Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Gabadh yar oo da’deeda lagu sheegay sagaal sano jir in ay ahayd isla markaana la la’aa nolol iyo geeri muddo bil ka badan ayaa meydkeeda laga helay meel miyi ah oo u dhow degmada Xarfo ee gobolka Mudug. Gabadha oo ehelkeedu sheegeen in ay habowday ayaa muddo laga baadi goobayay dhulka howdka ah, iyado raadinteedana ay ka qayb qaateen boqollaal dad iyo gaadiid ah oo isugu jira ehelo iyo laamaha ammaanka ee deegaanka. Gabadha yar oo lagu magacaabayay Nasro Cabdillaahi Aadan ayaa xilliga ay habaabeysay sidatay jeeg ay caano ku jiran oo loogu dhiibay guri ehelada ah oo aan aqalka ay joogtay ka fogeyn balse ay hareer martay. Ugu dambeyn waxaa soo helay ama arkay nin geel- baadigoobayay kaas oo ugu dambeyn dhawaaqa geerida ee Nasra soo gaarsiiyay ehelada iyo maamulka deegaanka. Dadkii halkaa tagay waxaa ka mid ahaa Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco) oo ah taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland waxaana uu markii horeba kamid ah dadkii raadinayay Nasra muddada ay maqneyd isaga oo BBC-da uga warramay wixii ay soo arkeen. “Hawdka lagasoo helay meydka gabadha waa meeshii ugu dambeysay raadkeeda, anaguna waan ka raadinnay ilaa shan boqol oo qof wey galeen hawdkaas balse cid Meesha ay taallay weli tiri waan maray ma jirin, agagaarradeeda oo dhan waalla maray oo laga raadiyay oo ugu dambeyn geel-jirahan ayaa soo arkay”, ayuu yiri taliye Dhiidhaco. Taliyuhu waxa uu sheegay in uu kusoo war geliyay laamaha ammaanka iyo ehelada intii uu yaqaannay maadaama ninku uu ahaa qof deggeen deegaanka isla markaana ogaa gabadha maqan ee la baadi goobayay. “Meesha waxa aan ugu tagnay meydkii gabadha oo kala daatay iyada oo qalfoof noqotay waxa ay Meesha taallay in kabadan bil, waxa saarnaa dharkeediiwaxa saarnaa dharkeedii waxaana ag yaallay jeeggii caanaha ee ay la habowday”, ayuu sii raaciyay Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco) taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland. Waxa uu tilmaamay in meeshu ay tahay hawd ciriiri ah isla markaana ay gawaarida dhigteen meel ka yara durugsan halka uu yaallay meydka Nasra Cabdillaahi oo ay gudaha hawdka ku lugeeyeen taas oo ay adkeyd in si caadi ah loogu dhex socdo. Aabbaha dhalay Nasra oo BBC-da la hadlay ayaa laftiisu sheegay in baadi goobka gabadhu uu in muddo ah socday balse ugu dambeyn ay heleen warka ah in lasoo arkay meydkii gabadhiisa. Waxa uu sidoo kale faah-faahin ka bixiyay sababta keentay geerida gabadha iyo haddii ay jiraan baaritaanno arrinkaa ku saabsan oo la smaeeyay. “Gabadha yar waxa ay ku nooleyd meel miyi ah, kadib markii caanaha loogu dhiibtay guri kale oo eheladu ay deggenyihiin ayey habowday oo hareer martay gurigii uma maleyneyno in ay jirto sabab kale laakiin kaliya waxa ay u dhimatay harraad iyo gaajo”, ayuu yiri aabbe Cabdillaahi Aadan. “Laamaha ammaanku waxa ay sameeyeen baaritaanno marka lagu daro wixii lasoo arkay iyo halka uu ku dambeeyay raadka gabadha ma jirto sabab kale oo inoo muuqata”, ayuu sii raaciyay. Sidoo kale waalidka Nasra waxa ay sheegeen in aysan jirin wax xanuun ah ama mid jireed ama mid dhimirka ahba oo ay ku ogaayeen in aysan jirin isla markaana ay caafimaad qabtay. Dhinaca kale Xasan Maxamed Cilmi (Dhiidhaco) taliyaha saldhiga Xarfo ee Puntland waxa laftiisu sharraxay baaritaannada ay ku sameeyeen il aiyo haatan geerida Nasra Cabdillahi Aadan oo sagaal jir ahayd. “Gabadhu waxa ay ahayd ilmo habaabay wadankuna hadda dhibaato amni kuma ogin, laakiin Meesha ay ku habowday ayaa ahayd hawd ciriiri ah oo aysan sahlaneyn in si fudud looga helo, Bacaadweyn Burtinle Galkacyo iyo meelo badan ayaa lagasoo gurmaday oo lawada raadiyay laakiin waxaa qorneyd in hadda lahelo”, ayuu yiri Taliye Dhiidhaco. Nasra sida uu sheegay aabbihii dhalay waxa ay ahayd gabadh yar oo ku dhalatay kuna kortay miyiga isla markaana aan helin waxbarasho iyo fursadaha kale ee nolosha magaalada walow ay da’deedu aad u yareyd. Isha: BBC The post Dhacdo argagax leh: Nasra oo muddo la weysnaa oo meydkeeda laga dhex helay… appeared first on Caasimada Online.
  2. Mogadishu (HOL) - A delegation led by Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre arrived in Baghdad, the capital of Iraq, on Thursday for an official visit. Source: Hiiraan Online
  3. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ku dhowaaqday inay diyaar u tahay dhex-dhexaadinta Ruushka iyo Ukraine, si loo soo afjaro colaadda daba dheeraatay, xilli maalmo kahor ay Ankara ku marti-gelisay wada-hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweynaha dowladda Turkiga, Racep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin in Ankara ay diyaar u tahay in ay kaalin ka qaadato dhameynta colaadda Ruushka iyo Ukraine. Hase ahaatee dalabka Erdogan ayaa waxaa ku gacan-seyray Ruushka, kadib markii afhayeen u hadlay Putin uu sheegay in Erdogan uusan dowr dhex-dhexaadineed ka ciyaari karin soo afjaridda dagaalka 28-ka bil socda. Erdogan oo la hadlayay Putin mar ay ka wada qeyb-galeyeen shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Shangahai ee (SCO) ee ka socda Kazakhstan ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in nabadeyn caddaalad ah oo ku habboon labada dhinac la sameyn karo. Laakin afhayeenka Putin, Dmitry Peskov ayaa arrintaasi meesha ka saaray. Mar uu la hadlayay TV laga leeyahay Ruushka, ayuu sarkaalkan ku gaabsaday “Maya” suurtaga ma ahan. Ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku aaddan sababta Ruushka uu ku diidayo in Turkiga uu dhex dhexaadiyo labada dhinac waa Kyiv iyo Mosco. Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in isaga iyo Putin ay ka wada-hadleen dagaalka Gaza iyo sida ugu habboon ee loo soo gaba gabeyn karo colaadda Siiriya. The post Kadib dhex-dhexaadintii Somalia iyo Itoobiya, Turkiga oo qaaday tallaabo cusub appeared first on Caasimada Online.
  4. As Kenya reels from deadly anti-tax riots that have rocked east Africa’s most advanced economy, the target of protesters’ anger remains starkly clear in murals on the walls of central Nairobi — and it is not just the government. Source: Hiiraan Online
  5. A team staff from Mogadishu University is currently in Poland seeking collaboration with EU universities. Source: Hiiraan Online
  6. Somalia on Wednesday launched a special week to showcase its marine resources potential, demonstrating the government's commitment to foster a vibrant blue economy. Source: Hiiraan Online
  7. Egypt’s President Abdel Fattah al Sisi received, Thursday a phone call from President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud. Source: Hiiraan Online
  8. Prime Minister Abiy Ahmed told lawmakers today that it was not necessary for the government neighboring Somalia to go around other countries to accuse Ethiopia when issues between Ethiopia and Somalia due to the former’s attempts to secure direct access to the Red Sea, can be settled with “one hour flight and one our discussion with us. Source: Hiiraan Online
  9. Canada head coach Jesse Marsch said Thursday he was unperturbed by his team's misfiring attack ahead of the Copa America quarterfinal against Venezuela. Source: Hiiraan Online
  10. Minneapolis (Caasimada Online) – Gudaha Mareykanka ayaa waxaa laga hadal hayaa khudbad uu jeediyay raysal wasaarihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, xilli uu ka qeybgalay munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Minneapolis. Khayre ayaa ka hadlay ammaanna ujeediyay bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka ku dhaqan, gaar ahaanna xildhibaannada asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda. Baaqyo ayuu usoo jeediyay dhalinyarada wax ku baratay halkaas, isagoo ku boorriyay inay dalkooda wax u bartaan. Hase yeeshee, warbaahinta Mareykanka ayaa aad wax uga qoray qeyb ka mid ah khudbadda Khayre, taasoo uu ku ammaanay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka. “Xildhibaan Ilhaan Cumar oo magaca Soomaaliya qalin dahab ah ku qortay. Qaddiyadda Ilhaan ma aha mid Ilhaan, maha mid Minnesota, maaha mid reer Mareykan, qaddiyadda Ilhaan waa qaddiyad Soomaaliyeed. Guusha Ilhaan waa guusha Soomaaliyeed waxayna noo xambaarsan tahay macno weyn,” ayuu yiri Khayre. “Waxaan idinka codsanayaa inaad hiil iyo hoo la garab istaagtaan, ku taageertaan codkiinna, deriskiinna, saaxiibbadiin iyo cid walboo aad taqaannaan u sheegtaan inay u codeeyaan Ilhaan,” ayuu intaa ku daray. Maxaa loo hadal hayaa hadalka Khayre? Koox korjoogteyn ah ayaa shalay cabasho ka gudbisay Ilhaan Cumar iyagoo ku eedeeyay inay anshaxa meel uga dhacday. Ururka Isla xisaabtanka Mareykanka ee AAF ayaa sheegay in hadalka Khayre uu meel uga dhacayo sharciga ololaha doorashada heer federaal. “Waxaan aad uga walaacsannahay isu soo baxa ololaha doorashada sharci-darrada ah ee Ilhaan ay la sameysay raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya. Ilhaan waxay leedahay taariikh dheer oo ah hadalladeeda muujinaya ku qanacsanaan la’aanta Mareykanka iyo u janjeeridda Soomaaliya, balse tan way ka shisheysaa hadallo,” ayay AAF ku sheegeen warkooda. “Haatan ololaheeda waxaa ka dhacay in hoggaamiye ajnabi ah uu ku lug yeeshay doorasho Mareykan. Waa inay is casishaa si degdeg ah ayna soo celisaaa doollar walba oo loogu ururiyay isu soo baxeedan ceebta ah,” ayaa intaas la sii raaciyay. Muxuu xafiiska Ilhaan ka yiri arrintan? La taliyaha dhanka ololaha ee Ilhaan Cumar, David Mitrani ayaa hadalkaasi degdeg uga jawaabay, isagoo yiri, “Cabashadan anshaxa waa isku day kale oo kooxaha midig-fog ay ku waxyeeleynayaan haweeneyda Kongareeska.” “Ololaha Ilhaan wax lug ah kuma laha codsashada, isku xirka, amaba ka shaqeynta ka qeybgalka Khayre amaba hadalladiisa, mana jirin in sharciga meel looga dhacay,” ayuu yiri. AAF ayaa xafiiska anshaxa ee Kongareeska ka codsaday inuu baaritaan ku sameeyo Ilhaan. Waxay ku eedeeyeen in Ilhaan ay “ku talogal u aqbashay kaoso muuqashada Khayre ee ololaheeda”. Sidoo kalena inuu cod u raadiyay Ilhaan. Horraantii sanadkn, xildhibaan sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa ugu baaqay Ilhaan Cumar oo Congress-ka ku matasha gobolka Minnesota inay is casisho kadib khudbad ay ka jeedisay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis. Ilhaan Cumar oo 27-kii January hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tiri: “Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan.” Arrintan ayaa dood ka dhalisay gudaha Mareykanka, iyadoo dadka cambaareeyay hadalkeeda ay ku tilmaameen inay danaha Soomaaliya ka hormarisay kuwa Mareykanka. “Hadallada carada leh ee Ilhaan Cumar ee Soomaaliya ay muhiimadda ku siisay waxay dharbaaxo wejiga looga dhuftay ku yihiin dadka Minnesota ee iyada loogu doortay inay u adeegto waxayna carqaladeyn toos ah ku yihiin dhaarteeda xafiiska,” ayuu yiri xildhibaan Tom Emmer oo qoraal uu soo dhigay bartiisa X. “Waa inay ceeb darteed isu casishaa,” ayuu sii raaciyay. Ilhaan oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee Congress-ka loo doorto, ayaa ka hadashay arrinta la xirriirta khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo sheegtay in “Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”. Muuqaalkeeda oo lasoo dhigay barta X ayaa waxaa daawaday malaayiin qof, waxaana aad loo hadal hayay gaar ahaan hadal loo tarjumay sidan: “Soomaali ahaan, mar baan ka daba tegi doonnaa dhulalka naga maqan.” Ilhaan ayaa jawaab ay arrintaas uga bixisay barteeda X waxay ku tiri “Keliya maaha mid hal dhinac ah balse gebi ahaanba waa mid ujeeddada ka baxsan,” ayay tiri Ilhaan. Isha: BBC The post Hadal Kheyre uu ku sheegay Minneapolis oo hadal hayn ka abuuray Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  11. Xisbiga Shaqaalaha ayaa ku guuleystay aqlabiyadda doorashada guud dalka UK si uu u soo dhiso dowlad cusub kaddib 14 sanno oo ay Ingiriiska hoggaaminayeen xisbiga Conservative-ka. Sir Keir Starmer ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee UK, ka dib markii uu xisbiga shaqaalaha ku hogaamiyay guul weyn. Wuxuu beddeley siyaasigii garabka bidix Jeremy Corbyn oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Labour afar sano ka hor, wuxuuna ka shaqeeyay inuu xisbiga ku soo celiyo garabka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo. Xisbiga Labour-ku waxa uu xukunka ka maqnaa 14 sano, hadda waxaa uu helay 370 kursi taas oo ka dhigaysa inuu helay aqlabiyada baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Xisbiga Shaqaalaha oo ku guulaystay doorashada dalka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
  12. 449145226_859757119510728_1558639176184845458_n Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka. Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar. Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah. Xasan Sheekh iyo Cabdulfataax Al-siis wadahadalkooda ku muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya. Madaxweyne Cabdulfataax Al-siis ayaa u rajeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed horumar iyo amni. Masar iyo Soomaaliya ayaa ah saaxiib dhow, waxayna labada dowladood ka mideysan yihiin dagaalka Itoobiya, mar kastana madaxweynayaasha labada dal waxay ka wadahadlaan sidii ay u samey lahaayeen iskaashi ka dhan ah Itoobiya. Wadahadalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Masar ayaa ku soo aadaya xili maanta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ka hadlay xiisada kala dhaceysa Soomaaliya, isagoo Soomaaliya ka dalbaday inay wadahadal ogolaadaan, isla markaana ay qudaartooda uga bedeshaan badda. The post Xasan Sheekh iyo Cabdulfataax Al-siis oo ka wadahadlay arrimo xasaasi ah, xili maanta Abiy… appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar. Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka.Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya, isagoo u rajeeyey horumar iyo amni. Source: goobjoog.com
  15. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka qayb galay shirka Madasha Dadaallada Xasilinta & soo kabashada deg-degga ah ee deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab, isagoo ka hadlay qorshaha Galmudug uga degsan xoreynta deegaanada ku haray gacanta kooxda. Madaxweynaha ayaa sheegay in wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab loo diyaar garoobay, dhowaana ay geli doonaan, isla markaana la xorey doono deegaano cusub. “Galmudug waxay hoggaami doontaa wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta, deegaano badan oo la xoreeyey ayaa la gaarsiiyey adeegyadii bulshada, deegaanada maqana waxaan isugu dari doonaa xoreyn iyo gurmad aan gaarsii doono shacabka ku dhibaateysan,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor. Wuxuu sheegay in Galmudug ay ka faa’iideysatay wajigii koowaad ee dagaalka oo lagu xoreeyey dhul badan, deegaanada xortaha wuxuu sheegay Madaxweynuhu inay gaartay dabeyl caafimaad, “inta aan xorta aheyn waxaa naga go’an inaan cadowga ka dulqaado, si ay bulshadooda uga mid noqdaan oo nolol u helaan,” ayuu yiri Qoor Qoor. Madaxweynaha Galmudug ayaa dowladda federaalka ku amaanay sida ay uga go’antahay in Shabaab laga ciribtiro dalka, isagoo balan ku qaaday in Galmudug ay ka faa’iideysa doonto fursadda ay siineyso dowladda federaalka ee dalka looga xoreynayo argagixisada. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayuu madaxweynuhu kaga mahadceliyay howshii wanaagsaneed ee laga qabtay deegaannada laga xoreeyay kooxaha Khawaatijta ah, isagoo sheegay in dagaalku socon doono, kuwa kalana laga xoreyn doono argagixisada. Shirka uu maanta Qoor Qoor hadalkaan ka jeediyey waxaa ka qayb galay wafdi ka socday Beesha Caalamka, gaar ahaan UK, US-AiD, UNSOM, UNDP, IOM iyo ATMIS, waxaana shirkaan lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Hoos ka daawo The post Daawo: Qoor Qoor oo war culus ka soo saaray wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  16. 449414448_1602091007021025_7700628924682168041_n Qaran News
  17. Mogadishu (HOL) - Somalia's Prime Minister, Hamza Abdi Barre, has accused Ethiopia of pursuing a false narrative to justify land acquisition. He stated that Ethiopia's goal is not to access Somali ports or invest in maritime facilities but to claim Somali territory. Source: Hiiraan Online
  18. Jigjiga (HOL) - A violent clash between two clans in the Wardheer district of the Dollo region in the Somali Regional State has resulted in multiple fatalities, according to local reports. At least three people were killed and several others injured in the altercation. Source: Hiiraan Online
  19. Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maantanla hadlay golaha wakiillada ee dalkiisa ayaa maanta aad uga hadlay arimaha So.alia iyo arinta isfahanka ee ay la gaadheen dalka Somaliland. Hadaba inaga oo soo qaadanayna waxa uu ka yidhi isfahamka dhex maray Somaliland iyo Itoobiya iyo sidoo kale fariin uu u diray madax weynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud waxa hadalkiisii ka mid ahaa sidani. Is-afgaradkii aanu la saxeexannay DALKA Somaliland waxa uu yimid ka dib markii dhamaan dalalka jaarka ah oo ay ku jirto dawladda Soomaaliya ay naga diideen codsigeena. Runtii dawladda Soomaaliya way diiday inay xataa nala hadasho” Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Itoobiya aysan ku talo jirin inay dhibaato u geysato Soomaaliya. Itoobiya waxay ixtiraamaysaa madax-banaanida Soomaaliya; Si kastaba ha ahaatee, heshiis kasta oo dhexmara dalka Somaliland iyo Itoobiya ma aha mid u taalaa Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tan iyo markii Is-fahamka la kala saxiixday ay dowladda Soomaaliya ay ku wareegayso oo ay dacwoonayso Itoobiya halkii ay si toos ah ula hadli lahayd Itoobiya. Farriinta tooska ah ee uu u dirayo dowladda Soomaaliya @HassanSMohamud “Taladaydu waa lacag ha khasaarina; waxaan kharash ku bixinaa marka aan wadamada wareegno. Looma baahna in lagu soo wareego waddamo kale oo na dacweeyo marka ay suurtogal tahay in aad noogu timaado Addis Ababa duulimaad saacad gudaheed ah. Waxaan diyaar u nahay dood. Lacagaha aad ku luminayso safarrada aan loo baahnayn waxaad u isticmaali kartaa inaad ku dhisto waddo hal km ah/waddo ah, ama hal dugsi oo Muqdisho ah. Shacabka ayaa ka faa’iidaysan doona waxyaabahaas” Marka ay Itobiya horumarto wadamada kale ee jaarka ah ayaa ka faa’iidaysan doona. Ma jiri doono koboc dhaqaale oo Afrika ah iyada oo aan lagu darin Itoobiya. Qaran News
  20. Mogadishu (HOL) - Prime Minister Abiy Ahmed addressed criticisms from the Somali government regarding Ethiopia's recent agreement with Somaliland, emphasizing Ethiopia's commitment to peaceful resolutions and mutual development. Source: Hiiraan Online
  21. The former Prime Minister of Britain David Cameron and President Hassan Sheikh Mohamud in London for the 2013 Somalia Conference in London. Mogadishu (PP Comment) — There is a big difference between Ethiopia under Meles Zenawi as a Prime in 2006 and Ethiopia under Abiy Ahmed in 2024. Zenawi guided Ethiopia through the end of the Cold War and the ‘War on Terror’ era. With the help of Sudan, the Eritrean People’s Liberation Front, and several Western countries, the TPLF managed to sideline other armed fronts, such as the Oromo Liberation Front, to dictate how the Ethiopian Defence Forces would operate. His federal project directed the energy of ethno-nationalists towards nation-building. The right-to-secede article in the Ethiopian constitution did the trick. Meles knew that in Ethiopia, any regime’s political programme aims to suppress other ethnicities to stay in power by any means. That was the least democratic aspect of the TPLF reign in Ethiopia (1991-2018). Abiy Ahmed came to power peacefully in 2018 but waged two civil wars—one against the Tigrayans, the other, ongoing, against the Amharas. Those missteps did not stop him from trying to annex a Somali coastal area to secure access to the sea. He signed a maritime Memorandum of Understanding with Somaliland Administration, a secessionist entity in northern Somalia. Unlike Zenawi, Abiy attempts to exploit anti-Somalia sentiments among certain Western politicians, who are oblivious to the cornerstones of the post-World War 2 settlement and the primacy of countries’ sovereignty as set out in the United Nations Charter. Abiy sees Ethiopia’s membership in BRICS as an opportunity to become more intransigent towards Somalia. He expects that China and Russia will support his land-grabbing ambitions. Somalia supported Ethiopia’s position on the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) in 2018, but in 2024, Somalia finds its territorial integrity threatened by Ethiopia eager to acquire ccess to the sea. Abiy is more megalomaniacal than Mengistu Haile Mariam, whom the former Soviet Union abandoned because of his disregard for the rights of ethnicities (Tigray, Oromo, Eritrea, Western Somalia aka Ogaden, Sidamo, etc.). Mengistu pressed on with the war against the TPLF and EPLF to stay in power. The outcome in 1991 was the fall of the Derg regime, and Ethiopia became a landlocked country after the independence of Eritrea in 1993. Why is Abiy Ahmed keen on undermining the British state-building initiatives in the Federal Republic of Somalia? Ethiopian leaders’ understanding of post-World War II history is that Addis Ababa outwitted Britain twice — first, when it persuaded the British Empire to breach Protectorate Agreements with Somali clans and let Ethiopia annex Somali territories, and second, when Britain liberated Ethiopia from fascism and had Eritrea annexed by Addis Ababa. Abiy Ahmed does not see a rules-based order; he sees himself as an agent in the Horn of Africa who is willing to fight wars on behalf of America. Recently, Ahmed misleadingly told his inner circle that since the nineteenth century, the Horn of Africa has been a battleground between Ethiopia and Britain. Bahru Zewde and Gebru Tereke, two prominent Ethiopian historians, do not agree with him. © Puntland Post, 2024 The post Ethiopia opposes British State-building Initiatives in Somalia appeared first on Puntland Post.
  22. Addis Abeba – Prime Minister Abiy Ahmed told lawmakers today that it was not necessary for the government neighboring Somalia to go around other countries to accuse Ethiopia when issues between Ethiopia and Somalia due to the former’s attempts to secure direct access to the Red Sea, can be settled with “one hour flight and one our discussion with us. “It is very simple because we have no fight with the Somali government,” PM Abiy said, but instead, the Somali government “chose to go around and accuse us.” “My advice is don’t waste money; we spend money when we go around countries,” he said in a direct message. “There is no need to go around other countries to accuse us when it is possible to come to us in Addis Abeba. We are ready for a discussion, he said, adding that the money can be better spent on “building a one km walkway, or one school in Mogadishu; the people will benefit” from that, he said. Ethiopia follows neighbor-centered and friendly foreign policy approach and the people of Somalia and the various Somali clans “live within us; we have sacrificed for peace in Somalia and the ruling party is showing its respect to Somalia and its people “more than any other government,” PM Abiy said, Ethiopia has “empowered” Somalia, and that the Ethiopian government “has no question about Somalia’s unity.” Speaking about the 01 January Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland, Abiy said it was signed after Ethiopia “had tabled the question to all our neighbors and received no response; after we begged [and] asked all, not because we have questions about Somalia’s unity.” The Premier also pushed back against accusations that his government is working to dismantle Somalia. “Ethiopia doesn’t want the disintegration of Somalia; it would not have sacrificed its children” if it wanted that. Addis Standard Qaran News
  23. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo maanta khudbad u jeediyay baarlamaanka dalkiisa ayaa wuxuu qeybo kamid ah uga hadlay xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya ee salka ku haysa is-afgaradkii ay la galeen Somaliland. Abiy ayaa wuxuu sheegay in laga maarsami karey dagaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ku qaaday Itoobiya, isaggoo ku tilmaamay “mid aan loo baahneyn” sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay in hal saac lagu dhameyn karo khilaafka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in aan loo baahneyn in Soomaaliya ay ku wareegto dalalka deriska iyo kuwa kale, iyadoo ka dacwoonaysa fara-gelinta Itoobiya ku hayso midnimada Soomaaliya. “Aad ayay u sahlan tahay sababtoo ah wax dagaal ah oo aan la galnay dowladda Soomaaliya ma jirto, Laakiin taa beddelkeeda, dowladda Soomaaliya waxay dooratay inay adduunka kusoo wareegto oo na eedeyso,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Waxa uu intaas kusii daray “Taladaydu waa lacag ha khasaarinina – Ma jirto baahi loo qabo in lagu soo wareego waddamo kale si naloo dacweeyo, iyadoo ay suurta-gal tahay in Addis Ababa noogu timaadid.” Wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin wada-hadal, isaggoo caddeeyay in Itoobiya ay ixtiraameyso madax-banaanida Soomaaliya, halka taas beddelkeeda ay ku foogan tahay xukuumaddiisa marka xaqiiqda loo soo daadago. “Itoobiya ma rabto kala goynta Soomaaliya; uma hureen caruurteedii” hadday taas rabto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Ugu dambeyntiina wuxuu ku taliyay “in qarashka dowladda Soomaaliya uga baxaya safarka dibadda uu ku wanaagsan yahay dhismaha iskuul ku fadhiya 1KM oo Muqdisho laga dhiso oo ay ka faa’iideystaan shacabka.” The post Abiy oo sheegay in hal saac lagu dhameyn karo khilaafka kala dhaxeeya Somalia – Sidee? appeared first on Caasimada Online.
  24. The Togdheer Truckers Cooperative members challenge the insurance policies they are being urged to buy from newly formed insurance brokers in Burao. Burao (PP News Desk) — The Togdheer Truckers Cooperative members issued a statement today regarding the mandatory insurance imposed on truck owners. The cooperative members met in Burao to challenge the insurance policies they are being urged to buy from newly formed insurance brokers. “It is a plan to enrich a few people at our expense. We are already struggling with the payment of the semi-annual road tax. Many trucks are laid up in garages after owners were unable to pay the maintenance bills. The petrol stations demand cash upfront,” a member of the cooperative said to highlight the dire economic situation facing truck owners in Burao. Another member of the Togdheer Truckers Cooperative contended that owners are still paying the annual three hundred thousand shillings to contribute to the construction of Erigavo Road despite the project being in limbo. “Every person is in his clan’s insurance’” said the man, referring to the practice of raising money from the blood-money sharing scheme used to pay victims of car or lorry accidents in Somalia. © Puntland Post, 2024 The post The Togdheer Truckers Cooperative opposes mandatory insurance appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay waxaa xoogeystay wararka la xiriira inay bilaabanayaan wada-hadallo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo argagaxisada ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan isaggoo jooga waddanka Nairobi la weydiiyay in kiiska argagixisada gacan wada-hadal ah lagu fiirin karo waxa uu sheegay in wada-hadalku marwalba ku xiran yahay in labada dhinac diyaar yihiin. Waxa uu sheegay in dowladdiisa ay marwalba diyaar u tahay xal, laakiin qadiyadda Shabaab-ka waxa uu sheegay in aanay aheyn mid maanta Soomaaliya keliya ku eg, balse ay tahay qadiyad caalami ah oo u baahan talo loo dhan yahay. Jawaabtaas kadib dadka qaar ayaa xoojiyay inuu wada-hadal socdo, laba dhinac ayaa laga sheegay wada-hadalka, mid waa dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada, wada-hadalka labaad ee la sheegayna waa mid u dhaxeeya Mareykanka, Qatar iyo Shabaab. Laakiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu markale asbuucan magaalada Muqdisho ka sheegay in aanu jirin wada-hadal ay dowladda federaalka kula jirto kooxaha argagixisada ah oo haatan socda. Xasan Sheekh inuu intaas yiraahdo ama mowduucaas caddeeyo waxay faa’iido weyn u tahay dagaalka ay dadka Soomaaliyeed iyo ciidanka xoogga dalka kula jiraan kooxaha argagixisada. Haddii aanay dowladda intaas caddeyn lahayn waxaa la aaminsan yahay in guuxaasi si taban u saameyn lahaa dagaalka, niyada ciidanka iyo mowqifka qabiilada. Soomaalida dhexdeeda iyo beesha caalamkaba waxaa durba bilaabatay in laga dooddo in la gaaray waqtigii arrinta argagixisada wada-hadal lagu dhameyn lahaa, iyaddoo uusan dagaal toos ah socon tobankii billood ee lasoo dhaafay. Kooxda waxay weli haysataa dhul ballaaran, tusaale; deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland wax shaqo ah oo ka dhan ah kooxda lagama qaban, halkaas oo la aaminsan yahay inay ku dhuumanayaan madaxda kooxaha argagixisada. Qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed ayaa qaba in waqti milatari, mid afkaar iyo mid dhaqaale la galiyo in kooxda itaal ahaan loo sii wiiqo, si haddii mustaqbalka wada-hadal la galaayo uu gorgortanka u fududaado, haddii heshiiska ka baxaan oo ay khiyaamo sameeyaan aanay u noqon awood wax u dhimi karta dowladda Soomaaliya iyo dadkaba. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu horey u sheegay in uusan kooxda la hadli doonin illaa uu 80% wiiqo awooddooda, halkii uu madaxweynaha qabsaday weli lama gaarin, wuxuuna u baahan yahay inuu dhagaha ka fureysto fariimaha dowladdaha qaar ee caawinaya argagixisada ama dhaawacaya dagaalka. Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya taalla maanta waa argagixisada. Waxaana in kooxda lasii wiiqo ay kabi doonta guusha dowladnimada, waxayna abuuri doonta fursado lagu hormarin karo dalka iyo dadka Soomaaliyeed. The post Ma la gaaray xilligii wada-hadal lala gali lahaa argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.