Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka jawaabay qoraalkii shalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya. Afhayeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, Cabdullaahi Sheekh Xassan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in warqaddaasi ahayd mid protocol xumo muujinaysa maadaama qoraalka lagu xusay in gogoshii madaxweyne Farmaajo u fidiyey madaxda dowlad goboleedyda ay weli sideedii u taallo. Afhayeenka ayaa sheegay in qalad ay tahay in wasaaraddu u hadasho madaxweyne Faraamjo, balse madaxweynaha xafiiskiisa laga doonayo in arrintaas uu ka hadlo. Dhinaca kale wuxuu sii raaciyay in golaha iskaashiga dowlad goboleedyadu tabashooyinka ay ka qabaan Villa Soomaaliya qoraal ahaan ay ugu gudbiyeen aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka,jawaabtana ay ka sugayaan aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. MOGADISHU (Caasimada Online)—The Minister of Finance, Dr.Abdirahman Beileh, successfully concluded his visit to the UK where he delivered lectures at Chatham House, the Royal Institute of International Affairs, and the Blavatnik School of Government at Oxford University. Both lectures were focused on the progress of Somalia’s fiscal and economic reforms under the third IMF Staff Monitored Program. During the visit, the Minister met with Harriett Baldwin, the Minister of State for Africa at the Foreign and Commonwealth Office and Minister of State at the Department for International Development, and Matthew Rycroft CBE, the Permanent Secretary at the Department for International Development. In these meetings, the Minister discussed Somalia’s fiscal and economic reforms under the IMF Staff Monitored Program and thanked the UK government for the positive role it continues to play in Somalia’s development. Somalia’s Minister of Finance Beileh’s visit to Oxford University, the Minister also held discussions on Somalia’s fiscal and economic reforms with Professor Paul Collier and Professor Stefan Dercon of the Blavatnik School of Government. PRESS RELEASE
  3. Taniyo markii uu soo baxay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah bartamihii sanadkii tagay waxaa jiray siyaabo kala duwan oo ay beesha caalamka ula falgashay. Dalalka qaar ayaa garab istaag u muujiyay Dowlad Goboleedyada, halka kuwa kalena ay iska diideen tabashooyinka ay soo jeediyeen. Isbadalka ku yimid Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo siyaasadaha isbadalay ee Gobolka, gaar ahaan Itoobiya, oo ay timid Xukuumad ka dhawrsanaysa faragelinta gudaha Soomaaliya iyo kalsoonida Baanka Adduunka, Hay’adda Lacagta iyo Midowga Yurub waxay soo xirtay daaqaddii yarayd ee u furnayd Dowlad Goboleedyada. Haddaba, maxay yihiin sababaha u waaweyn ee ayt Beesha Caalamku ay u dhagaysan la’dahay cabashooyinka Dowlad Goboleedyada? Isla-xisaabtan ka carar: Dowladda dhexe ayaa dhawr jeer ka codsatay Dowlad Goboleedyada in ay xisaab xir kasoo sameeyaan kabidda lagu sameeyo miisaaniyadda ay Dowladda Federaalka ah ku taageerto iyo deeqaha kale ee la siiyo. Hufnaanta hay’adaha maaliyadda ee dalku ay u muujiyeen Midowga Yurub, Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Baanka Adduunka waxay soo afjareen fursadihii ay Dowald Goboleedyada ku heli jireen lacago aan xisaab celin lahayn. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doorkan ciyaaraysa kaalin firfircoon oo ay kula xisaabtamayso Beesha Caalamka maadaama dowladda ay kasoo dhalaashay kaalinteeda. Aragtida adduunyadu ka qaadatay Farmaajo iyo Khayre ayaa ka dhigaysa dowlad goboleedyada kuwa ka cararaya isla xisaabtanka ay dowladda dhexe dul dhigtay, doonayana in ay helaan xoolo aan xisaab la socon. Muddo Xileedka Dowlad Goboleedyada: Maadaama Dowlad Goboleedyada dhammaantood ay doorashooyin ka dhacayaan inta uusan dhammaan sanadka 2019, qaarkoodna ay maalmo qura ka dhimanyihiin sida Koonfur Galbeed, Dowlad Goboleedyadu waxay doonayaan in ay huriyaan dab u ogolaado waqti kororsi ama ay cadaadis ku saaraan dowladda dhexe in ay ayagu soo laabtaan. Taasi ma shaqeynayso sababtoo ah, Dowlad Goboleedyadu waxay bishii Juun , 2018 ku saxiixeen Baydhabo heshiis dhigaya in doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ay ku dhacaan muddo xileedkii loogu tala galay Inkastoo shirarka haatan socda iyo hadallada xanafta ah ay keentay qandhada doorashada, haddana Beesha Caalamka waa ka dharagsantahay in odayaasha Golaha Iskaashiga ay doonayaan in ay abuuraan jawi fowdo ah oo u saamaxaya in ay muddo xileedkooda ku darsadaan. Isbaddalka Geeska Afrika: Waxaa taniyo markii uu xilka yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed gobolka ka dhacay isbadal siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ay dalalka Geeska ka wada qeyb qaadanayaan. Dowladda Soomaaliya waxay kaalin muuqata ka qaadanaysaa isbadalladaas in loo rogo fursado dhaqaale oo gobolka oo dhan uu ka faa’iideysto. Isbadalladaas waxay soo afmeereen faragelintii ay Dowladaha Gobolku ku hayeen Soomaaliya ayaga oo usoo mari jiray Dowlad Goboleedyo careysan oo Addis Ababa u kala dhuuman jiray. Albaabkaasi waa soo xirmay, waxaase ku darsamay Kenya oo fahamtay in cidda kaliya ee masiirka ummadda Soomaaliyeed lagala hadli karo ay tahay Dowladda Dhexe oo kaliya keddib booqashadii uu Maadaxweyne Farmaajo ku tagay Nairobi markii la doortayba. Wada shaqeynta Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Barlamaanka: Waxyaabaha keeni jiray in ajnabi loo kala dhuunto waxaa kamid ahaa Ra’iisul Wasaare iyo Madaxweyne is haysta. Farmaajo iyo Khayre waxay muujiyeen in ay wada shaqeyn karaan, Barlamaanka la falgali karaan, hay’adaha kale ee dastuuriga ahna dhidibada u adkeyn karaan. Wada shaqeynta madaxda qaranka waxay fududeysay horusocodnimada dowladda, waxayna baajisay doorkii ay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo kan Urur Goboleedka IGAD ka qaadan jireen dhexdhexaadinta madax isku dhagan oo qoorta is haysta. Waxaa kale oo meesha ka baxay raggii ka macaashi jiray khilaafka Soomaaliya oo uu ugu horreeyay Col. Gabre. Wada shaqeynta labada xafiis waxay muraayadaha ka dallacday dulduleeladii ay ka faa’iideysan jireen ajnabigii u kala dab qaadi jiray madaxda Soomaaliyeed. Taagerada Shacabka ee Dowladda Federaalka: Dowladda haatan jirta waxay abuurtay jawi ay shacabka Soomaaliyeed kalsooni kaga kasban karto. Booqashooyinkii ay ku tageen qeybo kamid ah dalka oo mararka qaar masaafooyin dhaadheer ay dhulka mareen waxay isu soo dhaweysay quluubta shacabka iyo Dowladda Federaalka. Puntland oo lagu tilmaamo hooyada Federaalka maanta dowladda dhexe waxay ku leedahay taageero shacab oo xooggan. Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxay muujiyeen in ay ku qanacsanyihiin siyaasadda Dowladda Federaalka ayaga oo cod dheer ku tilmaamay in Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu uu yahay mid aan dastuuri ahayn oo loogu tala galay in lagu carqaladeeyo Dowladda Dhexe. Gegagabdii, haddii Beesha Caalamku dareentay in Dowlad Goboleedyadu aanay ku socon jiho u hiilineysa dowlad dhisidda Soomaaliya oo dowladdii dhexe lagu aaminay dhaqaale, laguna garab istaagay taageero buuxda oo ay ka heleyso dalalka dariska, kuwa Qaaradda iyo Midowga Yurub, muxuu noqon doonaa mustaqbalka Dowlad Goboleedyada gadoodsan ee u hammuunta qaba muddo kororsiga, isla xisaabtan la’aanta iyo ajnabi jacaylka? Jawaabta Shacabka Soomaaliyeed ayaanu u daayey. Waxaa diyaariyey: Cabaas Cali Xasan Email: filimside@gmail.com
  4. Istanbul (Caasimada Online) – Mas’uul u hadlay Sacuudiga ayaa badalay riwaayaddii Xeer-ilaaliyaha Sacuudiga ee ku saabsaneyd dilkii Jamal Khashoggi , mas’uulkan waxaa uu sheegayaa in Jamaal u dhintay wada hadal ku saabsan sidii uu Sacuudiga ugu noqon lahaa. “kooxda wada hadal-ka wey naxeen markii hore, taasi ayaa keentay inay runta qariyaan, dhimashada Jamaal waxaa ay timid markii la ceejiyey si aanu u qeylin”. Xeer-ilaaliyaha Sacuudiga ayaa October 20-keeda waxaa uu sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan inuu Jamal Khashoggi ku dhintay dagaal ka dhacay qunsuliyadda dhex-dhexdeeda. “Dooddii dhex martay muwaadinka Jamal Khashoggi iyo kooxdii joogtay qunsuliyadda, waxaa ka dhashay dagaal gacmaha la iskula tagay, taas oo keentay geeridiisa” ayuu raaciyey xeer-ilaaliyaha. Jamal Khashoggi, ayaa markii ugu dambeysay ee la arko waxaa ay aheyd October 12, 2018, Sacuudiga wixii markii hore waa inkiray dilka, iyaga oo sheegay inuu qunsuliyadda lugahiisa uga baxay. Jamal Khashoggi, waxaa uu qoraa ka tirsan Washington Post, waxaa uu sidoo kale horay u soo noqday madaxa iyo tifaftiraha guud Al-carabiya. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  5. Kal-fadhiga 42 aad ee Baarlamanka Puntland ayaa furmaya todobaadkan maalinta Khamiista ah ee ku beegan 25 bishaan October. Fadhigan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan Golaha wakiilada Puntland ee wakhtiga xil-hayntoodu sii dhammaanayo,iyadoo ay haatan socoto xulista xubnah Baarlamankii beddeli lahaa. Xildhibaannada wakhtigu ka sii dhammaanayo ayaa badankoodu u xusul-duubaya sidii ay mar kale ku soo noqon lahaayeen,waxaana qaarkood ku maqan yihiin degaannada laga soo doorto. Xildhibaan Maxamed Axmed Jeceel oo ka tirsan mudanayaasha xilkoodii dhammaaday ayaa Puntland Post u sheegay in kal-fadhigaan lagu anisixin doono miisaaniyadda saddexda bilood ee u horraysa sannadka cusub 2019 taasoo uu ku tilmaamay shaqada ugu muhiimsan ee hortaalla. Mudane Jeceel wuxuu intaas raaciyay in mudanayaasha hadda jooga aysan awood u lahayn, ka doodista arrimo khuseeya masiirka dalka,maadaama ay xil-haytoodii dhammaatay,ayna socoto xulista xildhibaannadii beddeli lahaa. PUNTLAND POST The post Ajandaha ugu muhiimsan ee kal-fadhiga Baarlamanka Puntland? appeared first on Puntland Post.
  6. Mas’uul u hadlay Sacuudiga ayaa badalay riwaayaddii Xeer-ilaaliyaha Sacuudiga ee ku saabsaneyd dilkii Jamal Khashoggi , mas’uulkan waxaa uu sheegayaa in Jamaal u dhintay wada hadal ku saabsan sidii uu Sacuudiga ugu noqon lahaa. “kooxda wada hadal-ka wey naxeen markii hore, taasi ayaa keentay inay runta qariyaan, dhimashada Jamaal waxaa ay timid markii la ceejiyey si aanu u qeylin”. Xeer-ilaaliyaha Sacuudiga ayaa October 20-keeda waxaa uu sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan inuu Jamal Khashoggi ku dhintay dagaal ka dhacay qunsuliyadda dhex-dhexdeeda. “Dooddii dhex martay muwaadinka Jamal Khashoggi iyo kooxdii joogtay qunsuliyadda, waxaa ka dhashay dagaal gacmaha la iskula tagay, taas oo keentay geeridiisa” ayuu raaciyey xeer-ilaaliyaha. Jamal Khashoggi, ayaa markii ugu dambeysay ee la arko waxaa ay aheyd October 12, 2018, Sacuudiga wixii markii hore waa inkiray dilka, iyaga oo sheegay inuu qunsuliyadda lugahiisa uga baxay. Jamal Khashoggi, waxaa uu qoraa ka tirsan Washington Post, waxaa uu sidoo kale horay u soo noqday madaxa iyo tifaftiraha guud Al-carabiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Dagaal u dhexeeya laba beelood ayaa saaka socda degaanka Dhummay ee Koonfurta gobolka Sool. Dagaalka oo qarxay aroornimadii hore ee saaka oo Isniin ah ayaa ku fiday tuulada Dhummay iyo nawaaxigeeda,waxaana halkaasi laga maqlayaa rasaas xooggan oo ay is’dhaafsanayan malayshiyaadka labada dhinac,sida ay sheegeen goobjoogayal. Dad ku sugan naxaawigaasi ayaa laga soo xigtay in qiiq iyo uuro laga arkayo gudaha tuulada Dhummay oo dagaalku ka socdo,balse wax faahfaahin ah lagama hayo khasaaraha kala gaaray labada dhinac. Bil ka hor ergo ka kooban cuqaal,isimo,culimo iyo ganacsato oo ka baxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in ay heshiis dhex dhigeen labada beelood,kadib dagaal dad badan ku dhinteen oo halkaasi ku dhexmaray. Lama oga waxa saaka dib u kiciyay colaadda beelaha oo horena marar kala duwan soo laa-laabatay. Wixii faahfaahin ah kala soco:Puntland post The post Dagaal beeleed dib uga qarxay Koonfurta gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Laanta carabiga ee BBC-da ayaa shaacisay in Maxamed Bin Salmaan uu Khadka Telefoonka kula hadlay qoyskii uu ka baxay Saxafiga Jamal Khashoggi oo magaalada Istanbuul ay ku dileen Sirdoonka Sacuudiga. Bin Salman oo looga shakisan yahay inuu ka danbeeyay dilkaas, waxa uu qoyska uga tacsiyadeeyay inuu la qeybsanaayo xanuunka geerida. Tacsiyadeynta dhaxalsugaha waxa ay kusoo beegan iyadoo Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga uu sheegay in Bin Salman uusan wax luga ku laheyn dilka Jamal Khashoggi. Bin Salman waxa uu qoyska u sheegay inay wadan baaritano, balse ay ka tacsiyadeynayaan geerida xanuunka leh ee ku timid Jamal Khashoggi. Dowladaha Britain, Jarmalka iyo Farance waxa ay si wada jira usoo saaren war-saxaafadeed ay ku canbaareynayan dilka Saxafiga, waxa ayna dowlada Sacuudiga ka codsadeen inay keento faahfaahin lagu qanco oo ku aadan geerida Saxafiga. Haweeneyda Ra’isul wasaaraha ka ah dalka Jarmalka waxa ay ku dhawaaqday ineysan dowlada Sacuudiga ka iibin doonin wax Hub ah inta laga keenayo warbixin saxa oo ku saabsan dilka Jamal Khashoggi. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Sacuudiga waxa ay sabtidii qiratay dilka Jamal Khashoggi, iyadoo sheegtay in shaqada laga eryay Saraakiishii ku lug laheyd dilka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Wakaalada wararka Turkiga ee Anadol ayaa sheegtay in Madaxweynaha dalkaasi Rajap Dayip Erdogan uu khadka Teleefanka saqdii dhexe ee xalay kula hadlay dhigiisa dalka Mareykanka Trump. Labada Hogaamiye ayaa kawada hadlay qadiyada dilka Jamal Khashoggi, waxa ayna sheegen in la cadeeyo xogaha ku aadan qaabka loo dilay wariyaha. Hogaamiye Trump oo doonaayay inuu xog badan ka helo dhageysiga codadka iyo cadeymaha dilka Jamal Khashoggi ayaa dhigiisa Turkiga ka dalbaday inaan lasii xiisadeyn arrinta dilka. Trump waxa uu Erdogan u sheegay in dowladiisa ay dhab ka tahay wax ka qabashada kiiska murugada badan dhaliyay ee Jamal Khashoggi, balse la doonayo in qaab qaboob loo wajaho. Labada Hogaamiye waxa ay sidoo kale kawada hadleen in la wanaajiyo xiriirka labada dal oo mugdi soo galay, kadib markii dowlada Ankara ay xirtay Baadari Mareykan ah oo markii danbe lasii daayay. Dhinaca kale, wadahadalka labada Hogaamiye ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan Trump uu ka caga jiiday in cunaqabateyn lagu soo rogo dowlada Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegay in Heshiis qodobeysan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka ah ee Ethiopia iyo Ururka ONLF oo horay uu uga dhexeeyay khilaaf. Dowlada Ethiopia iyo ONLF ayaa heshiiska ku kala saxiixday magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eritrea halkaa oo ay tiilay gogosha heshiisiinta labada dhinac. Heshiiska labada dhinac ayaa dhigaaya in la hakiyo wax waliba oo dib usoo cusbooneysiinkara khilaaf iyo isku dhac dhexmara dowlada iyo ururka. Heshiiska ayaa waxaa kamid ah in ururka ONLF uu danihiisa siyaasadeed ku gaaro hab nabadeed oo aan caqabad u horseedi Karin dalka. Heshiiska ayaa sidoo kale faraya in labada dhinac ay sameeyan guddi isku dhaf ah oo baara wixii sababta u ahaa dagaalka iyo khilaafkooda. Dowlada Ethiopia iyo ONLF ayaa heshiiska kadib si wada jira u sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan galiyo, iyadoo si wada jira looga shaqeynaayo inaanu burburin heshiiska. Sidoo kale, Dowlada Ethiopia ayaa horay ONLF ugu dartay liiska Argagixisada kaddib markii sanadkii 2007dii ay 74- qof ku dileen dhul shidaal laga qodayay oo ku yaalla Gobolka Soomaalida. Geesta kale, heshiiska labada dhinac ayaa soo degdegay kadib markii ay dowlada Ethiopia ay ogaatay in Gobolka Somalida uu ku jiro afar tiriliyan cubic oo Gaas iyo Oilyo ah,waxaana qandaraaska lagu baarayo heysata sharikadda laga leeyahay China. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlaayay maanta kulanka Garoowe uga furmay madaxda maamul goboleedyada ayaa soo hadal qaaday colaadihii ka jiray magaalada Gaalkacyo. C/weli Gaas, waxa uu sheegay in colaadahasi uu ka danbeeyay Hogaamiyihii hore ee Galmudug wuxuna ku eedeeyay maamulki hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed. C/weli Gaas, waxa uu sheegay in maamulkii Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ahaa mid hogaaminayay colaada magaalada Gaalkacyo isagoo ku eedeeyay inuu ka dhaga fureysan jiray baaqyada nabadeed, sida uu Gaas yiri. Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo u waramayay Idaacada Knn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Gaas uu ka been sheegay xaqiiqda waxa uuna taa bedelkeeda carabaabay in maamulkiisii hore uu ahaa kan keliya ee u istaagay degnaanshaha Gaalkacyo. Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxa uu tilmaamay in dadaalkii ugu xooga badnaa uu galin jiray xalinta colaadii ka jirtay Gaalkacyo, isagoo marqaati ka dhigtay dhamaan dhinacyadii xiligaa kasoo qeybqaatay ama korjoogto ka ahaa shirarkii lagu xalin jiray colaada. Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badan ee colaada Gaalkacyo ay aheyd mid ka taagneyd dhanka Puntland waxa uuna muujiyay in C/weli Gaas uu ka meermeeri jiray xalinta colaadaha. Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxa uu carab ***** in C/weli Gaas uu madaxda Qaranka iyo kuwa shisheeye uu ka diidi jiray xalinta colaadaha Gaalkacyo balse uu keliya ka qaadan jiray Sarkaalka Ethiopia u joogay Somalia ee Gen. Gebra. Sidoo kale, Guuleed ayaa C/weli Gaas ku eedeeyay inuu yahay mid aad xushmad u siiya shisheeyaha waxa uuna cadeeyay in talaabo waliba uu qaadayo ay tahay mid uu mudnaan kusiiyo shisheeyaha. Haddalka Guuleed, ayaa kusoo beegmaya xili Siyaasad ahaan ay aad isugu dhow yihiin Hogaamiyayaasha Puntland iyo Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Dowladda Puntland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay madaxweynihii hore ee Galmudug,Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ahaa in Gaalkacyo aan nabad lagu fadhiyi doonin inta ay ka wada-taliyaan laba maamul. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Puntland,Cabdi Xirsi Cali(Qarjab) oo saaka wareysi gaar ah siiyay Puntland Post ayaa sheegay in bulshada Galmudug iyo Puntland ee walaalaha ay wada-ilaashadaan nabadda iyo xasiloonida magaalada Gaalkacyo,islamarkaana aysan dhag jalaq u siin hadallada necaybka iyo colaadda hurinaya ee ka soo yeedhay Cabdikariin Guuleed. Wasiir Qarjab wuxuu sheegay in mudane Guuleed oo soo noqday madaxweynaha Galmudug aan maanta looga fadhin in uu isku’dir iyo colaad ka dhex abuuro shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Puntland iyo Galmudug,xilli bulshada labada dhinac nabad iyo walaaltinimo si wadajir ah uga shaqeynayaan. Dhinaca kale Qarjab ayaa Cabdikariin Guuleed ku eedeeyay in uu dagaallo qabiil iyo colaad gobolka ka riday mudadii uu madaxweynaha ka ahaa Galmudug,sidoo kalena malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab u soo gudbiyay dhinaca Puntland,si ay khalkhal uga geystaan. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ka soo daashay kicin qabiil iyo dagaallo sokeeye oo aan dhinacna dan u ahayn,loona baahanyahay mar kasta in laga shaqeeyo dib u-hedhiisiinta iyo nabadeynta shacabka. PUNTLAND POST The post Qarjab”Cabdikariin Guuleed Al-shabaab ayuu noo soo gudbin jiray” appeared first on Puntland Post.
  13. Anger and condemnation followed the death of a man killed for his alleged involvement in an inter-clan marriage in Somalia this year, highlighting changing attitudes in a conservative nation. Source: Hiiraan Online
  14. Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay waxaa ay soo saartey Warmurtiyadeed kaas oo lagaga hadlay doorashooyinka dowlad goboleedyada qaar iyo khilaafka Villa Somalia kala dhaxeeya dowladaha Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland. Inkasta oo warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda aan si cad loogu sheegin in lagaga jawaabayo warkii eedeynta ah iyo digniinta ahaa ee ka soo yeeray Gudiga Joogtada ee Aqalka Sare ayaa hadda waxaa lagu yiri “Gogoshii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay madaxda maamul goboleedyada ay weli sideedii u taallo, islamarkaana dowladda ay diyaar u tahay inay dhageysato cabashooyinkoodii”. Haddaba, Goobjoog News waxaa ay arrintaasi weydiisay Senator Xuseen Sheekh Maxamud Xuseen, haddii ay wasaaradda u soo jawaabtay iyo in kale? “Aniga shakhsiyan, waqti in la qabto waa muhiim, laakin aqalka sare arrinta uu ka hadlayo waa su’aalihii iyo report-kii ay aqalka sare ka keeneen dowlad goboleedyada maka soo jawaabeen? Markii lagu wareejiyey 2 maalin ayey qabsadeen, 20 maalin ayaa laga joogaa, marka jawaab ma aha arrinta wasaaradda arrimaha gudaha, waxa uu aqalku jawaab ka rabo, waa maamulka Farmaajo”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 22-ka bisha Octoober 2018 kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa noqon-doona akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka wax ka badalka hanti dhowrka guud ee Qaranka. hindise sharciyeedka wax ka badalka hanti dhowrka guud ee Qaranka oo maray akhrinta 1aad, waxaana lagu balansanyahay in maanta mar kale la akhriyo. Wararka kulanka iyo wixii ku soo kordha, kala socda Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug,Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhaliilay hannaanka loo maray nabadda iyo xasiloonida ka aslaaxday magaalada Gaalkacyo. Mudane Guuleed oo xalay wareysi bixiyay ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu shalay madaxweynaha Puntland ka sheegay shirka Garoowe ka socda,kaasoo ahaa in madaxweyne Xaaf uu ka shaqeeyay nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Gaalkacyo. Guuleed ayaa sheegay in nabadda Gaalkacyo ka dhalatay ay ka dhigantahay in shacabka Galmudug ay maqan u noqdaan dhinaca Puntland,taasina aan marnaba la qaadan karin,sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayuu ku ku dhaliilay habka uu nabadda kula qaatay Puntland ee ah in laba maamul ka wada-taliyaan Gaalkacyo. Wuxuu intaasi raaciyay in haddii la doonayo nabad iyo xasilooni Gaalkacyo loo daayo hal maamul oo ka wada-taliya,balse inta labada maamulba joogan aan nabad lagu fadhiyi doonin. PUNTLAND POST The post Guuleed oo sheegay in aan Gaalkacyo nabad lagu fadhiyi doonin inta laba maamul wada-joogan appeared first on Puntland Post.
  17. ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) — The Ethiopian marathon runner who made global headlines with an anti-government gesture at the Rio Olympics finish line returned from exile on Sunday after sports officials assured him he will not face prosecution. Source: Hiiraan Online
  18. As part of efforts to implement institutional reforms, the Somali Police Force (SPF) has trained 28 senior-level officers, on Strategic Planning and Management. Source: Hiiraan Online
  19. ADDIS ABABA (Reuters) - Ethiopia signed a peace deal on Sunday with Ogaden National Liberation Front (ONLF) rebels from its Somali Region, whom it had previously outlawed as a “terrorist group,” officials said. Source: Hiiraan Online
  20. Kenya on Sunday repatriated 17 Somali nationals who caused disturbance at Jomo Kenyatta International Airport when they were denied clearance to travel to Uganda. Source: Hiiraan Online
  21. Turkish officials have been leaking lurid details for weeks about the assassination and reported dismemberment of the Saudi dissident Jamal Khashoggi in the kingdom’s consulate in Istanbul. But President Recep Tayyip Erdogan, keen to maintain good relations with Saudi Arabia, has until now mostly held his tongue. Source: Hiiraan Online
  22. Garowe (Caasimada Online) – Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ku hanjabay inay dooranayaan madaxweyne, haddii lagu guul-darreysto in dalka ay ka dhacaan doorashooyin, ayaga oo ku eedeeyey dowladda dhexe inaysan hayn waddadii doorasho ay ku dhici lahayd. Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe oo ka hadlayey doorashooyinka waxuu yiri “Arrinta doorashooyinka guddi malaha, dowldda dhexe keligeedna ma laha, waxaan ku heshiina ma jirto, waxaan ku heshiinay mabaa’iid, laakin wax la yiraa hal deegaan doorasho waxbo kama jiraan, ma aha wax ay cidi yeeri karto…ma gaari karaan, cid gooni kuma qanci karto Soomaaliya doorasho noocaas iyo noocaas ayaa dhaceyso, oo aan inta naga waxba ka ogeyn, Soomaaliya kama dhici kareyso, horay ugama soo dhicin, maantana kama dhacesyo, talada wadanka waa naga dhaxeysaa. Axmed Madoobe ayaa ku hanjabay in maadaama aysan dowladda hayn, sida uu hadalka u dhigay, wax qorshe ah oo dalka ay ugu horseedi karto guulo doorasho, inay lagama maarmaan noqon doonto inay ayaga doortaan hoggaanka cusub ee dalka. “Waxaa ay ila tahay mas’uuliyadda la saaray waa garaneynaa, dowladdana waa ku boorineynaa inay dib u soo noqoto, ay timaado miiska wada tashiga, golaha iskaashiga dhismaheeduna waa shey muqadas ah, meel looga wareeganayo ma leh waa dastuuri, haddii ay intaa ka sii tagtana, wax ka weyn oo kale ayaa sii dooraneyaa may be inaan hoggaan sameysanno ayaa laga yabaa” ayuu yiri Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale ka hadlay arrimaha amniga, waxaana yiri “Arrimaha amniga waxaan isleeyahay waa qodobka ugu muhiimsan ee shir walba laga hadlo, waa laga hadlaa amniga, waa la calaacalaa, waxbaa laga sheegaa, waxna kama socdaan, xogga waxaa igu yara cusub, dowladaha Soomaalidu marka hadda dowladdii Cabdillahi Yusuf qolada muqaawamada Djibouti loo xuubsiibanayey, hoosbaa wax laga guri jiray, malaha dowladdu waxbaa hoos laga guraayoo, qolada Shabaabku heshiisbaa ka soo socdoo, dagaalkaa la diidanyahay baan is leeyahay, armaan xilli kala guur ah ku jiraa oo innaga degdegeynaa ayaan is leeyahay….ma jiraa in lala dagaalamo waa maya, taasi waxaa ay keentay jidkii Maka Al-mukarama oo awal isaga la mari jiray in isaga meel walbo laga xiray isaga laftiisa lagu socon waayo, Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  23. Authorities say heart, as well as parts of liver and kidneys of David Humphries were taken to establish cause of death Source: Hiiraan Online
  24. Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhba ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in shalay halkaas ay gaartay diyaarad ciidamo iyo baabuurta aan xabada karin siday oo ka tagtay magaalada Muqdisho. Gawaarida aan xabadaha karin iyo ciidamada la socday ee shalay Baydhaba tegay ayaa waxa ay horudhac u yihiin musharax Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo isna maanta tegaya Baydhaba. Laftagreen ayaa ah musharaxa ay si aadka ah u taageereyso dowladda federaalka Soomaaliya, ee ay dooneyso inay ku beddesho Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo dowladda ay aad isku khilaafsan yihiin. Qorshaha Laftagareen ayaa soo socday tan iyo markii dowladda Soomaaliya ku qancisay inuu xilka guddoomiyaha baarlamanka uga tanaasulo Cabdulqaadir Mursal, wareeggii labaad ee doorashada guddoomiyaha baarlamanka, isaga oo xilkan uu hadda doonayo loo ballan-qaaday. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dhinac kale ka taageereysa agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Xuseen Uur-Kuus, ayada oo badineysa fursadaha Shariif Xasan meesha looga saarayo. Si kastaba Uur-Kuus ayaan rajo badneyn marka la eego beesha uu kasoo jeedo. Uur-Kuus waxa uu kasoo jeeda beelaha la isku yiraahdo Digil ee gobolka Shabeellada Hoose, oo aan saameyn badan ku lahayn siyaasadda Koonfur Galbeed, halka Lafagareen uu ka dhashay beelaha Mirifle ee ku badan Baay iyo Bakool, gaar ahaan beesha Xariin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Maxkamadda Al-shabaab ee degaanka Towfiiq ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa xukun jeedal ah ku ridday wiil yar oo kufsi lagu eedeeyay. Mahdi Maxamed Calasow oo 17 sano jir ah ayaa Al-shabaab ku eedaysay in uu kufsaday Maryan Abukar Axmed oo 16 sano jir ah. Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay 100 jeedal ku dhuftay Mahdi,waxaana laga musaafuriyay degaanka Towfiiq ee uu ku noolaa. Wiilka yar ayaa lagu jeedalay goob fagaare ah oo shacab badan soo buuxiyeen. Inta badan xukunnada noocan oo kale ah ayaa Al-shabaab ka fulisaa degaannada ay maamusho ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo xukun jeedal ah ridday appeared first on Puntland Post.