-
Content Count
211,124 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dad tiro ahaan aan la xaqiijin ayaa ku dhintay halka 26 kale ku dhaawacmeen dagaal labo beel ku dhex maray deegaanka Dac-dheer oo ka tirsan Galmuduug balse ku yaallo dhanka xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. Weriyaha Goobjoog News ayaa sheegaya in dagaalku ka dhashay kadib markii beel horay u daganeyd dhulka ay qixiyeen Liyuu Booliis, kuna wareejiyeen beel kale, hadda ay oo Liyuu police baxeenna ay labada beel isku qabteen cidda iska leh. Dhimashada aad ayey u badantahay laakin tiro ahaan ma sheegin, laakin waxaa uu soo tabiyey in 11 dhaawac la geeyey Cadaado halka Cabud-waaq loo qaadey 15 dhaawac ah. Labada beelood ee dagaalka uu dhexmaray ayaa waxa ay sidii kale isku heystaan dhul daaqsimeed iyo ceel biyood, waa beelo weligood sidan ahaa. Ilaa hadda ma jirto, cid dhex gashay ama xal soo dhow, waxaana tani ay keeni-doontaa in dagaalka uu soo laabto goorwalba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)– The US military has denied to have carried out an airstrike against Al Qaeda linked Al Shabaab group in southwest of Somalia. The U.S. Africa Command, which has carried out more than 20 airstrikes in Somalia this year, said it has not carried out a strike there since Sept. 11. said in a memo. The strike was targeted major hospital and nearby training school in Sakow, a town in Middle Juba region controlling under Al Shabaab. Somali military says the strike targeted senior Al Shabaab group’s commanders and fighters in the town, killing at least 12 militants. Hassan Yacqub, a senior militants’ commander was among those who were injured in the bombing. In a statement aired by Radio Andulus, an Al-Shabaab mouthpiece, said the strike hit major hospital and nearby training school in Sakow, leaving 3 children dead. The group also released photos of destroyed hospital building and a traning school in the town, while accusing US military of being behind the air raid. The US has carried out a growing number of drone strikes in the Horn of Africa nation in coordination with Somalia’s government. Most are against al-Shabaab but a small number have targeted Islamic State group-affiliated fighters in the Puntland region in the north. The US carried out more than 30 drone strikes last year in Somalia after President Donald Trump approved expanded military efforts against al-Shabaab. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Gaarisa (Caasimadda Online) – Soomaalida ku xirirta baraha bulshada ayaa si aad ah iskula wadaagayay muuqaallo ay ku burburinayaan tarmuusyada shaaha iyagoo sheegaayo in ay ku jiraan saddex kaniin oo laga qaado cudurka Kansarka iyo cudurro kale oo halis ah. Dadka qaar ayaa jejibiyay tarmuusyadooda iyagoo muuqaallo iska duubaayo kaddibna soo dhigay baraha bulshada, dadkaasi ayaa badankooda ku nool gobolka Soomaalida ay degto ee waqoyi bari Kenya. Ka gudub Facebook daabacaad W.Q Abuu Dhammaadka Facebook daabacaadda qore Abuu Wasirka wasaarada caafimaadka ee Ismaamulka Garissa Axmed Nadir Cumar oo BBC la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin wax cudur ah oo laga qaadaayo tarmuusyada. Waxa uu sheegay in dadweynaha ay xaq u leyihin inay caafimaadkooda ilaashadaan, balse waxaa uu leeyahay wax walbo oo dalka Kenya soo galaaya baritaan ayaa lagu sameeyaa. Weriyaha BBC ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa goob joog u ahaa qaar ka mid ah dadka markii ay tarmuusyadooda jabinayeen, waxayna u sheegeen in hadda wixii ka dambeeyo aysan adeegsan doonin tarmuus balse jalmad ama kirli ay isticmaali donaan. ”Waxaan arkay gabdho deriskeyga ah oo tarmuusyadooda jabiyay oo sheegaya in ay ku arkeen saddex kaniin oo cudurka kansarka laga qaado, aniga keyga hadda ayaan jabin rabaa oo waxaan fiirin rabaa waxa ku jiro, saaka shaah kuma shubanin” sidaasi waxaa tiri Xariiro Xassan oo magaalada Garisso ku nool. Dadka ku nool deegaanadaas ayaa sheegaya in ula jeedada flaska loo soo geliyay kaniiniga ay tahay in “iyaga lagu laayo”, waxayna ku doodayaan in cudurka Kansarka uusan xilliyadii hore jirin oo haddana soo batay. Xariiro Xassan ayaa sheegtay in wiilkeeda yar uu saaka ku yiri ” Hooyo wixii hadda ka dambeeyo, shaaha waan iska dhaafayaa, subixii canjeerada waxaan ku cabi doonaa biyo”. Hadda dadka qaar ayaa baraha buulshada soo dhigaaya sawirro muujinaayo iyagoo shaaha ka shubanaaya jalmad ama kirli. Si kastaba ha’ahaatee, wasiirka wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Garissa ayaa ku baaqaya in ay dadka is dajiyaan madaama uusan waxaasi oo dhan waxbo ka jirin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland, xukuumadda iyo xisbiyada ayaa ku heshiiyey inay guddi u saaran is mari waaga ka taagan doorashada goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanka. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Syalici, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali ayaa si wada jir ah u sheegay inay ku heshiiyeen gudi xisbiyada iyo xukuumada ka kooban oo lafa gura arimaha ismariwaagu ka taagan yahay, sida oo kale waxa ay sheegeen in la magacaabay guddi kale oo arimaha siyaasada ee dalka iyo mandaqada wada jir uga kulma kuwaas oo ah madaxweynaha iyo labada guddoomiye ee xisbiyada. Sida uu warbaahinta u sheegay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, waxaa la isla gartay 2 qodob. Qodobka koowaad oo ah kii doorashooyinka waxa laysla gartay in dib loo hawl galiyo saddexdii gudi ee sadexda xisbi qaran ka socda oo dib u bilaabi doona wada hadalkoodii iyo inay ka wada hadlaan waxii caqabad ah ee ku gadaaman doorashooyinkaas. Qodobka labaad arimaha siyaasadeed ee mandaqada iyo guud ahana caalamkaba ku soo kordhay iyo dalka sidii horumar loo gaadhsiin lahaa iyadana waxa u balamay madaxweynaha iyo labada guddoomiye xisbi aya au balamay axada soo socota, qarankuna waa talo la wada leeyahay maalinba ninkii loo doortaa ha hoggaamiyo haddana waxa inoo dhaqan ah inaan talo isku mid ah oo dalka lagu dhisaayo laga wada tashado.” Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna dhankiis waxa uu yidhi“Maanta waa cusub ayaa inoo bilaabmay, baryahan waan kala fogayn waydinkii naanaysta bixiyay ee yidhi handaraab, handaraabkii maanta waa uu burburay oo furihii ayaa la helay, sidaas uu madaxweyne ku xgeenku sheegay waxaanu isla eegnay arimo badan oo ina hortaagan sidaas ayaa loo kala qaaday oo doorashadu waxay suurto gali kartaa haddii aanay ciladi jirin oo haayaduu aanay shaqayn laakiin jawi aanay doorasho ku dhici karin lagama hadli karo doorasho, markaas in dildilaacii doorashada la kabo gacmaa lays qabsado iyo agabkii iyo diyaar garawgii doorashada in lays garab wado ayaa abada gudi loo sameeyay.” Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahai Cirro ayaa isaguna dhankiisa sheegay waxyaabaha lagu heshiiyay“Laba arimood ayaa laga hadlay oo ajandugu ahaa mid waxa uu ahaa doorashada midna waxa uu ahaa siyaadada ama gudaha ha ahaato ama dibada, qodobka hore ee ah doorashooyinka waxa laysla gartay in xisbi waliba uu lix xubnood soo xulo dabadeedna la gorfeeyo oo laga wada hadlo arimaha doorashada khuseeya, qodobka ku saabsan siyaasadana waxa laysla gartay kulankii ugu horeeyay ama is bedelada socda ha nqoto, gudaha iyo dibadaba waxii siyaasad ku saabsan in madaxweynaha labada guddoomiye iyo laba xubnood oo xisbiyada mucaaradka ah ka socda axada laysu yimaado oo laga wada hadlo arimaha khuseeya qaranka, labadaas arimood ayaa laysla soo qaatay waxbana maanta lama gudo galin laakiin waa loo balamay in arimahaas la gudo galo.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Somali lawmaker has accused country’s National Intelligence and Security Agency (NISA) of sacking at least 200 security soldiers over unknown reason. Hon. Mo’alim Ali slammed the latest decision to have fired the soldiers in what he said were on their way to eradicate Al Qaeda linked Al Shabaab group in Somalia. “We learned that 200 security soldiers from NISA were fired without reason. The fired soldiers have now no jobs to fend themselves”, he said. He says it would be major problem if the fired soldiers share the information with Al Qaeda linked Al Shabaab battling the weak-western backed government of Somalia. There was no immediate comment from the country’s Intelligence over the latest allegations. Caasimada Online Mogadishu News Online Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ciidamo u dirto dalka Koonfur Sudan, si ay gacan uga gaysato ammaanka, una xoojiso nabadda dalkaas. Isaga oo ka hadlayey Muqdisho, ayaa wasiirka ku xigeenka waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Jaabir, waxa uu sheegay in dalkiisa uusan ka laba labayneyn inuu cidamo u diro Koonfur Sudan. “Waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay is-weydiiyaan sidee ayey suurt-gal ku tahay in dal Soomaaliya oo kale ah, oo kasoo kabanaya dagaallo uu ciidamo nabad-ilaali ah diro, laakiin maxaa naga hor-istaagaya inaan ciidamo ku tabarucno. Burundi ayada oo dagaallo ku jirto ayay annaga ciidamo noo soo dirtay, oo ay gacan ka gaysatay dib u dhiska dalkeena, maxaa anaga noo diidaya inaan ka qeyb-galno dhisidda nabadda dal kale oo Afrikan ah”. Ayuu yiri IGAD ayaa dooneysa in ciidamada ka imanaya Soomaaliya, Sudan, Uganda iyo Jabuuti lagu daro ciidamo kale oo nabad ilaalin ah oo horey u joogay Koonfur sudan. Howlgalka QM ee Koonfur Sudan ayaa waxa uu ka kooban yahay 17,000 oo askari, kuwaasi oo badbaadinaya dadka shacabka ah, islamarkaana gacan ka gaysanaya sidii gargaar lagu gaarsiin lahaa, halka ay sidoo kalena la soconayaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Soo jeedinta ku saabsan in Soomaaliya lagu daro dalalka ciidamada gaynaya Koonfur Sudan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan inay ciidamo diri karto, xilli dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ilaalinayaan ciidamada Midowga Afrika ee ka kooban 22 kun ee askari. Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaaliya oo is-garabsanaya ayaa la dagaalamaaya kooxda Al-Shabaab oo halis ku ah inay riddo dowladda federaalka ee caalamka uu aqoonsan yahay. Isha: VOA
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Islamic State of Iraq and the Levant group has claimed the responsibility for the killing of government soldiers in Somali capital Mogadishu. In a statement by Amaq, an ISIL mouthpiece, said that the group’s fighters shot and killed two soldiers in the capital and nearby town. The group said its assassins had killed a local government soldier and a police one. The killers fled from the crime scene. Since emerging in October 2015, pro-Islamic State forces in Somalia have operated at a relatively low tempo, although the group’s activities intensified through 2017 and expanded south to the capital Mogadishu at the end of the year. In November 2017, the Islamic State in Somalia began to rapidly expand its attacks in southern Somalia, specifically in and around the country’s capital city, Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–Following the Tuesday fatal shooting of a nine-year-old pupil while on a school bus by government soldiers who opened fire into a traffic jam in Mogadishu, reportedly to make way for their vehicle, Amnesty International’s Regional Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes, Joan Nyanyuki said: “The authorities must immediately launch an independent investigation and hold to account the officers behind this act of recklessness that took the life of a child and caused this terrible anguish to her family. “The Somali government must also take concrete steps to make sure that security forces do not use force unnecessarily and randomly against people going about their daily business.” Amnesty International spoke to the girl’s distraught father, Dahir Moalim Ali Farah, who said: “My 11-year old son, who was also in the bus with Deqa, came home crying and shouting and told us that she had been shot dead. I ran to the scene of the incident, where I was told the body of my daughter was taken to Masaarida hospital.” “It was shocking to see the dead body of my daughter. I am helpless and need justice for my daughter. I need the killers of my daughter arrested and brought to justice.” Nine-year-old pupil Deqa Dahir Moalim Ali Farah was on the school bus with other pupils on her way home around midday on 18 September. The bus was stuck in a traffic jam near the busy Banadir junction in Mogadishu, opposite of the Digfeer hospital, in Hodan district, when government soldiers opened fire in an apparent attempt to clear the road for their vehicle. One of the bullets hit the girl on the head killing her instantly and injuring at least one other child. Deqa Dahir was buried earlier on Wednesday. Sources: Amnesty International
-
MOGADISHU (Caasimada Online) –The troubled Horn of Africa country, Somalia, is still vulnerable but is making progress towards a more stable future, according to the UN’s most senior official in the country. Michael Keating, the Special Representative of the UN Secretary-General, says the situation in Somalia, politically, economically and from a security perspective is improving; but he adds that after 30 years of civil war, long-held grievances are impeding progress in the country. Mr Keating is leaving his post on Friday – he’s also head of the UN Mission in Somalia, UNSOM – after more than two and a half years in the job. Daniel Dickinson sat down with him at UN Headquarters in New York to discuss Somalia’s future.
-
Dadweyne kasoo horjeeda maamulka degmda Kaxda ayaa dibadbax ballaaran waxay maalintii Saddexaad oo xiriir ah ka dhigeen xaafadaha ay ka kooban tahay degmadasi. Dadkan ayaa sheegay in maamulkaan uu sabab u noqday dilka Labo qof oo ay sheegeen in kaalin mug leh ka qaateen amniga degmada Kaxda, balse maamulkaasi ku sheegeen burcad waa sida ay hadalka u dhigeenne. Waxa ay sheegeen dadkaan in ay ka dalbanayaan maamulka gobolka Banaadir in la bedalo guud ahaan maamulka degmada Kaxda, iyaguna ka shacab ahaan aanay raali ka ahayn in xubnaha ugu sarreeya maamulka sii joogaan. Sidoo kale waxay sheegeen shacabkaan in dibadbaxa sii wadi doonaan tan iyo inta maamulka degmadaasi laga bedalayo. Goobjoog News oo qadka taleefanka ka wacday guddoomiyaha degmada Kaxda si eedeymaha maamulkiisa loo haysto wax uga weydiinno ayuuna ka jawaabin taleefanka. Halkaan hoose ka dhageyso. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Dibadbax-Kaxda.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaqay inuu heshiis la galay dowladda Federaalka, kaddib wada hadalo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho. Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdishoo ayuu ku sheegay in wixii tabasho ee jiray la dhameeyay, kaddib wada hadalo dhex maray Madaxda Maamul goboleedka Hirshabeelle iyo Madaxda dowladda Federaalka. Madaxweyne Waare ayaa sheegay inay si buuxda ula shaqeyn doonaan dowladda Federalka, isla markaana ay yeelan doonaan wada shaqeyn. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Afar Arrin oo keentay inuu Waare Deg deg isku dhiibo: 1) Maamulkiisa oo ka kooban Beelo badan Maamulka Hirshabelle ayaa Galmudug kala wadaago hal arrin oo ah in maamulkaas uu ka kooban yahay Beelo badan isla markaasna ay fududahay in laga horkeeno. Madaxweynaha Hirshabelle oo fiirinayo dhibaatada ka imaan kart haddii laga horkeeno beelaha uu ka kooban yahay maamulkaas ayaa go’aansaday inuu deg deg ula heshiiyo dowladda dhexe waana sababta ugu weyn ee keentay. 2) Ma heysto Dhaqaale uu kula dagaalamo Dowladda Dhexe Maamulka Hirshabelle wuxuu kamid yahay maamulada ugu liito dhaqaale ahaan iyo Maamul ahaan marnaba marcquul maahan inuu iska celiyo Dowladda Dhexe maadaama uusan maamulkaas heysan dhaqaale uu dagaal ku galo. Sidaas darteed Waare ayaa ku qasbanaaday inuu deg deg ula heshiiyo Dowladda Dhexe 3) Hirshabelle awood badan malahan Maamulka Hirshabelle malahan awood maamul iyo mid ciidan, sidoo kalana kama taliyo inta badan deegaanada uu maamulkaas hoos imaado. Waana sabab kale oo ku khasbeyso Waare inuu kasoo gosto Maamul Goboleedyada. 4) Maamul Goboleedyada oo kala shakisan Sababta kale oo ay khubarada Siyaasadda aaminsan yihiin inay keentay is dhiibista Waare ayaa ah inuu jiro kala shaki u dhaxeeyo Madaxda Maamul Goboleedyada maadaama uu mid kasta leeyahay dano siyaasadeed oo isaga u gaar ah. Waxaa jiro Khilaaf u dhaxeeyo Maamul Goboleedyada oo ku aadan in lala heshiiyo dowlada Dhexe iyo in kale waxaana bilaabatay cabsi ku aadan in qaar ka tirsan Maamul Goboleedyada ay usoo goystaan dhanka dowladda, Waare ayaana noqday qofka ugu horreeyo ee riday xabaddii laga cabsanayey!!!. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wafdiga ka socda golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalintii Seddexaad ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulankaan ayaa intiis badn waxaa fursad ay ku hadlaan la siiyey xubnihii ay la kulmeen Senator-ada, iyaga oo soo bandhigay caqabadaha jira iyo xalka waxa uu yahay. Dadkii hadlay qaarkood ayaa shaaciyey waxyaabaha ay u arkaan caqabadaha, marka loo eego dhanka Galmudug iyo dowladda dhexe. Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo si kooban halkaasi hadal uga jeediyey ayaa sheegay in marnaba aan la qaadan karin kala tag guud oo ku yimaada Galmudug, balse wixii lagu kala aragti duwan yahay la isaga imaan karo. Guddoomiyaha guddigan, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo isna hadlay ayaa sheegay in xilligan loo baahan yahay reer Galmudug iney ka tusaale qaataan dunidan horumaray ee isku duuban. Sidoo kale waxa uu sheegay Qeybdiid in waxyaabaha ay halkaasi u tageen tahay in la ogaado tabashada reer Galmudug ee dhanka dowladda federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/War-Maxamed-Salaad.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hay’adda NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka waxay ku sheegtay iney gacanta ku dhigtay Labo ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab. Waxa ay hay’adda sheegtay in howlgalkan ay ka sameeyeen degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, ayna hayeen macluumaadka raggan. NISA ayaa si gaar ah u sheegtay in ragga ay uga tirsanaayeen amniyaadka Al-shabaab. “Ciidamada amniga ayaa Labo shakhsi oo amniyaat-ka Al-shabaab ah kasoo qabtay Degmada Dharkeynleey ee Magaalada Muqdusho, howl-galka cidi wax kuma noqon, Nagu Garab istaaga si aan u difaacno dhammaan shacabkeenna” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Ma jirto faah faahin intaan ka badan oo ay NISA ka bixisay raggan ay soo qabatay. Dhowr jeer sidan oo kale NISA ayaa barta Twitterka kusoo qortay iney gacanta ku dhigtey dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda khilaafada islaamiga ee Daacish ayaa sheegatay inay ka danbeysay falal khaarijin ah oo ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Warbaahinta Daacish ee Acmaaq ayaa shaacisay in shalay ay isgoyska Black Sea ciidamadeeda toogasho ku dileen askari ka tirsan ciidamada canshuurta qaada ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxay sheegteen inay magaalada Afgooye ku dileen Askari ka tirsan Booliska. Daacish oo marar badan sheegata dilal ka dhaca magaalada Muqdisho iyo Afgooye oo howlgalkooda Koonfurta Soomaaliya u badan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay hawlgal gaar ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho in lagu qabtay xubno sar sare oo ka tirsan ururka Al Shabaab. Qoraal NISA ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa waxa ay ku sheegtay hawlgal laga sameeyey xaafad ka tirsan degmada Dharkenley in ciidamada ammaanka ay ku qabteen laba ka mid ah ragga dilalka u qaabilsan Al Shabaab. Warka ka soo baxay NISA laguma shaacin magacyada raggan, iyada inta uu hawlgalkan socday aanay jirin khasaare rayidka iyo ciidanka ammaanka soo gaaray. NISA ayaa sidan tiri “19-ka Sabtembar, 2018, ciidamada amniga ayaa laba shakhsi oo amniyaat-ka Al Shabaab ah ka soo qabtay degmada Dharkeynley ee Magaalada muqdisho, hawlgalka cidi wax kuma noqon, nagu garab istaaga si aan u difaacno dhammaan shacabkeenna.” Hawlgalada ciidamada ammaanka ay ka sameynayaan magaalada Muqdisho ee lagu soo qabto xubnaha ka tirsan Al Shabaab ayaa maalmahan dambe kordhay, iyada oo aanay jirin ragga la soo qabto in warbaahinta loo soo bandhigo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maalmahaani magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kusii kordhaya Qaraxyada iyo dilalka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab la eeganayan Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha dowlada. Qaraxyada maalmahani ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa u badan kuwa loo adeegsado Bam gacmeedyada iyo Miinooyinka lagu aaso hareeraha waddooyink magaalada. Qaraxyada nagu cusub ayaa waxaa kamid ah kuwo loo adeegsanayo Gaari gacan, halka dilalka ugu badan ee xiligan ka dhaca magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo loo adeegsado Toorey. Waxaa dhaca dilal u muuqaal eg ku qorsheysan oo lagu cuuryaamiyo shaqaalaha dowlada kuwaa oo intooda badan loo adeegsado bastoolad, iyadoo wixii intaa ka danbeeya Meydka looga dhaqaajiyo goobta. Haddaba Qaraxyada iyo Dilalka ku cusub magaalada Muqdisho ee dib usoo rogaal celiyay ayaa waxaa u sabab ah 2 arrin oo kala ah:- 1-Degmooyinka Gobolka Banaadir oo aan xiligan laheyn Taliyayaal Nabad sugid, kadib markii kuwii ku magacawnaa loo wareejiyay Booliska, waxaana sidaa ku banaan kaalinta NISA ee amniga degmooyinka. 2-Xiriir xumi gaarsiisan heerkii ugu hooseysay oo ka dhex jira maamulada Degmooyinka, Saldhigyada Booliska iyo Shacabka ku nool Degmooyinka, taa oo sara qaaday falalka amni darro ee ka jira magaalada Muqdisho. Taliyayaasha NISA u qaabilsanaa amniga degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa inta badan ka hortagi jiray falalka amni darro, waxa ayna tani muujineysaa in faaruqa jira uu qeyb ka yahay sara u kaca Qaraxyada iyo Dilalka. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Federaalka, gaar ahaan Hay’adda NISA ayaa laga sugayaa inay xal u hesho banaanida booska ay faarujiyeen Taliyayaashii ugu magacawnaa degmooyinka ee lagu daray Booliska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Hay’adda NISA ay shaqada ka ceyrisay ciidamo farabadan oo sanado badan usoo halgamaayay sida dalka looga xoreyn lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab. Eryinta ciidamadan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Xildhibaan Macalin Cali oo ka mid ah mudanayaasha Golaha shacabka ee BFS, waxa uuna tilmaamay in aan waxba laga soo qaadin halgankooda. Waxa uu Xildhibaanku sheegay in macluumaad uu helay uu muujinayo in Hay’adda NISA ay erisay ilaa 200 oo askari oo ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka qaranka ka tirsanaa, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu cod dheer ku sheegay in ciidamadaasi la eryay ay shaqo la’aan ku heyso Magaalada Muqdisho taasina badalkeeda ay suurta gal tahay inay ka qeyb qaataan amni darida ka jirta Magaalada. Xildhibaanka waxaa uu dalbaday in arimahaasi wax badan laga qabto, waxa uuna arrin aad u fool-xun ku sheegay in ciidamo heer Sirdoon ah la eryo kuwaa oo ay suuragal tahay inay ku biiran Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. “Waa dareemi kartaan dhibta ay leedahay in la eryo askari sirdoon ah, waxaa ku filan keliya in xogta uu la wadaago cadowga” Sidoo kale, dowlada ayuu sheegay in looga baahan yahay inay ka fiirsato ciidamada ay ka erineyso shaqada hadana lagu dhex fasaxaayo magaalada. Si kastaba ha ahaatee, waxaan haddalka Xildhibaan Macalin Cali aan wali ka jawaab celin dowlada Somalia haddii uu hadalkaasi yahay mid saxa ama khalad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilka sii baxaya ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo wareysi siiyey barnaamijka GMT ee BBC News, isla markaana ka hadlayey doorashada 2020-ka ayaa sheegay in haddiiba qof iyo cod ah ka dhici karto Somaliland ay sidoo kale ka dhici karto Soomaaliya. Mar la weydiiyey inuu ku dhahay inay qasab tahay in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya 2020-ka, waxaa uu yiri “Marka hore, aniga ma aha waxaa sidaasi dhahaya, Soomaalida ayaa sidaa leh” isaga oo intaa raaciyey “in ay tahay caqabad jirta, Somaliland dadka waa diiwaan-geshan yihiin, doorasho baarlamaan ayaa ka dhacday, madaxweyne ayey doorteen, marka haddii ay Somaliland ay sameysay, waa isla dadkii, Soomaaliyana waa sameyn kartaa, waa la sameyn kartaa. Michael Keating oo sii hadlaya “Arrimaha in la hadlayo ay tahay, su’aasha waa haddii nidaamka doorasho uu ka soo bixi karo, natiijadii loo baahnaa, oo loo arko xaq ah, waa in aan bilowno in aan ka shaqeyno, wax kasta oo doorasho looga baahdlo, hadda inay dhaceyso ayaan aaminnay, waxaa u baahantahay guddi doorasho oo waxtar leh, cod-biixyeyaasha oo la diiwaan-geliyo, nidaam maxkamadeed, arrimahaas oo dhan waa in la shaqeysiiyo. Michael Keating waxaa uu joogay shirkii London iyo shirar kale oo lagu gorfeeyey, la iskuna raacay doorashada qof iyo cod ee lagu wado inay Soomaaliya ka dhacdo 2020-ka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa maanta magaaladda Badhan ee Gobalka Sanaag lagu qabanayaa shirka gollaha wasiiradda Dawlada Puntland oo uu shir gudoomin doono Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Halka uu ka dhici doono shirka Gollaha Wasiirada PL ee Magaalada Badha– Xaquuq Sawirka Dabarani Shirka gollaha wasiiradda oo ay noqon doonto markii ugu horeysay ee uu ka dhaco magaaladda Badhan ayaa looga doodi doonaa shaqooyinkii caadiga ahaa ee wasiiradda Puntland ka doodi jireen todobaadkiiba hal mar. Inta badan gollaha wasiiradda Dawlada Puntland ayaa ku sugan magaaladda Badhan oo uu shalay gaaray Madaxweyne Gaas iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminaayey, sidoo kale waxaa magaaladaas ku sugan in ka badan 20-xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Dawlada Puntland. Isla magaaladda Badhan waxaa ka dhici doona shirka gudiga joogtada ah ee baarlamaanka Puntland, maadamada ay magaaladaas ku sugan yihiin gudigii joogtada ahaa ee Baarlamaanka. Dadka reer Sanaag ayaa siweyn usoo dhaweeyey booqashada uu Dr Gaas ku tegey Gobalkaas, waana markii ugu horeysay oo wafti heerkan ahi uu gaaro magaaladda Badhan inta la xasuusan yahay. PUNTLAND POST The post Shirka Khamiislaha ee golaha Wasiirada Puntland oo maanta ka dhacaaya magaalada Badhan appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Afhayeenka Ururka ONLF, C/ Qaadir Xassan Hirmooge (Caddaani), oo la hadlay warbaahinta ayaa si guud uga hadlay rajooyinka ay ka qabaan Heshiisyada ay la galeen dowlada Ethiopia iyo maamulka DDS. Afhayeenku waxa uu sheegay in mar waliba ay qabaan rajooyin wanaagsan isla markaana dowlada Ethiopia laga doonaayo inay ka miro dhaliso Heshiiska Asmra. Caddaani , waxa uu saxaafada meel fagaaro ah ugu cadeeyay in ONLF ay ku adkaan doonto inay ka tanaasulan mowqifkeeda ku aadan ka go’ida dalka Ethiopia. Caddaani, waxa uu sheegay in ONLF ay leedahay Mowqifkii ay dhowr sano usoo dagaalameysa, sidaa aawgeed ay ku adkaaneyso inay ka laabtan ujeedooyinka qaarkii oo ay ku dagaalamayeen. C/Qaadir Cadaani Hirmooge, ayaa sheegay iney u codeeyeen garabka kale ee maamulka DDSI mowqifkooda ku aadan ineysan dooneyn kasii mid ahaanshaha Ethiopia, taa badalkeedna ay doonayaan iney ka go’aan Ethiopia oo idil, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu Afhayeenka sheegay in shirka Asmara uu dawo u yahay in laga gudbo colaadihii Ururka kala dhexeeyay maamulka Jigjiga iyo Ethiopia, balse aysan aqbali doonin in laga gudbo qodobada qaar. Caddaani Hirmooge oo ah afhayeenka ONLF ayaa wuxuu sheegay “heshiis iyo is-afgarasha kasta oo dhacda iney ururka ONLF uu amarnaba ka tanaasuleyn hadafki aaya ka talinta ee ay ONLF muddo u soo halgameysay”. Waxa uu intaa raaciyay in dhamaadka shirka kadib lagu balamay in lawada qaato kulamo kale oo lagu sii amba qaado wadahadalka qodobada harsan, si loo soo afjaro colaada mudada sanadaha dheer socotay ee Ismaamulka Soomaalida. Waxa uu arrin muhiima ku sheegay in shacabka dhulka Soomaalida ay ka tashtaan aayahooda, waxa uuna arrin aan macquul aheyn ku sheegay in Umad dhan ay ku feelan dowlad aan tooda aheyn. Sidoo kale, waxaan qodobka tanaasul la’aanta laga cabsi qabaa inay u cuntami weyso dowlada Ethiopia oo muddo sanado ah ku taameysay sida ay dusha sare uga maamuli laheyd guud ahaan Somalia. Haddalka Cadaani ayaa u muuqanaaya mid ONLF ay ku dooneyso inay kaga madax-banaanaato Siyaasada iyo hoos jooga Ethiopia, waxaana sidoo kale adkaan doonta in Ethiopia ay aqbasho inay ka go’do Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Cadaado (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo hub kala nooca leysu adeegsaday ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo kawada tirsan maamulka Galmudug, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro kala duwan. Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan Galmudug oo ka soo ambabaxay Gaalkacyo kuna sii jeeday Dhuusamareeb ay is hor istaag ku sameeyeen ciidamo kale oo ku sugnaa duleedka magaalada Cadaado. Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa laba askari, waxaana ku dhaawacmay Seddex kale kuwaa oo la dhigay isbitaalka guud ee magaalada cadaado. Saakay ayaa waxaa magaalada laga dareemayaa dagaalkii xalay dhacday, sidoo kalena ay jirto cabsi kale oo ku aadan in mar kale ay wax dhacaan. Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan Galmudug ay diideen inay Cadaado galaan ciidan kale oo ka yimid dhanka Gaalkacyo, sababo la xiriira xiisada siyaasadeed ee ka dhex jirta madaxda Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Wakiilka sii baxaya ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo wareysi siiyey barnaamijka GMT ee BBC News, isla markaana ka hadlayey doorashada 2020-ka ayaa sheegay in haddiiba qof iyo cod ah ka dhici karto Somaliland ay sidoo kale ka dhici karto Soomaaliya. Mar la weydiiyey inuu ku dhahay inay qasab tahay in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya 2020-ka, waxaa uu yiri “Marka hore, aniga ma aha waxaa sidaasi dhahaya, Soomaalida ayaa sidaa leh” isaga oo intaa raaciyey “in ay tahay caqabad jirta, Somaliland dadka waa diiwaan-geshan yihiin, doorasho baarlamaan ayaa ka dhacday, madaxweyne ayey doorteen, marka haddii ay Somaliland ay sameysay, waa isla dadkii, Soomaaliyana waa sameyn kartaa, waa la sameyn kartaa. Michael Keating oo sii hadlaya “Arrimaha in la hadlayo ay tahay, su’aasha waa haddii nidaamka doorasho uu ka soo bixi karo, natiijadii loo baahnaa, oo loo arko xaq ah, waa in aan bilowno in aan ka shaqeyno, wax kasta oo doorasho looga baahdlo, hadda inay dhaceyso ayaan aaminnay, waxaa u baahantahay guddi doorasho oo waxtar leh, cod-biixyeyaasha oo la diiwaan-geliyo, nidaam maxkamadeed, arrimahaas oo dhan waa in la shaqeysiiyo. Michael Keating waxaa uu joogay shirkii London iyo shirar kale oo lagu gorfeeyey, la iskuna raacay doorashada qof iyo cod ee lagu wado inay Soomaaliya ka dhacdo 2020-ka. Googjoog News Source: goobjoog.com
-
Mid kamid ah waxgaradka Puntland oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Samatar ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in wax wanaagsan ay tahay in madaxweynaha Puntland uu booqasho ku tago gobolka Sanaag. Madaxweyne DR Cabdiwali Cali Gaas ayaa booqasho maanta ku gaaray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasoo madaxweynaha uu kaga qeyb galay mashruuc lagu furayay Jaamacad degaankaasi laga hirgaliyay oo lagu magacaabo Maakhir University. Nabadoonka ayaa maamullada Puntland iyo Somaliland u jeediyay in ay nabadda ka shaqeeyaan. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/NABADOON-PUNTLAND-19-09-2018.mp3 Goobjoog News https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/NABADOON-PUNTLAND-19-09-2018.mp3 Source: goobjoog.com
-
The 80-km stretch of road between the Liboi border point and the Dadaab Refugee Camp in Garissa County is as dusty and bumpy as it is fraught with the risk of attacks by Al-Shabaab terrorists. Source: Hiiraan Online