Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,951
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa goor dhow Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ku dilay Carwadii hore Taleex degmada Hodan ee g/Banaadir. Marxuumka la dilay aya lagu magacaabi jiray C/maalik Sheekh Maxamed, waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Raggii ka dambeeyay dilka Askarigaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen dilka kadib. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaan ka wada halkaasi. Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada ka dhanka ah Ciidamada Ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho. The post Askari ka tirsanaa Ciidanka DFS Oo lagu dilay Hodan appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho guddiga difaaca Golaha Shacabka ee BFS, Wasiirka Gaashaandhigga, wasiir ku xigeenka Maaliyadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa looga hadlay sharciga Xaqsiinta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Sharcigan ayaa waxaa dib u habeyn ku sameeyay guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya, si ay dhammaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed u helaan xuquuqda ay ku leeyihiin dalka, marka ay noqdaan howlgab. Ugu horreyn waxaa kulanka ka hadlay wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) oo sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay dhismaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Dhankiisa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in muhiimad gaar ahkoowaad la siiyo CiidankaXoogga Dalka, si loogu garab istaago howlaha ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed. Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in dhaqaale weliba oo ku baxayo Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn xoghayaha guddiga difaaca Golaha Shacabka Sadiiq Warfaa oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa sheegay in loo baahan yahay in labada Aqal ee BFS ay meel mariyan Sharcigan, si loo helo Ciidamo tayo leh oo ay yeelato Soomaaliya. The post Guddiga difaaca BFS Oo kulan ku qabtay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha shirkadda isgaadhsiinta Telesom Cabdikariin Maxamed Iid ayaa waxaa maanta madaarka diyaaradaha ee Hargeysa loogu sameeyey soo dhaweyn ballaadhan. Guddoomiyaha Telesom ayaa dib ugu soo laabtey safar uu dhawaan ku tagay dalka South Africa halkaas oo lagu soo guddoonsiiyey abaal marin caalami ah oo uu ku guulleystay. Guddoomiyaha waxaa madaarka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan golleyaasha qaranka Somaliland ee Wakiiladda, Guurtidda, Culimo-awdiin, madax-dhaqameed, hoggaamiyaasha xisbiyada qaranka Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, maayarka magaaladda Hargeysa, xubno ka mid ah saamilayda iyo shaqaalaha shirkadda, ganacsato kala duwan iyo marti-sharaf kala oo tiro badan. Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Ceerigaabo)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalin-jabiyeen dufcaddii 4-aad (Afraad) ee ka qalin-jabisa jaamacadda Sanaag ee magaalada Ceerigaabo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Martiqaad Madaxweynaha ORAMADU U Fidiyay Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Baydhabo (Caasimada Online) – Doorashada madaxtinnimada dowlad goboleedka koonfur galbeed oo dhaceysa 5-ta bisha soo socota, waxaa isugu soo haray 6 murashax oo kala ah: Xuseen Cusmaan Xuseen, Cabdi Casis Xasan Maxamed(Lafta-Green), Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur, Ibraahim Macalin Nuur, Ambassador Sayid Axmed iyo Aadan Saran Soor. Xildhibaannada koonfur galbeed tiro ahaan waa 149, 6-dan murashax waxaa ay raadinayaan kalsoonida xildhibaannadaas, waxaana kala xulashada qeyb ka noqon-doonta ajendaha mid weliba uu wato iyo taageerada uu ka heysto gobolka. Haddaba, waxaan idiin soo gudbineynaa taariikhda raggaas iyo qof walba inta laga yaqaanno: 1. Xuseen Cusmaan Xuseen: Ajendihiisa iyo sababta uu u tarmayo weli kama hadlin, laakin waaxaa uu ahaa taliye iyo wasiir aad ugu dhow xukuumadda Federaalka ah. Waxaa khibraddiisa shaqo ka mid ahaa: Taliyaha NISA(2018), wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka(2017-2018), Xildhibaan golaha shacabka ah(2004-2016), wasiir ku-xigeenka wasaaradda beeraha(2006-2007), wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga(2004). 2. Cabdi Casis Xasan Maxamed(Lafta-Green), Waxaa lagu tiriyaa murashaxa xukuumadda federaalka ah, isaga oo iska casilay jago muhiim ah. Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta. Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda. 3. Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur: Sheekh Roobow Abuu Mansuur, waxaa uu reer Baydhabo u sheegay in ajendihiisa ugu weyn uu yahay amniga iyo inuu gobolkaas ka saari-doono Al-shabaab. Sheekh Mukhtaar, waxaa uu ka baxay xarakada Al-shabaab, dowladda federaalkana isku dhiibay August 2018-kii, xilligaas waxaa uu ahaa guddoomiye ku xigeenka xarakada Al-shabaab, waxaa uu ku jiraa aasaasayaashii Xarakada. Inta aan loo magacaabin Guddoomiye ku-xigeenka Xarakada Al-shabaab, waxaa uu muddo ahaa afhayeenka Al-shabaab, dalka Mareykanka ayaa bishii June 6, 2012-kii ku daray liis la dul dhigay lacag, iyaga oo madaxiisa dul dhigay $5 Milyan. Tillaabada Mareykanka kadib, Abuu Mansuur Roobow oo ka hadlayey masjid uu salaadda jincaha ku tukaday oo ku yaalo Buur-hakaba waxaa uu sheegay in aanu iska qari doonin Mareyaknaka, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Aw Mareykanka aniga waxaa jooga Buurhakaba, Masaajidka ayaa salaadii jimcaha ku dukaday, jimcihii hore waxaa ku dukaday Tiyeeglow”. Bilowgii Xarakada, Mukhtaar waxaa la sheegaa in Xudur iyo gobollo badan oo Koonfurta Soomaaliya ah uu ka sameeyay xerooyin dadka lagu tababaro, waxaa kale uu isaga ka mid ahaa koox tababar ku soo qaadatay dalka Afgaanistaan. Mukhtaar Robow waxaa ay isku dhaceen madaxii Al-shabaab Axmed Godane taasi oo keentay in lagu weeraro guri uu ka deganaa degmada Baraawe kadibna uu u baxsaday gobollada Bay iyo Bakool. 3dii sano ee ugu dambeysay, inta aanu isku soo dhiibin dowladda, waxaa hayey maleeshiyaad beeshiisa ah, waxaana sidoo kale muuqata in uu wada hadal la galay maamulka Koonfur Galbeed iyo dalka Mareykanka, tilaabadan looga laabtay lacagta la dul dhigay waxaa ay soo dedeji kartaa in uu dowladda federaalka ah isku dhiibo. 4. Ibraahim Macalin Nuur: Ma aha shakhsi siyaasadda lagu yaqaan, waa Sama fale, waxaa uu wax uu dhisay Isbitaalka Bay-how ee magaalada Baydhabo, hadda waa murashax u tartamaya madaxtinnimada koonfur galbeed. 5. Ambassador Sayid Axmed: Muddo dheer ayuu safiir ahaa, waxaa uu soo noqday safiirka Soomaaliya u fadhiyey dalalka Tanzania iyo Uganda, iyo xildhibaan golaha shacabka ah, hadda waa murashax u tartamaya madaxtinnimada koonfur galbeed. 6. Aadan Saran Soor: Waxaa uu ka mud ahaa hoggaamiye kooxeedyadii hore, khibraddiisa shaqo waxaa ka mid ahaa: Xildhibaan(2010), wasiirka ganacsiga iyo warshadaha (2015), kooxdii ARS( 2007-2009), wuxuu aad u diidanaa dowladdii Cabdullahi Yusuf, oo marar badan isku dhaceen Aaden Madoobe, dhismaha dowladda Cabdullahi Yusuf ka hor wuxuu ka mid ahaa guddiga fulinta ee jbahaddii RRA. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Somaliland oo ku sugan magaalada Ceerigabo ayaa maanta Booqday Cisbitaalka Wayn Ee Magaalada Ceerigabo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Addis Ababa)-Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maanta ka furmay shir ay leeyihiin mucaaradka iyo xukuumadda, waxaana looga hadlaya arrimaha ku saabsan doorashada 2020-ka ee dalkaasi ka dhici doonto. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo kulanka soo qabanqaabiyay ayaa sheegay in kulanka ay uga hadlayaan sidii doorashada caddaalad ah, xor iyo nabad ah u dhici lahayd. Shirka oo hadda socda waxaa la filayaa inay kasoo saaraan qodobada doorashada oo wax ku ool ah oo ay isku afgartaan mucaaradka iyo dowladda Itoobiya. Kulanka waxaa ka qeyb galaya ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo hoggaamiyeyaal mucaaradka ka socda. Abiy Axmed ayaa madaxda mucaaradka kala hadlaya sidii loo sii xoojin lahaa isbadallada horumarineed ee dalkaasi ka socda. Source
  9. Baladweyne ( Sh. M. Network )-Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha HirShabelle ayaa kulamo gooni gooni ah ka wada magaalada Baladweyne ee xarunta G/ Hiiraan. Kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga deegaanada HirShabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Ilo ku dhow kulamadaasi ayaa Shabelle u sheegay in Madaxweyne Waare Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubuuti uu kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweynaha HirShabelle uu booqan doono deegaano iyo degmooyin kale oo ku yaalla gobolkaasi. Shalay ayey aheyd markii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi uu hoggaaminayo ay gaareen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. The post Madaxweyne Waare Oo kulamo ka wada magaalada Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article
  10. (SLT-Muqdisho)-Guddida Golaha Aqalka Sare ee Dhex dhexaadinta Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda ayaa Ku dhawaaqay ay soo dhameeyeen dadaaladii lagu soo Afjaraayay Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah Xildhibaan ka Tirsan Aqalka sare ayaa Warbaahinta u sheegay in arintan ay ku timid Dadaal ay Sameeyeen Golaha Aqalka Sare ee Howshan Mudo ku howlanaa. Faroole ayaa ahaa Gudoomiyaha Guddi loo xil saaray soo Afjaridda Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda. Waxaa uu sheegay in Aqalka Sare ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen dadaallo ku aadan in Aqalka Sare uu qaato doorkiisa ku aadan dhameynta Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyaddda. Guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF waxaa ay soo gudbiyeen 8 cabasho oo ay ka mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada, kuwaas oo la doonayo inay wax ka qabato xukuumadda federaalka ah. Cabashooyinka ay Siman Yihiin Maamul Goboleedyada: Dedejinta dhameystirka dastuurka federaalka. Ka howlgelidda dhismaha ciidama qaranka iyo sugidda amniga. Dhismaha guddiga garsoorka qaranka iyo dib u habeynta gatsoorka. Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka. Ka heshiinta qaab dooarashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta. Xoojinta nidaamka federaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan. Mideynta qorshaha qaranka sida wax qeybsig mashaariicda iyo dhaqaalaha, iyada oo dowladda dhexe ay yeelaneyso go’aaminta meelaha ku habon, ka hirgelinta kabeyaasha dhaqaalaha iyo bulsho heer qaran Faragelin la’aanta doorashooyinka DXDF iyo kuwa dowladda dhexe Qodobadda u gaarka ah Maamul Goboleedyada Puntland: Taageeridda ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Puntland, dhinacyada mushaarooyinka, tababarrada iyo agabka. Jubbaland: Taageeridda ciidamada Daraawiishta Jubbaland, tayeytooda iyo kala howlgalka Amniga Jubbaland. Koonfur Galbeed: Kala shaqeynta Amniga, gaar ahaan wadadda isku xirta Muqdisho-Baydhabo. Galmudug: La-dhisidda ciidanka maamulka Galamudug iyo xoreynta degaannada ay Al-shabaab heystaan. Guddiga waxaa ay xukuumadda federaalka ah u soo-jeediyeen fulinta qodobada kor ku xusan, oo ah 8 qodob oo guud iyo 4 midba gooni u yahay maamul, oo ah nuxurka tabashooyinka Source
  11. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiga gaarka ah ee Aqalka sare uu u saaray xal u helidda Khalifaaka Dowladda Feferaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa maanta soo saaray warbixin iyo go’aanno la xiriira Arrimahaas. Halkan Hoose Guji si aad u Akhrisato Warbixinta. warbixin & Go’aan The post Aqalka Sare Oo go’aan ka gaaray khilaafka DFS iyo M/goboleedyada dalka appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in barqanimadii maanta kooxo hubeysan dil ay ka geysteen xaafadda Nakaruuma degmada Afgooye ee gobolkaasi. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Marxuum Cumar Mahad Cabdulle oo maamule ka ahaa Iskuulka Daarul Amal oo ku yaalla degmadaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumka lagala soo baxay Iskuulka, kadib lagu dilay meel banaankiis ah. Sidoo kale wararkaasi ayaa intaasi in Raggii ka dambeeyay dilkaasi oo ku hubeysnaa Bastoolado ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo howlgallo ka sameeyey halkaasi. Illaa iyo hadana ma jiro wax hadan oo uu maamulka degmada Afgooye ka bixiyay dilkaasi. Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac gudahood loo geysto Maamuleyaal Iskuul, iyadoona xalay degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir lagu dilay Marxuum Xuseen Maxamed Xuseen oo maamule ka ahaa Iskuul ku yaalla gudaha degmadaasi. The post Kooxo hubeysan Oo maamule Iskuul ku dishay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) ayaa waxaa uu sheegay in shirkadda Telesom ay beesha caalamka aqoonsi caalami ah ka heshay isla markaana aqoosnigii Somaliland raadineysay kaga dheeraysay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Khadka Telfoonka kula xiriiray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, iyagoo isla soo qaaday Arrimo khuseeya Labada Dal. Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa taagerada Dowladda Qatar ay ka geeysanayso dib u dhiska dalka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo laamaha dowladda. Madaxweyne Farmaajo ayaa Amiirka Qatar la wadaagay Horumarada ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ku talaabsatay muddadii la soo dhaafay.. Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa ballan qaaday in Dowladdiisu ay Soomaaliya garab taagan tahay, gacanna ka geeysan doonto kobcinta dhaqaalaha dalka, dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha nolasha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan diblumaasiyiinta labada dal sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal loona gaari lahaa iskaashi dhammaystiran oo ah dhammaan dhinacyada horumarka. The post MD Farmaajo Oo Telfoonka kula hadlay Amiirka Qatar appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Maxaas ( Sh. M. Network )-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu yimid, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgallo ka waday deegaanka Oronto ay weerar kala kulmeen Al Shabaab. Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo lala eegtay Ciidamadaasi, kadibna waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray labada dhinac. Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, iyadoona weli xaaladdu ay tahay mid kacsan. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay gaareen deegaano la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin Al Shabaab. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi. Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda ayaa howlgallo waddo furis ah ka waday gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. The post Dagaal xoogan Oo ka dhacay gobolka Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudiga Golaha Aqalka Sare ee Dhex dhexaadinta Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda ayaa Ku dhawaaqay ay soo dhameeyeen dadaaladii lagu soo Afjaraayay Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah Xildhibaan ka Tirsan Aqalka sare ayaa Warbaahinta u sheegay in arintan ay ku timid Dadaal ay Sameeyeen Golaha Aqalka Sare ee Howshan Mudo ku howlanaa. Faroole ayaa ahaa Gudoomiyaha Guddi loo xil saaray soo Afjaridda Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda. Waxaa uu sheegay in Aqalka Sare ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen dadaallo ku aadan in Aqalka Sare uu qaato doorkiisa ku aadan dhameynta Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyaddda. Guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF waxaa ay soo gudbiyeen 8 cabasho oo ay ka mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada, kuwaas oo la doonayo inay wax ka qabato xukuumadda federaalka ah. Cabashooyinka ay Siman Yihiin Maamul Goboleedyada: Dedejinta dhameystirka dastuurka federaalka. Ka howlgelidda dhismaha ciidama qaranka iyo sugidda amniga. Dhismaha guddiga garsoorka qaranka iyo dib u habeynta gatsoorka. Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka. Ka heshiinta qaab dooarashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta. Xoojinta nidaamka federaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan. Mideynta qorshaha qaranka sida wax qeybsig mashaariicda iyo dhaqaalaha, iyada oo dowladda dhexe ay yeelaneyso go’aaminta meelaha ku habon, ka hirgelinta kabeyaasha dhaqaalaha iyo bulsho heer qaran Faragelin la’aanta doorashooyinka DXDF iyo kuwa dowladda dhexe Qodobadda u gaarka ah Maamul Goboleedyada Puntland: Taageeridda ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Puntland, dhinacyada mushaarooyinka, tababarrada iyo agabka. Jubbaland: Taageeridda ciidamada Daraawiishta Jubbaland, tayeytooda iyo kala howlgalka Amniga Jubbaland. Koonfur Galbeed: Kala shaqeynta Amniga, gaar ahaan wadadda isku xirta Muqdisho-Baydhabo. Galmudug: La-dhisidda ciidanka maamulka Galamudug iyo xoreynta degaannada ay Al-shabaab heystaan. Guddiga waxaa ay xukuumadda federaalka ah u soo-jeediyeen fulinta qodobada kor ku xusan, oo ah 8 qodob oo guud iyo 4 midba gooni u yahay maamul, oo ah nuxurka tabashooyinka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku xigeenka labad ee xisbiga KULMIYE Md Axmed Cabdi Dheere ayaa waxaa uu shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom uu ku ammaanay horumar ballaadhan oo uu sheegay in ay ku tallaabsatey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan wuxuu Alshabaab Kaga biiray degmada Saakow sanadii 2013. Waxa uu sheegay in uu qaabilsanaa qaybta ku qaadda weerarada fariisimaha ciiidamada ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha Hoose . Waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in uu taba-bar ku qaatay muddo Afar bilood ah qoryaha AK, BKM iyo RBG oo lagu baray xero ay ula baxeen Cuteybah. Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim ayaa codsaday kamid ahaanshiyaha qeyb ay ugu yeeraan Amniyaadka kuwaasi oo loogu tala galay in ay gaadmo ku dilaan dadka indhaha u ah bulshada, waxa uu sheegay in Alshabaab ay ka aqbaleen sidaasna loogu qaaday taba-bar lagu baranayo dilka gaadmada ah deegaanka Kuunya-barow. Waxa uu raaciyay in uu qorsheynayay in uu dilo Askari katirsan ciidamada, isaga oo qorshihiisa wata oo aysan u suura gelin xaqiijinta qofka uu raadinayay ayay ciidmada amniga ka qabteen Isgoyska Shaqaalaha ee gobalka Banaadir 20-may 2018. Sababta uu u doortay amniyaadka ayuu ku sheegay in aysan ka aheyn fikir balse uu doorbiday sida uu sheegay dhaqaala badan oo lagu bixiyo kuwa gaadmada wax ku dilo oo ay Alshabaab u yaqaanaan Amniyaadka. 12-11 ee sanadkan ayay xafiiska xeer ilaalinta ciidamada codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad qaadista eedeysanayaal Cali Aadan Cabduulaahi, C/casiis Idriis Sheikh Cali, Cabdullaai Subeyr Cumar iyo Cabaas Idriis Sheikh Cali. Maxkamadda ayaa aqbashay 20-11 ee sanadkan in la qaado kiiska ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta. Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka. Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ka gaaray kiiska maalintan, waxa ayna Maxkamadda ku kala xukuntay 1- Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah halka sidoo kale ay Maxkamadda sii deysay a- Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali b- Cabdullaahi Subeyr cumar iyo C- cabaas idiris sheekh cali kadib markii ay ku waysay wax dambi ah , Sida uu u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada. Xukunsaha koowaad ayaa heysta fursad kale uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidaamda Qalabka Sida. The post Maxkamadda CQS Oo xukuntay nin ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaarida ah ee UICD Eng Faysal Cali Waraabe ayaa shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ku aammanay horumar ballaadhan oo uu sheegay inay ku tallaabsatey, isla markaana ku baaqay in lagu deydo. Faysal ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay joojiso kootada ay ganacsigii isgaadhsiinta shirkado gaar ah ugu xidhay isla markaana ay haboon tahay in tartan loo galo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka mid ah culimada waa weyn ee reer Somaliland oo maanta ka hadlaayey madal lagu soo dhaweynaayey guddoomiyaha shirkadda Telesom Telesom Cabdikariin Maxamed Iid Oo guulaystay Abaalmarinta hoggaamiyaha Ugu Wanaagsan shirkadahaIsgaadhsiinta, oo maanta dalka dib ugu soo laabtey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Muqdisho ( Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-27112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article