Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Muqdisho laga sagootiyey ciidankii ugu badnaa ee beesha Caadicadde oo ku wajahan furimaha dagaalka ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada ay degto beeshaasi. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan golaha shacabka ee BFS ayaa maanta Muqdisho ka sagootiyey ciidankaas oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay lagu diyaarinayey xeryaha Muqdisho. “Deegaanadeena dadka ku nool waxaa laga qaadaa baad, si joogto ah ayaa loo dhibaateeyaa dadkeena, jirka Shabaab bir kama sameysna anaguna buunshe ma nihin,” ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar. Xildhibaanka ayaa ciidanka ku wajahan furimaha dagaalka ka balan qaaday inay u raaci doonaan dagaalka, oo masuuliyiinta beesha ay ka qeyb qaada doonaan xoreynta deegaanada beesha. “Sida lagu yaqaano beesheena dagaalka ma jeclin, laakiin hadii nala qasbo waan ka guul gaarnaa, waa nagu kalifeen Al-Shabaab dagaalkaan, waana ka adagnahay, meel aan ku jabnay weligey ma maqlin,” ayuu yiri Xildhibaan Khaliif. Wuxuu qiray in abaabul xumo dhanka beesha ah ay jirto, balse wuxuu sheegay in dagaal xumo aan lagu aqoon beesha Baadicadde, “hadda ka hor mar aan isugu tagnay Buuloburde Al-Shabaab waa qalqaleen, waxay dhaheen hadii Baadicade dagaalka soo galo waa noo dhamaatay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Ciidanka beesha Baadicadde waa markii ugu horeysay oo Muqdisho laga abaabulay, waxayna maanta galeen safar dhulka ah oo Hiiraan ay ku tegayaan, halkaas oo ay ka bilaabayaan howlgal xureyn ah oo ku wajahan dhulka Baadicadde. Tuulooyin badan oo hoos taga Buuloburde iyo Jalalaqsi oo beeshaasi ay degto ayey ku habsatay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo intooda badan aan weligood laga saarin, balse sida qorshuhu yahay maalmaha soo socda ayaa Al-Shabaab laga saarayaa dhulka Baadicadde ka dego gobolka Hiiraan. Hoos ka daawo The post Daawo: Beesha Baadicadde oo Muqdisho ka sagootisay ciidankii ugu badnaa oo ku… appeared first on Caasimada Online.
  2. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/447638005_759089242761485_2638857934523007898_n.mp4 Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa muujiyey in aysan la dhacsanayn in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkaan. La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya filayso in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan, marka uu dhammaado howlgalka ATMIS. Xuseen Sheekh Cali, oo ka hadlay X Space ay leedahay Idaacadda Goobjoog, ayaa sheegay inay jiri doonaan ciidamo ka socda wadamada kale ee ka tirsan ATMIS oo sii jooga Soomaaliya, qaybna ka noqonaya hawlgalka beddelaya ATMIS oo aan weli magac loo bixin, balse la filayo inay xilka la wareegaan laga bilaabo Janaayo 2025-ka. Hase yeeshee fikardo taas ka duwan waxaa bixiyey masuuliyiin ka tirsan labada maamul oo degaanadooda ay ka hawlgalaan ciidamada Itoobiya. Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa VOA u sheegay inay arrintaasi tahay “xaalad adag.” “Waxaa kaliya oo ka faa’iidaya waa khawaarajta, mana ahan arrin la isku raaci karo dadka wax wada leh,” ayuu yiri. Sidoo kale Wasiirka Amniga ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa VOA u sheegay in haddii ay ciidamo ajnabi ah ay joogayaan Soomaaliya inay jecel yihiin kuna faraxsan yihiin joogitaanka ciidamada Itoobiya. “Haddii hadda dalka ciidankaas laga wada saarayana waxay u baahatan yahay in laga tashto oo cid keliya aysan go’aan ka gaari karin. Koonfur Galbeedna way ku faraxsan tahay inay Itoobiya sii joogto,” ayuu yiir Xasan Cabdulqaadir. Hadalka ka soo yeeray dowlad goboleedyadaan ayaa dhabar-jab weyn ku ah qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya oo dagaal diblomaasiyadeed kula jirta dowladda Itoobiya, qorshaha dowladda waxaa ka mid ah in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan kumanaanka ATMIS ee dhamaadka sanadkaan dalka ka baxaya. The post Jubaland iyo K/Galbeed oo isku raacay qorshe culus oo dhabar-jab ku ah dowladda appeared first on Caasimada Online.
  4. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi Axmed ayaa u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka, isagoo hogaaminaya wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga qeyb galaya shirka 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaasoo lagu wado in 6-da bishan ay ka dhacdo doorashada xubnaha Golaha Ammaanka. Laga bilaabo Janaayo 1, 2025, Soomaaliya oo ay weheliyaan xubnaha kale ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ayaa la filayaa in uu u bilaaban doono muddo xileedkoodu, oo socan doona illaa 31-ka bisha December sanadka 2026. Musharrixnimada Soomaaliya ee kursiga furan ee Afrika oo loo qoondeeyay dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka Bariga Afrika, ayaa weli ah mid aan loo tartamin, oo la jaan qaadaya qaab-dhismeedka wareegga ah ee kooxda Afrika. Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday musharaxnimadeeda kursigaas ku aaddan sanadkii 2018, waxaana si rasmi ah loogu ansixiyay Kalfadhiga caadiga ah ee 44-aad ee Golaha Sare ee Midowga Afrika oo dhacay Febraayo 2024. Soomaaliya oo xubin ka ahayd Qarammada Midoobay tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1960-kii, waxay taariikh u leedahay inay la shaqeyso golaha ammaanka, iyadoo kursigan qabatay muddadii u dhexeysay 1971-1972, waxayna qayb ka qaadatay doodo iyo go’aamo looga hadlayay nabadda iyo ammaanka caalamka. Source: goobjoog.com
  5. Intii uu socday wajigii koobaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab waxay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanku qabsadeen dhul ballaaran oo ka kooban degmooyin waaweyn, tuulooyin muhiim ah, iyo dhul miyi ah, balse meelaha qaar si degdeg ah ayay ciidanku uga soo bexeen. Inkastoo ay jiraan goobo badan oo sidii loo qabtay gacanta ugu jira, loona sameeyay maamul oo hadda uu hormar baaxad lihi ka socdo, haddana sababta ay meelaha qaar sida lama filaanka ah ciidanku uga soo noqdeen ayaa dhalisay weydiimo iyo hadal-hayn dadweynaha iyo dowladdaba ka dhex jirta. Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga oo wareysi siiyay TV-ga Goobjoog ayaa umuurtaas si faahfaahin uga hadlay, asagoo sheegay in qorshaha deegaanada lagu qabsanayaahi uu yahay xeelad ciidan oo isugu jirta laba heer. “Meelaha qaar ciidanka waxay u qabsadaan inay si buuxda ula wareegaan oo ay saldhigyo ka sameystaan, halka goobo kale ay howlgallo xarumaha iyo fariisimada Alshabaab lagu burburinayo ka geystaan” ayuu yiri Afhayeenku. Wuxuu intaa ku daray in ujeedada howl-gallada qorshaysan loo fulinayaahi ay tahay in la qalqal geliyo hoggaamiyaasha Alshabaab oo meelaha ay ku nastaan loogu galo, islamarkaana ay dareemaan in goob kasta oo ay ku suganyihiin inta loogu daado oo lagu laayo dib looga noqan karo. Si kastaba ha ahaatee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa bilihii la soo dhaafay aad u kordhiyey howl-gallada ka dhanka kooxda Alshabaab, waxaana la filayaa in dhowaan uu bilowdo wajiga labaad ee dagaalka ee uu madaxweynuhu horey ugu dhawaaqay. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday ololaha kursi muhiim ah oo yaalla Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayada oo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi u safray magaalada New York ee dalka Mareykanka. Safarka Fiqi ee New York ayaa ku qotoma dardar-gelinta oloaha in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, xilli ay maalmo ka harsan tahay doorashada xubnaha cusub ee Golaha Ammaanka oo kursigaan uu qeyb ka yahay. Fiiq ayaa halkaasi ka bilaabaya dadaallo diblumaasiyadeed horleh oo lagu doonayo in taageero loogu helo dalabka Soomaaliya, ayada oo dowladda federaalka horey u sheegtay in Soomaaliya lagu aamini karo inay hormuud ka noqoto ajendaha iyo amniga Afrika. Golaha Ammaanka loo dhan yahay ee QM ayaa dooran doona shan xubnood oo cusub oo kamid noqon doona Golaha Ammaanka ee sanadka 2024. “Soomaaliya waa lagu aamini kara in ay hormuud ka noqoto ajendaha nabadda iyo amniga Afrika ee UNSC iyo sidoo kale u hoggaansanaanta mabaadi’da iyo axdiga Qaramada Midoobay si loo dhiso nidaam caalami ah oo nabad ah, xasilloon oo barwaaqo ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay howl-galka Soomaaliya ee QM. Kursigaan ay Soomaaliya u tartamayso ayaa ah kursi Afrika u gaar ah, si gaar ahna waxaa u yeelan doona waddan ku yaal Bariga Afrika. Waddanka ku guulaysta ayaa waxa uu kamid noqon doona 10 waddan ee ku fadhiya kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka QM, muddo labo sano ah. Damaca Soomaaliya ee kursigaan ayaa markii ugu horeysay banaanka yimid kadib markii ay Soomaaliya sheegtay inay ka tanaasushay madaxweynaha baarlamaanka adduunka, oo ay ku guuleysatay guddoomiyaha baarlamaanka Tanzania. Kuraasta diyaarka ah ee Golah QM ee qeybta uu ka yahay kursigan ayaa waxaa loo qeybiyay sidan; Hal kursi oo Afrika ah, oo hadda ay haysato Mozambique Hal kursi Aasiya-Pacific, oo ay hadda haysato Japan Hal kursi oo Laatiin Ameerika iyo Kariibiyaankaah (GRULAC), oo ay hadda haysato Ecuador, iyo Laba kursi oo loogu tala-galay Galbeedka Yurub iyo kuwa kale (WEOG), oo ay hadda haystaan Malta iyo Switzerland. Si kastaba, Tallaabadan ayaa imaaneysa kahor doorashada soo socota ee xubnaha Golaha Ammaanka ee QM oo la qorsheeyay 6-da June inta lagu guda jiro Kalfadhiga 78-aad ee golaha guud ee QM. The post Somalia oo bilowday ololaha kursiga golaha ammaanka iyo Fiqi oo tallaabo qaaday appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo jeediyay inuu dhaqso isku daba qabto, xilli ay meel sare gaartay xurgufta isaga iyo mucaaradka. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha ku dhaliilay in madax goboleedyada u ogolaaday muddo kororsi, uuna isna wadadaasi ku socdo. “Dowlad-goboleedyada inay doorasho galaan ogolow (Madaxweyne), sharciyad ayaa dal lagu maamula oo lagu dhaqaa, laakiin sharciyad la’aan xukun laguma joogi karo. Yeysan waqti ka lumin dhalateedka ah iska jooga kursiga, idinkana igu taageera hadhoo marka ay iga dhamaato oo doorasho la qaban,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxa uu intaas kusii daray “Ogolow (Madaxweyne) in talo mideysan halka uu dalka ka aadi lahaa sanad iyo bar kadib doorasho qaabkee ah ayaa la galayaa, qaabkee ayaa sharciyadda lagu waasicinaya dowladnimada in lagaala yeesho.” Sidoo kale waxa uu kula taliyay madaxweyne Xasan Sheekh in uu soo dhiso xukuumad tayo leh, uuna iska dhaafo dhalanteed uu sheegay in muddo xileedkiisa uu dalka uga lumiyo xukuumad fadhiid ah oo waxtar laheyn. “Waxaa kugula talin lahaa (Madaxweyne) in aad dalka u dhisto xukuumad tayo leh oo qaadi karta mudadda yar ee kooban ee harsan masuuliyadaha iyo caqabadaha horyaalla, oo aad iska dhaafto dhalateedka ah xukuumad aan karti laheyn aad mudadda yar ee hartay dalka uga lumiso,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xildhibaan. Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeyntiina wax lala yaabo ku tilmaamy in madaxweynaha aysan aqoon iyo waayo aragnimo ku yareyn, haddana marka fiiriso dowladdiisa sida ay wax u wado lala fajacayo, “Madaxweynaha aqoon kuma yara, waaya-aragnimana kuma yara, da’na kuma yara ee see wax yihiin. Laakin Madaxweynow cid kor wax kuugu sheegta, ama kuugula dhiirata ma jirto.” Waxa uu intaas sii raaciyay Xildhibaanka “Waxaan kuuugu naseexeyneynaa Madaxweynow mudada kooban ee taladaada ama mudo-xileedkaada ka harsan inaad dalka badbaadiso, adigana sumcadaada badbaadiso, dhaqankaagana uu noqdo mid dhaxal-reeb oo taariikh iyo legacy ka taga.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Xasan oo loo jeediyay inuu dhaqso isku daba qabto, “Villada sharciyad ay rabtaa” appeared first on Caasimada Online.
  8. Mogadishu (HOL) — Officials from Somalia's South West and Jubaland regions have expressed strong opposition to Ethiopian troops' planned withdrawal from the country by the end of this year. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) — The commander of the 3rd Division of the Somali Police Dervish Army, Abdulkadir Mohamed Hashi, known as Juqlawe, was killed early on Monday morning during a clan conflict in the Haji Ali area of Middle Shabelle, Somali Police Force officials confirmed. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) — According to recent reports, Security forces in the Middle Shabelle region surrounded the Al-Shabaab fighters in the Ruunirgood area on Monday to drive them out of their strong defensive positions. Source: Hiiraan Online
  11. Taliyaha Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgallo amni oo ka socda gobolka Bari kuwaasi oo ciidamadu ku qabteen shakhsiyaad lagu tuhmayo kooxaha argagixisada ah. Taliye Muumin oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in hawlgalladii u danbeeyay ee ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen gobolka Bari lagu qabtay ilaa 23 qof oo ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Daacish islamarkaana weli baaris ku socoto shakhsiyaadkaasi. S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa sidoo kale sheegay in ay guud ahaan hadda baaris ku socoto dad gaaraya 98 qof oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish kuwaas oo ku xiran xabsiyada Puntland oo dhan. Taliyaha Booliska Puntland ayaa dhinaca kale ka hadlay duqaymo dhanka cirka ah oo 26 iyo 31 May laga fuliyay buuraleyda gobolka Bari kuwaasi oo mid kamid ah lagu beegsaday maleeshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraleyda Calmiskaad. Gen. Muumin ayaa tilmaamay in duqayntii 31 May ka dhacday buuraha Calmiskaad oo uu fuliyay Maraykanka lagu beegsaday kooxaha Daacish islamarkaana ay ku dhinteen 11 xubnood halka ay ku dhaawacmeen 7 xubnood oo kale. Waxa uu intaasi raaciyay in duqayntii dhacday 26 May aysan wax khasaare ah u geysan kooxaha argagixisada ah. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliska Puntland oo faahfaahin ka bixiyay hawlgallo iyo duqaymo ka dhacay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  12. According to government pathologist Johansen Oduor, this now brings the total death toll to 436. Source: Hiiraan Online
  13. Malé (Caasimada Online) – Dalka Badweynta Hindiya ku yaalla ee Maldives ayaa Israa’iiliyiinta ka mamnuuci doona goobtan aadka loogu dalxiiska tago, waxaa sidaas Axadii sheegay xafiiska madaxweynaha, taasi oo “lagu garab is-taagayo Falastiiniyiinta.” Maldives, oo ah jamhuuriyad yar oo Islaami ah oo ka kooba in ka badan 1,000 jasiirado istaraatiji ah, waxay caan ku tahay xeebaheeda quruxda badan. Madaxweyne Mohamed Muizzu “wuxuu go’aansaday inuu mamnuuco baasaboorka Israa’iil,” ayuu afhayeen u hadlay xafiiskiisa ku sheegay bayaan uu soo saaray, isagoo aan faah-faahin ka bixin xilliga sharciga cusub uu dhaqan geli doono. Muizzu ayaa sidoo kale ku dhawaaqay olole lacag uruurin ah oo heer qaran ah oo loogu magac daray “Garab istaagga dadka Maldivian-ka ee Falastiin”. Maldives ayaa horraantii sagaashamaadkii ka qaaday mamnuuciddii hore ee dalxiisayaasha Israa’iil, waxaanay u dhaqaaqday inay dib u soo celiso xiriirka kala dhaxeeya 2010-kii. Hase yeehsee, xiriirka ayaa burburay kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Mohamed Nasheed bishii Febraayo ee 2012. Xisbiyada mucaaradka iyo xulafada dowladda ee Maldives ayaa cadaadis ku saarayay Muizzu inuu mamnuuco Israa’iiliyiinta, si loogu muujiyo in laga soo horjeedo dagaalka Gaza. Xogta rasmiga ah ee dowladda ayaa muujisay in tirada Israa’iiliyiinta ee booqanaya Maldives ay hoos ugu dhacday 528 afartii bilood ee ugu horreysay sanadkan, taasi oo ah hoos u dhac 88 boqolkiiba marka loo eego isla xilligan oo kale sanad ka hor. Isaga oo ka jawaabaya xannibaaddan, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa ku boorriyay muwaadiniinta inay ka fogaadaan u safridda Maldives. “Muwaadiniinta Israa’iil ee sii jooga dalka, waxaa lagula talinayaa inay ka fakaraan inay baxaan, maadaama haddii ay dhibaato ku dhacaan sabab kasta, ay nagu adkaan doonto inaan caawinno,” ayuu yiri afhayeenka. Dagaalka Gaza ayaa billowday kadib markii 7-dii October ay Xamas weerar culus ku qaadeen Israa’iil, kaasi oo lagu dilay 1,189 qof. Xamaz ayaa sidoo kale qafaashay 251 qof oo 37 ka mid ah ay dhinteen, sida ay sheegeen ciidmada Israel. Weeraro aargoosi ah oo tan iyo markaas ay ciidamada Israa’iil ka wadeen Gaza ayaa waxa ay ku dileen 36,439 oo badankood shacab ah. Voa The post Dal badweynta Hindiya ku yaalla oo dalkiisa ka mamnuucay Israa’iiliyiinta appeared first on Caasimada Online.
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gallo amni oo ka socda gobolka Bari iyo duqeymihii u dambeeyay ee maamulkaasi ka dhacay. Tayaha Booliska Puntland Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire oo wareysi gaar ah bixiyay ayaa shaaciyay in howl-galladii u dambeeyay ay ciidanka Puntland kusoo qabteen illaa 23 qof oo ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin ururka Daacish. Shaqsiyaadkan oo weli baaris ku socoto ayaa waxay ciidanka kasoo qabteen deegaano dhaca gobolka Bari, sida uu sheegay Sarreeye Gaas Muumin Cabdi Shire. Taliye Muumin ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in guud ahaan ay hadda baaris ku socoto dad gaaraya illaa 98 qof oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasi oo ku xiran xabsiyada mamulka oo dhan. Taliyaha ayaa waxa kale oo uu ka hadlay duqeymihii u dambeeyay ee ka dhacay maamulkaasi, isaggoo sheegay in duqeyntii u dambeysay ee 31-kii bishii dhamaatay laga fuliyay buuraleyda gobolka Bari khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay argagixisada. “Duqeyntii dhacday 31-kii May waxaa lagu beegsaday ururka Daacish, waxaana ku dhintay 11 xubnood, halka ay ku dhaawacmeen xubnood kale oo gaaraya illaa 7,” ayuu yiri Taliyaha. Duqeyntan ayaa waxaa fuliyay Mareykanka. Sidoo kale waxa uu sheegay in duqeyntii dhacday 26 May aysan wax khasaare ah u geysan kooxaha argagixisada ah, taasi oo horey u dafiray maamulka jiritaankeeda. Duqeynta Mareykanka ayaa imaneysa xilli toddobadkii hore ay dowladda federaalka Soomaaliya sheegatay duqeymo ka dhacay buuraha Calmadow, balse Puntland ay beenisay jiritaanka weerarkaasi ay masuuliyadeeda sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya. Beenintaas ayaa timid kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegatay in duqayn ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah ay ku dileen saddex ka mid ah horjoogeyaasha kooxaha Khawaarijta ah iyo 20 maleeshiyaad ah. The post Puntland oo war cusub kasoo saartay duqeyntii Mareykanka iyo howl-gallo dhacay appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir oo soo saartay baafin ay ku dalbaneyso in 14 xubnood loo haysto dacwad ay cadaalad horyimaadan, ayaa waxay ku dhacday qalad dad badan ka yaabiyey. Qoraalka kasoo baxday maxkamadda oo aheyd in si fiican loo hubiyo kahor inta uusan warbaahinta usoo gudbin ayaa waxaa ka muuqday qaladaad dhowr ah oo ay ugu weyn tahay in muddada xubnahaan loo qabtay inay ku horyimaadan maxkamadda oo dhameyd 30 maalmood la siiyay taariikh ku eg 16/11/2024, taasi oo ka badan muddada ku qoran qoraalka ee 30 maalin ah. Sida muuqata waa qalad ka dhacay garsoorka warqaddan soo saaray, balse arrinta yaabka leh ayaa ah in maxkamadda gobolka ay kasoo baxdo warqad aan la hubin, islamarkaana lagu baahiyo warbaahinta dowladda, ayada oo markale aan la hubin, taasi oo ka dhigan in ay ugu soo baxday “sii daa uun”. Haddaba, maxay tahay baafintan iyo xubnaha ay raadineyso maxkamadda in garsoorka horyimaadan. Xubnaha la baafinayo oo dhan 14 qof ayaa loo haystaa dacwo madani ah oo ay qeyb ka yihiin. Maxkamadda oo soo bandhigtay magacyada xubnaha ay baafinta saartay ayaa waxaa loo haysto dacwad la xiriirta dhaxaltooyo, ayada oo loo qabtay muddo ku siman 30 maalmood. “Maxkamadda gobolka Banaadir ayadoo cuskanaysa qodobada 108,101, xeerka habka madaniga Soomaaliyeed (XHMS) waxay ku wargalinaysaa dadkaan in ay maxkamadda gobolka taallo dacwo madani ah oo ay qeyb ka yihiin, ayna soo gudbiyeen dhaxaltooyada Marxuum Xersi Jaamac Shirwac.” Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Waxaa la idin farayaa in maxkamadda ku hortimaadaan muddo 30 maalin ah. Maxkamadda waxay qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan.” Hoos ka aqriso magacyada xubnaha ay baafinta saartay maxkamadda; 1. Nasro Dayib Ismaaciil 2. Saleebaan Cabdiqaadir Xirsi Jaamac 3. Samsam Cabdiqaadir Xirsi Jaamac 4. Anna Cabdiqaadir Xirsi Jaamac 5. Falis Cali Nuur 6. Cabdimaalik Yaasiin Xersi 7. Cabdiwali Yaasiin Xersi 8. Fartuun Yaasiin Xersi 9. Muno Yaasiin Xersi 10. Marwo Yaasiin Xersi 11. Deeqo Yaasiin Xersi 12. Falis Yaasiin Xersi 13. Sacdiyo Yaasiin Xersi 14. Aniso Yaasiin Xersi The post Maxkamadda G/Banaadir oo ku dhacday qalad yaab leh xilli ay baafineyso 14 qof appeared first on Caasimada Online.
  16. Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Koonfur Kuuriya Yoon Suk Yeol ayaa kala saxeexday heshiis cusub oo ku kacaya $1 bilyan oo doolar. Heshiiska qaab dhismeedka maal-gelinta ayaa bartilmaameedsanaya mashaariicda la fulin doono afarta sanno ee soo socota, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Madaxda ka socotay Itoobiya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale yeeshay wada-hadalo laba geesood ah. Dhinacyada ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo u dhaxeeya guddiga anshaxa federaalka iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa ee Itoobiya iyo guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo xuquuqda madaniga ah ee Jamhuuriyadda Kuuriya. Wafdiga Itoobiya ayaa qeyb ka ah shir madaxeedka Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo Afrika, kaasi oo sannadkan ka dhacaya magaalada Seoul ee caasimada dalkaasi Koonfur Kuuriya. Shirkan ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saari doonaa xidhiidhka soo jireenka ah ee Koonfur Kuuriya iyo dalalka Afrika, gaar ahaan dhinaca iskaashiga oo ay ugu muhiimsan tahay horumarinta ganacsiga. Si kastaba, heshiiskan ku kacaya 1 bilyan dollar ee Koonfur Kuuriya iyo Itoobiya ayaa imanaya xilli ay Itoobiya waajaheyso xaalad dhaqaale xumo, ayna gudaheed ka taagan yihiin xasarado dagaal iyo xaalado bini’aadantinimo oo is-biirsaday. Source
  17. Dalka Badweynta Hindiya ku yaalla ee Maldives ayaa Israa’iiliyiinta ka mamnuuci doona goobtan aadka loogu dalxiiska tago, waxaa sidaas Axadii sheegay xafiiska madaxweynaha, taasi oo “lagu garab is-taagayo Falastiiniyiinta.” Maldives, oo ah jamhuuriyad yar oo Islaami ah oo ka kooba in ka badan 1,000 jasiirado istaraatiji ah, waxay caan ku tahay xeebaheeda quruxda badan. Madaxweyne Mohamed Muizzu “wuxuu go’aansaday inuu mamnuuco baasaboorka Israa’iil,” ayuu afhayeen u hadlay xafiiskiisa ku sheegay bayaan uu soo saaray, isagoo aan faah-faahin ka bixin xilliga sharciga cusub uu dhaqan geli doono. Muizzu ayaa sidoo kale ku dhawaaqay olole lacag uruurin ah oo heer qaran ah oo loogu magac daray “Garab istaagga dadka Maldivian-ka ee Falastiin”. Maldives ayaa horraantii sagaashamaadkii ka qaaday mamnuuciddii hore ee dalxiisayaasha Israa’iil, waxaanay u dhaqaaqday inay dib u soo celiso xiriirka kala dhaxeeya 2010-kii. Hase yeehsee, xiriirka ayaa burburay kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Mohamed Nasheed bishii Febraayo ee 2012. Xisbiyada mucaaradka iyo xulafada dowladda ee Maldives ayaa cadaadis ku saarayay Muizzu inuu mamnuuco Israa’iiliyiinta, si loogu muujiyo in laga soo horjeedo dagaalka Gaza. Xogta rasmiga ah ee dowladda ayaa muujisay in tirada Israa’iiliyiinta ee booqanaya Maldives ay hoos ugu dhacday 528 afartii bilood ee ugu horreysay sanadkan, taasi oo ah hoos u dhac 88 boqolkiiba marka loo eego isla xilligan oo kale sanad ka hor. Isaga oo ka jawaabaya xannibaaddan, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa ku boorriyay muwaadiniinta inay ka fogaadaan u safridda Maldives. “Muwaadiniinta Israa’iil ee sii jooga dalka, waxaa lagula talinayaa inay ka fakaraan inay baxaan, maadaama haddii ay dhibaato ku dhacaan sabab kasta, ay nagu adkaan doonto inaan caawinno,” ayuu yiri afhayeenka. Dagaalka Gaza ayaa billowday kadib markii 7-dii October ay Xamas weerar culus ku qaadeen Israa’iil, kaasi oo lagu dilay 1,189 qof. Xamaz ayaa sidoo kale qafaashay 251 qof oo 37 ka mid ah ay dhinteen, sida ay sheegeen ciidmada Israel. Weeraro aargoosi ah oo tan iyo markaas ay ciidamada Israa’iil ka wadeen Gaza ayaa waxa ay ku dileen 36,439 oo badankood shacab ah. Source
  18. Xisbiga tallada haya ee dalka Mexico ayaa sheegtay in doorashadi Axaddii shalay ka dhacday dalkaasi ay ku guuleysatay murashaxi iyaga matalayay oo ah haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum. Xisbiga MORENA ayaa guushani sheegtay saacado yar kaddib marki lasoo xiray doorashada xalay fiidkii xilliga Mexico, iyaga oo sheegay in Claudia Sheinbaum ay codad aad u badan ku horreyso taasoo waddada u xaareysa in ay noqoto madaxweynihi u horreeyay oo dumar ah oo hogaamiyo Mexico. Ra’yi ururin ay sameysay xarunta Parametria ayaa sidoo kale muujineysa in Sheinbaum ay doorashada ka heli doonto codad dhan 56%. Sida kaso muuqatay codadka ilaa iyo hadda la tiryay, murashaxa xisbiga mucaaridka Soojit Galvez ayaa heshay 30%. Inkasta oo aanan wali la dhameystirin guud ahaan tirinta codadka, haddana Galvez ayaanan qiran in laga guuleystay, iyada oo u sheegay taageerayaasheeda in ay dulqaad yeeshaan ilaa looga dhawaaqayo natiijada rasmiga ah. Source
  19. Seoul (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Koonfur Kuuriya Yoon Suk Yeol ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku kacaya $1 bilyan oo doolar. Heshiiska qaab dhismeedka maal-gelinta ayaa bartilmaameedsanaya mashaariicda la fulin doono afarta sano ee soo socota, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Madaxda ka socotay Itoobiya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale yeeshay wada-hadalo laba geesood ah. Dhinacyada ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo u dhaxeeya guddiga anshaxa federaalka iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa ee Itoobiya iyo guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo xuquuqda madaniga ah ee Jamhuuriyadda Kuuriya. Wafdiga Itoobiya ayaa qeyb ka ah shir madaxeedka Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo Afrika, kaasi oo sanadkan ka dhacaya magaalada Seoul ee caasimada dalkaasi Koonfur Kuuriya. Shirkan ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saari doonaa xiriirka soo jireenka ah ee Koonfur Kuuriya iyo dalalka Afrika, gaar ahaan dhinaca iskaashiga oo ay ugu muhiimsan tahay horumarinta ganacsiga. Si kastaba, heshiiskan ku kacaya 1 bilyan dollar ee Koonfur Kuuriya iyo Itoobiya ayaa imanaya xilli ay Itoobiya wajaheyso xaalad dhaqaale xumo, ayna gudaheed ka taagan yihiin xasarado dagaal iyo xaalado bini’aadantinimo oo is-biirsaday. The post Itoobiya oo dal kale la saxiixatay heshiiskii ugu ballaarna oo ku kacaya 1 bilyan dollar appeared first on Caasimada Online.
  20. Jowhar (HOL) - The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) has provided training to Police criminal investigation officers from Hirshabelle State to help them detect and combat financial crimes and disrupt terrorism financing. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa lagu eedeeyay in ay dantooda shaqsiga ka hor mariyeen midda ummaddeed ee loo soo doortay, ayna noqdeen adeegayaal cid gaar ah. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa labada nin ku eedeeyay inay jeebka u galeen Villada, ayna fulinayaan wixii loo soo yeeriyo iyo rabitaanka gaarka ah madaxweyne Xasan Sheekh. “Guddoonkii labada Aqal ee baarlamaanka ay macnihii ka qaadeen baarlamaanka oo sharaftii ay ka qaadeen oo awooddiisi xil-gudasho, la-xisaabtan, daba-gal iyo kor-joogtayn meeshiiba ka baxeen,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la qiimo tiray labadii Aqal ee baarlamaanka, waxayna guddoonkii jeebka u galeen Madaxtooyadda oo ay ka shaqeeyaan wax aleele iyo wixii ay rabeen, waxaana meeshaasi ku dhintay isla xisaabtankii.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaannada intooda badan ay ka shaqeynayaan danahooda gaarka ah, oo qaarkoodna loo sameeyay ballan-qaadyo u muuqda “afka naga hayso”. “Xildhibaannadii yaa dhamaantood dhihin ee intii u badneyd tooda lee raacdan, haddii ay tahay mid xil lagu sasabay, mid xoolo la siiyay, haddii ay tahay mid dhul hanti-qaran ah lagu laaluushay iyo haddii ay tahay mid la yiri waxaa ku jirtaa liiska doorashada qof iyo cod ee halka deegaan ah.” Dhinaca kale, waxa uu Xildhibaanka carabaabay in dadka reer Muqdisho laga maadsanayo, oo waqtiga looga lumiyay wax macno laheyn oo qabiil u ek inay maanta oo dhan isku haystaan. “Shacabka sidaas u daalan ee u dhibaateysan waxaa meel kasta lala taagan yahay wax la yiraahdo canshuur xadhko goosatay, oo aan la garaneyn jeebka ay ku dhacdo.” Waxa uu intaas sii raaciyay “Dowladda waxay ku dhisan canshuurta muwaadinka laga qaado nooc kasta oo ay tahay laakiin waxaa muwaadinka canshuurta looga qaado in looga adeego, marka waxaa islaheyn xadka canshuurta la qaado iyo adeega wax lagu qabto.” The post Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta Xasan appeared first on Caasimada Online.
  22. Waxa aan jecleystay in aan wax yar ka idhaahdo laba sawir oo ku wareegaayay baraha bulshada maalmahan. 1. Sawirka kowaad waxa lagu sheegay in uu yahay musharaxa Xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Ciro) oo la sawiran Maxamed Siyaad Barre. Waxa la xaqiijiyay in uu sawirkaasi yahay Warsame Cabdullahi Cali Camey (Warsame Indhoole) oo markaasi ku jiray Jaamacada Bologna ee dalka Talyaaniga qiyaastii dabayaaqadii 50-kii ama horaantii 60-kii. Warsame Indhoole waxa uu ahaa Guddoomiye Ururka Iskaashatooyinka Soomaliyeed xilligii Towradii Kacaanka, waxa aanu la dhashay fanaanadii weyneyd ee Khadiija C/llaahi Daleys. Waxa kale oo aan halkan la socda hal sawir oo ah markii uu geeriyooday Warsame Indhoole. Halkaas waxa aad ka garan kartaa farqiga da’da u dhexeysa Musharax Ciro iyo Marxuunka. Musharaxuna hadii aanan qaldaneyn Dugsigii Sare ee Sheekh waxa uu ka baxay 1977. 2. Sawirka labaad waa sawir Maxamed Siyaad Barre oo ku jira shir ay ku wehelinayeen; Ismaaciil Cali Abokor, Cumar Carte Qaalib, Ibrahim Meygaag Samatar, iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Intii dhimatay Alle ha u naxariisto. Maxaa dhib ah ee ku jira ama laga soo saari karaa sawirkaasi? Teeda kale, Inqilaabkii Milatari ee ka dhacay Soomaaliya 21 October, 1969 waxa sameeyay 25 sarkaal oo markii denbe noqday Golehii Sare ee Kacaanka. Sagaal sarkaal (9) oo ka mid ahi waxa ay ka soo jeedeen Somaliland. Waxa kale oo dowladii kacaanka ay ku lahaayeen reer Somaliland mansabyo iyo xilal waaweyn sida madaxweyne ku-xigeenno, wasiiro ‘A’, Safiiro, iwm. Hadaba, Maxamed Siyaad Barre ayaa lala sawirnaa denbi noqon meyso waayo waxa uu ahaa Madaxweynihii Soomaaliya 1969-1991, nidaamkiisii (regime) cid walba way ku jirtay ama ka tirsaneyd. Markaad eegto xaalada dalku maraayo iyo doorashooyinka inagu soo fool leh waxa haboon in la mideeyo shacabka iyo ummada reer Somaliland. Waana laga fiican yahay in dadka marba tagto tagtay lagu soo celiyo, laguna kala qeybiyo wax aan jirin. Mahadsanidiin Kayse Guray Qaran News
  23. Those criticising Hassan’s leadership are not offering a better alternative vision for the country Politicians tend to think short-term, focusing on decisions that are popular or easy. They avoid anything that is controversial or difficult, so goes the observation. A politician who takes a controversial decision does so early in their term of office, hoping to accumulate some political capital by the time elections come round and the political dividends start to pay off. This explains why Hassan Sheikh Mohamud (HsM) wanted to insert an executive presidency clause into the constitution. It reflects his ambition to return to office, free from the constraints of a meddling parliament and “cash-for-motion” scenarios. It is a risky move too: an executive presidency requires a personal brand and HsM has an image problem. Failure to deliver on security and jobs means the executive presidency he designs for himself might well be enjoyed by a successor. At this point, we should be seeing HsM obsessing with policy delivery for his legacy (he is not) and political opponents putting forward alternative visions (they are not). Instead, what we have is a pointless debate about things that do not matter. Most Somalis would like to see a stable government without the fissiparous tendencies of the past. For this reason, what HsM has done could be what the country needs and should be applauded. The criticism that HsM is indulging in his worst instincts, by changing the constitution, is therefore disingenuous and wide of the mark. Which is why the deafening crescendo and the irrelevant scrap about the constitution is pointless. The chorus of disapproval of HsM – “the person” – is reaching the point where it is beginning to drown out the real pertinent questions about his government’s policy and achievements. We are no longer talking about security, economic delivery and stabilisation of the country, but focusing on why HsM is such a dreadful occupant of Villa Somalia intent on building a dynasty. It is one thing to scrutinise HsM’s leadership, quite another to indulge in outright HsM rejectionism. By focusing on the person, rather than the policy, we risk leaving the door open to dangerous self-serving charlatans much worse than HsM. The fateful choice in 2017 is illustrative here, lest we have short memories and forget it again at our peril. Your enemy’s enemy is not your friend Another important point is mistaking HsM – “the president” – for the country’s national interest. Take Puntland leadership’s politics of petulance. It is fine to take issue with the government but not at the expense of becoming the extended arm of Ethiopia and subverting the country’s national interest. By keeping the Ethiopian consulate open, weakening the Somali government’s assertion of sovereignty, the Puntland leadership is actively undermining the country’s national interest from within at the worst possible moment just to make HsM look bad. It is a classic case of Somalis showing to the world, not least to Ethiopia, their unity in disunity and doing incalculable damage to the country in the process. Your enemy’s enemy could be your shared enemy, not your friend – a fact lost on some Somalis. The irony is that those who claim to be the alternatives to HsM and say they have Somalia’s interest at heart, are the first ones to descend into mutual self-loathing, preferring Ethiopian embrace over Somalia’s national interest – as appalling as it is dangerous indeed. It is precisely the purpose for which the “Maamul Goboleed” were designed, if this were ever in doubt, to make the country ungovernable. That is also why linking the government’s work on the constitution to HsM’s perceived plan for a dynasty is dishonest at best. We need to cut HsM some slack for the things he does well. The focus should be on whether he is delivering on security and jobs, not undermining him at every turn for defending the country’s sovereignty or completing a constitution that was, for decades, nothing more than a cashflow project. What is the alternative to life after HsM? HsM has done well to arrest the decline he inherited from his predecessor. However, relying on a predecessor’s deplorable record is not a governing strategy. He has not grasped what he needs to do to shift the dial on a number of critical areas for the country. Start with his government of low expectations which is drifting, pretending it has a purpose. While he has taken some steps to deal with the threat from terrorism, there is no strategic cohesion in execution. He has provided no answers to the difficult economic challenges the country faces and does not see rampant corruption, which is thriving in plain sight, as the cancerous tumour it is. Under his leadership, lofty ideas of economic development hardly translate into real actions. Not a single school, hospital or road has been built and there would be no legacy to speak of by the time his term ends. He has created more ministers and advisers than there are hospital beds in the country. He has squandered a great opportunity to reform the delivery of public services and failed to unleash private investment to create jobs. There is far too much symbolism – from debt relief, membership of economic blocs to attending every forum under the sun – but little substance in translating any of these into concrete economic opportunities. We have a helicopter president who has spent more time in the air than at home. A snail’s view of the world pervades the government’s thinking, perpetuating the belief that Somalia is helpless without external help, thus limiting the government’s ambition to be bold in its policies. It is a government of mediocrities that is content with foreign hand-outs, rather creating opportunities for the country. A hedge against foreign interference and bullying is creating economic dividends that pay for the country’s bills and build military strength, not reliance on foreign handouts. The points above could be added to the long list of issues HsM’s government is failing to address, including Mogadishu which is in a much bigger political, economic and security rut. For someone who came in with prior experience, his first two years have seen huge opportunities squandered. These points matter to the country and should be rich pickings for HsM’s political opponents. However, their current obsession with personality politics is more likely to blindside us to another incompetent, if not power-crazed wannabe dictator. We have been here before in 2017 and cannot risk repeating the same mistake. In that context, the country needs to see a credible alternative and ideological contests based on policies and delivery, rather than a cantankerous debate about HsM and this background noise about the “constitution”. Despite HsM’s failings to deliver on core priorities, we still see no credible better alternative. This is the real tragedy which is not good news for Somalia. Abdi Ali abdirahman.ali3@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. The post Who is a better alternative to Hassan Sheikh Mohamud? appeared first on Caasimada Online.
  24. NAIROBI (Reuters) - Somalia will expel thousands of Ethiopian troops stationed in the country to help with security by the end of the year unless Addis Ababa scraps a disputed port deal with the breakaway region of Somaliland, a senior Somali official said on Monday. Source: Hiiraan Online