-
Content Count
213,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somaliland ayaa sheegtay inay tartan kula galeyso dalka Djibouti sidii dekadda Berbera looga dhoofin lahaa gaas-ka dabiiciga ah ee laga soo saarayo dhulka Soomaalida Itoobiya, Dalabka Somaliland waxaa uu imaanayaa kadib markii la sheegay in Itoobiya ka faa’ideysaneyso dhoofinta gaaska dabiiciga ah oo lagu qiyaasay lix-siddeed billion cubic feet, tayadoodana aad u sareyso. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in daaweynta qarashka ku baxaya xagga gudaha oo xooggan darteed, heshiis lala galay shirkad Shiinees ah, shirkadda Poly-GCL waxaa ay tubooyinka gaaska geyn-doontaa ilaa Djibouti. “Maxaa diidaya in gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro dhulka Ogaadeniya la marsiiyo dekadda Berbera” waxaa sidaasi yiri Jaamac Maxamud oo ah wasiirka tamarta ee Somaliland. Inkasta uu Jaamac sheegayo in go’aanka ay leedahay Itoobiya hadana waxaa uu intaasi raaciyey inay xiriir la sameyn-doonaan shirkadda Poly-GCL oo ah shirkadda tubooyinka gaas ah geyn-doonta dalka Djibouti. Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu sheegay inay Gaaska dabiiciga ah u dhoofin-doonaan dalka Djibouti 2021-da. Guddoomiyaha dekadda Djibuti Abuubakar Cumar Haadi ayaa dhankiisa sheegay in aanu la socon dalabka Somaliland isaga oo intaasi raaciyey in dalkiisu uu mar hore heshiis la galay shirkadda Poly-GCL, isla markaana uu soo dhoweynayo wixii tartan ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu Muqdisho kula kulmay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Sultan bin Sacad Al Muraikhi. Sultan bin Sacad Al Muraikhi, waxaa uu ugu horreyntii soo gaarsiiyey madaxweyne Farmaajo dhambaal uu ka siday amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani kaas oo horumar iyo barwaaqo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed. Dhankiisa, madaxweyne Farmaajo waxaa uu amiirka iyo shacabkiisa u rajeeyey barwaaqo iyo horumar isaga oo ka mahadceliyey taageerada uu siiyo Soomaaliya. Intuu uu kulanka socday waxaa kale oo ay labada dhinac ka wada hadleen xiriirka labada dal, taageerada ay Qatar siiso maamulka Farmaajo iyo sidii ay u sii xoojin lahaayeen. Dalka Qatar waxaa uu ka mid yahay dalalka ballan-qaaday maalgelinta mashaariic badan kuwaas oo weli laga sugayo, lama oga in kulanka looga wada hadlay goorta la fulinayo. May 24, 2017: Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa booqday Qatar, isaga oo halkaasi kulamo kula yeeshay Amiirka dalkaasi Tamiim. Wafdiga Wasiirrada ah ee la socday madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmay dhiggooda Dalka Qatar, waxayna ka wada hadleen sidii iskaashi buuxa ay u yeelan lahaayeen Wasaaradaha ay kala matalaan ee Labada Waddan. November 28, 2017: Iyaga oo laga amba-qaadayo safarkii Farmaajo uu Qatar ku tagay May, waxaa Muqdisho yimid wafdi ka socday Qatar, iyaga oo xukuumadda Soomaaliya ka saxiixday heshiis ku kacaya $200 Milyan oo mashaariic la saxiixatay dowladda federaalka ah, waxaa ugu mihiimsan dhimsha waddada Muqdisho-Afgooye 30 KM, Wadada Muqdisho-Jowhar 90 KM iyo xarumo kale oo dowladeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa ka soo horjeeystay shirkii uu markale ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Afhayeenka guddiga iskaashiga dowlad goboleedyada ahna wasiirka dastuurka maamulka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ka hadlay warqadaasi ka soo baxday xafiiska madaxweynaha. “Warqadaasi annaga ma aanu arkin, balse baraha bulshada ayay dhex yaaceysaa, mar waxaa la leeyahay madaxweynaha ayaa qoray, marna wasiirka arrimaha gudaha ayaa qoray, annaga xafiiskeena weli ma soo gaarin warqadda, hadii ay soo gaarto ayaan ka hadli karnaa” ayuu Cabdullaahi Sheekh Xasan Waxa uu sheegay in ay ka war sugayaan aqalka sare go’aanka uu ka gaaro khilaafka maamul goboleedyada islamarkaasina hadda aanay diyaar u aheyn shirka uu ku baaqay madaxweynaha in ay ka qeeybgalaan. Dhowaan madaxweyne Farmaajo ayaa markale ku ciliyay in madaxda maamul goboleedyada ay shir isugu yimaadaan si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada oo ka soo horjeeystay shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul to unveil new airport, seeks to be world’s biggest
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
ISTANBUL (AP) — Recep Tayyip Erdogan has held plenty of grand opening ceremonies in his 15 years at Turkey’s helm. On Monday he will unveil one of his prized jewels — Istanbul New Airport — a megaproject that has been dogged by concerns about labor rights, environmental issues and Turkey’s weakening economy. Source: Hiiraan Online -
HARGEISA (HOL) – A new book about the biography of a former influential minister has been criticized for revealing secrecy surrounding the health state of the former president of the breakaway northern Somalia territory of Somaliland, an issue that has long remained a mystery to the people in the enclave. Source: Hiiraan Online
-
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan maanta oo Isniin ah ku leh xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho. Kulanka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa inoo xaqiijiyay in uu jiro Xildhibaano aan la hadalnay. Ajendaha kulanka ayaa ah u codeeynta wax ka badalka xeer hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiye Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayuu qorshuhu yahay in shirkaasi uu shir gudoomiyo. Amaanka xarunta golaha shacabka ayaa la adkeeyay waxaana la sii xiray wadooyinka ku dhow xarunta golaha shacabka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
The sun rises and sets in rural Jowhar, Somalia, the same way it does in Phoenix. In order to make sure both places get the most out of it, Guled Wiliq has to start with the basics. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dalka Japan ka diray dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee ay Carabi sameyso, waxaa laga tuuray gantaalka (H-IIA) ee dalka Japan. KhalifaSat, ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee leh qolal nadiif ah, waxaa lagu sameeyay shaybaarada teknoloojiyadda hawada sare ee xarunta Mohammed bin Rashid , dayax gacmeedkan sameyntiisa waxaa loo diiwaangeliyay 5 shahaado oo Patent ee marka wax cusub la curiyo lagu bixiyo. Dayax gacmeedkan ayaa soo qaadi doona sawirro hawada sare ah oo aad u heersarreeya, halka tartanka Imaaratka ee dunida uu sii kordhinayo dhanka sawirrada hawada sare laga soo qaaado. Dayax gacmeedkan ayaa sameyntiisu qaadatay 4-sano oo lagu diyaariyay, iyadoo ay soo saareen koox khubaro ah oo ka shaqeysa xarutan Mohammed bin Rashid ee culuumta hawada sare. Farouk El-Baz oo ah caalim reer Masar ah oo culuumta hawada sare ku takhasusay ayaa sheegay in dayax gacmeedka KhalifaSat ay soo saareen Injineerro Imaaratka u dhashay, waa shaqo caddeyn u ah in Carabtu ay wax qabsan karto, waa dhacdo dhanka mustaqbalka u wanaagsan, waxa uu tilmaamey iney yididiilo u tahay dhalinyarada, waxa uu riixayaa waxsoosaarka, qorsheynta iyo fikirka wiil kasta oo dhalinyara ah oo ka soo jeeda dalalka Carabta. KhalifaSat, ayaa howshiisu tahay inuu dhulka isha ku hayo oo howlaha gurmadka bani’aadamnimo ee adduunka ka socda uu ka qeybqaato, waana dhacdo lagu tilmaamay in Imaaratka ay ka dhigayso dowalad kaalin ku leh culuumta hawada sare ee weliba heer caalami, waana teknoloojiyad aadanaha loogu adeegayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dawladda Sucuudiga, ayaa la sheegay inay ku qancisay dawladda Soomaaliya inay joojiso dagaalka mucaaradeed ee ay kaga soo horjeedo mashruuca horumarinta iyo casriyaynta dekedda Berbera ee DP world. Wargeyska The Indian Ocean, ayaa cadadkiisii jimcaha qoray in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre oo safar ku tagay dalka Sucuudiga maalmihii la dhagax dhigayay balaadhinta dekedda Berbera, uu boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, maalin ka hor xafladii dekedda lagu balaadhinayay u bandhigay sida adag ee ay dawladiisu uga soo horjeedo maalgashiga DP World ee dekedda Berbera. Laakiin boqorka Sucuudiga ayaa aakhirkii ra’iisal wasaare Khayre ku qanciyay inuu joojiyo mucaaradada uu ku hayo maalgashiga DP World ee Berbera, iyadoo lagu bedelanayo caawimo dhaqaale oo lagu caawinayo dawladda Soomaaliya si ay u bixiso mushahaharka askarteeda iyo saraakiisha Booliska. Sida uu qorayo wargeyska the Indian Ocean, wuxuu boqorka Sucuudigu u sheegay Xasan Cali Khayre inaanu farogelin maalgashiga Imaaraadka Carabta ee Somaliland ee balaadhinta dekedda Berbera. “Muqdisho markaas way joojisay inay ku qayliso saxeexii 12 Oktoobar ee qandaraaska $101 milyan dollar ee dhex maray shirkadda Imaaraatiga ah ee ee Shafa Al Nahdah iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ee ku saabsanaa wejiga koowaad ee balaadhinta dekedda Berbera.” Ayuu yiri wargeysku. Ma jiro war madaxbanaan oo xaqiijinaya warbixintan uu shalay baahiyay wargeyska The Indian Ocean, islamarkaana xiriir aan la sameynay xafiiska Kheyre, waan ka weynay wax jawaab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
KISMAYO (HOL)–New details have emerged over clashes in the Somali port city of Kismayo where soldiers loyal to the local administration clashed with new rebellious military recruits who were hired to strengthen the security of the region which is struggling to flush out fighters loyal to the Al-Qaeda linked al-Shabab group that are still active in surrounding areas, official say. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergada Qaramada Midoobey Iyo Midowga Afrika Ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Ambassador Francisco Madeira oo maanta la kulmay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay bilaabayaan dhex-dhexaadinta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, taasi oo khilaafsan hadalkii Kheyre ee ahaa inuusan aqbalin dhex-dhexaadin dhinac saddexaad. Mudane Cabdi Xaashi oo arrintan ka hadlayey wuxuu yiri “Saaka waa ii yimid Ergada Qaramada Midoobey Iyo Midowga Afrika Ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Ambassador Francisco Madeira, waxaa ay yiraahdeen waxaa rabnaa in aan tagno dowlad goboleedyada, adinka waxaan idiinka rabnaa in wixii talo ah oo aad na sii neysaan na siisaan, waxaan siinney, intii aynu soo wadnay iyo arrimhii sidii ay u dhaceen oo dhan, waxay dhaheen, maxaan ku dhahnaa dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexaba? “. Dhinaca kale, xoghayaha guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac oo kulanka faahfaahin ka bixiyey wuxuu yiri” Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowgga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxay ka wada hadleeen sidii xaladda hadda jirta loo dejin lahaa, sidii shaqada aqalka sare loo taageeri lahaa iyo talaabooyinka ugu muhiimsan ee la qaadi karo sidii nabad iyo xal waaro loogu heli lahaa qarannimada Soomaaliya” “Waxa uu guddoomiyaha uga mahadeceliyey xog raadin-doontooda iyo waqtiga ay ku bixiyeen, guddoomiyahana wuxuu siiyey xog balaaran shaqadii aqalka soo qabtay, meesha wax marayaan iyo tallaabooyinka la rabo in la qaado”. Arrinta ayaa imanaysa ayada oo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu horey ugu gacan seeray dalabkii madax goboleedyada ee ahaa in daraf saddexaad uu dhex-dhexaadiyo labada dhinac, waxaana uu Kheyre uu wacad ku maray in marnaba uusan aqbalki doonin in beesha caalamka ay soo kala dhex-gasho. Ma cadda in mowqifkii Kheyre uu wax iska beddelay iyo in kakle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Aqoonyahan Faysal Rooble oo ah fallanqeeye siyaasadda Soomaaliya iyo tan caalamka ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News kaga warramay xalka khilaafka ka dhex aloosan wali dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah marka laga reebo Hirshabeelle iyo sidoo kale caqabadaha ka dhallan kara haddii xaaladdu sidaan u sii taagnaato. Wuxuu sheegay in khilaafka haatan taagan aan looga maarmin wada hadal labada dhinac ay isugu yimaadaan si ay xal uga gaaraan tabashooyinka jira. Fallanqeeye Faysal oo soo hadal qaaday wararka sheegaya in Villa Somalia ay gadaal ka taagan tahay musharrixiin u hardamaya doorashada madaxtinimada ee qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka ayuu tilmaamay haddii arrintaasi dhab noqoto ay tahay foolxumo ku dhacaysa aqalka Madaxtooyada. Waxa uu ku eedeeyay xukuumadda federaalka in ay la wareegtay shaqadii gollaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, arrintaasoo uu ku sifeeyay in ay keeni karto dib u socod iyo in dalku halkii la doonayay ee horumarka ahaa aanu gaarin. Dhanka kale, aqoonyahanka oo aynu su’aalnay shirkii Garoowe ayaa sheegay in madaxda gollaha iskaashiga ay xaajadoodu u muuqato qalad qalad ku sax maadaama buu yiri qodobada ay soo saareen ay ku jiraan kuwa jiritaanka Soomaaliya wax u dhibaya. Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayuu sheegay in masuuliyadda ugu horreeysa uu leeyahay islamarkaana uu u soo jeedinayo in si degdeg ah gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada uu wada hadal ula furo isagoo shaqada kala wareegaya wasiirkiisa koowaad Xasan Cali waa sida uu aqoonyahan Faysal Rooble hadalka u dhigay. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/AQOONYAHAN-FAYSAL-28-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay si rasmi ah u bilaabi doonto galista dalkeeda fiiso la’aan. Dowladu waxa ay sheegtay in fursadaasi ay tahay keliya mid ay heli doonaan muwaadiniinta kasoo jeeda Qaarada Africa oo ay ku jiraan Soomaalida. Waxa ay dowladu ku dhawaaqday in si rasmi ah ay u bilaabi doonto 9-ka bisha November ee sanadkan dhammaan dadyowga Afrikanka ah ee booqanaya Ethiopia aan laga dooneynin wax fiiso ah ay bannaanka ka soo qaatan. Madaxweynihii Ethiopia ee xilka ka degay Dr Mulatu Teshome ayaa horay u sheegay in dowladda Ethiopia ay ku dhawaaqayso xiliga sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabi doono howlaha isku socodka dalalka Geeska Afrika. Dowlada cusub ay hoggaamineyso Haweeneyda ayaa mar kale ku dhawaaqday in 9-ka bisha November ay bilaaban doonto galista Ethiopia iyadoo aan la qaadan wax Fiiso dal ku gal ah. Sidoo kale, muwaadiniinta qaarada Africa ayaa hadda ka hor fiisaha dal ku galka ah ka qaadan jiray Safaaradaha Ethiopia ay ku leedahay oo waddamadooda. Talaabadan ayaa waxaa si weyn uga faa’iideysan doona Soomaalida oo markii hore silac baahsan ku qabay u safrida dalka Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Rand Paul oo ka tirsan Senetarada Jamhuuriga ee dalka Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Sacuudiga ay si rasmi ah ugu sifowday garabsiinta argagixisada. Senator Rand Paul, ayaa hadalkan sheegay mar uu ka hadlaayey isku soo baxa montana ayaa waxa uu tilmaamay inay jiran cadeymo muuqda oo ay u hayan in dowlada Sacuudiga ay dhaqdhaaqe iyo maskaxba ku bixiso argagixisada, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu Senator Rand Paul tusaalo usoo qaatay dhacdooyinka Sacuudiga ee Yemen isagoo carab ***** inay jirto wada shaqeyn hoose oo ay la leeyihiin Kooxaha argagixisada ay kula jiran dagaalka. Dagaalka Sacuudiga ee Yemen, ayuu sheegay inuu yahay mid mala awaal ah oo aan waxba ka jirin, balse ay xaqiiqdu tahay in Sacuudiga uu Yemen ku dhex barbaarinayo argagixisada. Senator Rand Paul, waxa uu intaa raaciyay in Sacuudiga xitaa uusan garankarin sababta ay ku laayen 15,000 ruux ee ku geeriyootay kumanaan kalana ay ku dhaawacmen duqeymaha iyo dagaalada ka socda Yemen. Nuqul kamid ah haddalka Senator Rand Paul ayaa ahaa “Marka hore waa in aan si foojigan u eegnaa tilaabooyinka sharci darada ah oo ay Sacuudiga qaadeyso, dagaalo dhiig fara badan ku daatay ayey si muuqata ugu lug yeesheen ama abuureen mana jirto cid ka hadashay” “Waa inaan is weydiinaa cida lagu leynaayo dagaalka, ma dhacdo inay laayan cadowga balse waxa ay laayan keliya shacabka, taasi waxa ay noo muujineysaa tuhunka jira” Sidoo kale, Senator Rand Paul waxa uu sheegay in Mareykanka France iyo Boqortooyadda Ingriiska ay hub ay ka iibiyaan Sacuudiga hubkaasina ay ku abuuraan dagaallo hor leh oo aan loo baahneyn. Dowladaha awooda leh ayuu ugu baaqay inay soo saaran kiiska taakuleynta argagixisada oo ay wado dowlada Sacuudiga, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inay halis tahay in indhaha laga fiirsado. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu tuhunka Senator Rand Paul kusoo aadayaa iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Sacuudiga uu yahay saaxiib wanaagsan oo uu Mareykanku leeyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ka baaqday shirkii shalay sabtidii ka dhacay Muqdisho ee ay yeesheen kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga Islaamka(OIC) sabab lagu sheegay inuu ka dhiidhiyey warqaddii ay xukuumadda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga ee dilka saxafiga Jamal Khashoggi . Ilo sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa xaqiijiyey in wasiir Mevlut Cavusoglu uu marka hore aqbalay ka soo qeyb-galka shirka balse markii xukuumadda Kheyre ay taageertay Sacuudiga uu ka laabtay go’aankii imaatinka Muqdisho. Warqad soo baxday October 15, 2018, loona diray xogheynta ururka Iskaashiga Islaamka ee Jeddah iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ku qorneyd in wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu uu tagayo shirka Muqdisho ee October 27, 2018. Go’aanka wasiirka Turkiga waxaa uu beeninayaa hadalka Wasiirka arrimaha Dibada ee Dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad kaas oo shalay sheegay inuu Mevlut Cavusoglu u baaqday sabab la xiriirta shir ku saabsan Suuriya, uu isaga shir guddoominayey. October 15, 2018, xukuumadda Kheyre ah ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay iney diideyso in dhib la gaarsiiyo Sacuudiga, Qoraalkan oo koobnaa waxaa uu u qornaa sidan: Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale. Waxaana lagu soo gabagabeeyey “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya”. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
The President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo, met with Minister of State for Foreign Affairs H E Sultan bin Saad Al Muraikhi. Source: Hiiraan Online
-
Ergada Qaramada Midoobey Iyo Midowga Afrika Ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Ambassador Francisco Madeira oo maanta la kulmay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay bilaabayaan dhex-dhexaadinta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Mudane Cabdi Xaashi oo arrintan ka hadlayey wuxuu yiri “Saaka waa ii yimid Ergada Qaramada Midoobey Iyo Midowga Afrika Ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Ambassador Francisco Madeira, waxaa ay yiraahdeen waxaa rabnaa in aan tagno dowlad goboleedyada, adinka waxaan idiinka rabnaa in wixii talo ah oo aad na sii neysaan na siisaan, waxaan siinney, intii aynu soo wadnay iyo arrimhii sidii ay u dhaceen oo dhan, waxay dhaheen, maxaan ku dhahnaa dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexaba? “. Dhinaca kale, xoghayaha guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac oo kulanka faahfaahin ka bixiyey wuxuu yiri” Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowgga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxay ka wada hadleeen sidii xaladda hadda jirta loo dejin lahaa, sidii shaqada aqalka sare loo taageeri lahaa iyo talaabooyinka ugu muhiimsan ee la qaadi karo sidii nabad iyo xal waaro loogu heli lahaa qarannimada Soomaaliya, waxaa uu guddoomiyaha uga mahadeceliyey xog raadin-doontooda iyo waqtiga ay ku bixiyeen, guddoomiyahana wuxuu siiyey xog balaaran shaqadii aqalka soo qabtay, meesha wax marayaan iyo tallaabooyinka la rabo in la qaado”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u taaganyahay doorashada madaxtinnimada Puntland ee sanadka soo socda, Gen. Siciid Dheere ayaa go’aanka qaatay xilli uu weli ahaa Taliyaha guud Ee Daraawiishta Puntland. Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo arrintaas ka hadlayo wuxuu yiri “Waxaa waayadan dambe dhankeyga ku soo badanayey talo iiga imaaneysa bulshada Puntland qeybaha kala duwan isimmada, cuqaasha, aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, taladaas oo ah in aan ka mid noqdo mas’uuliyiinta u tartameysa hoggaanka Puntland sanadka 2019-ka. Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa Sababaha uu isu soo sharaxay waxaa uu ku sheegay sarreynta sharciga oo hoos u dhacday, isaga oo intaasi raaciyey “ markaan arkey dhaqaalaha dalka meesha uu marayo, markaan arkey amniga dalka meesha uu marayo, markan arkey arrimaha bulshada dhan dhaqan iyo dadweynaha, markan arkey cawadga Puntland oo daafaha deegaannada ka soo fidaya, markaan arkey colaadaha ka dhex aloosan beelo ka mid ah deegaanka, waxaan garwaaqsaday in baahi weyn loo qabo hoggaamiye ku dhaqa shacabka reer Puntand midnimo, cadaalad iyo sinnaan”. Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), waxaa uu ugu dambeyntii sheegay inuu doonayo inuu reer Puntland uga faa’ideeyo khibradiisa 40 sano iyo inuu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee ka nool aasaasayaashii Puntland. Kadib go’aankaas, ayaa madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxa uu xikii ka qaaday Saciid Dheere, waxa uuna isla maanta oo ah 28 October 2018 waxa magacaabay taliye cusub. Gaas ayaa soo saaray xeer Madaxweyne Lr.157 October 28, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo Wuxuu Xeeriyey: Waxaa S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen loo magacaabay Taliaya Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada. Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in warka ka soo baxay Madaxtooyada ee ku baaqayay shir ay isugu yimaadaan dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada uusan ka muuqan hadalka Madaxweyne Farmaajo oo ay qortay sida uu yiri gacan saddexaad. Waxaa uu sheegay in dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ah aysan si dhameystiran raalli uga ahayn xallinta khilaafka u dhaxeeya. Waxaa uu Guddoomiye Cabdi Xaashe sheegay in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu isaguna ka mid yahay dhinacyada ay wax ka socon la’yihiin. ‘Axmed Madoobe aniga waan la hadlay,dadka ay wax ka socon la’yihiin ayuu ku jiraa,wuxuuse igu yiri si deg deg ah ayaan kuugu soo jawaabayaa’ ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi oo labada dhinac ka dalbaday iin ay tanaasul muujiyaan. Sidee ayey u qorneyd Caasuumadii la sheegay inuu Farmaajo soo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa isaga oo garwaaqsan baahida loo qabo ilaalinta midnimada, wadajirka iyo qarannimada Soomaaliyeed, isla markaasna tixraacaya shirkii ay bishan Oktoober yeesheen madaxada Dowlad Goboleedyada, wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisii ku aaddanaa in shir wadatashi ah ay kasoo qeyb galaan Madxda Dowlad Goboleedyada kaas oo looga wada hadlayo xal u helista tabashooyinka ay qabaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad Goboleedyada in iyaga oo eegaya danta dalka iyo dadka ay aqbalaan dalabka Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo midnimada, wax wada qabsiga iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. “Uma ogolaan karno kala aragti duwanaansho siyaasadeed darteed in gaabis ku yimaado guulihii sida adag aanu ku yagleelnay ee la xiriiray dib u dhiska dalka iyo hay’adaha dowliga ah. Wadahadal iyo midnimio dhab ah oo kelliya ayaa inoo sahli kara inaanu hore uga sii dhaqaaqno halka aan hadda taagannahay. Talo iyo cudud mid ah ayaanu uga adkaan karnaa kooxda arxan laaweyaasha ah ee Alshabaab si aanu u gaarsiino dadkeenna nabad, barwaaqo iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka garaabeyso wixii tabashooyin ah ee ay tirsanayaan Dowlad Goboleedyada, isagoo intaas ku daray in wadahal ku dhisan wadatashi, isqancin iyo isu-tanaasul ay diyaar u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dardargaliyo dadaallada dib u dhiska, dib u xoreynta iyo nabadeynta dalka. Madaxweyne Maxamed Cabbdullaahi Farmaajo ayaa intaas raaciyay inuu xiriir la sameynayo dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, isaga oo aaminsan in dhabbaha wadahadalka, iskaashiga iyo isu-tanaasulka uu yahay midka kaliya ee lagu gaari karo nabad iyo horumar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
