Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The federal government has launched a campaign to "communicate" the benefits of immigration and push back against what the minister in charge of the file calls "anti-immigrant, anti-refugee rhetoric." Source: Hiiraan Online
  2. Excessive protein consumption, a Toronto registered dietitian said, could hinder you from a balanced diet and increase risk for chronic illnesses like kidney disease. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa war qoraal ah kasoo saaray doorashada 15 maalin kadib la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo. Qoraalka ayuu ku sheegay in doorashadaasi ay ka filayaan inay u dhacdo si xor ah oo xalaal ah, islamarkaana aysan ku jirin faragelin siyaasadeed oo lagu sameeyo doorashada Koofur Galbeed. Wuxuu Qoraalka ku sheegay in loo baahan yahay in dhamaan musharixiinta ay helaan fursad loo siman yahay oo ay doorashada kaga qeyb gali karaan, islamarkaana aan lala kala safan musharixiinta qaar. Seddex arin ayuu sheegay in loo baahan yahay inaysan ka dhicin doorashada Koofur Galbeed ka dhaceyso 17 Bishan, kuwaasi oo kala ah:- Xad Gudub Dhaqaalo: Wuxuu ka digay in doorashada Koofur Galbeed lagu sameeyo xad gudub dhaqaalo, islamarkaana musharixiinta qaar lagu taageero dhaqaalo ay ku heli karaan codadka xildhibaanada. Arintaan waxaa horey walaac kaga muujiyay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo tagay magaalada Baydhabo, kuwaasi oo sheegay inay jiraan shaqsiyaad dhaqaalo badan lagu bixinayo si ay halkaasi kaga soo baxaan. Cadaadis: Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka digay in cadaadis la saaro musharixiinta tartameyso si aysan u helin codadka xildhibaanada, waxaana taasi horey kaga digay musharixiinta qaar. Rabshado: Ugu dambeyn Nicholas Haysom ayaa ka digay in doorashada Koofur Galbeed ay ka dhacaan rabshado horseedi kara natiijo xumo, waxaana walaacaasi uu xoogeystay waxii ka dambeeyay markii Shariif Xasan uu ciidamo badan geeyay madaxtooyada uuna badalay ciidamadii hore. Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, laakiin musharax walbaa wuxuu wataa ciidamo ku beel ah oo u gaar ah, taasi oo horseedi karta in rabshado ay dhacaan. Waxaa magaalada Baydhabo ka socdo diyaar garowgii u dambeeyay oo ay sameynayan musharixiinta Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo kamid ah baarlamaanka dalka Kenya, ayaa wareysi uu Siiyay BBC-da Wuxuu kaga hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka. Xildhibaan Aadan Barre, ayaa ugu horeyn ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka inay ka shaqeeyaan mideynta dalka iy in la dhameeyo khilaafyada iyo isjiidjiidka siyaasadeed ee dalka. Xildhibaanka ayaa sheegay inuu aad kaga xun yahay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iy maamul goboleedyada, waxaana uu cadeeyay in xasiloonida iyo nabad galyada Soomaaliya ay dan ugu jiro dhamaan dadka ku nool geeska Africa. Wuxuu kula taliyay madaxda dowladda iyo maamulada dalka inay u dhimriyaan shacabka Soomaaliyeed oo ay heshiiyaan, maadaama Khilaafka dhibaato uu ku keeni karo geedi socodka nabadda Soomaaliya. Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada ayaa sababay in labo jeer madaxda maamulada ay ka biyo diidaan gogol nabadeed oo dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday. Hadalkiisa ayaa waxa uu imanayaa xildhibaanka xilli kala qeybsanaan baahsan ay ka dhex jirto madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboledyada dalka, kuwaas oo bilihii ugu dambeeyay hawada isu marinayay hadalo aad u adag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay magaalada Jubba ee uu ku weeraray madaxda maamul goboleedyada. C/raxmaan Cabdi Shakuur, ayaa si adag kaga jawaabay hadalkaasi, kadib wareysi uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, waxaana uu daandaansi ku tilmaamay hadalkii madaxweynaha uu ku weeraray madaxda maamulada. Wuxuu sheegay in ujeedada uu u tagay magaalada Jubba iyo khudbadda xanafta leh aysan is laheyn, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay in dhawaan madaxweynaha uu soo saaray qoraal uu maamulada ugu dhawaanayo, balse hadda uu sii fogeeyay. “Khudbad daan daansi iyo dagaal uu ka muuqdo , Madaxweynaha asigaa dhowr maalin ka hor sheegay inuu gogol u fidiyay madaxda maamul goboleedyad oo ku baaqayo in shir la isugu yimaado wixii tabasho ah uu garawsan yahay, sida dad badan tuhunsan yahay martiqaadkiisa iyo fariinta xalay uu dirayay wey kala fog yihiin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale xusay in hadalka Madaxweynaha uusan aheyn mid ku haboon Xaalada ay Soomaaliya Maanta ku jirto. “Waxaa rabaa inaan xusuusiyo Madaxweynaha kulankii ugu dambeeyay ee Brussels ka dhacay Beesha caalamka ayaa isugu yeertay isaga iyo Madaxda Maamul goboleedyad,a wax laga hadlayo waa arrimo Soomaaliya ku saabsan, looma yeerin Madaxweynaha keligiis, ayagana waa loo yeeray wuu ogyahay Madaxweynaha waaqica horyaala in dalkaan ku jiro marxalad dib u heshiisiin, marka aniga hadalka Madaxweynaha ilama ahan mid nabad iyo dib u heshiisiin oo isu soo dhowaansho raadinaya”ayuu yiri”ayuu yiri markale Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Miisaaniyadda cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya u ansixisay sanadka 2019-ka waa US$ 340,060149, ilaa 94 milyan oo dolar ayaa ku siyaaday miisaaniyadda wixii ka dambeeyey doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee February 8, 2017. In kasta oo ay muhiim tahay halka laga keenayo dakhliga miisaaniyadda hadana inta badan waxaa la fiiriyaa Shaqaalaha iyo mushaarkooda, lacagta loo qoondeeyey horumarka dalka iyo dadka, waana labada meel ee uu aad uga liito maamulka hadda jira. Shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka ah oo ka kooban heerarka A, B, C iyo D, waxaa ay qeyb muhiim ah ka yihiin miisaaniyadaha dowladda Soomaaliya, waxaa la yaab leh in shaqaalaha joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay tiro ahaan gaarayaan 5,526 oo ah tirada uu ka tagay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud 2016-kii. Xukuumadda nabad iyo nolol 2badii sano oo ay joogtay kuma kordhin shaqaalaha rayidka ah xataa hal qof, waxaa ay qoratay oo keliya shaqaalo KMG ah, oo ku nool gunno ay ka helaan meelaha ay u shaqeeyaan, kuwaas oo qeybo badan oo ka mid ah lagu dhibo, mana laha meel ay u dacwoodaan, mar haddii aysan aheyn shaqaale joogta ah. 2012-kii, Markii uu xafiiska yimid madaxweyne Xasan Sheekh waxaa aad u yaraa shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya, miisaaniyaddii ugu horeysay ee baarlamaan ansixiyo buburkii kadib waxaa ansixisay dowladda Xasan Sheekh, Miisaaniyadda oo gaareysay 114,355,852 wuxuu shaqaalaha rayidka gaarsiiyey ilaa 3060, oo 2901 ka mid ah ay yihiin shaqaalaha qoran oo rasmi ah, sidaas ayaana sanad walba loogu daray shaqaale cusub ilaa ay gaareen 2016-kii 5,526, tiradaas oo weli sideedii ah. Shaqaalahaas aan tiradooda soo sheegnay ilaa iyo hadda waa sidoodii iyaga oo kala leh heerarkan Garade (A): 2502, (B): 1527, (C): 995, (D) 502, waxaana muuqata in maamulka Farmaajo uu ku guuldareystay qorashada shaqaaleysiinta. Qeybo ka mid ah tiradaas yar ee u diiwaan-geshan shaqaalaha joogtada ah xataa ma helin xuquuqdoodii muddo 9 bil ah, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad. Xaqiiq kale oo aan la inkiri karin ayaa ah in mashruuca ay gunnada ku qaataan shaqaalaha KMG ah ee ay qoratay dowladda Farmaajo laga bixiyo barnaamijka Recurrent Costs and Reform Financing Project, kaas oo ah mashruuc uu bangiga adduunka ogolaaday markii ugu horeysay xiligii dowladdii Xasan Sheekh July 1 ilaa December 31, 2014, waxay aheyd sidoo kale markii ugu horeysay ee bangiga adduunka iyo IMF-ta la shaqeeyaan dowlad Soomaaliyeed, horumarkii la smaeeyey wixii xilligaas ka dambeeyey ayaa keentay in arbacadii ay labada dhinac kala saxiixdaan $80 Million. ilaa hadda xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa ay jawaab u la’dahay sababta ay u qoran la’dahay shaqaale cusub iyo sababta ay shaqaalaha KMG ah uga biilaan mashruuc loogu talo-galay in lagu shaqaaleeyo khubarada, dadka awood siinta ku shaqada leh, kuwaas oo ay aheyd in dowladda Soomaaliya qaabab kale uga faa’ideysato!! Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. The AU has awarded medals to a contingent of troops from the Burundi National Defense Force (BNDF), in recognition of their contribution in furthering the mandate of the mission in Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. A haunted look in the eyes of Amal Hussain, an emaciated seven-year-old lying silently on a hospital bed in northern Yemen, seemed to sum up the dire circumstances of her war-torn country. Source: Hiiraan Online
  9. A Japanese Airlines pilot has pleaded guilty to being almost 10 times over the limit just ahead of a flight from London to Tokyo. A bus driver taking him to the plane alerted the authorities. Source: Hiiraan Online
  10. The Somali government has signed $80m grant deal with the World Bank (WB). Source: Hiiraan Online
  11. (Reuters) - Media mogul Oprah Winfrey lent her star power on Thursday to Georgia Democrat Stacey Abrams, who is vying to become the first female black governor in the United States, while saying she has no political aspirations of her own. Source: Hiiraan Online
  12. SAUDI ARABIA’s dispatch of a 15-member team to Turkey to attack journalist Jamal Khashoggi added to a global trend of autocratic states reaching out to kill or kidnap exiled dissidents. Russia and China have been pioneers of the practice and for the most part have gotten away with it; that has encouraged others. Source: Hiiraan Online
  13. Brazil would become the third country to have an embassy in Jerusalem, after the US and Guatemala Source: Hiiraan Online
  14. Africa’s wealthiest and largest airline will have its first flight to Somalia’s capital in over 40 years today. Source: Hiiraan Online
  15. Istanbul (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dowladda Turkey ayaa baaraya suurta galnimada in meydka Wariye Jamaal Khaashuqji lagu burburiyay Aashito, kadib markii lagu dilay gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, sida Wargeyska Washington Post uu daabacay. Saraakiil sar sare oo ka tirsan Turkiga ayaa wargeyska u sheegay in Cadeymo ay ka heleen beerta ku taala banaanka Qunsuluyadda ay ka taageertay inay ogaadaan in meydka Jamaal la dhigay meel u dhow halka lagu dilay, kadibna aan la aasin oo lagu baabi’iyay aashito. Markii ugu dambeysay ee la arkay Jamaal waxay aheyd 2 October xiligaasi oo uu galayay qunsuliyadda, balse masuuluyiinta Sacuudiga ayaa qiray in Jamaal uu u dhintay murun dhexmaray isaga iyo shaqaalaha, walow markii dambe Turkiga uu xogo kale banaanka keenay. Ilaa iyo hadda lama helin meyd wariyaha oo muddo bil ah la weysan yahay. Dacwad oogaha Turkiga Irfan Fidan ayaa Arbacadii shaaciyay sharaxaad ku aadan waxa baarayasha dambigaasi ka aamisan yihiin waxii ku dhacayKhaashuqji, waxaana la aamisan yahay in wariyaha la ceejiyay markii uu qunsuliyadda galay, iyadoo qorshaha uu ahaa mid horey loosii diyaariyay. Dilka Wariyaha u dhashay Sacuudiga ayaa dhaliyay walaaca caalami ah, waxaana uu aad u dhaleeceyn jiray wariyaha xukunta boqortooyada Sacuudiga. Marka hore Sacuudiga ayaa sheegay in Wariyaha uu kabaxay albaabka dambe ee qunsuliyadda, waxaana 19 bishii October ay Sheegeen war kaasi ka duwan oo ahaa inuu ku dhintay gudaha Qunsuliyadda. Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee CIA Gina Haspel ayaa u safray Turkey todobaadkii hore si uu dib ugu eego cadeymaha kiiskaasi la xiriira, waxaana uu xog ka siiyay madaxweyne Trump, waxaana aqalka cad uu shaaciyay in la sugayo Jawaabta Trump Isniinta uu ka bixiyo Kiiskaasi. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@lice.com
  16. Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheikh Aadan, uu luminayo kalsoonida xildhibaanada Koofur Galbeed. Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii sida xogta aan ku heleyno madaxweyne Shariif Xasan uu ku amray xildhibaanada Koofur Galbeed inaysan la kulmi karin musharixiinta kale ee ku sugan magaalada Baydhabo. Xildhibaanadan ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana taasi ay dhalisay in Shariif Xasan uu Dareemo in culees uu kaga yimaado musharixiinta uu la tartamayo. Xildhibaanada Qaarkood ayaa diiday amarka madaxweyne Shariif Xasan, waxaana 15 kamid ah ay yimaadeen magaalada Muqdisho si ay wadatashi ula sameeyaan xildhibaanada Federalka ee kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed. Xildhibaano badan ayaa ku mideysan in markale aysan dib usoo dooran madaxweyne Shariif Xasan, laakiin waxaa Shariifka lagu yaqaanaa ciyaarta siyaasadda Somalia, taasi oo markale u sahli karta inuu soo laabto. Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan Musharixiin badan oo dooneysa inay ka guuleystaan Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxaana fursadda cidda noqoneyso madaxweynaha Koofur Galbeed ay hortaalaa xildhibaanada Koofur Galbeed. Habeen Hore ayaa madaxweyne Shariif Xasan oo dareemay culees waxaa uu badalaad ku sameeyay dhamaan ciidamadii ka howlgalayay madaxtooyada, waxaana uu ku badalay ciidamo ay isku heyb yihiin. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib Khilaaf xoogan oo shalay ka dhashay shaqo joojin lagu sameeyay duqa degmada Beledweyne, ayaa waxaa arintaasi soo kala dhex galay wasiirka arrimaha gudaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle. Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo saaray warsaxaafadeed ayaa xilka ka qaaday duqii degmada Beledweyne oo shalay sheegay in weerar lagu qaaday xafiiskiisa. Wareegto kasoo baxaday Xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ee DG HirShabeelle Waxaa Xilkii looga qaaday Duqii Degmada Baladweyne, Waxaana Xilkaas loo Magacaabay Md Khadar Xasan Afrax. Duqa Degmada Beledweyne Cali C/qaadir Faarax, ayaa ka carooday kadib markii shalay guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu ku eedeeyay inuu lunsaday Hanti dadweyne, waxaana uu isaga oo saxaafadda la hadlayay uu sheegay in madaxda Hirshabeelle looga baahan inay arinta ka hadlaan.
  18. Halkan ka aqriso qeybihii hore ee qormadan. Faragelin Shisheeye Tan iyo xiligii uu dhacay dagaalkii 1977dii ee dhex maray dowladdii Soomaaliya Iyo Ethiopia, waxaa dalka maalinba maalinta ka dambeeysa ku sii badanaayey faragelin kaga imaanayso dalal shisheeye ee doonaaya inay saameyn ku yeeshaan arrimaha aminga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada. Si dalkasta u gaaro danta iyo ujeedada uu leeyahay, wuxuu sameysta saaxiibbo soomaali ah oo u fuliya danahooda iyo istaraatiijadooda. Faragelinta dalalka shisheeye waxay qeybta ugu weyn ka ahayd burburintii dowladnimada iyo soo bixitaankii hogaamiye kooxyadii iyo ururo diineedyo kala dhantaalay manhajkii Shaaficiyada ee dadka soomaaliyeed haysteen. Haddaba iyadoo la wada ogsoon yahay dhibaatooyinka faragelinta shisheeye u geysteen nabadda iyo dowladnimada soomaaliya, waxaan halkaan si kooban ku soo bandhigeynaa qaar ka mid ah saameeyntii ay ku yeesheen degenaansha iyo dib yagleelidda dowladnimada. Burburin iyo Iska Horkeenid: faragelinta shisheeye waxay keentay in ay soo ay ifbaxaan ururro beeledyo hubeysan oo aan lahayn wax hadaf iyo himillo dowladnimo ah. Si loo burburiyo shacabka soomaaliyeed ee isku isirka, diinta, luuqada iyo inta badan dhaqanka ah, waxay faragelinta shisheeye keentay in beel-beel iyo jilib-jilib laysaga horkeeno dadkii walaalaha ahaa ee danta iyo deegaanku ka dhexeeysay. Arrintaan ayaa keentay fowdo iyo sharci la’aam ku baahday dhamaan dalka iyo in qabyaaladdu gashay meelkasta oo noloshada bulshada ah. Waxaan qofkasta qasab ku noqotay inuu qabiil iyo qabyaalad maciin bido, taasoo meeshii ka saartay dowladnimadii, kala dambeyntii iyo asluubtii bulshada. Dhibaatadaan ayaa waxay keentay cuqdad iyo kala aamin bax soo kala dhexgalay shacabka iyo beelaha soomaaliyeed, waana mid ka mid caqabadaha ugu waa weyn ay dowladda soomaaliyeed manta wajahayso. Qab-qable Beeleedyo: faragelinta shisheeye waxay keentay inay soo baxaan qab-qableyaal arxan laaweyaal ah, kuwaasoo midkasta uu doonaayey inuu awood helo si uu dalka madax ugu noqdo. Qab-qableyaalkii waxay dalka ka dhigeen meel galgalin ah oo aaney ka jirin wax nabad iyo nolol ah. Faragelinta shisheeye waxay keentay in qab-qableyaalkii lagu marti-qaado shirar aan waxba ka soo baxayn, iyadoo shir kasta uu dhali jiray qab-qableyaal hor leh oo taageerro ka helaayo dowlado iyo shirkado shisheeye. Dowladdii ku-meel gaar ahayd ee lagu soo dhisay magaaladda Carta ee dalka Jabuuti oo ahayd dowladdii ugu wanaagsaneyd ee ay ku jireen dadkii ugu aqoonta, waayo-aragnimada iyo wadaniyadda wanaagsanaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed aad u taageersanaayeen, waxaa hor-istaagay qab-qableyaal u adeegaya dowlado iyo dano shisheeye. Federaal Beeleedyo: faragelinta shisheeye waxay keentay in dadka soomaaliyeed loo yeeriyo nooca dowladnimo ee ay u baahan yihiin iyadoo aan la tixgelineyn dhaqankooda iyo duruufahood siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale. Waxaa dadka soomaaliyeed lagu sanduleeyey in ay qaataan nidaamka is-maamul goboleed qabiil ku dhisan. Faragelinta shisheeye waxay keentay in la abuuro dowladdo leh madaxweyneyaal, baarlamaan iyo sharci dejin oo ay xukumaan dad uusan dadweynuhu ama shacabku soo dooran. Nidaamkaan ayaa wuxuu sii kordhiyey kala qeybsanaanta dowladda iyo in hogaamiye maamul-beeledyadu ay ku xirnaadaan dowlado shisheeye oo iyaga taladooda qaata. Dowladaha qaar ayaa waxay si aan qarsoodi lahayn u siiyaan Madaxweyne beeleedyada taageerro dhaqaale, mid milateri iyo siyaasadeed, iyagoo is bareer ah u curyaaminaayo in la helo dowlad leh karti iyo awood ay dalka ku samata-bixiso. Boobka Hantida Qaranka: faragelinta shisheeye waxay keentay in hantidii qaranka la boobo loona qaado dalal kale. Waxaa si aan kala har lahayn loo iibsaday ama loo boobay xoolihii iyo duurjoogtii dalka. Waxaa si aan la qiyaasi karin loo boobaa kheyraadka badda ee dalka iyadoo maraakiib waa weyn oo dalal shisheeye calankooda sita ay jillaabtaan wax kasta, taasoo xaalufin ku keentay meelo badan oo ka mid dhul-badeedka dalka. Waxaa kale oo la boobaa macaadinta iyo kheyraadka kale ee dalka. Sidoo kale, waxaa la lunsaday lana dhoofsaday dhaxal-taariikheedkii dalka iyo astaamihii soo yaalka ahaa ee dhaxalka iyo dhigaalka u ahaa ummadda Soomaaliyeed sida taallooyin, buugaag iyo raadad qaddiim ah. Tartan iyo Handadaad: maadaama dalka Soomaaliyeed uu ka mid yahay dhowrka dal ee dunida ugu qanisan marka la eego halku uu juquraafi ahaan aduunka ugu yaalo oo ah meel istaraateji ah iyo khayraadka dihin ee ceegaaga bad iyo beriba, Soomaaliya waxaa la degey tartan iyo loolan ka dhex jira dowladdo iyo shirkado caalami ah. Dowladaha reer galbeedka iyo shirkadahooda waa weyn ayaa inta badan waxay keenaan ama huriyaa colaada iyo khilaafka aan dhamaad lahayn ee dalka ka jirta. Madaxda soomaaliyeed ayaa markasta la kulma handaad iyo cabsi-gelin aan dhamaad lahayn oo ka imaaneysa dowladdo ilaalsanaayo kheyraadka dalka laakiin aan dan iyo muraad ka lahayn xal u helidda dhibaatooyinka burburiyey/hortaagan dowladnimada. Dowladahaan ayaa sheega inay lacago fara badan u bixiyeen wax loogu yeero kaalmo Bani-aadanimo ama humanitarian Aid, taasoo loo dhiibo hay’adaha UNka iyo NGO caalamiga isla markaana aaney ka soo bixin wax la taaban karo. Xaaladdaan ayaa dowladda soomaaliyeed ka dhigtay mid daciif ah oo ku nool gacmo hoorsi. Deegaan iyo Nolol burburin: faragelinta shisheeye waxay keentay in dowladdo iyo shirkado wakiilka ah dowladooda ama kooxo burcad ay dhulka iyo xeebaha dalka ku aasaan sunta nukleerka iyo dareere-warshadeedyada iyadoo aan la tixgelineyn saameeynta caafimaad iyo deegaan ee suntaas ama kiimikadaasi keeni karto. Waxaa kale oo la baabi’iyey bay’addii iyo degaankii iyadoo dhirtii laga shidaayo dhuxul dibedda loo iib geeyo. Gubidda dhirta qaarkeed u baahan yihiin ugu 50 sano si ay u soo baxaan una koraan ayaa waxay keentay xaalufin iyo isbedelku ku miyid cimiladii iyo noloshii xoolaha iyo xoolo-dhaqatada. Saameynta deegaan burburinta ayaa waxay keeni doona dhibaatooyin ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed muddo badan la daalaa dhacdaan, isla markaana caqab ku noqota nolosha jiilashada soo socda…la soco qeybta xigta oo ku saabsan jabhado beeleed, insha allah. W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa go’doon galaya degmada Dalxiiska gobolka Banaadir oo ah degmada CabdiCasiis oo dadweyne badan ay u dalxiis tagaan maalin kastaa xeebteeda Liido. Waxii ka dambeeyay markii dowladda Imaaraatka Carabta ay xarun safaaradeed iyo mid Caafimaad ka furtay kasoo horjeedka saldhiga degmada Cabdi Casiis, waxaa ciriiri noqday wadaddii loo mari jiray degmada Cabdi Casiis. Dadweynaha iyo gadiidka kale ayaa adeegsan jiray wadada hormarta KM0, balse waxii ka dambeeyay markii qarax uu ka dhacay hotelka Dorbin waxaa gabi ahaanba la xeray wadadaasi. Taasi waxay dhalisay in dadweynaha loo ogolaado inay adeegsadaan wadada ka timaada dhanka degmada Shangaani ee hormarta taliska ciidamada Taraafikada, kadibna ku dhacda kaalinta shidaalka ee ku dhow saldhiga degmada CabdiCasiis, halkaasi oo fariisin ciidan laga sameeyay si loogu hubiyo gaadiidka dowladda ee maraya Laamiga KM0. Iyadoo wadadaasi ay dadweynaha ciriiri badan kala kulmi jireen, maadaama loo adeegsanayay Gelid iyo bixid, burbur xooganna uu kamuuqday ayaa haddana roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho, waxay sababeen inay halkaasi biyo badan Fariistaan. Biyaha Roobka ayaa sababay in gaadiidka Bajaajta iyo kuwa dadweynaha ay adeegsan kari waayay, sabab la xiriirta burburka iyo biyaha oo badan oo waxyeelo sababi kara. Waa wadada kaliya ee la adeegsado marka loo socdo xeebta Liido oo aad ka timaada dhanka degmooyinka Shibis, Xamarweyne,Shangaani ilaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Gaadiidka halkaasi isticmaala ee dadweynaha waxaa bil walbaa laga qaadaa Canshuur badan, balse lama oga halka lacagtaasi la marsiiyo. Wadayaasha Gaadiidka Bajaajta ayaa bilaabay iney wareeg dheer usoo maraan xeebta Liido, iyaga oo Marka ay yimaadaan Isgoyska Jubba u leexda dhanka Maanabooliyo, kadibna sii mara Nasiib Buundo iyaga oo kasoo dhacaya dhanka Isgoyska Mirinaayo oo ciidamada Fadhiyo ay dhibaato kale kala kulmaan. Waxaana taasi ay horseeday in dhaqaalaha lagu kordhiyo dadweynaha adeegsanaya Bajaajta. Haddii aan Halka waddo ee dadweynaha u furan si xeebta Liido u gaaraan aan wax laga qaban, waxaa istaagi dooni Gabi ahaanha Dalxiiska Xeebta Liido, Caasimada Online Xafiiska Muqdish Caasimada@live.com
  20. Guddoomiye Axmad Madoobe waxaan rabaa inaan xasuusiyo in Kismaayo ay tahay GAROOB ay soo fureen ama laga fasaqay niman badan iyadoo mid walibana waqti kooban uu la noolaa. Maanta haddii aad adiga reerki la wareegtay marna ha u maleyn inaad weligaa joogi doonto wax kasta ood isku daydo ama xirfad kasta ood adeegsato, waayoo dhashi ay ka tageen kuwi kaa horeeyay ayaa meeshi buuxa si looga takhalusana ma sahlana.Ogaaw wixi aad ismoodo ma ahid wixii laguu maleeyana ma wada ahid, waxaanse kaala tali lahaa in islaweynida aad ka tanasusho aadan adigu is-arag aadna isna-mahadin..aqoontaada ku kororso xikmadi Carabiga ahayd oo dheheysa NINKI ISAGA IS-ARKA IYADOON DADKU ARAG DADKU MA ARKAAN. Dhibaatada maanta idin heysata haddaad tihiin Madaxda Gobollada waa doorashada soo socota oo nin waliba dareemay inuu xaalku ku xun yahay. Arrintina waxay gaartay heer aad dibadda kaalmo ka radsataan, ha ahaadeen dowladaha deriska nala ah iyo beesha caalamka, kaddib markii dadki gobollada degganaa ay idin karaahiyeysteen. Adigana si gaar ah lagu dhaliilay, kaddib markii aad dhirti gobolka oo dhan xaalufisay ood dhuxul ka shidatay, waxayna taasi markhaati ka tahay inaadan gobolkaan wax dan ah aadan ka lahayn nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan midna. Waxaad gaartay cimrigi howl-gebka oo la yiraahdo RETIREMENT AGE xilligaasoo culumada ku takhasustay Cilmi –Nafsiga isku raaceen inuu qofku shaqada ka fadhiisto, haddii aan laga maarminna laga dhigo la-taliye hadba lala tashado marka khibrad iyo waaya-aragnimo loo baahdo. Taasu micnaheeda waxay tahay inuusan qofkaani qaban Karin howl la xariirta go’aan qaadasho iyo fulin amar ama talo ku saleysan masiirka dadka iyo dalka…marna ha u maleyn in haddii aad madaxa madoobeysato in da’adu soo yaraatay. dhibaatada murugta xambaarsan oo culeyska weyn kugu heysa ogaaw waxay horseedaa cimri deg-deg iyo caaqibo xumo kuu horseeda inuu iimaanka kaa baxo ood la mid naqato Shariif xasan iyo C/weli Gaas. Shariif Xasan marna ma aaminsana in ruux aan isaga ahayn uu Koofur-Galbeed Maamule ka naqan karo, haddey dhacdana naftiisa ayaa loo yaabaa!!! Go’aanada aad ku gaarteen Garoowe waxay horseedeen in dadweyinhi gobolllada ku noolaa ay idinka soo horjeestaan. Taasoo laga yaabo inay dalka oo dhan sameyn xun ku yeelato, nabaduna ay faraha ka baxdo haddaan si deg-deg ah looga hortegin . Mid kasta oo idinka mid ah meeshuu tegi lahaa waa soo diyaarsaday haddii Somaliya lagu kala guuro!!!. Ogaada in C/weli Gaas oo kale ay dowladdu soo adeegsan karto, laakin culeyska xilka ay xambaarsan tahay awgii ayaa u diiday inay u dhaqanto sida adinka oo kale oo xilki aad dadka u qaadeen iyo shaarkii masu’uliyada aad geed soo saarteen waan ku soo illawdeen. Nin kasta oo idinka mid ah wuxuu ku jiraa godkiisi aa biyo ugu soo galeen markaasaa la idin siiyay koombo dabada ka duleesha oo la yiri biyaha iska bixiya.Nasiib darro, biyihi waa soo badanaayaan, bal aan sugno meesha ay ku dambeyso!!! Gunaanadka waa “joke” laga sameeyay idinka oo kale: laba nin oo waalan ayaa ka soo baxsaday Isbitaal waxayna soo xadeen baabuur. Iyagoo socda ayaa waxa gacanta u taagay 4 nin oo baabuurti ay wateen ka burburtay…makaaseey soo qaadeen… Xoogaa marki la socday waxay la yaabeen xowliga uu ku socdo babuurka oo ahayd mid waalli ah,markaasey la hadleen midki kale oy dheheen “ u sheeg saaxibkaa xowliga tartiibi dheh” Markassuu u jawaabay “ USSSSS, aamusa shufeerka waa hurdaa ee ha toosinina”!!! W/Q: Axmad Calasow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – 17-November 2014-kii, 396-(Saddex boqo,l lixdan iyo sagaal)-Ergo ayaa codkooda dhiibtay si ay u doortaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u Shararaxnaa Xilka Madaxweynaha Sedex Gobolka ayaa xiligaa helay 373-Cod. Federaaleynta dalka oo curdin ahayd iyo Aragtida Sedexda Gobol oo mucaarado xoogan wajaheysay ayaa loo sababeyay in ergo la soo xulay ay doortaan Madaxweynaha K/Galbeed. Waxa uu ugu horreeyay ee loo baahnaa ayaa ahaa dib-u-heshiisiin, dhameystirka maamulka-oo loo sameeyo baarlamaan iyo gole-fulineed-iyo Amniga oo astaan ay u ahayd caasimadda oo uusan maamulka tegi Karin. Afar sano kadib iyo KGS: Afar Sano oo uu xilka hayay Shariif Xasan Sheekh Aadan, Koonfur Galbeed waxa ay ka mid noqotay Maamul Goboleedyada Dalka kajira,haba taag darnaado maamulka’e waxaa dhismay Baarlamaan ka kooban 149 Xildhibaan, Golihii Wasiirada iyo hay’adaha kala duwan ee Maamulkan, waloow howshii looga baahnaa aysan qabsoomin afartii sano ee ku jaango’nayd Muddo-xileedka Madaxweyne Shariif Xasan. Dadka qaarse waa hubaal inay la dhacsan yihiin hannaanka maamulka hadda, oo aan xiriir la lahayn dowladda dhexe. Si kastase wali dadweynaha codkooda ma dhiibanayaan sabab guud awgeed taasoo ah duruufaha Amniga iyo wadiiqooyinkii wadan lagu gaari lahaa oo aan la soo diyaarin. Maxaa ka socda Baydhaba? Markii Ugu horeysay Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa 17-Bishan November dooran doono Hogaamiyaha Cusub ee K/Galbeed, in kabadan 10 Musharax ayaa ilaa iyo hadda la ogyahay inay u taagan yihiin xilka ugu sarreeya dowlad-goboleedka. Afarta Murshax ee ugu hadalheynta badan ayaa kala ah:- Shariif Xasan Aadan- Madaxweynaha Waqtiga kasii dhamaanayo. Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur- Hoggaamiye ku-xigeenkii Al-shabab. C/casiis Lafta Gareen- Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumada Federalka. Xuseen Cismaan Cismaan- Taliyihii NISA. Loolanka Doorashada Koonfur Galbeed waa mid adag,marka aad si hoose u eegtidna waxaa muuqanaya in tartanka doorashada uu u dhaxeeyo labo garab. Shariif Xasan Sheekh Aadan oo doonaya in uu iska caabiyo Musharixiin la rumeysan yahay in ay baritaareyso ama ay garab taagan tahay Xukuumada Kheyre ayaa xulafo siyaasadeed la noqday Musharixiin saameyn weyn ku leh Koonfur Galbeed. Shariifka ayaa isbaheysi la ah Musharixiin ay kamid yihiin: Mukhtaar Rooboow, Ibraahim Fargeeti, Aadan Saransoor Ibraahim Macalin Nuur iyo kuwo kale. Musharixiinta la aaminsan yahay in ay yihiin garabka gacanta ka helaya Muqdisho: C/casiis lafta gareen. Xuseen Cismaan Xuseen. Aamina Mursal. Hadalheynta shacabka baydhabo ayaa ah in Musharixiintan ay olole adag oo ay lacag culusna wehliso la soo galeen magaalada. Dhaqdhaqaadyada doorashadana wax weyn ayey ka badaleen inkastoo siyaasada Somali lacag qaadashadu ay dhaqan u tahay, hadane rajada Musharixiinta waa boqolkiiba konton iyaga oo cash isticmaalaya ayeysan kalsoonida xildhibaanka lagu qabi karo ahayn mid weyn. kulamo gaar gaar ah ayey la qaateen xildhibaannada, kulankiina lacag badan ayaa lagu bixinayay taasoo ahayd ‘Billow iyo Isbarasho’. Isku-dayga Xukuumada lagu eedeenayo ee faragalinta doorashada hadii ay sax tahay waxaa loo badaniyaa in musharixiinta taageerada Muqdisho heysto ay guuleystaan. Mukhtaar Rooboow: Marka aad baydhabo joogto Mukhtaar Rooboow ayaa ah magaca carrabka dadweynaha ku soo noqnoqanaya, isagoo taageero mug leh ka heysta bulshada. Taageerada Roobow ayaa kaliya lagu mataali karaa mid uu 2009 heystay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee dowladdii KGM ahayd. Mukhtaar oo ay dowladda dhexe mar shaki gelisay sugnaanta murashaxnimadiisa ayaa haddii uu guuleysto la rumeysan yahay inuu wax badan ka qaban doono dhinaca Amniga, wallow uusan waaya-aragnimo siyaasadeed uusan lahayn. Madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo: Shariif Xasan Sheekh aadan Hogaamiye mudo siyaasada Somalida ku soo jiray waliba nasiib u hela guusha, iminka waxa uu wajahayaa loollan loo arki karo kii ugu adkaa ee uu abid galo, balse odayaasha iyo xildhibaanada ayaa la aamini karaa in ay jaal la yihiin taas oo iyada keeni karta in mar kale kalsoonida uu helo. Cabdi-casiis Lafta gareen : Oo sannadkan uun ku guuldarreystay kursiga guddoomiyaha golaha shacabka ayaa olelihiisa diiradda ku saaray inuu soo jiito dhallinyarada. Waxaana baraha bulshada lagu arkayay dhallinyaro aad ula dhacsan murashaxan, waxa uu yahay hoggaamiye haddii uu guleysto la aaminsan yahay inuu bah la noqonayo dowladda dhexe. Xuseen Cismaan: Taliyihii hore ee NISA-Hay’adda Sirdoonka iyo Amaanka Qaranka-oo dhawaantan xil culus uga tegay hanashada jagada madaxweynaha ayaa la filayaa inuu isbedel la yimaado. Aamina Mursal: Murashaxa kaliya ee dumarka ah ayaan loo badineyn inay wareegyada dambe soo gaarto, haddiiba ay tartanto, sida laga bartay saaxada siyaasadda Soomaliya oo aysan haweenku xattaa waligood u tartamin xil madaxweyne. Waxa ayse astaan u tahay sida dumarka ugu diyaar garoobeen hoggaaminta wadanka. Si kastaba ha ahaatee, Murashaxa ku guuleysta ayaa wajahaya Caqabado dhowr, waxaana kow ka ah Amni-darrada oo astaan u noqon karta halka maamulkiisa uu ku sii shaqeeyo maadaama magaalo-madaxda oo ah Baraawe uusan wali gaarin oo uu si KMG ah ugu shaqeeyo Baydhaba. Dhisidda kalsoonida shacabka, daadajinta maamulka dowliga ah, hagaajinta adeegyada guud iyo wax-ka-bedelidda xiriirka xun ee kala dhaxeeya dowladda federaalka ayaa ah guulaha loo baahan yahay. W/Q: Saleymaan Raage
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya xeebaha magaalada Berbera ayaa sheegaya in ciidamada badda Somaliland ay gacanta ku dhigeen kaluumeysato ajaaniib ah oo si sharci daro ah ku kaluumeysanaysay. Saraakiisha ciidamada badda Somaliland ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamadooda ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen xeebaha Karin ee duleedka magaalada Berbera, islamarkaana ay qabtee 22 kaluumeysato ajaaniib ah. Kaluumeysataan ayaa saraakiisha waxay sheegeen inay u dhasheen dalka Yemen, waxaana marar badan xeebaha Somaliland lagu qabtay kaluumeysato u dhashay dalka Yemen. Taliyaha ciidamada Xeebaha Berbera Haaruun Saciid Cali, oo saxaafadda la hadlay ayaa cadeeyay in Kaluumeysataan ay wajihi doonaan maxkamad ayna hadda ku xiran yihiin saldhiga magaalada Berbera. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay inay qabteen labo dooni oo ay lahaayen kaluumeysataan, isaga oo u digay ajaaniibta kale ee ku howlan inay si sharci daro ah kaga kaluumeystaan xeebaha Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. In my humble view, national leaders by nature must possess the foresight and ability to articulate a vision to strategically solve critical challenges facing their own respective societies. I’m sure many people are fully aware of how much Source: Hiiraan Online
  24. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ” ILAAHOW CEEB ASTUR “ Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa weli aaminsan in Somalia tahay meel bahalo galeen ah. Madaxweyne Museveni oo ka qeyb galay dhaqan gelinta heshiiskii nabada ee la dhex dhigay Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Riek Machar ayaa bartiisa uu ku leeyahay Twitter ku tibaaxay weerahan : ” Shisheeyuhu waxay donayaan in ay South Sudaan ka dhigaan meel bahalo galeen ah sida Somalia iyo Liibiya. Isagoo u mahadnaqay madaxda reer South Sudan ee heshiiska gaaray, isagoo u balan qaaday taageerada Dawlada Uganda. Lakiin nasiib xumo Madaxweyne Yoweri Museveni wuxuu iloobay in Madaxweyne Farmaajo iyo Xukumadiisu jogaan goobta heshiiska lagu saxeexay, isuna qabaan in ay qayb ka yihiin Madaxda Gobolka ee doorka ka ciyaaray nabadeynta South Sudan. ” ISU QABE, AAN LOO QABIN OO QAADAN “
  25. Nicholas Haysom UN envoy to Somalia Nicholas Haysom was busy in Baidoa this week – with AfricanUnion’s Amb F Madeira, he met South West State’s Pres. Sharif Hassan Sheikh Aden, the Speaker of Parliament and various presidential candidates. Kadib booqashadiisii Baydhabo ee toddobaadkaan – halkaas oo uu dhageystay aragtiyada kala duwan ee Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan, Afhayeenka baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur Galbeed iyo murashaxiinta madaxtinimada Sidoo kale ergayga Qarmada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom, waxa uu markale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo doorasho lagu kalsoonaan karo oo ka dhacda Koofur Galbeed, isagoo xaqiijiyay in Qaramada Midoobay aysan murashax gooni ah taageereynin. Waxaa kale oo uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan murashaxiinta Koofur Galbeed ay helaan fursad caddaalad ah oo ay doorashada uga qeybgalaan, iyo in la helo hannaan doorashada looga ilaaliyo xadgudub, ha ahaato dhaqaale, cadaadis ama rabshado. Halkan ka daawo kulankii Nicholas Haysom uu la yeeshay Madaxweyne Shariif Xasan iyo Musharixiinta Konfur Galbeed http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2018/11/45073455_326461698186821_8814240809516793856_n.mp4