-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ogaden is a 327,000 square kilometer territory located in eastern Ethiopia and on the border with Somalia. The region was once part of the Somali Ifat Sultanate before it was handed back and forth from one European colonial ruler to another, with both Italy and Britain laying claims over the land during the previous century. Source: Hiiraan Online
-
The disaster in Somalia offered America a glimpse of the future of warfare. No one listened. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aad u bah-dilay boqorka dalka Sacuudiga Salmana Bin Cabdulcasiis, isaga oo ka dhigay qof aan isku filneyn oo Mareykanka la’aantiis aan xukun hayn lahayn. Trump ayaa adeegsaday hadal aan diblomaasi ahayn ku weeraray Sucuudiga, oo ay saaxiibo dhaw yihiin, waxaana uu sheegay in uu u digay Boqor Salmaan kuna war-geliyey in uusan xukunka laba toddobaad haysan karin taageerada ciidamada Militari ee Mareykanka la’aantood. “Waan difaacnaa Sucuudi Careebiya. Miyaad leedihiin waa qani. Waan jeclahay boqorka. Laakiin waxaa dhahay ‘Boqor waan ku difaaceynaa – halkan ma aadan sii joogeyn laba toddobaad anaga la’aanteen – waa in aad bixisaa lacagta Militarigaaga,” ayuu Trump ka sheegay fagaare ku yaal Southaven ee gobolka Mississippi. Trump ma sheegin xilligii uu hadaladdaas ku yiri boqorka Sucuudiga. Marka laga yimaado hadaladdaas adag, maamulka Trump waxa uu xiriir dhaw la leeyahay Sucuudi Careebiya oo uu arko awood uu uga hor tago himilada Iran ee gobolka, iyo fulinta siyaasadaha lagu taageerayo Yahuudda. Trump waxa uu Sucuudiga ku tagay safarkiisii dibadda ee ugu horreeyey sanadkii hore markii loo doortay Madaxweynaha Mareykanka. Waxaa xusid mudan, in markii Trump uu booqday Sucuudiga ay abuurmay khilaafka wadamadda Khaliijka oo dhabbaha u xaaray in la go’doomiyo Qadar. Ayada oo Trump sidoo kale marar badan hadallo bah-dilaad ugu yiri amiirada Sacuudiga, haddana weli waa ay ku daba-feelan yihiin, waxayna taageereen qorshaha Trump ee ah in magaalada Qudus ay noqoto magaalo Yahuuddu leeyihiin. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhowan Muqdisho lagu shaaciyey in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shikeh Maxamuud hogaamiye KMG ah looga dhigay xisbiga cusub oo la filayo in maanta oo khamiis ah si rasmi ah loo shaaciyo. Xisbigan oo loo bixiyey Xisbga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa waxaa ku midoobay Daljir, Daamujadiid iyo kudladda Horuosocd. Hadaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah yaa beesha Daarood ku metelaya Xisbigan? Xisbiga cusub ee UPD waxaa beesha Daarood ilaa iyo hadda sida muuqata ku metelaya Cabdikariin Xassan Jaamac oo ahaa wasiirkii hore ee warfaafinta xukumaddii Shiekh Shariif Shikeh Axmed, hadana ah gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda City ee magaalada Muqdisho, iyo Cabdirashiid Xaashi oo ah madaxa machadka Heritage. Cabdikariin Xassan Jaamac waxa uu ka soo jeedaa beelweynta Harti Darood, gaar ahaa Sool clan, halka Cabdirashiid Xaashi uu ka soo jeedo beesha Leylkase. Labadan siyaasi ayaa ka mid ahaanshaha xisbiga ka sokow rajo ka leh xilal sare haddii Xasan Sheekh kusoo baxo doorashada 2021. Jaamacadda City iyo Machadka daraasaadka Siyaasadda ee Heritage waxaa leh ganacsato iyo siyaasiyiin ku boohoobay xisbigii Dajir ee ku biiray Dhaamujadiid, sidaas darteed layaab ma lahan in Cabdikariin iyo Cabdirashiid, labada xubno ka yihiin xisbiga. Waxaa xusid mudan uu Cabdi Caynte hore masraxa siyaasadda ka soo fuulay Machadka Heritage oo uu ka ahaa gudoomiye kahor inta aan dowladdii Xassa Shiekh Maxamuud loo magacaabin Wasiirkii Qorsheynta, waxaana hadda muuqataa in Cabdirashiid uu waddadaas ku socdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirada dalalka Denmark iyo Holland u jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya oo sidoo kalena qaabilsan arrimaha Soomaalida, ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadka galay. Safiirka Denmark ee Kenya Mette Knudsen iyo safiirka wadanka Holland ee Kenya Frans Makken, ayaa sheegay inay muhiim tahay in si deg deg ah loo bilaabo wada hadaladaas Hargeysa iyo Muqdisho, islamarkaana la kulansiiyo madaxda Somaliland iyo Soomaaliya waxaanay hadalkan ka sheegeen kulamo ay toddobaadkan la yeesheen wakiilka Somaliland u jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. “Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay isugu keenaan labada dhinac [Somaliland iyo Soomaaliya] wareeg kale oo wada hadalada ah.” Sidaas waxa tidhi Safiirka Denmarka Mette Knudsen, waxaanay intaas raacisay “Nabadgelyada, degenaanshaha iyo dib u soo kabasho waa in la gaadhsiiyaa gobalka Geeska Afrika, waxa muhiim ah in dhammaan colaadaha la dhammeeyo oo ay ku jirto ta’ u dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya.” Ergayga dalka Holland u qaabilsan Kenya oo sidoo kalena qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa isna yidhi “Waa muhiim in wada jir loo shaqeeyo. Idinka [Somaliland iyo Soomaaliya] waxaad haysataan taageeradayada si loo xaqiijiyo dhiirigelinta nabadda.” Warbaahinta Kenya ee warkan baahisay ayaa sheegtay inay suurtogal tahay inay beesha caalamku madaxda Somaliland iyo Soomaaliya kulansiiso, iyadoo goobta ugu haboon ee ay ku kulmi karaana ku tilmaantay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. Kulan loo qorsheeyay inuu bishii March Djibouti ku qabsoomo oo la filayay inay ku kulmaan Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa baaqday ka dib markii ay dawladda Soomaaliya si adag uga hortimid maalgashiga ay DP world ku samaysay dekedda Berbera iyo saldhiga UAE laga siiyay Berbera. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Musharax Saadiq Eenow, oo u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa qishay in Puntland nidaamka ka jira ee uu waqtiga ka dhammaaday uu qorsheenayo dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland. Dr Saadiq oo shalay ku dhawaaqay musharaxnimadiisa ee uu ugu taagan yahay doorashada xilka Madaxweyne ee bisha Janaayo 2019 dhaceysa, ayaa qaba in dagaalku ujeedkiisu yahay sidii loogu baajin lahaa doorashada, waqtigana ku kororsan lahaa Gaas. “Intii yareed ee aan joogay waxaan maqlayey dagaal ayaan dhacaya, dagaal dhici maayo oo doorashada wey dhici doontaa,” Waxaa sidaas yiri Dr. Saadiw Eenow. Ma aha sheeko cusub in Cabdiweli Cali Gaas uu uga dan leeyahay dagaalka Somaliland sidii uu ku dheeresan lahaa waqtiga, hase ahaatee waxa uu cadaadis badan kala kulmayaa musharaxiinta Puntland ee kula loolamaya doorashada. Sidoo kale waxa uu culeys ka saaran yahay beesha caalamka iyo dhinaca Villa Somalia maadama Madaxweyne Farmaajo ka digay collaad la dhex dhigo dad Soomaaliyeed oo walaalo ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Hadal heynta ugu badan dadka ku nool deegaanada Maamulka Puntland ayaa noqotay Canshuurtii lagu soo rogay Nimanka furayo xaasaskooda. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe oo ka hadlayey Munaasabad lagu daah furay Qabyo Tirka Xeerka Cashuuraha Moorka ayaa halkaas kaga dhawaaqay in canshuur lagu soo rogay ragga furayo xaasaskooda sabab kasta uu furriinka ku imaado. Lacagta Canshuurta ah ee laga rabo ninka naagtiisa furayo ayaa lagu sheegay inay tahay $20 Dolllar, inkastoo ay tahay lacag aan sidaas u badneyn haddana waxay noqotay mid ku cusub dadka reer Puntland. Ninka Xaaskiisa furayo ayaa lagu amray inuu waraaqda furriinka soo raaciyo lacagtaas inkastoo aan si cad loo sheegin halka lacagtaas lagu shubayo iyo cidda maamuleyso. Sharcigaan ayaa xafladda daahfurka looga dhawaaqay inuu hirgalay uuna ka dhaqan geli doono dhammaan deegaanada Maamulka Puntland. Go’aanka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ku soo beegmay,xilli haatan shaqo la’aanta baahsan iyo sicir bararka nolosha saameeyay ee degaannada Puntland ka jirto. Waa maamulkii ugu horreeyey ee sharci noocaan oo kale ah hirgeliyo, waxayna dadka qaar aaminsan yihiin in sharcigaan lagu yareenayo furitaanka badan inkastoo lacagtaan ay tahay mid yar oo dad badan ay awoodaan. Halkaan hoose ka dhageyso codka wasiirka: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/codka-wasiirka-maaliyada-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman, ayaa qaadacay qorsho lagu doonayay in lagu dhex dhexaadiyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dowlada Canada. Bin Salman, ayaa diiday in dowladiisa ay miiska wadahadalka la fadhiisato Canada, isagoo taa bedelkeeda sheegay inay doorbidayaan calaaqada labada dal oo sii fogaata. Waxa uu bin Salman sheegay inay adkaan doonto in dowlada Canada ay kala hadlaan arrimo ku saleysan faragalinta ay ku hayaan maxaabiis u xiran, isagoo carab ***** in xukunka iyo sharciga dalkooda ay u madaxbanaan yihiin. Dowladaha Britain iyo Mareykanka oo dalbaday xalinta khilaafka labada dal ayaa waxaa qaaday dalabkaasi bin Salman oo ku jawaabay in Sacuudiga uu garanayo cida uu dagaalka kala dhexeeyo iyo sida loola hadlo. Bin Salman oo doonaya inuu sii fogeeyo khilaafka Boqortooyada iyo Canada ayaa dalbaday in Britain iyo Mareykanka ay faraha kala baxaan khilaafka labada dal. Xiriirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Canada ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, kaddib markii dowladda Canada ay si kulul uga hadashay xariga dad u dhaq dhaqaaqa bulshada rayidka oo dhawaan dowladda Sacuudiga xabsiga u taxaabtay. Goor sii horeysay dowladda Sacuudiga ayaa go’aansatay inay xakameyso dhammaan ganacsiga iyo maalgashiga cusub ee u dhaxeeya Boqortooyada iyo Canada. Si kastaba ha ahaatee, reer galbeedka ayaa u muuqanaya kuwo xal u waayay khilaafka labada dal, inkastoo ay jiraan isku dayo kala duwan oo aan wali miro dhalin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa ka digay in Xildhibaanada baarlamaanka garabka mucaarada ay sabab u noqdan in Kenya ay Saldhig u noqoto sharci daro. Uhurro Kenyatta oo ka hadlaayay kulan ka dhacay Madaxtooyada ayaa sheegay in Xildhibaanada qaar ay ka shaqeynayaan in dalka uu galo xaalad adag. Kenyatta, waxa uu tilmaamay in aysan muhiim aheyn in xiligan lagu doodo in afti loo qaado dastuurka kenya oo bilihii la soo dhaafay waxka badalkiisa ay isku uruursanayeen Xildhibaanada mucaaradka. Kenyatta waxa uu halkaa ka sheegay in Kenya aysan xamili Karin in xiligan la faragaliyo arrimaha Dastuurka, balse waxa uu carab ***** inay jiri doonto xili ay munaasib tahay in si wada jira looga doodo afti ama bedel lagu sameeyo qodobada Dastuurka. “Cidna ma aqbali doonto in Kenya ay saldhig u noqoto sharci la’aan, Xildhibaanada mucaaradka waxan ka dalbaneynaa inay dib dhigtaan dalabkooda afti iyo qodobo laga saaro Dastuurka” Madaxweyne Uhurro, waxa uu sheegay in Xildhibaanada Kenya uu uga digaayo inay kusii fogaadan qodobada xiisada u abuureysa Kenya, waxa uuna sidoo kale cadeeyay inaan loo dulqaan doonin is uruursiga Mucaaradka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa mucaaradka usoo jeediyay in arrimaha Dastuurka ay kala doodan Madaxa golaha aqlabiyada barlamanka ahna mudanaha magaalada Garissa ee gobolka waqooyi bari kenya Mr Aden bare ducaale. Haddalka Kenyatta ayaa kusoo beegmaya xili 29 Sep 2018 uu Aden bare ducaale is hortaag ku sameeyay afti ay mucaaradka dalbadeen in loo qaado Dastuurka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan maanta ay soo saareen golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa ku gacan seeray islamarkaana wax aysan aqbali karin ku sheegay war-murtiyeed uu Aqalka Sare ka soo saaray xiisadda iyo khilaafka siyaasadeed ee maamulka GalMudug. Warsaxaafadeedka ay maanta oo Arbaco ah soo saareen dowlad goboleedyada ayaa waxa ay ku sheegeen in Aqalka Sare ay hareermareen qodobadii ka soo baxay Shirkii Kismaayo, si gaar ah qodobkiisa 3.9, kaasoo shaacinaya faragelinta dowladda ku heyso dowlad Goboleedyada. Ugu dambeyntii war saxaafadeedkan ayaa waxaa ay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ugu baaqeen Aqalka Sare inay qadariyaan Mowqifka Dowlad Goboleedyada ee shirkii Kismaayo, islamarkaana aysan faro-gelin ku sameyn arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada. Halkan hoose ka Aqriso War-Saxaafadeedka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa heshiis lagu hormarinayo gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Duulista Hawada la gashay dowlada Sacuudiga. Heshiiskan ayaa waxaa dowlada Somalia u saxiixay Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, oo haatan booqasho ku jooga Magalada Riyad ee dalka Sacuudiga, halka dhanka Sacuudiga uu u saxiixay Wasiirka Gaadiidka dalkaasi Cabdi Xakiin Bin Maxamed Altamiimi. Heshiiska labada dal ayaa dhigaya in si wada jir ah looga wada shaqeeyo arrimaha Duulista Hawada, waxa ayna Sacuudiga ballanqaaday inay dhaqan galin doonto Heshiiska. Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale lagu xoojinayaa wax wada qabsi dhinaca duulimaadyada labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya. Dowlada Somalia ayaa Heshiiskani u leh ahmiyad weyn oo ku aadan horumarinta iyo iskaashiga dhanka duulimaadka, waxa uuna sahlayaa in labada Wasaaradood ay is weydaarsadan duulimaadyada. Sidoo kale, heshiiskaas waxaa dhinaca Somalia goobjoog uga ahaa siihaya Safaarada Soomaaliya ee wadanka Sacuudi Carabiya Saalim Macow Xaaji,iyada oo dhinaca Sacuudiga ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Gaadiidka boqortooyada. Si kastaba ha ahaatee, heshiiska ayaa kusoo beegmaya xili dowlada Somalia ay bilahaani xooga saareyso dhanka duulimaadyada Somalia iyo wadamada hormarsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Soldiers at Fort Drum and veterans of the battle depicted in the film "Blackhawk Down" are commemorating the engagement's 25th anniversary. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin kooban oo si wada jira ay usoo saaren machadka Hilaal Institute oo xarun ku leh Somalia iyo machadka nabadda ee Yurub ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Kooxda xagjirka ah ee Daacishta Somalia. Warbixintan oo kooban ayaa waxaa lagu muujiyay cadadka Daacishta Somalia iyo weerarada khasaaraha nafeed geystay oo ay ka geysteen Somalia. Weerarada sida gaarka ah looga hadlay ayaa waxa ay ka kala dheceen deegaano hoostaga Puntland, Muqdisho iyo Gobolo kel. Macadyadan oo si qoto dheer baaritaan ugu sameeyay dhaqdhaqaaqa iyo cadadka Daacishta Somalia ayaa waxa ay ku sheegtay in tirro ahaan ay dhanyihiin Daacishta 300 dagaalyahano oo ay ku jiraan danbiilayaal. Warbixinada macadyada waxaa looga digay in Daacishta Somalia ee Saldhigyada ugu badan ku leh buuraha Galgala ay mustaqbalka dhaw halis ku yihiin Somalia. Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Daacish aysan laheyn awood ciidan oo la yaqaano, islamarkaana laga cabsado, balse ay leedahay fursad ay ku balaaran karto. Dhaqaale xoogan ayaa sidoo kale la sheegay inay kusoo xiro galiso dhalinyarada bilaa camalka ah, kuwaa oo si sahlan ugu gacangala Daacish. Sidoo kale, fursadaha ay ku balaaran karto kooxda Daacish ayay hay’adaha warbixinta soo saaray waxa ay ku sheegeen inay ka faa’ideystaan burbur ku yimaada Al Shabaab. Daacish oo geysata dhacdooyin aad u fool xun ayaa Puntland ka joogta dhul aad u yar, balse keliya hawlgaladooda aysan ku ekeyn goobaha ay joogan. Guddoomiyaha machadka Hilaal Institute Xuseen Macalin Maxamuud oo la hadlaayay Idaacada VOA ayaa sheegay in Daacish ay ka halis badan tahay Al-Shabaab maadaama ay heysato dhaqaale xoogan. Waxa uu intaa ku daray in Daacish ay Puntland ka joogan dhul aad u yar, balse keliya hawlgaladooda aysan ku ekeyn goobaha ay joogaan. Si kastaba ha ahaatee, Daacish oo kusoo aaday xili dowlada Somalia ay Hub ka heshay dowladaha ay saaxiibada la tahay ayaa ka hor istaagtay in Daacish ay Saldhigyo ka hirgaliso Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa baaritaan ku heysa website lagu sameystay magaca Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Website-kan ayaa cinwaankiisu yahay: hassankheire2020.com, waxaana laga hadal hayey baraha bulshada, iyadoo warbaahinta qaarkood ay u fasireen olole doorasho iyo khilaaf ka dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, laakiin waxaa soo baxday inuu yahay mid ay sameysteen kooxo dagaal siyaasadeed kula jira Kheyre iyo Farmaajo. Diiwaangelinta iyo sameyntawebiste-kan ee xilligan ayaa loo fahmay mid kusaabsan ololaha doorashada ee 2020 lagu wado in ay kadhacdo Soomaaliya, balse madax kamid ah xukuumadda ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in ololaha doorashada ee xukuumadda iyo xisbigeeduba aanay ahayn wax qarsoodi ah balse aan weli la gaarin xilli olole iyo doorasho midna. Dadka siyaasadda Soomaaliya iyo dad faallo kabixiyey website-ka cusub ayaa sheegay in ay suuragal tahay in arrikani muujinayo olole la soo hormariyey iyo xurguf siyaasadeed oo jirta, balse cid madax bannaan iyo xukuumadda Soomaaliya midkoodna ma sheegin warkaas. Hosting-ka webka waxa laga diiwaangeliyey shirkadda adeegga Website-ka ee Amazon Web service oo fadhigeedu yahay Jarmalka, waxaana suuragal ah in haddii aan diiwangelinta webkan ee Raisalwasaare Kheyre aanay xaqiiqo ahayn in dhinacyo kale oo tartan iyo xurguf siyaasadeed kala dhexeyso ay sameysteen webkan iyaga oo adeegsanay magaca Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre . Wararka ayaa sheegaya in Wasaaradda Boosatada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ay wado baaritaanka lagu bilaabay cidda ka danbeysa sameynta website-kan oo la sheegay in qofka sameystay uu is qariyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ururin ay Soomaaliya ka sameeyeen cilmi baareyaal ka tirsan Kooxda Farsight Africa oo ku takhasusay xaaladaha khilaafaadka dalalka Geeska Afrika ayaa shaaca ka qaadday kalsooni darrada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan hannaanka uu u shaqeeyo xafiiska Qaramada Midobey ee Soomaaliya (UNSOM). Ku dhawaad 1500 oo Soomaali ah, kuna kala nool magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Cadaado, Beladweyne, Baydhabo iyo Kismaayo ayaa la weydiiyey suaalo la xiriira shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan sannadkii ugu danbeeyey Danjirihii hore Michael Keating. Natiijada xog ururinta la soo bandhigay ayaa muujinaysay in kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan UNSOM ay gaartay heerkii ugu hooseeyey tan iyo markii la asaasay xafiiskan Bishii June ee sannadkii 2013kii. Boqolkiiba 52 qof oo ka mid ah dadka aragtidan laga soo ururiyey ayaa sheegay in aysan ku kalsoonayn hoggaanka iyo shaqada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, taas oo ka dhigan laba jibaar tiradii sannadkii hore ee 2017kii xilligaas oo boqolkii qof oo Soomaali ah 27-ka mid ah oo kaliya aysan la dhacsanayn shaqada UNSOM. Sababaha ugu waaweyn ee arrinkan loo aanayn karo ayaa la aaminsan yahay in ay tahay cabsida shacabka Soomaaliyeed ay ka qabeen afmaroojinta joogtada ahayd ee Danjire Michael Keating uu ku haystay go’aanka Dowladda Goboleedyada dalka iyo sida uu u hurin jiray khilaafaadka kala dhexeeya Dowladda Federaalka ah. Soo bandhiggadda Xog ururintan ayaa ku soo beegmatay xilli uu Maanta soo gaaray dalka Ergayga Cusub ee ay Qaramada Midoobey u soo dirtay Soomaaliya Nicholas Haysom. Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee loo magacaabay Soomaaliya ayaa sheegay inay sharaf iyo mudnaan gaar ah u tahay inuu labada sano ee soo socota joogo Soomaaliya. Nicholas Haysom ayaa u dhashay Dalka South Africa waxana uu ka soo shaqeeyay dalal badan oo caalamka ah. Ergeygan cusub ee Qaramada Midoobaya ayaa mudada uu wakiilka ugaga yahay xoghayaha guud ee qaramada midoobay ay tahay labo sano,waxana uu ku soo beegmayaa imaanshihiisa iyadoo khilaaf weyn uu ka dhex jiro madaxda dowlada federalka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan siyaasadda ay dowladda Soomaaliy dalka ku maamusho ayaa la filayaa inuu dhawaan soo gaaro dalka Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo khilaaf ka gacan ka hadal gaaray uu dhex maray isaga iyo Dowladda Soomaliya isla markaasna lagu weeraray gurigiisa oo Muqdisho ku yaal oo bilooyinkii dambe ku maqnaa safaro dalalka Debadda ah iyo Olole siyaasadeed ayaa hadda sal dhigtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Sida ay illo wareedyo u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maalmaha soo socdo lagu wadaa inuu gaaro Magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel. xogtaan aan helnay ayaa kusoo aadeyso xilli uu dhawaan Cabdiraxmaan oo wareysi bixiyey sheegay inuu dalka ku laaban doono isla markasna uu safar kusoo kala bixin doono Gobolada dalka. Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu Muqdisho tagi doono isagoo ay u diyaarsan yihiin ciidamo uu sheegay inuu isaga ilaalin doono weerar mar kale uga imaado dhanka Dowladda Soomaaliya. Cabdiraxmaan ayaa la filayaa inay Dhuusamareeb kusoo dhaweeyaan madaxda Galmudug oo ay ugu horeeyaan Xaaf iyo Sh. Shaakir, wuxuuna safarkaan qeyb ka yahay ololaha uu ku jiro Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee uu ku doonayo inuu mar uun ku noqdo Madaxweynaha Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhawaan iska diiday inuu ku biiro xisbiga ay ku midoobeyn Qabyo, Daljir iyo Horsocod isagoo ku adkeystay inuu sii lahaan doono xisbigiisa Wadajir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tan iyo bur burkii Dowladdii Soomaaliya ee sagaashamaadkii, dalku kama guurin nidaamkii siyaasadeed ee ku dhisnaa Madaxweyne iyo Raiusl Wasaare, kuwaas oo aan awood badan is dheereyn. Awoodaha iska ag dhaw ee Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha ee uu isaga soo doorto waxa ay sababtay in ay iska hor yimaaddaan siyaasad ahaan, haba ugu badnaatee dowladihii burka marka laga reebo midda ay hadda hormuudka u yihiin Lada hoggaamiye ee hadda talada haya ee is bedel doonka ah “Reformists), Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre, madaxdii hore iyaguna wey is khilaafi jireen. Hadaba maxaa dhacay? Soomaaliya markii ay gobonimada qaadatay waxaa Madaxweynihii ugu horreeyey noqday Aadan Cabdulle Cismaan (Aun) halka uu Raisul Wasaarihii ugu horreeyey noqday Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun), labaduba waxa ay ahaayeen KMG muddo sanad ah, balse markii la ansixiyey aftadii waxaa si rasmi ah 1961 Madaxeyne loogu doortay Aadan Cabdulle Cismaan (Aun), isla sidii ayuu mar labaad Raisul Wasaare ugu magacaabay Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun). Soomaaliya xilligaas waxaa wel wel ku hayey dhisidda ciidanka qalabka sida oo awood leh. Taas waxa ay keentay in 1962-kii uu Raisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun) booqashooyin ku maro dalalkii wagaas ugu awoodda badnaa gaar ahaan kuwii reer Galbeedka; Mareykanka, Britain, Germany iyo Italy. Dhammaan wadamadaas waxa uu ka codsaday Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun) in ay Soomaaliya ka caawiyaan dhisidda ciidamada qalabka sida oo cudud iyo tiraba leh, ha yeeshee, dhammaantood wey ku gacan sayreen iyaga oo isku wada raacay in Soomaaliya loo dhiso 3000 oo ciidan loona qalabeeyo! Ogow, xilligaas, Itoobiya waxa ay lahayd 30,000 (Sodon kun) oo ah ciidamo Militari oo aad u hubeysan halka ay sidoo kalena lahaayeen 30,000 (Sodon kun) oo kale oo hoos yimaadda sida ciidamada ilaaliyaha boqortooyada (Empire Guards) iyo Boolis. Raisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke wey u cuntami weysay sidii ay reer Galbeedku doonayeen waxa uuna go’aansaday in uu xulasho kale raadiyo. Markii uu dalka ku soo laatay Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxa uu go’aansaday in uu la kulmo Madaxweynihii Midowga Soofiyeeti Khrushchev balse waxa uu ogaa in uu ku qasban yahay sugidda bisha Sebteembar si ay waji waji isugu arkaan shirweynaha Qaramada Midoobe ee sanadkiiba bishaas toddobaadkeeda labaad la qabto. Nasiib Wanaag se, Midowga Midowga Soofiyeeti waxa ay marti-qaad u sameeyeen gudoomiyeyaashii Baarlamaanada ee wadamadii la guumeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Taas, waxa ay farxad galisay Raisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo helay fursad uu dhambbaal ugu gudbiyo Khrushchev maadaama uu gudoomiyahii Baarlamaanka Jaamac Cabdullaahi Qaalib aadayo Moscow. Cabdirashiid Cali Sharmarke laba maalin kahor safarka gudoomihii Baarlamaanka Jaamac Cabdullaahi Qaalib ayuu farriin u faray taliyihii ciidamada xoogga Jeneral Da’uud Cabdulle Xirsi si uu ugu sheego in farriin hadal ah “Verbal message) uu Raisul Wasaaruhu ugu dhiibi doono Khrushchev balse ay sir tahay, xafiiskana labadooda oo wada socda ugu imaan doonaan maalinta xigta. Cabdirashiid waxaa ku adkatay tegidda xafiiska Jaamac Cabdullaahi Qaalib isaga oo is tusay in tuhun ka dhalan doono haddii maalin kahor safarka gudoomiyaha Baarlamaanka lagu arko xafiiskiisa, waxa uu sidoo kale ka xishooday in uu gudoomiyaha ka dalbado in uu isaga u yimaado. Cabdirashiid waxa uu u sheegay General Da’uud in ay fariinta ugu sheegi doonaan gudoomiyaha Madaarka/garoonka Diyaarahada, markaas oo ay dad badani sagootin doonaan oo haddii gooni loola boxo aysan shaki dhalineyn. Qorshihii Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun) sidii uu rabay ayuu u fulay waxa uuna farriintii uu doonayey ugu dhiibay Khrushchev oo ahayd “Waxaan idinka codsaneynaa in aad hub iyo tababarba noo siisaan ciidamadeena xoogga”. Gudoomiyihii Baarlamaanka waxaa ku soo dhaweeyey Mosocw safiirkii waqtigaas Soomaaliya u fadhiyey Axmed Maxamed Aadan (Danjire Qaybe). Danjire Qaybe waxa uu u sheegay Madaxweynihii Midowga Soofiyeeti Khrushchev in gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya farriin hadal ah (Verbal Message) uga sido Raisul Wasaaraha Soomaaliya. Madaxweyne Khrushchev, Guddoomiye Jaamac Cabdullaahi Qaalib iyo Danjire Qaybe waxa ay ku kulmeen Badda Madow (The Black Sea), halkaas oo uu farriintii uu ugu gudbiyey Jaamac Cabdullaahi Qaalib. Muxuu ku jawaabay Khrushchev? Madaxweynihii Midowga Soofiyeeti waxa uu ku jawaabay hagaag iyo hawraarsan isaga oo u raaciyey hadalkan “Waan aqbalnay codsigiinna oo wax aan bixinno waxaa noogu fudud hub balse ogaada cadaw ayaad ku yeelan dootaan.” Si heshiiska looga dhigo rasmi oo loo mariyo qawaanniintii loo baahnaa (Formalities), waxaa Soomaaliya soo aaday Danjire Qaybe oo fududeeyey hawsha maadma uu ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Moscow taas oo aan shaki badan galin lahayn reer Galbeedkii liddiga ku ahaa Midowga Soofiyeeti halka haddii siyaasi kale ama hoggaamiye kale lagu arko safaaradda Midowga Soofiyeeti a tuhun dhalin lahayd. Qiyaanaddii Qaranka u wanaagsaneyd ee uu Cabdirashiid ku sameeyey Aadan Cadde Heshiiska si uu u dhaqan galo waxa uu u baahnaa saxiix Madaxweyne, hase ahaatee, waxa uu ahaa qofkii laga qarinayey yaa saxiixaya? Nasiib wanaag, Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan (Aun) waxa uu safar ku tagay Italy, intii uu maqnaa ayuu Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun) ka saxiixay Gudoomiyehii Baarlamaanka oo ahaa ku simihii Madaxweynaha markaas Jaamac Cabdullahi Qaalib, halkaasna waxaa sharci ku noqday heshiiskii lala galay Midowgii Soofiyeeti! Soomaaliya,wixii intaa ka dmabeeyey waxa ay ka baxday canaadkii reer Galbeedka iyada oo taagerero weyn ka heshay Midowga Soofiyeeti oo gaadh siiyey cududdii ciidan ee dalka tii ugu sarreeysay ee Qaaradda Africa. W/Q: Mohamed Muse Aden (Moh’ed Kaafi) Email: Muhamedkaafi@Gmail.com Waxaan ka soo xigtay General Jaamac Maxamed Qaalib, oo qudhiisa xilal waa weyn ka soo qabtay Soomaaliya barisamaadkii, (Taliyaha Sirdoonka (1962), Taliye Boolis, iyo afar Wasaaradood oo xilligii Dowladii Maxamed Siyaad Barre (Aun). Jaamac Maxamed Qaalin waxa uu ahaa barahayga Sooyaalka Siyaasadda Ee Heer Jaamacd. Ballan Qaad Waxaan sheekdan idiinku xijin doonnaa; Wixii qiyaanada kaddib kala qabsaday Madaxweyne Aadan Cadde iyo Raisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Wixii kala qabsaday Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Reer Galbeedka dhacdadan awgeed.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Four masked men armed with pistols held up a busy restaurant at market in Somali capital Mogadishu. The men, whose faces covered with bandanas pointed their handguns (pistols) at dozens of people having lunch at busy restaurant in the country’s largest Bakara market in the capital of Mogadishu. The suspects reportedly robbed up to 30 people from all their money and smart-phones, according to a witness, who asked to be unnamed, because of reprisal attack on his life. He says four men, wearing Somali security uniforms armed with pistols robbed all people, who had been having lunch at the restaurant. The robbery cases has been rising in the capital for the past months, after country’s security ministry made security soldiers’ reshuffle. He told Caasimada Online that the suspects escaped from the scene. Somali police was unavailable to reach on the phone for comments on the latest robbery allegedly carried out by men wearing Somali security uniforms. Mogadishu capital has been witnessing series of assassinations against Somali soldiers, civil servants, and other senior government staff members as some of the attack were claimed by Al Qaeda linked Al Shabaab group based in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Waxaa maanta shaqo joojin sameeyey shaqaalaha qeybta hagista diyaaradaha ee garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho. Shaqo joojintan ayaa ka billaabatay khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay shirkad maamusha garoonka Aadan Cadde iyo shaqaalaha Soomaalida ah. Arrintan waxaa ay ka dambeysay kadib markii masuuliyiinta shirkadda Favori oo maamusha garoonka Aden Cadde ay shaqada ka eryeen horjoogihii shaqaalaha hagista diyaaradaha. Lama oga sababta rasmiga ah ee uu salka ku hayo khilaafka shirkadda iyo horjoogaha shaqaalaha, hase ahaatee waxaa in muddo ahba soo kordhayay cabashada ay shaqaalaha haga diyaaradaha garoonka ka qabeen shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan magaalada Muqdisho ay marti gelineyso dhac iyo dilal aan kala joogsi laheyn tan iyo markii isbadal lagu sameeyay amniga guud ee Muqdisho oo lagu wareejiyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaa aad u soo badanaya dhaca ay geysanayaan ciidamada dharka cas ee Nabad Sugidda loo yaqaano kuwaa oo bistoolado sharciyeesan magaalada ku dhex wata. Xaafadaha iyo Suuqyada Muqdisho habeen iyo maalin waxaa xoolaha dadka ku dhaca rag ku hubeysan Bastoolada iyo qoryaha fudfud kuwaa oo qaarkood wata mootooyinka loo yaqaano Bajaajta iyo gawaarida Raaxada, halka qaar kamid ah ay wax dhacaan iyagoo lugeynaya. Maqaayad ku taala gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaayad u dhaw suuqa Bacadlaha, waxaa ka dhacday fal burcadnimo kii ugu xumaa, waxaana koox gaareysa afar qof oo hubeysan ay dhaceen dadkii maqaayadda ka cunteynayay xiliga qadada oo Moobayladii iyo agabkoodii kale xoog furtay. Maqaayadda aya awaxaa ku jiray dad ku dhow 30 qof. Raggan hubeysan ayaa watay qoryo iyo bistoolado, labo kamid ah ayaa la sheegay iney Albaabka maqaayadda istaageen halka labada kale ay aruurinayeen Taleefoonada ay wateen dadka maqaayada rashiinka ka cunayay. Ma jirin cid daba gashay ama dib u soo celisay xoolaha laga xoogay shacabkaasi Soomaaliyeed, waxaana Bakaaraha uu kamid yahay meelaha ugu khatarta badan ee Muqdisho oo sidoo kale la isku dilo. Xiliyada Aroortii iyo gabal dhicii aad ayaa dadka loogu dhacaa Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha, kooxaha hubeysan oo la aqoon waxa ay yihiin ayaa dila dadka diida in alaabtooda laga qaato, halka ay dhaawacaan mararka qaar dadka ay wax ka waayaan. Xaalka Muqdisho ayaa sidan iska ah baryahan dambe majirto cid wax ka qabaneysa iyo cid wax iska weydiisa gaar ahaan laamaha Amniga oo shaqadoodu tahay in ay ilaaliyaan hantida iyo badqabka muwaadinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kormeeray dugsiga sare ee Jabuuti oo kamid ah iskuulladii dhawaan ay dawladdu la wareegtay, ayaa wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ku ammaanay hannaanka hufnaanta iyo dhaqsaha leh ee ay iskuulaadka ku gaarsiinayso buugaagta manhajka cusub ee waxbarashada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo wasiiru dawlaha waxbarashada iyo tacliinta sare, ayaa mid mid u galay fasallada iskuulka oo ay ka socotay qaybinta buugaagta manhajka ay dhawaan dawladdu daah-furtay, waxa uuna xog-waraystay maamulka iyo macallimiinta iskuulka. Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay in dawladda ay ka go’antahay dhaqan gelinta waxbarasho lacag la’aan ah oo leh tayo sare. Ra’iisul wasaaraha ayaa maamulaha iskuulka kula dardaarmay in si hufan loo dhaqan geliyo manhajka si ardayda Soomaaliyeed uga faa’iidaystaan loona dhiso garaadka iyo aqoonta jiilka soo koraya. Xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku guulaysatay hir-gelinta manhajka cusub iyo waxbarasho lacag la’aan ah si sare loogu qaado tayada waxbarashada, wiil iyo gabar kasta ee Soomaaliyeedna loo siiyo fursadda waxbarasho ee ay xaqa u leeyihiin. Hir-gelinta nanhajka ayaa meesha ka saaraysa dhibaatadii lagu qabay manhajyadii kala duwanaa ee dibadda laga soo dhoofiyay, waxa uuna fudaynaa tayaynta waxbarashada, kormeerka iskuulladda iyo qaadista imtixaanka midaysan. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Soomaaliya oo hirgelinaysa waxbarashada lacag la’aan ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku fashilantay in ay u gurmado dad Shacab ah oo dhawaan ku dhawaaqay in ay dagaal la gali doonaan dagaalyahanada Al-Shabaab. Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa weerar ku qaaday xukuumadda Kheyre, isaga oo sheegay in xukuumadda Xasan Cali Kheyre aysan u gurman Koox Macawisley ah oo dhawaan dagaal ka dhan ah Shabaab kaga dhawaaqay Shabeellaha Dhexe. Waxaa sheegay in dadkaasi la rabay in lagu taageero hub iyo dhaqaalle si ay u xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab. Xildhibaanka ayaa sheegay in uu tacsi u diraayo Hoggaamiyihii Kooxda Macawisleyda oo ku dhintay dagaal maalmo ka hor ka dhacay Shabeellaha Dhexe ka dib markii Shabaab ay weerar kusoo qaadeen. Dhanka kale Xildhibaan Cabduqaadir Carabow oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaal saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab iyo Shacab is aruursady ku dhex maray deegaano ka tirsan Sh/Dhexe. Xildhibaanka ayaa sheegay in dadkaasi ay sababta ku kaliftay inay dagaalmaan ay tahay kadib markii,Xoolahooda la dhacay,guryahooda la gubay,isla markaana dhibaatooyin kale loo geystay. Shacabka is aruursaday oo la Magac baxay Macawuusley ayaa waxa uu sheegay ay yihiin Jabhadda dib u xureynta Gobolka Shabeelaha dhexe,hayeeshee ay yihiin kuwo aan loo aas aasin dano gaar ah oo Siyaasadeed. Xukuumadda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay siiso taageero ciidan,maadaama ay dagaal xooggan kula jiraan Al-Shabaab. Dadkaan Shacabka ah ee la magac baxay Macaawusley ayaa Maalin ka hor waxa ay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,sida Masaajid Cali Gaduud ay kula dagaalameen Al-Shabaab,iyada oo dagaalkaas uu ku dintay hoggaamiyahoodii oo lagu Magacaabi jiray Hibaad Cali Dasar. Isniintii ayaa halgamaa Hibaad Cali Dasar oo muddo dagaal xooggan kula jiray argagixisada Soomaaliya ee Al-Shabaab, si uu dhibkooda uga dul-qaado dadkiisa iyo deegaankiisa waxa uu ku geeriyooday Tuulada Xagareey, oo u dhaw Guulane, islamarkaana hoos tagta degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Hibaad Cali Dasar oo hogaaminayey Jabhadda dib u xoreynta Shabeellaha Dhexe iyo haglamaa kale oo lagu magacaabo Nuur Cali Jumbur ayaa ku geeriyooday dagaal ay shalay ku qaadeen Shabaabka, oo ay kaga dileen 18 maleeshiyo. Hoos ka dhageyso Cabdi Shire https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/n-waa.mp3Hoos ka dhageyso Cabduqaadir Carabow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Cod-xildhibaan-Caraboow.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com