-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Dr. Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid ee dalka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay Safaaradda Sucuudiga ayaa Wasirku waxaa uu ugu horayn uga mahadceliyay taageerada dowlada Boqortooyada Sucuudigu ay ku bixiso horumarinta adeega caafimaadka, gaar ahaan bangiga dhiiga iyo xarunta lagu sifeeyo Kilyaha oo ay dad badan ka faaiidaystaan, Sidoo kale, Wasiirka ayaa safiirka ka codsaday in ay Wasaaradda Caafimaadka ay ka taageeraan horumarinta adeegyada caafimaadka dalka. Dhanka kale, Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa ballan-qaaday inay qayb wayn ka qaadan doonaan mashaariicda lagu horumarinaayo adeegga caafimaadka, waxaana uu sheegay inay ka go’antahay in kaalmadda Hay’adda Boqor Salmaan ay miisaaniyad dheeraad ah uga faa’iidayso dadka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Toronto – At least seven peaceful protestors were reportedly killed in Adama – about 100 kilometers southeast of Addis Ababa – on Wednesday as government forces fired live bullets. One of the victims is said to be a pregnant woman, according to local sources. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne Biden oo wacad ku maray in uusan ka hari doonin…
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu baaqi ku sii ahaan doono tartanka doorashada madaxtinimada ee dalkan ka qabsoomi doonta shanta bisha Novmeber ee sannadkaan. Biden ayaa hadalkaasi ka shanqariyay xilli uu gelinkii danbe ee Arbacadi shalay khadka telefoonka ku wacay kooxda hormuudka u ah ololihiisa doorashada. Arrintan ayaa u muuqata mid uu madaxweyne Biden dib ugu xaqiijinayo Dimoqraadiyiinta Aqalka Koongareeska in uu diyaar u yahay dib u doorasho, maalmo yar kaddib marki ay qaar badan oo kamid ah taageerayaasha xisbigiisa ay wal-waleen bandhigiisii dood uu Khamiisti hore la galay madaxweynihi isaga ka horreeyay Donald Trump. Laba xubin oo magacyadooda qariyay oo og wicitaanka uu Biden wacay shalay xubnaha ololoihiisa doorashada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay, in uu u sheegay in uusan ka tanazuleyn tartanka doorashada. Email uu goor danbe oo shalay ah u diray taageerayaashiisa ayuu Biden sidoo kale ku yiri “Qofna ima riixayo, mana ihi qof baxayo. Tartanka waa kusii jiri doonaa ilaa dhamaadka.” Madaweyne Biden wuxuu sidoo kale Arbacadii si toos ah iyo qaabka online-ka ahba ula kulmay ilaa 24 guddoomiye iyo duqa magaalada Washington, D.C. oo dhammaantood dimoqraadi ah, si uu ugu xaqiijiyo in ay ka go’antahay musharaxnimada xisbiga. Saddex ka mid ah guddoomiyaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa taageeray madaxweyne Biden. Hase yeeshee in badan oo kamid ah siyaasiyiinta xisbiga Dimoqraadiga ayaa saluugsan da’da madaxweynaha. The post Madaxweyne Biden oo wacad ku maray in uusan ka hari doonin… appeared first on Caasimada Online. -
Garsoore Maraykan ah ayaa maamulka madaxweyne Biden ka hor istaagay inuu dhaqan geliyo xeer cusub oo ka dhan ah takoorka ku salaysan aqoonsiga jinsiga ee daryeelka caafimaadka, xilli madaxweyne Biden uu caqabado wajahayo. Xeerkan oo la soo gabagabeeyey bishii May ayaa wuxuu furay tabo cusub oo ay Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Mareykanka (HHS) ku shaqayn lahayd, ayadoo lagu waday inuu dhaqan galo Jimcaha soo socda. Garsoore Louis Guirola oo ku sugan gobolka Mississippi, ayaa amarkiisa is hor istaagga ah ku sheegay inaan mamnuucidda aqoonsiga jinsiga ee daryeelka caafimaadka waxba soo kordhinayn, maamulka Biden-na uusan awooddin inuu dhaqan-geliyo. mamnuucida federaaliga ah ee takoorka jinsiga, ayaa qayb ah sharciga daryeelka ee caymiska caafimaadka, garsooreyaasha ka soo horjeeda sharcigan cusub ayaana ku sheegay inuu dadka dakhligoodu yar yahay ku qasbi doono inay iska bixiyaan daawaynta iyo qalliimada jinsiga la xariira. Gobolo badan oo xisbiga Jamhuuriga taageersan ayaa soo saaray sharciyo mamnuucaya arrintan, oo inta badan loo yaqaan daryeelka xaqiijinta jinsiga, ee loogu talagalay da’yarta, Sharcigu wuxuu quseeyaa dadka qaata lacagaha federaalka, oo ay ku jiraan barnaamijyada Medicaid. Source: goobjoog.com
-
Guud ahaan Dalka Britain, waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhaceysa doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay, iyada oo si aada loo saadaalinayo in xisbiga mucaaridka ah ee Shaqaalaha uu guul weyn kasoo hoyn doono. Xisbiga talada haya ee Muxaafidka ayaa Arbacadi shalay qirtay guuldarro ka hor inta aananba la aadin goobaha codbixinta, iyaga oo ka digay in xisbiga Shaqaalaha uu ku guuleysan doono kuraasti ugu badneyd ee baarlamaanka marki ugu horreysay taariikhda Ingiriiska. Keir Starmer oo ah mudane ka tirsan Aqalka Baarlamaanka isla markaana ah hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha ayaa lagu wadaa in uu noqdo ra’isulwasaaraha soo socda ee Britain. Ra’iyi ururinti u danbeeysay ee soo baxday Arbacadi shalay ayaa muujisay in xisibiga Shaqaalaha ee siyaasaddiisu tahay bidix-dhexe uu soo gaba gabeyn doono 14 sannadood oo uu xisbiga Muxaafidka talada hayay. 212 kursi ayaa la filayaa in ay ku guuleystaan mucaaridka, taasi ayaa noqon doonta tiradi ugu ballaarneyd oo uu hal xisbi ka helo doorashada baarlamaanka Biritain abid. Hogaamiyaasha labada xisbi, Starmer ra’isulwasaare Rishi Sunak ayaa shalay qabtay ololihhii ugu danbeeyay ee doorashada, ka hor inta aysan shacabka Ingiriiska maanta u dareerin sanaadiiqda codadka. Source: goobjoog.com
-
Howlgal sifeyn ah oo maanta ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay in ka badan 10 Shabaab iyo horjoogayaal ah oo ka tirsanaa Shabaab, iyadoo tiro intaas ka badan lagu dhaawacay howlgalka. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in howlgalkaan uu sii socon doono. Howlgalka ayaa maanta ka dhacay deegaanka Nuur-Gare oo u dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana gobolkaas ka socda howlgallo ka dhan ah Shabaab ku dhuumaaleysata deegaanada fog-fog ee Sh/Hoose. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa shalay ku guuleystay inay Shabaab ka soo badbaadiyaan ku dhowaad 20 gaari oo madax-furasho u heysteen iyo sidoo kale waxaa jira dhagarqabayaal lagu qabtay howlgalka ka socda Sh/Hoose, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa su’aal geliyay miyir-qabka Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xilli magaalada Muqdisho shalay ka daah furay Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya. Isagoo ka hadlayey qorshaha Itoobiya ku dooneyso inayu ku qaadato dhulka iyo badda Soomaaliya ayuu sheegay in arrintaasi aysan yeeli doonin dadka Soomaaliyeed, ayna dhacday in dadka Gobollada Waqooyi ay ka horjeesteen. “Madax Soomaali ah qaar ka mida ayey ka suuroobeen wax aan la fileyn, waxaana heerkaas na gaarsiiyey inaan 3- sano hoos u soconnay, caqligeenii, hankeenii iyo qabkeenii burburayey…. laakiin haddii ay in khaldantay, qaar kale ayaa miyir qaba,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya. Mar uu si toos ah u soo qaaday Muuse Biixi ayuu sheegay inuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada cirka dowladii Soomaaliya ee Kacaanka, wuxuuna soo qaatay sheeko dhex martay nin diblomaasi ah iyo Muuse Biixi. “Diblomaasi la kulmay Muuse Biixi ayaa ii sheegay inuu mar ay kulmeen muddo saacad barkeed ah ugu faanay dagaalkii 1977, balse markii uu weydiiyay inuu xilligaas khaldanaa oo hadda uu saxsan yahay, ay dhacday inuu aad u xaqaanay Muuse Biixi… markii uu miyir qabo…” Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya wuxuu mar kale caddeeyay inaan marna la aqbali doonin damaca Itoobiya ku dooneyso inay dhul Soomaaliyeed ku qabsato. Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ka difaacdaan dalkooda iyo hantidooda cadow walba oo isku daya in uu qaato, isaga oo xusuusiyey kaalintii ay haldoorka Soomaaliyeed ka soo qaateen difaaca dalka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya. The post Xamza oo su’aal ka keenay miyir-qabka Muuse Biixi appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in maanta ay safar dibadeed u baxaan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Ra’iisul wasaaraha ayaa kusii jeeda magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq, kadib casuumaad uu ka helay madaxda sare ee dalkaasi Carbeed. Xamza waxaa socdaalkan ku wehlin doono xubno kamid ah golihiisa wasiirada iyo qaar kamid ah howlwadeennada xafiiskiisa, ayag oo wada-hadallo lasoo yeelan doono madaxda dowladda Ciraaq. Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadli doono arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga Soomaaliya iyo Ciraaq. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxda labada waddan ay si gaar ah wada-hadalladooda diiradda ugu saari doonaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo halis badan ku haya dalalka Ciraaq iyo Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay safaro ku bixinayay qaar kamid ah waddamada saaxibka la ah Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay booqashadii uu dhowaan ku tegay dalka dariska ah ee Kenya. Waxaa sidoo kale oo uu ubaxay safaro kale oo dibadeed, isaga oo ka qayb-galayay shirar caalami ah oo uu ku metalay dowladda federaalka aha ee Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan diiradda saartay horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, ayada oo door muuqda ku leh fagaareyaasha caalamka, si ay wax ula qaybsato dalalka lamid ah ee dhiggeeda. The post XOG: Ra’iisul wasaare Xamza oo u baxayo safar dibadeed + Dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Mohamed Osman Jawari reminded Somali youths that the task of rebuilding the country and learning lessons from the “failed generation” lies with the Somali youngsters. Mogadishu (Comment) — I met Mohamed Osman Jawari in August 1990 when, as the Minister of Labour and Sports, he came to the former Somali Institute of Development Administration and Management (SIDAM) campus in Shangaani to deliver a speech to Cohort 1 students of the SOMTAD (Somalia Management Training and Development Project) bound for New York State University at Albany to spend the last semester there and write up their dissertations among other projects. SIDAM was affiliated with the Labour Ministry and institutionally linked with the International Labour Organisation (ILO). SOMTAD was a successor project to the California State University Fresno-taught MBA in Mogadishu that began in 1983. In this respect, Somalia blazed the trail in globalising MBA education, thanks to generous investment by USAID. Jawari reminded us of the opportunity given to us to be educated in our homeland up to the postgraduate level free of charge. He was teaching us the value of public service and the obligation to serve the nation that invested so much in us. Candid: A clip of the speech by Jawari to Somali youths several years ago. When he passed away in Mogadishu last week, I stumbled upon a speech by Jawaari. “My generation was given an opportunity and inherited institutions from founding Somali leaders, but we have nothing to bequeath to you. I am sorry,” Jawaari told an audience of Somali youths in Mogadishu several years ago. His candour touched everyone, but it was not a note of despondency. He reminded Somali youths that the task of rebuilding the country and learning lessons from the “failed generation” lies with the Somali youngsters. Jawari was appointed the Speaker of the Somali Parliament twice — in 2012 and in 2016, a remarkable record of service that speaks volumes about his role in state-building initiatives. As the former Somali Federal Finance Minister Abdullahi Sheikh Ali said in a tribute, Jawari “was a leader who was never tempted to join divisive and clannish politics.” Civil war broke out in Mogadishu in December 1990, putting an end to our plan to return from the USA to Somalia. The failure of my generation, highlighted in Jawari’s speech to Somali youths, is a cathartic and transformative message on the human spirit’s ability to overcome what a Somali political scientist described as “civic disembowelment” in reference to the collapse of the Somali state in 1991 and subsequent internecine conflicts. Jawari was lucky enough to have lived through six decades of state-building in Somalia. He was multilingual and had a sound understanding of geopolitics. Somalia lost a devoted son and patriot. “Surely to Allah we belong and to Him we will all return” — Surah Al-Baqarah (2:156). © Puntland Post, 2024 The post Jawari Has Left a Patriotic Legacy for Somali Youths appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - Somalia’s Office of the Auditor General (OAG) has uncovered a staggering case of embezzlement in government work permits and passport services. A forensic audit spanning from March 8, 2018, to April 20, 2023, has revealed a significant gap between the total revenue collected and the amounts deposited into the Treasury Single Account (TSA). Source: Hiiraan Online
-
Wargaadhi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo diray farrin uu ciwaankeedu yahay “SOOMAALIYA WAA AY KA GUULEYSANEYSAA CADOWGA KHAWAARIJTA AH ALLE IDAMKII.” Madaxweynaha oo shalay iyo maanta ku sugnaa deegaanka Wargaadhi ayaa u kuur-galay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulamo kula qaatay odeyaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada iyo hormuudka bulshada deegaanka. Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi, doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin Al-Shabaab. Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa dadka reer Wargaadhi uga warbixiyey sida ay dowladdu u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray Saldhigga Milatari ee laga hirgeliyey deegaanka Wargaadhi, kaas oo aad u weyn una fududeynaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka iyo dhammaystirka howlgalka dalka lagaga xoreynayo kooxaha argagixisada ah. Xasan Sheekh ayaa mar kale Tuutaha u xirtay halganka xoreynta dalka, waxaa socda qorshe dib loogu abaabulayo dagaalka, waxaana dhowaan la qorsheeyey in dhowr jiho ay ciidamadu ka dhaqaaqaan, si loo gaaro goobaha ay Al-Shabaab kala dhuumaaleysanayaan gobollada dhexe ee dalka. Madaxweynaha ayaa dhageystay baahiyaha ay qabaan ciidamada xoogga dalka ee u baxay baacsiga Khawaarijta, wuxuuna saraakiisha siiyey waajibaad dagaal, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah. The post Aqriso: Xasan Sheekh oo farriin culus ka soo diray furimaha dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Farriin qoraal oo uu soo diray Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Joe Biden oo nuqul ka mid ah Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ay soo gaarsiisay Safaaradda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayuu ku muujiyay garab istaaga guulaha Soomaaliya ka gaartay Dowlad-dhiska iyo tahniyadda debbaal degga maalmaha taarriikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed. Mudane Biden waxaa uu ugu horeyn ku bilaabay dhambaalkiisa, ”Mudane Madaxweyne, Anigoo ka wakiil ah shacabka Mareykanka, waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa xuska sanad guuradii 64-aad ee maalinta xoriyadda.” Madaxweynaha Mareykanka waxa uu ku bogaadiyay Soomaaliya horumarka Dowladda Federaalka ka sameysayso Dowlad dhiska. “Anaga oo ah saaxiib weyn, qarankeena waxaa uu si wadajir ah u dhisayaa duni u wanaagsan carruurteenna iyo carruurta caalamka meelkasta oo ay joogaan. Dowladda Mareykanka waxay Soomaaliya ku taageersan tahay sii socoshada dedaalada lagu horumarinayo amniga, laguna dhisaayo kobac dhaqaale oo isku dhafan, horumarinta hanaanka dowliga ah, xuquuqda aadanaha iyo wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo abaaraha,” ayuu yirri Madaxweyne Biden. Madaxweynaha Mareykanka waxa uu tallaabo tusaale cad ah ku tilmaamay doorashada Soomaaliya loo doortay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. “In Soomaaliya dhowaan loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay tusaale u tahay horumarka wadankiinu gaaray iyo kalsoonida caalamku siiyay Soomaaliya,” ayuu yiri. Ugu dambeyn Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in labada dhinac ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka go’an tahay sii wadidda xoojinta calaaqaad labada dal. “ Sanadka soo socda, waxaan rajaynayaa in xiriirkeennu xoogaysan doono, maadaama Soomaaliya qaadan doonto masuuliyadda amniga wadanka, kadib bixitaanka ATMIS. Waxaan idin rajaynayaa farxad iyo in aad nabad ku dabbaal degtaan adinkoo maamuusaya maalinta qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Biden. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Farriin qoraal oo uu soo diray Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Joe Biden oo nuqul ka mid ah Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ay soo gaarsiisay Safaaradda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayuu ku muujiyay garab istaaga guulaha Soomaaliya ka gaartay Dowlad-dhiska iyo tahniyadda debbaal degga maalmaha taarriikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed. Mudane Biden waxaa uu ugu horeyn ku bilaabay dhambaalkiisa, ”Mudane Madaxweyne, Anigoo ka wakiil ah shacabka Mareykanka, waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa xuska sanad guuradii 64-aad ee maalinta xoriyadda.” Madaxweynaha Mareykanka waxa uu ku bogaadiyay Soomaaliya horumarka Dowladda Federaalka ka sameysayso Dowlad dhiska. “Anaga oo ah saaxiib weyn, qarankeena waxaa uu si wadajir ah u dhisayaa duni u wanaagsan carruurteenna iyo carruurta caalamka meelkasta oo ay joogaan. Dowladda Mareykanka waxay Soomaaliya ku taageersan tahay sii socoshada dedaalada lagu horumarinayo amniga, laguna dhisaayo kobac dhaqaale oo isku dhafan, horumarinta hanaanka dowliga ah, xuquuqda aadanaha iyo wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo abaaraha,” ayuu yirri Madaxweyne Biden. Madaxweynaha Mareykanka waxa uu tallaabo tusaale cad ah ku tilmaamay doorashada Soomaaliya loo doortay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. “In Soomaaliya dhowaan loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay tusaale u tahay horumarka wadankiinu gaaray iyo kalsoonida caalamku siiyay Soomaaliya,” ayuu yiri. Ugu dambeyn Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in labada dhinac ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka go’an tahay sii wadidda xoojinta calaaqaad labada dal. “ Sanadka soo socda, waxaan rajaynayaa in xiriirkeennu xoogaysan doono, maadaama Soomaaliya qaadan doonto masuuliyadda amniga wadanka, kadib bixitaanka ATMIS. Waxaan idin rajaynayaa farxad iyo in aad nabad ku dabbaal degtaan adinkoo maamuusaya maalinta qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Biden. The post Madaxweyne Joe Biden oo dhambaal culus u soo diray DF iyo shacabka Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
-
Bariire (Caasimada Online) – Howlgal lagu dilay maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay gobolka Sh/Hoose, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya. Afhayeenka wasaaradda gaashanadhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in la dilay 10 xubnood oo Shabaab ah, iyadoo howlgalkaas lagu dhaawacay tiro kale. Howlgalka oo ahaa sifeyn ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay maanta ka fuliyeen deegaanka Nuur-Gare oo u dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose. “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dardargaliyay howlagalada isdaba-jooga ah ee dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada ku hayay shacabka ku nool gobolka Sh/Hoose iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri Sheekh Abuukar Afhayeenka Militeriga Soomaaliya oo ku sugan deegaanadii uu maanta howlgalku ka dhacay. Howlgalkaan ayaa soo bilowday shalay subax sida uu sheegay Sheekh Abuukar, waxaana kooxda looga sifeeyey dhul baaxadiisu ku dhowdahay 100 KM, kooxda Al-Shabaab ayaa isaga firxatay deegaanadii ay ciidamadu cagta mariyeen. Afhayeenka oo xalay shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Doonka ee Sh/Hoose ayaa yiri, “Saakay waxaan ka dhaqaaqnay degmada Afgooye, sidoo kale ciidan kale ayaa ka soo dhaqaaqay Walaweyn, waxaan howlgalka ugu culus ka fulinay deegaanka Waraaboole, gaadiid 20 gaaraya oo Khawaarijtu ay baad ka rabeen ayaan ka sii deynay halkaas.” Afhayeenka ayaa sheegay in 300 oo doolar oo baad ah ay Shabaab ka rabeen gaadiidkaas, isla markaana ay halkaas ku xayirnaayeen maalmo badan, balse xogta ay heleen ciidamada qaranka ayaa fududeysay in gaadiidkaas lagu soo furto howlgalkaan. “Howlgaladii maanta waxaa lagu qabtay dhagarqabayaal la tuhunsanaa inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, waxaana loo gudbinayaa cadaaladda, caawa waxaan joognaa deegaanka Doonka oo Khawaarijtu ay baad uga qaada jirtay dadka shacabka ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Abuukar oo shir jaraa’id qabtay xalay. The post Ciidamada DF oo maanta fuliyey howlgal Shabaab looga dilay dagaalyahano badan appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaq-dhaqaaqyo xooggan ka wada furinta hore ee dagaalka, kadib markii uu shalay gaaray deegaanka Wargaadhi ee Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha oo u kuur-galaya xaaladda ciidamada qalabka sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa deegaankaas kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka. Mudane Xasan ayaa kala hadlay odayaasha Wargaadhi doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin kooxda Al-Shabaab, isaggoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray saldhigga milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo u fududeynaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka. Saldhigan ayaa waxa kale oo muhiim aad u yahay dhammaystirka howl-galka dalka lagaga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, kaasi uu hadda dardar-gelinayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Dhawaan ayaa filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo wejiga labaad ee dagaalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid, kaasi oo kooxda siisay nafis ay dib isugu soo abaabuli karaan, ayaga oo weeraro rogaal celin ku qaaday deegaano horey looga qabsaday. Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa markii uu bilowday laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayada oo ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay dagaal adag la galeen kooxda, iyaga oo ka xoreeyay deegaan iyo degmooyin muhiim ah. Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa in kooxda looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda weli ku xoogan tahay. The post Xogta dhaq-dhaqaaqyo uu madaxweyne Xasan ka bilaabay furinta + Sawirro appeared first on Caasimada Online.