-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka UK ee Arrimaha Afrika, Harriet Baldwin oo booqasho ku timid Somalia ayaa ay si kulul uga hadashay Khilaafka Siyaasadeedka u dhaxeeya Madaxda Qaranka Iyo kuwa maamul goboleedyada. Harriet Baldwin, ayaa sheegtay in khilaafka labada dhinac uu yahay mid hoos u dhigaaya dadaalada lagu hormarin lahaa Somalia. Harriet Baldwin, waxa ay tilmaantay inay aad uga xun tahay in Khilaaf ceynkaasi ah uu soo kala dhexgalo Madaxda Qaranka iyo maamulada, waxa ayna ka digtay in xal loo waayo khilaafka. Harriet Baldwin, waxa ay sheegtay in Saddex Boqol oo sano kahor ay dhexdooda uu ka jira khilaaf, isla markaana ay dooneyso inay la qeybsato khibrada ay u leedahaay marka loo eego dalkeeda iyo sida loo xaliyay, waxa ayna tilmaantay in adduunka ay ahmiyad gaara u leedahay midowga Somalia. Harriet Baldwin, oo walaac ka muujisay Khilaafka ayaa ku talisay in wax walba iyo tabashooyinka jira lagu xaliyo miiska wadahadalka. “Khilaaf waxa uu ku imaada si fudud waxaa aad u adkaata in xal loo helo khilaaf, walaaca aan ka muujineyno khilaafka bedelkiisa waxaanu dalbaneynaa in xal loo raadiyo” Waxa ay Harriet Baldwin sheegtay inay ku baaqeyso in leysla fahmo khilaafka jira iyo xalkiisa isla markaana laga wada hadlo iyadoo dib loo eegayo maslaxada shacabka. Sidoo kale, waxa ay bidhaamisay in khilaafyada ceynkaasi ah ay hakiyaan dhamaan shaqooyinka muhiimka ah, balse waxa ay qirtay in Madaxda dalka ay uga danbeyn doonaan arrimaha Somalia. Dhinaca kale, Harriet Baldwin ayaa mar kale ku baaqday in xal loo helo walaaca ay ka qabaan khilaafka u dhexeeya dowlada iyo maamulada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin laga diyaariyay weerarada argagixiso ee ka dhaca caalamka ayaa waxaa lagu muujiyay in hoos u dhac uu ku imaaday kadib markii la wiiqay awoodaha Kooxaha Argagixiso. Warbixinta oo si wad jira ay usoo saaren Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in la wiiqay awoodaha Kooxaha argagixiso 3-dii sano ee la soo dhaafay. Waxaa lagu sheegay warbixinta in weeraradii dhacay sanadii 2017kii ay 23% ka yaryihiin kuwii dhacay sanadkii ka horeeyay ee 2016kii. Warbixin lagu qoray bogga Europeansting ayaa waxaa lagu sheegay in Sanadkii 2017 ay dhaceen 8,584 weerar oo heer caalami ah marka la bar bar dhigo sanadkii 2016ki oo ay dhaceen 11,150 oo weerar ah,waxa ayna dhimashada ka yartahay 7,000 oo qof. Waxaa warbixinta lagu qeexay in weeraradaas ay ka kala dhaceen ilaa 100 dal oo kala duwan balse kuwooda ugu khasaaraha badnaa ayaa si gaara uga dhacay wadamada kala ah Ciraaq, Afghanistan, Hindiya, Pakistan iyo Philippines. Shanta dal ee kor ku xusan isla markaana ay ka dhaceen weerarada ugu badan ayaa ah 59% weerarradii la fuliyay sanadii 2017kii. Waxaa lagu sheegay warbixinta in dalalka ugu badan oo ay ka dhacday dhimashada ay kala yihiin; Afghanistan, Ciraaq, Nigeria, Somalia iyo Syria. Sidoo kale, warbixinta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in weerarada ugu badan ay geysteen Xagjiriinta Daacish, hase yeeshee waxaa awoodooda lagu wiiqay dagaaladii adkaa ee ka dhacay Ciraaq iyo Syria. Weerarada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalada Daacish ayaa sanadkii 2017kii hoos u dhacay haddana waxaa jira dalal ay aad u kordheen weerarrada iyo dhimashadaba waxaana ka mid ah; Masar oo ay dhimashada korodhay 124%, Soomaaliya oo ah 100%, iyo Philippines oo ah 20%. Si kastaba ha ahaatee, waxaa leysku raacay in hoos u dhac weyn uu ku imaaday howlgalada argagixiso ee qalqal galiyay adduunka.
-
Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysnaa ay weerar ku qaaden gaari ay la socdeen dad shacab ah. Dadka la socday gaariga la weeraray ayaa xiligaasi kusii jeeday magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug, iyadoo weerarka uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku geeriyootay, Afar kalena way ku dhaawacmeen, waxa uuna xiligaa gaariga maraayay wadada u dhaxeysa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo. Weerarka gaariga ayaa yimid kadib markii ay darawalka gaariga ku amreen inuu istaago, balse amarka uu ka dhego adeegay. Saraakiisha Amaanka Galmudug ayaan wali ka hadal weerarka lagu qaaday gaariga iyo dadka ay waxyeeladu soo gaartay. Si kastaba ha ahaatee, deegaanka lagu weeraray gaariga ayaa waxaa waayadan isku hayay laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kuwaasi oo ku heshiin waayay dhul daaqsimeed. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Markii ay dowladda federaalka ku dhawaaqday inay kasoo horjeeddo musharaxnimada Mukhtaar Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaa billowday dood lagu taageerayo ayada oo qiil laga dhigayo in xubno horey Al-Shabaab uga tirsanaa ama ku dhowaa ay xilal hayaan iminka. Waxaa tusaale loo soo qaatay Sheekh Shariif, oo madaxweyne soo noqday, Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha Jubbaland, iyo Zakariye Ismaaciil Xersi oo ah madaxa sirdoonka NISA. Waxaan rabaa inaan si gaar ah ugu eego qormadan sababta Zakariye iyo Roobow aysan isku mid u ahayn, islamarkaana Zakariye loo aamini karo, oo aan loo aamini karin Roobow. 1 – Zakariye ma qasbaneyn – Markii uu Zakariye dhowr snao ka hor kasoo goostay Al-Shabaab, oo uu dowladda isku soo dhiibay, wuxuu sidaas ku sameeyey doorashadiisa, iyo inuu ogaaday in Al-Shabaab aysan dan u ahayn dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Ma jirin cadaadis saarnaa oo go’aankaas ku qasbay. Hase yeeshee Roobow, wuxuu kasoo baxsaday Al-Shabaab ama laga bad-badiyey, ayada oo naftiisa ay halis ku jirto, oo u baahan dowladda. Inkasta oo Al-Shabaab ay is-khilaafeen, haddana muddo ayuu iskiis u ahaa argagixiso, oo ma dooran inuu dowladda isku dhiibo. 2 – Zakariye waa is-caddeeyey – Zakariye markii uu dowladda usoo goostay, wuxuu si cad u cambaareeyey Al-Shabaab, una sheegay inuu ka baxay. Sidoo kale wuxuu cambaareeyey falalka argagixiso. Roobow warkiisa wuxuu u ekaa nin laba qalbiyeyn ay ku jirto. Xitaa inuu isa soo dhiibay ma sheegin, ee wuxuu yiri “Dowladda wada-hadal ayaa na dhex-maray”, ilaa hadda Roobow ma cambaareyn falalka argagixisanimo. 3 – Zakariye waqti ayuu sugayey – Ka hor inta aan xilka madax sirdoonka NISA laga dhigin, Zakariye sanado badan ayuu dowladda la shaqeynayey. Wuxuu dalka ku biiriyey macluumaad badan oo Al-Shabaab ku saabsan, oo nolol badan ay ku bad-baaday. Waxaa gudbay waqti badan oo dowladdu ku ogaatay inuu daacad yahay. Roobow sanad ka yar ayaa kasoo wareegtay markii uu soo goostay welina lama yaqaan waxa u qarsan. 4 – Zakariye wuxuu ku dhex-jiraa DF – Zakariye, waxa uu ku dhex jiraa dowladda, oo dhinac ugama baxsana, wayna fududahay in la ogaado, xitaa haddii qaladaad laga arko, balse Roobow wuxuu doonayaa inuu maamulo 3 gobol oo Al-Shabaab ay ku xooggan yihiin. Bal qiyaas, hadduu madaxweyne noqdo, oo saddexda gobo gobol ee Baay, Bakool, iyo Shabeellaha Hoose uu hoos geeyo Al-Shabaab. Sidaas darteed Roobow iyo Zakariye isku mid maaha, qiilna loogama dhigi karo in Roobow lagu aamino saddex gobol. W/Q Saciid Axmed Cabdullahi London, United Kingdom Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filaa inuu maalmaha soo socda ogolaado hindise cusub oo noqon-doona Istaraatiijiyad ay Mareykanku ku Maal-geshtaan qaaradda Afrika. Qorshahan Maalgeshiga Mareykanka ee Afrika, waxaa dejiyey shakhsiyaad ku jira Congress-ka, qorshaha ayaa ah mid lagula dagaalayo saameynta dhaqaale iyo mid siyaasadeed ee Shiinaha ka wado qaaradda Afrika gaar ahaan dalalka ka hooseeya saxaraha. Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda oo Saxaafadda la hadlay waxaa uu yiri “Qorshahan waxaa uu badal wanaagsan u yahay maalgeshiga Shiinaha”. Qorshahan maalgeshiga Mareykanka oo loogu magac daray “Adeegsiga wanaagsan ee maalgeshi keena horumar”, waxaa ku baxaya $60 billion. Dalalka Afrika ee ka faa’ideysanaya maalgeshiga Mareykanka waxaa ka mid ah dalalka bariga Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ilaa 5 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar ay malayshiyaad hubaysan ku qaadeen gaari marayay wadada xiriirisa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ee gobolka Mudug. Gaariga la weeraray oo ay la socdeen dad shacab ah ayaa ka yimid dhinaca degmada Hoboyo,waxaana sida la sheegay dhabbaha u galay koox hubaysan oo aan ilaa iyo haatan haybtooda la garan. Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii weerarka geysatay ay goobta isaga baxsadeen. Sidoo kale maydadka dadkii halkaasi ku dhintay ayaa la soo gaarsiiyay isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wixii ka soo kordha kala soco: Puntland post The post Ilaa 5 ruux oo ku dhintay weerar ka dhacay Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay cabasho xooggan kaga muujiyeen amni darro baahsan. Waxa ay sheegeen in canshuur badan ay bixiyaan, hadane aanay jirin cid wax ka qabata cabashadood, maadaama dhibaato lagu hayo. Xilliyada galabkii ayeey sheegeen in suuqa ay soo galaan rag hubeysan oo dhacaya shacabka iyo ganacsatada, walibana dhibaato ku haya dadka. Dowladda ayeey ku dhaliileen iney ka gaabisay wax ka qabashada ammaanka guud ee suuqa Bakaaraha. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/GNACSATTDA-BAKAARO-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannadii mooshinka ka keenay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dib uga laabtay mooshinkooda, kadib markii wadahadal uu dhexmaray xildhibaannadan iyo madaxweynaha. Munaasabad xalay ka dhacday magaalada Jowhar, ayaa lagu shaaciyey in mooshinkaasi laga heshiiyey, islamarkaana dib uga laabashadiisa ay kaalin weyn ka qaadatay dowladda federaalka. Cismaan Barre Maxamed, guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in mooshinkaan uu ahaa canaan oo kaliya, loona baahan yahay in uu madaxweynaha iska saxo haddii ay qaladaad jiraan. Mooshinkan ayaa mudadii uu jiray waxa uu caqabad weyn geliyey howlihii shaqo ee maamulka Hirshabelle. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Hirshabelle.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xubno ka tirsan xildhabaannada Baarlamanka Hirshabeelle ayaa xalay shaaciyay in ay ka laabteen mooshin ay ka gudbiyeen madaxweynaha maamulkaasi,Maxamed Cabdi Waare. Xildhibaannada ayaa ka hor inta aysan go’aankooda ka laaban,waxay kulan albaabafu u xidhan yihiin madaxtooyada kula qaateen madaxweyne Waare. Markii kulankaasi soo dhammaaday ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed wuxuu halkasi kaga dhawaaqay in xubnihii mooshinka keenay ay ka noqdeen,isagoo ku ammaanay in ay shaqadooda gudanayaan. Madaxweynaha Hirshabelle,Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa goobta ka sheegay in mooshinka laga keenay u canaan ahaan u qaadanayo,islamarkaana uu dib u saxayo waxyaabaha lagu dhaliilsanyahay. Xildhibaannada mooshinka gudbiyay ee haatan sheegay in ay ka laabteen oo gaaraya ilaa 50 mudane,ayaa madaxweynaha Hirshabeelle ku eedaynayay xil gudasho la’aan joogta ah iyo in hay’adihii xukuumaddu fadhiid noqdeen. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno mooshin ka keenay Waare oo ka laabtay appeared first on Puntland Post.
-
Islamic State a threat seven years after we went to Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
October 2018 marks seven years since the Kenya Defence Forces (KDF) crossed the border into Southern Somalia on October 16, 2011 in pursuit of the al-Qaeda affiliated Al-Shabaab group, which had kidnapped foreign tourists and aid workers inside Kenya. Source: Hiiraan Online -
Kylian Mbappe tore Lyon to shreds on Sunday with four goals as a 5-0 thrashing at the Parc des Princes saw Paris Saint-Germain set a new French top-flight record of nine straight wins to start a season. Source: Hiiraan Online
-
The world stands on the brink of failure when it comes to holding global warming to moderate levels, and nations will need to take “unprecedented” actions to cut their carbon emissions over the next decade, according to a landmark report by the top scientific body studying climate change. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) – The Al-Qaeda linked al-Shabab group warned the Somalia’s independent education umbrellas against direct collaboration with the government which is struggling to shake up the country’s education system wrecked by decades of conflict in its efforts to introduce the country’s new education curriculum across the country. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka daraasaadka amniga ee Hiraal ayaa soo bandhigay warbixin xog badan ka bixisay madaxda kooxda Daacish ee dalka Soomaaliya iyio beelaha ay kasoo jeedaan. Haddaba magacyada hoos ka aqriso. Sheikh Cabdulqadir Muumin waa hoggaamiye hore al-Shabaab ee Waqooyi Bari Soomaaliya. Waxa uu oday dhaqameed u yahay beesha Cali Saleebaan, Majeerteen, Daarood waxa uu si weyn u abaabulay hoggaanka DAACISH isaga oo adeegsanaya qaab dhaqan qabiil. Inta badan saraakiishiisa waa weyn waxa ay ka soo jeedaan Cali Saleebaan/Daarood, walow uu Muumin uu isku dayey in uu ku soo daro shaqsiyaad ka soo jeeda bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin qabiilada Mogadishu Clan, kuwaas oo ku badan Al Shabaab. Muumin waxa uu haystaa laba dhalasho oo ay midi tahay UK waxa uuna ku biiray Al Shabaab 2010kii. Waxaa jirta xan sheegeysa in uu xanuunsan yahay. – Mahad Macaim Jajab (Oo Sidoo kale loo yaqaan Caaw Geele), waa hoggaamiyihii hore Dacwada ee AL-SHABAAB, waana ku xigeenka Amiirka. Sida Muumin, waxa uu ka soo jeeda Cali Saleebaan, Majeerteen/Daarood. Sida laga soo xiganayo Mareykanka oo ku daray liiska argagixisada caalamka bishii Febraayo. 2018 waxa uu ahaa mas’uul ka ahaa in uu maraakiib ka caawiyey dagaalyahanno iyo Hub Soomaaliya ka soo galay Yaman. Waxa uu ka soo goostay Al Shabaab bishii December 2015 markaas oo uu ahaa ku xigeenka dhaqaalaha AL-SHABAAB buuraha Golis. Waxa uu saldhiggiisu yahay gobolka Bari. – Cabdiraxmaan Faahiye – oo sidoo kale loo yaqaan (Axmed Aadan, Khaalid, Yacquub iyo Burane), waa Ciise Maxamuud/Majeerteen. Waxaa sidoo kale la warinayaa in uu yahay ku xigeenka Muumin. Waxa uu ka dambeeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Bosaaso ka dhacay bishii Maajo 2017. Waxa uu ka soo jeeda Dishiishe, Daarood. – Abuu Yusuuf, sidoo kale waa Majeerteen/Daarood waana muwaadin Mareykan ah, waxa uu qaabilsan yahay arrimaha dibedda. – Cabdixakiim Dhuqub, waxa uu hore u ahaa macallin School iyo hoggaamiye Al Shabaab oo gobolka Bari ah. Waxa uu ahaa isku xiraya Al Shabaab iyo koox si gaar ah dagaal yahanada u soo daabusha ilaa iyo 2014/2015. Waa jufada Ismaaciil Cali, Cali Saleebaan, Majeerteen/Daarood waana Ina adeerka Muumin. Dhuqub waa madaxa arrimaha siyaasadda ee DAACISH. – Xamse Farey waa madaxa Dacwada, waxa uuna ka bedelay Mahad Macallin. Waa Majeerteen/Daarood. – Macallin Bashiir oo sidoo kale loo yaqaan (Cabdullaah Buur) waa Majeerteen/Daarood waxaana sidoo kale la wariyey in uu ahaa madaxa Dacwada ee ISIS. -Cabdiqani Luqmaan waa madaxa hawlgaladda Militariga. Waa midkood Cali Saleebaan ama Leelkase. – Abu Xafsa waa Gaaljecel/Mogadishu Clan waana ku xigeenka Luqmaan. Waxaa da’diisa lagu qiyaasaa 30 jir waxa uuna xubin ka ahaa Al Shabaab-ta gobolka Hiiraan. Waxaa ka qabaa in uu yahay diiwaan galiyaha dagaal yahanada Koonfurta Soomaaliya oo uu kala shaqeeyo in loo yaqaan Jabal. – Fahad Aboole waa Ogaadeen/Darood waana madaxa saadka ISIS. – Xamsa waa abaanduule ciidan, waa Xawaadle/Mogadishu Clan. – Jacfar Dabashan waa abaanduule Ciidan. Waa Cismaan Maxamuud/Majeerteen/Daarood. – Cabdirashiid oo loo yaqaan sidoo kale (Mukhtaar), waa madaxa haynta hubka waxa uuna xiriir la leeyahay kooxaha sida sharcu daradda ah ku soo galiya ee ka shaqeeya gobolka Waqooyi Barri (Cauluula iyo Qandala). Waxaa sidoo kale la aaminsan yahay in uu madax u yahay amniyaadka (Waaxda sirdoonka iyo mukhaabaraadka). -Xubnaha kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah Cabdiwali Maxamed Aw Yusuf “Walah” Waa Jifida Ismaaciil Cali, Cali Saleebaan/Majeerteen/Daarood; Abshir Maxamuud Mire Maxamuud oo sidoo kale loo yaqaan (Abshir Gardheere); Jaamac Ismaaciil Said Saalax oo sidoo kale loo yaqaan (Jaamac Dheere); Axmed Cumar Cali “Beerdhagax” (Waxaa looga shakinsan yaahy in uu hubka keeno); Cabdiraxmaan Yusuf Maxamuud Aadan; iyo Maxamed Bile Gash Yuusuf.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurka ee dowladda Federaal-ka Soomaaliya Cabdi Xoosh ayaa si kaftan ah banaanka ku soo dhigay xubnaha ugu saameynta badan ee xildhibaanada ah eek u jira xukumadda Nabad Iyo Nolol. Xoosh oo badanaa adeegsada cauyaaraha ayaa ku tilmaamay Wasiir ka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Xassan in uu yahay Maxamed Saalax-ha Nabad iyo Nolol, xilli uu ugu hambalyeynayey kursigii Barlamaanka ee uu maanta ku soo guuleystay. Sidoo kale, waxa uu Lionel Messi ku tilmaamay Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Baare, halka uu Sheekh Nuur ku tilmaamay Neymar. Dhinaca kale isaga oo sii wada sifeynta xubnaha waa weyn ee Nabad iyo Nolol, waxa uu Cabdifataax Ibraahim Geeseey ku tilmaamay Ronaldo, halka uu Luka Modric ka dhigay Aadan Isaaq, oo ah wasiir ku xigeenka warfaafinta. Halkaas kuma joogsan, Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada, Khadiijo Diiriye ayuu ku tilmaamay Eden Hazarda- iyo macallinka kooxda Nabad iyo Nolol! Wasiir Cabdi Xoosh waxa uu ka mid yahay wasiiradda ugu saameynta badan ee dowladda Federaal-ka Soomaaliya.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal shir ku qaban lahaa Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo shalay Garoowe loogu doortay xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, balse maamulka Puntland ayaa ka joojiyay. Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb geli lahaa Guddoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo Wasiir kasoo noqday Jubbaland, balse hadda ah la-taliyaha Ra’iisul Wasaare Kheyre. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ku sheegay sababta ay u joojiyeen shirkaas in weli xiriirkii Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid go’an oo aan wanaagsaneyn, sidaas darteed aysan aqbali karin in dowladda ka howl-gasho deegaanada Puntland. Kulanka oo uu ka qeyb geli lahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa waxa uu ahaa mid ay su’aalo ku weydiin lahaayeen ardayda jaamacadaha Puntland, iyada oo lagu qaban lahaa Jaamacada PSU. Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan weli dhankiisa kama hadlin go’aanka Puntland ay ku joojisay kulankaas, mana cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya Wasiirada ka tirsan Xukuumada Somalia ee kuraasta Xildhibaanimo ka helaaya Golaha Shacabka. Wasiirada ka tirsan Xukuumada Somalia ee aan qeybta ka aheyn Baarlamaanka Somalia ayaa bilaabay baadi-goobka Kuraasta Golaha Shacabka, si ay uga gaashantaan Xildhibaanada Mucaaradka. Wasiirada Xukuumada Somalia ee uu Hoggaamiyo Ra’isul wasaare Kheyre, ayaa Seddex meelood laba meel iyo bar xiligaani ka tirsan Baarlamaanka Somalia, iyadoo ay Xukuumadu sifeyneyso Wasiirada aan xubinta ka aheyn Baarlamaanka Somalia. Wasiiro ku-xigeenada oo ay ku jiraan Xildhibaano ayaa qudhooda sii kordhinaaya tirada Wasiirada, balse warbixinteena ayaan diirada ku saareynaa keliya Wasiirada Xildhibaanada ah. Qorshooyinka ay Xukuumada ka leedahay in kuraas Xildhibaanimo ay helaan Wasiirada aan qeybta ka aheyn Baarlamaanka ayaa ah mid lagu wiiqayo awooda Xisbiyada Mucaaradka ee codadka ku dhex leh Baarlamaanka. Wasiirka Qorshaynta Somalia Jamaal Maxamed Xasan ayaa ugu danbeeyay Wasiirada sida sahlan uga midka noqday Golaha Shacabka waxaana qadka kusoo jira Wasiiro kale oo ku biiri doona Baarlamaanka. Wasiirada ka tirsan Xukuumada Somalia ee iminka qeybta ka ah Golaha Shacabka ayaa dhan 17 Wasiir oo aysan ku jirin Wasiir ku-xigeenada oo qaarkood Xildhibaano ah. 1- Wasirka Maaliyada. 2- Wasirka Qorsheynta. 3-Wasirka Gashandhiga. 4-Wasirka Amniga gudaha. 5-Wasirka Diinta iyo Awqafta 6-Wasirka waxbarashada 7-Wasirka Ganacsiga iyo warahadaha 8-Wasirks Kalumeysiga iyo Kheyradka Badda 9-Wasirka Dekadaha iyo Gadiidka badda 10-Wasirka Beeraha 11-Wasirka Gargaarka iyo ka hortaga Musiboyinka 12-Wasirka Xanaanada Xolaha 13-Wasirka Biyaha iyo Korontada. 14-Wasirka Batrolka iyo macdanta. 15-Wasirka Howlaha Guud iyo Guriyenta. 16-Wasirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada. 17-Wasirka Dhalinyarada iyo Isboortiga. Wasiirada kor ku xusan ayaa gabi ahaan xubno ka ah Baarlamaanka Somalia, waxa ayna ku tiirsan yihiin Wasaaradaha ugu tayada badan. Dhinaca kale, waxaa jira Wasiir ku-xigeeno iyo Wasir Dowlayaal iyagana ka tirsan Golaha BFS kuwaa oo ka tira badan 17-ka Wasiir ee aan kor kusoo xusnay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hanjabay inuu abaabuli doono shir beeleed, mar haddii aanay doorashadii baarlamaanku wakhtigeeda ku qabsoomayn. Faysal oo hadal ka jeediyay madal uu nin murashax ahi ku soo bandhigay hankiisa murashaxnimo, wuxuu sheegay in dalku marayo xaalad adag, waxaanu dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Biixi, isagoo ugu horayn ka hadlaya doorashada baarlamaanka oo aan muuqan wuxuu yidhi “Maanta doorasho ma soo muuqato, wax doorasho ah oo madaxtooyada iyo baarlamaanka ka socotaa ma jirto, baarlamaanka maanta jooga shan sano ayaa la doortay; adduunka ma jiro wakhtigiisu ka dhammaadaa hadda 13 sano ayay joogaan, waa la iska daayay sheeko doorasho.” Isagoo ka hadlaya wada hadaladii burburay ee xisbiyada wuxuu yidhi “Markaan xajka ka nimdi ayaan bilaabay inaan dadka isu keeno, Waddani ayaan u tagnay, madaxweynaha odayaal ayaan u diray oo idhi balan ka soo qabta saddexda xisbi ah way ka soo qabteen, Waddani ayaanu haddana u tagnay waar idinkuna ka baxa hala kala diro komishanka ayaanu ku nidhi, iyaguna [KULMIYE] ha ogolaadaan in sagaal laga dhigo, waanu u sheegnay saddexda xisbi, anaga iyo kulmiye ayaa saddex jeer shirnay way ka soo dhaqaaqi waayeen dhexdhexaadintaan keenayna way diideen, tii Waddanina way diideen, doraad ayuu hadalkii naga xidhmay.” Faysal Cali Waraabe, wuxuu yidhi “Dalkani laba qodob ayuu ku socday oo adduunka laga iibin jirnay nabadgelyo iyo dimuqraadiyad is bed-bedelaysa, labaduba maanta khatar ayay ku jiraan oo waa taas oo qabiil ayaa loo baxay oo jabhado ayaa la samaystay, dimuqraadiyadiina waa taas oo biriiga loogu joogsaday” Waxa uu intaas ku daray “Haddii madaxweyne Biixi uu rayigii qaatay ee Rayaale aan ka diidnay oo la yidhi adaa u badan baarlamaanka ee halaguu fadhiyo ma fadhiyayo, baarlamaankuna ma fadhiyo Muusena ma fadhiyayo, shir beeleed ayuun baan ku dhawaaqaynaa, haddii asxaabtii la baabiiyay oo doorasho dhici weydo dalku wuu baa’abayaa, maalin aynu ka xunahay ma jirto, Waxaanu islahayn Muuse 27 kii sannadood ayuu koray qaladaadka ayuu ka faa’iidaysan doonaa oo wadadii lagu jabay ayuu ka leexan doonaa hadduuse tii maray annagu u dulqaadan mayno.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday howlgalo lagu baadi-goobayo Askar ka tirsan ciidamada Kenya kuwaa oo aan lagu heyn nolol iyo geeri. Askartan ayey dowlada Kenya sheegtay in lagu waayay weeraro iyo dagaalo toosa oo ay la galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ka dhex dagaalanta Somalia iyo Kenya. Howlgalka lagu raadinaayo Askarta oo ay ku dhawaaqday Wasaaradda Difaaca Dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la helo meel loo raaco Askartaas. Qoraalka ay Wasaarada ku amreyso raadinta Askarta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Askartaas oo gaaraya Saddex la waayay 24kii July 2011kii, xilligaas oo ay wadeen sahay. Askartaasi ayaa xiliga ugu war danbeysay dowlada Kenya sahay u siday ciidanka Kenya ee jooga sohdinta Somalia, waxaana la cadeeyay inay ka lumen Jihada isla markaana 60km gudaha u galeen Somalia. Wasaarada Difaaca Kenya ayaa Saddexda Askari magacyadooda ku kala sheegtay:- 1- Said Abdulaziz Haji, oo ahaa Darawalka gaariga. 2-Jonathan Kipkosgei Kangogo. 3-Evans Mutoro oo isna ahaa Saad wadayaasha. Kenya ayaa rumeysan in Seddexdaasi Askari ay gacanta u galeen ciidankii dowladdii KMG ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Darawalka oo Soomaali ahaa ayaa go’aansaday in uu la joogo Ciidanka Soomaaliya,waxaana labada Askari kale ee Kenyaanka ah ay go’aansadeen in ay baxsadaan sidaas ayeyna ku dhuunteen. Wasiirkii hore ee Amniga gudaha Kenya Joseph Nkaiserry,ayaa sheegay in Siciid C/Casiis ay Dowladda Soomaaliya isaga iyo Gaarigiisiiba ku wareejisay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya, labadii Askari ee kalena ay sidaas ku maqanyihiin. 2013kii Al-shabab ayaa sheegtay in ay dishay Kangogo,kaddib markii Dowladda Kenya ay dib uga dhacday muddo ay u qabatay in ay Ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya. Waxaana ilaa hadda aan nolol iyo geeri lagu heyn Askarigii kale ee la baxsaday mr Kangogo,waxaana dowladda Kenya ay raadineysaa halka uu ku dambeeyo. Dhinaca kale, Kenya ma rumeysno in Al-Shabaab ay si sahlan ku dili karto Askarteeda, waxaana jiray dhaqaale qoondo ah oo Kenya ay siin jirtay Al-Shabaab taa oo markii la jaray ay maleeshiyadu bilaabeen inay weeraro ku qaadan Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com