-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
National Assembly Majority leader Aden Duale has lost his elder sister to cancer. The Garissa Township Member of Parliament said on his Twitter handle his sister.... Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal-ka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqday hoggaamiyaha taageerada ugu badan ka haysta shacabkiisa marka lala barbar dhigo 10 hoggaamiyo oo dunida caanka ah. Xog uruurin ama qiimeyn ay sameysay hay’adda IPSOS/Farsight Africa Research ayaa sheegtay in Madaxweyne Faraamjo shacabkiisa ka haysto tageero boqolkiiba 67 (67%) waaa sanadkan 2018 oo uu ku dhaw yahay sanad guuraddiisii labaad halka uu marka uu talada dalka qabtay uu haystay boqolkiiba 86 (86%). Xogtan waxa ay muujineysaa in Madaxweyne Farmaajo haysto kalsooni shacab oo ka badan 10-ka hoggaamiye ee hoos ku xusan inta ay ka haystaan shucuubta ay hoggaamiyaan. Dhinaca kale Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa shacabka Soomaaliyeed tageero weyn ka haysta marka la eego qiimeynta ay sameysay isla hay’adda qiimeysay kalsoonida uu shacabka Soomaaliyeed ka haysto bulshada Soomaaliyeed. Ra’usl Wasaare Xassan Cali Kheyre waxa uu haystaa boqolkiiba 62%, waana sanadkan 2018 halka 2017 uu haystay boqolkiiba 83%. Walow ay caqabado waa weyn soo food saareen dowladda Soomaaliya ee ay gadh wadeenka ka yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre, hadana waxa ay la yimaadeen waxqabad muuqda oo ay bulshadu u riyaaqday sida horumar dhinaca ammaanka ah, siyaasadda loo dhan yahay, hagaajinta hannaaka dhaqaale ee dalka iyo la dagaalanka musuq maasuqa. Halkaan hoose ka akhriso Liiska Madaxweynayaasha uu ka taageero badan yahay Farmaajo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare e xukuumadda Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta iskuullada dowladda u qeybiyay buugaagta manhajka ee dhowaan ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Iskuulladan oo ku yaalla gobolka Banaadir isla markana ah dugsiyadii dhowaan dowladda ay la soo wareegtay ayaa mid mid u galay fasallada isagoo ardeydda u qeybiyay bugaagta cusub. Agaasimaha waaxda dugsiyadda wasaaradda waxbarshada Soomaaliya Muuse Maxamed Caraale ayaa bogaadiyay manhajka waxbarashada dalka isagoo kula dardaarmay walidiinta inay ka shaqeeyan sidii loo kobcin lahaa garaadka caruurtooda. Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in iskuullada ay la soo wareegta dowladda intooda badan loo qeybiyay manhajkan cusub. “Maanta waxaa nasiib u yeeshay in iskuulladii dhowaan la soo wareegtay wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare in u qeybiyo bugaagtii ay wax ku baran lahayeen, intooda badan waa la soo qeybiyay”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed. Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa tilmaamay in wasaaradda waxbarashada ay la soo wareeji doonto dhammaan iskuullada ay leedahay dowladda, islamarkana loo dhameystirayo manhajka waxbarshadda dalka. “ Bulshada Soomaaliyeed waxaan u sheegaya in maanta ay lee yihiin manhaj mideysan oo wax lagu barayo ardaydda Soomaaliyeed”ayuu yiri Mudane Feysal Cumar Guuleed. Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku guuleystay inay la soo wareegto 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Onilne) – Sida ay wararka ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online waxaa xilkii laga qaaday Guddoomiyihii Degmada Dayniile Cabduweli Nuur Faarax. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa xilka looga qaaday Guddoomiyaha. Sidoo kale waxaa xilkaas loo magacaabay Maxamed Abuukar Jacfar oo mar soo noqday guddoomiyaha degmada Howl-Wadaag iyo taliyaha Ciidanka xasilinta Caasimadda walow markii dambe la kala diray. Ilaa hadda faahfaahin lagama bixin sababta keentay in xilka laga qaado mana lagu faahfaahin degreetada soo baxday. Gudoomiyaha Xilka laga qaaday ayaa Guddoomiyaha Degmada Dayniile ahaa wax ka yar lix bilood. Wixii kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cilmi baaris ay wada jir ah u sameeyeen hay’adaha Farsight Africa iyo IPSOS ayaa muujineesa in hoos dhac kalsoonida dadweynaha ay ku qabaan hey’adaha dowladdu ay jirto xilligan marka loo eego sanadkii 2017-kii. Cilmi baarista ayaa dhinaca kale muujisay in dowladdu ay ku taagantahay dhabbihii dowladnimada balse ay hoos u dhacday kalsoonidii lagu qabay sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, garsoorka iyo baarlamaanka. Hay’adaha sameeyey daraasadda ayaa waxa ay su’aalo weydiiyeen 1,500 oo qof oo Soomaali ah oo ku kala nool magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya, sida Muqdisho, Kismaayo, Beledweyne iyo Garoowe. Waxyaabaha dadka wax laga weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo garsoorka, ayada oo magaalooyinka ay ku kala duwaanayeen heera kalsoonida. Hay’adda waxa ay sheegtay in kalsoonidii lagu qabay madaxweyne Farmaajo tan iyo markii la doortay, oo ahayd 89% ay hoos u dhacday 19%, halka Kheyre uu lumiyey 21%. Sanadkii 2017-kii, heerka kalsoonida madaxweynaha waxay mareysay 86%, balse haatan ay tahay 67%, tan oo weli ah tiro aad u sarreysa marka la barbardhigo inta badan madaxda dunida. Sidoo kale, kalsoonida ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay ku qabaan shacabka ayaa hoos u dhacday oo gaartay 62% halka sanadkii 2017-kii ay ahayd 83%. Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cilmi-baaristan, ayna ku faraxsan yihiin in dadku aaminsan yihiin in dowladda ay jidka toosan ku socoto. Cabdirisaaq Aadan Maxmaed, oo ah madaxa fulinta hay’adda Farsight Africa oo wareysi siiyey idaacadda VOA-da ayaa ka warramay cilmi baaristan iyo waxa ay ku saleeyeen. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/1be8ae13-3a71-40ae-9269-bc86a16da856_48k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) —The chilling news of abduction cases are increasingly rising in Somali capital Mogadishu, amid families concerning for their children’s safety. The abduction cases, mostly took place at places of worships, business centers and outside of children’s houses. Caasimada Online learned that the child kidnappings are allegedly carried out by unknown men on rickshaws in Somali capital. The child abduction cases were reported to have taken place in Warta-Nabadda, Wadajir and Dharkenley districts in the capital. The worrying trend as child abductions come days after 11-years-old boy was kidnapped while heading on his way to home in Mogadishu. UN calls to stop children abduction in Somalia The Independent Expert on the situation of human rights in Somalia, has called for the immediate release of all children kidnapped or recruited as fighters in the country’s armed conflict. “The abduction of children by the Al Shabaab group and their recruitment and use by government security forces in the armed conflict constitute a grave violation of the children’s rights,” the expert said in a statement. UN commended the government for measures taken so far to rehabilitate children captured in combat, and for recognizing that such children were victims, but he urged the authorities to act now to stop children being used in the fighting. The expert also called on the government to build rehabilitation centres to address the plight of children associated with Al Shabaab. However, UN expert called for a comprehensive review of the country’s traditional dispute resolution framework and urged steps to ensure that traditional elders protected women against female genital mutilation, rape and other sexual and gender-based violence while respecting international human rights standards. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer Al-Shabaab kala wareegay deegaano badan waxaana dhacdo kadib inay mar kale Al-Shabaab kusoo laabtaan halkii laga saaray taasoo caqabad ku noqotay inay Dowladda Soomaaliya Dhawaan ayey aheyd markii Ururka Al-Shabaab ay la wareegeyn Tuulooyin hoos tago Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Deegaanada ay Al-Shabaab la wareegeyn kadibna ay isaga baxeyn ayaa waxaa kamid ahaa Yaaqle, Dhagaxow,Kooreebe iyo tuulooyin kale,halkaasi oo ay Ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku lahaayeen saldhigyo. Haddaba Su,aasha is waydiinta mudan ayaa ah waa maxay Sababta ay Dowladda Soomaaliya ugu guuleysan la’dahay dagaalada Al-Shabaab. Janaraal Maxamed Ibraahim Guubir oo horay uga tirsanaa ciidamada Soomaaliya ayaa Idaacadda BBC qeybteeda Afka Soomaaliga u sheegay inay arrintaas sabab u tahay seddex arrin oo waaweyn oo haddii aan la xalin aan guul laga gaari doonin dagaalada AL-Shabaab. 1) Maamul Goboleedyada Janaraal Maxamed Ibraahim Guubir ayaa Maamul Goboleedyada ku eedeeyey inay yihiin sababta ugu weyn ee looga adkaan waayey Ururka Al-Shabaab. Wuxuu sheegay inaysan dowladda kala shaqeyn sidii dagaal loogu qaadi lahaa Al-Shabaab isla markaasna maamul loogu sameyn lahaa deegaanada la qabsado. Maamul Goboleedyada ayaa ku sheegay inay yihiin kuwa mar walba cuuryaamiyo Shaqada Dowladda iyo dagaalada ka dhanka ah AL-Shabaab. 2) Awoodda Hubka Generaalka ayaa qodobka labaad ku sheegay inuu yahay inaysan Dowladda heysan hub ka culus midka ay Al-Shabaab heysato taasna ay keentay inaan la kala adkaan, wuxuuna yiri “labo qolo oo hub isku nooc ah heysata ma kala adkaan karaan, sidaas awgeed waa in dowladda laga qaado xayiraadda dhinaca hubka” . Wuxuu Qaramada Midoobay ku eedeeyey inaysan diyaar u aheyn awood siinta Dowladda Dhexe oo u baahan inay hesho hub ka weyn kana awood badan kuwa ay Al-Shabaab ku dagaalamaan. 3) AMISOM Janaraal Maxamed Ibraahim Guubir ayaa Ciidamada AMISOM ku eedeeyey inaysan daacad ka aheyn helidda Ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh . Wuxuu sheegay inay AMISOM dowladda ka ilaaleyso inay hesho isku filnaansho dhanka Maamulka iyo Ciidanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho, October 02 2018–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa boggaadiyey dar-darta ay ku socoto howlaha dib loogu hagaajinayo Garoonka Cayaaraha ee Staadiyo Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay barnaamij qeyb ka ah Ololaha Is-xilqaan oo 100 dumar ah shaqo loogu abuuray, si ay u dar-dargeliyaan nadaafadda iyo dib u habeynta Garoonka. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay muddo labo bilood gudahood ah in lagu dhameystirayo wajiga koowaad howlaha dib u habeynta garoonka oo qeyb ka tahay Nadaafadda iyo nalayn lagu sameynayo si loogu qabto Cayaaraha Maamullada ee dhowaan nagu soo fool-leh. “Howshan dar-darta ku socota ee dib loogu hagaajinayo garoonka StadiumMuqdisho waxay qeyb ka tahay qorshaha noo dagsan oo muddo labo bilood gudahood ah lagu dhameystirayo qeybta hore ee dib u howlgelinta Garoonka si loogu qabto Cayaaraha Maamullada Gobollada iyo Gobolka Banaadir”. Ololaha Is-xilqaan ee laga sameeyay Garoonka Cayaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye-ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Guddoomiye-xigeenka Howllaha Guud, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Waaberi iyo Warta-Nabadda, Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare iyo 100-ka qof ee shaqo abuurka loo sameeyey si ay nadaafadda Garoonka u dar-dargeliyaan.
-
IPSOS oo shirkad laga leeyahay Mareykanka iyo Farsight Africa Research oo ah shirkad Soomaaliyeed ayaa si wadajir ah u sameeyey baaritaan ah sida ay dadka Soomaaliyeed ugu kalsoon yihiin hey’adaha iyo mas’uuliyiinka dalka. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee qoraalka ku soo baxay waxaa ka mid ahaa: in dadka Soomaaliyeed ay kalsoonidii kala laabteen madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Tusaale ahaan: Madaxweyne Farmaajo 2017 dadku waxaa ay kalsooni ku qabeen 86% halka 2018 ay kalsoonida hoos u dhacday oo ay gaartay 67%. Ra’isul wasaare Kheyre sanadkii 2017-dii, kalsoonida lagu qabay waxaa ay qaareysay 83% halka sanadkan ay hoos u dhacday oo ay gaartay 62%. Hey’adaha Dowladda ayey sidoo kale sheegeen sida ay dadka kalsooni ugu qabaan, Baarlamaanka federaalka ah sanadkii hore waxaa ay heysteen kalsooni ah 73%, sanadkan waa 50%, golaha xukuumadda 2017-kii waxaa ay kalsooni heysteen 86% halka 2018 ay heystaan 49%, garsoorka sanadkii hor waxaa uu ahaa 79% halka sanadkan uu yahay 36%. Ciidamada oo kale, Booliiska waxaa ay kalsoonidooda aheyd 2017-kii ilaa 74% halka sanadkan ay hoos ugu dhacday 61%, xoogga dalka sanadkii hore waxaa ay kalsoonida dadka gaartay 88% halka sanadka ay hoos ugu dhacday 63%. Qaramada Midoobey iyo AMISOM: Qaramada midoobey sanadkii hore waxaa ay dadka kalsooni ku qabeen 73% halka sanadkan uu yahay 48%, AMISOM kalsoonida ay dadku ku qabeen 2017-kii waxaa ay aheyd 59% halka 2018 ay hoos ugu dhacday 39%. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qudus (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa cadaadis xooggan iyo dhibaato cusub ku biirisay caqabadaha ay wajahayaan dadka degan magaalada barakeysan ee Qudus ee ku hoos nool gumeysiga Yahuudda, kadib markii ay ka jartay taageeradii ay siin jirtay. Saraakiil ka tirsan maamulka magaalada Qudus ayaa wargeyska Alkhaleej Online u sheegay in Sacuudiga uu dhaqaalihiisa u adeegsanayo inuu ku qasbo dadka degan magaalada inay u hoggaansamaan siyaasadda cusub ee madaxweyne Donald Trump ee gadaal ay ka riixayaan Yahuudda. Labadii bil ee ugu dambeysay, magaalada barakeysan ayaa la kulantay hoos u dhac xooggan oo ah xagga gargaarka bani aadannimo, waxbarashada iyo mashruucyadii ay Sacuudiga mal-gelin jireen, ee lasoo marsiin jiray Bankiga Horumarinta Islaamka ee fadhigiisu yahay magaalada Jeddah.. ‘Tani waa ciqaab dadka Qudus ay kala kulmayaan Riyadh, kadib markii ay diideen inay aqbalaan heshiiska madaxweyne Trump ee looga magac daray (Heshiiska qarniga), ee dhigaya in Qudus ay noqoto magaalo Yahuudda ay leeyihiin” ayuu yiri sarkaalka. Sarkaalka ayaa sheegay in tageerada Sacuudiga oo ahaan jirtay 60 milyan oo dollar bishii, laga soor eebay kaliya 7 milyan. Waxa uu intaas ku daray in markii ay dowladda Sacuudiga weydiiyeen sababta looga jaray dhaqaalaha, loo sheegay inay la xiriirto dhibaatooyin dhaqaale oo Scauudiga soo wajahay, balse ay ogyihiin in xaqiiqda ay tahay in arrintan la xiriirto siyaasad. Khaleej Al-Khatib oo ah madaxa dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ah ee Qudus ayaa sheegay in Sacuudiga ay ka shaqeynayaan danta Mareykanka iyo Yahuudda, aysanna yaab lahayn tallabada ay qaadeen. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–Pressure is mounting on Somaliland and Somalia to sit on a round table and sort their political and border disputes. The international community wants talks between the leadership in Hergeisa (Somaliland) and Mogadishu (Somalia) to re-open dialogue to end the cold war between them. Somaliland has stated they are ready for a fresh round of talks after the Netherlands and Danish envoys to Kenya (and Somalia) said they would be ready to help initiate dialogue. Nairobi has been identified as one of the potential venues for the talks which have previously collapsed after agreements have been signed with both sides accusing each other of reneging on the signed deals. Somaliland, a former British protectorate proclaimed independence from the rest of Somalia after the collapse of the central government of Somalia led by the late dictator General Mohamed Siad Barre in 1991. However, the international community is yet to recognize Somaliland’s sovereignty though the nation has diplomatic relations with several countries where it has liaison offices. Somaliland is pushing for complete freedom from the rest of Somalia while the Federal Government of Somalia wants to retain the unity of Somalia. The two countries have failed to agree on several issues among them the control of airspace despite several meetings to resolve the issue. Since 2012, there have been several meetings and talks between Somaliland and Somalia, including Istanbul II Communiqué, where the two parties agreed on establishing the Air Traffic Control Board (headquartered in Hargeisa, Somaliland) and four members of technical committee (two from Somaliland and two from Somalia). This agreement was supported by the United Nations envoy in Somalia/Somaliland and the head of the UN Assistance Mission in Somalia at the time, Nicholas Kay, who described the agreement as a model for other areas of mutually beneficial cooperation. The U.N.’s aviation agency began controlling air traffic over Somalia after the county descended into civil war. Due to security concerns, the organization worked from Kenya until 2017 when the government of Somalia took the control of the airspace from ICAO. In March this year, Somali government relocated 34 air control personnel who were working in Nairobi to operate in the Somali capital, Mogadishu before officially starting operations in August to the chagrin of Somaliland. Because of tension between Somaliland and Somalia, Somaliland had banned all UN flights from landing at its airports and threatened to close its airspace to UN flights if the Istanbul II agreement was not implemented. The ban was later lifted. The Istanbul agreement allowed for a strategy to manage the two countries airspaces through a joint body to be established in Hergeisa. The body was also to be responsible for equitable sharing of revenues. This week, Somaliland envoy to Kenya Bashe Awil Omar separately met the ambassadors from Netherlands and Denmark to Kenya with the two European envoys promising to push for fresh talks to end the impasse to be held in Nairobi. Denmark ambassador to Kenya Mette Knudsen said it was vital for the two countries to sort their differences and work together Sources: CAPITAL FM
-
Wasaaradda maaliyadda dowladda Puntland ayaa talaadada maanta ah shaacisay in canshuur lagu soo rogay warqadda dalaaq-muujinta ee caddeyn ahaanta loo raaciyo furniinka. Wasaaradda ayaa lacag dhan $20 Dollar oo canshuur ah ku waajibisay nin kasta xaaskiisa fura ee soo raaciya warqadda dalaaq-muujinta ah,inkastoo aan qoraalka lagu xusin halka lacagtaasi lagu shubayo. Go’aanka wasaaradda Maaliyadda ayaa ku soo beegmay,xilli haatan shaqo la’aanta baahsan iyo sixir bararka nolosha saameeyay ee degaannada Puntland ka jira uu siyaadiyay,burburka qoyska iyo furniinka deg deg ah. Sidoo kale shaqaalaha dowladda oo aan mudda dheer mushahar iyo xuquuq helin, ayaa la sheegayaa in ay u badan yihiin qoysaska burburay ee furniinkoodu tiro beelay,maadaama wasaaradda maaliyaddu ku fashilantay bixinta xuquuqda shaqaalahaasi. Dhinaca kale dadka qaar ayaa wasaaradda ku eedaynaya ”in ay macaash ka dhex raadinayso burburka qoysaska” ee awalba ka dhashay mushahar la’aanta iyo sicir bararka sabab’saday nidaam-xumida waasaradda Maaliyadda. PUNTLAND POST The post Puntland oo furniinka canshuur ku soo rogtay appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–The U.S. military says it killed nine al Qaeda linked al-Shabab militants in drone airstrike in southern Somalia. The strike was conducted that was conducted on Monday, about 540km south of Somali capital Mgadishu, according to US Africom Command. The U.S. Africa Command said one militant was also injured in the strike. The raid was carried out in coordination with the Somali government The U.S. has conducted more than 20 such airstrikes in Somalia this year. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. But the Islamists still hold sway in large parts of the countryside and launch regular gun and bomb attacks on government, military and civilian targets in Mogadishu and ambushes on military convoys and outposts. The United States has carried out more than 20 airstrikes against Al-Shabab in Somalia in 2018. The special operations forces have also been rotating through the country for several years to bolster local and regional forces. There was no immediate comments from Al Shabaab over the claims. US serves as front-line advisers to a United Nations-backed government of Somalia, struggling against rebel factions across the country, particularly in rural southern Somalia. The U.S. military partners with the African Union Mission to Somalia, or AMISOM, during combined counter-terrorism operations against al Shabab training camps and terrorist leadership. The African Union has a combined contribution of roughly 22,000 personnel in Somalia. In early June, one U.S. soldier was killed and four more were wounded during an attack by Al-Shabab militants that consisted of small-arms fire and mortars near Kismayo, a town some 500km south of Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare ayaa maanta waxaa uu soo saaray baaq ku aadan sidii loo dejin lahaa khilaafka mas’uuliyiinta Galmudug iyaga shacabkana ku dhiirigeliyey inay taageeraan dhex-dhexaadinta golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Qoraalka Aqalka Sare Oo Dheeraa Waxaa Uu u Qornaa: Guddiga joogtada ah ee aqalka sare wuxuu ugu baaqayaa mas’uuliyiinta Galmudug in la ilaaliyo midnimada iyo wada shaqeynta hey’adaha dastuuriga ah, lana soo celiyo wada shaqeyntii ay hey’adaha lahaayeen ka hor khilaafka haatan jira. Guddiga joogtada ah ee aqalka sare wuxuu ku wargelinayaa dhammaan dhinacyada khilaafka Galmudug; In marnaba aan la aqbali karin inay sii socdaan dhaq-dhaqaaqyada lagu burburinayo hoggaanka hey’adaha dastuuriga ah ee Galmudug(xukuumad iyo baarlamaan) iyada oo golaha aqalka sare uu ku jiro dadaalo ku dhex-dhexaadinayo dhinacyada khilaafka Galmudug isla markaana aqalka uu garwadeen ka yahay sidii loo heli lahaa xal waara oo ay wada gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Dhex-dhexaadinta aqalka sare waxaa ay ambaqaadeysaa midnimada iyo wadajirka hey’adaha dastuuriga ah ee Galmudug, sidaasi darteed, waxaa saameyn ku yeelan meyso xil ka qaadis horay u dhacday iyo kuwoo soo socda. Guddiga joogtada ah ee aqalka sare wuxuu ugu baaqayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Galmudug inay ka qeybqaataan dadaallada xal u raadinta khilaafka ka dhex jira hey’adaha dastuuriga ah ee Galmudug isla markaana ay taageeraan dhex-dhexaadinta golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa Hawada soo galay Website lagu sameeyey Magaca Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kaasoo keenay shaki weyn oo ku aadan inuu Ra’isulwasaaraha isku soo sharixi doono Doorashada soo socoto ee Sanadka 2020. Websitekaan Hawada soo galay oo ay weli ku socoto dhismo ayaa waxaa diiwaan geliyey mid kamid ah Gacanyarayaasha Ra’isulwasaare Kheyre sida ay xogta sheegeyso kaasoo lagu magacaabo Yaxye Cali Hareeri taariikhda markay aheyd 07-06-2018. Balse markii ay soo baxeyn warar ku aadan in Websitekaas laga sameeyey Xafiiska Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa durba la qariyey oo Private laga dhigay magacii lagu diiwaan geliyey maadaama uu magacaas yahay mid banaanka soo dhigayo halka rasmiga ah ee laga leeyahay waxayna taas kor usii qaaday shakiga ah in Websitekaan uu leeyahay Xasan Cali Kheyre. Arrinta ku aadan inuu Websitekaan leeyahay Ra’isulwasaare Kheyre ayaa aad isku soo tareyso waxaana horey u jiray warar kala duwan oo ku aadan inuu isku soo sharixi doono xilka Madaxweynimo inkastoo Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka horey u sheegay in musharaxoodu yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Haddii ay dhab noqoto inuu Websitekaan leeyahay Ra’isulwasaare Kheyre waxaa muuqato in Nabad iyo Nolol ay yeelan doonto laba musharax oo aad u loolami doono iyadoo la aaminsan yahay in Madaxweyne Farmaajo uu musharax u noqon doono Xisbiga talada dalka haya. Websitekaan ayaa hadda markii la booqdo wuxuu kuu sheegayaa in dhismo lagu wado dhawaana uu hawada soo geli doono sida kaaga muuqato sawirka Hoose weliba waxaa ku qoran inuu hawada soo geli doono Asbuc kadib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The U.S. military says it killed at least nine al-Shabab militants in an airstrike in southern Somalia that was conducted after an insurgent attack on government forces. Source: Hiiraan Online
-
Cadale (Caasimada Online) –Halgamaa Hibaad Cali Dasar oo muddo dagaal xooggan kula jiray argagixisada Soomaaliya ee Al-Shabaab, si uu dhibkooda uga dul-qaado dadkiisa iyo deegaankiisa ayaa shalay ku geeriyooday Tuulada Xagareey, oo u dhaw Guulane, islamarkaana hoos tagta degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Hibaad Cali Dasar oo hogaaminayey Jabhadda dib u xoreynta Shabeellaha Dhexe iyo haglamaa kale oo lagu magacaabo Nuur Cali Jumbur ayaa ku geeriyooday dagaal ay shalay ku qaadeen Shabaabka, oo ay kaga dileen 18 maleeshiyo. Geeridooda ayaa waxaa ka tacsiyeeyey Midowga Walaalaha Mudulood. Warbixin ku saabsan halgankii Hibaad Cali Dasar Halgamaa waxaa loogu yeedhaa qofka naftiisa iyo hantidiisa u hura arrin dadku ku dhici waayeen oo dib uga joogsadeen. Halgamaa Hibaad Cali Dasar Eebbe haw naxariisti wuxuu ahaa ninkii abaabuley dagaalka looga soo horjeedo kooxda horrarka ah ee Al-Shabaab ee Shabeellada dhexe. Nin isagoo cararaya dhintey ama mid dalka ka dhoofay isagoo xabsi iyo xadhig ka baqaya ama in la dilo ayaa dadka qaarkood ugu yeedhaan geesi halgamaa ah. Halgamaagu waa kan u dhinta ujeedka iyo hadafkiisa waa midka u god gala halka yoolkiisu yahay waa midka ka gilgisha heeryada saaran kana doorbida dhimashada waa halkuu ka lahaa Abwaan Salaan Carabeey. Haddaad dhimato geeridu marbay,Nolosha dhaantaaye Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin, Dhereggu xaaraane Dhedigaansho waa ceeb inaad, Dhamagsataa meele Dhadhan malaha aadmigu wuxu, Kugu dhalliilaaye Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday,Dhaqayadeed maaly’e Dhashaaday sugtaa xaajadaad, Dhawrataa abid. Dagaal ay ku dhiiran waayeen dowlad iyo dadweyne ayuu ku dhiiraday, welina halgankii ma dhammaan, waana mid lagu xusi doono laguna xasuusan doono. Dagaalka guushiisu maaha inaad noolaato keliya ee waa in aad gaadho halgankaaga miro dhalkiisa, bulshada deegaanka iyo dhammaan dadka halganka qaybta ka ahaa waxaan leeyahay guushu waa inaan ka adkaano kana tirtirno deegaankeena Alshabaab, geerida hoggaamiye Hibaad waa iney na sii dhiirigelisa. Eebbe haw naxariisto dhammaanteena samir iyo iimaan haynaga siiyo, waa Halgamaa ku dhex nool laabteena iyo maankeena. W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa shaaciyey in duqeyn dhinaca Cirka ah oo lagu qaaday koox ka tirsan Alshabaab duleedka magaalada Kismaayo lagu dilay 9 ka mida maleeshiyada Alshabaab. War kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday shalay meel Kismaayo u jirta 40 Km, ay qiimeynayaan 9 ka mida kooxda Alsahbaab oo lagu dilay duqeynta, iyadoo cid rayid ah aanay wax ku noqon. War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in 1-dii bishan October oo shalay ku beegneyd Ciidamada Mareykanka ay qaadeen weerar cirka ah, kaddib markii Al-Shabaab weerareen Ciidamo ka tirsan dowladda. AFRICOM ayaa xaqiijiyay in howlgalkan ay ka gacan siiyeen ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka degaanka kasoo gaarey. “Mareykanka waa uu sii wadi doonaa weerarada noocan ah ee looga hortagayo khatarta ku wajahan danahiisa Soomaaliya iyo muwaadiniintiisa, islamarkaana lagu wiiqayo awoodda kooxaha argagaxisada,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM. Tan iyo sanadkii tagey, labo Askari oo Mareykanka ay ayaa lagu kala dilay gobolllada Shabeellaah Hoose iyo Jubbada Hoose, kadib markii ay ku weerareen xoogaga Al Shabaab. Mareykanka ayaa ka jooga Soomaaliya ku dhawaad Kun Askari oo ka caawiya ciidamada dowladda iyo AMISOM dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, oo ku xoog badan degaano badan oo Koonfurta ku yaalla. Al-Shabaab ayaa ka gaabsada inta badan duqeymaha Mareykanka geysto Koofurta Soomaaliya oo labadii sano ee u dambeeyay ay sii kordhayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Lix qof ayaa ku geeriyoote shil gaari oo maanta ka dhacay deegaanka Gawaan ee gobolka Mudug. Gaari weyn oo sidey Shamiinto (Sibir) ayaa ku rogmaday wadada u dhaxeysa deegaanka Gawaan iyo degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay Shan qof kale. Goob joogayaal ayaa sheegay in gaariga markii uu rogmanayey ku socday xawaare aad u sarreeyay. Dadkii dhaawaca ahaa ayaa loo sameeyey gurmad degdeg ah, waxaana laga qaaday halkii gaariga uu ku rogmaday. Darwallada kaxeeya gaadiidka ayaa inta badan xilliyada ay safarada dheer galayaan gaadiidka u wada si xowli ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo xisbiyada mucaaradka ah ee ku kacsan dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan isbaheysi awood badan oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online. Ilo-wareedyo ku dhow qaar ka mid ah madaxda maamullada ayaa Caasimada Online u sheegay in dhammaan hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah ee fahdigeedu yahay magaalada Muqdisho lagu casuumay shirka madax goboleedyada ee 10-ka bishan October ka dhacaya magaalada Garoowe. Shirkaas ayaa laga filayaa qodobo kale oo ka dhan ah dowladda, ayna ugu weynaan doonta dhismaha isbaheysigan cusub. Waa markii ugu horreysay ee mucaaradka ay ka qeyb-galaan shir goboleedyada, waxaana xogta aan helnay ay sheegeysaa in isbaheysiga la dhisayo la filayo inuu qaado tallaabooyin culus oo ka dhan ah dowladda, lagana yaabo inay ku jiraan mooshinno ka dhan ah ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha. Ilo-wareedyo ku dhow xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inay isaga kalsoon yihiin mooshin kasta oo ay gadaal ka riixayaan mucaaradka iyo madax goboleedyada, hase yeeshee isbaheyisga noocan ah ayaa dhaawac culus gaarsiin kara muuqaalka beesha caalamka ay ka haysato dowladda. Dowladda Soomaaliya ayaa lagu warramay inay isha ku hayso dadaallada ka dhanka ah ee socda, hase yeeshee ma muuqato tallaabo ay qaadi karta illaa hadda, waxaana jira dadaallo weli miro-dhali la’ oo ay ku kala furfureyso golaha iskaashiga maamul goboleedyada, ayada oo illaa hadda ku guuleysatay kaliya inay kasoo goyso madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wareegto kasoo baxday madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay taliyaha ciidamada keydka ee maamulkaasi. Waxaa xilkaan loo magacaabay G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ). Wareegtada hoos ka akhriso. Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo Wuxuu Xeeriyey: 1.Waxaa G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland. 2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu. Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - The European Union (EU) has pledged that the trade bloc will remain committed to supporting the Somali people and government in rebuilding their country in spite of Monday's attack on its convoy in the Somali capital. Source: Hiiraan Online
-
Tan iyo markii dhidibbada loo taagay dowlad goboleedka Puntland waxaa lagu taamayey in mar uun laga gudbo nidaam siyaasadeedka qabiilka ku dhisan loona gudbo nidaamka doorashada xortaa iyo axsaabta badan ku dhisan. Nasiib daro iyo nasiib wanaag midka ay doontaba ha ahaatee wali Puntland kuma guulaysan inay nidaamkaas ka guurto. Ka guurid la aanta nidaamkaani waxa ay tilmaam iyo astaanba u noqotay mid ka mida wax yaabo badan oo Puntland ka khaldan. Dhaleecaynta ugu horaysa ee siyaasiga xil-doonka ahi uu kan kursiga kolkaas ku fadiya uu dusha uga tuuraa waa in uusan wali nidaamkan ka guurin. Haddii aniga lay doorto sanadka ugu dambeeya bilaabi maayo nidaamka dimuquraadiyaynta ee waxaan bilaabayaa sanadka ugu horeeya, waa halhayska musharaxa xildoonkaa. Madaxwayne Gaas isagu waxaa uuba ka dhigay miisaanka la saari doono dawladdiisa. Qormadaani kuma saabsana maxaa looga guuri waayey nidaamkaan, ee waxay ku saabsan tahay maxaa looga guurayaa? Xaggeese looga guurayaa? Xalse ma ku jiraa nidaamka la rabo in looga guuro kolka lagu jaan-gooyo wadciga aynu iminka ku sugannahay? MUXUU YAHAY NIDAAMKA AYNU KU DHAQMAYNAY LABAATANKII SANO EE LASOO DHAAFAY? Cid walba oo dimuquraadiyadda u taqaan bixinta codka iyo xulashada hoggaanka oo kaliya, ayaa u taqaan nidaamka qabaligaa ee aynu ku dhaqano inuu isna yahay qaybsiga kuraaska xildhibaannada iyo xulashada musharaxa oo kaliya. Qolyahaani waxa ay hilmaansan yihiin amaba ay is hilmaansiinayaan in labadaan nidaamba ay ka guda wayn yihiin sida ay ula muuqdaan. Bulsho waliba waxa ay leedahay nidaam siyaasadeed ka turjama noloshooda iyo daruuufaha ku xeeran. Sidaas daraadeed waxa aynu nahay bulsho ka mida bulshooyinka raacatadaa oo lagu yaqaano inay lee yihiin dhaqan iyo xeer ku haboon daruuftooda. Waxa aynu lahaaan jirney hoggaamiyayaal la dooran jirey ooo gudoonka lahaan jirey iyo guurti talada maarayn jirtey. Waxa aynu lahayn xeer-beegti garsoorayaal ahaa iyo xeer kol hore la qabyo tiray. Waxa aynu lahay qaab iyo nidaam loo xalin jirey khilaafyada. Waxa aynu lahayn goob iyo geed looga doodi jirey amuuraha xasaasigaa ee kolkaas taagan, dood dheer ka gadaalna waxaa laysku raaci jirey hadba meesha loo bato oo uu shir-gudoonku ku ducayn jirey. Dhaqan-siyaasadeedkaan ayuu ahaa midkii uu la yaabay professor I.M. Lewes ee uu ka qoray buugiisa Pastoral democracy (dimuquraadiyaddii raacatada). Inkasta oo dhaqankii miyiga badankiisii laga yimid kolkii magaalooyinka la soo galay, haddana dhaqan-siyaasadeedkii raacatadu waa waxa kaliye ee wali saldhig u ah siyaasadda maamullada Soomaalida. Kolkii dawladdii dhexe ay duntayna waa nidaamka kaliye oo inoo shaqeeyey, maxaa yeelay waxa uu ahaa mid aynu anagu hindisnay. Dhaqamadii iyo xeerarkii ajnaanibta ee toobal-caarada inagu ahaayi waxa ay la dumeen dawladdii dhexe. Puntland waxa ay ka mid tahay meelaha ugu wanaagsan ee dhaqan siyaasadeed kaani ka jiro. Dhaqan kaani waxa uu gobolka u horseeday xasilooni-siyaasadeed oo ah waxa ugu weyn ee nidaam siyaasiya lagu qiimeeyo inuu hirgasho. Wuxuu kale oo uu xal u helay mashaakilaad siyaasadeed oo aynu soo wajahnay. Haddaba waxaad ogaataa xulashada xildhibaanka iyo doorashada musharaxu waa qayb yar oo ka mida nidaam siyaasadeedka raacatada ee aynu ku dhaqano. Qabiil walba waxa uu leeyahay magaalo looga dambeeyo, maleeshiyaad ka amar qaata, warbaahin afkiisa ku hadasha iyo kaabayaal dhaqaale oo uu isagu fan-gareeyo iyo kuwo kale oo uu maanka ku hayo sida jidad, dekado, Airabooro, jaamacado, isbitaalo iy ceelal. Shantii sanana qabaa’ishaan oo dhan ayaa doorta hoggaamiye aan lahayn kalmadda ugu dambaysa laakiin guddoon ridaa. Nasiib wanaag uma dirirno si jaantaa rogana ee dhaqan-siyaasadeed keena raacatada ayaa maareeya khilaaf-hoosaad yadeena. Haddaba qof walba oo jecel inaynu nidaam cusub u guurno waa in uu ogaadaa miisaanka uu leeyahay nidaamka aynu ka guurayno, iyo khatarta ka imaan karta midka aynu u guurayno. NIDAAMKA DOORASHADA IYO ASXAABTA BADAN. Dadka jecel inaynu nidaamkaan dhakhso ugu guurno waxa ay ka kooban yihiin saddex qolo. Kow, ajaanib aan dhaqanka iyo xaalkeena midna aan xog buuxda uhayn oo inagu dirqiya inaynu dhakhso uga guurno nidaam ka qabaligaa ( kuwaani waa kuwa uu Joseph Stiglits madaxwayne ku xigeenkii hore ee World Bankigu ugu yeero la taliyayaal la taliya kuwo uga aqoon badan waxa ay ka talinayaan laakiin aan cidina dhagaysan taladooda) Labo, dad ay ceeb ula muuqato waxa aynu ku dhaqmayno oo jeclaan lahaa in aynu mar’uun ka guurno waxa ula muuqda badawnimada. Saddex, dad soo arkay meelo nidaamka dimuquraadiyaddu si wanaagsan uga hirgashay kuna dooda inaynu dhabahooda dhakso u qaadno. Haddii aynu u jawaabna qolada u dambaysa waxa aynu xasuusinaynaa in dalalka nidaamkaan sida waafigaa uu ugugu shaqaynayaayi ay u soo mareen dariiq dheer. Dr. Francis Fukuyama oo ah siyaasad-yaqaan iyo bare sare oo caana ayaa waxa uu ku sheegay kitaabkiisa Political order and political decay in dawladaha caalamka ka jiraayi mid waliba sadexda qaybood ee uu nidaam siyaasadeedka casrigaa ka koobanyahay (state, rule of law and democracy) uu midkood dawlad-dhisiddiisa casrigaa ku bilaabay. Waa kolkii la hirgalinayey dawladaha casrigaa ee maanta caalamka ka jira (modern state). Fukiyama waxa uu yiri Germany oo ah meesha aabaha u ahayd modern state-ka dhistayna kan ugu fiican waxa ay ka bilowday dawlad-dhisideeda casrigaa dhismaha dawlad xoog badan, ka bacdina waxa ay uga gudubtay Rule of law oo ah saraynta sharciga, ugu dambayna waxay qaadatay dimuquraadiyadda kolkii uu dagaalkii labaad ee dunidu uu dhamaaday. Ingiriisku waxa uu ka bilaabay dawlad-dhisidiisa casrigaa saraynta sharciga ka bacdina waxa uu ku xijiyey dhisidda dawlad xoog leh ugu dambayna boqolaal sano ka bacdi ayuu dimuquraadiyadda hirgashey bilowgii qarnigii tagey. Afrika oo ah meesha uu nidaam siyaasadeedka ugu taagta darani ka jiro ayuu Fukuyama ku tilmaamay inay sabab u tahay halka ay wax ka bilaabeen oo ah is doorashada iyaga oo aan horay u lahaan jirin dawlado xoog leh iyo sarayn sharci toona, maxaa yeelay waxay ahaayeen bulshooyin qabaa’il ku dhisan ka hor intuu uusan gumaystuhu u imaan kaas oo aan isna hay’ado caga fiican ku taagan uga tagin. Haddaba bal ka waran marka aad doonayso dal burburay oo aan muddo soddon sanaa arag wax dawlada iyo bulsho qabaliya inaad dawlad-dhisidda uga bilowdo dimiquraadiyadda iyo nidaamka axsaabta badan oo aad kusoo aragtay meel uu ka shaqaynayo, laakiin aadan aqoon sida uu ugu shaqeeyey. Ka waran marka aad rabto inaad furto axsaab siyaasadeed iyada oo aysan jirin wax afkaar siyaasadeeda (political Ideology) sow markaas afkaarta iyo waxa siyaasad lagu abaabulaba (political mobilization) qabyaalad noqon maayaan, meedayse ku dhaqankii qabiilkii ee aad ka guuraysay? Dhanka kalana Professor Poul Colliar oo ah caalim ku xeel dheer Africa iyo dhaqaala yahan caana ayaa cilmi baaris uu sameeyey ku sheegay in dalalka fakhrigaa ay dimuquraadiyadu khatar ku tahay gaar ahaan haddii dakhligoodu ka hooseeyo saddex kun qofkiiba sanadkii. Waxa uu yiri nidaamkaani waa midka xasilooni darada u horseeda dalalka fakhrigaa ee dimiquraadiyadda u yaqaanaa is-doorashada. Ogow waxaa jira in kabad soddon dawladood oo africaana oo ku dooda inay ku dhaqmaan nidaamkaan laakiin waxa ay sameeyaan ay tahay doorashooyin ay ku shubtaan. Colliar waxa uu leeyahay nidaamkaan ayaa kali-talisyadii hadda u fahmeen qaab ay xukunka ku haysan karaan kolkii markii hore cadaadis lagu saaray inay doorashooyin qabtaan. GUNAANAD Shaki kuma jiro inaan la qabo wawalka uu qabo qof walba oo reer Puntland ah, ee ah go’aaminta ay masiirka ummadda go’aaminayaan lixdan iyo lix xildhibaan oo calooshood u shaqaystayaala, shantii sanabana mar doorta musharax usoo shaqo tahey inuu ka macaasho masaakiin la daalaa dhacaysa nolol maalmeed kooda. Sidaas daraadeed ayay khasab inagu tahay inaynu qaab xulashadeena wax ka badalno. Waxaan ka afeefanayaa inaadan qormadaan u fahmin in nidaamka aynu ku dhaqano aan laga gudbi karin iyo inuu yahaya kan ugu fiican. Waxaan leeyahay waxaa laga gudbi kara kolka aynu dhisno wax yaabihii kaabayey dawladnimada iyo dheelitirayaashii dimuquraadiyadda (ogow waxa aynu ka hadlaynaa maahan waxa loo yaqaqn liberal democracy oo ah nidaamka xoriyaadka mudlaqa ah ee waa modern state doorasho iyo axsaab ku dhisan) Waxaa lagama maarmaana inta taas ka horaysa inaynu hoggaankeena u doorano si ka gadisan sida aynu iminka u doorano inaga oo tixgalinayna dhaqan-siyaasadeed keena, kana duulayna inaan ka hortagno inay wax inoo dooraan koox yar oo codkooda ka baayac-mushtara. Waxaa dhici karta inaad is waydiiso maxaa nidaamka axsaabta badan ku jaban Somaliland-ba guul iyo sumcad ayay ku heshaye? Waa run in Somaliland dhawr doorasho oo ay xisbiyo badan oo axsaab beeleedihi ka qayb galeen ay qabatay, laakiin ha hilmaamin mar walba oo ay doorasho qabtaanba waxa ay u sii dhawaanayaan dhamaad keedii iyo inay sabab u noqoto xasiloono daro baahsan amaba qaran-jab. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi The post Puntland:- Nidaamka axsaabta badan xal ma inoo yahay? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bishii September 2018 uu dilal kala duwan ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaa oo lala eegtay Saraakiil, Askar iyo dad shacab ah. Dilalka ugu badan ee bisha September ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa badi lala eegtay Askar iyo shaqaale ka tirsan dowlada Federaalka. Dilalka noo diiwaan gashan ee Bishii tagtay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa gaaraya 27 dil, oo dhacay wakhtiyo kala gadisan. Dilalka dhacay ayaa noocooda ahaa kuwo madax-jabis ah oo ay geysteen maleeshiyaadka Shabaab ee sida ba’an kaga soo horjeeda dowlada Federaalka. HOOS KA AKHRISO DILALKA DHACAY BISHII SEPTEMBER 2018 1-Sep 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha ku toogtay Askari la sheegay inuu kamid ahaa qeybta Minishiibiyada xili uu ku sugnaa Suuqa. 2-Sep 2, 2018, Kooxo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta degmada Hodan ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada dowlada xili uu ku howlanaa shaqo maalmeedkiisa, waxaana halkaa ka baxsaday dilka kadib maleeshiyada. 3- Sep 3, 2018, Ilaalada Garoonka Kubadda Cagta Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa toogasho ku dilay mid ka mid ah dhalinyarada Ciyaar ka socotay Garoonka u soo daawasho tegay gaar ahaan Wiil taageero u ahaa Kooxda ku ciyaareysay Magaca degmada Yaaqshiid, waxaana lagu Magacaabi jiray Marxuum Cabdifitaax Muuse. 4- Sep 4, 2018, Waxaa degmada Kaaraan gaar ahaan Xaafada Jamhuuriyo lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada Militeriga Somalia. 5-Sep 4, 2018, Rag la socday gaari noociisa lagu sheegay Kaarib ayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Kaaran ku dilay Askari ka tirsan dowlada xili uu kasoo baxay shaqooyinkiisa. 6-Sep 4, 2018, Kooxo ku hubeysnaa qoryaha AK47 ayaa Degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir ku toogtay Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada, iyadoo dilka kadib ay ka baxsadeen goobta. 7-Sep 4, 2018, Waxaa degmada Kaaran ee Gobolka Banaadir lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada Dowlada xili uu kasoo baxay shaqooyinkiisa Qaran, waxa uuna dilkiisa ka dhacay Xaafada Jamhuuriyo. 8- Sep 5, 2018, Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa xaafada Baar Ha’idhaafin ee degmada Waaberi ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa NISA. 9- Sep 11, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa agagaarka suuqa Khudaarta degmada hodan ee gobolka banaadir ku toogtay nin lagu magacaabo Maxamed Xasan Firinbi oo da’adiisa lagu qiyaasay 60 sano jir. 10- Sep 11, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafadda KPP ee Degmada Hodon ku dilay xubin ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya oo lagu magacaabayay Cumar Xasan Ganey. 11- Sep 12, 2018, Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa Suuqa Bakaaraha qeybta Khudaarta ku dilay qof shacab ahaa oo la sheegay inuu kamid ahaa xamaalatada Suuqa. 12- Sep 16, 2018, Askari ka tirsan ciidamada Militeriga oo magaciisa lagu sheegay Baliil, ayaa Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan agagaarka Carwa Liimon ku dilay Askari kale oo ka tirsanaa ciidamada Minishiibiyada oo lagu magacaabi jiray Fanax. 13- Sep 17, 2018, Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa afaafka hore ee shirkadda Amal oo ku taalla suuqa Bakaaraha ku weeraray C/qaadir Al Waasac oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkaddaasi oo halkaa looga qaaday dhaawac culus. 14- Sep 17, 2018, Kooxo ku hubeysnaa mindiyo ayaa Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ku dilay nin Oday ahaa oo da’diisa lagu sheegay 45 Jir, kaa oo xiliga la dilaayay kusii jeeday Suuqa Bakaaraha. 15- Sep 18, 2018, Mid ka mid ah ilaalada General Sheegow oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Millatariga Somaliya ayaa Muqdisho ku toogtay gabar yar oo lagu magacaabo Deeqo Daahir Cali, waxa uuna si gaara dilka uga dhacay agagaarka isbitaalka Recep Tayyip Erdogen. 16- Sep 19, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa suuqa Bakaraaha ku dileen Nin la Sheegay inuu ka shaqeeyo rarista Gaadiidka ka howlgala isgooska Suuqa Bakaraha ee Muqdisho. 17-Sep 21, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Askari ka tirsanaa ciidanka Booliska ku toogtay suuqa beerta gaar ahaan dhanka degmada Xamar Jajab meel aan sidaas uga fogeyn afafaaka hore ee xerada ciidanka Afasiyooni waxaana lagu magacaabi jiray Mahad Gudhuu. 18-Sep 21, 2018, Koox ku hubeysnaa bastoolado ayaa Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) qeybta Baar Ubax ku dhextoogtay Aamina Xuseen Xasan oo gudaha fasalka loogu dhex galay. 19-September 21, 2018, Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa Xaafada Seybiyano ee Degmada Hodan Gobalka Banaadir ku dilay Dayax Iimaan Xasan Jiirow oo ka tirsanaa shaqaalaha Waaxda farsamada maamulka Xamar. 20-Sep 23, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa isgooska Suuqa Bakaaraha ee Degmada Howlwadaag ku toogtay wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay inuu ka mid ahaa kuwa rara gawaarida BL-ka. 21-Sep 24, 2018, Ciiadamo ka tirsan dowlada ayaa nawaaxiga Saldhiga booliska degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku toogtay nin doonaayay inuu u dhaco guri ku dhow Saldhiga kaa oo inta badan laga wada garanaayo degmada. 22- Sep 25, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa agagaarka Masjidka Xareed oo u dhow Isgoyska Baar Ubax ee Magalada Muqdisho ku dilay Maxamuud Cabdi Maadhiin oo ka tirsanaa howlwadeenada Shirkada Isgaarsiinta Somtel. 23- Sep 25,2018. Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Xaafada taleex agagaarka Madaxtooyadii hore Cabdi Qaasim ee Degmada Hodan ku toogtay qof shacab ah. 24- Sep 27, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Qof Shacab ah, dilkan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka masjidka Cabdalo iyo Cawa wareer ee ku yaalla degmada Warta-nabada xili qofkaasi uu fadhiyay goob lagu cabo shah. 25- Sep 27, 2018, Nin ku hubeysnaa qori nooca loo yaqaan AK47 ayaa waxa uu Waaxda Faanoole ee degmada Kaaraan ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay inay qaraabo ahaayen, dilka ayaa ka dhashay kadib markii labaduba ay ku murmeen maandooriye ay isticmaalayeen. 26- Sep 30, 2018, Rag ku hubeysnaa bastoolado oo la socday Mooto ayaa gabar Ardayad aheyd ku dileen Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir, waxaana lagu magacaabayay marxuumada Caa’isho Cali Saneey. 27- Sep 30, 2018, Kooxo ku hubeysned bastoolado ayaa magaalada Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir ku dilay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa suuqa degmada kaa oo la oran jiray Ayuub. Si kastaba ha ahaatee, dilalka dhacay Bisha September ayaa noqonaaya dilal aad u yar marka loo eego dilalkii horay u dhacay bilihii tagay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Cumar Cabdullaahi Faraweyne Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa loo magacaabay xil cusb oo taliyenimo Digreeto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Cumar Cabdullaahi Faraweyne loogu magacaabay Taliyaha ciidanka kaydka Puntland. Ciidamada keydka ayaa ah ciidamo beelaha Puntland keeneen oo boqolaal kamid ah ay hadda ku sugan yihiin deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay ka jirto colaad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland. Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo mar soo noqday Taliyha ciidamada madaxtooyada Puntland ayaa Madaxweyne Gaas Guddoomiyaha gobolka Nugaal ka qaaday 24-kii bishii hore ee September. Madaxweyne Gaas ayaa muddooyinkii u dambeeyay magacaabay Taliyeyaal ku cusub Puntland oo ay kamid yihiin Taliyaha la dagaalanka mukhaadaraadka, Taliyaha Xasilinta Nugaal iyo Taliyaha ciidamada keydka. Hoos ka akhriso digreetada Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo Wuxuu Xeeriyey: 1.Waxaa G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu. -DHAMMAAD- PUNTLAND POST The post Puntland:- Cumar Faraweyne oo Taliye loo magacaabay appeared first on Puntland Post.