Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay cafis u fidineyso dhallinyarada dalkaasi ee ka midka ah dagaalyahannada Al-shabaab. Maxamed Biriq oo ah isku duwaha amniga gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in dhallinyarada gobolkaasi si gaar ah uga soo jeedda haddii ay isku soo dhiibaan muddo Saddex bil ah la cafinayo. Waxa uu sheegay Biriq iney ka warhayaan dhallinyaro deggan gobolka Waqooyi Bari Kenya, kuwaasi oo ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab. “Farriintaan waa iney gaartaa dhammaan dhallinyarada gobolka Waqooyi bari ee ka midka ah Al-shabaab, Saddex bil gudaheeda ciddii isku soo dhiibto waa la cafinayaa, waana fursad ee haka faa’ideystaan” ayuu yiri Maxamed Biriq. Dhanka kale, Biriq ayaa fariin u direy shaqaalaha dowladda ee gobolka Waqooyi Bari kuwaasi oo shaqdooda ka maqan sababo amniga la xiriira, wuxuuna tilmaamay haddii aanay imaan iney ka tashan doonaan. “Waxaan u sheegeynaa shaqaalaha dowladda iney xarumahooda kusoo laabtaan kuwooda maqan, haddii ay sii maqnaadaan waanu ka tashan doonnaa” ayuu yiri Biriq. Waxaa la aaminsan yahay dhallinyaro badan oo Kenyan ah iney ka mid yihiin dagaalyahannada Al-shabaab, qaarkoodna ka dhex dagaallamaan Soomaaliya, halka qaarkoodna ay gudaha dalka Kenya ku sugan yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Bosaso-[Puntland Post]-Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF ayaa hadda ka soo dagey Garoonka diyaaradaha Bosaso. Soo dhaweyntiisa ayaa si weyn waxa uga qeyb qaadanaya shacabka Bosaso iyo Masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland. Socdaalka uu ku Marayo degaanada Soomalida C/kariin Qalbi-dhagax ayaa ka soo bilowday Soomaliland waxaana u jeedkiisu yahay sida uu isagu sheegay mid uu shacabka soomaliyeed uga mahadcelinayo sidii ay uga xumaayeen markii lagu xiray dalka itoobiya. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Qalbi Dhagax oo hadda ka soo dagey Garoonka diyaaradaha Bosaso. appeared first on Puntland Post.
  3. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay goor dhow la wareegeen deegaanno ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe. Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News in Al-shabaab ay la wareegeen deegaannada kala ah Dhagaxow, Yaaqle iyo Kooreebe oo dhammaantood hoostaga degmada Balacd. Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay in ay isaga baxeen deegaannadaasi, kadibna ay halkaasi tageen Al-shabaab. Markii ay Al-shabaab halkaasi tageen ayeey meel fagaare ah isugu yeereen dadkii deganaa deegaannada, iyaga oo halkaasi kula hadlay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya dadaalada ay Xagjiriinta Somalia Al-Shabaab ku balaarineyso cududeeda Sirdoon ee gabi ahaan dalka Somali, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo Deegaanada ku xeeran. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa culeyska saaray howlaha Sirdoonka tan iyo wixii ka danbeysay sanadii 2014 oo hoos u dhac ay ku imaaday awoodihii ay ku lahaayen magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa wixii ka danbeysay 2014 garwaaqsatay in culeys ay saarto dhanka Sirdoonka oo ay rumeysneed inay ku gaari karto qorshaheeda amni darro oo ay kawado magaalada Muqdisho. Xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab ayaa iminka qabta dhammaan howlihii loogu tallo galay inay qabtaan Sirdoonka Somalia, waxaana xusid mudan in daraasad la sameeyay lagu ogaaday in Sirdoonka Al-Shabaab uu ka badan yahay kan dowlada Somalia. Daraasaadka la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in Sirdoonka Al-Shabaab ay ku shaqeeyan dhammaan shaqooyinka liita iyo kuwa heerka sare ah waxaana kamid ah sida Goobaha caafimaadka, Dukaamada, Tima jarayaasha, Caseeyayaasha, kuwa wareejiy suumanka iyo boorsooyinka lacagta, kuwa riixa gaari gacanka iyo kuwa ganacsiga la fadhiya hareeraha waddooyinka iyadoo shaqooyinka noocaasi ah ay yihiin kuwo loogu tallo galay Sirdoonka Somalia oo u muuqda kuwo aan iminka u diyaarsaneyn shaqooyinka heerkaasi ah. Cadadka Sirdoonka Al-Shabaab ayaa tirro ahaan la xaqiijiyay inay ka badan yihiin kuwa dowlada waxa ayna maleeshiyadu isticmaasha dharcad ay cadadoodu u dhexeyso (4,500 ilaa 6,000) oo gabi ahaantooda ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho marka laga soo tago tiro yar oo shaqo isbedel ah ku aada Gobolada dalka. Dharcadka Al-Shabaab ayaa waxaa qeyb ka ah Hooyooyin da’ ah iyo Carruur ku gaaf meerta hareeraha waddooyinka gaar ahaan goobaha lagu shaaho iyo maqaayadaha kuwaa oo isku muuqaal ekeysiiya dad liita oo (gacanta hoorsada). Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa gudaha sanadkaan sheegay in dadka ugu badan ee isticmaala wadada Makka Al-Mukarama ay yihiin kuwo iyaga u adeega, isla markaana ay ka badan yihiin kuwa dowlada. Sidoo kale, Sirdoonka Somalia oo aan laheyn awood dhaqaale ayaa shaqooyinkooda ku eg keliya magaalada Muqdisho waxaana ugu wacaf mooraal jab ay ka qaaden daryeel la’aanta ka heysata dhanka dowlada, halka cadowga ay la dagaalamayaan lagu bixiyo dhaqaalaha ugu badan. Daraasaadka ayaa waxaa lagu sheegay in cadadka Sirdoonka Somali uu yahay mid u dhexeeya (3,000 ilaa 4,000) oo ku eg magaalada Muqdisho. Waxaa xusid mudan in cadadka intaa la’eh Seddex meelood (Laba iyo bar) lagu biiriyay Taliska Booliska Soomaaliyeed, xili la doonaayay in la kordhiyo tirada Sirdoonka Somalia. Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaa waxaa la gudboon inay garwaaqsato inay gabtay howshii Sirdoon ee lagu nabadeyn lahaa Somalia, taa oo lagu gaari karo u hagar bixida Sirdoonka. Si kastaba ha ahaatee Sirdoonka Somalia ayaa waxaa dhaqaalaha ugu badan ku bixiya dowlado shisheeye taa oo loo arko inay qeyb ka tahay Jahwareerka dowlada ka heysta dhanka Sirdoo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Kismaayo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ayaa mar kale ka hadlay awoodaha ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku yeelanayaan guud ahaan dalka, gaar ahaan Gobolada uu maamulo. Axmed Madoobe, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in lagu laayo ama lagu xasuuqo Hub ay dowlada Somalia si dadban u siisay Al-Shabaab. Waxa uu xusay in Al-Shabaab ay si dhaqso ah ku helaan hubka iyo Saanada dowladda loogu deeqo sidaasi darteedna aysan macquul ahayn in Al-Shabaab laga guuleysto. Waxa uu tilmaamay inuu qaadan la’yahay in Hubka dowlada ay leedahay ay maanta isticmaalayaan Al-Shabaab, isla markaana ku gumaadayan dadka shacabka ah, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay si cad uga gaabisay dagaalka lagula jiray Al-Shabaab, hase yeeshee uusan garan Karin ujeedka ku hoos duugan weerar qaadis la’aanta. ”Dowladu waxa ay dhagaha ka fureysatay qeyla dhaanteena waxaan u sheegeynaa in dusha aysan saran karin libin aan gaarnay” Deegaanada maamulkiisa ayuu tilmaamay in inta ugu badan ay ku jirto gacanta Al-Shabaab, waxa uuna eedaasi dusha ka saaray dowlada Somalia oo indhaha ka qabsaneysa gafka Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu carab ***** Axmed Madoobe in xiligan loo baahan yahay in Al-Shabaab lagu qaado dagaal mideysan oo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ah. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ugu baaqay Saraakiisha AMISOM iney ka shaqeeyaan sidii loogu guuleysan lahaa dagaalka Al-Shabaab. Docda kale, Axmed Madoobe ayaa dowlada Somalia uga digay inay dusha saarato libin aysan laheyn, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay dhexda u xiran doonaan ciribtirka Al-Shabaabka Jubbooyinka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  6. Hargeysa (PP) ─ Cabdikariin Sheekh Muuse [Qalbi-dhagax] oo xilligan ku sugan Magaalada Hargeysa ee Somaliland, ayaa sheegay inuu dhawaan booqan doono Puntland iyo Galmudug oo ka mid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya. Qalbi-dhagax oo u warramayay BBC-da lana weydiiyay inuu Muqdisho tegi doono ayaa sheegay in xilligaan uusan tagayn Muqdisho, wuxuuse xusay in ay wanaagsanaan lahayd inuu la kulmo shacabkii Soomaaliyeed ee markii loo gacan-geliyay Itoobiya sida weyn uga dhiidhiciyay, basle uusan doonayn inuu la kulmo Madaxda Dowladda Federaalka Somalia. “Waxaan doonayaan safarkeygan Hargeysa kaddib inaan booqdo Boosaaso oo ka tirsan Puntland, halkaasoo aan kula kulmi doono madaxda maamulka, sidoo kalena waxaan booqanayaa maamulka Galmudug,” ayuu Wareysigiisa ku yiri Qalbi-dhagax. Sidoo kale, Wuxuu aad uga meer-meeray inuu sheego xilliga uu Muqdisho booqanayo, wuxuuse ku adkeystay inuu xilliga ku habboon booqanayo, balse uusan xilligan sheegi karin xilliga ay noqonayso. “Muqdisho waxaa ku sugan shacab i dareensiiyay wanaagga ay ii hayaan, waxayna ahayd inaan booqdo oo aan la kulmo, balse ma doonayo inaan wax kulan ah la yeesho qolyaha maamulka haya,” ayuu yiri Qalbi-dhagax. C/kariin Qalbi-dhagax ayaa waxaa dowladda Itoobiya ku wareejiyay Dowladda Federaalka Somalia, kaddib markii laga soo qabtay Magaalada Gaalkacyo, waxaana xabsiga kasii daayay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya, Abiy Ahemd, oo uu sheegay inuu aad ugu mahad-celinayo. Mar la weydiiyay waxa iska bedelay mowqifkiisii ahaa in deegaannada ay Soomaalidu degto ee Itoobiya la xoreeyo, wuxuuna sheegay in mowqifkisaas uusan waxba iska bedelin, isla markaana uu doonayo inuu wixii xilligaan ka dambeeya uu ka shaqeeyo nabadeynta guud ahaan Dhulalka Soomaalida. Ugu dambeyn, Qalbi-dhagax ayaa gaashaanka ku dhuftay inuu isagu mas’uul ka ahaa dhibaatooyin ay jabhadda ONLE ka geysatay deegaannada Somaliland, wuxuuna hadalkaas ku tilmaamay mid uusan waxba ka ogeyn. PUNTLAND POST The post QALBI-DHAGAX: Ma doonayo in aan la Kulmo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Shirkada Facebook ayaa shaaca ka qaaday in la jabsaday Facebuugyada (50 milyan) oo qof kuwaa oo lagala wareegay gacan ku heynta boggooda. Maamulka Shirkadda Facebook ayaa sheegay in milkiilayaasha Boggagaasi la gala wareegay xogahooda oo dayacnaa, wallow ay tilmaameen in taasi ay ku timid cillado farsamo oo xagooda ah. Facebook waxay sheegtay in dadka xogtaa jabsaday ay ka faa’iidaysteen nugaylka qodobka ilaalada ee la yiraahdo “View As” taas oo u sahashay in ay si fudud u helaan xogta dadka. Dadkaasi ayaa inta badan ka macaasha la wareegida Boggaga aysan laheyn, waxa uuna weerarkooda ka bilowdaa kuna dhamaada Internerka. Maamulka Facebook ayaa sheegay in dadka adeegsada shabakada ay suurto galka tahay in ay arintaani saamaysay ayaa isla markiiba Jimcihii lagu wargeliyey in ay xiraan bogagooga oo hadana dib u furaan. Waxaa sidoo kale la sheegay in dadka laga jabsaday Facebook ay ku jireen mas’uuliyiin kuwaa oo waayay xogahooda. “Xal ayaan u helnay cilado saacado kooban nasoo foodsaartay milkiilayaasha la dhacay dib ayey u hanteen Boggagooda” Sidoo kale, madaxa waaxda ilaalada xogta ee shirkadda ayaa sheegay inay ka fiirsan doonaan dayacaada dhacday waxa uuna meesha ka saaray inay soo laaban doonto. Haddalka maamulka iyo qoraalka lagu baahiyay boobka Boggaga Facebook ayaa kusoo beegmaya xili uu hoos u dhacay sicirka saamiyadeed ee Facebook. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta xarunta golaha shacabka ee Muqdisho waxa ay ku yeelanayaan kulan ay kaga hadlayaan xeer-hoosaadka Baarlamaanka. Xildhibaanada ayaa soo waday kadoodista xeer-hoosaadka Baarlamaanka muddo ku dhow isbuuc. Siyaasiin iyo Xildhibaano ayaa sheegay in xildhibaanada lagu mashquulinayo ka doodista xeer-hoosaadka Baarlamaanka. Wixii ka dambeeyay doodii xasaasiga aheyd oo ay yeesheen Baarlamaanka islamarkaasina looga hadlayay arimaha amniga ayeey arintu u muuqataa in gudoonka Baarlamaanka uu u weeciyay sii wadista ka doodista xeer hoosaadka Baarlamaanka. Arbacadii la soo dhaafay waxaa kooram la’aan u baaqday fadhigii Baarlamaanka kadib markii xildhibaano farabadan ay ka maqnaayeen fadhigii Baarlamaanka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada oo lagu mashquulinayo ka doodista xeer-hoosaadka appeared first on Puntland Post.
  9. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in shacabka B/weyne aanay u dacwad doonan karin Xarakada Al-shabaab. Waxa uu sheegay guddoomiyaha in cid walbo oo lagu helo in Al-shabaab deegaannada ay ka joogaan Hiiraan u dacwad doonato ay xabsi Saddex bil ah dhigi doonaan, sidoo kalena ku ganaaxi doonaan lacag dhan 5 kun oo doolarka Maraykanka ah. “Waxaa badatay in loo dacwad doonto Booca, ciidamada amniga waxaan leeyahay ciddii ka baxda B/weyne ee aadda Booca una dacwad doonata nabad diidka muddo Saddex bil ah ayaan xireynaa 5 Kun oo doolarna waa lagu ganaaxayaa” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka kale, Dabageed ayaa sheegay in cid walbo aadda deegaannada Al-shabaab maamusho ay deegaannadaasi joogi doonaan ama haddii ay yimaadaan u diyaar garoobaan xabsiga iyo ganaaxa. B/weyne ayaa caadi ka ah in dadka ay u maxkamad doontaan Xarakada Al-shabaab, ayna aadaan deegaannada Booca iyo Luuq Jeelow ee gobolkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Cadaado (Caasimada Online)-Xildhibaanada maamulka Galmudug ee ku sugan magaalada Cadaado ayaa soo saaray qoraal ay ku bayaaninayaan dib u dhac ku imaaday doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi. Xildhibaanadan oo dhawaan sheegay inay xilkii ka qaaden Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in doorashadooda ay u dib dhacday isbedel ku imaaday Jadwalka. Xildhibaanada ayaa markii hore Doorashada madaxweynaha iclaamiyey inay dhaceyso 30-ka Bishaan September balse haatan dib loo dhigay. Waxa ay mar kale sheegen in doorashada ay qabsoomi doonto 6 Bisha soo socota ee Octoper 2018-ka. Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa sheegay in sababta dib ugu dhacday doorashada ay tahay codsi ka yimid musharixiinta xilka Madaxweynaha Galmudug.
  11. Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya isugu yimaadaan kulankoodii caadiga ahaa. Kulanka maanta ayaa looga hadli doonaa arrimaha xeer-hoosaadka golahan, kadib markii wax ka bedal lagu sameeyey. Arbacadii lasoo dhaafay, kulan ay xildhibaannada golaha shacabka ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa u baaqday Kooram la’aan. Maantana lama oga in si la mid ah Arbacadii oo kale ay dhici doonto, balse guddoonka golaha shacabka waxa uu ku wargeliyey xildhibaannada in ay waqtiga dhowraan oo ay kulamada golaha soo xaadiraan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Premier League leaders Liverpool face unbeaten Chelsea for the second time this week in an early-season clash between two title contenders at Stamford Bridge. Source: Hiiraan Online
  13. ADDIS ABABA (Reuters) - Ethiopia’s attorney general on Friday filed terrorism charges against five suspects held for involvement in a grenade attack at a rally attended by Prime Minister Abiy Ahmed in June. Source: Hiiraan Online
  14. COPENHAGEN (Reuters) - Danish police briefly shut bridges and ferry links to Sweden and Germany on Friday as they widened their hunt for three people and a black Volvo in connection with a serious crime - a kidnapping according to Sweden’s Aftonbladet newspaper - to include the whole country. Source: Hiiraan Online
  15. Germany's foreign minister, Heiko Maas, has called on the United Nations to "stop beating around the bush" and start talks on reforming the Security Council. A push for change has been ongoing since the early 1990s. Source: Hiiraan Online
  16. A proposed regional security alliance bringing together the United States, Gulf allies, Egypt and Jordan, is at risk of credibility if a Gulf dispute is not resolved, Qatar’s foreign minister said on Friday. Source: Hiiraan Online
  17. Ethiopian officials have revoked land leases in Addis Ababa that were held by dozens of investors, including Ethiopian-born Saudi billionaire Mohammed Hussein al-Amoudi. Source: Hiiraan Online
  18. Turkish President Recep Tayyip Erdogan is set to open one of Europe's largest mosques in Cologne on Saturday as he wraps up a controversial visit to Germany, with police deploying in force amid planned protests. Source: Hiiraan Online
  19. Five men have been charged for terrorism after attempting to kill Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed. Source: Hiiraan Online
  20. HANOI—Last month, Aung San Suu Kyi, Myanmar’s de facto civilian leader, appeared at a panel hosted by Singapore’s ISEAS-Yusof Ishak Institute. At the event, one attendee asked her what had surprised her most since taking power in 2016, citing a long list of struggles the country faces, from the sluggish economy to ethnic conflict. Source: Hiiraan Online
  21. National assembly majority leader Aden Duale has hit out at Amani National Congress party leader Musalia Mudavadi accusing him of overseeing the finance ministry during the Golden-berg. Source: Hiiraan Online
  22. The Supreme Court has allowed Wajir Governor Mohamud Abdi to file new evidence as he fights to retain his seat. Source: Hiiraan Online
  23. Kathryn Mayorga, 34, claims the Portuguese football player raped her in a Las Vegas hotel room, according to German media outlet Der Spiegel. The magazine says Ronaldo paid her $375,000 for her silence. Source: Hiiraan Online
  24. A reproduction of a 19th-century purple dress with white lace collar is positioned on a stand, as if waiting for its owner to slide it on. Source: Hiiraan Online
  25. President of the University of Jigjiga, Abdulaziz Ibrahim who sparked a storm of controversy by firing more than thirty staff a year ago has himself been let go. Source: Hiiraan Online