-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, ayaa u ogolaatay safaaradda dalka Qatar ee fadhigeeda yahay Muqdisho inay ka dhoofsan karto Soomaaliya duur-joogta, gaar ahaan sagaarada. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo uu ku saxiixnaa agaasimaheeda guud Maxamed Cumar Nuur, ayaa lagu sheegay duur-joogta ay dhoofsaneyso safaaradda Qatar ay gaarayso 14 sagaaro, kuwaa soo caafimaadkooda la hubiyay. Sidoo kale, Sagaarada ayaa ka mid ah duur-joogta ugu caansan ee laga helo Soomaaliya, sida aadka ahna loo ugaarsado, isla markaana hilibkeeda si aad ah ay dadku u jecel yihiin. Tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay oo nooceeda ah oo ay ku dhawaaqdo Xukuumadda Soomaaliya, waxaana tani ay furaysaa waddooyin hor leh oo lagu dhoofsan karo duur-joogtada Soomaaliya oo markeedii horeba isaga barakacday dalka, kaddi dagaalladii rubuc qarniga socday. Ugu dambeyn, Dowladda Qatar ayaa waxay ka mid tahay dalalka sida aadka ah ay isugu dhaw yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dalkaas uu horay Soomaaliya uga dhoofsaday kumannaan dhallinyaro ah oo la sheegay in uu ka dhigayo ciidammo. Haddaba, Akhriso: qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DF PUNTLAND POST The post Dowladda Fedeeraalka oo u ogolaatay Dal Carbeed inuu dhoofsado duur-joogta Dalka appeared first on Puntland Post.
-
Maputo (PP) ─ Koox la magac-baxday Al-shabaab ayaa 90-ku dishay dalka Mozambique oo ka mid ah dalalka Afrika, kaddib markii ay weerareen dhawr goobood oo muhiim ah, sidoo kalena waxay gubeen guryo ay shacab ku noolaayeen. Taliyaha Booliiska dalka Mozambique, Bernadino Rafael oo warbaahinta la hadlya ayaa sheegay in kooxdan ay dishay 90-qof, sidoo kalena ay dhaawac u geysteen 70-qof oo kale tan iyo markii ururkan sannadkii lasoo dhaafay ka bilaabay dalkaas weerarro arxan-darro ah. Kooxdan ayaa argagax ku baahiyay waqooyiga dalka, waxayna weerarrku ku qaadeen tuulooyinka iyagoo u hubeysna mindiyo ay u adeegsanayeen Qoor-goynta dadka tuulooyinkaas ku nool. Sidoo kale, Kooxdan la magia-baxday Al-shabaab ayaa gubay in ka badan 1000 guri, waxay weerareen xarumo boolis oo dalkaas ku yaalla, inkastoo aan la sheegin khasaaraha ay u geysteen. Dhanka kale, Kooxdan Islaamiga ah ee weerarrada ka wadda Mozambique ayaan la ogeyn inay xiriir la leedahay kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta, iyadoo kooxdan ay dhibaatooyin ku hayaan shacabka dalkaas ku nool. Ugu dabeyn, Sannadhii laso dhaafay ururro Islaamiyiin ah oo Al-qaeda xiriir la leh ayaa ka billaabay dagaallo, kuwaas oo markii dambe ku faafaay Kenya illaa Tanzaaniya. PUNTLAND POST The post Koox la baxday Al-shabaab oo ku dhawaad 100-qof ku dishay Waddan ku yaalla Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Odoyaasha beesha Warsangali gaar ahaan Dubays oo kursigii golaha shacabka ay lahaayeen jufada Sin Laawe, Dubays/ ee Warsangali ku wareejiyey jufo kale oo aan laheyn kursiga oo ah reer Guuleed, waana jufada uu ka dhashay wasiirka qorsheynta ee dowladda federaalka Jamaal Maxamed Xassan. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi ayaa sheegay in kursigan ay ku wareejiyeen reer Guuleed kadib rabitaanka xildhibaankii is-casilay iyo rabitaanka jufada Sin Laawe oo uu ka dhashay. Beesha Dubeys ayaa laheyd 2 Xildhibaan, oo ku kala asteysnaa sidan: (1): Warsangali/ Dubays/ Sin Laawe (2). ): Warsangali/ Dubays/ Qoob. Halka Jufada reer Guuleed ee wasiirka aaney laheyn wax xildhibaan ah. Markii uu geeriyooday xildhibaan Daahir Xaaji Geelle, kursigii waxaa la siiyey isla beeshii, oo waxaa badalay walaalkii, laakin hadda markii uu is-casilay Dhahar Cali Faarax Dhahar, waxaa dhacday in kursiga laga wareejiyey beeshii laheyd, oo lagu wareejiyey beesha reer Guuleed ee uu ka dhashay Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan. Doorashada kursiga waxaa ay dhaceysaa berri oo Axad ah, October 7, 2018, waxaa lagu wadaa inuu ku soo baxo Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan maadaama kursiga isaga la siiyey kadib markii ay ka tanaasuleen beshii laheyd, lama oga waxa uu xildhibaankii is-casilay iyo beeshiisa kursiga laheyd ay ku badasheen si xaqoodii ay jufo kale u siiyaan. Laakin waxaa la hubaa in Dhahar Cali Faarax Dhahar oo ahaa xildhibaankii kursiga iska casilay loo Magacaabay Qunsulka Soomaaliya ee Dalka Jabuuti, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed Abuukar Islow ducaale ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradiisa ay lasoo bixi doonto barnaamijka isla xisaabtanka Hay’adaha amniga. Wasiir Ducaale, ayaa sheegay in xiligan wixii ka dambeeya ay si dhaba ula xisaabtami doonaan Madaxda Hay’adaha amaanka, waxa uuna tilmaamay in la xisaabtankooda uu ku ekaan doono howlaha amniga. Wasiir Ducaale, waxa uu sheegay in Wasaaradda Amniga ay la imaan doonto qorsho cad oo lagu sugi doono amniga Caasimadda Somalia ee Muqdisho, waxa uuna meesha ka saaray in dib loo dhageys doono qeyladhaan kaga imaada dhanka Siyaasiyiinta ee ku aadan arrimaha amaanka. Wuxuu tilmaamay Wasiir Ducaale in qorshaha amni ee lagu hormarin doono Caasimada ay si wada jira uga wadahadli doonaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku shaqo leh Gobolka la sugaayo amnigiisa. “Wasaaradu waxa ay go’aansatay inay la imaado isla xisaabtan dhab ah, cidna ugama aaba yeeli doono wixii amniga khuseeya waxaana dhici doona isbedel amni oo dhab ah” Sidoo kale, Wasiir Ducaale, waxa uu intaa raaciyay inay dardar gelin doonaan sugida amniga Muqdisho una shaqeyn doonaan si lamid ah Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Ducaale ayaa hadalkaan ka sheegay kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Magalada Muqdisho waxa uuna digniin u kala diray Hay’adaha amniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kasoo baxay Hay’adda QM ayaa lagu sheegay in dhibaatooyin badan ay la kulmaan shaqaalaha gargaarka ee ka jooga Somalia. QM ayaa sheegtay in shaqaalahooda ay la kulmaan weerarro kala duwan oo qaarkood lagu waxyeeleeyo xili ay ku guda jiraan shaqooyinkooda. Waxa ay QM sheegtay in weeraro dhacay lagu dilay 8 ruux halka lagu dhaawacay 12 kale intii u dhexeeysay January iyo September ee Sanadkan. Qoraal si gaara uga soo baxay Xafiiska QM ee isku xirka arrimaha gargaarka ayaa waxaa lagu sheegay in 90 dhacdo oo rabshado ah ay saameeyeen Hay’adaha Bani’aadanimadda, taasi oo keentay in la Afduubto 18 ruux si ku meelgar ahna loo xiro 13 kale. Nuqul kamid ah qoraalka ayaa waxaa lagu yiri “ Khasaaraha ka yimid Weeraradda argagixisadda ee meelaha Dadku ku badanyihiin ee Muqdisho ayaa ku jira Tiradda ugu badan ee Dhimashadda iyo dhaawaca iyo sidoo kale bururka agabka gargaarka” Hay’adda OCHA ayaa cambaaareeysay Weeraradda saameeynaya howlaha Hay’addaha Bani’aadanimadda ee Somalia, waxayna Hay’addu sheegtay in rabshadaha bani’aadanimaddu kordheen. Sidoo kale, waxaa qoraalada Hay’adda QM lagu sheegay in iyadoo ay dhacayaan dhibaatooyin ceynkaasi ah ay hadana diyaar u yihiin inay gurmad rasmi ah ka geystaan goobaha ay ka jiraan dhibaatooyinka ee Somalia. QM waxay sheegtay Colaadaha ka jira gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya ay hor istaageen gargaar badan oo halkaas lageeyn lahaa. Si kastaba ha ahaatee, qoraalka QM ayaa kusoo beegmaya xili labadii bilood ee lasoo dhaafay ay Hay’adaha Bani’aadanimaddu joojiyeen Howlihii gargaar ee ay ka wadeen Shabaleeha Hoose, taasi oo sameysay 34,000 oo ruux, sida ay sheegtay QM Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya inay geeriyootay AUN Fannaanadda caanka ah Shamsa Xuseen Shumey. Fannaanada Shamsa Shumey ayaa magaalada Muqdisho ku geeriyootay habbeenimadii xalay kadib markii waayadan ay xanuunsaneyd. Fannaanada Shamsa Shumey ayaa inta ay nooleed ka mid aheyd Fanniinta Hobolada Waabari, waxaana ay qaaday Hees Isugu jira Wadani iyo kuwo Jaceyl intuba. Fannaaniin ka tirsan Hoboladda Waabari ayaa xaqiijiyay in bilihii lasoo dhaafay ay heysatay Fannaanada Xaalad Caafimad daro oo ugu dambeyntii sababtay geerida. Sidoo kale, Shamsa Shumey ayaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah lagu aaso magaalada Muqdisho waxaana ka qeybgali doona Fannaaniin iyo shacab. Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay inta badan fannaaniinta qurba joogta ahaa kadib isbedelo dhanka amni oo ka dhacay dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Qatar oo loo sii marinayo safaaraddeeda Soomaaliya ayaa loo ogolaaday inay dalkeeda u dhoofsato duurjoogta nooceedu yahay Sagaaro gaaraya (14 Sagaaro), sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Arrimaha kale, ee qoraalka wasaaradda ku jiray waxaa ka mid ah in duurjoogta ay dhoofsaneyso Safaaradda caafimaadkooda la baaray, iyadoo warqada fasaxa loo diray Hey’adaha ay quseyso. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo uu ku saxiixnaa agaasimaha guud Maxamed Cumar Nuur, laakin Goobjoog News xiriir ay la sameysay wasiirka uma suuro-gelin inay hesho wax xog ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyootey Shamsa Xuseen Shumey oo ka mid ahayd fanaaniinta ugu caansan dalka. Shamso ayaa ka tirsaneyd fanaaniinta hobollada Waaberi, waxaana la sheegay in maalmihii ugu dambeeyey ay xanuunsaneysay. Waxa ay Shamso qaadday heeso badan oo isugu jira, wadani iyo jaceyl, waxaana ay ka mid ahayd hablaha ugu cad cad hobollada Waaberi. Maanta ayaa lagu wadaa in meydka Shamsa Xuseen lagu aaso magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa magaalada Gaalkacyo ka sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaanka federaalka dartiis u daayay dacwad uu ka gudbin lahaa shaqsiyaad uu sheegay in isaga ay ku xadgudbeen. Waxa uu tilmaamay inuu haysto awood badan oo shacabka Soomaaliyeed ah sidoo kalena haystay fursado uu madaxda dalka ugu dacweeyo maxkamado caalami ah. Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay iney u muujiyeen dareen dhab ah oo ku aadan iney la xanuunsanayan dhibta soo gaaray, sidoo kalena Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka horyimaadeen wixii lagu sameeyey. Qalbi Dhagax aya sidoo kale sheegay in dowladda federaalka dhibaatooyinka haysta ay ka mid tahay in aysan raaligelin ka bixin qaladaadka ka dhaca. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAR-CALI-CEYN-GAALKACYO-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa 30-kii bishii tagtay Seteembar Xamar looga dhawaaqay Xisbi cusub oo magaciisu ka kooban yahay saddex eray “Midoowga Nabadda iyo Demoqradiyadda”, kuwasoo xagga micnaha ka tarjumaya arrimo ay bulshada Soomaaliyeed si aad ah u tabeeyso, harraad…... Source: Hiiraan Online
-
Ganacsatada suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in amniga suuqaasi uu sii xumanayo. Waxa ay sheegeen in aanay shaqeysan karin gelinka dambe, maadaama dadka kala hoyaadayaan, ragga wax dhacana ay xilliyadaasi ka faa’ideystaan. Xaaji Cismaan oo ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa u sheegay Goobjoog News, in buracaddan ay qaadanayaan lacagaha iyo taleefannada gacanta. Waxa u tilmaamay in dowladda federaalka looga fadhiyo sidii ay wax uga qaban lahayd burcaddan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREEYSI-XAAJI-CISMAAN-GANACSATO-BAKAARO-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The UN migration agency said on Friday that it has helped 17 Somali migrants to voluntarily return home from Tanzania following months of confinement in detention centers. Source: Hiiraan Online
-
The UPDF General Court Martial is in Somalia to try soldiers over cases the army has not disclosed. Source: Hiiraan Online
-
French police are investigating the apparent disappearance of the head of Interpol, Meng Hongwei. His wife reported him missing after a trip to China in late September. Source: Hiiraan Online
-
Saudi Arabian Crown Prince Mohammad bin Salman responded publicly to President Donald Trump's recent spate of Tweets and statements concerning oil. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu daabacay machadka darasaadka amniga ee Hiraal Institute, ayaa lagu sheegay in qabaa’ilka ay kaalin weyn ka cayaaraan in kooxda Daacish ayu ku badbaado kana howl-gasho Koonfurta Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu sheegay in beesha Ogaadeen ee deegaannada Jubbaland ay tahay midda Daacish ay aadka isugu haleyso, sababtuna ay tahay in beesha ay dhibaatooyin badan ka tirsaneyso kooxda Al-Shabaab. Ogaadeenka waxa ay Al-Shabaab u arkaan urur Mogadishu Clan, oo aan dantooda matalin, waxaana ay ka tirsanayaan dhibaatooyin, xarigyo been abuur ah, iyo xitaa dilal ay si joogta ah ugala kulmaan Amniyaat-ka, ayay tiri warbixinta. Deegaanada Jubbooyinka, cidna su’aal kama keeni karto xukunada Al-Shabaab, islamarkaana Amniyaatka ayaa u shaqeeya si madaxbanaan. Nin soo goostay oo ku jiri jiray xabsiga Al-Shabaab ee Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in 20 maxbuus oo lagu hayey xabsigaas ay 15 ka mid ah ahaayeen Ogaadeen, mid Mogadishu Clan, Laba Raxanweyn, midna Daarood. Maxbuuska Mogadishu Clan ah ayaa la siin jiray cunto ka wanaagsan maxaabiista kale, waxaana loola dhaqmi jiray si wanaagsan, markii la sii daayeyna wxaa la siiyey 1,000 dollar, halka maxaabiistii kale ay ka heleen kaliya 300, sida warbixinta machadka ay tiri. Dhinaca kal, Cali Diyaar oo ah sarkaalka ugu sarreeya Ogaadeen ee ku jira Al-Shabaab, ayaa waxaa laga kala diray oo unugyo kale loo qeybiyey ciidankiisa oo gaarayey 500 oo dagalayahan, kadib markii lagu tuhmay inuu u janjeero dhanka Daacish. Ciidankiisa oo badankood kasoo kala jeeday Ogaadeenka iyo Shiikhaasha Ethiopia ayaa isaga daacad u ahaa in ka badan inta ay daacadda u yihiin kooxda Al-Shabaab, sidaas darteed ayey Al-Shabaab ugu kala qeybisay horjoogeyaal kale, taasi oo adkeyn karta inay goostaan ama ay maleegaan shirqool halis ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Kadib Wareegtadii ka soo baxday Wasaaradda Amniga Soomaaliya ee Muqtaar Roobow looga mamnuucay inuu isku sharxo xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, ayaa hogaamiyahan hore u ahaa Shabaabka wuxuu u muuqda inuu dhegaha ka fureystay warka dowladda, uuna sii wato ololihiisa. Roobow ayaa shalay magaalada Baydhaba kulan kula qaatay qaar ka mid ah waxgaradka iyo dayaasha dhaqanka magaalada Baydhaba, iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed. Dhinaca kale Roobow ayaa xildhibaanada Koonfur Galbeed shalay diray farriin ku saabsan ololahiisa doorashada iyo inuu qaban doono xaflad weyn oo si rasmi ah uu ugu shaacinayo musharaxnimadiisa maanta. Si kastaba lama oga tallabada ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya hadii Muqtaar Roobow uu kusii adkeysto inuu u tartami doono madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaama sidoo kale wax jawaab ah weli laga hayn madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa khamiistii si cad uga hor-timid musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay isku soo taagey xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota. Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-Saxaafadeed lagu caddeeyay in Mukhtaar Roobow aanu geli karin doorashada Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo ay weli saaran tahay cunaqabateyn caalami ah. Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankan lagau saleeyey heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, islamarkaana aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta la saaray ee falalka argagixiso. Caasimada Online Xafiiskii Baydhaba Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa u ogolaatay dalka Qatar inay dalka ka dhoofsadaan nooc ka mid ah duur-joogta, sida ku cad qoraal ay heshay warbaahinta. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Qatar loo fasaxay inay Soomaaliya ka dhoofsadaan 14 noole duurjoog ah, gaar ahaan sagaarada, oo ah xoole hilibkiisu aad u dhadhan macaan yahay. Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed Cumar Nuur ayaa lagu sheegay in safaaradda Qatar loo fasaxay 14 Sagaaro, kuwaasoo la sheegay in la baaray caafimadkooda. Amiirada dalalka Khaliijka ayaa si weyn caan ugu ah ugaarsiga, waxaana hadiyad lagu siiyaa Duurjoog kala duwan, sida ka dhacay Somaliland iyo dalal badan oo Afrikaan, laakiin waa markii ugu horeysay si rasmi ah loogu fasaxo mudooyinkan danbe. Ma cadda, haddii arrintan tahay mid hal mar-dhacday iyo inay jiraan kiisas kale oo la mid ah oo Qatar loogu fasaxay dhoofsiga duurjoogta Soomaaliya, kuwaas oo aan laga warqabin.
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale xalay bah-dilaad culus ku sameeyey boqorka dalka Sacuudiga, laba maalin ku kadib markii uu sharafta ka qaaday ee uu yiri “Mareykanka la’aantiisa xukunka ma aadan haysateen xitaa laba toddobaad”. Trump oo xalay taageerayaashiisa kula hadlayey gobolka Minnesota, ayaa sheegay in Sacuudiga ay tahay inay lacag ku biixiyaan difaaca ay ka helaan Mareykanka, maadaama dalkaas uu yahay dal hodan ah. “Waxaan ku iri, ‘iga raali noqo, boqor Salman, ma dhib ayaad u aragtaa inaad bixiso lacagta ciidamada militariga Mareykanka’, kadib boqorka wuxuu iigu jawaabay ‘arrintan weligey cid ima weydiin’, waxaan kadib ku iri ‘aniga ayaa hadda ku weydiinaya, boqor’” ayuu yiri Trump. Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaas ku daray in kadib wada-hadalkiisa boqor Salman, ay boqortooyada Sacuudiga ogolaatay inay lacagta kodhiso. Ayada oo ka jawaabeysa bah-dilaadda joogtada ah ee uu Trump ku hayo, ayaa Iran waxay qaaday tallaabo aan caadi ahayn oo ay gacan ugu fidineyso Sacuudiga “Madaxweyne Trump wuxuu si joogto ah u bah-dilayaa reer Sacuud, isaga oo leh, la’aanta taageeradiisa laba tododbaad xukunka ma joogi karaan. Tani waa abaal-marinta dhallanteedka ah in qof amnigiisa uu sugi karo qof kale” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif oo qoraal soo dhigay twitter-ka. Waxa uu intaas ku daray “waxaan mar kale gacan u fidineynaa deriskeena, aan dhisno gobol xooggan, oon joojinno isla-weynida”. President Trump repeatedly humiliates the Saudis by saying they can’t last 2 weeks without his support. This is the recompense for the delusion that one’s security can be outsourced. We again extend our hand to our neighbors: let’s build a “strong region”, and stop this conceit. pic.twitter.com/pKEreBBbNN — Javad Zarif (@JZarif) October 4, 2018 Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qafaashay Hub u socday ciidamo ka tirsan Booliska oo Saldhig ku leh deegaanka Lafooy oo ku dhow Mandheera. Hubka laga dhacay ciidamada Kenya ayaa saarna Gaari qafilnaa oo ay wehlinayeen ciidamo Kenya ah xili ay kusii jeeden Saldhiga, isla markaana ka baxeen Xero ciidan oo aan ka fogeyn Lafooy. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa jabadka uga soo baxay gariga iyo ciidamada la socday waxaana lasoo sheegayaa in maleeshiyaadka dhacay Hubka ay hoostagan Horjoogaha Al-Shabaabka Kenya Sheekh Axmed Iimaan Cali. Hubka laga dhacay ciidamada Kenya ayaa lasoo sheegayaa inay u badnaayen Rasaas noocyo kala duwan ka kooban waxa ayan sidoo kale maleeshiyaadka qoryaha horay uga sii furteen ciidamadii ilaalinaayay Hubka oo qaarkood ay sii ka xeysteen. Saraakiisha ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay inay hayaan macluumaad muujinaaya in Hubkaasi la geeyay goob ay ku dhuuntaan Al-Shabaabka oo aan ka fogeyn deegaanka Lafooy. Waxa ay sheegen Saraakiisha inay ku howlan yihiin soo badbaadinta Hubka iyo Gaariga, iyagoo intaa raaciyay in ciidamo tababar gaara heysta ay u direen halka lagu hayo Hubka. Dowlada Kenya ayaa dhibaatooyin badan kala kulmeysa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weeraro toosa ka geysta gudaha iyo gobolada Kenya kuwaa oo qaarkood ay ku naf waayan Saraakiil ka tirsan Kenya. Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaabka ka amar qaata Horjooge Axmed Iman ayaa dhowr jeer ciidamada Kenya ka furtay Hub, Gaadiid, halka ay nolosha ku kaxeysteen Askar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sen. Susan Collins (R-Maine) and Sen. Joe Manchin III (D-W.Va.) said Friday that they will vote to confirm Judge Brett M. Kavanaugh, likely ensuring that President Trump’s nominee will ascend to the Supreme Court after a bitter partisan fight that has included allegations of decades-old sexual misconduct. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa Caawa aqbalay Mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isla caawa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu aqbalay Mooshinka ka dhanka ah Hogaamiyaha maamulka oo ay usoo gudbiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka. Waxa uu Gudoomiye Cismaan sheegay in Xildhibaanada Mooshinka gudbin karta isla markaana uu Dastuurka qabo ay tahay 33, balse iminka ay ku saxiixan yihiin 57-Xildhibaan. Waxa uu sheegay in uu aqbalay ka gudoon ahaan Mooshinkaas, maalmaha soo socdane la guda geli doono, si dhinac loogu rido Mooshinka. Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Hogaamiye Waare ayaa ku eedeeyay inuu cuuryaamiyay hormarka Deegaanada Hir-Shabeelle sida ay hadalka u dhigeen. Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare kama hadlin Mooshin, waxaana Muddooyinkaan socday Guux siyaasadeed la xiriira Mooshinkaan.
-
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Mooshinka oo taariikh ahaan xildhibaannada ay gudbiyeen 15-08-2018 ayaa iminka laga qabtay. Afhayeenka baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa ka guddoomay mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Waare. Mooshinkani kalsooni kala noqoshada ee laga gudbiyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, ayaa loo cuskanayaa eedeymo dhowr ah sida in madaxweynuhu uu ku kacay ku tagrifal awoodeed, musuq hanti qaran, xil gudasho la’aan iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com