Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Dufcaddii 6-aad ee Layli Saraakiil ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha gashay kaalmaha hore. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Saraakiisha maanta qalinjabiyey in ay hormuud u noqdaan halganka Qaran ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta caqabadda ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka iyo qorshaha dib dhiska ciidamada Xoogga dalla Soomaaliyeed. “Waxaad soo gaarteen marxaladdii ugu muhiimsanayd ee taariikhdiinna ka mid noqoshada CXDS. Waxaad hibeyseen wixii ugu qaalisanaa ee aad haysateen oo ah naftiina, waxaana la idinka sugayaa in aad dadkiina ka kor qaaddaan argagixisada nolosha u diidan”. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar usoo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeenno cusub oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Saraakiishan ayaa muddo saddex sanno ah lagu diyaarinayey dugsiga tababarka ciidamada ee TurkSom ee magaalada Muqdisho. Saraakiisha iyo xiggeenada maanta loo soo xiray tababar ayaa ku soo biiray hoggaanka ciidanka dalka, iyada oo shahaadooyin iyo abbaal-marrinno kale guddoonsiiyay madaxweynuhu. Saraakiishan ayaa noqonaya dufcaddii 6-aad ee muddo sanado ah qaata tababar aqoon kororsi ah. Madaxweynaha oo saraakiisha kala hadlay xaaladda dalka ee lagu jiro iyo howlaha muhiimka ah ee sugaya, isaggoo ku adkeeyay in ay si daacadnimo ah oo ay ku dheehan tahay Soomaalinimo u gutaan waajibaadka culus ee horyaalla. “Qofku haddiyadda uu bixiyo waxaa ugu qaalisan naftiisa waxaadna dalkiina iyo dadkiina u hurteen noloshiina, sidaa daraadeed ogaada cadow aad u caqli liita ayaan dagaal kula jirnaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay saraakiisha tababarka dhameystay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay dowladda Turkiga iyo madaxweynahooda, isaggoo ku ammaanay in ay gacan weyn ka geysteen yagleelidda dhismaha dowlad Soomaaliyeed. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee maanta qallin-jabiyay ayaa isugu jira kuwo ka yimid ciidanka badda, dhulka iyo cirka. The post Sawirro: Xasan oo tababar usoo xiray saraakiil sanado lagu diyaarinayay TURKSOM appeared first on Caasimada Online.
  3. Adam Kaboole Nin la odhan jirey oo suufi caan ahaa oo reer Hargeisa ahaa. Ayaanu Meydh geyney isagoo Sheekh Isixaaq soo siyaaranaaya. Waxuna ahaa nin lugeeya. Markaasu AHN aabe ku yidhi duriyadaba halkan baan isugu keenaya ee qaarbaanse weli fahmin xikmadda rabaaniga Hadda Reer Somaliland oo dhami. XISBIGA WADDANI bey isugu imanayaan. Rag waaweyn oo kulmiye oo dowladdyahana ayaa maalin dhow Xisbiga Waddani ku dhawaaqaya in isbedelkuu wadaa yahey Badbaado Qaran. Dalkuna u baahan yahey. Madaamo ey arkeen. Labadda odey shaqadoodu iney tahey mid aan dalkana lagu sii hogaamin kareyn mustaqvalka. Xisbiga Kulmiye aanu sii jiri kareyn. Ragaasi waa amusan yihiin. Waxeyna fahamsan yihiin. In xukumaddan cimrigeeddu dhamaadey. Isbedelku wuu guuleysana Somaliland Guul Xisbiga Waddani Guul. Musharax Cabdiraxmaan Cirro Waa Madaxweynaha #13DEC2024 Lagu dhaarin doono. Hambalyo Guushu waa Muuqata Ninba Aashi Buu Wax U eegaya Waxna Wuu Arkaa Waxna Wuu Ogyahey Hon-Envoy Abdirizak Diinaari diinaari1960@gmail.com Qaran News
  4. Madaxweynaha dalka Kenya,William Ruto ayaa hadal uu maanta u jeediyay dadweynaha Kenya , wuxuu ku soo bandhigay go’aamo hoos loogu dhigayo kharashaadkii xad-dhaafka ahaa ee ay bixin jirtay dowladda. Waxaa meesha laga saaray maasaaniyaddii ku bixi jirtay xafiiska marwada koowaad,marwada labaad iyo madaxa wasiirrada , waxaana meesha laga saaray shaqadooda. Waxaa la hakiyey: in la magacaabo wasiir ku-xigeenno cusub, baabuurta cusub ee dawladda ay iibsan jirtay iyo safarradii ay ku bixi jireen shaqaalaha dawladda ee aan muhiimka ahayn. Waxaa shaqada laga saaraya 50% la-taliyeyaashii hay’adaha dawladda oo mushaar badan qaadan jiray. Magacaabiista guddi khuburo ah oo ka soo tala bixiya deymaha badan ee Kenya lagu leeyahay oo kor u dhaafaya $80 bilyan, isla guddigaa ayaa dadweynaha usoo bandhigaya deymaha dawladda lagu leeyahay iyo hababkii ay ku baxday. Madaxweynaha Kenya , wuxuu intaa ku daray “Tallaabooyinkan waxaa xigi doona isbeddello ku yimaada dowladda oo aan sameyn doono dhawaan.” Go’aamadan ayaa ku soo aaday , kaddib in ka badan toddobaad oo dadweynaha Kenya ay isugu soo baxeen magaalooyinka waa weyn , iyagoo diiddan sharciga maaliyadda ee sare u qaadayay canshuurta, waxaa kalo ka jiray gudaha Kenya cod badan oo diiddanaa habka ay dhaqaalaha u adeegsato dowladda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Kenya oo ku dhawaaqay go’aanno lagu dhimayo kharashaadka saa’idka ah ee ka baxa dowladda appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in kalfdhiyada soo socda ee baarlamaanka lagu dhameystiri doono arrimaha dastuurka, xilli ay xiisad xooggan ka dhalatey qodobaddii uu horey u meel-mariyay baarlamaanka. Aadan Madoobe oo ka gaabsaday inuu shaaciyay qodobadda sida gaarka ah loo horgeynayo baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay inay yihiin kuwa muhiim ah oo qeyb ka ah dhameystirka dastuurka. “Mudaneyaasha waxay xilliyada soo socda ka doodi doonaan hindise sharciyeedyo wax ku ool ah oo gaaraya illaa 14,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kal-fadhiyadii hore lagu ansixiyay shuruuc badan oo ay kamid ahaayeen la-dagaalanka argagixisada, kuwo khuseeyay arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo kuwo kale. Guddoomiyaha ayaa uu ugu dambeyntiina wuxuu faray shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan cadowgooda, islamarkaana ay gacan wax ku ool ah ka geystaan horumarka dalka. Sida ay horey u baahisay Caasimada Online, furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka ayaa waxa qorshuhu yahay inuu meel-mariyo sharciyo dhowr ah oo kamid yahay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta. Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka marka la furo kal-fadhiga 5-aad, xilli ay xildhibaannada qaar muujinayaan saluug iyo balamihii hore loo fulin. Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan isiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya. Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii dari doona xiisadda dastuurka ee u dhaxeysa madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha mucaaradka oo qeyb ka yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka, kuwaasi oo meel adag qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee gadaal ka riixeyso Villada. The post Xiisadda dastuurka oo kasii dareysa iyo A/Madoobe oo shaaciyay arrin xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  6. 450000022_1950185565434974_4772503044850733489_n Qaran News
  7. Garowe (HOL) - Authorities from the Galmudug and Puntland regional states have successfully convened two rival clan militia groups to fully implement a ceasefire, ending deadly fighting in the Mudug region. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo argagax leh ayaa laga soo warinaya degmada Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaasi oo nin uu tooreey ku dilay soddohdiis. Ninkan ayaa sidoo kale dhaawacay xaaskiisa iyo gabadh la dhalatay oo dumaashidii ah iyo nin oday ah oo la sheegay inuu ku baxay dadka uu leynayo, si uu uga qabto ninkaan oo illaa hadda la xaqiijin inuu madax ka jiranaa iyo inkale. Ninka dilka geystay oo ahaa aabaha reerka, ayaa waxaa uu muran soo kala dhex galay xubnaha kale ee uu dilka iyo dhaawaca u geystay ee qoyskiisa kamidka ah. Ninkan ayaa waxaa hadda gacanta ku haya laamaha amniga, iyada oo haweenka uu dhaawacay xaaladooda lagu dabiibayo gudaha degmada, halka qaar kalena loo soo qaaday magaalada Muqdisho. Taliyaha ururka 1-aad ee Daraawiishta Koonfur Galbeed Xaashi Maxamuud Bulaale oo hoggaaminayay ciidankii ku baxay falkaan ayaa waxaa uu sheegay inay gacanta ku hayaan ninka dhibta geystay. “Qof noocaas ah oo dhacdadaas sameeyay waa caafimaad qabay ani ahaantay isma lihi laakiin hadda waxaa ku socota baaris,” ayuu yiri Taliyaha oo la hadlay Shabelle Tv. Waxa uu intaas kusii daray “Gargaar caafimaad ayaa loo fidiyay dhaawaca, inta badana Xamar ayaa loo soo qaaday.” Taliyaha ayaa falkaan ku tilmaamay dhacdo ugub ah, “Waxaan isleeyahay xaaladan waa xaalad caafimaad darro ku imaan karta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay isaggoo ka argagaxay baaxada dhibta uu geystay ninkaan. Dhacdooyinka argagax leh ayaa kusoo badanaya gudaha dalka, iyada oo bil ka hor Shabeellaha Hoose uu wiil dhalinyar ah ku dilay aabihii, halka uu sidoo kale dhaawacay hooyadii iyo walaashiis, si dhab ahna looma oga illaa hadda waxyaabaha keenaya falalkan noocan ah ee kusii kordhaya gudaha bulshada Soomaaliyeed. The post Nin dil argagax leh Muqdisho ugu geystay soddohdiisa, dhaawaceyna xaaskiisa iyo… appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirka Gaashaandhigga nudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Ibraahim Sheikh Muxudiin.diblumaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo ka socday dowladda Turkiga, iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb-galay munaasabad ballaaran oo ay ku qalin-jabinayeen saraakiil muddo tababar uga socda xerada Turksom. Saraakiisha iyo macallimiinta Turkiga ee ciidanka tababarka siinayay ayaa sheegay in cutubka dharaartan qalin-jabiyay ay yihiin kuwo tayo iyo carbis wanaagsan leh oo kaalin mug leh ka qaadan doona nabad-galyada dalka, islamarkaana ay sii wadi doonaan layliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Madaxweyne ayaa abaal-marinno kala duwan guddoonsiiyay qaar kamida ah saraakiishii kaalimaha hore ka gashay tababarka, wuxuuna ku bogaadiyey dhabar adayga ay muujiyeen mudadii uu dhibowgu u socday. Ciidanka uu Turkigu tababaro ayaa kamid ah kuwa ugu tayada iyo qalabka wanaagsan xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna kaalin weyn ku leeyihiin dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ee dalka ka socda. Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirka Gaashaandhigga nudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Ibraahim Sheikh Muxudiin.diblumaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo ka socday dowladda Turkiga, iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb-galay munaasabad ballaaran oo ay ku qalin-jabinayeen saraakiil muddo tababar uga socda xerada Turksom. Saraakiisha iyo macallimiinta Turkiga ee ciidanka tababarka siinayay ayaa sheegay in cutubka dharaartan qalin-jabiyay ay yihiin kuwo tayo iyo carbis wanaagsan leh oo kaalin mug leh ka qaadan doona nabad-galyada dalka, islamarkaana ay sii wadi doonaan layliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Madaxweyne ayaa abaal-marinno kala duwan guddoonsiiyay qaar kamida ah saraakiishii kaalimaha hore ka gashay tababarka, wuxuuna ku bogaadiyey dhabar adayga ay muujiyeen mudadii uu dhibowgu u socday. Ciidanka uu Turkigu tababaro ayaa kamid ah kuwa ugu tayada iyo qalabka wanaagsan xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna kaalin weyn ku leeyihiin dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ee dalka ka socda. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay khadka yaleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka. Wada-hadalka madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Masar ayaa yimid saacado un kadib markii uu shalay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ka hadlay xiisada kala dhaxeysa Soomaaliya. Abiy oo khudbad ka jeediyay baarlamanka Itoobiya ayaa Soomaaliya ka dalbaday inay wada-hadal ogolaadaan, islamarkaana ay qudaartooda uga bedeshaan badda, si loo soo afjaro xiisadda xooggan ee ka dhalatay is-afgaradkii Somaliland. Wada-hadalka labada nin oo lasoo dhigay bogga Villa Somalia ee Facebook ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayada oo dadka qaarkii soo dhaweeyeen tallaabada madaxweynaha, halka kuwa kale ay “si maadsi iyo looma baahna ah” uga fal-celiyeen. Haddaba sidee looga fal-celiyay arrintaan? Cabdalla Daahir: “Xasan wa fahmay shaxda abiye axmed markuu soo hadlaba siisi bu Telefon ku dhuftaa ku soco madaxweyne.” Axmed M. Gaani: “Marka Ethiopia wax dhaqaajiso ayuu Masar isku qaada Xasan.” “Al-Sisi markuu Abiy Ahmed soo hadlo un maxaa loola hadla ninkan isagaba wabiga Niil ka hadli waayey anaga muxuu noo tari kara,” ayuu yiri Islaam Suleymaan. Maxamed Axmed Cartan: “Xasanoow Abiy ciqaabta bas ka dheh wallaahi, waxaan arkayaya asoo Ina Cabdishakuur lamida oo qudbadihiisi wax ka soo qaatay oo leh lacagta qaranka san iyo saan yeel sidii mucaarad kamida dowladdaada. Guuleyso madaxweyne.” “Karbaashkii maanta kugu dhacay nabad xaqdaro Alle ha kaga dhigo,” ayuu yiri Fadxi Cali Shariif. Cabdishakuur Maxamuud: “Xasan haduu Abiye soo hadlaba Siisi muu iska wacanaa.” Abdukadir ayaa sidoo kale isna waxa uu yiri “Itoobiya waa asalka fitnada Geeska Afrika waddan aysan la dagaalin maleh.” “Masar haddeey wax taree Gaza Falastiin ha u gargaarto,” ayuu yiri Ibraahim Maxamed oo isna ka fal-celiyay arrintaa. Sayid Cali: “Aad iyo aad madaxweyne halkaa ku haay cadowgaga cadowgisa waa saaxiibka.” The post Fal-celin caadi aheyn oo ka dhalatay tallaabo uu qaaday Xasan kadib hadalkii Abiy appeared first on Caasimada Online.
  12. Ciidamo ka tirsan Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa maanta qabsaday kantaroolka degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug. Cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa lagu soo warramayaa in ay xoog kula wareegeen kantaroolka degaankaasi Bacaadweyne. Ciidankaasi gadoodsan ee ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa sidoo kale gebi ahaanba xannibay isu socodka gaadiidka laamiga dheer ee magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka gadoodsan ayaa sheegaya in aysan wax mushaar ah dowladda ka helin in ka badan lix bilood islamarkaana ay ka cabanayaan xuquuqdooda maqan. PUNTLAND POST The post Puntland: Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo qabsaday kantaroolka degaanka Bacaadweyn appeared first on Puntland Post.
  13. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xalay gaaray magaalada Baghdad ee caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq. War kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaha ayaa lagu sheegay in mudane Xamse Cabdi Barre ay booqasho rasmi ah uga bilaabatay caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq ee Baghdad. Qoraalka sidoo kale ayaa tilmaamay in booqashada Ra’iisul wasaaraha ay qaadan doonto mudda dhawr cisho ah islamarkaana uu kulamo muhiim ah la yeelan doono dhiggiisa dalka Ciraaq. “Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho rasmi ah oo dhawr cisho ah ku joogi doona dalka Ciraaq ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkan Ciraaq Ra’iisul Wasaare, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi. Labada Ra’iisul wasaare ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Ciraaq sida uu sheegay xafiiska Xamse. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.
  14. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay inuu Baarlamaanka Soomaaliya xariir wanaagsan iyo wada shaqeyn la leeyahay dhiiggooda dalalka Yurub, kuwa jaamacadda Carabta, Afrika, iyo midka ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika. Shiikh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in dhammaan baarlamaanadaas ay iskaashi buuxa la leeyihiin, islamarkaana ay Soomaaliya wax badan ka faa’iidi doonto, asagoo xusay in socdaallo badan oo uu dalalkaas ku tagey ay waxyaabo mira-dhal ihi ka soo bexeen. Markii la fiiriyo hannaanka dowladnimada Soomaaliya Baarlamaanka ayaa u xilsaaran sharci dejinta, la xisaabtanka Xukuumadda, iyo jihayn habraacyada qorshayaasha qaran, waana muhiim inay dunida kale xariir wax ku ool ah la yeeshaan. Source: goobjoog.com
  15. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay inuu Baarlamaanka Soomaaliya xariir wanaagsan iyo wada shaqeyn la leeyahay dhiiggooda dalalka Yurub, kuwa jaamacadda Carabta, Afrika, iyo midka ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika. Shiikh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in dhammaan baarlamaanadaas ay iskaashi buuxa la leeyihiin, islamarkaana ay Soomaaliya wax badan ka faa’iidi doonto, asagoo xusay in socdaallo badan oo uu dalalkaas ku tagey ay waxyaabo mira-dhal ihi ka soo bexeen. Markii la fiiriyo hannaanka dowladnimada Soomaaliya Baarlamaanka ayaa u xilsaaran sharci dejinta, la xisaabtanka Xukuumadda, iyo jihayn habraacyada qorshayaasha qaran, waana muhiim inay dunida kale xariir wax ku ool ah la yeeshaan. Source: goobjoog.com
  16. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq. Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho rasmi ah oo dhawr cisho ah ku joogi doona dalka Ciraaq ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkan Ciraaq Ra’iisul Wasaare, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah. Ciraaq iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xariir qoto dheer oo muddo ku dhow qarni soo jiray, sidoo kale waxay labada dal wadaagaan dano badan iyo duruufo iskaashi u baahan xilligaan adag oo labada wadan ay ku jiraan soo kabasho dhanka amniga ah. Source: goobjoog.com
  17. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq. Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho rasmi ah oo dhawr cisho ah ku joogi doona dalka Ciraaq ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkan Ciraaq Ra’iisul Wasaare, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah. Ciraaq iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xariir qoto dheer oo muddo ku dhow qarni soo jiray, sidoo kale waxay labada dal wadaagaan dano badan iyo duruufo iskaashi u baahan xilligaan adag oo labada wadan ay ku jiraan soo kabasho dhanka amniga ah. Source: goobjoog.com
  18. Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo wareysi siiyay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muddada labada sano ah ee u harsan ku qaban karto doorasho kuwii hore ka duwan oo macneheedu yahay qof iyo cod. “Waxaan aaminsahay in haddii la hagaajiyo nabad-galyada, Alshabaabna laga saaro deegaannada ay weli gacanta ku hayaan in la qaban karo doorasho” ayuu Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur Madoobe, asagoo ka warcelinayay weydiin ahayd ma ballan-qaadi kartaan in doorashado dhacayso. Sidoo kale wuxuu ka hadlay muranka ka taagan isbedelka dastuurka cutubyo kamid ah ay ku sameeyeen, wuxuuna sheegay in ciddii loo xilsaaray dhammaystirankiisu ay wax ka badeshay, howl kastoo la qabanayona ay weligeedba dad dhaliilsani jiri jireen. Doorasho qof iyo cod oo illaa 2015-kii lagu taamayay, Xukuumad walboo timaaddaahina ay ballanqaadka koobaad ka dhiganaysay ayaa ku hirgeli karta dastuurkoo la dhammaystiro, arrinta Soomaaliland oo la xalliyo, iyo dagaalka Alshabaab oo la soo gabagabeeyo. Source: goobjoog.com
  19. Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo wareysi siiyay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muddada labada sano ah ee u harsan ku qaban karto doorasho kuwii hore ka duwan oo macneheedu yahay qof iyo cod. “Waxaan aaminsahay in haddii la hagaajiyo nabad-galyada, Alshabaabna laga saaro deegaannada ay weli gacanta ku hayaan in la qaban karo doorasho” ayuu Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur Madoobe, asagoo ka warcelinayay weydiin ahayd ma ballan-qaadi kartaan in doorashado dhacayso. Sidoo kale wuxuu ka hadlay muranka ka taagan isbedelka dastuurka cutubyo kamid ah ay ku sameeyeen, wuxuuna sheegay in ciddii loo xilsaaray dhammaystirankiisu ay wax ka badeshay, howl kastoo la qabanayona ay weligeedba dad dhaliilsani jiri jireen. Doorasho qof iyo cod oo illaa 2015-kii lagu taamayay, Xukuumad walboo timaaddaahina ay ballanqaadka koobaad ka dhiganaysay ayaa ku hirgeli karta dastuurkoo la dhammaystiro, arrinta Soomaaliland oo la xalliyo, iyo dagaalka Alshabaab oo la soo gabagabeeyo. Source: goobjoog.com
  20. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Mudane Dr. Badr Cabdilcaati, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Jamhuuriyadda Masar, kaddib markii uu xilka la wareegay. Axmed Fiqi ayaa muujiyay rajadiisa iyo go’aankiisa ah in uu si wadajir ah ula shaqeeyo si loo xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo isku dubbaridka arrimaha danaha guud ee labada dal iyo labadooda shacab ee walaalaha ah. Wasiirku waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay habka iskaashiga ah ee lagu wajahayo caqabadaha gobolka iyo xoojinta nabadda iyo xasilloonida ee danaha labada dal. Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay sida ay muhiimka u tahay in la sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah iyo kan dhaqan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isaga oo tilmaamay in iskaashiga iyo wada shaqayntu ay tahay furaha horumarinta danaha guud ee labada dal. Source: goobjoog.com
  21. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Mudane Dr. Badr Cabdilcaati, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Jamhuuriyadda Masar, kaddib markii uu xilka la wareegay. Axmed Fiqi ayaa muujiyay rajadiisa iyo go’aankiisa ah in uu si wadajir ah ula shaqeeyo si loo xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo isku dubbaridka arrimaha danaha guud ee labada dal iyo labadooda shacab ee walaalaha ah. Wasiirku waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay habka iskaashiga ah ee lagu wajahayo caqabadaha gobolka iyo xoojinta nabadda iyo xasilloonida ee danaha labada dal. Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay sida ay muhiimka u tahay in la sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah iyo kan dhaqan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isaga oo tilmaamay in iskaashiga iyo wada shaqayntu ay tahay furaha horumarinta danaha guud ee labada dal. Source: goobjoog.com
  22. Madaxweynaha dowladdaFederaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Masar mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa wada-hadal gaar ah ku yeeshay Khadka Taleefonka. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in labada Madaxweyne ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar sida uu muujinayo Qoraal ka soo baxay Villa Somalia. Qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada Madaxweyne ka wada-hadleen xoojinta Iskaashiga labada dal iyo mideynta dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka. “Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay Xaaladda Gobolka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
  23. Waa kuma Sir Keir Starmer, ninka noqoya Ra’iisul Wasaarah cusub ee UK XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Ninka noqonaya Ra’iisul wasaaraha cusub ee UK, Sir Keir Starmer, oo 14 sano ka dib xisbiga shaqaalaha ku hogaamiyey guul taariikhiya 37 Daqiiqadood ka hor Xisbiga Shaqaalaha ee UK, ayaa ku guulaystay doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday khamiistii taas oo uu helay codadka ugu badan ee barlamaanka aqalka hoose oo ka kooban 650 kursi. Sir Keir Starmer ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee UK, ka dib markii uu xisbiga shaqaalaha ku hogaamiyay guul weyn. Wuxuu beddeley siyaasigii garabka bidix Jeremy Corbyn oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Labour afar sano ka hor, wuxuuna ka shaqeeyay inuu xisbiga ku soo celiyo garabka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo. Xisbiga Labour-ku waxa uu xukunka ka maqnaa 14 sano, hadda waxaa uu helay 370 kursi taas oo ka dhigaysa inuu helay aqlabiyada baarlamaanka Noloshisii ka hor siyaasadda Qoraalka sawirka,Sir Keir iyo waayihiisii ​​jaamacadda Sir Keir Starmer, waxa uu ku dhashay magaalada London sanadkii 1962-kii. Waa mid ka mid ah afar carruur ah qoyska Rodney Starmer iyo Josephine. Aabihii wuxuu ahaa qalab-sameeyaha warshad, hooyadiisna waxay ahayd kalkaaliso. Wuxuu ku soo koray degmada Surrey koonfur-bari England, Qoysku waxay ahaayeen taageerayaasha xisbiga shaqaalaha. Hooyadii waxaa inteeda badan nolosheeda la soo daristya xaalad caafimaad darro gaar ahaan xanuunka lagu magacaabo Still’s disease, kaas oo markii danbe ay awooddi wayday inay socoto ayna hadasho. Ninkan wuxuu siyaasadda xisbiga shaqaalaha ku biiray isagoo da’diisu tahay 16sano jar, wuxuuna ku biiray laanta dhalinyarada ee xisbiga. In muddo ah, waxa uu sidoo kale tafatiray majaladda garabka bidix ee xagjirka ah, Socialist Alternatives. Sir Keir, waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee qoyskiisa ah ee taga jaamacad. Waxa uu sharciga ka bartay Leeds iyo Oxford, ka dibna waxa uu ku shaqeeyay qareen ku takhasusay xuquuqda aadanaha. Inta lagu jiro wakhtigan, wuxuu ka shaqeeyay in ciqaabta dilka ah laga saaro wadamo ku yaalla Caribbean iyo Afrika. 2008dii, Sir Keir waxaa laga dhigay Agaasimaha Xeer Ilaalinta Guud iyo madaxa Adeegga Xeer Ilaalinta, taasoo la micno ah inuu ahaa dacwad oogaha ugu sareeya England iyo Wales. Wuxuu shaqadaa hayey 2013-kii. Sanadkii 2014-kii, wuxuu helay abaalmarinta ‘Sir’ oo ay bixiso boqortooyada Ingiriiska taas lagu mutaysto waxqabadka qofka iyo u adeegida dalkiisa. Qoraalka sawirka,Sir Keir Starmer, oo la saaray seefta darajadda ‘Sir’ oo lagu abaalmariyey shaqadii uu qabtay Inuu noqdo hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Qoraalka sawirka,Sir Keir waxa uu hoggaanka xisbiga Labour-ka kala wareegay Jeremy Corbyn Sanadkii 2015-kii, Sir Keir, wuxuu galay barlamaanka isagoo noqday xildhibaan laga soo doortay Holborn iyo St Pancras ee London. Labour-ku wuxuu xilligaas ahaa mucaarad, uu hoggaaminayay siyaasiga garabka bidix Jeremy Corbyn. Waxa uu Sir Keir ka dhigay xil sugaha awasiirka wasaaradda arrimaha gudaha. Ka dib markii UK ay u codeysay inay ka baxdo Midowga Yurub, Sir Keir waxaa laga dhigay xoghayaha hadhka ee Brexit isagoo horseedey afti labaad. Sir Keir, waxa uu fursad u helay in uu noqdo hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha ka dib doorashadii guud ee 2019-kii taas oo musiibo ku ahayd xisbiga noqotayna guuldaradii ugu xumayd tan iyo 1935 -kii. Arrintaas oo ku qasabtay Jeremy Corbyn inuu iscasilo. Markii uu qabtay hogaanka xisbiga, Labour-ka wuxuu ku ololaynayey qaramaynta shirkadaha tamarta iyo biyaha, iyo in ardayda jaamacadaha wax lagu baro lacag la’aan. Jeremy Corbyn waxa uu Labour u kala qaybiyay kuwa bidix iyo kuwa dhexdhexaadka ah. Sir Keir, waxa uu sheegay in uu doonayo in uu mideeyo xisbiga, balse uu sidoo kale doonayo in uu sii haysto Mr Corbyn. Markii denbe wuxuu saaxiibkiis , Jeremy Corbyn ka joojiyey xubinnimada xisbiga shaqaalaha ee baarlamaanka kadib khilaaf ka dhashay nacaybka kaas oo soo shaac baxay markii Mr Corbyn uu hoggaaminayey xisbiga. Meshii uu Sir Keir ka taagnaa qodobadan Inkastoo uu sheegay ololihiisii hogaaminta, Sir Keir waxa uu xisbiga u jiheeyay dhanka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo. Waxa uu ka tagay siyaasaddo badan oo qaali ah, isaga oo tixraacaya xaaladda liidata ee dhaqaalaha guud ee UK, isaga oo ilaalinaya dhowr qorsheyaal ah. Qaramaynta Sir Keir, waxa uu meesha ka saaray soo jeedintiisii hore ee ahayd in la qarameeyo shirkadaha tamarta iyo biyaha. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ballan qaaday in uu ku dhawaad dhammaan adeegyada tareenada rakaabka uu dib ugu soo celin doono lahaanshaha dadweynaha shan sano gudahood, iyada oo hoos imanaysa shirkad cusub oo lagu magacaabo Great British Railways. Waxbarasho Sir Keir, ayaa ka tanaasulay ballan qaadkiisii hore ee ahaa in uu meesha ka saarayo kharashka waxbarashada ardayda kulliyaddaha, isaga oo sheegay in dawladdu aanay awoodi doonin in ay bixiso. Wuxuu u sheegay BBC bishii May: “Waxay u badan tahay inaan ka gudubno ballanqaadkaas sababtoo ah waxaan ku jirnaa xaalad dhaqaale oo ka duwan.” Qoraalka sawirka,Sir Keir iyo xaaskiisa Victoria oo dhinac taagan xilli ay ku sugnaayeen xaflad Deegaanka Xisbiga Shaqaaluhu waxay dib u dhigeen ballan qaad ay sameeyeen 2021-kii si ay ugu kharash gareeyaan £28bn ($35bn) sannadkii mashaariicda tamarta cagaaran, laakiin waxay ku adkaysan doontaa ballanqaadyada ay ka midka yihiin dhismaha beeraha dabaysha iyo horumarinta warshadaha baytariga ee baabuurta korontada. Tani waxay keentay in xisbiga Konserfatifka uu ku dhaleeceeyo inuu isku dayayo inuu “ka leexdo” go’aan siyaasadeed muhiim ah. Dhawaan, Sir Keir waxa uu ballan qaaday in uu ku maalgashan doono £8bn tamarta cagaaran iyada oo loo marayo shirkad cusub oo lagu magacaabo GB Energy. Waxa kale oo uu ballan qaaday in uu gebi ahaanba shidaalka ka saari doono korontada UK marka la gaadho 2030. Khubaro badan ayaa aaminsan in aan taas la samayn karin. Israa’iil iyo Gaza Kadib weerarkii Xamaas ee Israa’iil bishii Oktoobar 2023, Sir Keir waxa uu taageeray hawlgalladaIsraa’iil ka wado Qasa iyo xaqa ay u leedahay in ay is-difaacdo. Tani waxay ka caraysiisay codbixiyeyaal badan oo taageersan Falastiin, wuxuuna la kulmay kacdoon ka yimid tobaneeyo xildhibaan oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha oo ku baaqay xabbad joojin degdeg ah. Ninkan wuxu kale oo taageeray duqeynta UK ay ku hayso Xuutiyiinta Yemen, taasoo jawaab u ah weerarrada ay kooxdan ku qaaday maraakiibta lagu xiririnayo Israa’iil. Yurub Sanadkii 2019, Sir Keir wuxuu riixay afti labaad oo ku saabsan in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub iyo in kale. Hadda waxa uu sheegay in aanay jirin su’aal ah in dib loogu noqdo Brexit, laakiin waxa uu sheegay in uu kala hadli doono Midowga Yurub heshiisyada iskaashiga ee waxyaabaha ay ka midka yihiin cuntada, heerarka deegaanka iyo shaqada. ‘Waan necbahay guuldarada’ Qoraalka sawirka,Sir Keir waa taageere kubbadda cagta jecel Sir Keir Starmer, oo hadda noqonya Ra’iisul wasaaraha Uk, ayaa marar badan oo hore sheegay inuu neceb yahay guuldarrada. Waxa uu mar u sheegay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa UK: “Waan necbahay guuldarada.” Mararka uu bixinayo waraysiyada, Sir Keir, wuxuu wax yar ka bixiyaa shaqsiyadiisa Sir Keir, wuxuu guursaday xaaskiisa, Victoria Alexander, sanadkii 2007-dii, xaaskisa ayaa u shaqaysa haya’adda NHS. Waa qoys leh labo carruur ah. Ninkan noqonaya Ra’iisul wasaaraha UK, Sir Keir Starmer, ayaa taageer u ah kooxda kubada cagta ee Arsenal. Qaran News
  24. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markale ku celiyay muhiimada ay Itoobiyaanka u leedahay helitaanka bad, isaggoo xusay in xitaa Soomaaliya ay badda kaga beddelan karto wax soo saarkooda khudaarta. Abiy ayaa si cad u sheegay in is-afgaradka Somaliland uusan aheyn xad-gudub ka dhan ah midnimada, wuxuuna sheegay in dalkiisa uu ixtiraamayo madax-banaanida Soomaaliya. “Waxaad imaan kartaan Addis Ababa, diyaar ayaa u nahay in aan idinla hadalno, mana rabno in Soomaaliya burburto ama kala qeybsanto,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiya diyaar u tahay wax isdhaafsi, ayna ogoshahay in wax soo saarkeeda gudaha ay ku dhaafsato marin baddeedka ay rabto, si buu yiri kor loogu qaado wada noolaanshaha. “Baahida ay Itoobiya qabto waa adeeg baddeed, taasina waxaan u mareynaa waddo nabad-galyo iyo wada-hadal. Soomaaliya iyo dalalka deriska waxay leeyihiin adege baddeed laakiin sida Itoobiya wax ma u beeran karaan, anagu waxaan nahay dhul caro-san iyo biyo badan leh,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Haddii Khudaarta noogu beddelaan biyaha badda waxba kuma jabna waa arrin ganacsi, waa mid faa’iido u ah guud ahaan gobolka iyo mustaqbalka caruurteenna. Haddii naloo diido tabashadayada in la dhageysto waxay noqon doonta mid xilligeeda sugto.” Sidoo kale waxa uu ku dooday in Itoobiyaanka ay ka shaqeynayaan nabadeynta Soomaaliya, oo aysan ku howlaneyn taas bedelkeed, “Itoobiya ma rabto kala tega Soomaaliya; uma hurteen caruurteedii hadday taas rabto.” Ugu dambeyntiina wuxuu ku taliyay “in qarashka dowladda Soomaaliya uga baxaya safarka dibadda uu ku wanaagsan yahay dhismaha iskuul ku fadhiya 1KM oo Muqdisho laga dhiso oo ay ka faa’iideystaan shacabka.” The post Abiy Ahmed oo shaaciyay arrin ay Soomaaliya uga beddelan karto badda appeared first on Caasimada Online.
  25. Dawooyinku waa laf dhabarta daryeelka caafimaadka casriga ah. Haseyeeshee kiimikooyinkan awoodda weyn lihi waa sidii seefo laba af leh oo wax bogsiin kara waxyeelo badanna keeni kara haddii aan si taxadar leh loo isticmaalin. Maxamed Cismaan oo dawayaqaan ahi wuxuu faaqidayaa halisahaas ku lammaan iyo jidka bulshada u furan Nidaamka maaraynta silsiladda sahayda daawooyinka ee waddanka ayaa ah mid aan shaqaynayn oo badanaa sababta in dawooyin lagamamaarmaan u ah goobaha caafimaadka oo waaweyn si kedis ah looga waayo. La’aanta nidaam isku dhafan oo sahayda farmashiyaha ah, oo ay weheliso maqnaanshaha nidaam xoog leh oo macluumaadka, qiyaasta, iyo soo iibsiga ah, ayaa horseed u ah carqaladahan, sida ku cad isla siyaasadda caafimaadka ee qaranka ee 2022. Maxay Qaban Kartaa Bulshadu? Bulshada Somaliland waxaa ka maqan ma aha dawayaqaanno keliya, balse waa nidaam sharci oo dhammaystiran kaas oo kormeera dhammaan qaybaha kala duwan ee dawooyinka. Shaqsiyaadkan soo dejiya dawooyinka tayadoodu hooseyso, iibiya dadkana si toos ah iyo si dadbanba ugu waxyeeleeyaa waa isla dad ka mid ah bulshada. Haddaba arintan waxaa hirgelin kara oo keliya dawladda. Markaa waxaad is weydiinaysaa, marka dawladdu waxqabad wax-ku-ool ah aanay ka qaban arrintan iyadoo haddana ku iftiimisay khataraha mushkiladahan siyaasaddeeda qaran ee caafimaadka ee 2011 iyo 2022, bulshadu maxay samayn karaan? Waxay samayn karaan dhawrkan arrimood: Waxa loo baahan yahay horta bulshadu inay fahanto baaxadda ballaadhan ee arrimahan iyo raadka sii jiitamaya ee ay ku yeelanayaan bulshada. Dhibaatooyinkan ayaa ah kuwo saamaynaya dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, yar iyo weyn, miyi (in kastoo miyiyada Somaliland ay ka sii daran tahay sidan oo daryeel caafimaadba aanay helin) ilaa magaalo, iyada oo keenta bogsashada cudurrada oo waqti dheer qaadata, kharashka daryeelka caafimaadka oo kordha, iyo guud ahaanba tayada nolosha oo hoos u dhacda. Bulshadu cid walba oo ka mid ahi waa inay ogaataa masuuliyadda ugu horreysaa in ay tahay ta nafahooda oo waa inay iska ilaaliyaan dawooyinkan ay iska soo iibsanayaan iyagoon dhakhtar dhab ah (kama hadlayo ganacsadayaasha dukaannada farmasiiga ah ku haysta xaafadaha dhexdooda) u tagin oo aan caadi loo shaybaadhin dabadeed ay iska liqayaan. Bulshadu waa inay codkooda maqashiiyaan dawladda iyagoo isticmaalaya baraha bulshada, warbaahinta, telefishannada, iyo habab kale oo silmi ah si kor loogu qaado wacyiga bulshada isla markaana loogu ololeeyo isbeddel wax-ku-ool ah. Sheekhyadu waa inay kaga hadlaan arrintan khudbadahooda, iyagoo adeegsanaya saameyntooda si ay kor ugu qaadaan wacyiga dadka iyagoo u iftiiminaya muhiimadda caafimaadka, xasuusinaya dawladda in masuuliyadda bulshadu ay saaran tahay dushooda gaar ahaan kuwa masuulka ka ah qaybaha caafimaadka, aakhirana la waydiin doono. Maadaama ay soo dhowdahay doorasha madaxweynaha ee dalku bulshadu waa inay ka dhigataa halbeeg ay codka ku bixinayso arrimahan la xidhiidha dawooyinka iyo weliba arrimo kale oo ay bulshada u baahan tahay si ay ugu codeeyaan musharaxiinta kana feejignaadaan cod bixinta ku salaysan reer, qabyaalad iyo ina adeernimo aan waxba u soo wadin horena aan waxba ugu soo tarin.. In lala shaqeeyo lana dhiirrigeliyo ururka dawayaqaannada Somalailand oo maalamahan dambe laga arkayo dhaqdhaaqyo uu ku doonayo isbeddel. Qaran News