u muuqato inay ka qeybqaadan doonaan xubnaha Beesh Caalamka. Waxa uu sheegay in dowlada Dhexe ay sameysay dadaalo lagu doonayey in lagu dumiyo maamulada Jubbaland iyo Galmudug balse ay fashilmeen, sida uu hadalka u dhigay waxana uu aad u dhaliilay Siyaasada dowladda Federaalka ay xilligaan ku Shaqeyso. Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa, oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in faragalinta dowlada Dhexe laga dhexlay in maamulada ay ku dhawaaqan hakinta wada shaqeynta kala dhexeysa dowlada, waxa uuna arrinkaasi ku sheegay dhibaato usii korortay dowlada. Sidoo kale, Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa waxa uu Madaxda dowlada ku eedeeyay inay hagar daamooyin ku hayan Dowlad goboleedyada,sidoo kalena ay sheegeen in loo baahan yahay gacan Saddexaad oo dhex dhexaadisa. Si kastaba ha ahaatee, haddalka Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa ayaa kusoo beegmaya xili uu dib u dhac ku imaaday Shirkii Golaha Amniga ee lagu balan sanaa inuu qabsoomo 17-bishaan oo maanta ku beegan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Cabdolqafur Iranejad oo ka tirsan baarlamaanka Iran ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo lagu soo deynayo 18 kaluumeysato Iran ah oo lagu afduubtey Soomaaliya. “18 Kaluumeysato ayaa lagu afduubtey Soomaaliya, 4 waxaa ay heysto burcad badeed dhowr ah halka 14 kale ay qabsadeen Al-shabaab” sidaasi waxaa ICANA u sheegay Cabdolqafur Iranejad. Xildhibaanka soo sii hadlayey waxaa uu sheegay in 4ta kaluumeysto laga sii daayey burcad badeedda balse inta kale weli la heysto. Cabdolqafur Iranejad, waxaa uu ku doodayaa in dadkani ahaayeen kaluumeysato, isla markaana ay heystaan dad argigixiso ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaa in Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa habbeenimadii xalay lagu wargaliyay in maanta uu qabsamayo kulanka isla markaana looga doodayo amniga Muqdisho oo faraha ka sii baxaya. Xildhibaanada ayaa si qoto dheer uga doodi doona amniga magaalada Muqdisho oo waayadani ahaa mid gaaray heerkii ugu xumaa kadib dilal iyo qaraxyo lala beegsaday mas’uuliyiin kala duwan. Xildhibaanada ayaa kulankoodii ugu dambeeyay ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho waxa ay sheegeen kahor inta aysan guda gelin sharciyada kale ee horyaalla baarlamaanka inay muhiim tahay inay ka hadlaan ammaanka magaalada Muqdisho. Xildhibaanada ayaa maanta go’aan ka gaaraya sida xal loogu heli lahaa, islamarkaana hay’adaha ammaanka loogula xisaabtami lahaa dhacdooyinka amni daro. Xildhibaanada waxa ay sidoo kale ay ka doodayan kontoroolada ku yaalla agagaarka madaxtooyada oo gaadiidka dowladda ay wataan lagu weydiiyo aqoonsiyo iyada oo askariga fadhigiisa loogu keenayo aqoonsiga si uu u arko, kadibna uu u sii daayo gaariga. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu noqday mid aan la isku haleyn karin kadib markii habeen kahor Muqdisho lagu dhaawacay xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed (Boorow), markii uu ku qarxay gaarigiisa oo loogu xiray miinada nuuca dhejiska. Dhinaca kale, kulamada baarlamaanka ee soo socda ayaa waxaa sidoo kale looga doodi doonaa arrimo kale oo muhiim ah waxaana lagu wadaa in fadhiyada baarlamaanka uu qeyb ka noqdo Mooshin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii golaha amniga qaranka ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ee maanta loo ballansanaa. Madaxweyne Farmaajo ayaa warqad uusoo saaray 9-kii bishaan oo aheyd maalintii xigtay markii Madaxda maamul Goboleedyada ay sheegeen in ay hakiyeen xiriirka Dowladda federaalka kala dhaxeeya waxa uu ku ballamiyay shirka Golaha Amniga Qaranka 17-ka bishaan oo maanta lagu waday in uu dhaco hayeeshee baaqday. Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa 14-kii Bishaan shuruud ku xiray ka qaybgalka shirka golaha amniga qaranka. Waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in la helo cid saddexaad oo goobjoog ka noqoto waxa ay ku heshiinayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo kuwa Dowladda Federaalka ama ay kawada hadlayaan. Inkastoo Dowladda Federaalka aan wali ku dhawaaqin baaqashada shirka, hadana waxa uu u muuqdaa in uu dib u dhacay sababo dhowr ah oo isbiirsanaya awgood, waxaana kamid; Madaxda Dowlad Goboleedyada oo maalin kahor shirarka imaan jiray Muqdisho, balse hadda ku sugan Xarumahooda iyo qaban-qaabadii dowladda dhexe ee u diyaar garowga shirka oo aan iyana jirin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
ADDIS ABABA, Ethiopia – Government officials and residents said overnight ethnic-based attacks in the outskirts of Ethiopia's capital, Addis Ababa, have killed several people and caused hundreds to flee their homes. Source: Hiiraan Online