-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
ADDIS ABABA (Reuters) - Ethiopia signed a peace deal on Sunday with Ogaden National Liberation Front (ONLF) rebels from its Somali Region, whom it had previously outlawed as a “terrorist group,” officials said. Source: Hiiraan Online
-
Kenya on Sunday repatriated 17 Somali nationals who caused disturbance at Jomo Kenyatta International Airport when they were denied clearance to travel to Uganda. Source: Hiiraan Online
-
Turkish officials have been leaking lurid details for weeks about the assassination and reported dismemberment of the Saudi dissident Jamal Khashoggi in the kingdom’s consulate in Istanbul. But President Recep Tayyip Erdogan, keen to maintain good relations with Saudi Arabia, has until now mostly held his tongue. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (Caasimada Online) – Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ku hanjabay inay dooranayaan madaxweyne, haddii lagu guul-darreysto in dalka ay ka dhacaan doorashooyin, ayaga oo ku eedeeyey dowladda dhexe inaysan hayn waddadii doorasho ay ku dhici lahayd. Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe oo ka hadlayey doorashooyinka waxuu yiri “Arrinta doorashooyinka guddi malaha, dowldda dhexe keligeedna ma laha, waxaan ku heshiina ma jirto, waxaan ku heshiinay mabaa’iid, laakin wax la yiraa hal deegaan doorasho waxbo kama jiraan, ma aha wax ay cidi yeeri karto…ma gaari karaan, cid gooni kuma qanci karto Soomaaliya doorasho noocaas iyo noocaas ayaa dhaceyso, oo aan inta naga waxba ka ogeyn, Soomaaliya kama dhici kareyso, horay ugama soo dhicin, maantana kama dhacesyo, talada wadanka waa naga dhaxeysaa. Axmed Madoobe ayaa ku hanjabay in maadaama aysan dowladda hayn, sida uu hadalka u dhigay, wax qorshe ah oo dalka ay ugu horseedi karto guulo doorasho, inay lagama maarmaan noqon doonto inay ayaga doortaan hoggaanka cusub ee dalka. “Waxaa ay ila tahay mas’uuliyadda la saaray waa garaneynaa, dowladdana waa ku boorineynaa inay dib u soo noqoto, ay timaado miiska wada tashiga, golaha iskaashiga dhismaheeduna waa shey muqadas ah, meel looga wareeganayo ma leh waa dastuuri, haddii ay intaa ka sii tagtana, wax ka weyn oo kale ayaa sii dooraneyaa may be inaan hoggaan sameysanno ayaa laga yabaa” ayuu yiri Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale ka hadlay arrimaha amniga, waxaana yiri “Arrimaha amniga waxaan isleeyahay waa qodobka ugu muhiimsan ee shir walba laga hadlo, waa laga hadlaa amniga, waa la calaacalaa, waxbaa laga sheegaa, waxna kama socdaan, xogga waxaa igu yara cusub, dowladaha Soomaalidu marka hadda dowladdii Cabdillahi Yusuf qolada muqaawamada Djibouti loo xuubsiibanayey, hoosbaa wax laga guri jiray, malaha dowladdu waxbaa hoos laga guraayoo, qolada Shabaabku heshiisbaa ka soo socdoo, dagaalkaa la diidanyahay baan is leeyahay, armaan xilli kala guur ah ku jiraa oo innaga degdegeynaa ayaan is leeyahay….ma jiraa in lala dagaalamo waa maya, taasi waxaa ay keentay jidkii Maka Al-mukarama oo awal isaga la mari jiray in isaga meel walbo laga xiray isaga laftiisa lagu socon waayo, Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhba ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in shalay halkaas ay gaartay diyaarad ciidamo iyo baabuurta aan xabada karin siday oo ka tagtay magaalada Muqdisho. Gawaarida aan xabadaha karin iyo ciidamada la socday ee shalay Baydhaba tegay ayaa waxa ay horudhac u yihiin musharax Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo isna maanta tegaya Baydhaba. Laftagreen ayaa ah musharaxa ay si aadka ah u taageereyso dowladda federaalka Soomaaliya, ee ay dooneyso inay ku beddesho Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo dowladda ay aad isku khilaafsan yihiin. Qorshaha Laftagareen ayaa soo socday tan iyo markii dowladda Soomaaliya ku qancisay inuu xilka guddoomiyaha baarlamanka uga tanaasulo Cabdulqaadir Mursal, wareeggii labaad ee doorashada guddoomiyaha baarlamanka, isaga oo xilkan uu hadda doonayo loo ballan-qaaday. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dhinac kale ka taageereysa agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Xuseen Uur-Kuus, ayada oo badineysa fursadaha Shariif Xasan meesha looga saarayo. Si kastaba Uur-Kuus ayaan rajo badneyn marka la eego beesha uu kasoo jeedo. Uur-Kuus waxa uu kasoo jeeda beelaha la isku yiraahdo Digil ee gobolka Shabeellada Hoose, oo aan saameyn badan ku lahayn siyaasadda Koonfur Galbeed, halka Lafagareen uu ka dhashay beelaha Mirifle ee ku badan Baay iyo Bakool, gaar ahaan beesha Xariin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maxkamadda Al-shabaab ee degaanka Towfiiq ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa xukun jeedal ah ku ridday wiil yar oo kufsi lagu eedeeyay. Mahdi Maxamed Calasow oo 17 sano jir ah ayaa Al-shabaab ku eedaysay in uu kufsaday Maryan Abukar Axmed oo 16 sano jir ah. Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay 100 jeedal ku dhuftay Mahdi,waxaana laga musaafuriyay degaanka Towfiiq ee uu ku noolaa. Wiilka yar ayaa lagu jeedalay goob fagaare ah oo shacab badan soo buuxiyeen. Inta badan xukunnada noocan oo kale ah ayaa Al-shabaab ka fulisaa degaannada ay maamusho ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo xukun jeedal ah ridday appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa sabtidii lagu doortay magaalada Cadaado Madaxweyne Cusub oo ay yeelato Galmudug, maamul uu ragaadiyey hoggaamiyeyaasha la doortay. Waa markii saddexaad ee uu khilaaf soo kala dhexgalo xubnaha kala duwan ee Galmudug, iyada oo hore loo xalliyey kuwo hore sida kii kala dhexeeyey Ahlu Sunna iyo kii xigay ee Xaaf, Gudoomiyaha Baarlamaan Casir iyo Carabey u dhexeeyey. Hase ahaatee, waxa ay u muuqataa in maamulka Galmudug uusan hadda la hayn daawo aan ahayn in dhammaan la kala diro hoggaankooda sare wax walbana hoos laga soo billaabo. Sida ay qabaan, dadweynaha Galmudug waxa ay isku raacsan yihiin in Xaaf yahay XALKA ugu soo horreeya ee lagu dejin karo xaaladda – Waa Xiliggii uu XAAF is casili lahaa. Hadaba saddexdan qodob ee hoose ayaa muujinaya in Xaaf Oo Taga ay Xal U Thay Galmudug 1 – Waa Khilaafkii labaad ee uu Xaaf Abuuro Axmed Ducaale Geele Xaaf oo markii la doortay loo arkayey hoggaamiye da’a ahaan weyn oo fahmi kara waxyaabihii dib u socodka ugu wacnaa maamulka, sixi doona ayaa aad uga soo hoos dhacay halkii ay bulshada ka filaysay. Waxa uu abuuray khilaag isaga iyo ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka u dhexeeya kaddib markii uu gaaray go’aan uu kula saftay xulufada Sucuudiga kaddib markii dowladda dhexe dhex dhexaad noqotay. Waxaa ka horyimi go’aankiisa ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaana halis gashay jiritaanka Galmudug. Hase ahaatee, waa la xalliyey khilaafkaa, Xaaf-se ma weynaan! 2 – Sal U dhigiidda hay’adaha dowliga ah ee Galmudug waxa uu ka doorbiday colaadsiga dowladda dhexe Tan iyo markii la doortay, Xaaf wali xiriir wanaagsan lama yeelan dowladda dhexe oo aysan Galmudug dhinac walba uga maarmin. Galmudug waxa ay ka mid tahay Maamulada dhawaan dhismay una baahan taageero ka baxsan dhakhliga ay iyadu sameysan karto. Hase ahaatee, Xaaf waxaa seegtay in uu dowladda xulufeysto oo uu uga faa’ideysto in ay ka caawiyaan dhisidda haykalka dowladnimo ee Maamulkiisa waxa uuna ka doortay in uu ku xirto maamulo qaarkood gaamuray oo dano siyaasadeed ku hiifa dowladda. 2 – Xaaf Waxa uu horseeday kala aamin baxa qabaa’ilka wada dhistay Galmudug Hoggaamiye Xaaf waxa uu abuuray dhaqan siyaasadeed oo shaki kala dhex galiyey beelaha waa weyn ee wada dhistay Galmudug. Maanta, oo ay Galmudug u baahan tahay dhisme dhinac walba ah, waxaa muuqata in xaaladda jirta dib u dhac wax aan ahayn u keeneyn. In Carrabeey iyo Gacal Casir is xulufeystaan waxa ay daliil u tahay heerka kala aamin baxa qabaa’ilka wada dhistay Galmudug – Xaaf kama horreyn mushkiladdaas. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Rajap Dayib Erdogan ayaa sheegay in maalinta Tallaadada ee fooda nagu soo heysa ay shaacin doonaan faahfaahinta ku saabsan qaababkii kala duwanaa ee loo dilay Jamal Khashoggi. Jamal Khashoggi ayaa bishan 2-da lagu dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istabbuul. Erdogan waxa kaloo uu sheegay inuu sharxi doono sababaha 15-ka katirsan Sirdoonka Sacuudiga ku imaaden Istanbuul iyo 18-kii kale ee ka tirsanaa Sirdoonka Sacuudiga ee lagu xiray Riyad. Xubno Sacuudiyaan ah oo magacyadooda qariyay ayaa Wakaalada Wararka ee Reuters u sheegay in qaabka loo dilay Saxafiga uusan aheyn qaabka ay sheegtay dowlada Sacuudiga. Illo wareedyadaasi waxa ay sheegen in Saxafigaasi lagu dilay ceeji iyo in lagu caburiyay neefta sidaana loo khaarijiyay. Xubnihii Sirdoonka Sacuudiga ee fuliyay dilka Jamal Khashoggi ayaa qorsheynayay inay daroogo ku duran Suxufiga kadibna ay afduubtan laguna qariyo guri ku yaala magaalada Istanbuul, balse suxufiga oo iska cabin sameeyay isla markaana qeyla dhamiyay ayaa sababtay in la ceejiyo lana caburiyo si uusan u qeylin. Warbixintu waxa ay sheegtay in mid kamida Sirdoonka Sacuudiga uu dilka kadib xirtay dharka Suxufiga kana baxay albaabka danbe ee Qunsuliyada si looga dhigo in halkaa uu ka baxay Jamal Khashoggi. Dhinaca kale, Sanotor Bob Corker oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ahna madaxa guddiga xiriirka dibadda ee Golaha Kongariska Mareykanka oo la hadlay Telefeshinka CNN ayaa dhaxalsugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan ku eedeeyay inuu ka danbeeyay dilka Saxafiga Jamal Khashoggi. Xigasho: Anadol
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee UPD ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii shalay ay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya kasoo saartay khilaafka dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, oo uu ku tilmaamay qarow. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi. QAROWGA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA. Hurdo dheer oo muddo bila ah qaadatay wasaaraddii waa qarowday, war la fahmi waayayna waa ka soo baxey! Markii Koobaad ee aan isha ku dhuftay warqadda wasaaradda waxaan iska dhaadhaaciyey “Xaalka Galmudug ka taagan ayey wasaaraddii aamusnayd afka ku furatay” mawqif la fahmi karana ka qaadattay, mase nasiib-darro waxeyba saaran yihiin mawjad kale oo hirarka dhaadheer ah, macquul ilama ahan in warkan aan waaqaca taagan ka turjumeyn in wasaaradda uu si caafimaad qabta uga soo baxey. Sida magaca wasaaradda ka muuqata, waxaa la gudboonayd in ay qiyaasaan xaaladda taagan iyo heerkulku halka uu gaaray, oo aysan ku filnayn war saxaafadeed la soo saaro, balse kaalinta wasaaraddu uu ku fiicnaan lahaa in hogaamiyaasha dawlad goboleedyada ay xiriir toos ah la sameeyaan, uguna tagaan halka ay joogaan, soo dhagaystaan tabashooyinkooda. Xalna u helaan khilaafka taagan. Haddii ay taasi dhici weyday, warqaddan ma waxaa loogu jawaabayaa hadalkii aqalka sare ka soo baxey ee ku wajahnaa madaxweynaha iyo raysul wasaaraha ee jawaabta mudaysan looga sugayey, mise sidoo kale waxaa looga hor-dhacayaa waxa ka soo bixi doona shirka Garoowe uga socda madaxda dawlad goboleedyada. midka ay noqotaba waa fariin kadibtay. Si kastaba wasaaradda aamusnaanteeda ayey ku roon tahay, haddii aysan si dhab ah umuuraha taagan kaalinta uga aadan uga qaadanayn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergay ka socda boqorka Sacuudiga ayaa waxa uu dhawaan booqasho xaqiiq raadis ah ku tagay dalka Turkiga, si uu u ogaado xogta ay baarayaasha Turkiga ka hayan suxufiga la dilay ee Jamal Khashoggi. Wargeyska The Wall Street Journal ee kasoo baxa dalka Mareykanka waxa uu qoray in La-taliyaha khaaska ah ee boqorka Sacuudiga ahna guddoomiyaha Gobolka Makka Amiir Khalid Feysal uu socdaal ku tagay Turkiga isagoo soo dhageystay dhacdooyinka xaqiiqda ah ee qaabka loo dilay isla markaana loo jarjaray suxufiga Jamal Khashoggi. Amiir Khalid ayaa la sheegay inuu dib ugu laabtay Sacuudiga isagoo madaxda boqortooyada u gudbiyay warbixinta ku aadan xogta uu kasoo dhageystay qaabka loo dilay Jamal Khashoggi. Dhinaca kale, Madaxa guddiga arrimaha dibadda Kongareeska Mareykanka Senotor Bob Corker oo la hadlay Telefeshinka CNN waxa uu dilka Suxufiga ku eedeeyay inuu ka danbeeyay dhaxalsugaha sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Senotorka waxa uu sheegay in Amiir Maxamed uu horay uga danbeeyay dilkii Ra’isul wasaarihii hore ee Lubnaan Rafiiq Xariiri. Shabakadda Alaraby.co.uk waxay qortay in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu Telefanka kula hadlay Jamaal habbeenkii uu ku sugnaa Qunsuliyada ka hor inta aan la dilin. Sidoo kale, Wargeyska Yini Shafaq oo kasoo baxa dalka Turkiga waxa uu qoray in Amiir Bin Salman uu markii hore la hadlay Saraakiisha ku diyaarsanaa Qunsuliyada kuwaa oo Teleefanka u gudbiyay suxufiga la dilay ee Jamal Khashoggi. Bin Salam ayaa waxa uu dilka ka hor Jamaal ku amray inuu kusoo laabto Sacuudiga waxaana arrintaas diiday Suxufiga iyadoo sidaa uu ku dhacay dilka. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa ka meermeeraya in boqortooyada Sacuudiga uu kusoo rogo cunaqabateyn, waxa uuna sheegay in go’aankaasi ay dhibaato ku tahay dalkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Jaraa’idka ka soo baxa Israel ee lagu magacaabo Haaretz ayaa daaha ka rogay sida ay Israel u noqotay wadamada ugu horreeya ee IIB GEEYA qalabka lagu basaaso bulshada rayidka ah. Qalabkaas waxaa adeegsada si ay u helaan xogta u dhaq dhaqaaqeyaasha bini’aadamka madaxda kalitaliyeyaasha ah oo kula socda Email-lada, ku jabsada Apps-ka sidoo kalena ku duubta sheekooyinka. Sida ay uu qabo Wargeyska, muddo sanado guduhood ah, hay’adda mukhaabaraadka Israel waxa ay noqotay midda ugu horreeysa ee sameysa qalabka sirdoonka iyo isgaarsiinta ee aduunka. “Maanta, warbixinta waxa ay intaas ku dartay, “Hay’ad walba ee dowli ah taas oo iyada isu daneysa oo aan qadarin u hayn sirta muwaadiniinta, waxa ay ku qalabeysan yihiin qalab mukhaabaraad oo ay sameeysay Herzliya Pituah.” Haaretz waxa ay sidoo kale xustay in Wasaaradda Difaaca ee Israel in ay diiday soo bandhigidda liiska wadamada laga mamnuucay in loo dhoofiyo agabyada Militari ama tubaha iyo heerka ka horimaanaya go’aanadeeda” – xataa gudiyada baarlamaanka Israel (Knesset) ee Arrimaha Dibedda iyo Difaaca ma oga doorka ay Wasaaradda Difaaca ee Israel ku leedahay DHOOFINTA agabyada Militari. Hal kiis oo 2016kii la horgeeyey maxkamadda, Madaxweynaha Maxkamadda Sare Justice Esther Hayut waxa uu u qiil yeelay dalabkii dowladda ee SIraha, waxa uuna yiri: “Dhaqaaleheena, sida dhacda, in yar xataa uguma tiirsana qalabka Militari iyo Mukhaabaraad ee aan dhoofinno.” Baaritaanka waxa uu muujiyey in hay’adda Israel aysan ka caga jiidin ka iiinya Wadammo badan qalab ciidan kuwaas oo aan lahayn dhaqan Dimuqraadiyadeed, xataa iyaga oo aan xaqiijin in loo isticmaalayo ku xagdugubka xuquuqda bulshada rayidka ah. Baaritaanka sidoo kale waxaa lagu ogaaday in hay’adaha Israel ay wali wadaan iibinta qalabka mukhaabaraadka iyada oo waliba si shaaric ah banaanka loo soo dhigay in loo adeegsaday ujeedooyin gurracan. Hay’adaha gaarka loo leeyahay ee Israel, waxaa lagu soo ogaaday baaritaanka, in ay qalabka mukhaabaraadka iyo Soft Ware-ro ka iibiyeen wadamada Bahrain, Indonesia, Angola, Mozambique, the Dominican Republic, Azerbaijan, Swaziland, Botswana, Bangladesh, El Salvador, Panama iyo Nicaragua. Intaas waxaa dheer, baaritaanka waxa ay caddeeyen bilowgii warbixinta in sidoo kale hore sidaas oo kale looga iibiyey Wadamada to Malaysia, Vietnam, Mexico, Uzbekistan, Kazakhstan, Ethiopia, South Sudan, Honduras, Trinidad and Tobago, Peru, Colombia, Uganda, Nigeria, Ecuador iyo United Arab Emirates. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Akhristayaasheenna ku xiran mareegta Goobjoog News waxaan u soo gudbinaynaa dood aynu kaga hadalnay arrimaha taagan ee dalka. Doodda oo aynu ku jeexjeexnay khilaafka siyaasadeed ee Dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland ka dhaxeeya iyo shirkii maanta afarta dowladood uga furmay magaalada Garoowe. Waxaa naga la qeyb galaya doodda Danjire Maxamed Maxamuud Nuur(Caalim) oo ka faallooda waxna ka qora arrimaha Soomaaliya iyo Proff: Cali Saciid Maxamuud Kulane(Foodare) oo ah fallanqeeye arrimaha geeska Afrika iyo carabta. Hoos Ka Dhageyso Doodda: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Doodda-21-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Galmudug mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay maanta magaalada Garoowe oo uu ka furmay shirka gollaha iskaashiga. Madaxweyne Xaaf wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka uu u baahan yahay badbaado, isagoo baarlamaanka u diray codsi ah in ay dowlad u soo dhisaan dalka. Waxaa uu soo jeediyay in dowlad goboleedyadu sameeystaan ciidamo gaar ah, isagoo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee taagan. Waxa uu Madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Ducaalle soo hadal qaaday khilaafka hareeyay gudaha maamulkiisa, wuxuuna faraglinta uga digay madaxtooyada Soomaaliya. “Haddii Galmudug gubato, wallaahay baan Xamar nabad ahaanayn” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/CODKA-XAAF-21-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo ka hadlayay maanta shirkii dowlad goboleedyada uga furmay magaalada Garoowe wuxuu eedeeyay dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Shariif Xasan ayaa dowladda ku eedeeyay in faragalin ku heeyso maamulkiisa, inkastoo 17-ka bishaan ay ka dhacayso doorashada madaxtinimada magaalada Baydhabo. Arrinta amniga ayuu sidoo kale ku eedeeyay madaxda ugu sarreeya dalka. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Madaxweynaha-KG-oo-ka-digey-faragalinta-DF-Soomaaliya-ku-hayso-maamulkiisa.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad ka jeedinayay shirka gollahooda Iskaashiga ee maanta ka furmay magaalo madaxda Puntland ayaa eedeymo culus u dhiteeyay madaxda ugu sarreeysa dalka. Wuxuu sheegay in afar qodob oo kale ah arrinta amniga, doorashooyinka, wadaagista kheyraadka iyo tan dib u eegista dastuurka ay asal u yihiin khilaafyada taagan. Doorashada 2020-ka ayuu soo hadal qaaday wuxuuna shaki galiyay in doorasho cod iyo qof ah dalka ay ka qabsoonto. Heshiisyadii ay horay u wada galeen Villa Somalia ayuu sheegay in looga baxay, isagoo amniga faraha ka baxay ee Muqdisho ka hadlay. Khubadda Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dheereyd ayaa soo koobeynaa: Hoos Ka Dhageyso Warbixinta: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAR-FARMAAJO-MW-MADOOBE-21-10-2018.mp3 Goobjoog FM Source: goobjoog.com
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa wajaheyso cadaadis xoog badan oo ku aadan qaabkii loo dilay qoraagii dalkaas u dhashay ee Jamal Khashoggi, iyadoo ay hadda soo baxayaan warar kale oo ku saabsan qaabka qoraagan loogu dilay Safaaradda Sacuudiga ee Magaalada Istanbul. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayo in Saraakiil ka tirsan Dowladda Sacuudiga oo diiday in magacooda la adeegsado ay sheegeen in dilkaan loo adeegsaday 15 ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga kuwaas oo 2 October kula dagaalamay Wariyahaan gudaha Safaaradda iyagoo ugu dambeyn u adeegsaday cirbad sidaasna afka looga xiray laguna dilay gudaha Safaaradda. Wararka aya faafineyso Reuters ayaa soo xigtay xogtan cusub, iyadoo xogtaha ugu muhiimsan ay ku saabsan yihiin sida loo diyaariyey kooxda Sacuudiga ah ee magaalada Istanbuul tagtay, taasoo mas’uul ka ahaa dilka Saxafiga. Warbixinta iyo xogta laga soo xigtay mas’uulkan ayaan ku soo koobnay sida soo socota: Ku-xigeenka Madaxa Sirdoonka Sacuudiga Axmed Casiiri ayaa diyaariyey koox ka kooban 15 sirdoonka iyo amniga ah oo la kulanta Saxafiga Jamal Kashoqgi, si ay ugu qanciyaan inuu ku laabto Sacuudiga. La-taliyaha Dhaxal -sugaha Sucuud Alqaxdani ayuu Casiiri ka dalbaday inuu kooxda tegeysa Istanbuul ku daro qof ay is yaqaanaan Jamal Kashoqgi, (Waxaana sida muuqata inuu yahay Maahir C/casiis Almudrib. Kooxda markii ay xarunta Qunsuliyadda Sacuudiga kula kulantay Jamal Kashoqgi, inuu Maahir ugu hanjabay Saxafiga inuu sumeyn doono oo la qafaali doono, kadibna waxaan dhex maray dood keentay inuu qeyliyo Jamal, taasoo keentay inay afka ka xiraan, sidaasina uu ku dhintay. Qorshaha wuxuu ahaa in Jamal Kashoqgi in la geeyo Guri ku yaalla duleedka Istanbuul, marka uu diido inuu ku laabto Sacuudiga, lana sii daayo markii danbe, balse si khaldan xaaladu u dhacday. Nin u eg Jamal oo lagu magacaabo Mustafa Madani ayaa ku lebistay dharkii Jamal Kashoqgi, isagoo ka baxay albaabka danbe ee Qunsuliyadda si loogu maleeiyo Jamal. Qof Turki ah ayaa loo dhiibay Meydka Jamal Kashoqgi si uu uga takhaluso. Kooxda falkan fulisay waxay diyaariyeen warbixin been ah oo ah inuu Jamal Kashoqgi ka tegay xarunta Qunsuliyadda Istanbul. Kooxda waxay sheegteen inay degdeg uga tageen Turkiga markii ay fasaxeen Jamal Kashoqgi. 15-ka qof ee ka danbeeyay kiiska dilka Jamal Kashoqgi iyo saddex qof oo kale waxaa lagu xiray Sacuudiga, iyadoo uu baaritaan ku socdo. Qisada uu Sacuudiga ka diyaariyey qaabka uu u dhacay dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi ayaa ujeedkeedu yahay in lagu muujiyo in madaxda sare ee Sacuudiga aysan ka war heynin ama been loo sheegay iyadoo arrintan laga wareejinayo tuhunka saaran dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman. Warkan oo Sacuudigu u dusiyey wakaalada wararka ee Reuters ayaa ka hor imaanaya wararkii hore ee Turkigu shaaciyey, waxaana ka muuqda inaysan ahayn mid la rumeysan karo iyadoo ay ka muuqato inaysan suuragal ahayn in la rumeysto qaabka Sacuudiga u dhigay. Madaxda ugu sareyso dalka Sacuudiga ayaa dareemayo ciriir siyaasadeed oo kaga imaanayo dilkaan ay ka geysteen meel ka baxsan dalkooda weliba wadan awood Militari leh. Boqorka dalka Sacuudiga ayaa ka shaqeenayo sidii kiiskaan looga wareejin lahaa wiilkiisa maadaama la aaminsan yahay inuu isaga ka dambeeyo, waxaana arrintaan dusha looga tuuray Taliyaha Sirdoonka iyo ku xigeenkiisa lamana ogo haddii ay tahay siyaasad lagu sirayo Ra’yul Caamka. Wariyaha la dilay ayaa si weyn uga soo horjeeday Dowladda Sacuudiga wuxuuna ahaa nin si weyn uga war qabo qoyska hayo talada Sacuudiga, waxayna dowladda ka cabsatay inuu banaanka keeno sir badan oo uu ka ahay taasoo keentay in ugu dambeyn hilibkiisa la jarjaro. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
-
Madaxwaynaha Puntland, Cabdiweli Gaas, oo khudbad ka jeediyey furirtaankii shirka Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu soo hadal qaaday amniga guud ee dalka, khilaafka Galmudug iyo arrinta federaalismka dalka. DR Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ammaan ee Soomaaliya, isagoo dowladda ku eedeeyay in ay waxyaabo aan macno lahayn ay ku mashquulsan tahay. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/CODKA-GAAS-21-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo saartey Warmurtiyadeed kaasoo lagaga hadlay doorashooyinka dowlad goboleedyada qaar iyo khilaafka Villa Somalia kala dhaxeeya dowladaha Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland. Inkastoo warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda aan si cad loogu sheegin in lagaga jawaabayo warkii eedeynta ah iyo digniinta ahaa ee ka soo yeeray Gudiga Joogtada ee Aqalka Sare ayaa hadda waxaa lagu yiri “Gogoshii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay madaxda maamul goboleedyada ay weli sideedii u taallo, islamarkaana dowladda ay diyaar u tahay inay dhageysato cabashooyinkoodii”. Dhanka kale, Wasaaradda ayaa ku baaqday in doorashooyinka madaxtinimo ee dowladaha Puntland iyo Koonfur Galbeed la qabto waqtigii loo qorsheeyay. Koonfur Galbeed ayaa qorshaha uu yahay in doorashada ay ka dhacdo 17-ka bisha November ee sanadkani 2018-ka halka Puntland loo madlan yahay 08 Janaayo ee sanadka foodda inagu soo haya 2019-ka. HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sida lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaa xilkii lagaga qaaday guddoomiyihii degmada Baladweyne. Wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Cali Caadle ayaa xilka guddoomiyaha magaalada Baladweyne ka qaaday Maxamed Cismaan Qallaafoow, isagoo u magacaabay Maxamed Axmed Ibraahim(Foodcadde). Dhowaan ayay ahayd markii guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cabdullaahi Sufuroow xilka laga xayuubiyay loona magacaabay Yuusuf Axmed Dabageed. HOOS KA AKHRISO: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya degmada Xeraale ee gobolka Gal-Gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo ay ku waxyeeloobeen caruur aad u da’yar. Qaraxaan ayaa ahaa miino dhulka ku aasneyd oo ay gar garaaceen caruur islamarkaasina ku qaraxday. 1 Wiil ayaa geeriyooday halka 3 kalena ay miinadaasi ku dhaawacmeen mid kamid ahna uu aad u liito xaaladiisa caafimaad. Mid kamid ah dadka ku sugan degmada Xeraale oo goordhow la hadlay Puntland post ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka dhacdadaasi ay u dhacday. Qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo laa laabtay falalka ceenkaan oo kale ah oo ay caruur ay ku waxyeeloobaan miinooyinka haraadiga ahaa ee dagaalada dalka ka dhacay ka haray. Hoos ka DhageeysoCodka Goobjoogaha Waxaa wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke oo katirsan PP. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Wareeysi-Goob-Jooge-Xeraale-By-Cowke-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax Miino oo Caruur ay ku geeriyoodeen oo ka dhacay Gobolka Gal-Gaduud appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Dowlada Somalia Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa maanta kulan la qaatay ehelada iyo Xildhibaanada ku matala Golaha Shacabka dad shalay dhimasho iyo dhaawac ka gaaray howlgal Ciidamada Dowladda ay ka sameeyeen Degmada Wadajir. Waxa ay ka dambeysay kadib markii ciidamada oo Jid-cakaaro hawlgal burburin dhismayaal sharci daro ka waday ay weerar kala kulmeen rag hubeysan oo ka mid ah dadka degan halkaasi. Wasiirka Amniga waxa uu sheegay inaanu ka warqabin howlgalkaasi khasaaraha geystay balse taa bedelkeeda waxa uu tilmaamay inuu sameynaayo baaritaano degdeg ah. Wasiir Ducaale, ayaa sheegay in aan la qaadan doonin in lagu xadgudbo dad shacab ah isla markaana aan lagu soo wargalin howlgalkaasi isaga oo mas’uul ka ah amniga. Ducaale, waxa uu sheegay inaanu aqbali doonin in magaciisa lagu dhibaato dad shacab ah, waxa uuna ku dhawaaqay in dowlada Somalia ay dhacdadaasi ku sameyn doonto baaritaano degdeg ah. Nuqul kamid ahaa haddalkiisa ayaa ahaa “Cadeymo ayaan radin doonaa gaal iyo muslim waxay qabaan qofka dhaawaca ah in la daaweeyo Shabaab xitaa hadii uu yahay, marka taas balan waaye talaabo ayaan ka qaadi doonaa, aniga oo amniga masuul ka ah marnaba ma rabo in magaceyga dad lagu dhibateeyo.” Arrintaani ayaa cirka gashay kadib markii raggii dhaawaca ahaa ee la dhigay isbitaalka Madiina ay la baxeen ciidamada ammaanka, waxayna taasi qasabtay in kulan deg deg ah ay yeeshaan wasiirka amniga iyo ehelada raggii dhibaatada ay soo gaartay. Dhinaca kale, amarka lagu weeraray dadkaasi ayaa la sheegay inuu bixiyay Taliyaha booliska qeybta gobolka Banaadir ninka lagu magacaabo Saadaq Joon. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa si kulul uga hadlay faragalin uu sheegay in dowlada Somalia ay ku heyso maamulkiisa. Hogaamiye Xaaf oo khudbad ka jeedinayay shirkii maanta u furmay Golaha Iskashiga ayaa sheegay inay muhiim tahay in dowlada Somalia ay faraha kala baxdo arrimaha Galmudug. Waxa uu sheegay in maamulka Galmudug uu yahay mid dhisan,isla markaana aysan jirin Galmudug kale, waxa uuna carab ***** ineysan qasnaan doonin Galmudug oo keliya. “Haddii la qaso Galmudug ama la ololiyo howlaheeda oo nalaga daba shaqeeyo dowladu ha ogaato inaanu degnaan doonin magaalada Xamar” Xaaf, waxa uu sheegay inuu ku talinayo in shirweyne loo qabto dowladna loo dhiso Galmudug,isaga oo dowladda Federaalka ku dhaliilay inay ku fashilantay Amniga dalka. Waxa uu mar kale yiri “Dowlada naga dhaafto dhibta waxaan u xaqiijinayaa in hadii ay Galmuudg Gubato Xamar nabad ma ahaaneyso” Sidoo kale, Xaaf ayaa tilmaamay in dowlada Somalia ay sabab u tahay qaska iyo dhibta ka dhex jira madaxda Galmudug, hase yeeshee waxa uu ku baaqay in nabadda loo ogolaado Galmudug. Haddalka Xaaf, ayaa u muuqda mid hanjabaad ku ah xasiloonida magaalada Muqdisho, balse waxa uu noqonayaa mid fasiraado kala duwan laga bixinaayo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com