-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo la hadlayay Laanta Aka Soomaaliga ee VIA-da ayaaku eedeeyay dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya in ay rabto in ay awoodaha, daqliga, dhismaha dowladnimo iyo xariirka dibadda ay isku koobto iyada kaliya. Waxaa kaloo uu sheegay in maamul goboleedyada ay masuuliyad xooggan ka saaran tahay shacabka ay matalaan. Sidoo kale waxuu ka hadlay Madaxweyne Gaas is casilaadii uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan oo ahaa guddoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada iyo arrimo kale. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Gaas-1.mp3 The post Madaxweyne Gaas Oo eedeeyay Dowladda Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Iyadoo cabsi xoogan ay ka taagan tahay in ay dib u dhacdo doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la qorsheynayo in ay dhacdo biloowga todobaadka soo aadan, ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed. Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in aysan dib uga dhici doonin doorashada xilligii loogu talagalay oo ah 17 bishan November oo ay isla xiligaasi ku qabsoomi doonto sida uu sheegay. Waxa uu sidoo kale sheegay in dhawaan lasoo magacaabi doono tirada ka dhiman gudiga doorashada maamulkaasi oo dhawaan iscasilay, waxaana soo magacaabi doono si haayaha madaxweynaha maamulkaasi ahna Gudoomiyahya Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekunaa Maye. Halkaan Hoose ka dhageyso hadalka Wasiirka: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/ugaas.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wargeyska Foore ayaa helay laba nuqul oo ay ku qoran yihiin shaqaalaha iyo Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Xisaabaadka ee uu Wasiirka Horumarinta Maaliyaddu isku shaandhaynta ku sameeyay,islamarkaana uu ka abuurmay Khilaafka kala erdheeyay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Daa’uud iyo Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi. Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee khilaafka abuurtay ee uu isku shaandhaynta ku sameeyay qaar ka tirsan Masuuliyiinta Xafiiska Xisaabaadka guud oo Wargeyska FOORE helay ayaa waxay u dhignayd sidan: Waxaa jirta in shaqada wasaaradda Maaliyaddu ay u baahan tahay toosin iyo dar dar galin joogta ah, taasina ay u baahan tahay in marba la isku badelo hawlwadeenada, islamarkaana qof walba la geeyo meesha ugu haboon, ee uu aqoonteeda leeyahay, anigoo taasi ka duulaya waxaan isku badel ku sameeyay xafiisyada uu khuseeyo isbadelka maamulka maaliyadda ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud, islamarkaana aan u magacaabay hawlwadeenaddan aqoonteeda leh oo hanan kara shaqadaas dib u habaynta maaliyadda ee Socota, magacyacyada iyo Xilalka aan isku badelayna waa sidan Hoos ku Xusan: No Magaca Goobta Laga badelay Xilka Loo Magaacabay 1 Warsame Axmed Cabdilaahi Chief Examiner Ku Xigeenka X/Guud 2 Sucaad Maxamed Daahir Xafiiska PFM Agaasimaha Xafiiska EAFS-KA 3 Maxamed Cali Xirsi Internal Controller EAFS-ka Chief Examiner 4 Xuseen Axmed Kaahin Xafiiska Jeegagga M.Qaybta Multilateral-ka ee EAFS-ka 5 Maxamed Cabdi Xasan Waaxda Baadhista Internal Controller EAFS-ka 6 Sabaax Cabdilaahi Ciise Xafiiska Xisaab-xidhka X/Guud Ku Xigeenka Chief Examiner-ka 7 Keyse Maxamed Cabdilaahi Ku Xigeenka X/Guud Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee W.Maaliyadda 8 Cabdiqaadir Maxamuud Yoonis Agaasimaha Xafiiska EAF- Waaxda Qorshaynta 9 Yuusuf Maxamed Cabdi Madaxa Qaybta Multilateral Waaxda Baadhista Gudaha Masuuliyiyiintan uu Wasiirku seefta la dhex qaaday ee uu Boosaskoodii ka qaaday ayaa waxa ay u badan yihiin masuuliyiintii fadhiyay Xafiisyada ugu mudan Xisaabaadka waanay adag tahay in si deg deg ah loo helo cid Buuxisa maadaama oo ay goobaha Xisaabaadku ka xasaasisan tahay Meelaha kale, balse waxa ka muuqata talaabada Wasiirka Cadho uu jawaab uga dhigayo arin umadda ka qarsoon oo ay ogyihiin oo qudha masuuliyiinta sare ee Xisaabaadka iyo Wasaaradda Maaliyaddu. Nasiibdaro Waxa markiiba arintaasi ganafka ku dhuftay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmd Daa’uud kaasi oo ku fasiray Isku shaandhayntaasi Xad gudub Dhinaca Maamulka ah. Waxa uu kaga jawaabay warqad qoraal ah oo uu ku daadafeeyay talaabadaasi uu Wasiirku isku shaandhaynta ku sameeyay, waxaana qoraalka uu kaga jawaabay ka mid ahaa “Maadaama oo ay ka muuqato marin habaabin baaxad weyn oo ay iimuuqato inaad ku daboolaysid xadgudub maamul maaliyadeed oo ka socda xafiiskaaga. Waxay u muuqataa warqadaadu isku day inaad ka hor istaagto xafiiska xisaabiyaha guud ee qaranka gudashada waajibaadkiisa sharciga ah. Waxaan doonayaa inaan ku xasuusiyo in labada xafiis ee kan wasiirka maaliyada iyo kan xisaabiyaha guud ee qaranka ay hawlahoodu kala madax banaan yihiin, sida oo kalena shaqaalaha xafiiska xisaabiyaha guud aanay ka mid ahayn kuwa xafiiska wasaarada horumarinta maaliyada. Sidaas daraadeed aanad ku lahayn magacaabis. Shaqaalaha xafiiska xisaabaadka guud ee qaranka ee ku xusan warqada sumadeedu tahay WM/02/08-01/1792/2018 waxaan farayaa inay hawl maalmeedkooda iyo xilalkoodaba sidoodii hore u gutaan. Madaxda ogaysiinta ku leh warqada waxaan la socod siinayaa inay sidaas ula socdaan.”. Inkasta oo uu Wasiirka Maaliyaddu shaaciyay Doraad inuu khilaafkaasi soo afmeermay islamarkaana uu isagu ka saxsanaaday Xisaabiyaha guud haddana sida wararka aanu xalay helnay iftiimiiyeen Khilaafkaasi Culusi wali waa uu taagan yahay. Foore Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamada gobolka Sanaag ayaa xal ka gaadhay kiis dil ah oo muddo todoba iyo toban sanno ah xal iyo maare loo waayey, waxaana kiiskaasi soo gunaanaday oo xukun ka gaadhay garsoore Sharmaake Faarax Ismaaciil. Garsoore Sharmaake Faarax Ismaaciil oo ka hadlayay xukunka ay ka gaadheen kiiskaasi dilka ah oo dhacay sannadkii 2001, ayaa sheegay in labada qoys kiiskaasi dhex yaalay shalay loo kala qaaday, isla markaana la kala guddoonsiiyay magtii marxuumka dhintay. Garsoore Sharmaake Faarax Ismaaciil, oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aynu kala guddoonsinaynaa magtii marxuum Faarax Cismaan Axmed, loona sheeganaayey marxuum Cabdi Axmed Cali oo dilku dhacay sannadkii 2001-kii, illaa muddadana uu ku jiray maxkamaddah dalka. Illahay qadarkii maanta (shalay) uun bay noqotay fulintii in ay dhacdo.” Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag, Ismaaciil Cabdi Xasan ayaa deegaanka Ceelqoray ee duleedka degmada Ceerigaabo diyada magta ugu kala wareejiyey labada ardaa, waxana uu yidhi isaga oo arrintaasi ka hadlayay “Waxaynu iskugu nimid in aynu wareejino diyada marxuum Faarax Cismaan Axmed, diyadaas oo muddo badan maqnayd, ayaan maanta wareejinayaa. Dilkaas oo dhacay sannadkii 2001-kii, maxkamadda hawsha ku guulaystayna khayr badan ayaan u rajaynayaa.” Guddoomiye ku xigeenku waxa uu intaasi raaciyay “Waxaa la guddoonsinaya dhinaca marxuum Faarax Cismaan Axmed shan iyo labaatan Geel ah, waxana guddoonsinaaya dhinacii kale oo uu jooga jiif caaqilka guud Jaamac Ismaaciil Muuse iyo caaqil Cismaan Xirsi Cali. Dhinaca jiif caaqil Jaamac Ismaaciil Muuse ayaa jiif caaqil Cismaan Xirsi Cali guddoonsiiyey shan iyo labaatan halaad iyo cadad lacageed oo lagu qiimeyey inta hadhay magta marxuumka.” Bahda garsoorka ee dalka oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka ayaa maalmihii ugu dambeeyay dadaal weyn ugu jiray sidii loo soo afjari lahaa kiisaska muddada dheer soo jiitamaayey. Source
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay asalka khilaafka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo maraya heerkii ugu xumaa oo sababay inuu go’o xiriirkii wada shaqeyn ee labada dhinac u dhaxeeyay. C/weli Gaas oo ka qeyb galayay barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha oo ka baxa Laanta afka Soomaaliga ee VOA, kaasoo su’aalo lagu weydiiyay. Qeyb ka mid ah wareysiga C/weli Gaas ayuu kaga hadlay khilaafka, waxaa uu sheegay in khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada aanay aheyn mid shaqsi ah. Waxaa uu sheegay in waxa ugu weyn oo la isku haayo ay tahay is faham darro iyo mabaa’diida laga aaminsan yahay Federaalismka. C/weli Gaas waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay mar walba isku koobto awoodaha dalka, isagoo xusay in maamul goboleedyada ay yihiin kuwo mas’uuliyad haya oo matal deegaano iyo dhul baaxad leh. Waxaa uu tusaale u soo qaatay in dowladda ay mar walba dhahdo mushaar ayaa shaqaalaha dowladda iyo ciidanka bixinaa, waxaana uu tilmaamay in mushaarkaas iyo ciidanka uu ku eg yahay kaliya magaalada Muqdisho oo aanay ciidamada jooga maamul goboleedyada aanay siin wax mushaar ah. Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka faragelinta ay ku heyso doorashada Koofur Galbeed, isagoo xusay in xildhibaano laga keenay Baydhabo la geeyay Muqdisho, lacago laaluush la siiyay, Hotelo la dejiyo, sidoo kalena dhaqaalihii dowladda loo adeegsanayo in diyaarado baabuur lagu geeyo Baydhabo. Halkaan hoose ka dhageyso codka Gaas https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/a1e0ea6f-15d1-4050-b366-88f5267c7b73_32k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Jabuuti)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay Magaalada Jabuuti ee Xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uga qeyb galayaan shirka Maayarada dalalka Islaamka. Guddoomiyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey dhiggiisa magaalada Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkaas Maxamed Cali Nuur. Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Jabuuti soo dhaweynta walaaltino ee loo sameeyey. Isagoo ku bogaadiyey taageerada joogtada ah ee mar walba la garab taagan yihiin Shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed. Duqa Muqdisho ayaa waxaa socdaalka ku weheliya Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo Agaasimaha Xafiiska Duqa. Source
-
(SLT-Australia)-Soomaalida ku nool dalka Australia ayaa cambaareeyay weerar uu geystey muwaadin Somali-Australian ah kaasoo uu ku dhintey hal ruux labo kalana ay ku dhaawacmeen. Weerarkan oo uu geystay Xasan Khalif Shire Cali oo 30 sano jir ah ayaa Booliska Australia ay rasaas ku fureen kadib markii uu diiday inuu iska dhigo mindi uu ku hubeysnaa oo uu ku weeraray dad ku sugnaa Bourke Street Mall shalay waxana uu ku dhintey isbitaalka. Sharma’arke Faarax oo ku hadlayay magaca Soomaalida ku nool Australia ayaa sheegay in dhammaan dadka asalkoodu yahay Afrika ay aad uga naxeen weerarkan ayna ka xun yihiin. Soomaalida ku nool magaalada Victoria ayaa iyaguna soo saaray qoraal ay ku sheegayaan inaysan argagaxiso meelna ku lahayn dhexdooda. “Dadka Somali-Australians ah waa dad nabada jecel,argagaxisanimduna waa cudur waana inaan sameynaa wax walba oo aan ku cirib tiri karno.”ayaa lagu sheegay qoraalka ay soo saareen. Kooxdan ayaa ugu baaqday dhammaan dadka Australia inay u midoobaan ka hortagida argagaxisada. Weerarka uu geystey muwaadinkan asalkiisu Yahay Soomaali oo Booliska Australiyana ay sheegeen in la xayiray baasaboorkiisa sanadkii 2015 ayaa ururka IS uu sheegtay inuu ka dambeeyay. Booliska Australia ayaa sheegay in weerarka shalay ka dhacay magaalada Melbourne uu ninka geystey uu doonayay in dad badan uu dilo isagoo ka soo buuxiyay qalabka gaaska cuntada lagu karsado gaarigiisii balse ay qarxi waayeen markii uu ku dhuftay baabuurka darbi. Ninka weerarka geystey Xasan Khalif Shire Cali ayaa laga xayirey baasaboorkiisa sanadkii 2015 kadib markii la ogaaday inuu qorsheynayay inuu u safro dalka Siiriya. Qoyska Xasan Shire Cali ayaa yimid dalka Australia sanadkii 1990kii waxana Boolisku sheegeen in hore uu u galay dambiyo ah isticmaalka maandooriyaha xashiishada iyo tuuganimo. Xasan Khalif Shire ayaa walaalkii Cali Khalif waxa uu sugayaa maxkmadeyn iyadoo la qaadi doono dacwadiisa sanadka soo socda waxaana lagu eedeeynayaa inuu qorsheynayay in uu weerar qarax ah geysto. Source
-
Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa xiisad ka dhalatay Askari ka tirsanaa ciidanka Booliska dowlad goboleedka Galmudug oo Xalay lagu dilay Magaalada Hobyo ee Gobolkaasi Mudug. Dilka askariga ayaa waxaa geystay koox hubaysan oo malayshiya-beeleed ah,sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku sugan degmada Hobyo,waxaana arrintaasi ka dhashay xiisad u dhexaysa laba beelood. Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada amniga dowlad goboleedka Galmudug ay baaritaan ka wadaan xaafadaha degmada Hobyo,si loo soo qabto kooxdii dilka geystay ee xiisadda colaadeed abuurtay. Weli ma jiro wax war ah oo maamulka Galmudu uu ka soo saaray xiisadda halkaasi ka taagan saaka oo Axad ah. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo ka taagan degmada Hobyo appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Tehran)-Boqolaal ah haweenka dalka Iiraan ayaa loo ogolaaday in ay ka qaybgalaan daawashada ciyaarta kama dambeysta ah ee horyaalka dalalka Eeshiya oo ka dhacday magaalada Tehran. Wakaalada wararka ee dalka Iiraan ee Isna ayaa baahisay warka ku saabsan in haweenkaasi loo ogoladay ka qeyb galka ciyaarta. Tallaabadani ayaa loo arkaa mid suuragal ka dhigaysa soo afjarida mamnuucida dowladda Iiraan ay ku soo rogtay in haweenka ay ciyaaraha goob fagaaro ah ku daawadaan oo garoomada ay tagaan. In ka badan 35 sano ayay dalkaasi Iiraan mamnuuc ka ahayd in haweenka ay ka qeyb galaan ciyaaraha waawayn. Waxa la sheegay in inta badan haweenka ciyaartan ka qayb galay ay qaraabo ahaayeen ciyaatooyda ama ay xubno ka ahaayeen ciyaartooyda kooxaha haweenka. Haweenka ayaa ka qaybgalay daawashada ciyaar dhex maraysay kooxda reer Iiraan ee Persepolis iyo koox ka socotay Japan oo lagu magacaabo Kashima Antlers. Xiriirka kubadda cagta aduunka ee Fifa ayaa waxa ay ka shaqaynayaan sidii ay Iiraan mamnuucidaasi u qaadi lahayd. Bishii aanu soo dhaafnay 100 haween ah ayaa loo ogolaaday in ay daawadaan ciyaar saaxibtinimo oo u dhaxeysay Iran iyo Bolivia,balse xannibaadaha ayaa markiiba dib loo soo celiyay. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage caption. Bishii March ee sanadkan 35 hablood ayaa la xiray ka dib markii ay isku dayeen in ay ka qeyb galaan ciyaar u dhaxeeysay kooxaha Persepolis iyo Esteqlal. Madaxwaynaha Fifa, Gianni Infantino, iyo wasiirka ciyaaraha ee Iiraan Masoud Soltanifar ayaa sidoo kale ka mid ah dadkii ka qayb galay daawashada ciyaartaasi. Haweenka iyo gabdhaha ree Iiraan ayay dhif iyo nadir tahay in loo ogolaado in ay ka qayb galaan daawasahda ciyaaraha ragga. Mamnuuciddan ayaa la soo rogay sanaddii 1979 xilligaasi oo uu dalkaasi ka cirtay kacaanak Islaamiga ah. Balse haweenka taageerayaasah ah ee ka yimid dalalka klae ayaa loo ogolaanayay in ay ka qayb galaan qaar ka mid ah ciyaaraha. Source
-
(SLT-Tanzaniya)-Madaxwaynaha dalka Tanzaniya John Magufuli, ayaa xilka ka qaaday wasiirada beeraha iyo ganacsiga waxa uuna ku hanjabay in uu militariga uu daadgureyn doono taasi oo looga gol leeyahay in lagu xaliyo dhibaatada haysata beeraleyda dalaga Cashew nuts loo yaqaano. Dhoofinta dalagan ayaa ka mid ah waxyaabaha uu qarashaadka badan ka so galo dalka Tanzaniya ,balse sanadkan waxaa halis galiyay dalagani ka dib muran ka dhashay qiimaha mirahani. Madaxweynaha dalka Tanzania ayaa tallabo adag qaaday si uu xaqiijiyo in kumanaan beeraleey ah ay dalagooda ugu iibsadan qiimo wanagsan. Dhanka kale dawladda ayaa iyadana faa’iido dhanka lacagaha qalaad ah ka hesho marka dalka dibadiisa loo iib geeyo dalaggan loo yaqaan cashew nuts-ka. Muddo toddobaadyo ahba Beeraleeyda ayaa diidanaa in ay iibiyaan dalaggooda sababtoo ah waxa ay ka cabanayeen hoos u dhac ku yimi qiimaha dalagga. Madaxweynaha dalka Tanzania john Magufuli ayaa marka hore xilka ka xayuubiyay laba wasiir oo sida la sheegay ku guul dareesytay in ay soo afjaraan dhibaatada hoos u dhaca qiimaha dalagga. Marka labaadna waxaa uu eed dusha gaga tuuray ganacsatada isku dayaya in ay hoos u dhigaan qiimaha dalagga ay kaga soo iibsanayaan beeraleeyda waxa uuna amar ku bixiyay in laga bilaabo Isniinta lagu kordhiyo lacag dhan 1.3 doolar kiilihiiba. Haddii ay diidaan qiimahaasina waxa uu sheegaya in 70 gaari oo ah kuwa milatariga uu diri doono kadibna ay soo rari doonaan dhamaan dalagga taas oo ay dawladdu iibsan doono badalkii ganacsatada. Source
-
Cadaado ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalooyinka Cadaado iyo Hobyo oo ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dilka koowaad ayaa ka dhacay magaalada Hobyo, kaas oo loo geytsay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska maamulka Galmudug, xilli uu ku sii jeeday saldhigga magaaladaasi. Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen Askarigaasi, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. Sidoo kale wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug ayaa ku warramaya in xalay halkaasi lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan 21-aad ee ka howlgasha gudaha magaaladaasi. Koox hubeysan ayaa la sheegay in bartamaha Cadaado ay ku dishay Askarigaasi, kadibna ay goobta isaga baxsadeen, sida ay Shabelle u xaqiijyeen dad Goobjoogayaal ah. Xiriiro aan la sameynaya saraakiil kaq tirsan maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegaan in ay haatan wadaan baaritaano ku aadan dilalkaasi. Ammaanka Galmudug ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid xasilooneen, iyadoona falal ammaan dari ay ka dhacayeen deegaanada maamulkaasi. The post Kooxo hubeysan Oo siyaabo kala duwan dilal uga geystay Galmudug appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah Musharraxiinta u taagan qabashada xilka Madxaweyne K/ Galbeed ayaa walaac xoogan ka muujiyay in dib u dhac uu ku yimaado doorashada maamulkaasi. Musharraxiintan oo kulan gaar ah la qaatay guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa kala hadlay arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii ay ugu dhici laheyd xilligii loogu talagalay. Guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Shariif Sheekuna Maye ayaa ku qanciyay Musharraxiinta in aysan dib u dhac ku imaan doonin doorashada. Waxaana uu tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha loo dhameys tiri doono guddiga doorashada, si ay u qaban qaabiyaan doorashadaasi. Doorashada ayaa la filayaa in ay qabsoonto 17-ka bishan November oo ay ka harsan tahay kaliya Lix Maalin. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Koonfur-Galbeed-1-1.mp3 The post Musharraxiinta K/ Galbeed Oo walaac ka muujiyay doorashada maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Weerrada ay Mareykanku qaadaan ee ka dhanka ah xarakada Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay sii badanayaan iyada oo aaney taasi hoos u dhigin awooddii kooxda. Sanadkan, ciidamada Mareykanka waxaa ay duqeeyeen goobo Al-shabaab deggan yihiin ilaa 29 jeer, waa isla tiradii ay geysteen sanadkii hore, laakin waxa la sheegayaa in taasi aaney waxbo ka badalin weeraradii Al-shabaab ama awoodooda. Sida ay qortay The Guardian, Mareykanka waxaa ay duqeeyeen Mudug iyo meelo kale, iyaga oo halkaasi ku dilay dagaal-yahanno badan. Dhinaca kale, Nabad-galyo la’aanta ka jirta Soomaaliya waxa ay sababtay inay dad badan barakacaan, keliya bishii August kadib waxaa barakacay in ka badan 34,000 oo qof, sababaha ugu badan waa dagaallada, abaarta ama xataa fatahaadda. In ka badan 2.6 million ayaa barakac ku ah gudaha Soomaaliya, waxaana maal-gelin toos ah loo la’yahay hey’adaha gargaarka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Raysal Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay in Geeska Afrika mustaqbalka uu yeelan doono hal Madaxweyne, halka haatan ay ka jiraan ilaa iyo sadax Madaxweyne . Hadalkan ayuu waxa uu ka sheegay munaasibad lagu furayay isbitaal magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya. Xiliga uu hadalkan jeedinayay ayaa waxaa dhinacyadiisa tagnaa Madaxweyne yaasha Soomaaliya iyo Eriteriya . Abey ma sheegin goorta loo cayimay in ay midoobaan dalalkan, balse waxaa uu kusoo koobay mustaqbalka. Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa wargayska uu kasoo xigtay khudbad uu ka jeediyay magaalada Gondar in taariikhda Geeska Afrika ay isbadashay. “Hadda waxa aynu u gudbaynaa wada shaqayn dhanka gobolka, horumarinta dhaqaalaha iyo inaan xaqiijino iyo la dagaalanka faqriga Sawiro. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee Xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uga qeyb galayaan shirka Maayarada dalalka Islaamka. Guddoomiyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey dhiggiisa magaalada Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkaas Maxamed Cali Nuur. Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Jabuuti soo dhaweynta walaaltino ee loo sameeyey. Isagoo ku bogaadiyey taageerada joogtada ah ee mar walba la garab taagan yihiin Shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed. Duqa Muqdisho ayaa waxaa socdaalka ku weheliya Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo Agaasimaha Xafiiska Duqa. The post Yariisow Oo Jabuuti kaga qeyb galaya Shir muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-111118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Beeraleyda magaalada Jowhar ee Shabeella Dhexe ayaa bilaabay tacabka bariiska ,kadib markii ay ka soo kabteen fatahaadaha Wabiga Shabelle ee magaladaas saameeyay. Waxa ay shegeen in aysan jirin cid ka caawisay in markale dib ay u beertaan beerahooda, balse iyaga kaliya ay isku howleen sidii ay tacabkooda usii wadan lahaayeen. Waxa ay shegeen in maamulka degmaadaas, kan gobolka iyo maamulka Hirshabelle intaba aysan xil iska saareyn sidii beeraleeyda ay u dhiiro-gelin lahaayeen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/TACABKA-DALAGA-BARIISKA-JOWHAR-OO-DIB-USOO-LAABTAY_ALLConverter_1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera ayaa sheegay in ay cabasho xooggan ka yihiin Koronto la’aan baahsan oo ka jirta magaaladaasi. Waxa ay sheegeen in Koronta magaalada aysan isku haleyn wanaagsan lahayn oo xilliga ay doonto iska baxayso. Qaar ka mid ah dadkan ayaa sheegay in iyadoo isbitaallada qaliinno ay ka socdaan ay korontadu baxdo, taasina ay dhibaato badan keento. “Korontada waa ay iska baxdaa iyadoo xitaa isbitaallada ay qalliin ka socdaan, sidoo kale xilli lagu tashan karo malahan, sidaasi darteed waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha Somaliland in uu arrintaan wax ka qabto: sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah shacabka Bebera. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland C/wali Cali Gaas ayaa markii ugu horaysay waxa uu ka hadlay iscasilaadii Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka. Waxa uu sheegay in waxa ay isku hayaan dowladda iyo maamul goboleedyada sidii loo qaybsan lahaa awooda dalka maadaama Soomalaiya uu ka jiri nidaamka Fadaraaliisamka . Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jirto isfahan daro ka jirta dhanka ma,baadiida , dowladduna ay baalmartay Dastuurkii dalka uyaalay. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda fadaraalka Soomaaliya ay ku doodayso in mas,uuliyada ay iyadu leedahay . Madaxweyne gaas Source
-
Maamulka Jubbada hoose ayaa sheegay in wax badan ay ka qaban doonaan xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta degaanka Buulo-gaduud ee gobalkaas. Masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha Jubbada hoose, iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray degaankaas ayaa kulan la qaatay qeybaha bulsahda si loo ogaado baahiyaha ay qabaan. Shacabka qaarkood oo hadlay waxay sheegeen iney u baahan yihiin gar-gaar caafimaad, waxbarasho iyo sidoo kale cunto ku filan. C/rashiid C/laahi Gooni, guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose oo shacabkaasi la hadlay ayaa sheegay iney heli doonaan dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin oo ay ugu horreeyaan caafimaadka iyo waxbarashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Yuusufkii Maaliyadda: soo dhawoow madaxwayne maanta waad soo dheeraatee. Muuse: adeer in aan maaliyadda qufullo baan doonayay oo aan kuugu imi! Yuusuf: oo adeer iminkana adiga uun baan cod kaaga gartay ee ma cid in aan ka furro ayaad moodaysaa. Maalin oo dhan sidaad iigu sheegtay baan u handaraabaa. Muuse: adeer handaraabkii quful ka maarmi maayo maanta. Yuusuf: aniga ayaa hadda quful ku dhag siinaya madaxwayne . Muuse: may adeer waxba haku siin ee ka soo bax meesha uun, mid yar oo aan adeer u ahay baa habeenkii dhex seexanaya subixiina furaha ii keenayee, inta uu soo qufullee. Yuusuf: markaa maxaa ii naf ah madaxwayne ? Muuse: guddida wax barshada Qaranka ku biir. Yuusuf: oo kuwaasi maba maqal ee xaggay jooggaan madaxwayne? Muuse: hadaba Yuusufow adeer hana warreerin oo sida Jeegaanta hannoola garnaqsan ee meesha soo dhaaf adiga ayaanu kuu taaganahaye, dhowar meelood baanu isu maraynaa oo quful u baahan'e Qaran News
-
Muuse Biixi Madaxweyne Sannad Ku Waayay Kalsoinidi Shacabka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo sannad madaxa ka jarayaa intuu Xukunka hayay ayaa gabi ahaan kal soonidi shacabka lumiyay. In kasta oo uu ololihi ku galay inuu go’aan adag yeelan doono hadana ficilada uu qaaday intuu xilka haya ayaa noqday midba mid ku ilow, waxaanay shacabku baraha bulshada ku falaynayeen su’aasha ugu badan oo ahayd “Yuu la tashadaa yaase la taliya “? Bilawgiiba waxay shacabka rer Somaliland qawad simay Mucaarid iyo muxaafid ka muujiyeen Xukuumaddii uu soo dhisay oo ahayd mid ka hosaysa filashadii laga nawilaayay, sidoo Kale Cadaaladda uu wax ku qaybiyay ayaa ahayd mid waali ah oo ka kanaan ummaddu ka muujisay. Marka laysku daro Xilalka uu beeshiisa u magacaabay iyo kuwii magacawnaa ee uu daayay taas oo ummadda Somaliland ee Amalka ka qabay inay helaan Dawlad wanaag ay candhuuftoodi dib u liqeen. Wuxuu aha xogogaal si dhaw ula socday ka caa kufkii Somaliland soo martay iyo wixii khaladaad soo dhacay taas oo la filaayay inay caawin doonto nasiib darro wuu garab maray rajayntaas, isagoo ka doorbiday kasbashada bulshada uu Madaxweynaha u yahay hananka qaybi oo xukun, taas u qaybisay in degaankiisa laga tageero oo ay xitaa ka amuusan siyaasiyiintii dhuunta u galay xukuumadihii kala danbeeyay, halka bulshadii kalena qaylo ooda ka qaadeen. Isku shaandhayntii uu sameeyay ee u danbaysay ayaa iyana fajac iyo dhabanahays wixii hore ilaw ah ummaddu kaga dareen celisay kadib markii uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee Wasaaradda Maaliyadana beeshiisa ugu dara dheeliga ka jiray Xilalkii hore. Geesta kale Madaxtooyada oo ahayd muraayada bulshadu ka dheehato wada lahaanshaha wuxuu ku koobay ilaa Shaqaale Hosaadkii dad ka soo jeeda jufadiisa taas oo dhalisay in siyaasad hoose (Local) ah Dalka lagu hago. Si kasta oo ay noqotayba wuxuy Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hoos maray xitaa filashadii Dadka aan tageersanayn ka filayeen. Qaran News
-
Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) MW Puntland Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa mar kale ka kadlay khilaafka u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in khilaafka labada dhinac uu salka ku hayo isfaham-darro ka jirta mabaa’diida laga aaminsanyahay nidaamka Federaalka iyo mas’uuliyadaha ay kala yeelanayan xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. “Issue-ga ugu weyn oo sida anigu aan qiyaasi karo la isku’ hayaa waxa weeye isfaham-darro ka jirta dhanka mabaa’diida laga aaminsanyahay Federaalismka oo ah dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu awoodaha see loo qaybsanayaa? Resource see loo qaybsanayaa,dhismaha dowladnimo ee Federaalismka qofba wuxuu ka aaminsanyahay” ayuu yiri mudane Gaas. Sidoo kale madaxweynaha ayaa dowladda Federaalku ku eedeeyay,in ay mar walba ku celi-celiso in ay bixisay mushaharkii ciidamada iyo shaqaalaha dowladda ,balse taasi ay ku koobantahay magaalada Xamar oo keliyah ee uusan jirin mushahar ay siiso ciidamada iyo shaqaalaha dowlad goboleedyada. Mar la weydiiyay in dowlad goboleedyadu ay fara-marooqsanayaa awoodihii dowladda Federaalka ee arrimaha Debadda,maadaama ay heshiisyo la soo galaan dalal kale iyo shirkado kale? Ayuu sheegay in taasi uu qabo nidaamka Federaalismka,isagoo tusaale u soo qaatay in gobornatoorayaasha Maraykanku ay heshiisyo debadda ah soo galaan. Dhinaca kale wareysigan oo VOA-du la yeelatay madaxweyne Gaas ayaa lagu weydiiyay ra’yigiisa ku aaddan is-casilaaddii Shariif Xasaan iyo in la wiiqay awooddii golaha iskaashiga? Waxa uuna dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay hab musuq maasuq ah u fara-gelisay doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya,islamarkaana hantidii umadda loo isticmaalay fara-gelintaasi. Mudane Gaas wuxuu sheegay in Villa Somalia ay baraha bulshada ku qorto”musuq maasuq baan la dagaallanaa” balse sida uu sheegay muquq maasuq baahsan lagu sameeyay doorashadii Koonfur Galbeed,kadib markii xildhibaannadii maamulkaasi loo daabulay magaalada Muqdisho oo lagu laaluushay hantidii Qaranka,si ay u doortaan masharrax gaar ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo ka hadlay is-casilaadi Shariif iyo Khilaafka Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyadii maalintii jimcaha ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac dad badan oo rayid ah kasoo gaaray weerarka, masuuliyadiisa ay sheegteen Al Shabaab. Weerarka oo ku bilowday Qarax lagu dhuftay Albaabka xiga dhanka xarunta Dambi Baarista, ayaa sababay dhimashada dadka shacabka ah, balse waxaa dhibaatada ugu badan geystay gaariga Labaad ee lagu aadiyay albaabka dambe ee xiga dhanka wadada Aadan Garoonka diyaaradaha. Weerarkii shalay ayaa burburiyay dhismayaal badan oo ku yaala agagaara hotelka, waxaana durba ka bilowday halkaasi dayactir ay dadka sameynayeen. Waxyaabo badan ayaa laga bartay weerarkii seddexda qarax ee shalay kadhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah:- 1 – Jawaab deg deg ah: Sida Deg dega ah ee loo toogtay dadkii isku dayay inay gudaha u galaan dhismaha Hotelka waxay muujisay horumar la sameeyey. Waxaa arintaan ay u muuqataa cashar horey looga bartay weeraradii kala duwanaa ee ka dhacay hoteelada magaalada Muqdisho. Weeraro badan oo ka dhacay Hoteelada magaalada Muqdisho ayaa ku bilowday weerar qarax gaari loo adeegsaday, waxaana kadib xigay rag hubeysan oo gudaha u gali jiray hoteelada, balse difaac adag oo la dhigay afaafka hotel-ka iyo ilaalada oo feejignaa ayaa sababay in la toogto kooxaha hubeysan. 2 – Dharka Ciidanka: Dareeska ay xirnaayeen kooxaha hubeysan ayaa abuuray shaki badan oo ahaa sida kooxaha hubeysan ay ku heleen dharkii ugu dambeeyay ee ciidamada amaanka ay isticmaalaan, waxaana laga bartay inay jiraan gacan seddexaad oo fududeysa helitaanka agabka dowladda. 3 – Qaraxyada xiga: Qaraxyada shalay dhacay waxaa dhibaatada ugu badan geystay labadii qarax ee u dambeeyay oo kooxaha hubeysan ay horey kaga fakareen goobta iyo goorta ay qarxeen, gaariga Labaad ayaa qaraxa koowaad kadib, waxaa ruuxii waday uu ula cararay albaabka Labaad ee Hotelka, isaga oo doonayay in halkaasi ay ku mashquulaan dadka ilaalada ah. Waxaase Gaariga seddexaad uu ahaa mid goobta lagu diyaariyay, si marka dadka isku yimaadaan loo qarxiyo, waxaana labada qarax ee dambe ay ahaayeen kuwo waxyeelada ugu badan geystay. 4 – Tacsiada Kheyre: Fariinta Tacsida ah ee uu soo dhigay Ra’iisul wasaare Kheyre Bartiisa Twitter oo shacab badan ay ka jawaabeen ayaa muujisay in dhibaatada ka dhacda Caalamka ay durba ka jawaabaan madaxda dowladda halka dhacdooyinka gudaha ka dhaca aysan u muuqan kuwa daneeya. Afhayeenka baarlamaanka ayaa kaliya tacsi ka diray weerarkii shalay, halka saraakiishii ciidamada qalabka siday seddex saac kadib weerarka ay barahooda Bulshada soo dhigeen inay ka qeyb galeen xafladda furitaanka Diyaaradda Ethiopia Airline, xitaa iyaga oo aan tacsi kasoo saarin weerarka, maadaama ay iyaga amaanka masuul ka ahaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors
