-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
This weekend, tens of thousands of people gathered to welcome back leaders of the Oromo Liberation Front, one of the groups removed from a list of terror organizations earlier this year by Ethiopian prime minister Abiy Ahmed. The return of exiled opposition groups has been part of wider political reforms he introduced since coming to power in April. Source: Hiiraan Online
-
Doxa (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qadar ayaa xaqiijiyey in baartinaanno madax bannaan caddeeyeen in Sacuudi Careeiya iyo Imaaraadka ay ku lug lahaayeen jabsi loo geystay wakaaladda wararka ee Qadar sanadkii hore. Ali bin Fetais Al-Marri waxa uu wacad ku maray in maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee Hague ku taal uu la tiigsan doono. Al-Marri waxa uu arrintaas ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Jimcihii New York iyada oo ay horjoogeen koox sharci yaqaano reer Mareykan ah sida ay warisay Aljazeera. Xeer ilaaliyaha waxa uu sharraxy in ay sharci yaqaanno caalami ah uruuriyeen caddeymo muujinaya ku lug luhahaanshaha Sucuudiga iyo Imaaraadka. Aragtidan waxaa taageeray xeer ilaalihii hore ee Mareykanka Michael Mukasey, kaas oo hadda xubin ka ah kooxda sharci yaqaanada Mareykanka – waxa uu xaqiijiyey in ay jiraan caddeymo muujinaya ku lug lahaanshaha Riyaad iyo Abu Dubai “Burcadnimada”. Kooxda waxa ay bishii Maajo ee sanadkii hore hadalkan ka sheegeen xarunta QNA. Sidoo kale kooxda waxa ay intaas ku dartay, in uu yiri: “Dib ayaan uga xaajoon doonnaa sida laga yeelayo.” Muddada sanadka ah, mas’uuliyiinta Qadar waxa ay arintan burcadnimada ah wadashaqeyn kala lahaayeen hay’adda baaritaanka ee Federal-ka America iyo hay’adda dambiyada qaranka ee Britain. Khilaafka wadamada Khaliifka ayaa galay sanadkii labaad kaddib markii ay Qadar xiriirka u jareen Saudi Arabia, UAE, Bahrain iyo Egypt sababo la xiriiriira in ay taageerto kooxaha argagaxisada ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Warbixin uu baahiyay Radio France International ayaa lagu sheegay in dalka Jabuuti oo Soomaaliya daris la ah uu soo maro hub lagu tilmaamay inuu sharci darro yahay oo la keeno dalka Soomaaliya. Warbixintaan oo la sheegay in laga soo xigtay shirad sirdoon oo ka faaloota arrimaha amniga siyaasadda iyo dhaqaalaha Africa oo magaceeda la yiraahdo EXX Africa, ayaa waxaa si gaar ah loogu gorfeeyay xogo la ururiyay oo la xariira in maraakiib iyo doonyo sida hub aan sharci aheyn ay ku xirteen dekadaha dalka Jabuuti kadibna si suuq madow ah loogu soo gudbiyay Soomaaliya. Shirkaddaan EXX Africa waxay sheegtay inay hayso cadaymo xaqiijinaya dalka Jabuuti uu yahay halka uu Soomaaliyaba ka soo galo hubka sharci darrada ee lagu hubeeyo kooxaha hubeysan ee gudaha Soomaaliya ka dagaalama. Agaasimaha hay’addaha warbixintaan diyaarisay Robert Besseling ayaa ku doodaya in cadaynta ay hayaan ay qeyb ka tahay doon uu sheegay inay ka tagtay dalka Yemen oo ay hub kusoo rareen Xuutiyinta Yemen kana soo furatay dekeda magaaladda Xudayda inay hub ku rogtay dalka Jabuuti kadibna hubkaas loosoo gudbiyay Soomaaliya loonaga gacan galiyay koox uu ku sheegay inay waqooyiga Soomaaliya ka dagaalamaan. Robert Besseling ma uu sheegin kooxdaas magaceeda, hase ahaatee waxaa uu sheegay inay taageero ka helaan dalka Jabuuti. Sargaalkaan waxaa uu sidoo kale sheegay in dalka Jabuuti uu yahay halka ay hubka ka helaan kooxo hubeysan oo uu sheegay inay ka dagaalamaan dalalka Soomaaliya, Labada Sudan iyo Ethiopia, hase ahaatee waxaa uu aad uga fogaaday inuu carabka ku adkeeyo in Jabuuti taageerto ururka Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan, waxaase uu ku doodayaa in koox shirkaddiisa ka tirsan ay dekadaha Jabuuti ku arkeen hub aan sharci aheyn oo Soomaaliya loo soo wado. Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midawga Africa ee AMISOM ayuu sidoo kale ku eedeeyay inay Soomaaliya lasoo galeen hub aad u u culus oo ay mamnuuc tahay in dalka la keeno maadaamada cunaqabatayni saaran tahay. Hubkaas ayuu sidoo kale sheegay inuu u gacan galay kooxo hubeysan oo aan ciidanka dawlada ahayn. Agaasimaha hay’adda sirdoon ee xogtaan bixisay ee u waramay Radio France International Robert Besseling waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in saraakiil sar sare oo militryga Jabuuti ka tirsan iyo mas’uuliyiin heer gobol ay ku leeyihiin ka ganacsiga iyo kala gudbinta hubka sharci darrada ee Soomaaliya la keeno inkastoo uu shaacin magacyada shaqsiyaadka la eedeeyay. “Cadaynta aan hayno waxay xaqiijinaysaa in dawlada Jabuuti si cad uga war hayso hubka dalkeeda lasoo marsiiyo ee sharci darrada waxaana dhihi karnaa qaarkood ayaaba ku lug leh” ayuu yiri Robert Besseling agaasimaha shirkadda arrimaha sirdoonka ka shaqaysa ee EXX Africa. Ciidamada AMISOM ayay sidoo kale warbixintu ku eedeysay inay hub siiyaan koox hubaysan oo aan magaceeda la sheegin oo ka aas aasan meel lagu tilmaamay waqooyiga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ahna gudoomiyaha golaha iskaashatada maamul gobolleedyada ayaa hormuud u ahaa shirkii dhawaan Kismaayo ka dhacay ee dowladda dhexe loogu jaray wadashaqeynta. Cabdiweli Gaas oo ay ka dhammaatay mudaddii xilka madaxweynha Puntland, hadana wajahaya doorasho ayaa ku eedeeyey madaxweyne Farmaajo dowladdiisa mid sameysay ku tagrifal awoodeed, goonina taladii u maroorsatay, sababna u ah dib u dhac uu sheegay in ay dowladnimada Soomaaliya ku timid. Sidoo kale eedo tiro badan oo u gogol xaadhay in ay dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xiriirka u jaraan ayaa lagu qoray war-murtiyeed ka soo baxay shirkii Kismaayo ee uu Gaas gudoonka ka ahaa. Hadaba muuqaalka hoose marka aad daawato waxaa ku soo baxaysa weydiin ah Gaas miyuusan lahayn dhago iyo af is maqla!? Muuqaalkan Gaas waxa uu ku caddeynayaa in ay saaxiibbo yihiin madaxweyne Farmaajo oo ay aad isu garanayaan, sidoo kale uu aaminsannahay niyad wanaagga madaxweynaha in ay fure u noqon doonto samata bixinta Soomaaliya. Gaas sidoo kale waxa uu leeyhay in dhaqanka Soomaalida muddooyinka dambe ahaa in dowladda oo aan muddo joogin lagu buuqo oo la’isku tayo in laga horistago hawleheeda si loo majaxaabiyo!
-
Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya, saacado yar kaddib markii heshiis nabadeed ay ku kala saxiixdeen magaalada Jeddah madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Horey looma sii sheegin booqashada uu dalka Sacuudi Carabiya ku tagayo madaxweynaha Jabuuti, waxaana labadii maalin ee u dambeysay dalka Sucuudiga ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Madaxweyne Geelle ayaa cusuumad ka helay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Gaar ahaan Boqor Salmaan Cabdulcasiis. Dawlada jabuuti hore ayey u sheegtey in dawlada sacuudigu culays ku saarayso inay Dawlada Eriteriya la heshiiso wax shuruudana ku xirin. Danta dawladaha Sacuudiga & Imaaraadka ay waqtigan hada la joogo uga wada shaqeynayaan Nabada Geeska Afrika ayaa lagu sheegaa inay tahay mid ay ku jirto dantooda amni. Balse sida xaqiiqda ah Waqti hore ayey awoodeen inay dhaqaalo ku bixiyaan Nabada Geeska Africa. Halka ay waqtigan hada la joogo dawlada sacuudiga ka heshiisiineyso dawladaha Jabuuti iyo Eriteriya oo ay iminka meel isugu keentay, Labada hogaamiye ee Madaxweyne Geele iyo Madaxweyne Afwerki ayay aheyd inay Dhaqaalo badan u balan qaado kuna qasabto inay ilaawaan wixii colaad ah ee hore u soo dhex maray. Heshiisiinta labadaan dowladood ee jabuuti iyo Eriteriy wuxuu dawlada sacuudiga u sahlayaa inay xiligan hesho Koox Gaashaan buur ay la noqota oo aad ugu dhow xuduud badeedka wadanka Yemen. Waxaana ii muuqda in colaad weyn.ka dhex qarxi doonto dawladaha isku haysta danahooda Amni, Dhaqaale iyo mid Diimeed. Dhamaadka sanadkan 2018 ka dagaalka hada ka socda Yaman waxa uu yeelan doonaa waji cusub waxaana uu isku rogi doonaa mid caalamiya sida dagaalka Suuriya oo kale. Sidoo kale waxaa suurta gal ah in dawladaha Sudaan, Iran, Turkiga, Qatar, & Cuman. in ay iyaguna Ka soo hor jeestaan xulufada Sacuudiga iyo imaaraadka itoobiya Jabuuti & Eritariya. Falanqeyntayda waxaa farta ku fiiqayaa inaan Taariikhda ka baraney in.colaadu si fudud ku bilaamato waqti dheer ay qaadato in colaadaa Nabad loo helo. Dagaalka Yemen wuxuu ku bilaamay in laga hor yimaado madaxweye cali cabdale salax waqti yar ka dib wuxuu isku badaley dagaal sokeeye oo bur buriyey dalka yemen oo dhan. Xaalada siyaasadeed ee dalka khaliijka ayaan deganey wixii ka danbeyey bilowga dagaalka yemen waxaa timid colaad dhextaal kooxa suniga iyo shiicada kuwada nool wadamada khaliijka. Hadii gacan ka hadalka kooxa suniga iyo shiicadu siicodo waxaa hubaal ah in.dagaalka yemen ku fididoono dhamaan.wadamada khaliijka waa cabsida ay qabaan boqorada sacuudiga iyo imaaraadka waxaa dalkooda wada degan bulsho aaminsan mahdabta suni iyo shiico. Qore Danjire Mahamed Caalim caalim68@hotmail.comAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa dhaqaale xoogan ku bixinaya sida ay xiriir diblumaasiyeed ula sameyn laheyd dowlada Mareykanka oo ay ka dooneyso aqoonsi. Maamulka ayaa dhaqaalahaasi siinaya shirkad lagu magacaabo Glover Park Group oo maamulkii hore ee Somaliland ka cawin jirtay talo siinta iyo xiriir laba geesood ah oo ay Somaliland la sameyso dowlada Mareykanka. Heshiiska ay Somaliland la gashay shirkada GPG, ayaa waxaa dib usoo cusbooneysiineysa Wasaarada Arrimaha Dibadda maamulka Muuse Biixi, iyadoo markii hore heshiiska uu Somaliland u saxiixay Ex Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo lasoo shaqeeyay maamulkii hore. Heshiiska ay Somaliland la galeyso shirkada GPG ayaa lagu wadaa in bishii lagu qarash gareeyo lacag gaareysa $22,000 Dollar. Heshiiskii hore ayaa ahaa in shirkada loo kordhin doono lacagaha haddii ay ka mirro dhaliso wadahadalka ay ka dhex abuureyso Mareykanka iyo Somaliland, taa oo gaari doonta $99,000 oo dollar. Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegtay inay dib usoo cusbooneysiineyso heshiiska maamulkii hore uu la galay shirkada, iyadoo maamulka Muuse Biixi ay iminka si wada jira shirkada uga wada shaqeyn doonaan xalinta baahida Somaliland ay u qabto aqoonsi iyo in Mareykanka ay kala xaajooto arrimaheeda gaarka ah. Shirkada Glover Park Group ee magaceeda loo soo gaabiyo GPG ayaa la filayaa in howsheeda ay dib u bilowdo Bisha September ee aanu ku jirno. Waxa uu qorshuhu yahay in maamulka Muuse Biixi uu shirkadaasi bil waliba ku bixiso lacag dhan $22,000 Dollar oo loo adeegsan doono fududeynta xiriir toosa oo dhexmara Somaliland iyo Mareykanka. Ujeedka ugu weyn ay Somaliland dhaqaalaha ugu bixineyso shirkada ayaa ah inay hesho aqoonsi dowladnimo, waxaana suuragal ah in qorshooyinkeeda ay caqabad ku noqoto dowlada Somalia oo leh go’aanka gooni u goosashada Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa dhawaan gashay Heshiis ceynkaasi ah oo lagu doonayo in dhawaqeeda lagu gaarsiiyo Xafiiska Madaxweynaha Mareykanka Trump. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhibaatooyin baahsan ka wada qeybo kamid ah magaalada Garissa ee xarunta Waqooyi Bari dalka Kenya. Maleeshiyada ayaa lasoo sheegayaa in halkaa ay ka geystan dilal fool-ka-fool ah, dhac iyo afduub joogta ah oo ay ku hayan Soomaalida iyo Kenyaanka ku sugan magaalada Garissa. Guddoomiyaha magaalada Garissa Cali Qorane oo Warbaahinta kula hadlayay magaaladaasi ayaa sheegay inay sii kordheyso cabsida ay ka qabaan in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay maamusho qeybo kamid ah magaalada iyo guud ahaan dhulka Soomaalida Kenya. Waxa uu Guddoomiyaha sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay si gaara u beegsadan dadka Keenyanka ah, waxa uuna carab ***** in talaabadaasi ay tahay mid Al-Shabaab ay ku dooneyso inay ku dhex noolaato Soomaalida. Guddoomiye Cali Qorane, waxa uu tusaale usoo qaatay amni darada ka jirta deegaanada Soomaalida inay adag tahay in mas’uul ama muwadain Kenyaan dhab ah ay adag tahay inay ku dhex nagaadan dhulka Soomaalida, halka goobaha kale ay ku qabaan nabad iyo amni buuxa. Waxa uu sheegay inay ka warhayaan deegaano dhowr ah oo xiliyada habbeenkii ay ka dhacan falal amni darro oo ay geystan Al-Shabaab waxa uuna cadeeyay in arrinka ceynkasi ah uu cabsi galiyay. Ciidamada ayuu sheegay inaysan ku sugneyn meel waliba hase yeeshee ay muhiim tahay in laga shaqeeyo sida Al-Shabaab looga badbaadin lahaa deegaanka, maadaama ay halis kala duwan u maleegayan shacabka. Sidoo kale, dadka deegaanka Garissa ayuu ugu baaqay inay ku dadaalan sida deegaankooda ay uga ilaashan lahaayen Al-Shabaabka ku dhex jira. Haddalka Guddoomiyaha ayaa muujinaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay kusii xoogeysanayan dhulka Waqooyi Bari dalka Kenya oo inta badan ay ka dhacan weeraro toos ah. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
ADDIS ABABA (Caasimada Online) – The IGAD Assembly of Heads of State and Government held its 33rd Extra-Ordinary Summit on 12th September 2018, in Addis Ababa, Ethiopia under the Chairmanship of H.E. Dr Abiy Ahmed, Prime Minister of the Federal Democratic Republic of Ethiopia and Chairperson of the IGAD Assembly of Heads of State and Government to deliberate on the final status of the Revitalized Agreement of Resolution of the Conflict in South Sudan (R-ARCSS). The Assembly was attended by H.E Ismail Omar Guelleh, President of the Republic of Djibouti; Cabinet Secretary Amb. Monica Juma representing H.E Uhuru Kenyatta, President of the Republic of Kenya; H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed, President of the Republic of Somalia; H.E Salva Kiir Mayardit, President of the Republic of South Sudan; H.E. Omar Hassan Al-Bashir, President of the Republic of Sudan; and H.E. Yoweri Kaguta Museveni, President of the Republic of Uganda. The Summit was also attended by H.E Amb. Mahboub Maalim, the Executive Secretary of IGAD; H.E Festus G. Mogae, the Chairperson of the Joint Monitoring and Evaluation Commission (JMEC); H.E Dr. Ismail Wais, IGAD Special Envoy for South Sudan. The Special Envoys and High Representatives of the AU, UN, EU, the Co-Chairperson of the IGAD Partners Forum (IGAD-IPF), the representatives of the Troika on South Sudan (US, UK, Norway), and representatives of China were also present at the opening session and made statements. After considering the report of the 65th Extra Ordinary Session of IGAD Council of Ministers, which was held in the morning of the same day, and after extensive deliberations on the matters on the agenda, The Summit: Recalls its decision of the 12th June 2017 at its 31st Extra-Ordinary Session authorizing the Council, to urgently convene a High Level Revitalization Forum (HLRF) of the parties to the ARCSS including estranged groups to discuss concrete measures, to restore permanent ceasefire, to full implementation of the Peace Agreement and to develop a revised and realistic timeline and implementation schedule towards democratic election at the end of the Transition Period; Expresses its appreciation to H.E Dr. Abiy Ahmed the Chairman of the IGAD Assembly of States and H.E Omar Hassan Al- Bashir the President of the Republic of Sudan for facilitating and hosting the High Level Revitalization Forum (HLRF); and commends HE Yoweri Museveni and H.E. Uhuru Kenyatta for their support to the mediation process. Takes note of the statement by the Chairperson of the IGAD Council of Ministers and the reports submitted by the IGAD Special Envoy for South Sudan as well as the statement by the Chairperson of the Joint Monitoring and Evaluation Commission (JMEC); Commends the demonstrated commitment of the Government of South Sudan, the South Sudan opposition groups and stakeholders to achieving peace and stability through mediation within the framework of the High Level Revitalization Forum (HLRF). Takes note further that the HLRF has been successfully conducted and that it has been an all- inclusive process that enabled all Parties to the Agreement on the Resolution of the Conflict in the Republic of South Sudan (ARCSS), including the estranged groups and other South Sudanese Stakeholders, Faith-Based Groups, South Sudanese refugees, Civil Society Organizations, women and youth to participate in the process; Welcomes the outcome of the Khartoum round of the HLRF between the Government of South Soudan and the opposition groups as well as the face-to-face talks held since June 2018 between President Salva Kiir Mayardit and Dr. Riek Machar Teny under the auspices of H. E Prime Minister Dr. Abiy Ahmed, the President Hassan al Beshir, President Kaguta Yoweri Museveni and President Uhuru Kenyatta. Endorses and fully adopts the recommendations of the 65th Extra-Ordinary Sessions of the Council of Ministers to approve the Final text of the Revitalized Agreement for the Resolution of the Conflict in South Sudan (R-ARCSS) 2018. Congratulates the Government of South Sudan and the South Sudan opposition groups and stakeholders for signing the Revitaized Agreement for the Resolution of the Conflict in South Sudan (R-ARCSS) and calls upon all the signatories to work in good faith and with full commitment to achieve the full and timely implementation of the R-ARCSS as a foundation for building lasting peace and stability in the South Sudan. Emphasizes that the signatories to the R-ARCSS are the first and foremost guarantors to the implementation of the R-ARCSS and encourages the Government of South Sudan and the South Sudan opposition groups and stakeholders to work with renewed urgency and commitment in ensuring that the dreams of the South Sudanese for a peaceful and prosperous nation is realized. Decides that until his final status is determined at the upcoming Ordinary Summit of the IGAD Assembly the SPLM – IO Leader Dr. Rieck Machar Teny shall be allowed to stay in a country of his choice in the region. Resolves that IGAD shall engage the UN Security Council to ensure that the Regional Protection Force (RPF) is fully deployed to execute its mandate in accordance with the UNSC Resolutions 2304/16 and 2406/18, and shall request for a further review of its mandate to allow Sudan, Uganda, Djibouti and Somalia as guarantors, to contribute forces to enhance the protection and security throughout the implementation of the R-ARCSS. Further mandates the IGAD Chiefs of Staff to assess the operational needs and elaborate the necessary tasks of the RPF in light of the current situation on the ground, and the prospected expansion, as a basis for a securing endorsement from the AUPSC and the UNSC. Commits to stand in solidarity with the people of South Sudan and their leaders in their endeavor to attain peace, stability and economic progress, and in this regard the Summit underlines the high importance that it attaches to the humanitarian and security situation in South Sudan and calls upon the Government and Opposition Groups to prioritize the implementation of the Permanent Ceasefire on Cessation of Hostilities, Protection of Civilians and Humanitarian Access; Recognizes the support extended so far by the international community not only in providing the much needed humanitarian assistance to the affected population of South Sudan, but also for their continued commitment and support to the peace and reconciliation process in the Republic of South Sudan. Underscores the constructive role played by the partners of IGAD in assisting the conduct of the High Level Revitalization Process and calls upon them to continue to stand firmly behind the South Sudanese parties and IGAD during the implementation phases of the R-ARCSS; Takes note that the tenure of H E Festus Mogae has come to an end, and Pays tribute to, H.E Festus G. Mogae, for his demonstrated commitment and leadership rendered as the Chairperson of JMEC; and wishes him a long and happy life. Reaffirms the continued and collective engagement of IGAD Member States in the search of lasting peace, security and stability of South Sudan, and decides to remain actively seized of the peace and security situation in the region and South Sudan. Noting the positive dynamics in the Horn of Africa, the summit expressed its appreciation and admiration for the courageous and groundbreaking steps taken by H.E Dr. Abiy Ahmed, Prime Minister of the Federal Democratic Republic of Ethiopia and H.E Isais Afwerki, President of the Republic of Eritrea towards ending the 20 years of conflict between Eritrea and Ethiopia, and in this regard hails the signing of the Agreement on July 8, 2018 between the two leaders that has led to the restoration of full diplomatic relations, trade, transport and communications between the two countries; Reaffirms its commitment to ensure that all the member states of IGAD build and maintain strong, long-lasting and peaceful bilateral and regional relations that will drive the social, economic and political prosperity and stability of the IGAD region and its citizens. END
-
Urur goboleedka IGAD ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo nabad Illaalin ah oo ka socda Soomaaliya iyo Jaabuti loo diri doono dalka dagaaladu hala keeyeen ee South Sudan, kaa oo ah dalka ugu da’da yar qaaradda Afrika, sida uu qoray East African oo soo xiganaya IGAD. Hawlgalka ciidamada lagu geynayo South Sudan waxaa looga dan leeyahay sidii ay u illaalin lahaayeen heshiiska dhawaan lagu gaaray dalka Sudan kaa u dhaxeeyay Maamulka Madaxwayne Sal-fakiir iyo hoggaamiyaha Mucaaradka Riyaad Misheel. Warsaxafeed ka soo baxay Urur goboleedka IGAD ayaa maanta oo Isniin ah lagu sheegay in IGAD ay isku raacday in Soomaaliya qeyb ka noqon doonto ciidamada nabad Illaalinta ah ee loo dirayo South Sudan iyadoona sidoo kale la xusay dalal ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Uganda. Go’aankan ayaa ka dambeeyay kadib markii Madaxda Urur goboleedka IGAD, 12 Bishaan kulan aan caadi ahayn ay ku yeesheen Magaaladda Addis Ababa markaas oo ay ka hadleen xaaladda South Sudan iyo guud ahaan tan gobolka. IGAD ayaa sidoo kale sheegtay inay golaha ammaanka ee qaramada midoobay waydiisan doonto inay taageeraan qorshaha Nabadgalayo ee ciidamada lagu geynayo South Sudan. Guddi ayaa la filayaa in IGAD u dirto South Sudan si ay xaaladda u soo qiimeyaan, waxaana IGAD ay ugu baaqday dhinacyada South Sudan inay u hoggaansamaan oo ay illaaliyaan heshiiskii dhawaan ay ku saxiixeen dalka Sudan. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ay hala keeyeen colaaduhu waxaana hadda ku sugan ciidamo ka socda midowga Afrika, hase ahaatee waxaa Soomaaliya hadda ay door muuqda ka ciyaareysa xal u helidda arrimaha gobolka iyadoona laftigeedu ay ku jirto dib u soo kabasho. Xigasho: Hadalsame Media.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya sanado badan kadib kulan khaasa ku yeeshay Madaxweynayaasha Eriterea Isaias Afwerki iyo Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Kulanka labada Madaxweyne oo ahaa mid saacado qaatay ayaa waxaa looga wadahadlay xal u helida mugdiga Siyaasadeed ee kadhex jira labada dal iyo in Heshiis laga gaaro khilaafka, Dhulka iyo Maxaabiista ay kala heystaan labada dal. Labada Madaxweyne ayaa kulanka hordhaca kadib la arkaayay iyagoo is gacan qaadaya isla markaana wada dhoola cadeynaaya. Adel al-Jubair oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sheegay in labada dal looga maarmi waayay inay xal ka gaaran khilaafkooda. Adel al-Jubair, waxa uu sheegay in dowladiisa ay guulo la taabankaro ka gaari doonto khilaafka labada dhinac, waxa uuna carab ***** inuu jiro Isfahan weyn. Labada dal ayaa dib u soo celinaya xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyay, iyadoo laga heshiinayo colaadii soo jiitameysay ee muranka xuduuda labada dal. Is araga labada Madaxweyne ayaa daba socda Heshiis taariikhi ah oo shalay ay wada gaaren dowladaha Eriterea iyo Ethiopia, waxaana la filayaa in marka uu dhamaado kulamada ay yeelanayaan Madaxda Jabuuti iyo Eritrea ay heshiis kala saxiixdaan. Boqorka dalka Sucuudiga ayaa ka shaqeeyay kulansiinta Labada Madaxweyne ee deriska ah, waxaana Boqortooyada Sucuudi ay door weyn ka qaadatay inay soo afjarto colaad u dhaxeysay dalalka ku yaalla Geeska Afrika.
-
A 10-year-old girl has died in Somalia due to complications from female genital mutilation (FGM). Source: Hiiraan Online
-
Wasiir xigeenka tamarta iyo biyaha dowladda Galmudug mudane Maxamed Nuur Diini oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin warka Raysal wasaaraha dowladda federaalka ka soo yeeray. Wuxuu sheegay in Wasiirka koowaad Xasan Cali uu dalabka ka soo yeeray dowlad goboleedyada ee ahaa in loo baahan yahay daraf seddexaad aynaan waajib ahayn in ay Ajnabi noqdaan balse ay gacanta seddexaad noqon karaan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ama ururrada ay dowladda xubinta ka tahay sida IGAD, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta. Wuxuu sheegay in khilaafka xukuumadda Muqdisho iyo dowlad goboleedyada caqabadaha ka dhallan kara ay badan yihiin, wuxuu sheegay in doorasho dalka ka dhacda 2020-ka Soomaaliya oo cod iyo qof ah iska daaye ayna suurtagal noqon karto in dowladda iyo maamullada ay kala go’aan. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WAREYSI-XILDHIBAAN-HIRSHABEELLE-15-09-2018-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la kulmay Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman Bin C/casiis. Sida laga soo xigtay Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf dowladda Sacuudiga ayaa u kala dab qaadaysa dowladaha Jabuuti iyo Eratariya oo muddo xiriirkooda uu go’naa islamarkaana ku muransanaa dhul ku yaalla xuduudka labada dal. Kulanka ay wada yeesheen Maaadaxweyne Geelle iyo Boqor Salmaan oo ka dhacay magaalada ganacsiga Sacuudiga ee Jeddah, ayaa waxay labada hoggaamiye diiradda ku saareen arrimo ku saabsan xiriirka labada dal, isbedelka ka socda gobolka Geesk Africa iyo colaadda u dhaxeysa Jabuuti iyo Eritrea. Ilo wareedyo muhiim ah oo si hoose ugu warramay Goobjoog News ayaa sheegaya in Boqor Salman uu ka shaqeynayo sidii heshiis looga gaari lahaa xiisadda Jabuuti iyo Eritrea, islamarkaana loo soo celin lahaa xiriirka labada dalka, oo 2008 ku dagaalamay muran dhanka xuduuda. Haddaba, arrintaasi waxa ay soo kordhin karto waxaan ka wareysannay DR Cali Saciid Maxamuud Kulane(Foodare) oo ah bare wax ka dhigaa jaamacado ku yaalla Muqdisho kana faallooda siyaasadda Carabta iyo geeska Afrika. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/falanqeeye-dr-cali-saciid.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre has said that his government would not accept foreign mediation between the member states and the federal government. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenkii hore ee Gaashaandhigga Salaad Cali Jeele ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee soo kala dhexgalay dowladda Federal-ka Soomaaliya iyo Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah. Salaad Cali Jeele oo iminka ka mid ah la taliyeyaasha madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ka qeybgalayey barnaamijka ISXILQAAN oo uu daah furayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ku tilmaamay khilaafka u dhexeeya dowladda iyo hoggaamiyeyaasha gobollada “BAAD” Ereyga BAAD oo uu si Maad iyo Xigmad ku dheehan tahay ku micneeyey ayuu sheegay in dowladda dhexe ay tanaasul badan u sameysay hoggaamiyeyasha gobollada walina diyaar u tahay balse hadda ay qabsadeen kulan “BAAD” ah oo aan laga talo galin “Xataa ma dhihin waan idin baadeynaa!” BAADA UU SHEEGAYO SALAAD Iyada oo ay jiraan dadka qaar ku doodaya in maamul gobolleedyada aan laga talo galin hannaaka dowladnimada ayuu Salaad sheegay in la sameeyey gudiga amniga qaranka kaas oo aysan jirin meel ay dastuurka uga taal in ay ku midoobaan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Hase ahaatee, ay dowladda dhexe kaddib cabasho uga timi hoggaamiyeyaasha u sameysay golohaas “Walow ay baad ahayd!” UJEEDKA SHIRKII KISMAAYO Salaad Cali Jeele waxa uu ku tilmaamay shirkii Kismaayo ee ay Dowlad Gobolleedyada ku sheegeen in ay xidhiidhka ugu jareen dowladda in lagu soo koobi karo “BAAD” kale oo micneheedu yahay dowladdu hana siiso taageero aan dib ugu soo labanno! Hoos ka dhageyso codka Salaad Cali Jeelle https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Jeelle.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay weerar ku qaaden mas’uul ka tirsan maamulka Shirkada Amal. Mas’uulkan ayaa xiliga la weeraraayay ku sugnaa afafka hore ee shirkadda Amal oo ku taalla suuqa Bakaaraha kuwaasi oo dhaawac culus u geestay. Mas’uulka la weeraray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay C/qaadir Al-waasac oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkaddaasi. Weerarka ayaa waxaa geystay laba dhalinyaro oo rasaas la dhacday C/qaadir xilli uu ka soo baxay xarunta, kadibna halkaasi laga qaaday isaga oo dhaawaciisa uu culus yahay. Waxaa lagu wareersan yahay ilaa hadda cida ay ka tirsan yihiin iyo sababta ninkan ay u beegsadeen Kooxdaas. Sidoo kale, mas’uuliyiinta shirkadda Amal ayaa dhankooda ka sheegay inaanu garaneynin sababta loo beegsaday C/qaadir balse ay dib warbaahinta uga faah faahin doonaan sida ay wax u dhaceen. Si kastaba ha ahaatee, weerarka lagu dhaawacay mas’uulkaasi, ayaa kusoo beegmaya xili 15-kii bishan xilli habeen ah qarax gaari gacan loo adeegsaday lagu weeraray meel ku dhaw shirkadda Amal ee suuqa Bakaaraha, kaasi oo aanay jirin cid sheegatay masuuliyadiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Mid kamida saraakiisha ugu sarraysa ciidamada maamulka Axmed Madoobe ayaa isku dhiibay maamulka Al-Shabaab magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe. Nuur Yuusuf Saneey oo ahaa taliyihii Xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo oo ku hubeysan qori AK47 ah islamarkaana ku labisan dareeska ciidamada Booliska maamulka ‘Jubbaland’ ayaa lagusoo bandhigay Maxkamadda islaamiga Jilib. Sarkaalkan isku dhiibay Al- Shabaab ayaa Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland ku eedeyey inay dadka ku hayaan dhibaato aad u xoog. Wareysi uu siiyay Idaacadda Andalus ayuu uga sheekeeyay sababta uu uga goostay maamulka Kismaayo iyo gabood fallo uu sheegay in ciidamada sirdoonka ‘Jubbaland’ ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Halkan ka dhageyso hadalkiisa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/wareysi-sarkaalgoostay.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa laga dalbaday maata inuu xilka iska casilo, kaddib markii la sheegay inuu ku guul-darreystay inuu sugo amniga guud ee dalka, gaar haan Muqdisho oo ah halkii ay k shaqeynaysay Dowladda dhexe ee Somalia. Xildhibaan C/llaahi Ganey oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Somalia oo maanta ka hadlayay kulankii baarlamaanka ayaa walaac weyn ka muujiyay xaladda amni ee dalka, isagoo soo jeediay in Ra’iisul waaaruhu uu xilka ka dago. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in xaafado ka tirsan Muqdisho ay la wareegaan habeenkii xoogag ka tirsan Al-shabaab, isla markaana Garsoor looga doonto Aw-dheegle iyo deegaano kale oo ay Al-shabaab maamusho. “Runtii amniga dalka faraha ayuu ka baxay, Madaxtooyada horteeda ayaa la isku dilayaa. Habeen dhaweyd degmada Huriwaa ayay Al-shabaab xoog kula wareegtay, subixii ayayna ka baxeen, sidaas daraadeed waxaan leeyahay Ra’iisul wasaare Khayre is-casil,” ayuu yiri xildhibaan Ganey. Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in dalka oo dhan ay amni-daradu ka jirto, balse loo baahan yahay in Muqdisho xoogga la saaro, maadamaa ay tahay halkii ay ku shaqeynaysay dowladda dhexe. Dhanka kale, Wuxuu soo hadal-qaaday khilaafka xilligan u dhaxeeya DFS iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah, Wuxuuna sheegay in Dowladda ay ku mashquushay baraha bulshada, taasna ay sababtay in ammaanka Dalka uu xumaado. Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay madaxda sare ee maamul-goboleedyada ay sheegeen inaysan Muqdisho amni ahayn oo aysan ku shiri karin, taasoo uu RW Khayre jawaab kulul ka bixiyay. DHAGEYSO; Hadalka Xildhibaan Ganey uu ka jeediyay Baarlamaanka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/09/DHAGEYSO_Xildhibaan_Ganey_Xamar.mp3 PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xaan Cali Khayre oo laga dalbaday inuu is-casilo appeared first on Puntland Post.
-
It's hard to imagine that, not so long ago, Dur-Dur Band was almost lost to the broader musical world, obscured by time and Somali political upheaval. Ever since Awesome Tapes from Africa reissued the 1987 cassette Volume 5 back in 2013, the band has become a staple for any collector of vintage African music. Now, Analog Africa returns with 18 more tracks from the legendary 1980s group on the heftily named Dur-Dur of Somalia: Volume 1, Volume 2 and Previously Unreleased Tracks. Source: Hiiraan Online
-
Sara Jabril started the “ Dhulka Hooyo Project “ after stumbling upon an old family photo album.This online photography project unveils the beauty and rich cultural heritage of Somalia in the 1980s, before the civil war.* Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – The National Security Council meeting which was scheduled to hold on September 16-17th in Mogadishu capital has been cancelled amid an ongoing political stalemate in Somalia. The meeting which brings together the Federal and State leadership was intended to discuss wide range of issues including all working relationships and war on Al Shabaab and ISIL groups in Somalia. The National Security Council meeting was postponed over insecurity issues suggested by all regional leaders. “We can not come into Mogadishu, because the capital is safe for us”, said a memo obtained by Caasimada Online. Somalia could be split into six regions after five regional federal states announced that they would no longer co-operate with Mogadishu until their grievances about insecurity, sharing of natural resources and the interference by the central government in their affairs are addressed. Following the August 8 announcement, Somalia President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo has called a National Security Council meeting on September 17 which is expected to deliberate on the future of the federal nation. In an apparent response to regional leaders, Somali PM Hassan Ali Khaire has rejected suggestions that Mogadishu isn’t safe for Somali leaders to meet. However, Somali PM has also refused calls for “third-party” mediation as requested by the regional leaders over the latest political rifts. UN says the decision by the five regional presidents could embolden Al Shabaab and negate the gains made by the African Union Mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa kulankii baarlamanka federaalka Soomaaliya ee maanta ka sheegay arrin dad badan aysan ogeyn, oo ah in kumanaan ciidamo Soomaali ah loo diray dalal kale. Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada, sida aadka ah u mucaaradsan xukuumadda, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay laba kun askari dalka ka qaaday, oo aan la ogeyn halka la geeyey. “Waxaa dhacday labo kun oo askari in laga qaaday dalka, oo aanan laba ogeyn waxa laga dhigayo, danta laga leeyahay, ma Al- Qaacidaa laga dhigaa ma Daacish, garan mayno” ayuu yiri Fiqi. Illaa iyo hadda ma jiraan warar si madax banaan u xaqiijin kara sheegashada Axmed Macallin Fiqi oo horey usoo noqday taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya. Fiqi ayaa dhinaca kale xukuumadda ku eedeeyey inaysan waxba ka qaban amniga dalka. “Amnigu faraha ayuu ka baxay waxa uu marayaa heer shabaabku dadka baadaan, Ra’isul wasaaraha amnigu uu sheegayo ma ahan amnigii saxda ahaa ee dalku u baahnaa, isagu geesaha ayuu iska marinayaa wiilal looo geliyay dhar isu eg” ayuu yiri Fiqi. Mudane Fiqi waxaa uu intaas ku daray “Alshabaab magaalada ayay soo buux dhaafiyeen agaalada, sababtaasna waxaa waaye hal sano Al-lshabaab dagaal laguma qaadin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com