Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    192,346
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ka imaanaya Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa ku waramaya in Qarax Miino oo dhulka lagu aasay in lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka Tirsan booliska Dowladda Kenya. Qarax oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay wadada xiriirisa degmada Wajeer iyo deegaanka Dabasiti iyo degmada Ceelwaaq,waxaana khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Kenya. Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab in weerar daba-gal ahaa in ay ku qaadeen ciidamo katirsan Booliska Kenya xilli ay marayeen wadada xiriirisa degmada Wajeer iyo deegaanka Dabasiti iyo degmada Ceelwaaq. Shabaab waxa ay sheegeen in labo gaari oo ah kuwa loo yaqaan Kooyalka lagu gubay weerarka. Sidoo kale Al Shabaab waxay sheegtay in hub u badan qoryaha G3-ga ay dagaalyahanadoodu kusoo qabsadeen qaraxii ka dhacay gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya. Illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan weerarka ka dhacay gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya. PUNTLAND POST The post Al-Shabaab oo Weerar ku Qaaday Kolonyo Ciidamada Kenya ah appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (PP) ─ Ganacsatada alaabaha kala soo daga Dekedda Muqdisho ayaa sheegay in lagu kordhiyay lacagihii laga qaadi jiray, iyagoo sheegay in tallaabadaas ay qaaday Wasaaradda Maaliyadda Soomaailya. Mar ay ganacsatadu la hadleen warbaahinta gudaha ayay sheegeen in 25% lagu kordhiyay canshuuraha laga qaado ganacsiyada dibadda laga keeno ee kasoo daga dekedda Muqdisho. Sidoo kale, Ganacsatada ayaa sheegay inaysan awood u lahayn inay lacagta lagu kordhiya bixiyaan, iyagoo sheegay in dhawaan ay si toos ah uga hadli doonaan go’aanka canshuur kordhinta ee Wasaaradda Maaliyadda Somalia iyo waxa ay ka qabaan. “Ganacsatada Muqdisho waxaa u socda kulammo gaar-gaar ah, waxaana doonayaa kulammadaas kaddib inaan caddeyno mowqifkeenna arrintaan ku aaddan,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah ganacsatada Xamar. Dhanka kale, Tallaabadan ayaa imanaaysa iyadoo ganacatada alaabaha kala soo daga Dekedda Muqdisho ay sheegeen inay dhibaatooyin kala kulmaan shirkadda Turkiga ah ee gacanta ku haysa Dekedda Muqdisho. Ugu dambeyn, Wasaaradda Maaliyadda Somalia ayaan weli wax hadal kasoo saarin canshuur kordhinta la sheegay inay ku sameeyeen ganacsiyada lagala soo dego Dekedda caalamiga ah ee Xamar. PUNTLAND POST The post Ganacsatada Muqdisho oo sheegay Dowlada Somalia ay kordhisay Canshuuraha laga… appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Daacishta Somalia ay bilaabeen howlgalo ka dhan ah maamulka Puntland. Maleeshiyaadka oo ku hubeysan Hub iyo Gaadiid casri ah, ayaa la xaqiijiyay inay bilaaben howlgalo laga sameynaayo banaanka buuraha Galgala. C/raxmaan Maxamuud oo kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in indhihiisa uu ku arkay maleeshiyaad Hubeysan oo howlgal ugaarsi ah ka fulinaaya banaanka buuraha. Waxa uu tilmaamay in mudada ay howlgalka ku guda jireen ay dhac ku hayeen Gaadiidka iyo dadka xamaalatada ah ee ku dhow dhow buuraha. Waxa uu intaa ku daray inay ka xeysteen gaadiid nooca raaxada iyo kuwo waaweyn ah oo loo badinaayo inay u adeegsan doonaan weeraro. ”Waxaan goobjoog u ahaa furashada gaadiid noocyo kala duwan leh oo ay kala dageen dad shacab ahaa, waxa ayna kusii qaaten dhowr dhalinyaro” Wuxuu sheegay inaan horay looga baran falalka furashada gaadiidka iyo qafaalashada dhalinyarada, balse waxa uu ku taliyay in la sameeyo ka hortag. Sidoo kale, waxa uu carab dhabay inay sumeyn ku bilaabeen ceel-biyoodka ku yaalla dhammaan deegaanada ku dhow dhow goobaha ay gacanta ku hayaan. Geesta kale, waxa uu cadeeyay in ciidamada maamulka Puntland ay gadaal uga soo durqeen Saldhigyadii ay ku sugnaayen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in la kordhiyay lacagaha canshuurta ah ee laga qaado Ganacsatada alaabaha kala soo dega Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho. Ganacsatada ayaa la sheegay in 30% lagu kordhiyay lacagaha Canshuurta, xili ay jirto dhaqaale xumi ay ka cabanayaan. Canshuur kordhinta ayaa waxaa sameeyay Wasiirka Maaliyada u qaabilsan xukuumada C/raxmaan Beyle, oo dhaliilay dhaqaalaha usoo xarooda Ganacsatada iyo dhaqaale yarida ay ka cabanayaan. Yuusuf Maxamuud oo kamid ah Ganacsatada ayaa sheegay inay ku adag tahay bixinta lacago canshuur ah oo uu tilmaamay inay tahay 30%. Waxa uu sheegay in muddo Sanad gudihiisa lagu kordhiyay laba jeer Canshuurta waxa uuna intaa raaciyay in Dekadda qudheeda ay ku qabaan dhibaato, isla markaana aysan garankarin sababta looga qaadayo dhaqaale intaa dhan. Waxa uu intaa ku daray in Canshuurta lagu kordhiyay ay tahay waxyaabaha Dibadda laga keeno ee laga soo dejiyo Dekadda Muqdisho arintaasna aysan awoodin Ganacsatada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Ganacsatada ayaa wada dadaalo ay xal ugu raadinayaan Canshuurta farahabadan ee lagu soo rogay, iyagoo kulamo la qaadanaaya Wasiirka Maaliyada iyo Maamulka Sare ee Dekadda. Geesta kale, waxaan arrintaan ka hadal Wasaaradda Maaliyadda, oo iyadu dhaqaale abuur ka sameyneysa Dekadda Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. International observers are often fascinated with the Somalian people’s close relations with Turkey and their appreciation for the support. Indeed, as a recovering state that has experienced one of the most traumatic civil wars in modern history, Somali has been and continues to be assisted by many partner nations and agencies in different ways alongside Turkey. Of course, for this, the Somali people and government are grateful, but the question remains, what makes Turkish assistance so much more appealing to the Somali people? Somali will never forget President Recep Tayyip Erdoğan’s first visit with his family and a plane full of cabinet ministers, humanitarian professionals and business leaders at the height of the 2011 famine. By simply setting foot in a supposed international no-go zone, President Erdoğan re-injected hope and optimism in the Somali people. Erdoğan ultimately dismissed the hopelessness attached to Somalia by the international community by making clear that African country did not need containment like an international pariah state, but instead it needed support to be able to stand up once again and contribute to its own stability and progress. Now, many foreign dignitaries regularly visit Somalia, but the year 2011 was a game changer for Somalia and the way the world viewed it simply because of President Erdoğan’s visit. Following the 2011 visit, President Erdoğan has went many more times to Somalia and each time the Turkish government’s efforts in Somalia have become more visible. Where most international support to Somalia is through multilateral channels, Turkish financial and development assistance has always been direct and driven by public need and national priorities. Among these are the infrastructure that Mogadishu and other cities rely on including roads, hospitals and the management of the port and airport for service delivery and revenue generation to finance public expenditure. In addition, Turkish schools and professionals are living and working alongside the Somali population and strengthening people to people relations that are crucial for confidence building and changing the still dominant negative narrative on Somalia. The best example of Turkey leading the way in direct response to Somali needs is the immediate arrival of Turkish health assistance after the most recent devastating terrorist attacks in Mogadishu a few weeks ago, which killed over 300 people. In addition to sending the first medical plane to provide emergency treatment and then evacuating many of the most injured, Turkish Health Minister Ahmet Demircan also visited the day after to show solidarity and reiterate Turkish commitment to supporting Somalia through this difficult process. At a time when the world stood still in shock, the Turkish government responded without hesitation. This no doubt truly touched the hearts and minds of the Somalians everywhere, so much so that Turkey is now clearly seen as Somalia’s first responder by its people. The success of the Turkish engagement and partnership in Somalia has been its directness, swiftness and visibility. The Turkish engagement has cut out expensive foreign middlemen and the crippling bureaucracy associated with international multilateral assistance that delays development. Turkish Airlines (THY) is the only international carrier that flies to Mogadishu, Turkish investors are the first on the ground, Turkish hospitals and schools are among the key public service providers Somalis rely on, and Turkey has established a training facility to train the next generation of Somali soldiers where others have been concerned with training units for smaller operations. As a recovering state, Somalia must be, and already is, grateful to all those partners that support it. In total, these pay more financially than Turkey itself contributes to Somalia through multilateral framework and networks. However, this assistance is hard to quantify as it is mainly statistics and academic and not very visible. The citizens of Somalia, the main beneficiaries of all assistance, do not want just paper reports of progress but real deliverables that improve their daily lives. The Turkish government seems to have understood this well not just in Somalia but also across the whole African continent. What other partners can learn from the Turkish engagement in Somalia is that it is impossible to support a country like Somalia to develop without trusting its slowly strengthening institutions. Of course, Somali institutions must strengthen and improve further in transparency and service delivery, but they cannot do this if all assistance is channeled through third party agencies that themselves are enormous bureaucratic black holes. For now and the foreseeable future, Turkey will remain Somalia’s first responder. However, the Somali government must use the good relations with Turkey and its direct diverse support to illustrate to other valuable partners that Somalia has truly turned the corner towards stability, good governance and progress. This Turkey cannot do for Somalia. Source: – Daily Sabah
  6. Former President Barack Obama announced in a video on Wednesday that he is inviting civic leaders from around the globe to Chicago next month, where they will exchange ideas and plan ways to solve some of the world’s common problems. The inaugural Obama Foundation Leadership Summit “will be a place to gather and learn from one another, and then go back to your communities to lead others in the hard work of change,” Obama said in a video and email released to supporters. Obama said he expects the summit will bring together hundreds of leaders from around the world—many of them young people. The summit will be the beginning of several activities the Foundation is planning, Obama said: In the weeks and months ahead, we’ll be kicking off more initiatives and opportunities for people like you to get involved with the Obama Foundation’s mission. That mission is simple: We want to inspire and empower people to change the world. The former president wrote in the email that one of the new projects is an Obama Foundation fellowship “to support and elevate outstanding civic innovators‚ individuals from around the world who are working with their fellow citizens to tackle big challenges.” Another project will be “training days,” which he said will “teach young people how to put civics into action where they live.” Other projects are in the works, including the merging of Obama’s signature My Brother’s Keeper Alliance program fully into the Obama Foundation. With the summit, Obama said he and his wife Michelle Obama want to “hear directly from the future leaders we want to cultivate,” according to The Hill: And what makes me so hopeful, so optimistic, is that so many of you have shown up, dived in and embraced the kind of active citizenship that makes our democracy work. Source: – Viral Daily Posts
  7. The U.S. Justice Department on Monday sought to revoke the citizenship of four Minnesotans from Somalia who are accused of defrauding the Diversity Immigrant Visa Program more than a decade ago. According to four civil complaints filed by Washington, D.C.-based Justice Department attorneys, Fosia Abdi Adan, Ahmed Mohamed Warsame, Mustaf Abdi Adan and Faysal Jama Mire posed as a nuclear family and used false identities in applying for visas. Before coming to the United States in 2001, Adan, 51, of Eden Prairie, allegedly claimed to be married to Ahmed Mohamed Warsame, 54. According to the complaints, the two also claimed that Mustaf Abdi Adan, 33, and Faysal Jama Mire, 31, were their children. Adan and Warsame divorced in Minnesota soon after Warsame was admitted as a permanent resident, at which time he also changed his name. Warsame has since been living in St. Cloud and Mustaf Adan and Mire have both been living in Hennepin County. The Diversity Visa Lottery, which grants visas to a limited number of people from countries with historically low rates of immigration to the United States, has been in the spotlight since the Oct. 31 terror attack in New York City by a man who immigrated from Uzbekistan under the program in 2010. President Donald Trump called for the elimination of the program after the attack. In a statement announcing the Minnesota complaints on Monday, Attorney General Jeff Sessions added that the country’s current immigration system is “easily abused by fraudsters and nefarious actors.” “Chain migration,” which gives priority for entrance to immigrants with family members, “only multiplies the consequences of this abuse,” Sessions said. Neither defendant could be reached for comment, and they did not have attorneys listed for them as of late Monday. In the complaint against Adan, attorneys alleged that she engaged in “alien smuggling,” rendering her ineligible for naturalization. Each of the four also faces numerous counts that include allegations of illegal procurement of naturalization and lacking valid immigration documents. The United States is seeking a judgment revoking the four defendants’ citizenship and also “forever restraining and enjoining” them from claiming “any rights, privileges, benefits or advantages” under any documentation gained during their initial naturalizations. According to the affidavit of a Department of State agent assigned to Minneapolis, Warsame omitted a 1996 marriage in Yemen to another woman and details about his biological children. That woman told fraud investigators in 2010 that she was Warsame’s sole marriage and that he had obtained fake marriage documents for himself and Adan, who is a distant relative. In an interview with the State Department investigator at his St. Cloud home last year, Warsame admitted to posing under a fake name and lying about his marriage to Adan to gain citizenship. Adan and the two men who claimed to be their children were each cousins of Warsame’s, he said. The pair are also accused of falsely claiming a third child, who was denied entry to the U.S. Source: StarTribune
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Xiritaanka loo gaystay qaar ka mid ah xubnaha boqortooyada, wasiirrada iyo ganacsatada waa hawlgal billaw ah oo meesha lagaga saarayo musuqmaasuqa, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud. Qoraal uu soo saaray Sheekh Sacuud Al Mojeb ayuu ku sheegay in xiritaanku “uu billaw u yahay hawlgal muhiim ah oo xididdada loogu siibayo meel kaste oo musuqmaasuq ka jiro. Wararka la xiriira hawlgalka ka dhanka ah ganacsatada iyo hogaamiyeyaasha siyaasadda ayaa soo baxay Axaddii. Waxayna arrintaasi awoodda u sii kordhinaysaa Maxamed Bin Salman oo ah dhaxal sugaha Sacuudiga. Guddi musuqmaasuqa la dagaalamaya oo uu hogaaminayo dhaxal sugahan 32 jirka ah ayaa amray in xabsiyada loo taxaabo 11 ruux oo qoyska boqoortooyada ka tirsan, afar wasiir, iyo tiro kale oo dad horay wasiirro u soo noqday ah. Al Waleed bin Talal oo ah ganacsade caalamka laga yaqaanno oo hodan ah ayaa la sheegay in uu ka mid yahay dadka la hayo. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa taageeray tallaabada ay qaadday xukuumadda Sacuudiga. “Kalsooni wayn ayaan ku qabaa Boqor Salmaan iyo Amiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga, hawsha ay hayaanna si wanaagsan ayay u yaqaannaan” ayuu Twitter-ka ku soo qoray. Sheekh Sacuud Al Mojeb oo waxa qabsoomay ilaa iyo hadda war ka soo saaray ayaa sheegay in “wajigii koobaad” ee baaritaanku uu soo idlaaday. “Waxaan arruurinayay caddaymo muhiim ah, su’aalo faahfaahsan ayaana la waydiiyay”, ayuu hadalka ku sii daray Xogtan u dambaysay ee musuqmaasuqa ayaa imaanaysa iyadoo ay sii socdaan baaritaannada ay dawladdu ku haysto waxa dhaliyay burburkii ku yimid diiyaaraddii maraysay agagaarka xadka Yemen. Amiir Mansour bin Muqrin oo ah ku xigeenka badhasaabka gobolka Asir ayaa ka soo laabanayay hawlgal indhoindhayn ah markii ay diyaaraddiisu ku dhacday agagaarka Abha ammin dambe oo Axaddii ah. Ma cadda waxa dhaliyay burburka diyaaradda. BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Xilli uu gabo-gabo marayo Oloalaha Doorashada Somaliland oo 6 maalmood ka harsan, ayaa waxaa billowday in suuq-madow loogu iibiyo kaararka codbixinta ee la siiyay shacabka. Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle Taliye ku xigeenka Booliiska Somaliland oo shir jaraa’ida ku qabtey Hargeysa, ayaa sheegay in arrintaani ay dhibaato xooggan ku keenayso amniga iyo deegaanshaha. Booliska ayaa soo bandhigay Saddex eedeysane oo la sheegay in lagu soo qabtay kaarar ay dadka uga aruursanayeen qaab aan sharci aheyn, iyadoo dadka ugu bedelanayay Kaararka codbixinta raashiin. Dadkaan la qabtay oo ka kooban 3 Haween ah oo uu wehliyo hal Nin ayaa dadka kaararka waxa ay uga bedelanayeen Raashin, sida ay Warsidahan u sheegeen Illo-wareedyo ku sugan Hargeysa. “Doorashada way dhawdahay waqt yar ayaana inoo harey, marka waxaa rabay inaan sheego bulshada in nabad-gelyada ay wax uu dhimaysoo kaararka muwaadiinta ku codeynayaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan. Kaararkaan iyo Dadkii watay oo gaaraya 60 Kaar ayaa la qabtay iyadoo ay kamid yihiin Gudoomiyeyaal iyo Gudoomiye laameedyo in kastoo Saraakiisha Booliiska Somaaliland ay ka gaabsadeen. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa isasa soo tarayay eedaymo ay isk dhaafsanayeen Madaxda Xisbiyada Somaliland, oo isku eedeeyay qabiilka iyo arrimo kale. Musharaxiinta kala ah Feysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Cirro, iyo Muuse Biixi ayaa u tartami doono xilka madaxweynaha Somaliland iyadoo doorashada ay ka duwan kuwii hore, maadaama la eedaynayo.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Muqdisho waxaa weli ku sugan Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug sida, Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Galmudug kadib markii siyaabo kala duwan ay ku yimaadeen Xamar. Madaxweyne Farmaajo ayaa Muqdisho kula kulmay tiro ka Saddex jeer Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Cali Gacal Casir iyo ku xigeenkiisa 2,aad kadib markii uu u yeeray. Xog la helay Dalsan ayaa waxa ay sheegeysaa in Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in uu la kulmo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug si xal looga gaaro khilaafkii sababay in siyaabo kala duwan xilal looga kala qaado Saddexda Masuul ee ugu sareysa Maamulka Galmudug. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa iskudayaya in uu xal ka gaaro khilaafka hareeyay Maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Jeddah (Caasimada Online) – Sacuudiga waxaa ku sugan Soomaali fara badan oo isugu jira kuwa Sharciga dalkaa heystaa iyo kuwa aanan heysan. Boqortooyada ayaa sanad waliba soo saarta amaro ka dhan ah dadka soo galootiga ah ee aanan heysan sharciyada Sacuudiga Soomaalidane ay ku jirto. Soomaalida ayaa Kunool Gobolo uu kamid yahay Al-Baaxa oo dhanka Waqooyi ka jira Daaif, Jiddeh iyo Sabya oo dhacda dhanka Koofureed ee Gobolka Jazin (Jayzaan). Inta badan Soomaalida kunool Sabya iyo Jiddeh ayaa ah kuwo ku shaqeysta Adeegayaasha (Qadaamooyinka), waxayna dhibaatooyin ku qabaan Digniinta Joogtada ah ee Shirkadaha Isgaarsiinta Sacuudiga ay u dirayaan, maadaama Boqortooyada ay cadaadineyso Shirkadaha. Shirkadaha Isgaarsiinta ee Sacuudiga ka howl gala oo saddex ah ayaa kala ah:- 1-STC (Jawwy/ Saba), 2-Mobily iyo 3-Zain, waxayna bixiyaan adeegyada isgaarsiinta, sida Hadalada Telefoonada, Interntetka iyo adeegyo kale. Amaradii ugu dambeeyey ee kasoo baxay Boqortooyada ayaa saameyn ku yeeshay Ajaanibta Sacuudiga kunool oo ay kamid yihiin Soomaalida, gaar ahaan kuwa Sharciga Heesta oo aanan horay u saameyn jirin Awaamiirta. Xukuumadda Riyadh ayaa bilawday in shuruudo adag lagu xiro bixinta Simikaarada sida Soomaali ku sugan Sacuudiga ay Mustaqbal u sheegeen, Waxayna Bilaabeen Dhageysiga Telefoonada Soomaalida ay heystaan. Bixinta (Shareexada / Sim Card-ka) oo si sahlan lagu siin jiray dadka heysta sharciga Sacuudiga, waxaa la sheegayaa in hadda la adkeeyey bixinteeda. Lambarka ehelka ee (Raqam Caa’ilah) ayaa ahaa mid aanan Xadidneen oo hormuudka qoyska uu qaadan karo illaa inta uu rabo, si uu qoyska ugu qeybiyo Lambaradaasi. Boqortooyada ayaa wax ka badashay arrintaan, waxayna sabab ugu dhigeysaa, in uu luminayo dhageysiga telefoonada shaqsiyaadka ay doonayaan, waxayna kusoo koobeen in qoyska ugu badan ay heysan karaan illaa 5-Nambar oo kaliya. Ciidamada Sirdoonak Sacuudiga ayaa kordhiyey dhageysiga Macluumaadka la isku weydaarsanayo Telefoonada, kadib markii ay faraha la galeen Dagaalada Yemen ka socda oo Sacuudiga daris la ah. Cadaadiska iyo culeyska ugu badan ee isgaarsiinta ayaa yimid kamdi markii Maxamed Bin Salmaan loo magacaabay in uu noqdo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga. Sida Sharciga Sacuudiga uu dhigayo, dhaxal sugaha ayaa inta uusan la wareegin Howsha Boqortooyada sii shaqeeya, isla markaana sii diyaarsada amarada uu doonayo in uu dalka kusoo rogo kolka uu hanto Talada. Sacuudiga ayaa sheegay in Sharciga Ogolaashiyaha Dalkeeda ay heystaan Dad gaaraya 12-Milyan oo ah Ajaanib, waxaana kamid ah Muwaadiniin Soomaali ah oo qaarkood Muddo fog dalkaa joogay. Ciidamada Booliiska ayaa iyaga qudhooda bilaabay in ay Guryaha u galaan Ajaanibta Soomaalida ay ku jiraan, iyagoo heysta Xogta Teleefoonadooda. Arrintaan ayaa u muuqata mid Ciidamada sacuudiga ay kula socdaan dhaq-dhaqaaqa Boqortooyada dadka ku sugan. Dhanka Soohdinta ay wadaagaan Yemen oo ah marinka Soomaalida ay Sacuudiga kaga tallaabaan waxaa lagu xiray Silig, qeybta kore Kaamirooyin looga xiray si loola socdo dadka Xuduudda ka gudbaya. Soomaalida Sacuudiga kunool gaar ahaan kuwa aanan sharciga heysan waxa ay qabtaan:- Hagaajinta Guryaha, Dhaqidda Gawaarida, Ilaalinta Xoolaha, Waraabinta Beeraha, Dhismaha guryaha iyo kuwo kale. Halka kuwa Sharciga heysta ay u badan yihiin:- Macalimiin dhigta Dugsiyada Qur’aanka, Gadista Tukaamada, Kaxeenta Gawaarida iyo Shaqooyin Kale. Sida Sacuudiga uu ula dhaqmi jiray Dadka Aqoonsiga (Bidaaqada) Heysta Iyo kuwa Aanan Heysan ayaa maanta kala duwan. Tiro Soomaali ah oo Sacuudiga ku sugan ayaa Mustaqbal u sheegay in ay dareemayaan Culeeska amarada isdaba jooga ah, waxayna sheegeen in wargelin la’aan laga xiranayo SIM Card-radooda, taasine ay dhumiso Xiriirka Soomaalida Gudaha Sacuudiga ku sugan iyo eheladooda oo Dalka ku nool.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ku guda jira wadatashiyo ay kusoo xulayaan Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Booliska iyo Nabadsugida. Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre ayaa la tashiyada la leh Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada, Odayaasha beelaha, Wasiiro iyo Siyaasiyiin ku dhow dhow dowlada. Labada mas’uul ayaa la tashiyada ugu badan la leh Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo iyagu ku loolamaaya labada xil oo iminka faaruq ah. Taliyaha ciidamada Booliska ayaa waxaa u sharaxan ilaa 4 mas’uul oo labo kamid ah ay horay usoo qabteen xilkaasi, halka Taliska Nabadsugida ay u taagan yihiin 5 musharax oo labo kamid ah la sheegay inay horay ugu soo fashilmeen xilal ay kasoo qabteen dowladihii hore, sida aan xogta ku helnay. Sidoo kale, warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Farmaajo iyo Kheyre ay diideen inay ku degdegaan magacaabida labadaasi xil, sababo la xiriira fashilo oo horay u dhacay. Geesta kale, Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa buux dhaafiyay mas’uuliyiin loolan ugu jira xilalka faaruqa ah ee aan iminka lagu magacawneen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Xukuumadda Somalia Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, ayaa shaaca ka qaday in dowlada Somalia ay qaadi doonto talaabo lidi ku ah maleeshiyaadka Alshabaab. Wasiir Ducaale, waxa uu xaqiijiyay in maleeshiyaadka Alshabaab ay ku noolyihiin dhiiga bulshada Soomaaliyeed, balse ay dhawaan soo afjari doonaan magacooda. Wasiirka oo ku sugan magaalada Doxa ayaa ku nuux-nuuxsaday xili uu ka hadlaayay shir uu la qaatay madaxda dalkaasi in Somalia aysan kuwada noolaan doonin dowlada iyo Shabaab, balse cid un ay ka talin doonto. Waxa uu tilmaamay inay diyaariyeen shax ay Shabaabka uga saarayaan dhammaan dalka, gaar ahaan Gobolada ay ku leeyihiin Saldhigyada, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, dowlada Doxa ayuu cadeeyay inay u istaagtay ka qeybqaadashada dagaalka ay dowlada Somalia la galeeyso maleeshiyaadka Alshabaab, balse ma uusan bidhaamin qaabka ay uga qeybqaadan doonaan. Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaa weli ku guda jirta u diyaar garowga dagaal ka dhan ah Alshabaab, waxaana xusid mudan in wafuud kala duwan loo diray dalalka ay Somalia saaxiibada la tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Wasaaradda Ciyaaraha Puntland ayaa shahaado sharaf loogu aqoonsadey doorkey ka qaadatey ciyaaraha iyo dhiirigalinta dhalinyarada gudoonsiisay Hay,adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC ka dib xaflad lagu maamuusayo guusha ay kasoo hoyeen maalin ka hor gabdho ku ciyaaraya kubbadda koleyga magaca PDRC oo ka guulaysatey koox kale oo la yiraahdo Garowe City Sidoo kale Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyaradda iyo Isboortiga Puntland ayaa qoorta u surey Buraale Kabayare bilad sharaf hawlkarnimo oo ku lamaaneysan shahaado sharaftii la siiyay hay,adda PDRC . PDRC ayaa lagu xasuustaa taageeradii ay ka geysatey ciyaarihii Gobolladda ee ugu horeeyay Puntland 10 sano ka hor, Iyadoona wixii intaas ka dambeeyay si toos ah ugu hawlaneyd arrimaha dhalinyaradda iyo ciyaaraha. Daawo Xafladda Abaalmarinta. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post PDRC oo lagu abaalmariyey Xulka Kubbadda Koleyga Puntland appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 Nov 2017 magaalada Muqdisho kaga qayb galay kalfadhiga 2-aad fadhigiisa 15-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS. kalfadhiga 2-aad fadhigiisa 15-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS ayaa waxaaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle. Madaxweynaha dawladda Puntland oo ka hadlay Fadhiga 15-aad ee kal fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS ayaa waxa uu sheegay in Golaha Aqalka Sare ee Baarlaanka DFS uu yahay golaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya kajira, waxaanu uu timaamay Madaxweynuhu in Aqalka Sare ee DFS uu leeyahay awoodo iyo shaqooyin u gaara oo loo baahan yahay inay fahmaan mudanayaasha Aqalku. Sidoo kale Madaxweynaha oo lahadlaya mudanayaasha Aqalka Sare ayaa xusay inay si toosa u metelaan dawalddaha xubnaha ka ah DFS, madaama taasi-jirtona loo baahan yahay inay wada shaqayn dhow oo joogta ah la yeeshaan dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah DFS. Dhica kale Madaxweynaha ayaa ku booriyey Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS inay aaminaan fadaraaliisamka, ku shaqeeyaan Fadaraaliisamka, dardar-geliyaan hirgelintiisa maadaama iyaga laftooda lagu soo doortay nidaamkaas uuna yahay nidaamka keliya ee Soomaaliya lagu horumarinkaro. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland ahna Guddoomiyaha golaha wada tashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS iyo kan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka DFS ay Puntland ku yeelan doonaan xafiisyo ama xarumo ay ku shaqeeyaan , isla markaana ay xarumadooda Puntland looga hirgelin-doono ay ku jiridoonaan qasriyo lagu marti-sooro oo ay ku nastaan, ku shaqeeyaan, wakhtigooda fasaxa ku qaataan. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS appeared first on Puntland Post.
  16. HARGEISA– Somalilanders are tired of continued allegations that the Opposition Wadani party is affiliated with Somalia. This is according to former water minister Bashe Ali Jama who termed the allegations by ruling Kulmiye party as a cheap vote seeking propaganda unworthy the time and efforts the ruling party puts into. Stressing that presidential elections are being held in Somaliland and not Somalia, the former minister who quit both his water portfolio in the president Silanyo administration and joined Opposition Wadani party recently said “Citizens of this country are not fools and though any association with Somalia is like an epidemic to them, terming Wadani as Mogadishu funded is cheap politicking” This sentiments were expressed during an interview with Geeska Afrika in which he called upon Somalilanders to desist from clan based politics, maintain peace and vote for the Wadani party candidate Abdirahman Irro during the forthcoming presidential elections “We all know what Kulmiye party is and what can be expected from its win” said Bashe Ali adding that unless Wadani wins the presidency what Somalilanders can expect in the next five years is continued inflation, corruption, unemployment and most negative institutionalized tribalism and nepotism. In conclusion the resigned water minister reiterated his call to the effect that Somaliland is not part of Somalia thence Kulmiye should stop said insinuations and solicit votes through a policy based campaign. Geeskafrika
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta Xafiiskiisa ku Qaabilay Kku xigeenka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee xagga Nabadgelyada iyo Amniga & Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Guddoomiyaha iyo Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa Amniga iyo sidii Muqdisho looga dhigi lahaa meel xasilooni isla markaasna laga hortago falalka ay sameenayaan Kooxda Al-Shabaab oo dhibaato badan ku heyso shacabka Soomaaliyeed. Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay qodobo badan oo ku aadan amniga Mudqdisho, waxaana ugu dambeyn la isku afgartay in si wadajir ah looga qeyb qaato amniga Caasimadda Muqdisho. Kulankaas kadib Guddoomiyaha iyo labadaan mas’uul ayaa si wadajir ah u booqday Isgoyska 14 October oo ay ka dhacday Musiibadii weyneyd ee saameynta ku yeelatay dhammaan dadka Muqdisho, waxayna halkaas kusoo sameeyeen indha indheen saameyntii uu reebay qaraxaas iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa dhismaha guryaha burburay. Halkaan hoose ka daawo sawirada
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii ku dhammaaday Muqdisho waxaa laga soo saaray war saxaafadeed ka koobnaa lix qodob oo ay ku heshiiyeen hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya. Warmurtiyeedka loogama hadlin arrimo dhowr ah oo horay u sababay khilaafkii ugu weyn ee dhowaanahan soo kala dhexgalay maamullada iyo dhowladda federaalka ah. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa: Khilaafkii ka dhashay arrimaha Khaliijka War saxaafadeedka laga soo saaray heshiiska waxaa lagu xusay in dowladda federaalka iyo maamullada ay ku heshiiyeen in lagu wada shaqeeyo “jawi ku dhisan kalsooni, dulqaad, tanaazul iyo masuuliyad.” Balse qoraalka loogama hadlin sida looga wada hadlay khilaafka ka dhashay sida loogu kala aragti duwan yahay dhibaatada dalalka khaliijka oo saameeysay wada shaqeynta ka dhexeyso dowladda dhexe iyo maamullada federaalka. Qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa ku doodayay in dowladda dhexe ay la safato dowladda Sacuudiga iyo kuwa is beheysiga la ah ee go’doomiyay Qadar. Balse dowladda madaxweyne Farmaajo waxay qaadatay go’aan dhexdhexaad ah. Taasi waxay sababtay khilaaf siyaasadeed oo labada dhinac ah. hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada ayaa heshiis ku saxiixday Kismaayo. Balse heshiiska muqdisho lagu saxiixay waxaa lagu yiri: “Dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada waxay xoojinayaan wadashaqaynta labada dhinac si looga fogaado wax waliba oo keeni kara shaki iyo khilaaf siyaasadeed”. Balse Cabdirashiid Xaashi oo ka tirsan machadka cilmi baaridda ee Heritage ayaa sheegay: “Waxaa dhici karta in ay jiraan in badan oo faahfaahinno ah oo aan la qori karin, laakiin la iska afgartay.” “Si kale haddii loo dhigo, wax kastaa waa laga wadahadlay sida xiisadda Galmudug ama Koofur-Galbeed, waxaana la iskaga afgartay in la is aaminay, laguna heshiiyay in amniga xoogga la saaro.” Golaha Kismaayo: Kadib khilaaf iyo kala shaki soo kala dhexgalay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada, Kismaayo waxaa lagu dhisay gole ay ku mideysan yihiin dowlad goboleedyada. Madaxweynaha Puntland, Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo BBC-da la hadlay maalin ka dib markii golaha la dhisay ayaa sheegay in shirkii Kismaayo uu ahaa mid dastuuri ah. “Waa waxa aan sharci u leenahay, ee ma jiraan wax aan ku qabsanay dowladda federaalka,” ayuu yiri. Waxay madaxda maamul goboleedyada, Ksimaayo ka sheegeen in ay ka cabanayaan sida dowladda ay sharciyada u meel mariso iyo in “faragelin toos ah ku hayso maamulladooda.” Sidoo kale madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maalmo ka dib shirkii Kismaayo soo saaray war saxaafadeed ayaa si taxadar leh uga hadlay shirkaas. Waxaa qoraalkaaas lagu billaabay: “Madaxweyne Farmaajo wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed, si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.” Hadaba heshiiska Muqdisho lagu saxiixay kuma cadeyn waxa laga yeelayo golihii Kismaayo iyo waxa shaqadiisa ay noqoneyso ama galaangalkiisa siyaasadeed. Kullanka ayaa waqti badan qaatay, “jawigii ka horeeyay shirka ayaana ahaa mid aan saamaxayn in si fudud heshiis loo gaaro,” Sida uu isbuucii tagay BBC-da u sheegay Guleed Saalax oo ka tirsan machadka cilmi baaridda siyaasadeed ee SIDRA. “Kala shakiga badan iyo xiriirka oo xumaaday, ee soo jiray mudooyiinkii ugu dambeeyay, waxay keenayaan in aan is afgarad lagu gaarin si degdeg ah,” ayuu yiri Guleed. Khilaafka ka dhashay arrimaha Khaliijka iyo Golaha lagu dhisay Kismaayo ayaa xiriir lahaa. Cabdirashiid Xashi oo ka tirsan machadka Heritage ee Muqdisho ayaa sheegay: “Ka hor shirka aad ayaa loo kala fogaa, gaar ahaan maamul goboleedyada ayaa si weyn uga sheeganayey dowladda federaalka, marka in heshiis laga gaaray dhammaan qodobadii ajandaha ku qornaa waxay muujinayaan in shirku guul ku dhamaaday.” “In badan oo qodobada la isku hayey ka mid ah, guddi farsamo ayaa loo saaray, mabaadii’da lagu wada shaqaynayana waa la sheegay,” ayuu yiri Cabdirashiid. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad wararkeenii hore ku akhrisateen ururka Caalamiga ah ee International Research Networks ayaa shir ku qaban rabo magaalada Nairobi ee Caasimadda kenya, waxaana shirkaas ka qeyb geli doono dowlado ay kamid tahay Soomaaliya. Shirkaas oo mowduuciisu yahay Somalia Oil, Gas and Mining ayaa lagu wadaa inuu dhaco Bisha March ee 2018. Ururkaas ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya taageero uga heystaan shirkaas isla markaasna ay ogtahay, waxayna soo bandhigeyn waraaq ay sheegeen inay kasoo baxday dowladda dhexe. Haddaba Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay waraaqdaas, waxayna ka dhawaajisay inaysan wax shaqo ah ku laheyn shirkaas. Wasaaradda macdanta iyo Biyaha ee dowladda Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay inaysan waxba kala socon shirkaas isla markaasna aysan iyada aqoonsaneyn. Wasaaradda ayaa ku baaqday in shirkaasi la joojiyo. Wasaaradda Badroolka iyo macdanta dowladda ayaa ururkaas ka codsatay inuu si deg deg ah uga laabto been abuurka ay ka sameeyeen dowladda, waxayna wasaaradaan ugu baaqday hey’adaha kale ee dowladda inay ka war qabaan inaysan wasaaradda wax aqoonsi ah siin shirkaas. Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda wasaaradda kasoo baxday oo ku qoran Luuqadda Ingiriiska
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada ka jira dalka ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamaanka Somalia. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka Somalia, Abshir Maxamed Axmed ayaa halkaa ka jeediyay warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay Aqalka sare iyo shaqadooda waxay tahay ka soo jeediyay. Warbixinta uu jeediyay Abshir ayaa sharaxaad dheer u aheyd Hogaamiyayaasha oo iyagu maqal ahaan ka heystay waxqabadka Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia. Hogaamiyayaasha maamul goboleedyadda ayaa sidoo kale, khudbad ay kaga hadlaayeen Xaaladda Soomaaliya waxa ay u jeediyeen Xildhibaanada Aqalka Sare. Hogaamiyayaashu waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo Horumarinta Qaranka, waxaana ay tilmaameen in Aqalka Sare ay muujiyaan doorkooda ku aadan matalaada maamul goboleedyadda. Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada ayaa maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho ugu soo dhamaaday shir ay la lahaayeen madaxda dowladda federaalka oo looga wada hadlayay xiriirka ka dhaxeeya dhameynta khilaaf waayadii ugu danbeeyayba taagnaa, waxaana ay wada jir u soo saareen war-murtiyeed lagu qeexay qodobada lagu heshiiyay. Waa markii ugu horaysay ee Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ay hortagaan kulana la qaataan mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
  21. The leader of the Pro-Islamic State group in Somalia has survived U.S. airstrikes which targeted caves in a remote mountainous area in Puntland, the region’s president told VOA Somali. Abdiweli Mohamed Ali said the leader of the group, Sheikh Abdulkadir Mumin, was the target of Friday’s U.S. strike. “They [US] were targeting those troublemakers and their biggest leader Abdulkadir Mumin, they were looking for them,” he said. “Based on the information I’m getting he is still alive and is not dead.” Ali said the U.S. did not share intelligence with his region but assessment is based on information from his region’s intelligence agencies. On Friday, the United States Africa Command confirmed carrying out two strikes against IS militants in Somalia. The first attack occurred at around midnight and the second attack took place the following morning at 11:00am. The U.S. Africa Command says several militants were killed in the strikes in Buqo Valley, 160 kilometers east of the city of Bosaso. The strikes were the first against the group by the United States. On Sunday a senior Somali intelligence official told VOA Somali that they believe up to 20 militants were killed in the two strikes. He said some of the caves the militants were sheltering in collapsed on them as a result of the bombing. The official who asked not to be named, told VOA Somali that it’s “likely” the leader of the group Sheikh Abdulkadir Mumin survived the attack. “Either he was not in those caves or he was missed, it is likely that he is alive,” he said. Al-Shabab splinter group The official said he believes two foreign figures including a Sudanese militant were also in the targeted area. Intelligence sources say at least four missiles hit the caves in Buqo Valley in the first of two rounds of strikes. The second round of strikes occurred after the militants gathered in a place believed to be a burial site for those killed in the overnight strike. Pro-IS militants emerged in Somalia in October 2015 after splitting from al-Shabab. The group has since recruited members in the eastern parts of Puntland, where Mumin’s clan resides. The group has claimed responsibility for four attacks in Bosaso this year including the last incident which occurred just ten days ago where a would-be bomber pushing explosives hidden in a wheelbarrow detonated the device killing himself and injuring six others. A month before, the group claimed an attack on a police commander at a coffee shop in Bosaso. The officer survived with injuries. In February this year two gunmen attacked the International Village Hotel in Bosaso and exchanged fire with security forces. Four soldiers and the two attackers were killed. In May a suicide bomber blew himself up at a police checkpoint near the Jubba Hotel in Bosaso, killing five people and injuring 17 others. The group scored its biggest attack in late October 2016 when its fighters seized the ancient town of Qandala from Puntland forces and kept control of it for 40 days. Source: VOA
  22. Members of Southwest State Assembly are planning to file impeachment motion against Southwest State president, Shariif Hassan, accusing him of incompetence. Following deliberations in Baidoa , the lawmakers formed anti-president caucus to implement the no-confidence motion. Mohamed Farah, a Southwest member of parliament said that close to hundred MPs signed the motion and it will be lodged to the parliament leadership soon. According to reliable sources who spoke to Hiraan Online, over 90 legislators have signed the impeachment motion. “The MPs have been preparing this motion for months and this is the second time, the MPs are trying to relieve the President of his duties,” said a source privy to the development. The move comes at a time when President Hassan is attending security conference in Mogadishu. Shariif Hassan is yet comment on the impeachment motion against him which is to be submitted at the parliament. Impeachment motions hit several regional states in the recent months. Hirshabelle President, Ali Abdullahi Osoble was relief of his duties following a successful impeachment motion passed by the lawmakers this year. Early this year, former Galmudug President, Abdikirim Hussein Guled was ousted after Galmudug Assembly critised of incompetence and poor leadership.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha ururka Xisbullaah Xasaan Nasrullaah oo hadlay ayaa boqortooyada Sucuudiga ku eedeeyay in ay ku qasabtay Ra’isulwasaarihii Lubnaan Sacad Xariiri in uu is casilo. Xariiri ayaa xilka iska casilay xili uu ku sugnaa dalka Sucuudiga, wuxuuna ka hadlay taleefishinka Sucuudiga laga leeyahay ee Al Carabiya. Wuxuu sheegay in uu naftiisa u baqay, islamarkaasna dowladda Iraan ay dhibaato ka waddo gudaha Lubnaan. “Ma ahayn go’aankiisa, iyo rabitaankiisa, waa mid lagu qasbay” ayuu yiri Xasan Nasrullaah oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee Lubnaan, islamarkaasna madax ka ah ururka hubeysan ee Xisbullaah, ee shiicada ah. Wuxuu ku baaqay in degenaan laga dhaliyo dalka Lubnaan, isaga oo sidoo kale su’aal ka keenay in Xariiri uu kusoo laaban doono Lubnaan iyo in kale. Ciidammada militariga Lubnaan ayaa sheegay in aysan helin wax caddaymo ah oo la xiriira in la dili rabay Xariiri sida uu isaga sheegtay. Jeneraal Cabbaas Ibraahim oo madax ka ah hay’adda nabad suggida Lubnaan ayaa sidoo kale sheegay in uusan haynin wax xog ah oo ku saabsan in Xariiri la qorshaynayay in la dilo. Wasiirka arrimaha khaliijka ee Sucuudiga Tamar A-Sabhaan ayaa sheegay illaalada Xariiri ay xaqiijiyeen in uu jiray qorshe lagu dilayo Ra’isulwasaaraha, waxase dhanka kale uu beeniyay in Sucuudiga ku cadaadiyeen in uu is casilo. Sacad Xariiri ayaa sheegay in uu dareemay wax u eg jawi kii aabihiis lagu dilay oo kale, Rafiiq Xariiri ayaa la dilay sanadkii 2005-tii. Dadka siyaasadda u dhuun duleela ayaa sheegaya in is casilaadda Xariiri ay Lubnaan galisay xasilooni daro siyaasadeed. Waxaana farta lagu fiiqayaa hardan u dhaxeeya Shiicada iyo Suniga guud ahaa Bariga Dhexe. Xariiri ayaa saddex jeer Ra’isulwasaare usoo noqday, markii ugu dambaysay waxa uu xilkan qabtay sanadkii 2016-kii. Safaro dhawr ah ayuu dhawaanahan ku tagay Sucuudiga, halkaas oo maalintii sabtida uu kaga dhawaaqay is casilaadiisa. BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta la horkeenay akhrinta 2aad mari-doona hindise sharciyeedka biyaha. Sharcigan waxaa isbadal lagu sameeyay qodobo badan oo ku jiray sida heerka tayada biyaha, xubnaha kheyraadka qaranka, guddiga qaranka ee kheyraadka biyaha, mas’uuliyadda iyo waajibaadka wasaaradda, khimada biyaha, heerka tayada biyaha iyo qodobo kale. Aqalka hoose waxaa kalfadhigan la keenay ku dhawaad 20 sharci, kuwaas oo sida la sheegay ay tahay in meel-mariyaan kalfadhigan iyo midka xiga. Hindise Sharciyeedka La Horkeenay Waxaa Ka Mid Ah: Qaraarka Golaha Wasiirada Heshiiska Maxaabiis is-dhaafsiga ee Soomaaliya iyo Hindiya Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2015/2016 Hindise Sharciyeedka Lagu dhisayo guddiga madaxabannaan ee la dagaalanka musuqa Hindise Sharciyeedka golaha mihnadleyaasha caafimaadka qaranka Hindise Sharciyeedka Waxbarashada Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Hindise Sharciyeedka Xeerka Saxaafadda Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda Hindise Sharciyeedka Xakameynta Hubka Hindise Sharciyeedka La dagaalanka Argigixisada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa Magaalada Buu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe maanta ku toogtay Afar Rag ah oo ay kasoo qabteen qaar ka mid ah Gobollada Soomaaliya, kuwaasoo ay ku eedeeyeen Jaajuusnimo. Toogashada raggaan oo ka dhacday fagaare ku yaala Degmada Bu’aale ayay Al-shabaab isugu keeneen shacabka degmada, iyagoo sheegay in raggaan ay la shaqeynayeen ciidamada Itoobiya, iyagoo isla goobtaasna ku toogtay. Maxkamadda Al-shabaab ayaa sheegtay inay qirteen raggan dambiyadii lagu soo oogay, isla markaana ay ciqaabtoodu tahay dil toogasho ah, iyagoo uga digay shacabka deegaannada a ka taliyaan in ruuxii fal noocaas lagu qabto lagu toogtay meel fagaare ah. Afarta ruux ee Bu’aale lagu toogtay ayaa magacyadoodu kala ahaayeen; Cabdirisaaq Xaashi Cabaas, Cumar Cadar Cumar, Maxamed Aba-Mayoo iyo Mustaf Macallin Xasan. Ma ahan markii ugu horreysay oo kooxda Al-shabaab ay toogasho sidaan oo kale ah ku fuliyaan rag iyo dumar ay sheegeen inay basaasbiin u ahaayeen ciidamada dalka ku sugan iyo hay’adaha sirdoonka dalalka caalamka qaar ka mid ah sida Mareykanka. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhawaan ku toogtay deegaanada Koonfurta Somalia ee ay ka taliyaan haweeney ay ku eedeeyeen inay nin kale raacday iyadoo uu ninkeedu qabo, waxaana haweeneydaas lagu dilay dhagax illaa ay ka geeriyooto. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Degmada Bu’aale ku toogatay Rag ay ku sheegeen inay ahaayeen Basaasiin appeared first on Puntland Post.