-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta si cad u sheegay in dowladdiisu aysan su’aal galinaynin midnimada Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Abiy oo khudbad u jeediyay Baarlamanka Itoobiya ayaa caddeeyay aysan diyaar u ahayn kala goynta Soomaaliya islamarkaana marna su’aal gelinayn midnimadeeda. Abiy Ahmed ayaa heshiiskii badda ee uu Somaliland la galay ku macneeyay mid salka ku hayay codsi ay ku doonayaan in si sharci ah loogu ogolaado helitaanka marin badeed oo keliya. “Codsigan gaarista marin badeedka waxa aan u gudbinay dhammaan dalalka deriska nala ah, mana helin wax jawaab ah. Waan tuugtannay waana dalbanay. Taas macnaheeda ma ahan in aan shaki gelinayno midnimada Soomaaliya” ayuu yiri Abiy Axmed. Dhinaca kale Ra’iisul wasaare Abiy ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay helida marin badeed waxaana uu tilmaamay in ay jid kasta u marayaan arrintaasi. PUNTLAND POST The post Abiy Ahmed: Dowladda Itoobiya marnaba su’aal gelinmayso midnimada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo xiray Shirka Madasha Barnaamijka Xasilinta & Soo kabashada oo diiradda lagu saarayay deegaannada laga saaray kooxda. Shirkan oo Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb ka socday labadii maalin ee lasoo dhaafay ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-U heshiinta Dowladda Galmudug, ayuu madaxweynuhu kaga mahadceliyay taabba gelinta shirkan. Madaxweynaha ayaa si kooban u qiray horumarka iyo howlaha hortabinta leh ee ka socda dhammaan deegaannada la xasiliyay ee kol hore laga xoreeyay cadawga Khawaatijta ah, isagoo sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu xoreynayo deegaanada Galmudug dib loo bilaabayo. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xubnaha Beesha Caalamka inay sare u qaadaan Kaalmada Barnaamijka horumarinta iyo Xasilinta Galmudug, asagoona uga mahadceliyay dhammaan howlaha laga hirgaliyay Galmudug. Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa shirar doceedyo la yeeshay Saraakiil ka socotay Safaaradda UK iyo USAID. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in miisaaniyadda dalka ay sanadaha dhow 50 boqolkiiba ka timaado kalluumeysiga, waxaaa sidaas sheegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Xamza ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho, oo uu ku daah-furay “Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed “ka faa’iideysan lahaayeen kheyraadka ceegaaga” badda Soomaaliya. Waxa uu yiri, in xukuumadda ay qorsheynayso in sanadaha dhow 50% miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga, taas oo haddii xoogga la saaro ka faa’iideysigeeda, buu yiri, wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha dalka. Xamza ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgelin ku sameeyaan kalluumeysiga dalka, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha ka jira suuqyada caalamiga ah ee adduunka, islamarkaana ay dowladdu “xoogga saari doonto sidii loo dhisi lahaa kaabayaashii muhiimka ahaa ee dalka, gaar ahaan dekedo iyo waddooyin isku xira” xeebaha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in xukuumadda ay ka shaqayso sidii loo heli lahaa Tamarta awood leh oo qiimo jaban, si maalgashigu u fududaado, dadka maalgashiga sameynayana u helaan koronto jaban. Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu “in ay ka difaacdaan dalkooda iyo hantidooda cadow walba oo isku daya in uu qaato, isaga oo xusuusiyey kaalintii ay haldoorka Soomaaliyeed ka soo qaateen difaaca dalka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.” The post DF oo qorsheynaysa miisaaniyad 50% ka timaada hal dhinac appeared first on Caasimada Online.
-
Guutooyinka hubaysan ee Xamaas, ayaa warsaxaafadeed ay baahiyeen waxay ku soo bandhigeen weerarro iyo dagaallo ay ciidanka Israa’iil kula galeen Qasa , gaar ahaan xaafadda Shujaciya. Waxay sheegeen in weerarradooda ku dhisnaa howlgallo gaadmo ah in ay ku dileen saraakiil iyo askar, iyadoo ugu yaraan saddex sarkaal iyo tiro askar ah ay qirteen ciidanka Israa’iil in looga dilay dagaalka ka dhacay Shujaciya 24 saac ee la soo dhaafay. Warsaxaafadeedka ayaa inta ku daray inay dhowr taangi la beegsadeen qaraxyo, ayna ku arkeen diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ciidanka Israa’iil ka qaadaya aagga ku dhow Shujaciya, mid ka mid ah diyaaradahaa ayay sheegeen inay la beegsadeen gantaal, balse lama sheegin haddii khasaare uu ka dhashay. Waxyar kaddib markii uu soo baxay warsaxaafadeedka Xamaas, warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay inay dhacdo halis ah ciidanka Israa’iil kala kulmeen waqooyiga Qasa. PUNTLAND POST The post Xamaas oo soo bandhigay weeraro ay la beegsadeen ciidamada Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo hadal ka jeediyay Aqalka Wakiillada ee baarlamanka Itoobiya ayaa ku adkeystay damaca helitaan bad. Abiy ayaa markale ku celiyay in aan meesha laga saari karin damaca Itoobiya ee ah in hesho marin-badeed, isaggoo tilmaamay inay muhiim u tahay inuu dalkiisa galaan-gal u yeesho badda. Waxa uu xusay in fursadaas ay bixisay Somaliland, oo horraantii sanadkaan uu Addis Ababa kula saxiixday heshiis u gacan galinay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, kaasi oo ay si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Abiy ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in tallaabooyinkii u dambeeyay ee Soomaaliya ku diidan tahay heshiiskan looga maarsami waayey in wada-hadal lala yeesho Itoobiyaanka. “Dowladda Soomaaliya waxay tamar badan ku bixisay joojinta is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya, balse laga maarmi waayay in madaxda Itoobiya ay wada-hadal la yeeshaan,” ayuu yiri Abiy Axmed. Abiy ayaa iska fogeeyay inuu xoog wax ku raadinayo, isaggoo sheegay in Soomaaliya iyo dalalka deriska aysan cadow ku aheyn ee ay gaashaan u yihiin, ayna rabaan wada noolaansho walaaltinimo, sida uu hadalka u dhigay. “Eritrea, Djibouti, Kenya, Sudan iyo Soomaaliya waa walaalaheen, mana rabno xanuun. Waxaan rabnaa inaan nabad ku noolaanno – dalkani waa dal weyn oo leh ciidan badad iyo dad badan. Itoobiyana waxay lamid tahay walaalka weyn oo gaashaan u ah dhammaan dalalkan oo dhan oo jiri doona waqtiyada ay u baahan yihiin, ee ma aha cudud bur-burin.” Sidoo kale waxa uu ku dooday in Itoobiyaanka ay ka shaqeynayaan nabadeynta Soomaaliya, oo aysan ku howlaneyn taas bedelkeed, “Itoobiya ma rabto kala tega Soomaaliya; uma hurteen caruurteedii hadday taas rabto.” Ugu dambeyntiina wuxuu ku dheeraaday wax ugu yeeray “xaq u lahaanshaha Itoobiya inay gasho badda”, isaggoo xusay inay Itoobiya diyaar u tahay in middaasi si nabad ah oo wada-hadal ah wax looga qabto. Maalmo kahor ayay aheyd markii ay natiijo la’aan kusoo dhamaadeen wada-hadallo dalka Turkiga ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la sugayaa tallaabada xigta ee Itoobiya ay qaadayso ee ku aaddan is-afgaradka Somaliland ay la gashay. The post Abiy oo ku adkeystay helitaanka bad iyo arrin cusub oo uu shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ku qabsoomay xarunta guddoonka Iyo guddiyada ee Villa Hargeysa. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa ugu horeyn xubnaha Guddiga Joogtada u faahfaahiyay safaro mudadii uu goluhu xirnaa ku tagay dalka Turkiga halkaas oo uga qeyb galay shir caalami ah oo arrimaha Falastiin looga hadlayay isaga oo sheegay in shirkaasi Soomaaliya ay ka cadeysay mowqifkeeda ku aadan qadiyada Falastiin. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa faahfaahin ka bixiyay safar isaga Iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti halkaasi oo uu kulamo mira dhal ah kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti iyo madaxda kale ee wadankaasi. Dhinaca kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya halkaas oo uu uga qeyb galay kulankii 17-Aad ee guddoomiyaaasha baarlamaanada wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC),. Shirkaas oo looga hadlayay xalinta caqabdaha hortaagan horumarinta ajendayaasha ururka, waxaana Guddoomiyaha uu shirkaasi ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay muhiimadda Soomaaliya ay u leedahay ku biirista ururka gaar ahaan kaalinta kaga aadan Baarlamaanka Soomaaliya. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa sheegay in laga maarmaan ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xulo xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC). Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday furitaanka kalfadhiga shanaad ka dib ajendayaasha horutabinta u leh fadhiyada guud ee Golaha Shacabka, waxaana Guddoomiyaha oo kulanka soo xiray uu kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada ah in ay xooga saaraan howlaha baaxada leh ee Golaha horyaala kalfadhiga shanaad si looga shaqeeyo shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo fog ayaa la hadal hayay in hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) u bareeri doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu qaadi doono jid is-doorasho. Kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii May ee sanadkan ayaa lagu gaari waayay wax qorshe doorasho ah. Madaxda maamullada qaar waxaa laga soo xigtay inay la yaabeen fur-cadi la’aanta Xasan Sheekh, taasina ay keeni karto inuu qof waliba tashado. Madaxweyne Xasan Sheekh waa jiheyn waayey maamullada, waxaana loo badinayaa in uusan markii horeba laheyn wax siyaasad ah oo gaar ah oo maamullada ku saabsan, damiciisa ugu weyna uu ahaa inuu isagu kursi helo. Axmed Madoobe wuxuu Talaadaddii laalay qodobkii 70-aad ee dastuurka maamulka, kaas oo xadidaayay inta jeer ee hal qof loo dooran karo hoggaanka maamulka Jubbaland. Laba jeer ayuu markii hore ahaa qodobku, haddii sidaas loo raacana Axmed Madoobe markale ma noqon karo madaxweynaha maamulka Jubbaland. Golaha Wakiilada maamulka Jubbaland ee waqtigu ka dhamaaday ayaa muddo xileedka maamulka ka dhigay shan sano, halka uu markii hore ka ahaa afar sano, halka ay laaleen gebi ahaanba qodobkii xadidaayay inta jeer ee hal qof loo dooran karo hoggaanka maamulka Jubbaland, waxaana laga dhigay mid aan xadidneyn. Waa baarlamaan aan sharciyad haysan oo sharciyad bixinaaya. Tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dastuurka dalka ayaa noqday mid ay cid walba ku tumato, haddii uu yahay midka heerka federaal iyo midka maamullada, madaxweyne Xasan waxa uu lumiyay jiheyntii siyaasadda gudaha dalka. Tallaabada uu Axmed Madoobe ku beddelay dastuurka Jubbaland waxaa ku xiga dhismaha guddiga doorashada ee Jubbaland, sida ay illo wareedyo muhiim ah noo xaqiijiyeen. Guddigan ayaa la filayaa dhismihiisa inta lagu jiro bishan July, kadibna qorshaha Axmed Madoobe waa inuu qabsadaa doorasho uu kusoo laabanayo bartamaha bisha soo aadan ee August. Bartimihii bishii May ee sanadkaan waxaan baahinay inuu madaxweyne Xasan Sheekh lixda billood ee soo aadan uu geli doono jahwareer siyaasadeed, maamulladuna ay isku tashi aadi doonaan, isna uu saaxiibo badan lumin doono, beesha caalamkuna ay jahwareer kala kulmi doonto arrimaha Soomaaliya, xalkuna uu ugu dambeyn noqon doono in madaxweyne Xasan Sheekh lagu qasbo inuu waaqica usoo laabto. Jihada uu maanta Axmed Madoobe u dhaqaaqay ayaa dareen galineysa maamullada kale ee dalka. Waxaana la aaminsan yahay inuu Lafta-gareen noqon doono qofka labaad ee ku dhaqaaqa isku tashi doorasho. The post A/Madoobe oo qaaday jid xasaasi ah iyo arrin culus oo ka dhalaneysa go’aanka Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo hadal ka jeediyay xarunta Baarlamaanka dalkaasi ayaa mar kale ka hadlay damaca Itoobiya ee ah in ay hesho marin badeed. Ra’iisul wasaare Abiy ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Tamar badan ku bixisay joojinta isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya balse laga maarmi waayay in madaxda Itoobiya ay wadahadal la yeeshaan Soomaaliya. “Dowladda Soomaaliya haddii ay walaac naga qabto waxaa ku filnayd hal duullimaad iyo hal kulan, laakiin waxa ay dooratay in ay meelo badan naga dacwayso” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Dhinaca kale wuxuu sheegay in ay waqti dheer Itoobiya galisay sidii ay marin biyood ku heli lahayd, wuxuuna ku celiyey in ay qasab tahay in dalkiisa uu helo marin biyood ku yaalla Badda Cas. Somaliland ayuu sheegay in ay noqotay cida u horeysa ee kasoo jawaabtay dalabkooda oo ay sidaas ula galeen Is Afgaradkii u dambeeyey ee sababay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya. Ra’iisul wasaare Abiy ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay helida Badda, isagoo tilmaamay in ay jid kasta u marayaan, horey ayuu tilmaamay in ay abaal badan ugu leeyihiin dowladda Soomaaliya, gaar ahaana wuxuu sheegay in ay dhiiga u hureen mudo badan. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo mar kale ka hadlay damaca Itoobiya ee helidda marin badeed appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay Gaari Nooha ah oo ay saarneyd Khamri dhan 487 dhalo ah, ayadoo Ragi watayna la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxayna ciidanku nabad-galyadu Ballan qaadeen inay sii wadi doonaan hawl-galada lagu sugayo amniga. Goobta lagu soo bandhigay khamriga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku xigeenka qaybta booliiska gobalka Mudug Gaashaanle Dhexe Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) iyo Sarakiil kale oo ka tirsan qeybta Gobolka. Booliska ayaa dadweynaha ugu baaqay inay la soo wadaagaan haddii ay arkaan falal nabad-galyada iyo Anshaxa ka dhan, islamarkaana ay degdeg ula xariiraan tirsiyada isgaarsiineed ee laamaha nabad-galyada. Khamriga ayaa kamid ah maandooriyaasha ugu halista badan ee soohdimaha isaga gudba, islamarkaana Soomaaliya sida sharci darrada ah loo soo geliyo, ayadoo si qarsoodi ah looga ganacsado, nolosha bulshada iyo nabad-galyada guudna uu halis ku yahay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada dib uga soo cusboonaaday qaybo badan oo kamid ah deegaanada maamulka Galmudug. Ugu horreyn Jeneraal Indha-Cadde ayaa wax laga xumaado ku tilaamay dhiigga walaalaha ee ku daadanayo gobollada dhexe ee dalka, isaga oo ugu baaqay in dhinacyada dagaalamaya ay ka cabsadaan Alle SWT. Sidoo kale wuxuu beelaha is diriraya ka dalbaday inay xabadda joojiyaan oo wax kasta ay ku dhameeyaan miiska wada-hadalka, si looga hortago inay sii fogaato colaaddaasi. “Waxaan ugu baaqeynaa dadka walaalaha ah inay iska daayaan dhiigga daadanayo waa arrin dhib badan waa arrin xun aayaha iyo nolosha mid adduun iyo mid aakhiro ku xun, sidaas aawgeed waxaan leenahay Ilaahey ka baqa” ayuu yiri Jeneraal Indha-Cadde. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kitaabka Ilaahey ku dhaqma qofkii qof dila sharciga hala horgeeyo waxa uu ka helo ha qaato oo dariiqaas hala maro”. Dhinaca kale waxa uu farriin culus u diray hoggaanka Galmudug, isaga oo ugu baaqay inay farogeliyaan dagaalladan kusii baahaya deegaanada maamulkaasi, si aysan xaaladda usii adkaan, wax kastana aysan fara uga bixin. “Galmudug waxaan leeyahay in meel ay nabad noqoto, meelna dab ka shidmo way adag tahay, waxaad la socotaan inta meel uu dagaalka ka socdo Galmudug, waxaan ugu baaqeynaa dadka dagaalamaya inay dagaalladaasi joojiyaan waxba kama faa’iidayaan” ayuu mar kale yiri Indha Cadde. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay socdaan dadaallo nabadeed oo ay iska kaashanayaan madaxda sare ee maamulka Galmudug iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo lagu doonayo in nabad lagu kala dhex dhigo maleeshiyaadka dagaalamayola oo haatan lagu guuleystay in la kala dhex dhigo ciidamo, si aysan mar kale ugu dagaalameen gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka. The post Jeneraal Indha-Cadde oo war culus kasoo saaray dagaallada ka socda GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq, waxaana garoonka Aadan Cadde kasii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. Sda aan horay idin-kula wadaagnay xogta safarkan wuxuu ra’iisul wasaaruhu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda sare ee Ciraaq oo ku marti qaaday dalkaasi, si ay u wada-hadlaan. Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza ayaa lagu sheegay in Xamza oo uu la kulmi dooni dhiggiisa dalka Ciraaq Maxamed Shiyaac Al-Suudaani oo ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo adkeynta iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Ciraaq, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo lasii raaciyay qoraalka “Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Baghdad waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan”. Sidoo kale madaxda labada waddan waxa ay si gaar ah wada-hadalladooda diiradda ugu saari doonaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo halis badan ku haya dalalka Ciraaq iyo Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay safaro ku bixinayay qaar kamid ah waddamada saaxibka la ah Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay booqashadii uu dhowaan ku tegay dalka dariska ah ee Kenya. Waxaa sidoo kale oo uu ubaxay safaro kale oo dibadeed, isaga oo ka qayb-galayay shirar caalami ah oo uu ku metalay dowladda federaalka aha ee Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan diiradda saartay horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, ayada oo door muuqda ku leh fagaareyaasha caalamka, si ay wax ula qaybsato dalalka lamid ah ee dhiggeeda. The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u dhoofay Ciraaq + Qorshaha appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay soo bandhigayso taargooyinka gawaarida oo cusub iyo ruqsadda wadidda gaadiidka (Leysinka) oo isna cusub, kana duwan kuwa haatan la bixiyo. Arrintaas waxaa BBC u xaqiijiyey agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Bashiir Macallin Cali Xasan. Wuxuu sheegay in wasaaraddu doonayso inay casriyeyso adeegyada xagga gaadiidka. “Waxaan rabnaa in aan samayno taargo cusub oo noocyada kala duwan ee gaadiidka ay qaadan doonaan sida gaadiidka shacabka, kuwa ciidanka, kuwa safaaradaha, ambalasyada, mootooyinka, iyo bajaajyada, sidaa darteed waxaan rabnaa taargo cusub oo casri ah oo QR code leh oo kii gobolka leh, oo arrimihii amniga sugayey leh, calaamaddii dawladda dhexe iyo tii maamul goboleedkana ay saaran yihiin.” Ujeeddada ugu weyn ee ay dawladdu ka leedahay in ay beddesho taargada hadda la isticmaalo ayuu sheegay agaasimaha guud ee inay tahay sababo la xiriira “ka hortagga argagixisada”. “Argagixisadu waxay aad u isticmaalaan gaadiidka oo ay qaraxyada u adeegsadaan. Haddii uu nidaamkaan casriga ah hirgalo wuxuu meesha ka saarayaa gaadiidka qaraxyada loo adeegsado, waayo haddii xogta milkiilaha la hayo, taargada aan been abuur lagu samayn karin, waxay taas suurto galinaysaa in laga hor tago we erarrada argagixiso iyo falal dambiyeedyada, waxaana sahlanaanaysa in la suurto galiyo ka daba tagga dambiyada marista waddooyinka iyo fulinta ganaaxyada gaadiidka,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray taargada cusub ay tahay mid “habeenkii iftiimaysa marka gaariga meel la dhigo.” Waxyaabaha kale ee cusub ee wasaaraddu ay soo rogtay waxaa ka mid ah in la beddeli doono “buugga gaariga” laguna beddeli doono hanaan kombiyuutar ku shaqyanaya oo lahaanshaha gaariga iyo xogta ruuxa leh la isku xirayo, kaasoo afka qalaad lagu yiraahdo “Vehicle identification card VIC”. “Xogta gaariga iyo tan qofka milkiilaha oo la isku daray laf lagu daabacay ayaa la yiraahdaa VIC, waana mid mishiinku akhrin karo,” ayuu sii raaciyey bashiir Macallin Cali. Mar u ka hadlayey dhinaca khibradda ay u leeyihiin fulinta hawshan ayuu sheegay in dhallinyaro gudaha dalka wax ku bartay oo ay aqoontooda aad u dhiseen ay jiraan, ayadoo kuwii ugu damaabeeyey ay ahaayeen “23 shaqaale oo aan shiinaha u dirnay oo si fiican loo soo tababaray.” “shaqaale ku filan hawshan oo dhinac kasta ah waan u haysannaa. Sidoo kale qalab casri ah ayaan ugu tala galnay in aan shaqadan ku fulinno,” ayuu sii raaciyey. Qorshahan oo dhawaan dhaqan gali doona sida uu mas’uulkaas sheegay ayaa waxaa kaloo ka mid ah Leysinka gawaarida lagu kaxeeyo ayuu sheegay inuu noqonayo mid nidaamka caalamiga ah waafaqsan. “Waxaan doonaynaa in leysinkeennu noqdo mid dunida ka shaqeeya, shuruudihiisana ay adag yihiin, ayadoo qofka darawalka ah la marinayo imtixaan ay tahay inuu ka soo gudbo, waxaanan rabnaa in leysankeennu la tartamo kuwa dalalka caalamka ee horumaray”. Wuxuu kaloo sheegay Bashiir Macallin in ay isku xiri doonaan kaarka aqoonsiga qofka iyo leysinka kaxaynta gaadiidka. Wuxuu sheegay in leysinkaas, meel kasta oo qofku u tago, ay suurtogal tahay in la ogaado taariikhdiisa iyo xogtiisa. Taargada gaadiidka ee hadda la isticmaalo ayaa ah mid muujinaysa lambarka gaariga oo kaliya, oo aan ahayn mid digital ah. Barnaamijkan ayaa sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada waxa uu dhaqan gali doonaa bisha Siteembar ee sannadkan. The post Waa maxay taargada iyo leysinka cusub ee dawladda Somalia ay soo bandhigayso appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Ciraaq. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Baghdad waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi. Waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalkaasi Jamhuuriyadda Ciraaq. Qoraal uu soo saaray Xafiiska Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Baghdad waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi” ayaa lagu yiri Qoraalka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Qoraalka ayaa sidoo kale intaasi raaciyay in Kulamada labada dhinac looga wada-hadli doono xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan. “Waxay wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan” ayuu sii raaciyay Qoraalkaasi. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo safar rasmi ah ugu baxay dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha guutada 9-aad Gaashanle Yuunis aadan Xasan uu wehliyo Abaandulaha guutada 9-aad Kabtaan Cilmi Aadan Isxaaq ayaa manta kulan deg deg ah oo ku saabsan dardar-gelinta howlaha hortabinta u leh Ciidamada uu la qaatay dhammaan Saraakiisha iyo Saraakiil Kuxigeenada guutada 9-aad. Kulanka uu Taliyaha guutada uu Saraakiisha la qaatay ayaa warbixino laga dhegeystay taliye ururada guutada 9-aad waxaana uu sarkaal kasta la faray In uu waajibka qaran uu ka soo baxo. Sidoo kale Inta Kulanka socday ayaa waxay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed baaq u direen dadka shacabka ah oo xilliyada munaasabka ahayn xeriyaha wareega inay ka fooojignaadaan. Guutadan ayaa ka howlgala deegaanada koofur galbeed gaar ahaan gobolka Bakool, waxayna ku jiraan howllo ka dhan ah kooxda Alshabaab, ayadoo lagu wado inuu dhowaan billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxdaas. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowladda Turkiye, Raceb Tayyip Erdogan ayaa u sheegay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, in Ankara ay diyaar u tahay in ay kaalin ka qaadato dhameynta colaadda Ruushka iyo Ukraine. Hase ahaatee dalabka Erdogan ayaa waxaa ku gacan-seyray Ruushka, kaddib marki afhayeen u hadlay Putin uu sheegay in Erdogan uusan dowr dhex-dhexaadineed ka ciyaari karin soo afjaridda dagaalka 28-ka bil socda. Erdogan oo la hadlayay Putin mar ay ka wada qeybgaleyeen shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Shangahai ee (SCO) ee ka socda Kazakhstan, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in nabadeyn caddaalad ah oo ku habboon labada dhinac la sameyn karo. Laakin afhayeenka Putin, Dmitry Peskov, ayaa arrintaasi meesha ka saaray. Mar uu la hadlayay TV laga leeyahay Ruushka, ayuu sarkaalkan ku gaabsaday “Maya’ suurtaga ma ahan. Ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku aaddan sababta Ruushka uu ku diidayo in Turkiga uu dhex dhexaadiyo labada dhinac waa Kyiv iyo Mosco. Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in isaga iyo Putin ay ka wada hadleen dagaalka Gaza iyo sida ugu habboon ee loo soo gaba gabeyn karo colaadda Siiriya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Turkiga oo raba in uu dhex-dhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
Qatar iyo Masar, ayaa markii u horreysay bilooyin kaddib sheegay inay si ‘niyadsan’ u filayaan heshiis xabbad-joojin ah oo laga gaaro Qasa. Xamaas ayaa xaqiijisay inay jiraan soo jeedin macqul ah oo ka imaan karta dhexdhexaadiyaasha , halka Israa’iil ay sheegeen inay dib u eegis ku wado Mossad , soo jeedinta la soo bandhigay. Hadda labada dhinac Xamaas iyo Israa’iil, waxay sheegayaan inuu jiro rabitaan ah in heshiis la gaaro, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in wali ay jiraan caqabado waaweyn, sida ay ku warrantay Al-jazeera. Waxa is beddelay ayaa ah in laga yaabo in Israa’iiliyiinta laftoodu ay raadinayaan in ay miiska yimaadaan sababtoo ah dadweynaha Israa’iil ayaa aad uga caraysan maamulka Netanyahu. PUNTLAND POST The post Raja laga muujiyay in ay xabbad joojin hirgeliyaan Israa’iil iyo Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.
-
Dalka Britain, waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhaceysa doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay, iyada oo si aada loo saadaalinayo in xisbiga mucaaridka ah ee Shaqaalaha uu guul weyn kasoo hoyn doono. Xisbiga tallada haya ee Muxaafidka ayaa Arbacadi shalay qirtay guuldarro ka hor inta aananba la aadin goobaha codbixinta, iyaga oo ka digay in xisbiga Shaqaalaha uu ku guuleysan doono kuraasti ugu badneyd ee baarlamaanka marki ugu horreysay taariikhda Ingiriiska. Keir Starmer oo ah mudane ka tirsan Aqalka Baarlamaanka isla markaana ah hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha ayaa lagu wadaa in uu noqdo ra’isulwasaaraha soo socda ee Britain. Ra’iyi ururinti u danbeeysay ee soo baxday Arbacadi shalay ayaa muujisay in xisibiga Shaqaalaha ee siyaasaddiisu tahay bidix-dhexe uu soo gaba gabeyn doono 14 sannadood oo uu xisbiga Muxaafidka talada hayay. 212 kursi ayaa la filayaa in ay ku guuleystaan mucaaridka, taasi ayaa noqon doonta tiradi ugu ballaarneyd oo uu hal xisbi ka helo doorashada baarlamaanka Biritain abid. Hogaamiyaasha labada xisbi, Starmer ra’isulwasaare Rishi Sunak ayaa shalay qabtay ololihhii ugu danbeeyay ee doorashada, ka hor inta aysan shacabka Ingiriiska maanta u dareerin sanaadiiqda codadka. Haddii laga badiyo, Sunak ayaa soo gaba gabeyn doona 20 bilood oo uu xakumayay Ingiriiska, kaddib marki uu jagada xafiiska ra’isulwasaaraha ku yimid xulashada mudanayaasha baarlamaanka ee xisbiga Muxaafidka. Source
-
Erdogan oo doonaya inuu dhex-dhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Dowladda Turkiye, Raceb Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii shalay u sheegay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, in Ankara ay diyaar u tahay in ay kaalin ka qaadato dhameynta colaadda Ruushka iyo Ukraine. Hase ahaatee dalabka Erdogan ayaa waxaa ku gacan-seydhay Ruushka, kaddib markii afhayeen u hadlay Putin uu sheegay in Erdogan aanu door dhex-dhexaadineed ka ciyaari karin soo afjaridda dagaalka socda. Erdogan oo la hadlayay Putin mar ay ka wada qeybgaleyeen shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Shangahai ee (SCO) ee ka socda Kazakhstan, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in nabadeyn caddaalad ah oo ku habboon labada dhinac la sameyn karo. Laakin afhayeenka Putin, Dmitry Peskov, ayaa arrintaasi meesha ka saaray. Mar uu la hadlayay TV laga leeyahay Ruushka, ayuu sarkaalkan ku gaabsaday “Maya’ suurtaga ma ahan. Ma bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta Ruushka uu ku diidayo in Turkiga uu dhex dhexaadiyo labada dhinac waa Kyiv iyo Mosco. Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in isaga iyo Putin ay ka wada hadleen dagaalka Gaza iyo sida ugu habboon ee loo soo gaba gabeyn karo colaadda Siiriya. Source -
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu baaqi ku sii ahaan doono tartanka doorashada madaxtinimada ee dalkan ka qabsoomi doonta shanta bisha Novmeber ee sannadkaan. Biden ayaa hadalkaasi ka shanqariyay xilli uu gelinkii danbe ee Arbacadi shalay khadka telefoonka ku wacay kooxda hormoodka u ah ololihiisa doorashada. Arrintan ayaa u muuqata mid uu madaxweyne Biden dib ugu xaqiijinayo Dimoqraadiyiinta Aqalka Koongareeska in uu diyaar u yahay dib u doorasho, maalmo yar kaddib marki ay qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa ay warwareen bandhigiisii dood uu Khamiisti hore la galay madaxweynihi isaga ka horreeyay Donald Trump. Laba xubnood oo magacyadooda qariyay oo og wicitaanka uu Biden wacay shalay xubnaha ololoihiisa doorashada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay, in uu u sheegay in aabu ka tanasuleyn tartanka doorashada. Email uu goor danbe oo shalay ah u diray taageerayaashiisa ayuu Biden sidoo kale ku yidhi “Qofna ima riixayo, mana ihi qof baxaya. Tartanka waa kusii jiri doonaa ilaa dhammaadka.” Madaweyne Biden wuxuu sidoo kale Arbacadi si toos ah iyo qaabka online-ka ahba ula kulmay ilaa 24 guddoomiye iyo duqa magaalada Washington, D.C. oo dhammaantood dimoqraadi ah, si uu ugu xaqiijiyo in ay ka go’antahay musharaxnimada xisbiga. Saddex ka mid ah guddoomiyaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa taageeray madaxweyne Biden. Hase yeeshee in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Dimoqraadiga ayaa saluugsan da’da madaxweynaha. Source
-
Dalka Canada ayaa haweeney u magacaabay taliyaha ugu sarreeya dalkaas markii ugu horreysay abid Arbacadii, taasoo ah dadaalka uu Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ku doonayo inuu haweenka ugu magacaabo shaqooyinka ugu sarreeya. Sareeye Guuto Jennie Carignan, oo mas’uul ka ah dadaallada lagu cidhibtirayo wax loogu yeedhay anshax-xumada gudaha ciidamada qalabka sida, ayaa shaqada la wareegi doonta July 18-keeda. Carignan, oo asal ahaan ah Injineer Milatari, ayaa 35-kii sanno ee ay ciidanka ka tirsanayd waxay soo maamushay ciidamada dalalka Afgaanistaan, Bosnia-Herzegovina, Ciraaq iyo Suuriy. “Mudadii ay ku jirtay shaqadeeda, tayadeeda hoggaamineed ee gaarka ah, ka go’naanta heerka sare, iyo u heellanaanta adeegga ayaa hanti weyn u ahaa ciidamadeena qalabka sida,” Trudeau ayaa ku yidhi hadal uu soo saaray. Carignan waxay xilka la wareegaysaa xilli dalka Canada uu cadaadis kala kulmayo xulafadeeda si ay sare ugu qaaddo kharashkeeda difaaca. Source
-
Wajeer (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta ciidamada milatariga dowladda Kenya iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ku dhex maray qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan ismaamulka magaalada Wajeer ee dalkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo mararayay duleedka magaalada Wajeer, waxaana kadib xigay dagaal toos ah. Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay. Saraaakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna khasaare gaarsiiyeen xubnaha Al-Shabaab. Ugu yaraan illaa 4 xubnood ayaa kooxda Al-Shabaab looga dilay dagaalka, halka ciidamada Kenya dhankooda uu ka dhintay hal askari, mid kalena uu ku dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa nawaaxiga magaalada Gaarisa oo ah halka lagu dagaalamay. Kenya oo ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa weeraro kala kulanta kooxda Al-Shabaab oo badana beegsata deegaanada dhaca xadka labada waddan. Muddooyinkii u dambeeyay weerarada Al-Shabaab ee Waqooyi Bari ayaa sii kordhayay, waxaana sidoo kale gobolka ciidamo badan oo milatari ah kusoo daabushay Kenya, si ay u xaqiijiyaan amniga guud ee waddankaasi. The post Xogta dagaal culus oo maanta dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.