-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-061118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in bishan aynu ku guda jirno ee November ay wax badan ka bedali doonaa xaaladda amni ee deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo. Jeneraal Mahdi C/salaan oo ah la-taiyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in shirkii amniga Jubbaland ee ka dhacay Kismaayo la isku raacay in la dar-dargeliyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab. Waxa uu sheegay in la doonayo markaan in la kordhiyo meelaha lagula dagaallamayo Al-shabaab, islamarkaana laga wada shiray dib u dhacii howlgalladooda ku yimid bishii October. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/LATALIYAHA-AMNIGA-JUBBLLAND.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM dad rayid ah ku laayeen xaafadda SOS ee magaalada Muqdisho. Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada AMISOM qarax lagula eegtay agagaarka SOS, sida dadka goobjoogayaasha ay sheegeen, waxaana kadib ciidamada AMISOM oo lugeynaya dileen dad rayid ah oo iska qaxweynayay. Afar ruux ayay siyaabooyin kala duwan saaka ciidamada AMISOM ugu dileen SOS ilaa Ex Control Balcad, waxaana dadka la dilay ku jiray ruux Dameer watay oo ku cararay Meel Garaash aheyd. Seddexda kale ayaa ku sugnaa maqaayad ku taala Ex Control Balcad, halkaasi oo la sheegay inay isaga qaxweynayeen, lamana oga sababta ciidamada ay dadka rayidka ah u dileen. AMISOM ayaa marka qarax lagula eegto ilaa Suuqa Xoolaha waxay furaan rasaas badan oo afarta dhinac ah, waxaana rasaastii saaka ku dhaawac dad xaafadahooda ku sugnaa. Waxaa haatan banaanbax xoogan uu ka socdaa halka saaka rayidka lagu dilay, waxaana dadka ay kasoo horjeedaan tacadiyada ciidamada AMISOM ka geystaan Degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya Ex-control Balcad, degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino lagula eegtay gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka AMISOM. Goob jooge ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa mid xooggan, islamarkaana ay ka dhalatay khasaare kala duwan. Ciidamada AMISOM ayaa iyaguna la sheegay in ay fureen rasaas xooggan oo waxyeello soo gaarsiisay dad shacab ah oo goobta ka dhowaa. Weli lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan inta uu la egyahay, iyadoo xaaladdu tahay mid aad u adag. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho,gaar ahaanna xaafadda Soos ee Ez Control Balcad ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino lagula eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM. Qaraxa oo sida la sheegay ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa haleeshay kolonyo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM,inkastoo aan faahfaahin laga hayn khasaaraha gaaray ciidamadaasi. Dhinaca kale ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhintay ilaa 3 kalena waa ku dhaawacantay rasaas ay fureen ciidamadii qaraxa lala eegtay ee AMISOM,sida laga soo xigtay goobjoogayaal ah. Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay rasaasta AMISOM ayaa la sheegay in dhammaantood ay shacab ahaayeen,kuwaasoo xilliga rasaasta lala dhacay fadhiyay maqaaxi halkaasi ka agdhoweyd. Jawiga xaafada ayaa haatan qasan waxaana ka socda muddaharaad looga horjeedo dhibaatada ay shacabka u geysatay AMISOM,sida ay sheegayan dadka degaanka. PUNTLAND POST The post AMISOM oo dad shacab ku laayay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wareegto shaqada kaga eryey wasiiru dowlihii wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee maamulkaasi. Waxa uu sheegay Shariif Xasan in sababta ugu weyn ee shaqada looga eryey Abba Awow Suufi ay tahay kadib markii uu Aflagaado sameeyey, uuna ku xadgudbay nidaamkii u yaallay wasiirada. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Muuse Arinkiisu waa Qawda maqashii oo waxba ha u qaban Sool iyo Koonfurteedka Xaladaha Aaga we ka jira? Halka Ummadu ka Aamusan tahay,Sool iyo Dhibaatada ka jira , Mucaaradkana Tooshkoodu yahay mid Muuse uun laygu ifinaayo . Madaxweynaha JSL Md Muuse Bixi Cabdi waa markii labaad uu meel fagaare ah kaga hadlo Dagaalkii ka dhacay Gobolka Sool Koonfurtiisa iyo dhibaatadii ka dhalatay ee Naf bax iyo Dhaawac ba leh . Waxa Howl gal ah oo Xukumadiisa Guud ahaan ba iyo ta Ummada JSL oo la taaban karto ku dhawaaqday ama kaga qayb qaadanayso xal-uhelida dhimaabada ka dhacaday Gobolka Sool Koonfurtiisa wali ma jirto . Waa marki ugu horeysay ba la odhan karraa ee sidani ay dhacdo , Meesha waxa ka dhaceen iyo Ummada isku shufbeeshayba waa Ummadii Jamhuriyad Somaliland inay labo isu keen -raacan ma ahayn waxii lagu yiqiin Ummadeena iyo sharafeeda . Tolow marka Madaxweynaha Arinkiisu ma “Qawda maqashii oo waxba ha u qaban baa” Ma uu iska Aamusnaado sidaa ayaa u wanaagsan lahayd! Waayo Aranita sidaa u Qadhaadh ee aanu wax howl gal ah ka gelin inuu ka hadlo ma qurux badana. Sidaa Ummaduba uga amusan tahay ayaa la gudboon Madaxweynaha iyo Xukumadiisa ba . Mucaradkii iyaguna waxay noqdeen kuwo Tooshkoodu yahay inay Xukumada Muuse uun ku shidaan oo wax kasta oo soo foodsara Qaranka dhinac kast ha noqotee waxay u haysatàn inaan Xil-kasareyn ka howl galkeeda iyo u dhaqaadiida ba. Taasi ma noqon karto Mucaarad sugan oo Aqoon ,karti, Hagar baxa Qaranku ka muuqdo ee waa Mucaraad ah u adeegaya Danta shiekhsiga iyo sheega shada waxa aan dhab ahayn oo aan muuqan oo aan dhaqaaq iyo damqasho ,lex-jecelo la,aan ku isugu soo Biyo – shubaneysa . Waxa ummada wax Garadka iyo da,ayarat iyo inta damiirka dadnimad lihi shaqaynaayo in si wada jir ah loogu gurmado Arinta Maanta Dalkeena gudihiisa ka dhacaday ee Soomaalidii Koonfurta iyo Galbeedka iyo kuwii Wajeer ,Madheeri inooga horeeyen gurmadkoodii iyo soo ba gaadheen walina goobta aan lagu heyn wax Jamhuuriyada Somaliland ah . Iyado laba kaalmood oo waa weyn aynu kaga qayb qaadan karno oo kala ah. In Madaxweynuhu dul-dhigoo Cidan ka Qaranka oo mug iyo Miisaan leh xasiloonida iyo kala dabeynta gacan wax ku ool ah ka geysta inta ay socoto waan waanta iyo su soo jiidka Labada Beellood ee Walaha ee dhibaatadu dhexartaya Wuufuda kale duwan ee Gurmad ah ee halka yimi dhinac kasta oo ay ka yimaadeen ba ka dhex wadaan isla mar ahanata doonayan in xal oo helo dhibaatad so oaf-jarkeeda , halkaana karam iyo haykalka Nabada iyo Dawladnimada Jamhuuriyad Somaliland waxay tahay iyo halka ay mareyso si dadban oo cilmiyeeysan loo dareensiiyo Soomalida kala duwan ka kala timi saddex Meelood oo Somaalidu degto oo kala Kiiniya ,Ethopia Soomaaliya . Halka kale wax in Gurmadka oo mid Ciidan ,Ummadeed iyo midka guud ahaaneed oo Heer Qaran ah iyadan in lagu dhaqaaqo balse Madaxdii iyo Ummada Haldoorkeed wali wax u dhaqaaqay lama arko marka laga tegi waayo mid meelah asago Hudheel fadhiya hadal ku yidhi mooyaan sida Madaxweyne Muuse Bixiiyo xukumadiisiba Ficilkood iyo aqoontodu kartiidood.Masuuliyadii dhameyd ee sareyd wax meel ka muuqda ama isu xilqaama aan la kareyn maba la maqleyn ilaa iyo haatan la joogo . Waxa arinkeeni ku soo afmeer maya sheegasho iyo hadal meel laga yidhi taasina Qaran ahaan ma wanaagsan guuldarro inoo horseedo mooyiye . Gebo-gebadii Gunaanka Ummadu waxay leedahay Muuse bixi ma waxanu ku moodna mise waxaan loo noqon doonin ! , Waa intii codkood iyo Cuduuda dul-dhigay dhaqaale inuu hogaanka Dalka, qabto ee waa inta mudan inay dibu eegis ku sameeyaan waxay tacabkoodii dhalay Maanta Xerro u jira . Marka ummad waxa la gudboon inay dib u eegis ku sameeyaan . Hadii Madaxdii Qaranku Haraabkii la sheegay iyo isku quful noqotay ,Mucaaradkuna noqdeen kuwo dhibaatooyinka Qaranka soo foodsaaray ka yihiin kuwo Moogan kana dareen waxyaabah Mucaardnimadood adkeynaya kana dhigaya kuwo u leylyan inay hantaan hogaanak dalka kuna soo badhigaan Hufanaantood iyo himiladooda Aqooneed Karti Waayo-aragnimo . Abokor Mohamud abokorm@Hotmail.co.uk Bolton UK Qaran News
-
Qoraal kasoo baxay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa si kulul waxaa loogu cambaareeyey farogelinta dowladda federaalka ee ku aadan doorashada K/galbeed. Golaha ayaa ka digey in farogelintaasi ay horseed u noqoto dagaallo sokeeye oo ka dhacay K/galbeed iyo sidoo kale in la isku diro shacabka wada deggan gobolladaasi. Sidoo kale, golahan ayaa soo dhoweeyey go’aankii ay qaateen guddiga doorashada K/galbeed xubno ka mid ah oo ah iney is casileen. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ka Bogo: Sababta ka danbaysa Khilaafka Xisaabiyaha Guud iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Waxa jirtay in uu Wasiirka maaliyaddu dhawaan soo saaray warqad ula jeedadeeduna tahay Bedel Shaqaale oo uu u soo qoray xisaabiyaha guud ee qaranka. Hadaba ugu horaynba wasiirku awood uma laha awood qaanuuni ah oo uu ku badali karo masuuliyiinta uu sheegay inuu is badal ku sameeyay. Sababta koowaad ayaa ah in Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu sanadkii badhtankiisii soo saaray xeer madaxwayne oo ujeedadiisu ahayd madax-banaanida Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka si uu u hanto ilaalinta isla-xisaabtanka maaliyadeed ee dalka si aan miisaaniyadda qaranka kharash-garaynteedu ugu lumin hanti-lunsi, horena dalkan usoo ragaadiyay mudooyinkii hore. Dadaalka madaxwaynaha ayaa ahaa inuu ka handaraabo wasiirada iyo madaxda kale ee dawladdu inay sifo aan sax ahayn kula baxaan hantida umadda xafiiskuna uu noqdo mid ilaaliya kana joojiya arrintaas cid kasta oo isku dayda. Sababta labaad ayaa ah in madaxwaynuhu horeba u soo saaray xeer nidaamiye judhii uu xilka madaxtinimo la wareegay kaas oo ka hadlaya dhismaha wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumadda, isagoo xeernidaamiyahaasi Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ka mid dhigaya 17-ka hay’adood ee dawliga ah ee gaarka ah kuwaas oo u shaqeeya si madax banaan. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranku waxa uu muhiimad ballaadhan u leeyahay dhismaha qaranka, una madax banana yahay gudashada waajibaadkiisa shaqo isagoo kaliya xidhiidh wada shaqayn ah la leh wasaaradda maaliyadda. Xidhiidhna la leh dhammaanba wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda. Hadaba ula jeedooyinka ugu muc wayn ee uu wasiirku ka leeyahay ayaa ah qaar ka yimid awoodiisa hawl fulineed oo liidata, taas oo uu ku qarinayo dhaliilo badan oo mudooyinkii u danbeeyay ba dul hoganayay wasaaradda. Wasiirka maaliyaddu wuxuu meel kaga dhacay nidaamkii dalka isagoo wiil beeshiisa ah kaas oo ay qaraabo dhaw yihiin doonaya inuu gaysto kharash bixinta guud ee xafiiska. Isagoo doonaya inuu marsado hanti boobka uu wado. Taas oo dhaawac ku noqonaysa xafiiska oo shaqadiisu tahay ilaalinta kalsoonida iyo aaminaadda nidaamka maaliyadeed ee dalka. Wasiirku mudadii uu xilka hayay waxa hoos u dhac wayni ku yimid dakhli ururintii isagoo dad sidiisa oo kale ah meel walba dhigtay kastam iyo cashuuro berri ba. Isagoo markiisii hore ee uu kastamada joogay ku caan baxay xatooyo hanti umadeed oo baahsan, marar bandanna xilal hore lagaga xayuubiyay kadib markii lagu qabtay. Imikana isaga iyo asxaabtiisii ay u miciyo lisanayaan inay halkii ka wataan hawshoodii. Taas oo durba keentay dakhligii oo la waayay, lagana yaabo inaan mushahar la bixin Karin mudada sanadkan ka hadhsan. Waxa xusid mudan in xafiisku laf dhuun gadhay uu ku noqday shaqo xumada wasaaradda, iyadoo hadda, waa markii ugu horaysay taariikhdee uu baadhitaan ku socdo wasaaradda taas oo uu wado xafiiska hantidhawrka guud ee qaranku. Waxay u muuqataa in wasiirku ul booca ugu tukubayo iskuna dayayo inuu danbabaso maamul xumo uu kusoo ragaadiyay wasaaradda ilaa mudadii xukuumaddani dhalatay taas oo keentay dhaqaale burbur baahsan oo isugu jira dakhli yaraan, sicir barar iyo jahawareer cashuur kordhineed oo aan geedna haysan. Hadaba waxa laga dhur suagayaa madaxwaynaha go’aanka uu ka qaato iyadoo la hadal hayo mudooyinkii u danbeeyay ba in wasiirka laga badalayo booskan uujarka ka tuuray milgihiisii iyo kaalintii uu qarankan ku lahaa. Qaran News
-
Jamaal Khaashuqji dabadii, Sacuudi Carabiya oo si xun u dishay suxufi kale Qoraagii reer Sacuudi isla markaasna ahaa Wariye Turki Bin Abdul Aziz Al-Jasser ayaa dhintay kadib markii lagu jir dilay Xabsi ku yaal dalka Sacuudiga, sida uu qoray wargeyska New Khaleej. Arrintan ayaa imaneysa bil kadib markii Sacuudiga ay qirteen in suxufi Jamaal Khaashuqji lagu dhex-dilay qunsuliyaddooda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Illi wareedyo Xuquuqul Insaanka u doodo ayaa sheegay in Al-Jasser la xiray isla markaasna uu jirdil u dhintay kadib markii ay dowladda Sacuudiga ku eedeysay inuu maamulayey akoonka Twitter ee Kashkool kaasoo hadda la xiray kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen qoyska Boqortooyada. Sida ay illo wareedyada xaqiijiyeen Al-Jasser ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa ninkii Maamulayey Akoonka Twitterkaa uuna ku shaqeenayey Xafiis ku yaalo Dubai. Wariyahaan ayaa waxaa la xiray Bishii March ee sanadkaan, waxaana lasoo sheegayaa inuu u dhintay tacadi xoog leh oo loogu geystay xabsiga dhexdiisa. Dilkaan loo geystay wariyahaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa Xilli ay weli Sacudiiga dhexda kaga jirto fadeexadii ka dhalatay dilkii dalka Turkiga loogu geystay Wariye Jamal. Boqortooyada Sacuudiga ayaa u qorsheysay dil iyo xabsi cid kasta oo ka hor timaado amaradooda, waxayna Awoodii dalkaas kusoo koobmatay Qoyska Boqortooyada. Qaran News
-
Taallo loo sameeyay ciyaaryahan Maxamed Saalax oo laga maadsaday: SAWIRRO Taallo cusub oo dhawaan loo sameeyay ciyaaryahan Maxamed Salaax oo u dheela qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ayay dadka baraha bulshada isticmaala ay aad ugu shactaraysteen, iyaga oo barbardhigaya taalladii hadda ka hor Cristiano Ronaldo loo sameeyay ee markii dambana la baddalay. Tallada Mo Salaax ayaa taalla barxadda shirka dhallinyarada adduunka ee WYF oo hadda ka socda magaalada Sharm al-Sheikh. Mai Abdel Allah oo ah qofka sameeyay taallada ayaa ayaa warbaahinta Masar u sheegay in sababta uu u sameeyay ay tahay in Saalax uu u taagan yahay wanaagga dhallin yarada Masar. Qaran News
-
Muuse Biixi Wuu Dheel Dheelayaa Wax Kasta Oo Doorasho La’aanta Ka Yimaada Isagaa Qaadi Doona Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo dhawaan ka soo yeedhay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Gudoomiye Cirro waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Biixi inaanu daacad ka ahayn Kulamadii kala duwanaa ee ay yeesheen islamarkaana uu dheel dheel iyo ciyaar uun uga jeeday, waxa uu nidar ku galay inaanu kulan dambe keligii la yeelan doonin, isagoo sidoo kalena sheegay inay masuuliyadda Madaxweynaha tahay oo lagala xisaabtami doono inay doorashada Golayaasha Qaranku wakhtigooda ku qabsoomaan. Gudoomiye Cirro oo ku sugan Dalka Ingiriiska ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Maamuladdii kala dameeyay ee Somaliland Soo maray midba duruufihiisa ayuu lahaa,laakiin dhaliilo intii hore ka badan ayaa Xukuumaddihii kala dambeeyay ee Kulmiye Shacbigu usoo jeedinayay,hadii ay tahay Midnimada Shacbiga, hadii ay tahay Dhinaca Amniga, haddii ay tahay Dhaqaalaha, inta dhaliilo faro badan ayay shacbigu hadh iyo habeen soo jeedinayaan in badani wax way ka jiraan Soo jeedimahaasi Shacbiga ka imanaysaa iyo dhaliilahaasi”ayuu yidhi gudoomiye Cirro oo u waramay Universal tv. Sidoo kale gudoomiye Cirro waxa uu sheegay in masuuliyada doorashadu ay saaran tahay madaxweyne Muuse Biixi waxaanu yidhi “Qaranka waxaa hogaaminaya oo sida dastuurku sheegayo ka masuul ah Madaxweynaha, Doorasho inuu qabtana Madaxweyaha ayuu xilkeedu saaran yahay,wixii dhaliil ah ee Dib u dhaceeda ku yimaadana isaga ayaa ka masuul ah, annagu doorashada diyaar ayaanu u nahay Xisbi ahaan, Mana aha markii u horaysay ee komishanka la soo jeediyo in la badelo, Xisbiga KULMIYE 2009-kii waxa uu soo jeediyay in Komishanka la badelo isaga oo aan waliba doorasho qaban, waxa uu soo jeediyay in Doorashadii deenka iyadoo markaa diyaar ahayd in dib loo dhigo, labadii arimoodba waa uu aqbalay Madaxweynihii wakhtigaasi Daahir Riyaale Kaahin, Muu odhanin Maxkamadda Ha tagaan, Markaa waxaan qabaa Sabab kasta oo ay Doorashadu dib ugu dhacdo masuuliyadeeda Cidi la wadaagi mayso, Madaxweynaha ayaa iska leh”. Dhinaca kale gudoomiye Cirro ayaa faah faahin ka bixiyey siyaasada uu xisbiga Waddani kula dhaqmayo xukuumada “waxa laga yaabaa in Dadka Qaarkood ay yidhaahdaan WADDANI dawladda wuu ku kacsan yahay, laakiin waxaan sheegayaa inaan Toban jeer la kulmay Madaxweynaha, Anigoo keliday ah iyo anaga oo Xisbiyo ah ama Xisbiga WADDANI kelidiis ah, intaa waxaanu kala hadlaynay dee arimo qaran uunbay ahaayeen, Doorashooyinku ka mid ayay ahaayeen, haseyeeshee Waxaa ayaan daro ah Maalintii dhawayd ee BBC-du waraysiga ka qaaday Madaxweynaha, waxaa ka muuqatay Madaxweynaha Hadalkiisa ama Nuxurkiisu ahaa Kuma khasbani wixii talo ah ee ay soo jeediyaan Xisbiyadda Mucaaridka ahi, taas macnaheedu waxa weeyi inaannu qiime weyn siinaynin Waxaasi oo kulamo ah ee lala yeeshay Macnahiisu waxa weeyaan uun sidaan anigu u fahmay “ii kaalaya aan isla kiin sawiro, taydana waan ku soconayaaye”, taasina arin Suurtagalaysa maaha, anigu shakhsiyan waxaan hadda u sheegayaa dhamaan shacbiga reer Somaliland, anigu shaqsiyan laba jeer ayaan la kulmay Madaxweynaha, Markaan dhagaystay hadalkiisii maalintii dhawayd iyo qiimaha uu siinayo Gudoomiyayaashu inay la kulmaan iyo Axsaabtu waxaa iiga muuqata inaanay Macno badan u samaynayn la kulankoodu, markaa Shakhsiyan waxaan go’aansaday inaanan mar saddexaad keligay Madaxweynaha la kulmin”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay. Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Shacabka magaalada Baydhabo ayaa dhegtooda ay kor u taagan iyaga oo ka dhowr sugaya go’aanada xiga isacilaadii 15 xubnood oo ka tirsanaa guddiga doorashada Koofur Galbeed. Xaaladda siyaasadeed ee magaalada ayaanan daganeyn ilaa xalay, waxaana socday ilaa xalay kulammo kala duwan oo ka dhacayay magaalada Baydhabo oo dhexmaraya dhinacyada kala duwan ee kusugan magaalada. Wararkii u dambeeyay oo aan heleyno ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheikh Aadan uu wado qorshe uu musharixiinta Koofur Galbeed kaga dhaadhicinayo in dib loo dhigo doorashada. Shariif Xasan ayaa horey u dalbaday in waqti dheeri ah la siiyo, laakiin hadda ciyaar cajiib ah ayuu sharaxay, maadaama culees badan uu kaga iaamanayay dhanka dowladda Soomaaliya kadib markii xildhibaanadii ugu badnaa Muqdisho la keenay. Musharixiinta aragti ahaan kasoo Horjeeda Shariif Xasan ayaa dhankooda xalay kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka iyo xubnaha guddiga ka harsan ee aan wali iscasilin, iyaga oo kala hadlay in doorashada waqtigeeda ay dhacdo. SHariif Xasan, ayaa ciyaarta ka bilaabay markii uu badalay dhamaan ciidamadii ilaalada madaxtooyada isaga oo dad ku heyb ah ku badalay, waxaana uu ka baqayay in ciidamada kale dhibaato ku keenaan. Wararka ayaa sheegaya inuu doonayo in doorashadan ay dib u dhacdo, waxaana sidoo kale soo baxaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu wado qorshe uu isku casilayo, waana qorshaha labaad haddi qorshaha iscasilaada xubnaha gudiga lagu guuleysan waayo. Shariif Xasan, ayaa hadda helay fursad uu wadahadal ku gali karo, waana ruux aad u yaqaana siyaasadda Soomaaliya. Afhayeenka guddigii shalay iscasilay ayaa saxaafadda u sheegay in waqtiga uu ku yaraaday ayna ka baqeen inay ku fashilmaan doorashada Koofur Galbeed, sidaasi daraadeedna ay isku casileen. Wuxuu ku eedeeyay xildhibaanada Koofur Galbeed inay marar badan u yeereen balse ay imaan waayeen, taasi oo ah goolka koowaad ee laga dhaliyay dowladda Soomaaliya maadaama magaalada Muqdisho ay kusugan yihiin inka badan 60 xildhibaan oo seddex jeer Baydhabo laga soo qaaday. La soco waxii kusoo Korshaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan ayaa xilka ka qaaday wasiiru dowlaha Dhalinyarada iyo ciyaaraha Koofur Galbeed oo labo habeen ka hor ka mid ahaa xildhibaano la kulmay Xasan Cali Kheyre. Shariif Xasan, ayaa ku eedeeyay wasiiru dowlaha arimo la xiriira Musuq iyo Anshax xumo, laakiin Warar Caasimada ay heshay ayaa sheegaya in xilka looga qaaday inuu hogaaminayay xildhibaanada Muqdisho ku sugan. Abba Awoow Suufi, Wasiiru dowlaha xilka laga qaaday ayaa ka jawaabay eedeymaha loo jeediyay, wuxuuna sheegay inuusan aqbal saneyn xilka ka qaadista lagu sameeyay, isaga oo sheegay in Shariif Xasan oo waqtigiisa uu dhamaaday in xil uusan ka qaadi karin. Wasiiro dowlaha ayaa sheegay in marnaba uusan aqbaleyn xil ka qaadista lagu sameeyay , maadaama sida uu sheegay Shariif Xasan uusan awood u laheyn inuu xilka ka qaado. “Nin waqtigiisa dhamaaday ayaa xil kaa qaadayaa dhahayo , Facebook ayaa xil kaaga qaadayna wax soconaya maaha, waxaan ku dhihi lahaa walaalkeyoow halkaan wadaag ayaa lagu joogaa” ayuu yiri Abbow. Xiisad cusub ayaa kusoo korortay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxii ka dambeeyay markii shalay ay iscasileen xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Cabdikariin Maxamed Nuur Magaalada Suweeto ee dalka koonfur Afrika, oo shalay lagu qabtay tartanka cayaaraha maaratoonka kaas oo ay ka qeeyb galeen cayaartooy ka kala socotay daafaha dunida waxaana ka mid ahaa cabdikariin maxamed nuur oo ah wiil soomaaliyeed oo gabagabdii tartanka abaalmarin la gudoonsiiyay. Waxa uu u tartamayay gobolka uu daganyahay oo lagu magacaabo liboombo kadib markii uu tartamo heer deegaan ah uu horay ugu soo qeeyb galay. Tartankan oo lagu magacaabo Suweeto maaratoon ayaa waxa uu maxamed kaga qeeyb galayay qeeybta orodka oo ahayd 14 kilomitir. Cabdikariin Maxamed Nuur oo ku guuleeytay billadda qallinka ah Qeeybtii hore ee tartanka orodka, waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay, balse nasiib darro dhulka lagu ordayay ayaa waxaa uu ahaa dhul buuraleey ah oo waxaa cabdikariim soo gaaray dhaawac dhanka muruqa ah , marka uma aysan sura galin in uu ka sii mid ahaado dadka hogaanka u hayo tartanka. “Halkii kilo mitirba waxaan ku jaraynay 3 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi taas oo macneheedu yahay in aan ka mid ahaa 10-kii qof ee ugu horreeysay inta aanan dhaawacmin,” ayuu yiri cabdikariin maxamed mar uu qadka taleefonka ugu waramayay weriyaha BBC-da Faarax Lamaane. “Dhaawaca markii uu isoo gaaray waxaa hoos u dhacay xawaarihii aan ku ordayay oo halkii 3 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi aan calaa kilo mitir ku oraday, waxay markii dambe isku bedeshay in aan halkii kilomitir ku ordo 4 daqiiqadood taas oo sababtay in dadkii dambe ay isoo gaaraan,” ayuu intaasi ku sii daray cabdikariin. Balse Cabdikariin oo aan joojin orodkii ayaa waxaa uu galay kaalinta 32-aad taas oo u saamaxday in uu ku guleeysto billadda qalinka ah. Waxaa xusid mudan in tartartanka ay ka qeeyb qaadanayeen ilaa 30 kun oo qof. Cabdikariin Maxamed Nuur iyo qaar ka mid ah dadkii la tartamayay Qaran News
-
Abba Awow Suufi oo xilkii laga qaaday Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa xil’ka-qaadis ku sameeyay wasiiru-dowlihii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamulkiisa. Wasiiru-dowlaha xilkii laga qaaday oo lagu magacaabo Abba Awow Suufi Caffan ayaa lagu eedeeyay in uu ku kacay aflagaaddo iyo anshax-xumo ka baxsan hab-maamuska iyo sharafta golaha wasiirada Koonfur Galbeed,sida ku cad digreeto xalay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha. Hase yeeshee xil’ka qaadista ayaa soo baxday waxyar kadib qoraal uu wasiirku soo dhigay bartiisa Facebook,kaasoo uu xubnaha golaha wasiirada iyo xildhibaannada taageersan Shariif Xassan kaga dalbaday in ay mudda 72 saac gudahood ah uga baxaan qasriga madaxtooyada KFG. Mas’uulka xilkii laga qaaday oo sidoo kalena ka tirsan xildhibaannada Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa si weyn u dhaliilsanaa madaxweyne Shariif Xassan,waxaana la sheegayaa in uu maalmahan dambe qeyb ka ahaa ol’ole ka dhan ah siyaasadda madaxweynaha. Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wajahaya qalalaase siyaasadeed,kadib markii ay is-casileen inta badan xubnihii guddiga doorashada madaxtinimada maamulkaasi oo ka cabanayey fara-gelin ay sheegeen in ay ku hayso xukuumadda Federaalka. Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa isaguna la kulmaya culaysyo kala duwan oo uga imaanaya dhanka Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. PUNTLAND POST The post Maxay tahay anshax-xumada xilkii looga qaaday Abba Awow? appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa u muuqata inay sii cakirmayso kadib markii xalay ay is-casileen xubnaha guddiga doorashada, oo ku eedeeyey dowladda federaalka inay faro-gelin ku hayso doorashada. Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, uu ku dhawaaqi doono maantq inuu kala diray baarlamanakii Koonfur Galbeed. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale filayaa inuu shaaciyo in doorashadii Koonfur Galbeed, oo la waqtiyeeyey inay dhacdo 17-ka bishan aysan qabsoomi karin. Guddoomiyaha ayaa la filayaa inuu dowladda federaalka ku eedeeyo inay faro-gelin ku hayso doorashada, islamarkaana ay xildhibaanadii maamulka gaysatay magaalada Muqdisho.Ma cadda waxa xigi doona intaas, waxaase muuqata in xaaladd Koonfur Galbeed ay isku dhex yaacday. Guddoomiyaha guddiga doorashada, Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, afhayeenka guddiga Amin iyo xubno badan oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay magaalada Muqdisho u soo kaxeysay xildhibaannadii dowlad goboleedka Koonfur galbeed, isla markaana ay murashaxiinta la’yihiiin cid ay u khudbeeyaan, oo barnaamijkooda la wadaagaan. Xubnaha guddiga is-casilay waxaa ay xukuumadda Kheyre ku eedeeyeen fara-gelin, carqalad iyo inay dhibaato ku tahay doorasho ka dhacdo koonfur galbeed. Xog aan helnay ayaa sheegaya in dhammaan arrimaha is xiga xiga uu ku dambeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ka go’an tahay in doorashada aysan dhicin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Qoraagii reer Sacuudi isla markaasna ahaa Wariye Turki Bin Abdul Aziz Al-Jasser ayaa dhintay kadib markii lagu jir dilay Xabsi ku yaal dalka Sacuudiga, sida uu qoray wargeyska New Khaleej. Arrintan ayaa imaneysa bil kadib markii Sacuudiga ay qirteen in suxufi Jamaal Khaashuqji lagu dhex-dilay qunsuliyaddooda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Illi wareedyo Xuquuqul Insaanka u doodo ayaa sheegay in Al-Jasser la xiray isla markaasna uu jirdil u dhintay kadib markii ay dowladda Sacuudiga ku eedeysay inuu maamulayey akoonka Twitter ee Kashkool kaasoo hadda la xiray kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen qoyska Boqortooyada. Sida ay illo wareedyada xaqiijiyeen Al-Jasser ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa ninkii Maamulayey Akoonka Twitterkaa uuna ku shaqeenayey Xafiis ku yaalo Dubai. Wariyahaan ayaa waxaa la xiray Bishii March ee sanadkaan, waxaana lasoo sheegayaa inuu u dhintay tacadi xoog leh oo loogu geystay xabsiga dhexdiisa. Dilkaan loo geystay wariyahaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa Xilli ay weli Sacudiiga dhexda kaga jirto fadeexadii ka dhalatay dilkii dalka Turkiga loogu geystay Wariye Jamal. Boqortooyada Sacuudiga ayaa u qorsheysay dil iyo xabsi cid kasta oo ka hor timaado amaradooda, waxayna Awoodii dalkaas kusoo koobmatay Qoyska Boqortooyada. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galayay gabogabeynta shirka Sanad laha ee wasiiradiisa ayaa shaaciyay inay aad ula dagaalamayaan Musuq maasuqa oo Soomaaliya hoos u dhigay. Kheyre, ayaa soo hadal qaaday talaabadii maxkamadda gobolka Banaadir ay xukunka sanadaha ah ugu riday xubno ka tirsanaa dowladda Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay talaabadaasi inay tahay mid bilow u ah la dagaalanka Musuq maasuqa. Wuxuu sheegay in qaab walbaa oo macquul ah ay ula dagaalami doonaan musuq maasuqa oo ah dhibaatada koowaad ee Soomaaliya ka reebay dalalka kale ee caalamka. Sidoo kale wuxuu shaaciyay farsamooyin cajiib ah oo noqon kara Musuq maasuq la sameeyo, waxaana uu sheegay in wasiiradii ka horeeyay kan ugu wanaagsan si aan musuq masuqiisa loo fahmin uu sameyn jiray in dadka ku reerka ah uu ka shaqaaleysiin jiray wasaarado kale. Dhinaca kale Xasan Cali Kheyre, ayaa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, xasuusiyay hadal cajiib ahaa oo ay ku dhahday kulankoodii ugu horeeyay ee golaha wasiirada. “Shirka golaha wasiirada markii ugu horeysay oo aan fariistay Wasiir Khadiijo, ayaa waxay tiri raiisul wasaaroow waan kula talinaayaa arimaha tirinta ciidanka iska dhaaf, arrimaha amniga iska dhaaf, mid walbaa kusoo fashilmay oo adiga kaa horeeyay, hadaan tirisaan ciidanka, waxay lamid tahay adinkoo Nuclear-kii ciraaq laga waayay kasoo helay”ayuu Yiri Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Golaha iskaashiga ee ay ku midaysan yihiin dowlad goboleedyada;Puntland,Jubaland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa si adag u cambaareeyay fara-gelin ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya. War-murtiyeed ka kooban 8 qodob oo xalay saqdii dhexe ka soo baxay golaha islaashiga dowlad goboleedyada dalka ayay ku sheegeen in ku dhowaad 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed loo daad-gureeyay magaalada Muqdisho,islamarkaana lagu qanciyay in ay u codeeyan musharraxa ay wadato Villa Somalia,taasoo meesha ka saaraysa doorasho xor iyo xalaal u dhacda,sida war-murtiyeedka ku xusan. War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay siyaasadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,taasoo ay goluhu sheegeen in ay kala qeybin ku hayso maamulka iyo Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana ay ka digeen in arrintaasi sababi karto colaad beeleed fursad siisa in Al-shabaab dib u qabsadan degaannadaasi. Dhinaca kale goluhu wuxuu soo dhoweeyay is-casilaaddii xubnaha guddiga doorashada Koomfur Galbeed oo ay sheegeen in ay sababtay fara-gelinta dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana ay ka digeen in cawaaqib xuma kasta oo doorashada ka dhalata ay mas’uuliyadeeda qaadayso Villa Somalia. Ugu-dambeyntii, goluhu wuxuu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in ay ka qeyb qaatan sidii dalka looga badbaadin lahaa in xukuumadda Federaalku ay dagaal sokeeye dib ugu celiso. PUNTLAND POST The post GIDG oo Villa Somalia ku eedeeyay in ay af-duubatay xildhibaanadii KGS appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu facebook soo dhigay uga hadlay sababta ay la hadlay in NISA ay ku qasabtay eedeymaha xasaasiga ah ee ay usoo jeedisay wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hadda ah xildhibaan. NISA ayaa sabtidii sheegtay in la hakiyey qandaraasyo uu bixiyey wasiirka. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka tirsan NISA, ayaa Caasimada Online u sheegay in qanadaraasyada la hakiyey ay yihiin kuwa raashinka ee hay’adda NISA, kuwaas la siiyey shirkad uu wasiirka wax ka leeyahay. Sida ay sheegeen xubno ka tirsan NISA, oo codsaday inaan la magacaabin, qandaraaska ayaa bishii ku kacaya 300 oo kun oo dollar, wuxuuna socday muddo saddex sano, oo kasoo billaabata intii Cabdirisaaq Cumar uu ahaa wasiirka amniga Soomaaliya ilaa waqtigan, oo la hakiyey qandaraasyada. Cabdiriaxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in arrintan ay la xiriirto baaritaan guddiga amniga baarlamanka, oo uu Cabdirisaaq xubin ka yahay, ay ku hayaan NISA iyo xaaladda amni ee dalka. “Xildhibaan C/risaaq wuxuu xubin firfircoon ka yahay Guddiga Aminga ee Golaha Shacabka oo maalmahan ku hawlanaa diyaarinta warbixinta xaalada Amniga ee dalka, iyo sida ay hay’adaha amniga u shaqeeyaan gaar ahaan Booliska iyo NISA” Waxa uu intaas ku daray “Dagaalka isaga iyo Maryan Cusmaan (xisaabiyaha guud) oo iyadana wasaaradda maaliyadda baaritaan ku haysay lagu qaaday waa isku ujeeddo, taasoo la doonayo in isla xisaabtanka lagu af-qabto. Waa dagaal ay wax ka ogyihiin hoggaanka sare ee dalka” Wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, oo isna horey uga hadlay arrintan ayaa sheegay inay tahay mid siyaasadeysan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa xalay si lama filaan ah isu casilay guddoomiyihii gudiga doorashada Koonfur Galbeed, ku xigeenkiisa iyo 12 xubnood oo kale. Taas waxa ay lama filaan ku noqotay dhammaan daneeyeyaasha doorashada maamulkaas lagu waday in ay ka dhacdo Baydhaba 17-ka bishan Noofembar. Hase ahaatee, waxa ay u badan tahay in ay soo de dejisay is casilaada xubnahaas labadan qodob ee hoos ku xusan. Shariif Xassan iyo golaha iskaashiga maamul gobolleedyada oo goostay in ay dib u dhigaan doorashada Arrintan oo ahayd mid hore loo sii saadilayey ayaa hadda noqotay mid xaqiiqo ah, maadama la fahansanaa in Golaha iskaashiga dowlad Gobolleedyada iyo Madaxweynaha maamulka ay doorashadu ka dhaceyso isku dayaan in ay baajiyaan ama dib u dhigaan si ay ugu xujeeyaan dowladda. Iyada oo ay soo baxaayeen warar sheegaya in Madaxweynaha waqti xilleedka ka dhammaaday ee Koonfur Galbeed, Shariif Xassan Shikeh Aadan uu ka harayo doorashada ayey tallaabadan gudigu qaaday noqotay mid sheekada cakirisay! Door intee le’eg ayuu ku yeelan karaa Shariif Xassan is casilaadda xubnaha gudiga doorashada? Waa weydiin jawaabteeda aad u sahlan tahay! Gudiga doorashada Koonfur Galbeed oo kala shakiyey Waa sababta ugu macquulsan, waayo, warar hoose ayaa sheegaya in ay isku diideen hindise ahaa in dib loo dhigo doorashada oo ay soo jeedeen xubno taageersan Shariif Xassan Shikeh Aaadan. Haddii laba sababood ay midda hore tahay, sheekadu waa barako ma leh iyo masiirkii Koonfur Galbeed oo ceel ku sii dhacayo maadama arintu u ekaan doonto dagaalkii Dowlada dhexe iyo Maamul Gobolleedyada oo waji kale oo qaab daran yeeshay. Hase ahaatee, haddii ay midda dambe tahay, xallinta mushaakilka ka dhalan kara is casilaadda xubnaha gudiga doorashada K/Galbeed waa mid dhaw oo la xallin karo, waayo, waxaa go’aankeeda door ku yeelan doona musharixiinta loolanka u dhexeeyo. W/Q: Xuseen Cabdullahi Aadan Baydhaba, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amaro is daba joogo kusoo rogay shacabka degan xarumaha dowladda iyadoo aan la siinin fursad ay kaga guuri karaan goobaha ay degen yihiin. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in muddo labo todobaad ah ay heystaan dadka degan dhismayaasha wasaaradda arrimaha gudaha iyo xarunta wasaaradda waxbarashada. Dadka ayaa qaarkood waxay dhismayaasha degenaayeen waxii ka dambeeyay burburkii dalka, waxaana ay sheegeen inay ku yar tahay fursadda ay heystaan inay kaga guuraan dhismayaasha. Qaar kamid ah dadka degen dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in waqtiga uu ku yar yahay, maadaama loo baahan yahay inay raadiyaan goobo ay kireystaan ama dadkooda inay la dagaan. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay inay doonayaan inay soo celiyaan dhismayaasha Danta Guud oo dadweyne badan ay deegaan sadeen sanadihii ugu dambeeyay. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u dhis lagu sameyn doono xarumo badan oo dowladda ay lahaan jirtay, iyadoo lagu dhisayo mashruuca Is-xilqaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Iyadoo lagu gudo jiro hawlihii u diyaar garoowga xiliga kala guurka ah, oo ay fooda inagu soo hayso dhameystirka soo xulida xubnaha cusub ee Aqalka Wakiilada Puntland iyo tartanka doorashada madaxtinimo ee Puntland sannada 2019, ayaa Beelaha iyo Shacbiga Puntland waxay si xoogle ugu mashquulsan yihiin kala reebida iyo soo xulida Xubnaha cusub ee u matali doona Baarlamaanka Puntland shanta sano ee soo socta. Sida caadada noqotay doorashooyinka xafiisyada Siyaasadeed ee ka qabsooma Puntland iyo guud ahaan Somaaliya ayaa noqday kuwo ah magnet ama birlab soo jiidata dhamaan shaqsiyaadka iyo kooxaha leh dhaqanka habardugaag. Doorashooyinka ka dhaca Somaaliya ayaa lagu sifeyn karaa Raq ama lax bakhtiday oo daleel cidla u taal, oo ay isugu habar wacdeen dhamaan inta ay ka kooban tahay Habardugaag. Marka aynu u soo degno dorashooyinka loogu tartamo Aqalka Wakiilada Puntland iyo mid Madaxtinimo ee Puntland ayaa noqday kuwo shacbiga Puntland ka niyad jabeen, oo laga quustay in tartanka lagu dhex arko shakhsiyaad xamaali kara amalka iyo rajada shacbiga Puntland mudada dheer naawilayaan ee ah in maalin uun uu mid lagu meel mariyo maahir u kaco. Marka aynu si guud ugu kuur galno soo xulista Beelahu soo xulayaan Xubnaha Barlamaanka Cusub ayaa waxaa kuu muqaneyso kala duwanaansho iyo farqi aad u weyn oo u dhaxeeya qaabka kala gedisa ee Beelaha Puntland uadeegsanayaan, ama u maryaan soo xulida iyo doorashada Xubinta Barlamaanka u mataleysa Beesha. Waxaad arkeysa Beelo aad u dadaalaya, isla markaan ay ka muuqato hiilo iyo in ay lexjecelo weyn u qabaan in ay badbaadiyaan, toosiyaan, isla markaana ka shaqeynaaya xoojinta dawladnimada iyo nidaamka Siyaasadeed ee Puntland, kuwaas oo qabnaaya shirar daah furan oo ay u dhan yihiin dhamaan qeybaha kala gedisan ee bulshada Beeshu ka kooban tahay. Shirarkaas oo lagu soo bandhigayo dhamaan musharixiinta damaca iyo hungurigu kaga jiro in ay buxiyaan kuraasta beeshu ku leedahay Barlamaanka,kulamdaas loo dhan yahay ee aan waxba qarsooneyn ayaa suurto gelinaaya in bulshada Beeshu fursad u hesho in ay xushaan shakhsiyaad leh damiir, diin, aqoon, isla markaana garan kara, qaadina kara masuuliyada aadka u culus ee sugaysa. Sidoo kale kulamdaa daaha furan ee beeshu ku kulmayso waxay meesha ka ceyrinayaan oo ku fashilmaaya shakhsiyaadka habardugaagta ah ama dibjiriinta ah, ee aan akhlaaq,aqoon iyo xitaa aan laheyn wax sifo wanaagsan ah oo lagu doorto. Beelaha Cali Jibraahiil iyo Dubeys ayaa ku sifoobay Beelaha aan kor ku xusnay ee maanta u hiiliyey shacbiga iyo dawladnimada Puntland, iyagoo soo xulay Xubno Barlamaan, kuwaas oo ah shakhsiyaad waxgaradnimo iyo waayo-argnimoba kulansaday, isla markaan hore xilal sar-sare uga soo qabtay Puntland. Beesha Cali Jabraahiil ayaa soo xulay xubnahan : 1 – DR.Yasiin Cartan Maxamuud 2 – General Cabdi Cismaan Firdhiye. Beesha Dubeys ayaa iyana soo xushay Gudoomiyihii ugu horeyey ee Barkamaanka Puntland Dr.Yusuf Xaaji Siciid. Waxaa nasiib xumo iyo wax laga naxo ah waxa ka socda Gobolada Mudug iyo Nugaal. Goboladaas waxaa duleystay oo isu kaashaday Caaqilo iyo Nabadoono ku sheegeyo calooshooda u shaqeystayaal ah oo tiradii ka batay,oo been abuur ah, kuwaas oo horboodaya, ama xambaarsan oo degta ku wata shakhsiyaad ka kooban Saaqidiintii Qurbaha ku khasaaray iyo Dibjiriintii gudaha, oo orod ugu jira in ay soo galaan Golaha Cusub ee Wakiilada Puntland. Waa wax laga cawdilo bileysto wax ka socda magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo. Waxaad arkeysaa Jufooyin hoose oo wada xeydan, oo orod iyo tartan qalfsana ugu jira in ay mid walbaa Dood, Dirir, iyo Dollarba u hurto in iyadu kursiga beesha hesho. Waa degaano dadkii wax-galka ahaa iyo bulshoweyntii aan waxba laga weydiineyn talada, masiirka iyo soo xulista Xubnaha Barlamaan ee iyaga matalaaya. Wariyaayasha Warbaahinta Puntlandi oo sida dhaw ula socda tartanka ka socda Garoowe iyo Gaalkacyo ee u dhaxeeya Saaqidiinta Qurbaha iyo Dibjiriinta Gudaha ee ay horboodayaan Nabdoonada been abuurka ahi ee laaluuska ku xoogsada, ayaa soo werinyaa in Shakhsiyaadka laga soo xulidonaa Goboladaasi ay noqon donaan kuwo aan aqoon maadi iyo mid diineed aan midna laheyn oo dulsaar iyo dhaqan xumo horle ku soo kordhin doona Barlamaanka Cusub ee Puntland. Warbaahinta Puntlandi waxuu u balanqadaaya Shacbiga Puntland in dhamaan Xubnaha Barlamaan ee cusub ee Beelaha Puntland soo gudbiyaan ay mid mid u soo bandhigu doono CV-yadoda,Aqoonta iyo Khibrada shaqo ay leeyiin, waxaanu sidoo kale ka codsaneynaa sidoo kale dhamaan Warbaahinta kale ee Puntland in ay tooshka wareega la dhex galaan shakhsiyaadka aynu ku aamini doono mustaqabalka dhasheena danbe Halkan ka daawo Xafaldii Beesha Cali Jibrahiil oo sheegtay in ay Puntland u hiilisay, kuna shaacisay Xubnaheeda Cusub ee Barlamaanka Puntland. http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2018/11/45283235_196500561241315_4204128535826137088_n.mp4 Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar__Qubanaha-Wararka-Shabelle-051118.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article