Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xogo Layaab Leh Oo Wargeyska FOORE Kasoo Ururiyey Xuquuqda Dadka Qoomu-Luudka Ah Ee Ilhaan Cumar U Ololayso Iyo Siday U Difaacayso (SLT-Hargeysa)-Haweenayda Dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Ilhaan Cumar oo taariikh weyn ka dhigtay waddanka Maraykanka kadib markii ay habeen hore ku guulaysatay Kursigii Aqalka Koongareeska Maraykanka ee ay u ordaysay kana soo baxday xisbiga Dimuquraadiga muddo bandanna lagu xamanayay in ay taageerto dadka u ololeeya in ay is guursadaan dadka isku jinsiga ahi iyo kuwa iska baddala qaabkii qofnimo ee Ilaahay marka hore u abuuray (Ragga naagaha iska dhiga iyo Haweenka ragga iska dhiga) ayaa muddo kooban kadib markii lagu dhawaaqay natiijada Doorashada ee ay ku guulaysatay waxa ay barteeda Xidhiidhka Bulshada ee Internetka ku baahisay qoraal ay ku sheegayso in ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doonto sidii ay ugu is-taagi lahayd xuquuqda dadka Qoomu-luudka ah. Ilhaan Cumar oo 34-jir ah noqotayna gabadha soo labaysa haweenayda Falastiiniyadda ah ee Rashiida oo sidaa ku noqonaya labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslimiin ah ee ka mid noqda Golaha Koongareeska Maraykanka ayaa marka laga yimaad hambalyo iyo bogaadin ay in badan kala kulmaysay Soomaalida iyo dadka Afrikaan Ameerikaanka ah ee ku dhaqan dalkaasi Maraykanka kadib waxa si gaar ah diiradda loo saaray Arrintan oo muddoba dad badani si hoose ula socdeen aadna uga walaacsanaayeen, waxaana fajac iyo amakaag noqotay markii ay si badheedh ah baraheeda Xidhiidhka Bulshada ee Facebook, Twitter iyo Instagram ugu baahisay qoraal luuqadda Ingiriisiga ku qoran oo macnihiisu yahay sidan: “Waxaan ku faraxsanahay dadaalkiina, dhammaanteen waan guulaysanay. Waxa aan ka shaqayn doonaa danaha qoysaskeena iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha caafimaadka iyo guud ahaan Bulshada. Waxaan u dagaalami doonaa sidii aan ubadkeena ugu heli lahayn waxbarasho bilaasha h oo tayo leh oo ka madhan daynta. Waxa aan u dagaalami doonaa sidii aan Qaxootiga wax ula qaban lahaa sidoo kale xuquuqda Haweenka iyo Xuquuqda ay leeyihiin Dadka LGBTQ” ayay barteeda ku faafisay Marwo Ilhaan Cumar. Aan is waydiinee haddaba Wargeyska FOORE oo arrintan wax ka qoray waxa uu leeyahay, waa maxay LGBTQ?. Waa kelmad ka kooban xarfo la soo gaabiyey oo kelmad kastaa u taagan tahay macnaha eray oo ah sidan: “Lesbian, Gay, Bisexual, Transgender, Queer” oo macnahoodu Soomaali ku noqonayo: “Lesbian: Haweenka isku taga. Gay: Ragga Wax Iska Daya ee Qoomu-luudka ah. Bisexual: oo ah dadka sameeya galmada laba qof ah. Tusaale ahaan haweenay ay hal mar u wada tagaan laba nin ama Nin hal mar laba gabdhood galmo la sameeya ama sidoo kale Nin ay laba nin qoomu-luudnimo ula sameeyaan. Xarafka T ayaa isna u taagan kelmadda ‘Transgender’ oo ah dadka qalliinka isku sameeya ee ka guura abuurkoodii hore, tusaale ahaan ragga qalliinka lagu sameeyo ee laga dhigo gabdhaha. Ugu dambayn kelmadda ‘Q’ waxa loo soo gaabiyey ‘Queer’ oo ah dalladda ay ku bahoobeen kooxdani oo ah dallad u doodda xuquuqdooda la xidhiidha in ay sidan yeelaan ama ay dadku xaq u leeyihiin in ay galmo noocan ah sameeyaan ama jinsiga ay doonaan iska dhigaan. waxaana loo yaqaan kooxda QUEER Community (Bulshada QUEER). Ilhaan Cumar, waxa ay dalka Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaallada Sokeeye iyadoo 8 sano jir ah. Muddo afar sano ah ayay ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab Kenya. Waxay Maraykanka tagtay iyadoo 12 sano jir ah. Sannadkii 2016 ayay u carartay xubin Baarlamaan oo heer State ah waxaana loo doortay xildhibaan Baarlamanka Minnesota ah halka habeen hore loo doortay Xildhibaan ka tirsan Koongareeska heer Federaal ee dal-weynaha Maraykanka. Ilhaan waxa ay mareegteeda gaarka ah ee Internet-ka oo ciwaankeedu yahay https://www.ilhanomar.com si waafi ah ugu faahfaahsay markii ay kaambaynka ku jirtay qorshayaasheeda ay ugu dooddayso uguna taagan tahay difaacidda xuquuqda kooxdan Qoomu-luudka ee loo yaqaano LGBTQ. LGBTQ waa urur heer caalami ah oo dalal badan oo adduunka ah ka dhisan gaar ahaan Yurub iyo Maraykanka waxaanay yihiin kooxaha u dooda xuquuqda dadka Qoomu-luudka ah ee raba in ay u wada noolaan iyaga oo isku jinsi ah. Waxaanay codkooda ku dhiibtaan in dawladuhu xeerer lagu ilaalinayo oo lagu taageerayo loo sameeyo. Dhawaan ayay ahayd markii isla Madaxweynaha Marayka laftiisu soo saaray amar ciidamada Maraykanka lagaga mamnuucayo qaar ka mid ah kuwan oo ah kuwa qalliinka isku sameeya ee baddala jinsigooda waxaase aad u taageera xisbiga Dimuquraadiga. Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Faarax Dheere oo ka mid ah golaha wakiillada Somaliland ayaa ku baaqay in gacanta dawladda dib loogu soo celiyo warshada sibidhka oo uu sheegay in dad gaar ah la siiyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubalada hoose ayaa eedeen culus ujeediyay dowladda Fadaraalka Soomaaliya . Waxa uu sheegay in ay dowladdu ay awood u isticmaalayo bur burita dowladd goboleedyada Soomaaliya . Axmed Madoobe ayaa walaac ka muujiyay doorashada maamulka Koofur Galbeed, wuxuuna ka digay in rabshado ay ka dhacaan magaalada Baydhabo. “Wixii qaldama waxaa masuul ka noqon doonta Dowlada dhexe, sidaan hadii ay wax kusii wadaan bur bur ayey sababi doonta, mana jirto cid ay ka adkaan karaan ayuu yiri Axmed Madoobe. Source
  4. Halisaha Jeegaantu Ku Hayso Somaliland Waxa Ugu Culus In Ay Muwaadiniintii Loo Kala Qaybiyay Super Jeegaan Iyo Inta Kale Oo Dhan Oo Ah Muwaadin Caadiya Dhibta Kala Qaybsanaantan Iyo Kala Fogaanshaha Keentay Waa DOORASHADII 2017 Ka Dacday Dalka Si Xisbiga Kulmiye U Guulaysto Ayaa La Ciyaaray Kaadhkan, Balse Waxa La Raaciyay ….. Oo Keenay Dilaacan Innagu Adkaatay Tolmadiisii ´Qoraal Kale Aynu Ku Xusi` Marka Qaranimada Laga Soo Daadago Waa La Tartamaa, Waxa Jira Meelo Lama Taabtaan ah Oo Aan La Dhaafin, Sida Ciyaaraha Feedhka Iyo Karate-ga Lama Ogola In Ciyaaroyga Laga Laago Wixii Ka Hooseeya Suunka Dhexda Ku Xidhanyahay , Sidaasay U Dhacday Doorashadii Ina Dhaaftay Waa Halka Abuurtay Guuxan Xooga Badan Labada Muwaadin Ee Kala Ah Super Jeegaan Iyo Muwaadinka Caadiga Ah Waxay Ku Kala Duwan Yihiin 1-Super Jeegaan Somaliland Wuxu u Hayaa Kalsooni Buuxda Iyo Inuu Helay Xaqii Muwaadinimo Oo Weli Wax Ka Maqan Yihiin, Fursadaha Soo Baxa Qayb Libaax Inuu Isagu Leeyahay !!! 2-Muwaadinka Caadiga Ah Wuxu Dareemayaa In Somaliland Laga Leeyahay Oo Jiro Dad Super Ah Oo Dadka Laga Horaysiiyo Fursadaha Soo Baxa Inuu Hadhaaga Keliya Leeyahay Labada Qaybood Qolo Kalsoonidooda Ayaa La Dhisay Duruufo Deegaan, Taariikheed ,Siyaasi , Xulafaysi Siyaasadeed, Qaranimadii Qolo Xarun u Noqotay…. Qaybaha Kale Labaad Oo Ah Muwaadintiinta Degta Somaliland Barri Ilaa Galbeed Majortiy Waxay Dareemayaan Kalsooni Yari Si Kastaba Ha Ku Timaadee , Siyaasi Keenay , Deegaan Fog Keenay, Taariikhiyii Keentay …. Xukuumada Muuse Biixi Waxa La Gudboon In La Soo Celiyo Kalsoonidii Muwaadinku Ku Kalsoonaa Dawladnimada Inaan Laga Lahayn Oo Ay Tahay Tiir U Dhaxeeya Dhamaan Dadka Oo Dhan In U Wada Jira. Muwaadinku Hadii Dareemo Kalsooni Daro Waxba Ma Qabsan Karo Waayo Awoodihiisa Oo Dhan Ayaa Istaaga, Maskax, Fikir, Muruq , Firfircooni, Jidh Iyo Culays Saarma Dhinac Walba. Maxamed Xoosh Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta oo kale 8-da Bishan November waxa uu ula baxay Xuska maalinta cadaaladdarada Somaliland, waxaana uu ku tilmaamay maalintii ay Somaliland ka dhacday cadaaladdaradii siyaasadeed ee u xumayd, iyadoo uu sheegay inay ku beegan tahay maalintii laga hor istaagay garabkii uu hogaaminayay inay Shir ku qabsadaan Huteel Maansoor halka Faysal Cali Waraabe Oo Garabka kale hogaaminayay ay Xukuumaddu ciidan illaaliya iyo Huteel ugu deeqday. Qoraal Uu Jamaal Cali Xuseen Dhacdadan Kaga sheekeeyay oo Wargeyska Foore helay ayaa waxa uu u dhignaa sidan“Maanta oo kale November 8-deedii, sanadkii 2016, waxa Somaliland ka dhacay cadaalad daraddii ugu balaadhneyd ee weligeed soo marta xagga siyaasadda. Xisbigga UCID oo khliaaf ba’ani uu rigaadiyey ayaa gaadhay heer ay labaddii garab ee heshiisku dhex maray ee labadda shir kala qabsaday ayaa shirkii uu hogaaminaayey murashax Jamaal Cali Xuseen ay dawladda Somaliland oo ay madaxtooyaddii xilligaasi ka mamnuucday hotelka Maansoor in ay shirkooddii ku qabsadaan; halka ay xukuumaddii Somaliland iyo xisbigga Kulmiye ay hotelkii Faysal Cali Waraabe garabkiisu ku qabsanaayey shirka ay ilaalinayeen ciidanka Somaliland, oo uu weliba ka qayb galay gudoomiye ku-xigeenka xisbigga Kulmiye Maxamed Kaahin Ahmed imikana ah wasiirka arrimaha gudaha. Waxaa markii danbe dhacday in garabkii Jamaal Cali Xuseen ay shirkoodii ku qabsadeen geed hoostii iyadoo safaadadda Somaliland ay halkaasi joogtay”. Waxa kale oo uu yidhi“Runtii cadaalad daraddii lagu sameeyey murashaxii madaxweynaha ee Xisbigga UCID Jamaal Cali Xuseen wuxuu ahaa mid laga wada siman yahay oo ay Maxkamadda sare ee Somaliland iyo gudoomiyaheedda Aadan Xaaji Cali ay leeyahiin masuuliyaddeeda ugu horeysa, maadama ay si toos ah ugu badheedhtay in ay Jamaal Cali Xuseen oo laga baqanaayey doorashadda toos loogu badheedhay, iyagoo markii danbe xukunkii ay soo saareen ee ahaa in labadda garab shir beenbeen ah ay wadda qabsadaan, runtii indhaha ka qarsatay. Haddii xataa tooda loo raaco, marka xataa la eego xukunkii maxkamadda sare wuxuu ahaa in shir labadda garaba ay joogaan la sameeyo; taasi may dhicin ee Faysal Cali Waraabe ayaa intii dad ka soo urursaday meelahaasi yidhi waa golahii dhexe oo Jamaalna way tuureen, anigana way i doorteen”. Isagoo dhacdadan ka sheekaynaya ayaa waxa uu ku sii yidhi“Dalkeena waxaa ka dhacay arrin ugub ku ahaa oo taariikhda saameyn weyn ku noqon doona, una sababi kara burbur. Marka nin dhan oo gole dhexe ee Xisbi doortay oo hore saxaafadda horteena ku kala saxeexday heshiis, geliyey hanti, iyo dedaal badan, xisbigga u keenay murashaxiin iyo cod, oo 4 sanadood loogu yeedhaayey inuu murashaxa xisbigga ahaa in aayar oo dhalatay la yidhaahdo maaha murashaxa xisbigga, iyadoo sababta uu xisbigu u soo baxayba ay tahay in uu Jamaal cali Xuseen noqday murashaxa xisbigga. Taa waxaa u daliil ah sida uu xisbiga UCID ahaa, taasina Faysal Cali Waraabe ayaa horteena iyo Maxkamadda sare ka qirtay oo yidhi; ” Bakhtigaa noo xalaal ahaa kolkuu Jamaal noo yimid, anigaana golaha dhexe u codeeyey; laakiin waanu khiyaameynay”. Kolay waxaa la hubaa in Jamaal ama cid kale ay maalin ay noqotaba ka qori doonaan dadkii fuliyey cadaalad daraddaa dalka ka jirtana. Dad qaar shacabka kolkaad la sheekaysatid waxay qirayaan inay cadaalad daro weyn ay ahayd, dalkana waxyaalaha haysta uu kiiskaa Jamaal ugu weyn yahay. Jamaal Cali Xuseen oo dhawaan laga waraystay HCTV ayaa sheegay in cadlaad daraddii ugu weyneyd ay ku dhacday Jamaal iyo dadkii la soo halgamay oo runtii la dhacay oo ay Somaliland oo dhami iskugu tegtay”. Ugu dambayn waxa uu qoraalkiisa ku yidhi“Tolow muxuu noqon doonaa dadka arkaaya Jamaal ma ku soo dhiiran doonaan in ay dalka wax u qabtaan. Jamaal Cali Xuseen oo ka yimid shaqo weyn oo ka hastay caalamka ayaa imika u muuqda mid ka filaynin uu dalkiisa cadaalad daro sidaa u weyni ay kaga dhici karto”. Dhinaca kale maalintani waxa ay ku beegan tahay Maalintii Alle ha unaxariistee uu geeriyooday Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur). Source
  6. Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur n ayaa dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku edeeyay in dhaqaalihii iyo hantidii umada ay u adegsanayo burburinta mamaul goboleedyada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Shariif Xasan uu noqonayo siyaasigii Afaraad oo ay dowladda dhaqaale u isticmaasho . Halkan ka akhriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. “Shariif Xasan Sh Aadan waa siyaasiyigii afaraad oo iyadoo lagu takri falayo awooda, hantida iyo waqtiga qaranku leeyahay xilka laga tuuro. Cali Cosoble, Taabit Abdi, iyo Jawaari ayaa ka horeeyey. Caqliga oranaya hadii aad iga aragti duwan tahay xilkaan kaa tuurayaa, ama waan ku weerarayaa, amaba aflagaadaan kuu miisayaa ee dhaqanka u noqday kooxda talada haysa, ma aha oo keli ah in umadda uu ka khasaarinayo xoog, hanti iyo waqti ee wuxuu dhaawacayaa kalsoonidii iyo is-aaminkii shacabka ee sanidihii tegey geedi socodka gaabiska ah lagu soo dhisay” “Waxaa shaki lahayn in kooxdani xili ay tabar beeleen ay ka qoomamayn doonaan fal kasta oo maanta guul ugu muuqda markii ay maciin bidaan ragii ay is lahaayeen siyaaasada ayaad ka bixiseen ama waayahoodii u shalaayaan. Waxaa kaloo iyana hubaal ah in xadigga saamaynta khasaaraha iyo dhaawaca ay geysanayaan uu la ekaan doonto hadba inta uu fal celiskeenu yahay. Haddaba waa waajib Diini, Wadani, akhlaaqi ah oo dhamaanteen ina saaran in aan wiilashan xuurtaysan gacmaha qabano” Source
  7. Musharaxiinta utartamaysa doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta waxa ay soo saareeb War-saxaafadeed ku aadan in dib loo digo doorashada Madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed oo ku asteesneed 17 bishan. Muqtaar Roobo oo kamid ah Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay iscasilaada Shariifka , wuxuuna ku baaqay in la soo dhamaystiro gudigii doorashada oo intooda badan xilkii horay isaga casilay . Dowladda fadaraalka Soomaaliya ayaa maalmihii udambeeyay faragalin ku haysay doorashada Koonfur Galbeed , iyadoo Xildhibaanadii dooran lahaa Madaxweynaha loo daabulay Muqdisho,taas oo keentay in Shariif Xasan uu isga tago xilka . Madaxda maamul Goboleedyada Puntland, Jubaland , iyo Galmudug ayaa ku eedeeyay dowladda in ay qalalaasaha ka socda Koonfur Galbeed ay ka dambayso. Source
  8. Beeraleyda ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ka cabanaya cudurro iyo cayayaan waxyeello u geystey Beerahooda. Maxamed C/raxmaan Matow oo ah guddoomiye ku xigeenka Beeraleyda Baardheere ayaa u sheegay Goobjoog in ay u baahan yihiin in laga caawiyo la dagaalanka cayayaankan iyo sidoo kale in gacan laga siiyo wax-soosaarkooda. Waxa uu tilmaamay in xilligan ay tahay waqtigii ay wax soo saaran lahaayeen, balse uu dhibaato badan ku hayo cayayaan. Dowladda federaalka, Jubbaland iyo hay’adaha qaabilsan arrimaha beeraha ayuu ugu baaqay iney gurmad usoo sameeyaan beeraleyda Baardheere. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Beeraleyda-Baardheere-oo-ka-Cabanaysa-Cuduro-iyo-Cayayaan-wax-yeelo-u-geystey-BeerahaOK.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Qaar ka mid ah waxgaradka K/galbeed ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxay kaga hadleen arrimo ku aadan doorashada madaxweyne ee maamulkaasi. Waxa ay sheegeen in marnaba aan la aqbali doonin dib u dhac ku yimaada doorashadaasi oo ay sheegeen in loo baahan yahay in lagu qabto waqtigii loo ballamay. Qaar ka mid ah waxgaradkii hadlay ayaa ka hor yimid hadalkii dhowaan ay sheegeen golaha dhaqanka K/galbeed, kaasi oo ahaa in dib loo dhigay doorashada madaxweyne ee maamulkaasi. Siyaasadda K/galbeed ayaa maalmahan dambe ahayd mid aad u qasan, iyadoo dowladda dhexe lagu eedeeyey iney faragelisay arrimahaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Odayaasha-Koofur-Galbeed-Oo-Ku-Baaqay-Doorashada-In-Xiligeedi-Ay-Dhacdo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose lagu soo gabagabeeyo shirka amniga ee dowlad goboleedyada. Waxaa shirkan ka qeybgalaya wasaradaha amniga ee dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo sidoo kale K/galbeed. Waxa uu daba socdaa shirkan mid ay madaxda maamullada ku yeesheen magaalada Garoowe, iyadoo ulajeedka ugu weyn yahay sidii loo dhisi lahaa ciidamo gaar ah oo maamulladan leeyihiin. Sida qorshaha uu yahay, waxaa la filayaa in laga soo saaro shirkan war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga wada hadlay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Wasiirka-arimaha.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Qaxootiga Yemen ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah iyo sidoo kale shaqo la’aan. Qaar ka mid ah qaxootigan oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in duqa Muqdisho uu ka joojiyey shaqo nadaafadeed oo ay ka hayeen degmada Shibis. Waxa ay sheegeen in Soomaaliya ay marti u yihiin, una baahan yihiin in si wanaagsan loo soo dhoweeyo, waxna loo qabto. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Qaxootiga-dalka-yaman-ee-kunool-Magaalda-muqdisho-ayaa-dalbanaya-in-Ay-helaan.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu ka xun yahay xiisada ka taagan Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay. Axmed Madoobe ayaa ka digay in rabshado ay ka dhacaan magaalada Baydhabo, isagoona walaac ka muujiyay doorashada maamulka Koofur Galbeed. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlada dhexe ay faragelin ku hayso doorashada Koofur Galbeed. “Wixii qaldama waxaa masuul ka noqon doonta Dowlada dhexe, sidaan hadii ay wax kusii wadaan bur bur ayey sababi doonta, mana jirto cid ay ka adkaan karaan ayuu yiri Axmed Madoobe. 17 Bishan ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  13. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is concerned about the incident involving its troops that took place near ex-control Balcad in which, regrettably, lives were lost. AMISOM has commenced a full-scale investigation and will work closely with the competent FGS authorities to determine the full truth about the circumstances in which this violent incident took place. The findings of this investigation will be made public. The African Union Mission in Somalia presents its condolences to the bereaved families. AMISOM wishes to inform the people of Somalia and its partners that, prior to deployment in the theatre of operations, AMISOM forces are always trained and mentored to strictly observe the provisions of International Humanitarian Law, as well as International Human Rights Law and abide by the Rules Of Engagement governing the conduct of military operations, in particular, the core principles of sacred respect for, and protection of civilians. AMISOM will not relent until the truth about this incident is known and justice is done. The post AU mission probes into civilian deaths in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  14. The African Union Mission in Somalia is on the spot over the alleged killing of four civilians in a retaliatory attack. The four were killed on Tuesday in the Heliwaa district of the Somali capital Mogadishu. Eyewitnesses told the human rights body that they saw Amisom’s Burundi soldiers open fire on the four unarmed men at close range. The Burundi troops had been traveling in a convoy from Maslah when they ran over an improvised explosive device (IED) that exploded as they drove past the Ex-Control, Ballad neighborhood in Heliwaa. Amnesty while condemning the killings, called for investigations to be carried out into the incident and want the soldiers responsible brought to book. “These shocking killings by soldiers who are supposed to protect civilians must be thoroughly and impartially investigated by Amisom, with those responsible held to account,” Sarah Jackson, Amnesty International’s deputy director for East Africa said. The rights group said it was disturbing that forces trained to counter threats to civilians have turned against the people they are supposed to protect. Amisom responded to the incident saying investigations have already been launched. “Amisom regrets the loss of lives and sends its condolences to the bereaved families. We will not relent until the truth about this incident is known and justice is done,” an Amisom statement read. The four bodies were taken to the Banadir hospital morgue The post Amisom on the spot over killing of four civilians in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  15. The International Organization for Migration (IOM) said on Wednesday that 124 illegal Somali immigrants were voluntarily repatriated from Libya’s capital Tripoli. The repatriation took place as clashes erupted near Tripoli’s Mitiga International Airport, the IOM said in a statement. “Late last night, clashes erupted briefly around Mitiga airport, where our team was working to finalize procedures for 124 Somali migrants wishing to return home to Somalia,” the statement said. Somali Ambassador to Libya Ali Said Faqi expressed gratitude for the unwavering support Somalia has received from the IOM and the UN High Commissioner for Refugees Libya to make the return possible. Libya has become a preferred departure point for illegal immigrants hoping to cross the Mediterranean Sea into Europe because of insecurity and chaos in the North African country following the 2011 uprising that toppled former leader Muammar Gaddafi. Migrant shelters in Libya are crowded with thousands of illegal immigrants who were rescued at sea or arrested by the Libyan security services. The IOM is running a voluntary return program with an aim to arrange the return of illegal immigrants stranded in Libya to their countries of origin. The post More than one hundred Somali immigrants voluntarily repatriated from Libya appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Aqoonyahanno ka kooban 24 xubnood ayaa soo saaray baaq ku aadan faraggelinta dowladda federaalka ah ku heyso doorashada koonfur galbeed. Qoraal ay aragtay Goobjoog News waxaa ku qornaa in isbadalkii ka dhacay guddiga doorashada kadib ay dowladda federaalka ah isticmaaleyso waddo qaldan oo intii ay ka shaqeyn laheyd dimoqoraadiyadda iyo sareynta sharciga ay isku dayeyso inay saameyso natiijada doorashada. Aqoonyahankan waxaa ay walwal ka muujiyeen in faraggelintaas sharci-darradaha ah ay dadka ka hor istaageyso inay doortaan qof ikhtiyaarkooda ah iyo inay horseedi-doono fowdo iyo colaad. Qodobbada Ay Dowladda Federaalka Ah Ku Eedeeyeen: 1. Dowladda federaalka ah waxaa ay isticmaaleysaa jid qaldan oo ku carqaladeynso doorashada iyada oo soo saareysa murashaxa ay wadato, waa intii ay ilaalin laheyd sharciga, arrintaas waa dib u soo celin kartaa colaado hubeysan. 2. Waxaa jira warar sheegaya inay murshaxiinta qaar la shakigelinayo si aaney ugu tartamin doorashada koonfur galbeed. 3. Is-casilaadda guddoomiyaha doorashada, ku-xigeenkiisa, afhayeenka waa faraggelin qaawan oo lagu sameeyey hannaanka doorashada. 4. War-murtiyeedka odayaasha dhaqanka oo ay dib ugu dhigeen November 17, 2018 iyo xildhibaannada Muqdisho la geeyey si loo laaluusho dhammaan waa taktiko ay dowladda isticmaaleyso si murashaxeeda u soo baxo. 5. Waxaa jira war-murtiyeed ay soo saareen murashaxiinta isbadal-doonka oo dowladda ku eedeeyey faraggelin, qaraabeysi iyo codad la iibsado, si uu u soo baxo murashaxeeda. 6. Iscasilaadda madaxweynaha koonfur galbeed iyo inuu tanaasulo waa cadaadis ay saartay dowladda federaalka ah si ay isbadal ugu sameyso nimaadka, laakin waxaa ay aheyd in isbadalka ku yimaado qaab dimoqoraadi ah. Ugu dambeyntii, waxaa ay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan dimoqoraadiyadda, doorashadana u dhacdo qaab hufan. In doorashada u dhacdo si waafaqsan dastuurka koonfur galbeed, In guddiga doorashada ay shaqadooda wataan iyada oo aaney faraggelin dowladda federaalka ah. Waxaa Saxiixay Qoraalka: 1- Prof. Abdi Mohamed Kusow, Michigan, USA 2- Prof. Mohamed Haji Mukhtar, Georgia, USA 3- Hon. Mohamed Ali Hamud, former Finance and Foreign Minister, Australia. 4- Dr. Mohamed Hussein Moalin, Norway 5- Prof. Mohamed Ali Kalay, Baidoa, Somalia 6- Hon. Sadiq Abdullahi Abdi, Former Minister of Public Works, Minnesota, USA 7- Hon. Abdirashid Abdullahi, Former Minister of Defense, Baidoa, Somalia 8- Subaida Mohamed Mukhtar, Former Secretary General of Banadir Administration 9- Hon. Famey Mohamed Nur, London, UK 10- Mohamed Ali Aden, (Wanaag)Toronto, Canada 11- Yasin Abicar, journalist, Toronto, Canada 12- Hassan Adam Hosow, Edmonton, Canada 13- Sharif Mohamed Haji, Edmonton, Canada 14- Awes Sheikh Muheidin Amin, Melbourne, Australia 15- Aden Batar, Salt Lake, Utah, USA 16- Hassan Ibrahim Aden, Trondheim, Norway 17- Fawsi Abdinur, Southwest Scholars Council, Baidoa, Somalia 18- Abdulkadir Bulle, Southwest Scholars Council, Baidoa, Somalia 19- Kassim Mohamed, Southwest Scholars Council, baidoa, Somalia 20- Luul Isaaq Aden, Civil Society, Baidoa, Somalia 21- Isack Hassan Hussein, Melbourne, Australia 22- Abdullahi Haji Ali, Dubai, UAE 23- General Mohamed Atosh, Melbourne, Australia 24- Abdirashid Haji Hassan, London, United Kingdom Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Qaramada Midoobay maalmihii ugu dambeeyay ay warbixino digniin ah kasoo saareysay doorashada Koofur Galbeed ayaa waxaa ka jawaabay arintaasi lataliyaha dhanka amaanka ee madaxweynaha. Hadalka Lataliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda in Villa Somalia ay ka carootay hadalka Qaramada Midoobay ee ahaa in doorashada Koofur Galbeed aan la faragelin oo si cadaalad ah ku dhacdo. Warka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ahaa in doorashada Koonfur Galbeed ay u dhacdo ama u qabsoonto hab heshiis, is ogol iyo mas’uuliyad kujirto, taas oo tusaale fiican u noqon karta hab-socodka doorashooyinka ee Soomalaiya. Cabdisaciid Maxamed Cali La taliyaha ammaanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa boggiisa Twitter-ka waxa uu ku qoray qoraal kooban oo uu ku sheegay in ay muhiim tahay in Xafiiska Qaramada Midoobey aysan soo faragalin Arrimaha Gudaha Soomaaliya. Cabdisaciid ayaa yiri : “Ha faragashan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dhaqankaasi waa mid aan la soo dhoweyneyn” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. (SLT-Qaza)-Wiilkan 22 jir ah oo lagu magacaabo Caaid Abu Amro ayaa dhawaan sawirkiisa astaan u noqday kacdoonka Gaza kadib markii ay bulshada si weyn ugu faafiyeen baraha internetka. Falastiiniyiinta ku nool Gaza ayaa bishii march ee sanadkan bilaabay kacdoon ay ku doonayaan inay dib ugu noqdaan dhulka ay Israel ka boobtay isla markaana uga soo horjeedaan xayiraada Israil ku heyso dhulka Marinka Gaza. Tan iyo markii ay bilowdeen banaanbaxyada ay Falastiiniyiinta qabtaan maalin walba oo Jimce iyo Isniin ah ayaa waxay ciidamada Israel toogasho ku dileen in ka badan 200 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan caruur, suxufiyiin iyo Hawlwadeenada caafimaadka. Caaid Abu Amro ayaa kamid noqday kumanaan kun ee ku dhaawacmay mudaharaadka ka socda Gaza ayaa la sheegay in isniintii lasoo dhaafay ay rasaasta uga dhacday lugaha, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu u dhinto dhulkiisa. Source
  19. (SLT-Washington)-Xisbiga dimuqraaddiga Mareykanka ayaa la wareegay aqlabiyadda aqalka wakiillada ee loogu tartamay doorashadii xilliga dhexe, taasoo dhabar jab ku noqonaysa madaxweyne Donald Trump. La wareegista maamulka aqalka hoose ee Koongareeska oo noqotay markii ugu horreysay muddo 8 sano ah waxay xisbiga Dimuqraaddiga u sahleysaa iney fashiliyaan qorsheyaasha madaxweynaha. Hase ahaatee xisbiga Mr Trump ayaa la filayaa iney xajistaan awoodda ay ku leeyihiin aqalka odayaasha ee Senete-ka. Doorashadii dhacday shalay oo Talaado ahayd ayaa loo arkay mid afti u ah awoodda maamul ee madaxweynaha, inkastoo uusan doorasho u taagneyn tan iyo sannadka 2020-ka. Lahaanshaha sawirkaREUTERSImage captionAlexandria Ocasio-Cortez (dhexda) waa gabadha ugu da’da yar ee Koongareeska gashay Natiijada doorashada ayaa xaqiijisay guul taariikhi ah oo ay doorashada xilliga dhexe ka soo hooyeen xisbiga aan heynin maamulka Aqalka Cad. Hogaamiyaha aqalka ee xisbiga Dimuqraaddiga Nancy Pelosi, oo lagu wado iney noqoto afhayeen, xilkaasna heysay tan iyo sannadkii 2007-dii, ayaa iyadoo taageerayaasha kula damaashaadeysa magaalada Washington waxay tiri “Waad mahadsantihiin, wuxuu waa cusub u baryayaa Mareykanka”. Madaxweyne Trump ayaa doorashada diiradda ku saaray aqalka Senete-ka, wuxuuna isku amaanay dadaalka uu sameeyay. Muxuu yahay tartanka ka socda aqalka hoose? Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa ka faa’iideystay hadallada qallafsan ee uu Trump uga soo horjeeday dadka soo galootiga ah, waxayna guul ka gaareen doorashadii ugu horreysay ee ka dhacday guud ahaan dalka wixii ka dambeeyay marka uu madaxweyne Trump xilka qabtay 2 sano ka hor. Dimuqraaddigu waxay aqlabiyadda aqalka la wareegeen markii ay heleen wax ka badan 23-kii cod ee ay doonayeen si ay ula wareegaan maamulka aqalka hoose ee Koongareeska. Shacabka Mareykanka ayaa u codeeyay dhammaan kuraasta aqalkaasi oo ay tiradooda gaareyso 435. Image captionNancy Pelosi oo Waxay mar kale hogaamin doontaa aqalka Koongareeska Hadda waxay dimuqraaddigu billaabi karaan baaritaanno ku aaddan sida uu maamulka Trump u maareeyo arrimaha ganacsiga, laga billaabo canshuur celinta ilaa danihiisa ka hor imaanaya howlaha ganacsi ee qaranka. Waxay sidoo kale awood dheeraad ah u heli karaan iney is hor taagaan qorsheyaashiisa dhinaca sharciga, oo uu ka mid yahay ballan qaadkiisa ku aaddan in darbi laga dhisi doono xadka kala qeybiya Mareykanka iyo Mexico. Murashaxiinta haweenka ah ayaa guulo ka soo hooyay doorashadan oo loo aqoonsaday sannadkii dumarka. Labo gabdhood oo ay da’doodu tahay 29 sano, oo lagu kala magacaabo Ocasio-Cortez iyo Abby Finkenauer, kana tirsan Dimuqraaddiga ayaa lagu wadaa iney noqdaan xildhibaannadii ugu da’da yaraa ee abid qeyb ka noqda mudaneyaasha aqalka. Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa iyaguna taariikhda ku galay iney noqdaan gabdhihii muslimiinta ahaa ee markii ugu horreysay abid ku biiray aqalkaas, waxaana laga soo doortay isla xisbiga Dimuqraaddiga. Maxaa ka socda tartanka Aqalka sare ee Senete-ka? Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku howlan sidii ay u xoojin lahaayeen aqlabiyaddooda aadka loogu dhow yahay ee ay aqalka sare ugu maamulaan 51-49, taasoo ka dhigan in Jamhuuriga ay horay u heysteen kuraas dhan 51, halka Dimuqraaddiguna ay haysteen 49 kursi. Haddii ay xaqiijiyaan iney aqalkaas la wareegaan waxaa madaxweyne Trump u suurto galaysa inuu aqlabiyad ku hirgaliyo amarradiisa iyo soo xulashadiisa mas’uuliyiinta dhinaca caddaaladda. Xisbiga Dimuqraaddiga ayay sannadkan ku adkeyd iney guul la taaban karo ka soo hooyaan tartanka aqalka sare maadaama ay difaacanayeen 26 kursi, halka xisbiga jamhuuriguna ay difaacanayeen 9 kursi oo kaliya. Guulaha ugu waaweyn ee xisbiga Jamhuuriga waxay ka yimaadeen gobollada Indiana, Missouri iyo North Dakota, halkaasoo ay xilalka uga fara maroojisteen siyaasiyiintii ka soo jeedday Dimuqraaddiga. Rick Scott ayey u badan tahay inuu ka guuleysto siyaasiga ka socda Dimuqraaddiga ee Senetarka ka ah gobolka Florida, waxayna taasi xisbiga Jamhuuriga ka dhigeysaa iney helaan labada kursi ee laga soo doorto gobolkaas, iyadoo noqoneysa markii ugu horreysay ee ay taasi dhacdo muddo ka badan hal qarni. Image captionAndrew Gillum waxaa looga guulaystay barasaabnimada Florida. Maxaa ka socda tartanka Badhasaabyada? Badhasaabyada gobollada waxaa laga soo dooranayay 36 ka mid ah 50-ka maamul goboleed. Gobolka Florida, siyaasiga garabka bidix ee lagu magacaabo Andrew Gillum ayaa qirtay inuu ku guul darreystay tartankii kharaaraa ee uu kula jiray siyaasiga xisbiga Trump ka socday ee lagu magacaabo Ron DeSantis. Balse gabadha ka socotay Dimuqraaddiga ee lagu magacaabo Stacey Abrams, taasoo lagu waday iney noqoto haweeneydii ugu horreysay ee madow ah oo Badhasaab ka noqota Mareykanka ayaa diidday in looga adkaaday tartanka ay la gashay murashaxa Jamhuuriga ee Brian Kemp, oo ay ku loollamayeen gobolka Georgia. Jared Polis oo ka socda Dimuqraaddiga ayaa la filayaa inuu ku guuleysto Badhasaabnimada gobolka Colorado, waxaana lagu wadaa inuu noqdo ninkii ugu horreeyay ee Badhasaab ka noqda Mareykanka isagoo si cad u ah nin gogosha la wadaaga ragga kale. Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa sidoo kale qaatay maamulka gobollada kala ah Michigan, Illinois iyo Kansas Badhasaabka xisbiga Dimuqraaddiga ee gobolka New York Andrew Cuomo ayaa isagana markii saddexaad xilka loo doortay. Image captionSida loogu kala guulaystay gobollada ilaa iyo duhurnimadii Arbacada wakhtiga Afrikada bari 5 waxyaabood oo aan ka barannay doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka 1) Taariikh ay dhigeen murashaxiinta haweenka ah Doorashada inteysan dhicin ka hor ayaa sannadkan lagu tilmaamay sannadkii haweenka, run ayeyna noqotay. Hadda waxaa aqalka Koongareeska ku soo biiray tiro haween ah oo aan horay loo arkin, waxyaabaha qaarna waxay dhaceen markii ugu horreysay. 2) Fursad ay Dimuqraaddiga ku sameeyaan dagaal rogaal celis ah Mar walba way iska muuqatay in xisbiga Dimuqraaddigu aysan la wareegeynin aqlabiyadda aqalka Sare ee Seneteka, laakiin waxaa rumowday saadaashii laga bixiyay iney guulo ka soo hoyn doonaan tartanka doorashada aqalka hoose. Hadda waxay fursad u helayaan iney la xisaabtamaan madaxweyne Trump iyo maamulkiisa. 3) Doorashadani ma waxay guul weyn u tahay Trump? Trump wuxuu sheegay inuu faraxsan yahay, natiijada ay Jamhuuriga ka heleen doorashada aqalka sarena ay tahay mid loo dabaal-dagi karo. Laakiin waxaa xaqiiqo ah in guusha ay Dimuqraaddigu ka gaareen aqalka hoose ay horseedi doonto in loollan loo galiyo si uusan horay u dareemin. Waxaa laga yaabaa inuu dhaco is mari waa ka dhasha qodobada qaar ee uu ula yimaado aqalka. 4) Taageerada tuulooyinka oo luntay Xisbiga Jamhuuriga waxay ku guul darreysteen iney helaan codadka dadka wax bartay ee ku dhaqan meelaha ka baxsan magaalooyinka. Waa sheeko mar kale taariikh ahaan dib isugu soo celisay waxayna dhibaato ku noqon kartaa siyaasadaha xisbiga ee mustaqbalka. 5) Badhasaabyadii taageersanaa Trump oo qaarkood uu nasiibkooda fiicnaaday kuwana uu xumaaday Natiijooyinku qaar waxay u wanaagsanaayeen Trump, kuwo kalena waxay u ahaayeen nasiib darro, marka la eego natiijada ka soo baxday doorashadii Badhasaabyada gobollada. Taasi waxay adkeyneysaa tartanka doorashada madaxweynaha ee sannadka 2020-ka. Source
  20. War ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in ay la socoto eedeymaha loo jeedinayo Ciidamo ka tirsan Howlgalka AMISOM , oo dad rayid ah ku dilay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Dhinaca kale AMISOM ayaa sheegtay in ay waddo baaritaanno xoogan oo ay ku sameyneyso falkaas lagu eedeeyay Ciidamadooda. Waxaana ay intaas ku dareen in si dhow baaritaankaas ay kala shaqeynayaan dowladda Federaalka Soomaaliya. AMISOM ayaa ballan qaaday in wixii ka soo baxa baaritaanadaas ay la wadaagi doonto shacabka iyo dowladda Soomaaliya , waxayna tacsi u dirtay ehellada dadkii ku geeriyooday dhacdadaas. Maalin ka hor ayey ahayd markii Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi oo marayay inta u dhexeysa Ex Control Balcad iyo SOS Qarax lagula eegtay iyaguna ay ku jawaabeen tacshiirad xoogan oo dad rayid ah gallaafatay. The post AMISOM oo sheegtay in ay baaritaan ku heyso Fal Ciidamadeeda ay dad shacab ah ku laayeen. appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Sida ay ku soo warramayaan dadka degan deegaanka Ceelasha Biyaha Rag hubeysan ayaa xalay fiidkii Goob Maqaaxi ah oo loogu Magac daray Galmudug ku dilay 2 qof. Waxaana falkaas kadib Ciidamo soo gaaray meesha ay wax ka dhaceen rasaas ay iyaguna fureen ay ku dhaawacmeen illaa 4 qof. Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa Habeen ka hor waxaa lagu dilay 4 qof , halka Habeenkii ka sii horeeyay isla deegaankaas lagu dilay 6 qof. Falalkaan ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in ay salka ku hayaan aanooyin Qabiil. Tan iyo wixii ka dambeeyay Dil wadareed loogu geystay Nawaaxiga deegaanka Lafoole dad lagala soo dagay gaari ay la socdeen oo marayay Nawaaxiga Lafoole ayaa waxaa duleedka Muqdisho ku sii kordhayay falal dil bareer ah. The post Faah Faahinno laga helayo falal Dilal iyo dhaawacyo isugu jira oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho. appeared first on Shabelle. View the full article
  22. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii shalay xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii Guud ee Maraykanka Jeff Session. Talaabadan ayaa xisbiga Dimoqraadigu ay uga digeen inuu ku joojiyo baadhista Robert Mulleur oo ah ninka baadhaya xidhiidhka lagayaabo inuu u dhexeeyey ololaha Trump iyo dawladda Ruushka. Madaxweyne Trump ayaa dhiniciisa, fariin twitter ah oo uu soo diray, ku shaaciyey tagista Sessions, isla markaana u mahad celiyey, isaga oo sheegay in xiliga soo socda la magacaabi doono qof si joogta ah xilka u qabta. Mr. Session ayaa warqad uu isku casilayey oo uu Trump u diray ku sheegay inuu xilka ka degayo ka dib markii madaxweynuhu ka codsaday, hadalkaas oo u muuqday in lagu khasbay inuu shaqada ka fariisto, taas oo uu horay uu diiday, isaga xitaa aflagaado iyo hoos u dhigid kala kulmi jiray madaxweynaha, ka dib markii uu Sessions shaaciyey inuu ka gaabsanayo inuu dusha kala socda baarista gaarka ee uu wado Robert Muleur. Source
  23. (SLT-Muqdisho)-Diyaarad siday 124 qof oo Dawladda Soomaaliya ay kasoo deysay Xabsiyadda dalka Liibiya ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira Rag iyo Dumar, waxaana Wajiyadooda ka muuqday dhibaatooyin ay kala kulmeen intii ay ku jireen xabsiyadda dalkaasi. Waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho dhalinyaradaasi kusoo dhaweeyey Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Qaar ka mid ah dhallinyaradda Mudada dheer ku xidhnaa Xabsiyadda Liibaya ee nasiibka uu yeeshey in Dawladda Soomaaliya ay Dalkooda dib ugu soo celiso ayaa ka hadlay Dareenkooda, iyaggoo soo dhaweeyey dadaalka Dawladda ay u gashay in laga soo saaro Xabsiyadaasi, isla markaana dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo. Cabdiwaasac Jaamac Maxamuud oo ka mid ah maxabiistii horey looga soo daayay gacanta Magafeyaasha Arxanka darran, haatanna ka shaqeeya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadatay siddii Dhallinyaradda dalka dibadiisa ku dhibaateysan dalkooda loogu soo celin lahaa. Ergeyga gaarka ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan ka-hortagga Tahriibka iyo Xuquuqda Caruurta Marwo Maryan Yaasin Xaaji Yuusuf ayaa ugu mahad celisay sida Dawladda Soomaaliya ay xil isaga saartay soo deynta dhalinyaradaasi. Wasiirka Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo kamid ahaa Madaxdii soo dhaweysay Maxaabiista laga keenay Liibiya ayaa sheegay in dhallinyaradda looga baahanyahay in ay ka shaqeeyaan Horumarinta dalkooda. Dawladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in boqolaal dhallinyaro ah ay ka soo deyso Dalalka Itoobiya, Indiya, Jaziiradda Siishelis iyo Liibiya. Source