-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Lt. Col. Zakariye (right) with Admiral Manuel Alvargonzalez. Bosaso (PP News Desk) — A high-level Puntland Police Force (PPF) delegation, led by Lt. Col. Zakariye Cabdiraxman , representing Puntland Police Commissioner Brigadier General Mumin Abdi Shire, held a meeting with naval commanders from the European Union Naval Force Somalia (EU NAVFOR) Operation aboard the ESPS NuMANCIA, led by Admiral Manuel Alvargonzalez. Rear Admiral Alvargonzález cordially received the delegation and conducted a guided tour of the ESPS Numancia. The meeting touched on strengthening cooperation between the PPF of Puntland State of the Federal Republic of Somalia and EU NAVFOR to combat piracy, illegal fishing activities, and other maritime perils in Puntland’s coastal waters. Discussions underscored the importance of intelligence exchange and the strategic coordination of combined operations to boost maritime security in the Horn of Africa. “This meeting is crucial for increasing our capabilities to contribute maritime security,” said Lt. Col. Cabdiraxman, who thanked EU NAVFOR for its cooperation. The Spanish Navy frigate escorted the PPF delegation back to Bosaso port after the meeting ended. © Puntland Post, 2024 The post Puntland Police Force Delegation Meets with EU NAVFOR Commander Aboard ESPS Numancia appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Ruushka,Vladimir Putin ayaa lagu warramaya in uu ka fikirayo inuu kooxda Xuutiyiinta Yemen ku wareejiyo gantaallada lidka maraakiibta ee ballistic-ga. Gantaalladaasi ayaa Xuutiyiinta ku gacan siin kara in ay quusiyaan maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka oo ku sugan badda cas, sida laga soo xigtay saraakiil sare oo ka tirsan Mareykanka. Xuutiyiinta ayaa horey loo rumeysan yahay in ay heystaan gantaallada lidka maraakiibta ee P-800 Oniks oo Ruushku sameeyay, kuwaaso loo soo mariyay Suuriya iyo Lubnaan ka hor inta aan la keenin Yemen. William Usher, oo hore u ahaan jiray fallanqeeyaha sare bariga dhexe ee hay’adda sirdoonka Mareykanka CIA , ayaa u sheegay wargeyska warbixintan soo bandhigay ee Middle East Eye kororka isku dhacyada Israa’iil iyo Xisbullah in ay u badan tahay in ay sii qoto dheereyso iskaashiga milatari ee ka dhexeeya Iran iyo Ruushka si loo xoojiyo awoodda difaaca ee Xisbullah. PUNTLAND POST The post Ruushka oo Xuutiyiinta Yemen ku wareejinaya gantaallada Lidka Maraakiibta dagaalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qayb-galay munaasabad loogu magac daray Todobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan culus oo la xiriira kalluumeysiga sharci darrada ah ee ay dalkeenna ku hayaan dalalka shisheeye. Xamza ayaa shaaca ka qaaday in aan cidna laga aqbalayn kalluumeysi sharci darro ah, wuxuuna tilmaamay dowlado badan lagu dacweeyay jiriifka ay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid ah tahay IRAN. Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in xadgudub dambe aysan aqbali doonin dowladda Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u tahay difaaca baddeeda iyo dhulkeeda. Sidoo kale wuxuu intaa ku daray in ay jiraan dowlado iyo shirkado ku jooga badda heshiis, kuwaas oo qaarkood uu waqtigu ka dhamaaday dib u eegisna lagu samayn doono. Waxaa kale oo uu xusay in Soomaaliya ay ku taalla goob muhiim ah, isla-markaana leh kheyraad fara badan ay suurto gal tahay in lasoo damaaciyo, wuxuuna sheegay in aysan gorgortan geli karin dhulka iyo biyaha Soomaaliya, dowladduna uu xil gaar ah ka saaran yahay ilaalinta hantideenna. “Maadaama aan ku naalo meeshaas istiraatiijiga ah, maadaama aan haysanno kheyraad badan oo gaar ah, maadaama aanan si dhameystiran uga faa’iisan kheyraadkaas, waxaa suuragal ah in ay yimaadaan damac shisheeye oo kheyraadkaas ku foogan, sidaa darteed waa inaan u istaagnaa sidii aan kheyraadkaas u ilaashan lahayn, badeenna iyo dhulkeennu midna gorgortan ma gali karo mana galayo, dowladda Soomaaliyeedna waxay u taagan tahay ilaalinta badda, dhulka iyo kheyraadkiisa” ayuu khudbaddiisa ku yiri Xamza. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan uu Adduunku tartan wayn ugu jiro maalgashiga dalkeenna gaar ahaan badaheenna, maaddaama uu uu ku jiro kheyraad aad u fara badan oo ay tahay in la ilaashado laguna fara adeygo. Si kastaba, arrinta badda ee Soomaaliya ayaa noqotay mowduuc taagan, maadaama ay dalal badan soo damaaciyeen sida Itoobiya iyo Kenya oo horay looga adkaaday, kadib markii ay dowladda federaalka isla tageen maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. The post DF Soomaaliya oo dacwad culus ka gudbisay DALAL kusoo xadgudbay BADDA appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada muqdisho ka furay shirweynaha todobaadka kalluumaysiga dalka oo looga hadlayo sidii looga faa’iidaysan lahaa kheyraadka badda. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inaan ciddna laga aqbali doonin burcudnimo iyo kalluumeysi sharci darro ah, islamarkaana loo baahanyahay in kheyraadka badda si quman looga faa’iidaysto, shisheeyaha sharci darrada ku gurayana laga ilaaliyo. Sidoo wuxuu xusay inay dowladaha waaweyn oo kalluumaysi sharci darro ah ka waday badda Soomaaliya ka waday ay dacwado caalami ah ka gudbiyeen, ka dibna ay ka cayriyeen. Badda Soomaaliya oo ay dhex ceegaagaan kumanaan jaad oo xoola biyood ama kalluun ah ayaa 34 tii sanoo la soo dhaafay ku jirtay baylah ay shisheeyuhu siday rabaan ka yeelaan, soomaaliduna ka baahanyihiin, balse hadda waxaa muuqanaysa awood dowladnimo oo lagu ilaalinayo. Source: goobjoog.com
-
Darawalada gaadiid Bajaajta ka howlgasha magaalada Gaalkacyo ayaa cabasho ka muujinaya maamulka degmada Gaalkacyo, iyagoo sheegay in lagu soo rogay lacago dheeraad ah oo culays ku ah. Maamulka degmada Gaalkacyo ayay ku eedeeyeen inay heshiis la gashay shirkad gaar loo leeyahay, si lacago ka baxsan canshuurta ay uga qaado gaadiidka bajaajta. Bajaajleyda ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka sameeyay muddaharaad ay ku diidan yihiin go’aanka dowladda hoose ku kordhisay lacagtaasi dheeriga ah oo ay qaadayso shirkadda gaarka loo lee yahay. Ciidamada dowladda ayaa rasaas u adeegsaday kala eryida darawalada gaadiidka Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo sheegay inay ka cabanayaan lacago ka baxsan canshuur oo dowladda hoose ku soo rogtay. PUNTLAND POST The post Puntland: Bajaajleyda magaalada Gaalkacyo oo ku muddaharaaday dowladda hoose appeared first on Puntland Post.
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo haatan socdaal ku marayo gobollada Sool iyo Sanaag ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maamulka deegaanadaas oo ay isku haystaan SSC iyo Somaliland. Karaash ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta magaalada Ceerigaabo, wuxuuna Somaliland uga digay in xoog ku muquuniso bulshada ka aragti duwan ee ku nool magaaladaasi. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Puntland oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolladaasi ayaa sheegay in magaalada Ceerigaabo ay ku nool yihiin bulshooyin kala duwan, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loola macaamilo sida magaalada Gaalkacyo oo kale oo ay hadda wada taliyaan maamullada Galmudug iyo Puntland. Hadalka siyaasigan ayaa u muuqda mid ku doonayo in Ceerigaabo ay wada maamulaan SSC-Khaatumo iyo Somaliland, ayna labada dhinac ku wada sugnaadaan halkaasi. Arrintan waxa ay kusoo aadeysaa, ayada oo weli dhaq-dhaqaaqyo u dhexeeya labadan maamul ay ka socdaan waqooyiga dalka Soomaaliya, waxaana mid kasta uu doonayaa inuu isku ballaariyo dhulkaasi, gaar ahaan deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn. Xiisadda u dhexeysa SSC iyo Somaliland ayaa weli qooyan, kadib markii horraantii sanadkii hore Somaliland dagaal looga saaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Si kastaba, lama sida ay wax noqodon doonaan, mana jiro wax war ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan hadalka kasoo yeeray Axmed Karaash. The post KARAASH oo Somaliland uga digay inay maquuniso magaalo ay SSC u hanqal taageyso appeared first on Caasimada Online.
-
Fadhiga maanta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ahaan kii 7-aad ee Kalfadhiga 54-aad ayaa waxaa Goluhu cod aqlabiyad leh ku meel mariyey mas’uuliyiin magacaaban oo isagu jira Wasiiro ku-xigeeno kamid ah Golaha Xukuummada, Xubno ka tirsan Garsoorka iyo Hantidhowraha guud ee Dawladda Puntland, kuwaas oo ay soo gudbisay Madaxtooyadu. 1) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Maxamed Xassan Ibraahim. 2) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Diiriye Gamaadiid. 3) Wasiir ku-xigeenka Dhalinyaarada iyo Ciyaaraha Siciid Saalax Seed. 4) Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Axmed Yuusuf Taaraan. 5) Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Cabdiqani Diiriye Cawl. 6) Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhawrka guud ee Dawladda Puntland Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey). PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay mas’uuliyiin uu magacaabay Madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Ismail cumar geelo oo amrey in Baasaboorada dadkii uu hore u siiyey. Dawladda Jabuuti ayaa baasaboorkii kala noqotay masuuliyiinta xukuumadda #Somaliland iyo xisbiga Kulmiye. Dalka Jabuuti ayaa nidaamka ka saaray in ka badan 100 baasaboor oo ay haysteen masuuliyiinta Somaliland. Tan iyo sanadkii 2010-kii, maamuladii kala dambeeyay ee Kulmiye ayaa mas’uuliyiintooda ka qaatay baasaboorka Jabuuti muddo 3-sano ah, iyadoo ay gaartay heer ay mas’uuliyiintani sidoo kale ku qaataan baasaboorka Jabuutiyaanka iyo qoysaskooda iyo taageerayaasha Kulmiye. Ma cadda in Jabuuti ay sidoo kale Baasaboorka kala laaban doonto dad badan oo shacab ah oo sita Baasaboorka Jabuuti iyo in tallaabadani ku kooban tahay masuuliyiinta maamulka Madaxweyne Muuse. Tan iyo markii uu bilaabmay khilaafka labada dawladood, Djibouti waxay qaaday tallaabooyin is daba joog ah oo ay ku doonayso inay cadaadis ku saarto Somaliland. Maxamed Caalin Qaran News
-
Inta la xaqiijiyay 121 ruux ayaa geeriyooday isbuurasho ka dhacday goob uu ka socday kulan diimeed oo ballaaran oo ay isugu yimaadeen dadka rumaysan madhadka hinduuga ee dalka Hindiya. Guddoomiyaha gobolka ku yaalla waqooyiga hindiya ee Uttar Pradesh ayaa xaqiijiyay dhimashada dadka ku dhammaaday dhacdadan naxdinta leh, asagoo dhacdan ku tilmaamay musiibo qaran. Isbuurashada ayaa timid xilli ay dadka goobta kulan diimeedku ka dhacayay ku sugnaa ay bilaabeen inay soo aruuriyaan ciid ama carro ay barakaysanayeeen, halkaas oo la sheegay in ay ku xoomeen, ka dibna is jiireen. Warbixin uu soo saaray booliisku ayaa lagu sheegay in in ka badan 250,000 oo qof ay ka soo qayb-galeen, kuwaas oo qeyb ka ahaa in ka badan 80,000 oo fasax loo siiyay inay kulanka ka tagaan. Dadka ku dhintay isbuurashadan oo dhacday subaxnimadii hore ee Arbacada ayaa u badan haween iyo carruur, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanku. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku dhowaaqday in ay qaadaneyso illaa 3,000 oo Macallimiin ah, kuwaas oo ka shaqeyn doono horumarinta waxbarashada dalka. Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Nuura Mustaf Mukhtaar oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in ay mar kale farxad u tahay qaadashada macallimiin cusub. “Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tactliinta Sare ee dalka waxaa mar kale farxad u ah in mar kale shaaciso qaadashada wajiga labaad ee macallimiinta Soomaaliyeed, ayada oo la qaadan 3,000 oo bare Soomaaliyeed ah” ayay tiri wasiir Nuura Mustaf Mukhtaar. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in fursaddan ay ka qayb qaadan karaan macallimiinta Soomaaliyeed ee jooga magaalada Muqdisho, dowlad goboleedyada iyo SSC-Khaatumo. “Dhammaan waxay fursaddan u furan tahay fursadda Baranimo, iyaga oo ka qayb qaadanayo macallimiinta qaranka Soomaaliyeed ee ka shaqeyn doono waxbarashada” ayay mar kale tiri. Waxaa kale oo ay raacisay “Barayaasha la qaadan doono waxa ay ka shaqeyn doonaan heerarka kala duwan ee waxbarashada gaar ahaan dugsiga hoose, dhexe iyo sare iyo xanaanada”. Nuura ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday in mudnaan gaar ah la siin doono gabdhaha macallimiinta ee soo gudbisa codsiga, si ay qayb uga noqdaan macallimiinta cusub. “Waxaa mudnaan gaar ah lasiin doonaa barayaasha dumarka ah, ayada oo 30% ay noqon doonaan barayaasha la qaadan doono” ayay tiri wasiiru dowladaha wasaaradda. “Ugu dambeyntii Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay shaacineysaa in uu furan yahay dalabka mareegta macallimiinta ay kusoo codsanayaan, sidoo kalena ay furan tahay fursada qaadashada macallimiinta, laga bilaabo 2/07/2024” ayuu hadalkeeda kusoo gabagabeysay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Dalka. The post Daawo: Dowladda oo shaacisay inay qaadaneyso 3,000 oo… appeared first on Caasimada Online.
-
Bannaanbaxyo waaweyn kale oo rabshado watay ayaa dib ugu qarxay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, xilli kii ugu ballaarnaa Talaadadi shalay ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Nairobi, waxaana jirta cabsida laga qabo inuu boob jiro. Ciidanka Booliska oo isku dayaya iney xakameeyaan dibadbaxyada ayaa adeegsaday suntan dadka ka ilmeysisa, iyagoo dacwado ku soo oogay dibadbaxayaal dhagxaan ku tuurayay bartamaha magaalada Nairobi, si ay isugu dayaan in ay xakameeyaan rabshadihi ugu ballaarnaa ee Kenya ka dhacay 2024. Madaxweynaha talada haya Willium Ruto ayaa u muuqda in dowladdiisu ku guuldareysatay qancinta dhaqdhaqaaqa dhallinyada dibadbaxyada dhiga, kuwaas oo siweyn uga carooday toogasho ciidanka u geysteen wiil dhallinyaro ahaa oo ka tirsanaa, xilli bannaanbaxyadu ayaa u muuqda kuwa sii faafaya. Mudaaharaadyadii Talaadadii ayaa ku bilowday dareen xamaasad leh, balse waxa ay isku baddalay rabshado. Xooggooda ayaa ka dhacay tuulada ganacsiga ee bartamaha magaalada Nairobi. Ciidamo boolis ah oo xirnaa koofiyado, kuwaas ay uga ganbanayaan dhagax ay tuurayaan banaanbaxayaasha. Dibadbaxayaasha ayaa gubay Dukaammo, shaqaalaha gargaarka dag dagga ahna waxay ku mashquul sanaayeen daweynta dadka dhaawaca ah, halka boolisku ay xirayeen dadka waddooyinka joogay sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaasha iyo saxafiyiinta, Kenya ayaa u muuqata in xaalad adag ay sii galeyso. Dibadbaxyada dalka Kenya ayaa bilowday kadib markii dowladdu ay soo rogtay sharci lagu kordhiyay dhaqaalaha dalka iyo canshuuraha, kaas oo Baarlamaanka tagay, xilli madaxweyne Ruto uu shaaciyay inuu dib uga laabtay sharciyadaasi, taas oo muujinaysa inaan wadibaxyadu aysan wali la xakameynin. Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Ururka Midawga Yurub, gaar ahaan howlgallada EU-NAVFOR ATALANTA ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isagoo oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaq cusub. Markabkan oo lagu macagaabo ESPS NUMANCIA ayaa kamid ah maraabkiibta dagaal ee ilaalada u jooga xeebaha Soomaaliya, si ay uga hortegaan weerarada burcad-badeeda, oo dib usoo rogaal celiyay. Saraakiisha la socotay markabkan ayaa markii uu soo gaaray xeebaha Puntland, waxaa la kulmeen agaasime ku-xigeenka guud ee ciidamada PMPF Mudane Maxamuud Silaal Cumar oo ay weheliyaan saraakiisha sar sare ee ciidamada PMPF, waxayna ka wada-hadleen arrimo ku aadan howlgallada ka soconaya halkaas iyo iskaashiga labada dhinac. Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqaynta labada dhinac, dar-dargelinta howlgallada ka dhanka ah burcadbadeedda, kalluumaysiga sharcidarada ah, hubka sharcidarada ah, daroogada, ladagaalanka argagixisada iyo waxkasta oo liddi ku ah amniga iyo xasiloonida. Labada dhinac sidoo kale waxa ay si dhow isula qiimeeyeen arrimo ku aadan wadaagista xogaha falalka burcadbadeedda iyo guulaha laga gaaray howlgallada wadajirka ah ee lagaga hortegey, kuwaasi oo horseeday in si dhow loola socdo xogtooda, lana fashiliyo weeraro ay qaadi lahaayeen kooxaha burcadbadeedka Soomaalida. Waxaa kale oo ay ciidamada PMPF iyo howlgalka EUNAVFOR Operation ATALANTA ku ballameen in si ka dhaw sidii hore loo horumariyo howlgallada iyo iskaashiga xogaha amniga badaha, si looga hortago falalka amni darro ee ka dhicikara badda. Soomaaliya ayaa waxaa mar kale kusoo rogaal celiyay kooxda burcadbadeedda oo bilihii lasoo dhaafay weeraro ka geystay xeebaha dalka iyo biyo fog ee caalamiga ah, inkastoo qaarkood gacanta lagu soo dhigay, kadib howlgallo ay sameeyeen maraakiibta dagaalka. The post Markab DAGAAL oo soo gaaray Puntland iyo xogta qorshe culus oo u socdo appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin oo xalay ka qayb-galay kulan ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu maamulkooda la galay Itoobiya, wuxuuna kashifay qorshe uu sheegay inay damacsan tahay dowladda Soomaaliya. Ugu horreyntii wasiirka ayaa ka hadlay sababaha keenay diidmada dowladda federaalka ee ku aadan heshiiska badda, wuxuuna sheegay in Somaliland aysan u ogoleyn inay la macaamisho dariskeeda iyo waddamada kale ee caalamka, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wasiirka oo garnaqsaday ayaa sheegay in horay Soomaaliya iyo Somaliland ay u galeen illaa 7 heshiis oo uu wax ka saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna su’aal la keenay waxa loogu diidayo inay heshiis la galaan Itoobiya ama dalal kale ee dariska ah. “Soomaaliya 6 ama 7 heshiis ayaynu wada galnay Xasan Sheekh maanta madaxweynaha ah xilligii hore ee uu madaxweynaha ahaa Axmed Maxamed Siilaanyo oo madaxweyne ah labadooda ayaa wada saxiixay maxaa isbeddalay? waxaa isbeddalay heshiiska aynu wada galnay Itoobiya, iyagana 7 ayaynu wada galnay maxaa diidaayo marka inaan Itoobiya wada galno” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland. Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Soomaaliya qudheeda ay kireysato baddeeda iyo dekedaheeda, wuxuuna sheegay in horay ay heshiisyo u gashay, hadana ay damacsan tahay qorshe kale oo ku aadan inay ku wareejiso dekedaha Hobyo iyo Kismaayo. “Kaliya Geeskan Afrika ee aynu ka midka nahay dowladaha inta IGAD la yiraahdo ilaa 8 bees baa ka kireysan oo la leeyahay, maxaa kan Somaliland gooni u calaamadeeyay?. Saddex bees baa dowladda Soomaaliya ayaa iminka yaalla Soomaaliya, hadda wuxuu leeyahay afar meelood baan anigu siinayaayee, kaas Somaliland yaanay qaadan” ayuu yiri. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Wuxuu leeyahay Hobyo ayaan siinayaa, Kismaayo ayaan siinayaa, wuxuu leeyahay meel heblo ayaan siinayaa”. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay doonayaan in Somaliland ay u dhaqanto sida dowlad oo kale, isla markaana ay darisnimo iyo walaalnimo kula macaamisho Soomaaliya. “Waxaan dooneynaa inaynu laba dowladood oo walaalo ah oo Soomaaliyeed oo xiriir wanaagsan leh oo kala ganacsada oo nabad-gelyada is weydaarsada inaynu wada noqono” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir Maxamed Kaahin Axmed. The post Somaliland oo kashiftay qorshe culus oo ay damacsan tahay Somalia oo la xiriira Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Bannaanbaxyo kale oo ruxay Nairobi iyo wararkii u dambeeyay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Bannaanbaxyo kale oo rabshado watay ayaa salaasadii shalay ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Booliska ayaa adeegsaday suntan dadka ka ilmeysisa isla markaana dacwado ku soo oogay dibadbaxayaal dhagxaan ku tuurayay badhtamaha magaalada Nairobi, si ay isugu dayaan in ay xakameeyaan rabshadihi ugu ballaadhnaa ee Kenya ka dhaca, tan iyo marki ugu yaraan tobnaan qof lagu dilay bannaanbaxyadi toddobaadkii hore. Mudaaharaadyada dalka oo dhan ka dhacay ayaa muujiyay in madaxweyne William Ruto uu ku guul darreystay inuu qanciyo dhaqdhaqaaqa dhalinyarada ee bannaanbaxyada dhigaya, inkasta oo uu ka tanaasulay qorshayaashii canshuur kordhinta ee dhaliyay qalalaasaha toddobaadkii hore. Mudaaharaadyadii slaasadii ayaa ku billaamay dareen xamaasad leh, balse waxa ay isku baddalay rabshado. Xooggooda ayaa ka dhacay tuulada ganacsiga ee badhtamaha magaalada Nairobi. Ciidamo boolis ah oo xidhnaa koofiyado isla markaana sitay budad alwaax ah iyo gaashaamo, ayaa ka hortagay dhallinyarada rabshadaha dhigayay. Tukaammo ayaa la gubay, shaqaalaha gargaarka dag dagga ahna waxay ku mashquul sanaayeen daweynta dadka dhaawaca ah, halka boolisku ay xidhayeen dadka waddooyinka joogay sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaasha iyo saxafiyiinta. Meelaha kale ee ay bannaanbaxyadu ka dhaceen ayaa waxaa ka mid aheyd magaalada labaad ee ugu weyn Kenya ee Mombasa. Dadka ayaa watay laamaha geedaha timirta isla makraana yeedhinyay buun caag ah, iyaga oo ku qeylinayay “Ruto ha baxo!” Talefishinka NTV ee Kenya ayaa sheegay in laba qof lagu toogtay Mombasa, waxay kaloo baahiyeen sawirrada baabuur gubaneysa. Warbaahinta Kenya waxay sheegtay, in sidoo kale ay bannaanbaxyo ka dhaceen magaalooyinka Kisumu, Nakuru, Kajiado, Migori, Mlolongo iyo Rongo. Madaxweyne Ruto, ayaa waajahaya qalalaase tii ugu darneyd ee soo waajahda xakunkiisa laba sanno jirka ah. Dowladdiisa ayaa dhexda u gashay lacagaha deymaha lagu leeyahay iyo midda ay ka amaahanayaan IMF iyo shacabka oo si weyn uga cabanaya sara u kaca ku yimid maciishada. Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNHCR) ayaa sheegay in 39 qof oo Kenyan ah lagu dilay dibadbaxyo iyo iska horimaadyo ay la galeen booliiska tan iyo 18-kii bishii June. Dadka intooda badan ayaa la toogtay xilli ay rabeen in ay xoog ku galaan xarunta baarlamaanka ee Nairobi. Source -
Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay caddaymo ay sheegtay in ay muujinayaan jiritaanka jabhad ka dhan ah jiritaanka JSL, oo ku sugan dalka Jabuuti. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliand ahna afhayeenka Xukuumadda Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan ayaa sheegay in tan iyo markii uu dhacay isfahankii Itoobiya iyo Somaliland in tobanaan jeer ay Jabuuti kasoo yeedheen hadalo ka dhan ah Somaliland, balse aanay Somaliland ka jawaabin oo ay ixtiraamaysay walaaltinimada. Kadib markii ay dowladda Jabuuti gabi ahaanba beenisay jiritaanka dhaqdhaqaaq ka dhan ah Somaliland oo dalkeeda ku sugan, wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa soo bandhigay caddaymo uu sheegay in ay muujinayaan jiritaanka jabhadaasi. Waxaanu yidhi.”Hadalkan danbe ee Somaliland ka hadashay waxa uu ku soo baxay afar dhacdo oo Jabuuti ka dhacay, afartaana caddaynteedu halkan taallo, nimanka yidhi ‘Awdal ayaanu xoreynayna oo Jabhad ayaanu nahay,’ waxay sheegeen inay Awdal ka xoreynayaan ‘Daaquud,’ isla markaana dad abaabulayaan, in bulshada reer Awdal kacdo, Jabuuti ayay ka hadlayeen taasina waa tii ugu weyneyd ee fagaare lagu soo bandhigo. Waa kuwaa nimankii Awdal State sheeganayay waxay fadhiyaan fagaarihii waynaa 27 Juun laga xusayay, halkaana waxa fadhiisan kara uun qof lasoo martiqaaday, xaflalado waa wayn ayay qabanayaan iyaga oo abaabulaya in Somaliland iyo gobolka Awdal lagu kaco, khudbadahoodii oo dhana waanu haynaa, nimanka sida fudud uga jawaabay waxaan leeyahay ma waxaasi aan soo bandhigey oo dhanba beena” Wasiirku waxa uu sheegay in tan iyo markii uu dhacay isfahankii Itoobiya in tobanaan jeer ay Jabuuti kasoo yeedheen hadalo ka dhan ah Somaliland, balse aanay Somaliland ka jawaabin oo ay ixtiraamaysay walaaltinimada. Waxaanu yidhi.“Sidii Somalialnd iyo Itoobiya u kala saxeexdeen heshiiskii Isfahan dowladda Jabuuti ilaa toban jeer, ayay ka hadashay, waxa ka hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, wasiirka arrimaha dibedda, waxa ka hadlay wasiirka warfaafinta, wasiirka maaliyada, mar kaliyana JSL umay jawaabin, siyaabo kala duwana way uga hadleen oo dhab ahaantii ay ahayd inaanay sidaasi isugu hawlin dowladda Jabuuti, sababto ah dhulkayaga iyo badayada anaga ayaa u talina” Waxa uu sheegay in aanay filayn in Jabuuti ay martigaliso dhaqdhaqaaq ka dhan ah Somaliland, marka labaadna ay la yaabeen in ay beeniso jiritaanka jabhada, oo uu sheegay in ay abaabul balaadhan ka wadaan Jabuuti isla markaana ay jeedinayaan qudbado isdaba joog ah oo ka dhan ah Somaliland. Waxaanu yidhi. “Wax Jabuuti innaga dhexeeya may hayn, heshiis hore ayaa jiray nabadgelyada xuduudaha ayaa lawada ilaalin jiray, danbiilayaasha ayaa la isu celin jiray, saxarka iyo sanqadha ayaa laga dhawri jiray wixii nabadgelyada xuduudaha waxyeelaya. Haddii aanu idin nidhi arrintasi jawaab naga soo siiya in aad si fudud noo tidhaahdaan waabeen idinkamaanan filayn iyada oo waxaasi oo caddaymo ahi ay jiraan, waxaan idin leeyahay hadalkaasi hadal uga noqda, wixii nabadgelyadeena waxyeelaya inaynu meel uga soowada jeesano ayay dani ugu jirta labadeenaba.” Waxa uu sheegay in si adag ay labada dhinacba u waardiyaynjireen xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya shacabka Jabuuti iyo shacabka Somaliland, isla markaana ay uga fadhiyaan Jabuuti in ay wax la taaban karo ka qabato cabashadooda. Wasiirka warfaafintu waxa uu bulshada ku baraarujiyay in dekedda Somaliland wixii ka hoose dalalka saxaraha ay iyadu kaalinta koobaad gashay. Waxaanu yidh. “Wixii saxaraha Afrika ka hooseeya dekedeena ayaa ugu horaysay, waana dadaalada aynu sameynay, dowladda Jabuuti wada dhalashadeeda iyo walaalnimadeedu way naga go’an tahay, waligeedna xumaani xagayaga kamay tagin, iyagana ka filimeyno, bulshada reer Jabuutina sidaasi ayaanu u naqaana,” Wasiirku waxa uu caddeeyay in Somaliland Badeeda ku filan tahay maamulkeeda, waxa uu intaas raaciyay in Somaliland aanay ciidamo shisheeye waligeed ka hawlgalin ilaalinta nabadgelyadeeda, basle ciidankeedu uu ku filaaday. Waxaanu yidhi. “Itoobiya waxa jira gobolka oo dhan ama dad badan oo abaabulaya colaadihiii Itoobiya iyo Soomaalida ka dhaxayn jiray, dhab ahaantii cidna dani uguma jirto, Somaliland xuduuda ay Itoobiya la leedahay ayaa ka dheer ka ay Soomaalida la leedahay, 33 sano ciidan shisheeyana ma iman, nabadgelyodarrona kama dhicin, dowlada Somaliland ciidamadeeda amniga ayaa xaslatay oo ku filaaday dhinaceeda ta Jabuutina la midbay ahayd, sidaasi darteed ganacsiga, nabadgelyada, wax waliba way iskaga keen xidhan yihiin, cid cid ku duulaysa iyo cid cid wax ka qaadaysaana majirto, markay noqoto heshiisna xeerarka caalamiga waanu naqaana, sida wax loo kala saxeexdana waanu naqaana, anaga cidi na khiyaameyn mayso oo badayada cidi noogu iman meyse kuwiina yaan la idinka khiyaameyn” Source
-
Diblomaasiyiin aad u badan ayaa saxiixay buuga tacsida ee Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Xaflad xusuus iyo tacsida ah ayaa lagu qabtay safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi, dalka Kenya, halkaasoo diblomaasiyiin, xildhibaanada labada aqal ee JFS, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, iyo wakiillo ka socda dowladaha kala duwan ay ka soo qayb galeen. Munaasabaddan ayaa ahayd fursad muhiim ah oo lagu muujinayo tixgelin iyo qaddarin loo hayo nolosha iyo shaqadii Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, oo muddo dheer ka soo shaqeeyay siyaasadda Soomaaliya. Waxaa la sheegay in Prof. Jawaari uu door weyn ka ciyaaray dhisidda nidaamka demoqraadiyadda iyo xoojinta hay’adaha sharci dejinta dalka, isagoo ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka muddo dheer. Diblomaasiyiinta saxiixay buugga tacsida ayaa ka mid ahaa saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, waxaana ay muujiyeen taageeradooda iyo tacsiyadooda iyagoo u tacsiyaynaya qoyska iyo shacabka Soomaaliyeed. Munaasabaddan ayaa sidoo kale ahayd mid lagu muujinayo xiriirka adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo xafladdu ay ka tarjumaysay xiriir dhow oo labada dal dhex mara. Waxaa la xusay in Prof. Jawaari uu ahaa shaqsi hagar la’aan u hibeeyay horumarinta Soomaaliya, isla markaana ay joogtaysay xiriir wanaagsan oo uu la lahaa safaaradaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee gobolka. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee JFS ayaa sheegtay in markale ay qaadanayso macalimiin cusub, kuwaas oo tiradoodu gaareyso 3,000 oo macalimiin si loo xaliyo baahida waxbarasho ee ubadka Soomaaliyeed. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa bulshada la wadaagtay qorshaha dowladdu ku qaadanayso macalimiinta cusub. Macalimiintaan ayaa imtixaankooda loo qaadi doonnaa si hufan haddana uu bilowday soo xareyshada shahaadooyinka. Wasaaradda ayaa sanadkii lasoo dhaafay qaadatay Saddex kun oo macalin. Wasaaradda ayaa dhowaan soo gabagabeysay qaadashada macalimiinta, oo howlgalay bishii Setember ee sanadkii lasoo dhaafay , tirada macalimiinta ayaa hadda gaareysa 6,000 oo macalimiin oo qeyb ka ah 10,000 oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku dhawaaqay in la qaadan doono. Macalimiinta dowladdu ay qaadaneyso ayaa waxaa ay ka kala imaanayaan gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada, waxaana ay marayaan imtixaan lagu kala saarayo, markaas kadib ayaa waxaa u furmaya tababar soconaya muddo sedex bilood oo aqoon kororsi lagu qaadanyo. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah magaalada Muqdisho ugu qabtay shirka sanadlaha ah ee Guddiga Wadajirka ah ee Wadajirka ah (JSC) ee looga hadlo horumarka laga gaaray qaab-dhismeedka Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobay (UNSDCF) ee Soomaaliya (2021-2025). Shirkan waxaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Ku-xigeenka Wakiilka Soomaaliya ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isku-duwaha Arrimaha Banii’aadamnimada, Mudane George Conway, waxaana diiradda lagu saaray doodo istiraatijiyadeed iyo waafajinta taageerada QM ee qorshayaasha mudnaanta u leh dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirka waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka. Qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa soo bandhigida iyo ansixinta Warbixinta Natiijooyinka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 2023 iyo qorshaha istiraatijiyadeed ee 2024-ka, waxaana dib u eegis lagu sameeyay waxyaabihii u qabsoomay 2023 waxayna soo bandhigeen qorshaha istaraatiijiyadeed ee sanadka soo socda. Qaab-dhismeedka Iskaashiga Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobay (2021-2025) waa qorshaha istaraatiijiyadeed ee hagaya taageerada wadajirka ah ee hay’adaha ee lagu xaqiijinayo Ajendaha 2030 ee Horumarinta Joogtada ah iyo Yoolalka Horumarka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Qaramada Nidoobay oo Shir Wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Somalia’s healthcare sector is ailing. This is despite the country receiving USD 4.5 Billion debt relief from IMF and the World Bank last year which moved the country’s debt to GDP ratio from 64% to 6%. The relief followed protracted negotiations under the Highly indebted Poor Countries Initiative. Source: Hiiraan Online
-
Sagaal boqol oo sarkaal oo ka tirsan ciidanka Israa’iil ayaa ku wargeliyay hoggaanka militariga in aysan doonayn in ay ku sii jiraan ciidanka. Tan ayaa lagu sheegay tiradii ugu badnayd ee saraakiisha ciidanka Israa’iil oo shaqada ka baxa, waxaana lala xiriiriyay dagaalka Qasa oo hoggaanka militariga Israa’iil ay ku guul-darraysteen inay qorshihiisa la wadaagaan saraakiisha sare ee dagaalka ku jira. Si la mid ah saraakiisha tiro badan oo askarta ka mid ah ayaa sidoo kale ka baxday ciidanka Israa’iil, inta uu socdo dagaalka Qasa, halkaa oo ay khasaare weyn kala kulmayaan, mana jirto sagaal bilood oo dagaalku socdo sawir guul ah oo ay dagaalka ka heleen. Waxaa kalo uu khilaaf ka taaganyahay inaysan caddeyn qorshaha mustaqbalka ee dagaalka. PUNTLAND POST The post In ka badan sagaal boqol oo sarkaal oo ka ruqsaysanaya ciidanka Israa’iil appeared first on Puntland Post.