-
Content Count
215,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan baarlamaanka Ingiriiska hortiisa ka sheegay inuu qabo cudurka AIDS-ka Xildhibaan Lloyd Russell-Moyl Mudane ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inuu qabo cudurka HIV-ga, xilli uu aqalka ka doodayay arrin ku saabsan caafimaadka dadweynaha. Lloyd Russell-Moyle, oo ah xildhibaanka xisbiga shaqaalaha ee laga soo doortay degmada Brighton Kemptown, ayaa noqday mudanihii ugu horreeyay ee xaaladdiisa ku saabsan cudurka HIV-ga uga dhawaaqa gudaha baarlamaanka hoose, wuxuuna noqday xildhibaankii labaad ee sheega inuu la nool yahay xanuunkaas. Wuxuu sheegay inuu dareemay sidii inuu ku khasbanaa ka hadalka arrin isaga shakhsi ahaan u saameysay. Mr Russell-Moyle ayaa ku boorriyay wasiirrada iney dib u eegis ku sameeyaan go’aanka wax looga dhimayo miisaaniyadda loogu tala galay caafimaadka dhinaca galmada. Wuxuu xildhibaannada aqalka hoose u sheegay in sannadka soo socda uu u noqon doono sannadkiisii 10-aad ee uu la noolyahay cudurka HIV-ga. “Marki aan ogaanayay inaan xanuunkaas qabo waxay igu ahayd “argagax dhab ah” laakiin ma aysan ahayn dhammaadkii dunida, inkastoo dhowr ilbiriqsi ay sidaas kula noqoneyso” ayuu yiri Mr Russell-Moyle, oo 32 sano jir ah. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Wuxuu ahaa safar dheer, laga soo billaabo markii aan niyad ahaan u aqbali waayay ilaa maanta oo aan ahay qof u dooda dadka xanuunkaas qaba, anigoo og in daaweynta la ii sameeyo ay gacan weyn ka geysato xaaladdeyda caafimaad, taasoo sidoo kale ilaalisa qof walba oo lamaane ila noqda”. Xildhibaanka ayaa sidoo kale la hadlay dadka xanuunkiisa oo kale qaba: “Ugu dambeyn waxaan rabay iney ii suurta gasho inaan halkan soo istaago una sheego dadka kale ee la nool HIV-ga in cudurkooda uusan astaan u ahayn”. “Waxaan gaari karnaa heer walba oo aan dooneyno, dadka ka cabsanaya iney cudurka iska baaraan iyagana waxaan leeyahay, waxaa habboon inaad la noolaato wax aad ogtahay intii aad la dhiman lahayd cabsi”. Xildhibaankan ayaa sheegay in ku dhawaaqista arrintiisa uu doortay inuu ku soo beego maalinta Aids-ka adduunka oo ku asteysan Sabtida. Sannadkii 2005-tii ayuu xildhibaan ka tirsanaa xisbiga shaqaalaha oo lagu magacaabo Chris Smith ku shaaciyay wargeys inuu muddo 17 sano ah qabay cudurka HIV-Adids-ka. Qaran News
-
Hobyo ( Sh. M. Network )-Ciidamada amaanka ee maamulka Galmudug ayaa maanta howlgallo ka sameeyay gudaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaraan ayaa waxaa la sheegay in laga sameeyay xaafado ka tirsan degmadaasi. Ujeedka howlgalladan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka, loogana hortagayay falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi. Xiriiro aan la sameynay saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan baaritaanadaasi. Muddooyinkii dambe Ciidamada maamulka Galmudug ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartanaha Soomaaliya. The post Ciidamada Galmudug Oo howlgallo ka sameeyay Hobyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Xubno ka tirsan Jabhadda ONLF ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uul uu ka mid yahay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar Cagjar. Xubnahani oo tiradoodu gaareyso 20 ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha ONLF Maxamed Cumar, iyagoona kulamo la qaadanayo R/Wasaare Abiy Axmed. Sidoo kale xubnahani ka tirsan ONLF ayaa lagu wadaa in booqdaan magalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia. Arrintani ayaa ku soo beegmaysa xilli todobaadkii la soo dhaafay ay Ciidamada ONLF ku laabteen magaalada Jigjiga, iyagoo ka soo guuray xeryahooda Eritrea. ONLF iyo dowladda Ethiopia ayaa Asmara bishii la soo dhaafay ku saxiixday heshiis lagu soo afjaray colaaddii u dhexeysay labada dhinac. Heshiiskan ayaa u ogolaanaya ONLF in ay si nabad ah ku raadsato hankeeda siyaasadeed ee Ethiopia, iyadoona Ciidankeeda lagu biirinayo kuwa dalkaasi. Dhawaan Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa wadahadal la furay xisbiyada siyaasadeed ee Ethiopia, kuwaas oo uu kala tashanayo doorashada dalkaasi ee 2020-ka. The post Xubno ka tirsan Ururka ONLF Oo gaaray dalka Ethiopia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Houston (Caasimada Online) – Madaxweynehii hore e Mareykanka George HW Bush ayaa ku geeriyooday gurigiisa ku yaalla magaalada Houston ee gobolka Texas, isaga oo 94 jir ah. Bush Sr ayaa ahaa madaxweynehii 41-aad ee Mareykana intii u dhaxeysa 1989-kii ilaa 1993-kii, waxaana waqtigiisa lagu xasuustaa dhammaadka Dagaalkii Qaboobaa iyo dagaalkii koowaad ee Iraq ee ka dhanka ahaa Sadaam Xuseen. Bush waa aabaha Goerge W Bush, oo isna noqday madaxweynaha Mareykanka 2001-2009. Inkasta oo xaaladdiisa caafimaad ay sii xumaaneysay sanadahan, haddana waxa uu kasoo dhex muuqaanayey bulshada. Bishii April ayaa la dhigay isbital kadib markii dhiigiisa uu galay infakshan, hase yeeshee waa laga soo saaray. Bush ayaa sidoo kale laga daweeyey cudurka Parkinson ee jirka qofka ka dhiga mid jareeya ama lulma. Waxa uu geeriyooday toddoba bil kadib geeridii xaaskiisa. Kowdii bishii Janaayo ee sanaddii 1993-kii waxa uu booqasho ku yimid Soomaaliya, 19 malamood un ka hor inta uusan xafiiska ka tegin, wuxuuna booqday Muqdisho, Baydhaba iyo Shabeellaha Hoose, oo uu kula kulmay ciidamadii Mareykanka. Busha waa madaxweynaha kaliya ee Mareykan ah ee taariikhda booqday Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ahaa madaxweynihii amray in ciidamada Mareykanka ay galaan Soomaaliya December 5, 1992-kii. Bush oo ku sugan Somalia, lana jooga ciidamadiisa (Photo by Larry Downing/Sygma/Sygma via Getty Images)Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa waxa uu sheegay inay jiraan ciidamo kala duwan aan waafaqsanay dastuurka Somaliland isaga oo tusaale u soo qaatay ciidammada ilaalada xeebaha, waxaanu ku baaqay in dastuurka la waafajiyo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Cabdiraxmaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib Markii uu booqasho ku tagay Wadamo uu ka mid yahay Turkiga. Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaaladda Muqdisho waxaa kusoo dhoweeyay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudey iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo sidoo kale Xildhibaano kale oo katirsan Golaha Shacabka. Sidoo kale Habdhowrka iyo xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka mid ahaa xubnaha soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xildhibaanda uga mahad celiyay soo dhoweyntooda. The post Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo dib ugu soo laabtay dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa markii afaraad dib loo dhigay doorashada K/ Galbeed Soomaaliya, taas oo lagu waday in la qabto 5 bishan December ee 2018-ka. Guddiga qaban qaabada doorashadaasi ayaa maanta shaaciyay in markale dib loo dhigay doorashada, lana qaban doono 19-ka bishan December. Waxaana guddigu uu arintan ku micneeyey markii ay qiimeeyeen howlaha baaxadda leh ee a horyaala iyo sida ay muhiim u tahay in la fududeeyo doorashada. Halkan hoose ka akhriso:- The post Doorashada K/ Galbeed Oo markii afaraad dib loo dhigay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-011218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, socdaalka Madaxweynaha, dib u dhaca Doorashada, iyo qodobo kale. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Sababta Doorashada dib loogu dhigayo, waa inay jirtaa duruufo adag, haddii aan lagu dhaqmayn Dastuurka Somaliland sameeysatayna waxay noqonaysaa mashaakil, inta badana Doorashada waxa dib dhigi kara duruufo adag oo jira, Dawladduna waa inay ka waranto sababta keenaya dib u dhaca Doorashada”. Suldaanku mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Tobada xubnood laba xubnood oo qudha ayey Xisbiyada Mucaaradku leeyihiin, halka laba uu Madaxweynuhu magacaabo, laba ay Guurtidu magacawdo, halka xubinta kalena uu Xisbiga taladda hadba hayaa uu magacaabo, markaas arintan Komishanku wey adkaanaysaa, ee anigu waxaan odhan lahaa waxba yaan Doorashada dib loo dhigine, xaalada Komishanka ha laga heshiiyo, oo sidan sad-buursiimada ah umadda ha laga daayo”. Suldaanka guud mar uu ka hadlaayey safarka Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweynuhu xaq buu leeyahay inuu tago meel kasta oo dalka ah oo uu xukumayo, waana muhiim inuu xogogaal ka noqdo hadba xaalada dadkiisu ku sugan yihiin, maaha inuu Guriga Madaxtooyaduun fadhiyo, dadka ayuu soo baranayaa ,dalkuu soo marayaa, siday wax u jiraan buu soo ogaanayaa, waxyaabo badan oo marka hore ka qarsoonaa, ayaa u iftiimaya maanta, Madaxweynuhu markii hore nin arimaha siyaasada ku jira muu ahayn, ee ciidan buu ahaan jiray, ee mar haddii Madaxweynuhu uu arrimihii Siyaasada uu galay, waa inuu dal barasho iyo dad barasho meel walba oo dalka ah u tagaa, oo uu Shacabka kalsoonidiisa toos u qaata,waana ku hambalyeynayaa Madaxweynaha safarkiisa”. Suldaan Maxamed mar uu Madaxweynaha talooyin u diraayey ayaa yidhi “Waxaan leeyahay Siyaasada uu wado Madaxweynuhu ha la isku daba taago, “Madaxweynaha waxaan kula talinayaa inuu kalsoonida Shacabkiisa kasbado iyo inay si toos ah Somaliland isku afgarato, qabyaaladana guul laguma gaadho, Siyaasaduna qabyaalad ma leh, qabyaaladna in laga dheerado, ayaan soo jeedinayaa” Source
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga Maalmihii la soo dhaafay. Soo dhoweeyn ka duwan soo dhoweeynadii hore ee Muqdisho loogu sameeyn jiray gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa loogu sameeyay garoonka Muqdisho. Inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu isku qilaafsan kala diristii guddiga maaliyadda ayaa ku soo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde. Amb Mursal oo si kooban u la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in wixii warbixino ay ku dhiibi doonaan xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa laga sugayaa in uu si faah faahsan uga hadlo kala diristii gudoomiye ku xigeenka uu dhowaan ku sameeyay guddiga maaliyada Baarlamaanka oo qilaaf badan ka dhex abuurtay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Hoos ka Dhageeyso Warbixin Wariyaha PP ee Muqdisho Xasan Cowke uu ka diyaariyay. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/War-Cowke-Gudoomiyaha-BaarlamanaaPP-Muqdisho.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Amb Mursal oo si ka badelan soo dhoweeynadii hore loogu soo dhoweeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee dhawaan la magacaabay ayaa Maanta markale shaaciyay in ay dib u dhacday waqtiga ay dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed. Doorashada ayaa qorshuhu ahaa inay dhacdo 5-ta Bishan Decembar oo ku began Arbacada soo socota hayeeshee markale dib loo dhigay dhowr sababood oo ay soo bandhigeen Guddiga. Doorashada ayaa la sheegay inay dhici doonto 19 December.
-
Dib u dhac kale ayaa ku yimid doorashada madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaalia, oo horey dhowr mar dib loogu dhigay. Guddiga doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta sheegay in doorashadu dhici doonto 19-ka bishan December. Doorashadan oo aheyd in la qabto 5-ta bishan ayey guddiga doorashada ee koonfur galbeed sheegeen inay dib ugu dhigeen sababo la xiriira: tababarrada oo wax ka dhimman iyo guddiyada farsamo oo aan dhameystirneyn. Waa markii 3aad oo si rasmi ah dib loogu dhiso doorasho lagu balansanaa 17-kii November 2018, lama hubo in markan tahay tii ugu dambeysay iyo in lake. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in markale dib loo dhigay doorashadii madaxtinimo ee maamulkaasi. Guddiga doorashooyinka maamulkaasi oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa sheegay in doorashada dib loo dhigay. Guddiga ayaa sheegay in doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed la qaban doono 19 December ee bishaan sanadka sii dhamaanaya ee 2018-ka. Waa markii saddexaad oo doorshada madaxtinimada Koonfur Galbeed ay dib u dhacdo, markii ugu dambeysay waxaa la qorsheeyay 5-ta December 2018. Hoos ka Aqriso Warqad ay soo saareen guddiga PUNTLAND POST The post AKHRISO: Doorashada Koonfur Galbeed oo markale dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliya ayaa saaka mar kale la geeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed oo maalintii shalay aheyd ciidan dowladda ay gaysay. Ku dhawaad 100 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya ayaa Diyaarad looga qaaday Garoonka Aadan Cadde, waxaana goor dhaweyd ay ka dagtay Magaalada Baydhabo. Ciidankaan oo Boolis ah ayaa loogu talo galay suggida ammaanka Magaalada Baydhabo, halkaasi oo la filaayo maalinta Arbacada ah inay ka qabsoonto doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya. Ciidamadan ayaa daba socda ciidankii shalay la geeyay Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo la dajiyay goobo ka mid ah Magaalada oo amnigeeda ay ka sugayaan. Saraakiil ka tirsan Booliska Somaliya ayaa xaqiijiyay ciidanka la geeyay Magaalada Baydhabo saaka inay yihiin kuwa Booliska ee Muqdisho laga qaaday. Hadal hayn badan ayaa ka taagan ciidankaan dowladda ay ku daabuleyso magaalada Baydhabo, inkastoo Maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay ciidamadaasi inay dalbadeen Maamulkooda ayna u baahan yihiin ciidan ammaanka sugidiisa kala qayb qaata Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
-
The International Organization for Migration (IOM) has helped 14 Somali migrants to voluntarily return home from Tanzania and Uganda following months of confinement in detention centers. Hassan Ali Khaire, Prime Minister of Somalia confirmed the arrival of the Somalis in the capital, Mogadishu. “We are happy to welcome back home 14 of our nationals who were incarcerated in Uganda and Tanzania,” Khaire said on Wednesday evening. “We continue to strive to secure the freedom of Somalis stranded or incarcerated abroad and facilitate their safe return home,” he added. According to the Somali government, more than 1,000 Somalis have been repatriated from Libya, India, Seychelles, Eritrea, Sudan, and Tanzania in the last 12 months. Somalia continues to be characterized by migration flows, with internal displacement and irregular migration constituting major challenges. The post More than 10 Somali migrants return home from Uganda, Tanzania appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa xukun ku rideey askari la sheegay inuu dhac u geysan jirey dadka shacabka ah. Xukunka ayaa sidan u dhacay: Xukun Xasan Abshir ayaa ka so baxay si dhuumaaleysi ah aagga dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose, ujeedada qarsoon ee kasoo tagista goobtiisa shaqo ayaa ahayd inuu dhac ka gaysto mid ka mid suuqyada magaalada, Markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho ayay si wada jir ah dhac ugu barreen isaga, marxuum Saleebaan Cali Maxamed iyo askari kale oo baxsad ah. Xukun Xasan Abshir ayay ciidamada amniga ka soo qabteen suuqa weyn Bakaaraha, waxaana xilligaasi uu Ku guda jiray dhac uu ugeysanayay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo shaqa tegay Suuqa Bakaaraha. Ciidamada Amniga degmada Howlwadaag ayay isaga hor yimaadeen suuqa markii lagu amray in ay isdhiibaan ayuu bilaabay xabad Xukun Xasan Abshir taasi oo sababtay in uu geeriyoodo Saaxiibkiisa saleebaan halka sidoo kale uu baxsaday shaqsi kale oo la socday kaasi oo Ku hubeysnaa Bistoolad. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Axmed oo ah Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa fadhiga hor keenay laba shaqsi oo shaqa joojin Ku sameeyeen intii ay dhacca wadeen xukun iyo saaxibbadiiis, afar kamid ah ciidamada amniga ee soo qabtay eedeysanaha, warqad muujineyso lacagta baadda ah oo ay ka qaateen masuul ka tirsan Shirkadda BaalGore iyo ID Card, ay u isticmaaleen baadda dadka, qoriga dhacca lagu geystay iyo Qiraal laga qoray eedeysane Xukun Xasan Abshir. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Ku dooday in loo naxariisto, loona fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo. Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan Ku gaaray in lagu xukumo Xukun Xasan Abshir 8-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale hadii uusan Ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Source: goobjoog.com
-
Security beefed up in Baidoa ahead of presidential election
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The overall Security has been beefed up in Baidoa city ahead of a key presidential election on December 5, a day after troops from Mogadishu arrived in the regional capital. Hundreds of police officers, security personnel were seen patrolling main streets on Saturday morning as presidential candidates are delivering their campaign speeches at parliament house. Speaking to VOA Somali service, Southwest State security minister, Hassan Hussein said they have asked the Somali government to send police forces to the city to ensure security. The upcoming election is dominated by concerns of interference from central Somalia as Federal lawmakers are calling for a peaceful and credible vote on December 5. The Federal government is yet to comment on the allegations. The post Security beefed up in Baidoa ahead of presidential election appeared first on Shabelle. View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo maalmihii ugu dambeeyay ku maqnaa dalka Turkey ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha baarlamanka ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano badan oo baarlamaanka mid ah, waxaana xildhibanada ay ahaayeen kuwo u badan mucaaradka. Guddoomiye Maxamed Mursal, ayaa ka sheegay magaalada Istanbul ee dalka Turkey in wax uu ka qaban doono arinta la xiriirka khilaafka ka dhashay kala derista guddiga maaliyadda baarlamaanka. “Waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina Xildhibaanada Sharafta leh, waan idin kaga mahad celinayaa sida walaaltinimada ah ee aad ii soo dhaweyseen, wixii shaqo ah guri ayaan leenahay halkaasi ayaan uga hadleynaa, halkaan wax shaqo ah ugama hadleyno waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina.” Ayuu yiri Gudoomiye Mursal. Xildhibaanada mucaaradka ayaa sheegay inay ku farsan yihiin inay kusoo dhaweeyaan magaalada Muqdisho guddoomiyaha baarlamaanka, oo wareysihii uu siiyay VOA u muuqday mid uu Mucaaradka kula safnaa. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur , Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo xildhibaano kale ayaa kamid ahaa xildhibaanada soo dhaweeyay, waxaana ay sheegeen inay sugayaan natiijada balanqaadyada uu sameeyay Guddoomiyaha. Xiisad ayaa ka dhalatay kala deristii guddiga maaliyadda baarlamaanka iyadoo maanta maalintii seddexaad uu baaqday shirkii golaha shacabka. Mucaaadka ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Maxamed Cabdi Waare oo si weyn u dhaliilsanaa Siyaasadda Kheyre iyo Farmaajo, walow markii dambe uu la heshiiyay, lamana oga sida xaalka guddoomiyaha baarlamaanka uu noqon doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa maagaalada Kismaayo kusoo wajahan kooxda Melbourne ee jaaliyada ciyaaraha dalka Ausralia oo sanadkii saddex wadanka u imaanysa ciyaaro saaxiibtinomo iyo is dhaxgal bulsho waana kolkii kowaad ay booqasho ku tagaan degnaanada Jubland waxayna arintan fursad u tahay bahda isboortiga iyo kooxaha ka dhisan Gobolka Jubada Hoose oo ay kasoo baxeyn ciyaartooy caan ah Gudoomiyahay xiriirka kubbadda cagta Jubaland Axmed Faarax Taqal (Timijilic) ayaa sheegay booqashada kooxdan ka imaanysa Austarialia ay ugu fadhiso micno weyn sanadaha soo aadan ay la yeelandoonaan wada shaqeyn buuxda si loo horomariyo ciyaaraha uu gobolka ku xoogan yahay Kooxda jubaland oo iminka si wanaagsan ugu diyaar garoobaysa ka qeyb galka ciyaaraha maamu-Goboeledyada iyo Gobolka Banaadir ahna horyaalka maamul Goboleedyada fasal ciyareedkii hore ayay kula ciyaaridoonaan magaalada Kismaayo waana ciyaar xiiso badan oo ay sugayaan shacabka reer Kismaayo Ciyaartooyd matalaysa Jubaland ee loo diyaariyay in ay la ciyaarayaan dhigooda qurbaha ayaa booqashada kooxdan ku tilmaamay waji cusub oo ku aadan horomarka isboortiga deegaanadooda Macalimiinta farsamada xiriirka kubbadda cagta oo aan la kulanay ayaa inoo sheegay booqashooyinka kooxaha qurbaha hadii ay sii socdaan sanadaha soo aadan ay gundhig u noqandoonaan horomarka iyo is badalka natiijooyinka xulka qaranka lagan faa’idaysandoono farsamo laaciibtiina imaanaya wadanka Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada,xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada daa’daalo ku aadan in caasimada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka sanadaha soo aadan lagu qabto ciyaaraha Somali Week oo ay inta badan dhelaan kooxaha qurbajoogta hadii arinta hergashan dad badan ayaa aaminsan in laga faa’ididoono wax badan oo horomar u ah kobaca ciyaaraha gudaha Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Source: goobjoog.com
-
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dishay saraakiil sar sare oo katirsan Al-Shabaab iyo ciidamo ay wateen. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal lagu fuliyay gobolka Baay lagu dilay saraakiil iyo ciidamo Al-Shabaab katirsan Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:- Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya saaxiibo Caalami ah ayaa hawlgal Qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay. Hawlgalkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka tirsan Shabaab oo Ku hawlanaa Falal argagixiso. Waxaa lagu dilay hawlgalka Sagaal Ka tirsan Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo maleeshiyaad mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka. Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta wiiqista Alshabaab, si looga hor istaago waxyeelada Shacabka oo ay Ku caanbaxeen. Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee lagu Kala cayriyay Alshababkii joogay nawaaxigaas, taas oo ay Ku diirsadeen Shacabka ay xoogga Ku haysteen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dowlada Soomaaliyta” Waxaan Dilnay Saraakiil iyo Dagaalamayaal Al-shabaab ah” appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Baadhis dheer oo Wargeyska Foore muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa oo ku aaddan kulamadii xasaasiga ahaa ee Madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay Odayaasha, Wax-garadka iyo Aqoonyahanka Degmooyinka Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo mudadii uu ku sugnaa Gobolkaasi safarkiisii Toddobaadkan ayaa waxa noo suurto gashay in aanu xogo rasmi ah ka helno natiijada qodobadii ugu shishlaa ee kulamadaasi lagu soo qaaday ee ay labada dhinac ka wada hadleen. Kulamo gooni gooni ah oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Uu Magaalooyinka Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo kula qaatay Wax-garadka iyo Odayaasha Beelaha deegaamadaasi ayaa inta badan nuxurka qodobadii laga wad hadlay waxa ay ku salaysnaayeen xaaladaha siyaasadeed iyo wadciga dalku wakhtigan marayo iyo gaar ahaan waxa ay sida gaarka ah u tabayeen beelaha uu odayaashooda kulamadaasi kula qaatay ee ay door bidayeen in ay kala hadlaan oo ay sii diyaarsadeen. Markii haddaba Madaxweyne Muuse Biixi ka soo laabtay safarkii uu ku tagay Gobolka Sool iyo gaar ahaan jiidda hore ee ciidamada qaranka waxa uu toos ugu gudbay Gobolka Sanaag isaga oo cagtiisa koowaad ku negaaday Degmada Ceel-Afweyn oo uu u dhaxay, maadaama Degmadaasi oo ahayd Degmo xaaladdeeda siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaaleba muhiimad gaar ah u lahayd safarka Madaxweynaha. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Magaalada Ceel-Afweyn kula kulmay odayaasha iyo wax-garadka Beesha Galbeedka Sanaag oo ay isku wajaheen kulan xasaasi ahaa oo wax badan labada dhinas is dhaafsadeen waxaana ajandayaasha kulankaasi naloo xaqiijiyey in ay ka mid ahaayeen Mustaqbalka Xisbiga KULMIYE, Amar Madaxweynuhu odayaasha ku siiyay in ay degdeg ugu soo qabtaan ninkii gaystay dilkii ugu dambeeyey ee Deegaanka Ceel-Afaweyn ka dhacay kadib heshiiskii la isla gaadhay iyo sidii ay dhinacooda uga dhammays tiri lahaayeen axdigii iyo ballantii lagu galay qodobadii shirkii nabadaynta Beelaha reer Ceel Afweyn. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulankaasi ka gaws qabsaday wareejinta Mustaqbalka xisbiga KULMIYE oo uu ku sheegay in xisbiga KULMIYE yahay mid qaranku wada leeyahay oo ka baxsan mid laba beelood is waydiisan karaan isaga oo ku soo hal qabsaday qaabkii uu ku hantiyey Guddoomiye-nimada xisbiga KULMIYE ee uu ugala wareegay Axmed Siilaanyo isaga oo sheegay in isaga iyo Siilaanyo wakhtigaa shakhsiyan ka siyaasiyiin ahaan isku ogolaayeen balse aanay ahayn wax laba beelood isku waydaarsadeen lahaanshaha xisbiga KULMIYE Arrinkaasina yahay mid siyaasi ah oo xisbiga gudihiisa u yaalla Mustaqbalka sida uu wax u dhiganayo. Dhinaca kale haddaba markii Madaxweynuhu tagay Magaalada Ceerigaabo ayaa Ilo-wareedyo u dhuun daloola kulan uu Madaxweynuhu kula qaatay Degmada Ceerigaabo odayaasha iyo wax-garadka beesha Habar Yoonis ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen in ay labada dhinac ku naaqisheen qodobo dhawr ah oo ay labada dhinac danaynayeen waxaana ugu muhiimsanaa Xaaladda Nabad gelyo ee Gobolkaasi, xoojinta heshiiskii nabadeed ee Gobolkaasi ka dhacay, Fulinta qodobadii heshiiskaasi, Jabhadda Caarre, Saami qaybsiga xukuumaddiisa ee Beeshaasi ku aaddan iyo waliba adeegyada ay xukuumaddu ugu talo gashay deegaamada beeshaasi. Dhinaca kale xogahani waxa ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen in Odayaasha Beeshu ay Madaxweynaha ka dalbadeen in uu degdeg u sii daayo Axmed Cadib ooh ore loo xidhay iyo in ay iyagu ka dhaqan ahaan wax ka qaban doonaan Arrinka Kornayl Caarre. Labada dhinac ayaa la sheegay in ay si weyn kulankaasi iskula fahmeen dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen. Foore Source
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa xog cusub ka bixiyay ciidamada dowladda ay geysay magaalada Baydhabo oo dhawaan doorasho ay ka dhaceyso. Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo ay yihiin ciidamadii sanad ka hor weeraray gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho. Ciidamadaasi ayuu sheegay in ciidamadaasi kaliya ay yihiin ciidamadii oo magacii NISA laga badalay islamarkaana la geeyay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. “Waxaan xog ku helay in ciidanka lagu sheegay in ay Boolis yihiin ee Badhabo loo daabulay ay yihiin kuwii hoygayga soo weeraray 17 December e sanadkii hore, kuwaasoo dilay 5 wiil oo ilaaladayda ahayd, xabaal wadareedna ku aasay” “Keliya waxaa laga bedelay magacii iyo dharkii NISA oo waxaa loo geliyey dhar Booliska. Shaki iigama jiro in ay fidno iyo fadqalalo Baydhabo ka abuurayaan. Sanad ka hor ayaan shacabka uga dignay ujeedka gurracan ee kooxda Villa Somalia. Waa Ilaaheey mahadii in dadka badankii ay haatan soo baraarugeen” “Fariinteenu waa sahal. Nacasnimo talinta caynkaan oo kala ah, waxa keli ah ee lagu celin karaa waa awood shacab oo abaabulan midna ah” ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur oo si weyn u mucaaradsan dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
