Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,585
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimadda Online) – Dadka Reer Africa ee Booqanayo dalka Kenya ayaa wixii hadda ka dambeeyo aan u baahneyn inay Viso dalbadaan ka hor inta aysan usoo safrin dalkaan, waxaana hadda kadib Visaha lagu siin doonaa garoonka dhexdiisa (on Arrival) , waxayna Kenya noqotay wadankii ugu dambeeyey ee ogolaado inay Africa noqoto mid si sahlan la isaga kala goosho. Intii ay socotay Xafladdii lagu caleema saarayey madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in hadda kadib wadamada Africa ee soo booqanayo Kenya Visaha lagu siin doono garoonka dhexdiisa isla markaasna aysan dhici doonin inay Viso dalbadaan iyagoo aan soo safrin. Uhuru ayaa arrintaan sheegay in loola jeedo sidii horumar looga gaari lahaa dhanka Ganacsiga iyo Amniga, wuxuuna sheegay inay Kenya horeyba u fududeyn jirtay Visaha balse ay hadda kadib Garoonka ku bixin doonto sida uu hadalka u dhigay. “Dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadkeenna ku sugan qaaradeena waxay marwalba ahayd hannaan ka mid ah walaaltinimada ” ayuu yiri Kenyatta. ” Waaa inaan si xor ah u safranaa qaaradda Africa, waana inaan isku muujino isku dhafnaan iyo mahadcelin” ayuu sii raaciyey. Madaxweynaha dalka Kenya ayaa khudbadaan iyo fasaxaan ka hor jeediyey Hoggaamiyayaasha dalalka: 1) Somalia 2) Djibouti. 3) Ethiopia 4) Gabon 5) Nigeria 6) Rwanda 7) Uganda 8) Zambia Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa horey ugu heshiiyey in Muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda wado baasaboorka Service-ka Visaha lagu siiyo garoonka dhexdiisa, ilaa haddana si rasmi ah looma xaqiijin karo haddii ay Soomaalida dhan kawa faa’ideysan doonaan fasaxa cusub ee uu bixiyey madaxweyne Uhuru. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in halkaasi goor dhow uu ka dhacay Qarax Bam, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacv isugu jira. Bamkaan qarxay ayaa lagu tuuray sida la sheegay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo bartamaha magaaladaasi ku sugnaa. Goob jooge ayaa inoo xaqiijiyey in halkaasi ay ku dhinteen Saddex qof oo shacab ay ku jiraan, waxaana ku dhaawacmay 10 kale. Ciidamo badan oo Puntland ah ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, waxaana soconaya howlgal ballaaran. Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso waxaa loola cararay dadkii ku dhaawacmay qaraxan, iyadoo weli xaalad kacsanaan ah la dareemayo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source
  3. Garoowe (Caasimadda Online) – Munaasibad Maanta ka dhacday Xerada 54aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed kuna taalla duleedka Magaalada Garowe ayaa maamulka Puntland waxaa uu 2,500 oo Askari kula wareejiyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Munaasibadda wareejinta Askartan waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Puntland,Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya,Wasiirka amniga puntland,Taliya Ciidanka Puntland iyo guddiga difaaca Golaha shacabka Soomaaliya. Ciidankan waxaa ay ka mid noqon doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya qeybta 54aad,waxaana arrintan ay qeyb ka tahay qorshaha isku dhafka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka socda Soomaaliya. Xubnaha Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaqeeyay tallaabadan,waxaana ay ku baaqeen in sidan oo kale maamullada dalka ay uga qeybqaataan dhismaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Howlgalka AMISOM ayaa dhawaan shaaciyay in Bisha soo socota ee December ay Soomaaliya ka bixi doonaan 1,000 Askari oo ka mid ah Ciidankooda kaddibna ay tartiib tartiib u billaabaneyso bixitaan AMISOM ilaa Sanadka 2020ka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Baladul Amiin ee Shabellaha Hoose, waxay ku qabteen Hub iyo sidoo kale kartoono ay ku jireen walxaha qarxa. Sarkaal ka tirsan ciidanka Danab ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in ciidamadan ay guri guri u baareen deegaankaasi, islamarkaana mid kamid ah guryaha la baaray laga helay Rasaas, qoryo iyo sidoo kale walxo qarxa. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay waxay deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabellaha Hoose kala wareegeen dagaalyahannada Al-shabaab. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Halkaan hoose ka daawo sawirada: Goobjoog News Source
  5. Garowe (Puntlandi) Xoghayaha cusub ee dowladda hoose Garowe, Maxamuud Cali Xassan, ayaa maanta la wareegay xilkiisa dhowaan loosoo magacaabay, wuxuuna xilkaas kala wareegay Cabdiqafaar Cabdiraxmaan oo muddo labo sano ah xafiiska joogay. Cabdiqafaar Cabdiraxmaan, ayaa guul iyo horumar u rajeeyay masuulka xilka kala wareegay, isagoo sheegay inuu xilku meerto yahay islamarkaana uu soo dhoweynayo go’aankii wasaaraddaha arrimaha gudaha kasoo baxay ee xilka looga qaaday. Puntlandi.com
  6. Waxaa maalinkii 4-aad haawanaysa dekadda Magaalada Bosaaso oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn degaanada Puntland kadib khilaaf soo dhex galay Dawlada Puntland iyo ganacsatada wax kala soo dega waxna ka dhoofsada dekadaas. doonyo sida maciishad kala duwan ayaa maalinkii 4-aad taagan duleedka dekadda iyadoo ganacsatadu diiday inay wax kala soo degaan inta laga xalinaayo khilaaf ka dhashay sharuudo ay soo rogtey shirkadda la wareegtay maamulka dekadda ee P&O oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka. Sharuudaha ay ganacsatadu ka biyo diidan tahay waxaa kamida khidmado dheeriya oo la saaray maciishada imaanaysa dekadda hase ahaate Dawlada Puntland ayaa ku eedaynaysa khilaafkan kooxo dano gaara wata oo aan u turayn dekadda iyo bulshada masaakiinta ee ku xiran. Dawlada ayaa magaalada Bosaaso geysay ciidamo fara badan si ay uga hortagaan mudaharaadyo rabshado wata laga cabsi qabo inay ka dhacaan magaalada kuwaas oo daba jooga rabshadihii horay magaalada uga dhacay. Xirnaashaha dekadda ayaa durba laga dareemay suuqyada magaalooyinka Puntland, waxaana sara u kacay maciishada kala duwan oo ay kamid tahay cuntada asaasiga ee ay dadweynuhu quutaan, mana muuqato wax xala iyo isu soo dhawaansho laga dhex dareemaayo Dawlada iyo ganacsatada oo ay dadweynihii danyarta ahaa ku dhex liitaan. Madaxweynaha Puntland ayaa ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta waxaana la filayaa inuu dhawaan ka dego magaalada Bosaaso oo ay mushkiladani ka aloosan tahay. PUNTLAND POST The post Dekadda magaalada Bosaaso oo maalintii 4-aad xiran appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Puntladi) Dowladda Maraykanka ayaa beenisay in wax shacab ah ku dhinteen weerarkii ay 25-ka bishii August laga fuliyay degaanka Barire ee gobolka Shabellada hoose, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 10 qof oo hubaysanaa. Taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay baaritaan uu sameeyay inuu ku xaqiijiyay in dadka la bartilmaameesaday ay ahaayeen maleyshiyada Shabaab, wuxuuna meesha ka saaray cabashada ehelada dadka lagu dilay weerarka, kuwaas oo sheegtay magdhow iyo raali galin. “Kadib qiimeyn iyo baaritaano laga sameeyay howlgalo ay horkacayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu diley,Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada Africa (SOCAF) ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen cadow hubeysnaa.”ayaa lagu yiri warbixinta. Puntlandi.com
  8. Xudur (Caasimadda Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” oo shalay gaaray Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada milateriga dowladda ee Gobolkaasi. Waxaana ay ka wada hadleen qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Gobolka Bakool. Korneyl Cabdiraxmaan Tima Cadde oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolkaasi ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha looga hadlay kulankaasi, wuxuuna wareysi siiyey Idaacadda Shabeele ee Magaalada Muqdisho. Waxaana uu xusay in ay ka arrinsadeen sidii Al Shabaab looga saari deegaanada Gobolkaasi Bakool Halkaan hoose ka dhageyso Wareysigaas http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/11/cod-bakool.mp3
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed uu soo saaray Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee AFRICOM,fadhigooduna yahay Dalka Jabuuti ayey ku beeniyeen in dhacdadii 25kii August ka dhacday degaanka Bariirre ee lagu dilay 10ka Qof aysan ku jirin dad shacab ah. Taliska ayaa warbixintiisa ku sheegay baaritaan dheer oo uu sameeyay kaddib in uu ogaaday in dadkii lagu dilay Bariirre ay ahaayeen Al-shabaab ee aysan ahayn dad shacab ah. Ka hor weerarkaas ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in “Ciidamada iskaashanayay ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay qorsheeyeen weerarkaas waliba si faahfaahsan,waxaana fulinnay weerar isku dheelli tiran oo ay dowladda Soomaaliya hoggaamineysay”,ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Mareykanka. “Kadib qiimeyn iyo baaritaano laga sameeyay howlgalo ay horkacayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu diley,Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada Africa (SOCAF) ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen cadow hubeysnaa.”ayaa lagu yiri warbixinta. Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in kahor inta aysan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka kana howlgala Afrika si wadajir ah u fulin saaxibadood ay sameeyaan qorshe ballaaran oo loogaga feejignaanayo in dad rayid ah ay howlgaladaa wax ku noqdaan. Jen Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid oo ahaa Taliyihii hore ee Milatariga Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan is casilin weerarkaas ku sheegay in dad shacab ah lagu laayay,sidoo kale guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose Cali Nuur Maxamed ayaa isna Ciidamada Mareykanka ku eedeeyay in Bariirre ay ku laayeen dad shacab ah. Meydadka Dadkii lagu dilay Bariirre ayaa la aasay 10 maalmood kaddib geeridooda kaddib markii ehellada Meydadkaas ay aqbaleen Baaritaan in lagu sameynayo weerarkaas oo Dowladda Soomaaliya iyo Mareykankuba sheegeen in Al-shabaab lagu laayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Baladul Amiin (Caasimadda Online) – Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab Xoogga Dalka oo shalay Al-shabaab kala wareegay degaanka Baladul Amiin oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa degaankaasi ku qabtay Kartooman la dhex geliyay Qaraxyo iyo Hub ay lahaayeen Shabaab. Qaraxyada iyo Hubka ay Ciidanka Danab qabteen ayaa ururka Al-shabaab waxa ay ku xareeyeen guri ku yaalla degaanka Baladul Amiin ee Gobalka Shabeelaha Hoose. Saraakiil ka tirsan ciidanka Danab ee Kumaandooska Soomaaliya ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Saddex Kartoon iyo Sanduuq ay ku jiraan Qaraxyo iyo Rasaas oo yaallay guriga. Sidoo kale Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Telefoono ururka Al-Shabaab ay isticmaali jireen. Degaanka Baladul Amiin oo hada ay gacanta ku hayaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa wuxuu hoostagaa degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.
  11. Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee gobalka barri ayaa sheegaya in Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay xaafada masjidu raxma ee Magaalada boosaaso. Waxaana la shaqeeyay in ciidamo ka tirsan madaxtooyada ee magaalada boosaaso oo saran gaari ayaa lagu tuuray bamboo gacmeed,sida sheegayaan dadka deegaanka. Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in la ogeyn qaraxa nooca uu ahaa,waxaana la sheegay in 11 qof ay ku dhaawacmeen,qaraxaasi ka dhacay xaafada masjidu Raxma ee Magaalada Boosaaso,inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn dhimashada inta ay la egtay. Dadkan dhaawacmay ayaa waxaa ku jira askar ka tirsan ciidanka puntland,iyo dad shacab ah,waxaana la sheegay in dadkaasi ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamada puntland,iyadoona 11 qof ee ku dhaawacmay qaraxa loo qaaday isbitaalka magaalada boosaaso ee gobalka barri. Ma jiraan ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka magaalada boosaaso ee gobalka barri,kaasi oo ku aadan qaraxa nooca uu ahaa iyo dadka ku waxyeeloobay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Soomaaliya maanta waxaa ka jira loollan adag oo u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe kaas oo soo maray heerar iyo qaabab kala duwan , dowladda dhexe waxay walwal kaqabtaa awoodda iyo saamaynta isa soo taraya ee dowlad goboleedyadu la soo baxeen, waxayna u aragtaa inay duulaan ku yihiin kuraastooda, taas oo halis galin karta dadaalada iyo ruclaynta (dowladda dhexe) ay ugu jirto la kali-noqoshada iyo maroorsashada awoodda guud ee dalka. Aniga taasi iima muuqato, waxaan u arkaa in sirta ku duugan hormarka dowladda dhexe ay ku jirto in xiriir dhow ay lasamayso dowlad goboleedyada ayadoo adeegsanaysa siyaasad furfuran oo sabab u noqan karta isu soo dhawaansho labada dhinac , wixii isfahanwaa ahna xal laga gaaro , tani waa istiraatiijiyad ku qotonta u hiilinta danaha wadanka iyo hirgalinta nidaamka lagu heshiiyay ee federaalnimo, taasi waxay dhabbada u xaaraysa in wadanka laga samato bixiyo duruufaha adag ee in mudda ahba la’ildarnaa. Dowladdaan, Hab-dhaqankii aanu ka aragnay sagaalkii bilood ee ay jirtay waxay noqotay mid ka duwan wixii laga filayay oo ahaa hirgalinta nidaamka federaalinimada , dowladda dhexe waxay door biday colaadinta nidaamka federaalnimo ee lagu heshiiyay, nidaamkaan waa mid kulmiyay dhammaan qaybihii ku kala duwanaa siyaasadda kadib markii lagu bixiyay dadaal dheer dhibaatooyin badana lagala soo kulmay. Buug uu qoray raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya haddana ah madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Prof: c/wali Maxamed Cali Gaas , cinwaankiisu yahay caqabadaha ku horgudban in laga gudbo marxaladda kumeelgaarnimada , wuxuu ku sheegay buuggiisa in nidaamka federaaliga uu yahay mid dhayaya boog in badan hoos uqodan iyo in dib loo hanto wixii lawaayay ee ah tiirarka iyo nuxurka wadaninimo , waddada kaliya ee lagu hanan karana ay tahay in layagleelo xukuumad dhexe oo kulminaysa qaybaha kala duwan ee bulshada, taasoo dammaanad qaadaysa qaybinta awoodaha iyo khayraadka si siman oo ay cadaaladi ku dheehan tahay. Federaalnimadu ma tahay nidaam laga hirgalin karo Soomaaliya? Inta aanan u guda galin faa’iidooyinka iyo khasaaraha nidaamka federaalka uu leeyahay , qaababka iyo noocyada kala duwan ay noqoto , bal marka hore waa inaan is lafahanaa in dowladdii Soomaaliya ka jirtay ay eersatay xukunkii ku dhisnaa kali-talisnimada ee gacanta bireed wadanka ku maamulayay hogaankana uu hayay Maxamed Siyaad Barre(AHN) , taasi waxay dhalisay in lagala horyimaado kacdoon iyo diidmo qayaxan kadib markii loo adkeesan waayay nidaamkii qalafsanaa ee u diiday inay dadku cabiraan dareenkooda danahoodana ka hadlaan, xuquuqdooda asaasigana duudsiiyay , si ula kacna u gacan-bidixeeyay gobalada ka fog xarunta dhexe , falcelintii laga sameeyay cadaadikaas waxay keentay dhibta illaa iyo maanta nahaysata. Haddaad si hoose u dhuuxdid xusuus qorkii uu qoray madaxweenihi hore ee soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed (AHN) cinwaankiisuna ahaa (Halgan iyo Hagardaamo ) waxaa kuu soo baxaya in xalka Soomaaliya marnaba uusan dhameestirmaynin illaa labalaadhiyo wadatashiga , hanaanka siyaasadana laga qaybgaliyo dhamaan awoodaha iyo qaybaha siyaasadda ee kala duwan , waxaa la yaqiinsaday caqliyada ku dhisan isfogaynta iyo isfaquuqidda aan laga dhaxlin wax aan ka ahayn kala fogaansho iyo isnacayb , awood-aruusan oo aan baahsanayn maahan mid ku habboon mujtamac qaab-dhismeedkiisu somaaliyoo kale yahay oo u kala qaybsan qabaa’ilo gobalo kala duwan degaan. Nidaamka dimiquraadiga ee soomaaliya u baahan tahay waa mid tixgalin siinaya qaab-dhismeedka qabiilka ee wadanka si loo ilaaliyo isu-dheelitirnaanka qabaa’isha si looga badbaado isku-dhac , waa in la iswaafajiyaa nidaamka dimuqaraadiyadda iyo federaalnimada ee hab-qabiileedka ud hisan si loo helo nidaam ku haboon nidaam beeleedka wadanka uu sameesanyahay. Shirkii jabuuti lagu qabtay bishii lixaad ee 1992 dii oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin, aqoonyahano iyo xubno matalayay aduunwaynaha , waxay is laqaateen qodobo lagu tilmaamay kuwa taariikhda baal dahaba ka galay oo ahaa xoojinta iyo taabagalinta nidaamka federaaliga ah , si geesinimo leh ayaa lasoo jeediyay fikrad ku dhisan in dowlad goboleedyada ayagu ismaamulaan si ay u hormariyaan goboladooda , wuxuu ahaa heshiis matalayay rabitaanka dhabta ah ee awoodaha kala duwan ee wadanka kajiray , maqcuul matahay in xukumaada federaalka inaysan kawarqabin heshiiskaas kaasoo aan hayno nuqul kamida, aanu ognahayna in ay kasoo wareegtay muddo kabadan 20 sano , waa wax aan laqaadan Karin in daaqada laga tuuro dadaalki loo galay in umadda heshiis ladhex-dhigo layskuna keeno. Khilaafka khaliijka Dhibaatada kataagan khaliijka waxay saamayn ku yeelatay Soomaaliya , afar dowladood oo carab ah ayaa waxay go’aan ku gaareen inay ku soo rogaan dowladda Qadar cunaqabtayn dhinaca dhulka baddda iyo cirka. Markii laga fiiriyo dhinaca akhlaaqda waxaa munaasib ahayd in dhexdhexaad laga noqdo khilaafka walaalaha carbeed dhexdooda ka aloosmay , iyo in ladhiiri galiyo in khilaafka lagu soo afmeero wadahadal , lakin su’aasha isweediinta mudani waxay tahay: maxay soomaaliya u dooratay mowqifkaan dhexdhexaadanimada ah oo ay dad badani u arkaan inay uxaglinayso dhinaca Qadar ?! go’aankaan masiiriga ahi, maxaa wadatashi looga galinwaayay maamul goboleedyada ? Waxaa laga yaabaa dadka qaarkii inay isweediiyaan maxaa kagalay dowlad goboleedyada wixii kusaabsan xiriirka dibadda ayagoo milicsanaya dastuurka wadanka qodobkiisa 54-Aad oo ay ku caddahay in wixii laxiriira umuuraha dibadda,lacagta , difaaca wadanka, iyo baasaboorka ka talinteedu ay ku kooban tahay dowladda dhexe aysana boos uga banaaneen dowlad goboleedyada , taasi waa sax, shakina lama galin karo; lakin waxaa jira qodobka 53-Aad oo xaq usiinaya in maamul goboleedyada go’aannada masiiriga ahi laga qaybgaliyo go’aan kagaaristeeda. Go’aanka ay lakali noqotay dowladda Federalka ah waxaa shaki sii galiyay oo sii murjiyay xaaladaan waxay ahayd in go’aankaasi aan lamarin labada aqal kan hoose iyo kan sareba. Maaraynta khilaafaadka udhexeeya dowladaha carabta iyo go’aan kaqaadashadooda maahan mid ugub ku ah Soomaaliya , heshiiskii muranka badan dhaliyay ee Camp David, Soomaaliya waxay lasafatay wadanka Masar kadib markii Masar ay go’doomiyeen dowladaha carbeed intooda badan, waxaa kaloo jiray khilaafkii Kuwait iyo Ciraaq in Soomaaliya ay la safatay Kuwait taas oo marnaba aanan laga filanayn , illaa hadda Kuwait abaal ayay u haysaa Soomaaliya , mar aan booqday Kuwait dhamaadkii 2015kii waxaan soo ogaaday in ardayga soomaaliga ahi uu ku dhigto dugsiga hoose iyo kan saraba lacag la’aan ayagoo abaal uga dhigaya mowqifkii halyeeynimada ahaa ay kula safteen wadankooda. Kadib markii , xukuumada Soomaaliya ay qaadatay go’aankii dhexdhexaadnimada , dowladda Qadar waxay ku dhaqaaqday talaabooyin ay uga golleheed inay uga baxdo go’doominta ,waxay ku tilaabsatay in dowlado badan ay kacafisay dalkugal (visa), waxaa nasiib daro ahayd in Soomaaliya aysan ka mid ahayn dowladahaasi, Qadar waxay balaadhisay xidhiidka dhaqaale ay lalahayd dowlado qaatay mowqifka soomaaliya oo kale oo waxaa ka mid ahaa Sudan, Ethobia, Oman , waxaan si deganaansho iyo isqadarini ku dheehan tahay u waydiinayaa xukuumadeena anagu booskee kataaganhay mashariicdaas Qadar ay kutaagayreeso kuna abaal marinayso dowladahaasi aanu isku mowqifka ka ahayn khilaafka gacanka carbeed ? Talooyin looga bixi-karo ismaan-dhaafka siyaasadeed Somaaliya maanta waxa ay dul hoganaysaa dhardhaar karkaraya taasoo ugu wacantahay samayn dibadeed oo fara kulul ku haya , jiwigaana waxaa hareeyay khilaafaad siyaasdeed ee gudaha ah , si looga baxao waxaan soo jeedinayaa talooyinkaan hoos ku taxan:- 1) Khilaaf kasta oo u dhexeeya umadi waxaa asal u ah isfahanwaa, Isfahan-waagaasi waxuu kasoo unkumaa go’aamo iyo qodobo aan si fiican loo karkarin loogana fakirin ,taasina waxay kasoo ifbaxdaa aragtida iyo mowqifka uu qofku qaadanayo , taasi waa meesha ay ka soo burqanayso iskudhaca soo laalaabta ee udhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada , sii looga gashaanto arintaa waa in xukuumadda ay dhamaystirtaa dastuurka qabyada ah ee isfahanwaaga marwalba dhaliya. 2) in dowladda dhexe ay xilwayn iska saarto sidii ay uqancin lahayd dowladaha qaybta ka ah federaalka iyo in si dhab ah loo hirgaliyo shuruucda inoo dajisan ee nafaraysa taabgalinta iyo baahinta nidaamka federaalnimo. 3) In laga fogaado caqliyadda kudhisan faquuqidda qaabaailada misaanka culus leh si uusan khalkhal ugu imaan dheelitirka siyaasadda , Dr towfiiq asagoo kahadlaya waxyaalaha keenay in mashruuca xarakada islaamiga ee soomaaliya uu la hanaqaadi waayay waxa uu kusheegay inaysan kafaa’iideesan qaabaa’isha waawayn ee saamaynta leh. 4) In dowladda ay u furfurnaato dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada , dad badan waxay uga gows-qabsanayaan dowladda dhexe waxay tahay inay fuquuqid iyo is fogayn kucaan baxday ayagoo iskugu soo aruuray kooxyar oo kaduulaya aydaloojiyada ama fikir qura oo mideeya. PUNTLAND POST The post Maqaal:- Hardanka garbaha Soomaaliya..Is-marin waaga Dowlad-Dhexe iyo Federaalaynta! appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhaqaalaha ay Wasaaradiisu ku bixiso maamul Goboleedyada ka jira dalka. Wasiir Beyle ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay diyaar u tahay inay garab muuqda siiso maamul Goboleedyada ka jira dalka mudada ay kasoo kabanayaan. Wasiir Beyle ayaa sheegay inaanu jirin dhaqaale ay siiyaan maamul Goboleedyada leh dekadaha ee uu dakhliga gudaha u soo xaroodo. Waxa uu Wasiir Bayle sheegay dowladda dhexe kaliya dhaqaale inay siiso Maamul Goboledyada aanan laheyn dakadaha ee ka tirsan dowladda Somalia, iyadoo wixii kasoo hara ay isku maareeyan daqliga uga soo xarooda gudaha. Beyle wuxuu sheegay kuwa dakadahooda ay shaqeeyaan inay helaan dhaqaale badan oo uga soo xarooda dakadahooda maadaama dowladu aysan heysan dhaqaale ku filan. Maamul Goboleedyada ay dakadahooda shaqeeyan ayaa waxaa kamid ah Puntland iyo Jubbaland oo dhaqaale badan ka hela dakadaha ku yaal xarumahooda. Si kastaba ha ahaatee, haddalka Wasiir Beyle ayaa muujinaaya in dowlada Somalia ay qaabab kale ku bixiso dhaqaalaha soo xarooda, waxa ayse su’aashu tahay halkee ayaa la geeya lacagaha badan ee kusoo dhaca dowlada maadaama aan maamulada lasiin dhaqaale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, ayaa daboolka ka qaaday in Wasaaradiisa ay la xisaabtami doonto dhammaan mas’uuliyiinta wata Hubka ee ka tirsan dowlada iyo kuwa Ganacsatada ah. Wasiir Ducaale oo la hadlaayay Saxaafada ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay dib usoo nooleyneyso go’aankii ahaa inaan magaalada lagu dhex isticmaali karin wixii kabadan 4 qori. Wasiirka waxa uu sheegay inaysan mas’uul ka noqon dooni wixii ka dhasha fulinta go’aankaasi maadaama ay jiraan dad aan u nuguleyn awaamirta kasoo baxda Hay’adaha amaanka. Waxa uu tilmaamay in ilaalada la socta mas’uuliyiinta looga baahan yahay inay xirtaan darees lagu yaqaan oo aysan dhar walba iska xiran karin, haddii ay dhacdo in lagu arko dhar aan loogu tallo galin ay iyaga dusha saaran doonaan wixii caqabad ah. Nuqul kamid ah haddalka Wasiirka ayaa ahaa ”wixii ka danbeeya 30ka bisha November lama arki karo mas’uul wata wixii ka badan afar qori iyo ciidamo aan wadan dareeska loogu talo galay”. Sidoo kale, Wasiirka amniga ayaa ka digay in Hoteelada magaalada Muqdisho lagu qabto shirar aysan kawarqabin dowlada Federaalka, gaar ahaan Wasaarada Amniga, waxa uuna ku goodiyay inay qaadi doonaan talaabo lid ku ah Hoteelka uu ka dhaco shir aan lagu soo wargalin. ”Hoteelkii lagu qabto shir aan nalagu soo wargalin isaga ayaa dusha saaran doona mas’uuliyada wixii halkaa ka dhaca” Haddalka Wasiir Ducaale ayaa imaanaya xili madaxda DFS qudhooda ay kaalmaha hore kaga jiraan shaqsiyaadka burburiya awaamirta kasoo baxda isla dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Dowladda Puntland ayaa maanta oo khamiis ah si rasmi ah dowladda federalka Soomaaliya ugu wareejisay masuuliyadda 2,500 askari oo katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ee fadhigoodu yahay xerada General Maxamed Dirir (Ex- 54-aad), ee magaalada Garowe. Munaasabad haatan ka socota xarunta xeradaas ayaa hadalkaan wareejinta ciidanka waxaa ku dhaawaqay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng. Camey. Waxaa goobta wasiir udowlaha gaashaandhiga dowladda federalka, taliyaha ciidamada difaaca Puntland, wasiirka amniga Puntland, saraakiil ka socota ciidanka milatariga Soomaaliya iyo guddiga difaaca ee barlamaanka. Ciidankaan ayaa si r asmi ah uga mid noqon Doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Qaybtiisa 54aad, waxaana tilaabadaan ay qeyb ka tahay Qorshaha Iskudhafka Ciidamada Soomaaliya. Guddiga difaaca barlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay tilaabadaan waxayna ku tilmaameen Talaabo Wanaagsan oo lagu soo celinaayo Kalsoonida Shacabka.
  16. Bosaso-[Puntland Post] Bam gacmeed ayaa lagu tuuray Ciidamo ka tirsan Puntland oo marayay Waddo mashquul badan oo ku taala wadad Netko ee Magaalada Bosaso. Wararka Puntland Post uu helayo ayaa sheegaya in bam-gacmeedka lagu tuuray Askar sarneed gaariga Ciidamada , kuwaas oo marayay mid ka mid ah Waddooyinka ugu mashquulka badan ee Boosaaso. Waxa jira dhaawac inkasta oo anaa la hubin tirada ku dhaawacantay qaraxaasi waxaana isla markiba magaalada laga maqlay rasaas goos goos ah oo ay rideen Ciidamadii halkaasi ku sugnaa. Goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaa gaaray Ciidamada Puntland, kuwaas oo ka wada baaritaano, isla markaana samaynaya hawlgalo. Qaraxa ayaa kuso beegmay xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya Ganacsatada iyo dawlada, walina uu hakad ku jiro maalintii 2-aad ganacsiga magaalada. Wxii soo kordha la soco Puntland Post insha allah Cabdiqani Boos Puntland Post The post Qarax Bam-gacmeed ah oo lagu tuuray Ciidamo ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) on Wednesday congratulated Muse Bihi Abdi on his election as president of the breakaway republic of Somaliland after confirmation by Supreme Court on Tuesday. The UN mission said in a statement issued in Mogadishu commended the political and traditional leaders in Somaliland for resolving the elections-related disputes that emerged. “UNSOM urges the incoming administration to continue to advance inclusive politics and consolidate democracy, peace and stability among Somalilanders,” it said. Abdi, from the ruling Kulmiye party, garnered 350,909 votes or 55.1 percent of the total votes cast. Both international and domestic observers have indicated that the electoral process and the voting itself were conducted in a generally peaceful manner and yielded a credible outcome. UNSOM said it looked forward to building on the existing relationship with Somaliland based on the agreed roadmap for United Nations support to Somaliland and Somaliland’s Development Plan II. “UNSOM also stands ready to support the resumption of dialogue between Somalia and Somaliland,” it said. Source: – Xinhua
  18. A Somali immigrant who wounded 11 people in a car and knife attack at Ohio State University a year ago was influenced by the ideology of militant group Islamic State, but had no outside help in planning the violence, the FBI said on Wednesday. Abdul Razak Ali Artan, 20, on Nov. 28, 2016, plowed into pedestrians with a car and then exited the vehicle to stab other victims, before a police officer at the campus shot him. Artan, who was born in Somalia and became a lawful permanent U.S. resident, was pronounced dead at the scene in Columbus, the state capital. Islamic State a day later claimed responsibility for Artan’s actions. The Federal Bureau of Investigation initially said Artan appeared to have been inspired by the group, but the agency at the time said it had found no evidence others were involved in planning the attack. After a year-long investigation, the FBI said on Wednesday it had confirmed its initial assessment. “The evidence from the extensive investigation indicates the perpetrator acted alone and was not directed by a terrorist organization,” the FBI statement said, adding that the agency’s investigation was complete. A spokesman for the FBI could not be reached for further comment. Ohio State officials marked the one-year anniversary of the attack on Tuesday with a solemn ceremony on campus. A university spokesman said on Wednesday the school had no immediate comment on the FBI’s statement. A Franklin County grand jury in Columbus ruled in May that no crime was committed when a police officer shot and killed Artan to end the attack. County prosecutor Ron O‘Brien said at the time that an investigation by local police also found Artan acted alone. Source Reuters
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa wada qorsho looga hortagaayo weerar uga imaada dhanka maleeshiyaadka al-Shabaab ee dhawaan gudaha u galay Kenya. Saraakiisha Hay’adaha amaanka oo la faray inay ka hortagaan dhibaatooyinka ay geysan karaan maleeshiyaadka ayaa bilaabay inay isticmaalan maleeshiyaadka isku dhiibay iyo kuwa lagu qabtay howlgalada ee ku jira Xabsiyada Kenya. Maleeshiyaadkan baxsadka ka ah al-Shabaab ayaa laga howlgalin doonaa dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleystaan maleeshiyaadka iyadoo uu qorshuhu yahay inay ka hortagaan dhibaatooyinka ay damacsan yihiin al-shabaabka. Afhayeenka Ciidamada Kenya ayaa sheegay in fashilinta weerarada al-Shabaab ay u adeegsan doonaan dagaalyahaanada iyaga ka tirsanaa oo aqoonta fiican u leh Shabaabka. Waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadkaasi ay sidoo kale ka howlgali doonaan goobaha laga cabsida qabo inay ka dhacaan weerarada sida Xarumaha dowlada, Bankiyada iyo Jaamacadaha. Xabsiyada Kenya ayaa waxaa ku jira maleeshiyaad aad u farabadan oo qaarkood isku dhiibay dowlada, halka qaarna lagu qabtay howlgalo kuwaa oo lagu raadin doono al-Shabaabka. Si kastaba ha ahaatee, magaalooyinka waaweyn ee Kenya ayaa waxaa ka jira cabsi wey oo sababtay in ciidamo hor leh lagu daadiyo waddooyinka qaar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Qoraal ay soo saareen Africom ayaa lagu sheegay in weerarkii Mareykanka iyo ciidamada Soomaalida ay ka filyeen Bariibe August 25, 2017-kii ay ku waxyeeloobeen oo keliya koox hubeysan oo aanu rayid ku jirin. “Kadib markii aan qiimeyn guud ku sameynay howlgalkii ay hoggaaminayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka dhacay Bariire August 25, 2017-kii iyo sheegashada ah in rayid halkaasi ku dhinteen, Baaritaan ay sameysay U.S. Special Operations Command Africa (SOCAF) waxaa ka soo baxay in dadka halkaasi lagu dilay ahaayeen koox cadaw ah oo hubeysan” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka Dowladda Mareykanka waxaa uu ku doodaysaa in mar walba inta aaney weerar qaadin ogyihiin halka ay ku socdaan iyo waxyeellada rayidka soo gaari karta“Inta aan howl-gal la gelin ciidamada Soomaaliya, SOCAF waxaa qorsheysaa in waxyeelo soo gaari-karto dad rayid ah iyo in loo hoggaansamo xeerarka dowliga ah ee xilliyada dagaalka la xiriira, waaxda difaacana waxaa ay mar walba si baartaa eedeymaha la xiriira waxyeellada rayidka. Meydadka dadkii lagu dilay Bariire waxaa la aasay August 31, 2017, kadib markii dowladda federaalka ah ay bixisay magdhaw. Qaar ka mid ehlada dadkii la diley ayaa u sheegay Goobjoog News, in dolwadda Federaalka ay bixisay 100 kun oo doolarka Maraykanka ah, taasi oo lagu sheegay iney tahay duugta 10-kaasi qof. Sidoo kale dowladda ayaa la sheegay iney bixin doonto magdhowga 10-kaasi qof, waxaana ruux walbo ay magdhow ahaan uga bixin doontaa 70-kun oo doolarka Maraykanka ah. Dhinaca kale, ehlada dadkii la diley ayaa u sheegay Goobjoog News, in loo keenay gaari iyo hantikale oo ay lahaayeen beeraleydii la diley. Goobjoog News Source
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kaga qayb galaya magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast shirka 5aad ee madasha iskaashiga waddamada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Félix Houphouët-Boigny ee Abidjan Madaxweyne Ku Xigeenka dalkaas Mudane Daniel Kablan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Marcel Amon Tanoh iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda dalkaas. Shirwaynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo labo maalmlood socon doona waxaa lagaga wada hadli doonaa mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga ee dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqul iinsaanka, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Inta uu shirkani socdo, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda halkan isugu yimid si loo sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee ay Soomaaliya la wadaagto dalalkaas. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Safiirrada Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Midowga Afrika iyo La-taliyeyaal. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray maagaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast appeared first on Puntland Post.
  22. Jowhar (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada ee maamulka. Hogaamiye Waare, ayaa sheegay in Golaha Wasiirada uu kusoo xulay la tashi iyo raali ahaanshi dhanka Odayaasha qabaa’ilada iyo baarlamaanka isla markaana uu rajeynaayo inay heli doonaan xushmad wada shaqeeneyd. Magacaabida Wasiirada kadib ayaa waxaa ka hor imaaday qaar ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka maamulka oo sheegay in wado khaldan loo maray magacaabida. Xildhibaanada kasoo horjeestay magacaabida ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Cali Ciiley oo sheegay in Hogaamiyaha ay horey ugu heshiiyeen inuu koobi doono Golaha Wasiirada, kuna soo xuli doono qaab cadaalad ah, balse uu ka baxay heshiiska. Xildhibaanka waxa uu sheegay in Hogaamiye Waare uu jabiyay dhammaan qodobadii lagu heshiiyay, hase yeeshee ay taa keeni doonto dhibaato. ”Waxaan cadeyneynaa in magacaabida Wasiirada ay tahay mid ku timid si mala awaal ah oo aan loo marin wado sax ah” ”Waxaa lagu dhisay keliya maskaxda Waare taasi maamulka uma noqon doonto wado lagu hago nidaamka u jideysan maamul dhisan” Haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xili Hogaamiyaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu magacaabay Gole Wasiiro oo ka kooban 57 xubnood. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  23. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgal ballaaran waxay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen deegaanno kamid ah gobolka Hiiraan. Ciidamadan oo ka ambabaxay magaalada B/weyne ayaa howlgalkaan waxay ka sameeyeen deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka B/weyne iyo Matabaan, halkaasi oo maalmahan dambe lagu arkayey sida la sheegay rag kamid ah Al-shabaab. Gaashaanle dhexe Maxamuud Xasan Baakaay oo kamid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kamid ah saraakiisha horkacaysay holwgalladan ayaa sheegay in ulajeedkoodu ahaa sidii ay deegaannadaasi uga sifeyn lahaayeen Al-shabaab. Wuxuu tilmaamay gaashaanlaha in dadka ku dhaqan deegaannadaasi ay sheegeen oo kaliya in Al-shabaab ay deegaannadan soo galeen, sidaasi darteedna ay iyaguna deegaanno badan howlgal ku mareen. Gaashaanlaha ayaa sheegay ineysan arag cid ka tirsan Al-shabaab, balse ay kusii socdaan deegaanno kale. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah dagaalyahannada Al-shabaab. Goobjoog News Source
  24. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu diyaarinayo liis ay ku qoranyihiin magacyada ururada xag-jirka ah ka dibna uu u gudbin doono boqortooyada Sacuudi Carabiya si loo joojiyo maal-gelintooda. Macron oo ka hadlayey kulanka Afrika iyo Yurub oo ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Côte d’Ivoire ayaa sheegay inuu ku dadaali doono sidii loo heli lahaa balanqaadyadii ay qaadeen dowladaha Iran,Qatar iyo Turkiga oo ahaa in meesha laga saaro maal-galinta argigixisada. Macron ayaa lagu wadaa inuu si degdeg ah uu ku booqdo magaalada Dooxa ee dalka Qatar todobada bisha December halkaasi oo uu u tagi doono arrimo la xariiri xiriirka labada dal, galidda heshiisyo milatari iyo kuwo ganacsi. Faransiiska waxaa uu aamisan yahay in ay jiraan kooxo Sacuudiga taageero oo fadhigooda yahay magaalada Maka oo si toos ah ama si dadban u taageero kooxaha argigixisada. Goobjoog News Source
  25. Waxaa Abidjan ka socda shirka 5aad ee Madasha Iskaashiga Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, shirkan oo labo maalmood ah waxaa ka qeybgalaya madaxda 55 dal oo Afrikaan ah iyo 28 dal oo Yurub ah. Shirwaynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub waxaa looga wada hadli doonaa mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga ee dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqul iinsaanka, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Inta uu shirkani socdo, Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda halkan isugu yimid si loo sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee ay Soomaaliya la wadaagto dalalkaas. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Safiirrada Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Midowga Afrika iyo La-taliyeyaal. Goobjoog News Source