-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Dua Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow ayaa Taliyaha AMISOM kala hadlay Dhacdo dad rayid ah lagu dilay oo ay ku lug yeesheen Ciidamada AMISOM. Eng: Yariisow ayaa sheegay in Taliska AMISOM uu muujiyay sida uu kaga xun yahay in dad rayid ah la dhibaateeyo, wuxuuna codsaday in Baaris dhab ah uu ku sameynayo cidii ka dambeysay falkaasi, sidoo kale wuxuu Taliska AMISOM balanqaaday inuu la kulmayo Qoysaskii dhibaatadu gaartay. “Taliyaha AMISOM ayaan kala hadlay dhacdadii shalay ciidamo AMISOM ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, una sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto. Waxaana ka dalbaday inuu baaris dhab ah ka sameeyo, waxuuna ii ballanqaaday in AMISOM ay qoysaskii dhibaatadu soo gaartay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday”.ayuu yiri Guddoomiye Yariisow. Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa isla shalay oo falkan uu ka dhacay degmada Heliwaa sheegtay in ay baarayso sida ay wax u dhaceen. Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka waxaa ka go’an la dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo wixii la hal maala, sidoo kalena waxaa dowladda ka go’an dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro. The post Guddoomiye Yariisow Oo AMISOM kala hadlay dadkii shalay lagu dilay Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weriyaasha ka howlgala magaalada Baydhabo looga yeeray madaxtooyada Koofurgalbeed. Ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu shir jaraa’id qaban doono balse lama oga in uu ku dhowaaqi doono inuu yahay musharax iyo in uu iska casili doono Madaxtinimada Koofurgalbeed,iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in uu iscasilayo. Inkastoo wax kasta is bedeli karaan, hadana warka ugu badan ee Baydhabo laga helayo ayaa ah in Shariifka uu ku dhawaaqi doono inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kana haray tartanka Doorashada Koofur Galbeed. Kulamo aan loo kala kicin ayaa ka socda Madaxtooyada Koofur Galbeed, waxaa kulamada ugu badan uu u dhaxeeyaa Shariif Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye. Wariyeyaal ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in galabta 4-ta galabnimo looga yeeray Madaxtooyada Koofur Galbeed shir jaraa’id oo aan loo sheegin cida qabaneysa, balse loo badinayo in Shariif Xasan qabanayo, si uu ugu dhawaaqo is casilaadiisa. Jawi aan daganeyn ayaa ka jiro Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed, waxayna siyaasiyiinta buux dhaafiyeen madaxtooyada. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.
-
Mogadishu mayor asks AMISOM to probe into civilian killings
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu Mayor Abdirahman Omar Osman has called on leaders of African Union Mission in Somalia (AMISOM) to launch an investigation into the deaths of four civilians killed by AU troops in Mogadishu. AMISOM soldiers on Tuesday killed four civilians after a bomb blast targeted their military convoy in the north of Mogadishu. In a meeting with AMISOM forces commander, Jim Besigye Oweyesigire, the mayor urged the Mission to bring those behind the killing of the innocent civilians. “I had a discussion with AMISOM force commander on the killing of the civilians in Hilwa district. I informed him that it was unacceptable to harm civilians and I ask him immediate probe into the incident,” said the mayor. Hours after the bomb blast targeted the convoy of the AU troops, AMISOM said in a tweet that its convoy had “encountered double IED explosions in the Soqola area” – part of Huriwa district. But it made no mention of the shooting, which witnesses said involved Burundian members of the force. More than 100 demonstrators protested at Ex-Control Balad Junction, denouncing the killings and demanding justice from Somalia’s government and from AMISOM. Al-Shabab militants claimed responsibility for the roadside bomb and said the blast killed AU soldiers. Witnesses said they did not see any soldiers killed. AMISOM has more than 22,000 soldiers and police, from six African countries, deployed in Somalia to protect the government there and fight the militants. AMISOM has previously been accused of killing civilians, including an incident in which armored vehicles ran over civilians’ cars. The post Mogadishu mayor asks AMISOM to probe into civilian killings appeared first on Shabelle. View the full article -
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta baaqday kulan ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ku lahayeen M/Muqdisho, kaidb markii uu buuxsami waayey Kooramka loogu talagalay in uu ku furmo fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya. Kulankan ayaa la filayay in Xildhibaanadu ay kaga doodaan Ajandayaasha kala ah akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka Duulista iyo Hawada , iyo akhrinta labaad hindise sharciyeedka xuquuqda liil tirka siyaasiyiinta. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aan loo dul qaadan doonin in Xildhibaanadu ka maqnaadaan fasax la’aan fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaana uu tilmaamay in lala xisaabtami doono Xildhibaanada maanta baaqday, islamarkaana la yeerin doono magacyadooda kulanka soo socda. Ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Kooram la’aan u baaqdo kulanka Golaha Shacabka, waxaana mararka qaar dhacda in Xildhibaanadu ay soo xaadiri waayaan kulamada caadiga ah, taas oo sababta in ay baaqdaan kulamo ay uga hadli lahaayeen arrimo dhow ah. The post Kulankii Golaha Shacabka Oo u baaqday kooram la’aan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xasuuqii ay shalay gaysteen ciidamada AMISOM u ahaa mid ka baxsantahay heshiiskii ay AMISOM ay ku joogtay dalka Soomalaiya , xadgudub iyo niyad jabna ay ku tahay arintan shacabka Soomaaliyed. Xildhibaanka ayaa sheegay in Baarlamaanku ay arintan uu go,aan ka gaari doonaan . Halkan ka dhegayso. Xildhibaan Mahad Dhanka kale Eheladda dadkii ay xasuuqeen Ciidamada AMISOM ee kusugan magaalada Muqdisho , ilaaladana u ahaa dowladda Madaxweyne Farmaajo ee aan soo dhaafin Muqdisho , ayaa waxa ay wacad ku mareen in aan la aasi doonin dadkii shalay sida xaqdarada ahayd loogu laayay magaalada Muqdisho. Waxa ay baaq udireen Ururada u dooda xuquuql insaanka iyo beesha caalamka in ay arintan wax ka qabtaan. Ciidamada AMISOM ayaa caadeystay xiliyada ay isticmaalayaan wadooyinka magaalada Muqdisho oo ay Al-shabaab qarxiso in ay xasuuqaan dadka shacabka ah ee markaasi ka agdhaw halka uu qaraxu uu ku haleelo. Halkan ka dhegayso ehelada dakii lagu laayay shalay Muqdisho. Ehelada dadkii la xaquuqay o. Source
-
Laascaanood ( Sh. M. Network )-Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Milatariga Ethiopia ayaa maanta la geeyay deegaanada Saaxdheer iyo Dhumay oo ay isku hor fadhiyaan Beelo dhawaan ku dagaalamay halkaasi. Ujeedka Ciidamadan oo watay Gaadiid dagaal ayaa lagu sheegay in ay ka hortagaan dagaal markale halkaasi ka qarxa, maadaama ay weli is hor fadhiyaan labadii Beelood. Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay warkan, waxa ayna intaasi ku dareen in ay Ciidamadu fariisimo cusub ka sameysteen deegaanada Saaxdheer iyo Dhumay oo ay weli ka taagan tahay xiisadu. Dhawaan ayey aheyd markii dagaal lagu hoobtay uu ka dhex qarxay laba Beelood oo wada daga Koonfurta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya. The post Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia Oo la geeyay Sool appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daauud Geeddi ayaa wuxu si toos ah u soo dheegtay warqad uu qoray xisaabiyaha guud ee qaranka ee Soomaliya taas oo uu ku socodsiinayo Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi. Warqaddan uu xisaabiyuhu soo qoray ayaa waxay ka danbeysay ka dib markii uu wasiirka horumarinta maaliyadda mudane Yuusuf Maxamed Cabdi uu wax ka bedel ku sameeyay shaqaalaha ka hawl gala xafiiska xisaabaadka qaranka, isaga oo uu xisaabiyuhu sheegay in aanay Xisaabaadka Qaranku ka mid ahayn wasaaradda maaliyadda iyada oo laga wada war hayo in uu xisaabaadku ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda tan iyo intii dalka lagu soo noqday. Xisaabiyaha guud ee qaranka ee Somaliland ayaa waxa uu u dooday si la mid ah sidii uu xisaabiyaha guud ee Soomaaliya ula doodday wasiirkiisa maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Dhinaca kale, xisaabiyaha guud ee qaranka ee Somaliland Axmed Daauud Geeddi ayaa waxa ay u egtahay in uu kaga dayanayo xisaabiyaha qaranka Somalia dagaalka ay ku hayso wasiirkiisa maaliyadda ee Soomaaliya taas oo wax u dhimaysa wada shaqaynta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo wasaaradaha kale, sida ay sheegeen dadka arrintan dhaliila, maadaama oo ay xisaabaadka qaranku u qaabilsantahay qaranka lacag-sii-daynta taas oo ay ka dhalatay in aanay wasaarado badan ku adkaato in loo sii daayo lacagihii ay ku fulin lahaayeen hawlaha shaqo ee u yaalla. Marka laga yimaaddo caqabadaha kala duwan ee uu xisaabiyaha guud ee qaranku ku hayo wasaaradaha Somaliland ee dhinaca lacag sii daynta, hadana, warqadda uu ka soo dheegtay xisaabiyaha guud ee Soomaaliya waxay hoos u dhigaysaa doodda Somaliland ee ah inay tahay qaran, madax-banaan. Isku eeg labada warqad, midda kowaad waa tan xisaabiyaha guud ee Soomaaliya, tan labaadna waa Somaliland Source
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-07112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo siyaasadeeyey eedaha loo soo jeediyey Telefishannada SAAB TV iyo STAR TV, oo ku eedaysan inay faafiyeen war xadgudub ku ah qaranimada JSL. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu ku saxeexnaa La-taliyaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi), ayaa u dhignaa sidan:- “Ma Jirto wax cabudhin ah oo Wasaaradda Warfaafintu ku hagaasinayso Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland oo aanu u aragno tiir jiritaankiisu muhiim u yahay dimuqraadiyadda iyo dowladnimada Somaliland, hase ahaatee waxa looga fadhiyaa warbaahinta inay dabbaqdo xeerarka iyo shuruucda dalka isla markaana ka dhawrsato wixii dhaawacaya qaranimada JSL. Sida uu dhigayo xeerka Saxaafadda Somaliland, Xeer NO. 27/2004, waxa warbaahinta xaaraan ka ah in ay baahiso warar ku lug leh arrimaha ciidammada iyo sidoo kale kuwa been abuurka ah, sidaas awgeed, waxa wasaaraddu soo saartay 30/9/2018 qoraal warbaahinta looga digay baahinta wararka lafjabka ku ah qaranimada JSL, iyadoo aanu ku ammaanayno in Saxaafadda inteeda badani ay xushmeeyeen qaraarkii wasaaradda. Labada Telefishan ee SAAB TV iyo STAR TV, waxay si anshaxa saxaafadda ka baxsan u buunbuuniyeen kooxda Caarre, waxaanay si jar iska xoornimo ah u dhex galeen arrimaha ciidammada qaranka oo ay ka faafiyeen war aan sal iyo raadtoona lahayn oo hiil u ah cadowga Somaliland. Sidaas awgeed, waxay Wasaaradda Warfaafintu dacwad u gudbisay xeer ilaalinta guud ee qaranka si ay waajibkooda uga qabsataan xadgudubka ay sameeyeen labadaas Telefishan, waana mid ay xaq u leeyihiin inay iska difaacaan sharciga horitiisa. Haddaba, waxa la yaable xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, oo siyaasadeynaya eedaha lagu soo oogay labada Telefishan ee Saab Tv iyo Star TV, waxaana xisbiyada mucaaridka ah looga baahan yahay inay xurmeeyaan wadajirka iyo dowladnimada Somaliland oo aanu hiilkoodu noqon mid u muuqanaya inay taageerayaan Somaliland diidka mangansaday cadowga Somaliland.” Source
-
Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland ayaa aad u soo dhaweeyay howlgalka ay dowladda hoose ee degmada Garoowe ay ku banaynayso jidadka xiran ee dhexmara suuqa Inji ee Garoowe . Suuqan ayaa ahaa mid cirir ah oo dadka igaagiidkuba aysan iga gudbi jirin. Madaamuka degmada ayaa sheegay in howshan ay qayb ka tahay horumarinta degmada iyo soo celinta bilicda magaalada . Halkan ka dhegayso . Shacabka Garoowe Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Xildhibaanada ay isku golaha yihiiin ugu baaqay inay si wada jir ah iska casilaan, oo ay kuraasta Golaha u wada baneeyaan, madaama uu xusay in mar kale u muuqato Doorashada Wakiiladu inay dib u dhacayso. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay xil dheerad ah iska saarto sugida amaanka, waxaanu ku taliyey in aad looga feejignaado fidno iyo dhibaatooyin dhaca, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “13 sanno iyo dheeraad ayaanu kuraasta Golaha ku fadhinay, imikana waxay u muuqataa in aanu sii fadhiyeyno oo ay Doorashadu dib u dhacayso, runtiina dhaxal umaanu helin in aanu kuraasta ku sii fadhino, ee Xildhibaanada aanu isku golaha nahay, waxaan leeyahay inagoo isku duuban, aynu ka wada tagno Golaha, oo aynu is wada casilno, isla markaana aynu u wada tanaasulno dadka iyagu leh hanka ah inay isa soo sharaxaan, oo ay kuraastan ku fadhiistaan, ilaa haddana ujeedo ayey Xukuumaddu ka damacsan tahay inay Doorashada Wakiiladu dib u dhacdo,wakhtigii Doorashadana waa la soo gudaba galay, umana muuqato inay wakhtigeedii ku dhacayso”. Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Dalku waa dal Dimuqraadiyada, oo leh nidaamka Axsaabta badan, markaas mar haddii ay saddex Xisbi qaran, laba ka mid ah Xisbiyadu aanay ku kalsoonayn Komishankan, waxaa wacan in la bedelo oo la kala diro, mana haboona inay Xukuumaddu isku sii dhajiso, madaama cidda la dhex-dhexaadinayaa ay yihiin Xisbiyada, cidda dhex-dhexaadinaysaana uu yahay Komishanka, waa in la dhegaystaa cabashada Xisbiyada, maxaa yeelay Daahir Rayaale iyo Axmed Siillaanyaba wey hore ayey u bedeleen”. Xildhibaan Xuseen isagoo Xukuumadda baaq u diraaya ayaa yidhi “Laba Reer oo walaalo ah oo meel wada dega oo xidid iyo xigaalba isku ah, inay dhexdooda colaadi soo gasho, ma wanaagsana, labadaas Beelood ee Gobolka Sool, waa inay deg deg u heshiyaan, Xukuumadduna waa inay si deg deg ah wax uga qabato wax kasta oo amaan daro keenaya, waana inay awoodeeda isticmaasha, arintan ka dhacday Ceel-afweyna, aad iyo aad baan uga xumahay, waxaana leeyahay labada reer ee heshiiskooda meel walba looga soo gurmaday, ka digtoonada in dhib dambe idinka dhex dhaco, Xukuumadduna waa inay waajibkeeda ka gudata, oo cidda geystay dhagarta ay soo qabataa” Source
-
Guushii ugu weynayd ee ay Gaaraan Qurba joogta Soimaaliyeed ayaa waxay ka dhacdey Maraykanka kadib markii Ilhaan Cumar ay ku guulaysatay House of Representatives ka Maraykanka oo u dhigma Maarlamaanka. Ilhaan waxaa lagasoo doortay Minnesota, Waxayna noqonaysaa Gabadhii Muslin kyi Soomaali ah ee ugu horaysay oo ku guulaysata Baarlamaanka Maraykanka. Ilhaan Cumar ayaa noqotay gabadhii ugu horaysay oo Soomaali ah oo ku guulaysata doorashadii dhexe ee ka dhacday dalka Mareynka oo loogu tar tamaayay kuraasta Aqalka Koongareeska Mareykanka. Guusha Illhaan ayaa waxaa ad u soo dhaweeyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa . Halkan ka dhegayso Duqa degmada Garoowe Cabdi Bare oo Hambalyo udiray. Duqa Garoowe Source
-
Jubba ( Sh. M. Network )-Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Koofurta Suudaan Xuseen Xaaji Axmed ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada Koofurta Suudaan, waxayna ka wada hadleen sidii loo dhaqan galin lahaa waxyaabihii ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan ay dhawaan ka wada hadleen. “Wasiirka ayaan xafiikiisa kula kulmay waxaan ka wada hadalnay sidii loo fulin lahaa waxyaabihii ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan maalin dhaweyd ka wada hadleen, sida la og yahay Jaaliyad Soomaaliyeed ayaa joogta dalkan oo aad loogu amaanay doorka ay ku leeyihiin wadanka, marka waxyaabo yaryar oo cilado ah oo jira ayaan wadajir u xalin doonaa”.ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Koofurta Suudaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka. Wasiirka Arrimaha Dibada Koofurta Suudaan iyo Wasiiro kale ayaa loo xilsaaray fulinta waxyabihii ay kawada hadleen Labada Madaxweyne, iyadoo Madaxweyne Salva Kiir uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay markuu booqasho ku tagay dalkaasi in Soomaalida ay door fiican ku leeyihiin ganacsiga iyo Horumarka Koofurta Suudaan. Safirika ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dhaqan galka Heshiisyada ay isla gaareen Labada Madaxweyne, isagoo sheegay Safaaradda Soomaaliya ee Koofurta Suudaan in la siinayo Dhul ay degto maadaama hada ay ku jirto Guri kiro ah. The post Safiirka Somalia Ee South Sudan Oo la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Ee dalkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qoyska reer Cabdiraxmaan Maxamud ayaa wajahay murugo iyo xanuun badan kadib markii isniintii ay gabadhooda Safiyo Cabdiraxmuud u geeriyootay xabado uu furay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya. Faadumo oo aheyd gabadhii la socotay Safiya markii uu xabadaha ku furay askariga ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa sheegtay in aaney garaneyd in hadafka iyagu ahaa iyo in kale. Faadumo oo sii hadleyo waxaa ay tiri “Waxaaan ka soo laabanay booqasho xaafad gabar nala dhalatay, waxa aan soo raacnay bajaaj, annaga oo taagan isgoska Ceelqalaw ayaa mar qura askari taagnaa meesha waxa uu furay xabado dhowra ka dib waan cabsanay, waxaana arkay Safiya oo igu soo dhacday, mana maleyneyn in xabado ku dhaceen, wax kaliya aan filaayay gabadha inay cabsatay, waxa aan weydiiyay Safiyo ma cabsatay mayna ila hadlin. “Waxa aan arka dhiig ka baxaayo gabadha madaxeeda, waxaana ula soo oradnay isbitaalka naf kuma aanan gaaribna oo dhexda ayeyba ku naf baxday”. Marxuumad Safiyo Cabdiraxmaan Maxamuud waxa ay dhameysatay wax barashada heerka koowaad ee jaamacadda sanadkii2016, dhimashadeeda bil ka hor ayeey bilaawday wax barashadeeda heerka labaad ee master-ka. Marxuumada aabaheed Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa ka hadlay dhimashada gabadhiisa ka dib falcelinta loo baahanyahay “Gabaheyda waxa ay sababsatay xabad uu ku dhuftay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaa aan dareemayaa qof laga dhintay xanuunkii uu dareemi lahaa, waliba dhimasho sabab ay u noqotay qof kale iney disho, waxaan dareemayaa in bulsho badan ay qabaan dhibkaan oo kale si aan munaasab aheyn dadkoodii loo dilo, Waxaana illaah xagiisa ka rajeeynaa in cadaalad iyo sinaan la helo, oo gabadheydu noqoto qofkii ugu danbeeyay oo si gardarro ah loo dilo , gabadhaeyda waxa aan wax soo baraayay mudo dhowr iyo labaatan sano ah, waxa aan wax u barayay inay naftwwda iiyo dadkeeda anfacdo Sidoo kale Safiyo waxa ay aheed macalimad iskuulka Raage Ugaas wax ka dhigta sidoo kale Safiyo waxa ay u weyneyd dhowr caruura ah, oo qoyska reer Cabdiraxmaan Maxamuud, waxa ay aheyd qof u taagaanaa xanaannada hooyadeed oo shan sano sariir saarneed, ayadana aheed qofka kaliya ee uqidmeeynayay Dilka Safiya ayaa waxa uu yahay kiis 2aad oo mudo bilo gudaheeda xabado ciidamada furaan lagu dilo ahna kii 3aad ee lagu dilo gabdho ardayaa iyo macalin ahaa oo dalka iyo dadka u soo baxay gudaha magaalada Muqdidho Safiya ayaana sababsatay askari ka tirsanaa ciimada dowlada xabado uu furay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa daqiiqado ka hor magaalada Kismaayo ka daah-furay shirka iskaashiga amniga ee dowlad goboleedyada. Shirkani waxaa ka wada qeyb galaya wasiirrada amniga iyo taliyeyaasha nabad sugidda ee dowlad goboleedyada Soomaaliya oo ku mideysan magaca Gollaha Iskaashiga. Madaxweyne Axmed ayaa ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay sidii ay dowladaha xubnaha ka ah xukuumadda federaalka iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Alshabaab iyo nabadgalyada. Sida dad lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Goobjoog News shirka ayaa socon doona laba cisho, iskaaahi amni oo dhexmara ayayna ka arrinsanayaan iyadoo ugu dambeeyntii warmurtiyadeed laga soo saari doono. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa furay shirka Wasiirada amniga Dowlad Goboleedyada oo ay ka qayb galayaan Taliyayaasha Hay’ada nabadsugida Dowlad Goboleedyada. Madaxweynaha ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in ay Wasiiradu qiimayn ku samayn doonaan xaalada amni kadibna ay go’aamo ka gaari doonan howlaha horyaala oo ay ugu muhiimsan tahay dhismaha Ciidamada isku dhafka ah. Kaalintaan ayuu Madaxweynuhu sheegay in ay lahayd Dowlada Federaalka ah balse ayna kasoo dhalaalin taas badalkeedana ay ku mashquushay burburka dalka iyo arqaladayn joogto ah wuxuu sheegay Madaxweynahu in ay dardar galin doonan iskaashi buuxa oo dhinaca amaanka ah isla markana Ciidamada la isku keeno ay fulin doonan howlgalo qorshaysan oo lagu xasilinayo dalka. Waxaa uu sheegay inay dardar galin doonaan iskaashi buuxa oo dhinaca ammaanka ah, isla markana Ciidamada la isku keeno ay fulin doonaan howlgalo qorshaysan oo lagu xasilinayo dalka. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay maamul Goboleedyada hadba sida ay ugu kala muhiimsan yihiin dhinaca amniga howlgalada loo qaybsan doono, isla markana la cirib tiri doono kooxda Al-Shabaab sida uu yiri. Shirka ka furmay Kismaayo ayaa inta uu soconayo lagu falanqeyn doonaa iskaashiga dhinac amniga iyo isku dhafka Ciidamada maamul goboleedyada laga keenayo sidii loo bilaabi lahaa qorshahooda ugu horeeya, iyadoo Jubbaland ay hormuud ka noqon doonto.
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Kulamo aan loo kala kicin ayaa Xalay ilaa iyo saakay ka socda Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay, kaasi oo ay leeyihiin qaar ka mid ah Musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Xubnaha Gudigga Doorashada ee aan iscasilin ayaa iyaguna kulan ka wada Magaalada Baydhabo, waxaana ay sheegayaan in ay dhacayso waqtigii loogu tala galay Doorashada Madaxtinimada ee Maamulkaasi. Guux iyo Jahwareer siyasaadeed ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo, iyadoona Cabsi badan laga qabo in ay dib u dhacdo Doorashada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha hada talada haya ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa isagana kulamo gooni gooni ah ka wada xarunta madaxtooyada ee Maamulkaasi. Mashquul aad u fara badan ayaa laga dareemayaa xarunta Madaxtooyada ee maamulka Koofur Galbeed, waxaana lagu arkayaa qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo xubnaha ka tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed ee jooga Baydhabo, iyadoona xaalka uu u muuqdo mid alow sahal ah. Waxa jira cadaadis xoog leh oo la saarayo guddoomiyaha baarlamaanka Koofurgalbeed C/qaadir Shiikhunaa Maye, iyadoona dhinac ka mid ah siyaasiyiinta ay doonayaan inuu dhamaystiro tirada guddiga doorashada, halka kuwo kalana ay ku cadaadinayaan in dib loo dhigo doorashada. Sidoo kale Xubnaha qaar ee ka haray Gudigga doorashadda ayaa ka digay in rabshado ay ka dhacaan magaalada Baydhabo ee Gobalka bay. Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa Waxaa weli ka jira olole siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaasoo ay wadaan siyaasiyiinta ka soo jeeda Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dad Shacab ah oo ka careysan dhacdadii shalay ciidamada AMISOM dadka rayidka ahaa ku laayeen ayaa is hor istaagan ciidamo wata gaadiidka AMISOM oo marayay isgoyska Tarabuunka. Ciidamadaan ayaa muddo daqiiqado ah ku xayirnaa isgoyska oo dad badan ay u diidaan inay gudbaan, waxaana ay ku banaanbaxeen goobta ay ku celiyeen ciidamada AMISOM iyaga oo ku dhawaaqayo erayo ka dhan ah AMISOM. Muddo markii ciidamada ay ku xayirnaayeen isgoyska ayaa kadib waxay fureen rasaas badan oo ay dadka isaga kala ceyrinayeen, waxaana markii dadka ay ka carareen rasaasta ay isaga baxsadeen goobta. Ma jirto cid waxyeelo ay kasoo gaartay rasaasta ciidamada AMISOM shacabka ku fureen, waxaana hadda degen xaaladda isgoyska Tarabuunka. AMISOM ayaa shalay afar ruux oo rayid ah ku dishay Xaafadda SOS ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Inkastoo Dad Baddan oo Reer Somaliland ahi Aqoonyahan Siyaasiyiin iyo Inta ugu Badan ee Waxgaradka Bulshadu Ugu Sid Xidheen Bal in ay Ka Dhursugaan In uu Sanadka Dhameysto.Marka Loogu Shin Tiriyo Maalintii La Doortey ilaa iyo Maanta Laakiin Qaar kale oo Baddani Waxa ay Kaga Min Qiyaas Qaateen Biyaha Aan Hordhacooda Aragnaa Huubaheedu Isbadel Keeni Maayo, Sababtoo ah ilaa Dhismihii Xukuumada ilaa iyo Maanta Waxa Badnaa Qaladka Xukuumadiisa iyo Isaga Madaxweynaha Laf ahaantiisa, Cabashada Beelaha Somaliland Gobolada iyo Degmooyinka Dhinac Walba, Siyaasada Dibadda oo Aan Wax dhaqdhaqaaq ahi habayaraatee kajirin,Sixirbararkii iyo Qiima Dhicii Shilinka Somaliland oo aan Wax Iska Badelin ay kaga tagtey Xukuumadii hore,Cashuurihii oo Lagu Kordhiyey Cunahana Lagu Qabtey Shacabka Masaakiinta. ah ee la ildaran Duruufaha Nololeed, Khilaafka iyo Hirdiga Wasiirada oo Aan Maalina Maalin Ku Dareyn. Haddaan Tusaale usoo Qaato, Khilaafaadka Masuuliyiinta Xukuumada u Dhexeeyaa, Mudooyinkii u Dambeeyay Waxa uu ahaa Mid ay Shacbigu Sitoos ah u arkayeen Iyaddoo Xukuumadan Muuse Biixi Madaxweynaha u yahey Kuwa Taageeraa habeen iyo Maalin Calaamad ka Dhigteen In aan Madaxweyne Siilaanyo Kala Celin Jirin, Waajibaadna kala Siin Jirin Masuuliyiinta Xukuumadiisa ee Iska Hurdi Jirey Balse Muuse ka Duwan Yahey in uu Soo Jeedo oo Isagu Talinayo, oo Cadaalad ka ShaqeynayoTaasi ma aha mid Xaqiiq ah Maxaa Yeelay Waxa ugu horeeyay Khilaaf Dibadda usoo Baxa Kii ay Isku Qabteen Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Guri-Barwaaqo iyo Agaasimihii Guud ee Wasaaradaasi Mar Dambe Loo Magacaabay Cali Caliyaw oo Xaqiiqdii Garsoorkeedii Markii ay Madaxtooyada Gashey Cadaalad Darro aan Indhaha Laga Qarsani Ka Dhacdey, oo Muuse Biixi Ka Badheedhay in Cali Caliyaw uga hiiliyo.inaadeerkii Guri-Barwaaqo taasi Waxey u Quus Goysey Dad Badan oo hamuum Qabey Hirashada Somaliland iyo.Mustaqbalkeeda Siyaasadeed. Hadda marka aynu Usoo.Noqono Waxa is haya oo Muuqata Masuuliyiin Tira baddan oo Golaha Xukuumada katirsan Sida Wasaaradaha Maaliyada iyo Gaadiidka Laakiin Ma Dhicin in Marnaba Madaxweynuhu Waajibaadkooda ukala Xariiqo Laakiin Dagaalkiidu u Muuqdo Mid lagu hagardaamaynayo Shacbiga oo Ragaa Wareegtooyinka isku Isticmaalaya Mid Walba gaarkiisa Dhabarka Loo Taabtey Si Shacbigu ugu Dhex Dhinto Meel Laba Maroodi Ku Dagaalamay Cawsbaa ku Baa,ba.a. Sikastaba aha ahaatee Mayara Hagaradaamada iyo Fashilaada Xukuumadu Laakiin Waxeynu Kusoo ururuneynaa Waar Sanadkii Maalmaa hadhaye Maxaa La Qabtey Oo aan aheyn Cashuur iyo Dhib Lagu Soo Kordhiyey Shacbiga Ma Waxa La Xusi Doonaa Beerihii Roobka Illaahay inoo Shubey Kusoo Baxey ee Askartu Beeratey ileyn Awalaba Beer Roobaadku Waa Soo Bixi Jirtee aan Kusoo Koobo Muuse Waxna Ma Qaban Maalmona Wey hadheene Car Yaanu Buugaag Madhan Inoo Soo Daabicin. Najiib Ismaaciil Maxamed Somaliland Gabiley 0634466339 Source
-
27-Auguts 2018-ayay markii Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay garoonka Ciyaaraha ee (Stadium Muqdisho) waxa uu sheegay in dowladda ay bilaabayso qorshe ballaaran oo lagu hawlgalinayo garoonka Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haatan joogto marxalad ay higsanayso dib u dhiska kaabeyaasha nolosha iyo soo celinta kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahayd Qaaradda Afrika. “Annaga oo dhammaystirayna qorshaha la wareegidda garoonkan, waxaynu dib u cusboonaysiin iyo dib u dhis ku samaynaynaa garoonkan, si loo soo celiyo bilicdii uu lahaan jirey Muqdisho Stadium.”waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Madaxweyne Farmaajo Bahda ciyaaraha ayaa marar badan sheegay in ay jecelyihiin in uu dib u shaqeeyo garoonka Stadium Muqdisho si ay usoo noqdaan tartamada caalamiga uu dalkeena ugu qeyb galo caalamka dadka soo dhaweeyay da’aal horomarneyd ee ka socda garoonka waxaa ka mid ah gudoomiye ku Xigeynka 2-aad ee xiriirka kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), iyo Maxamed Cabdulle Farayare oo ka mid ah macalimiinta farsamada X.K.Cagta,iyagoo arinta ku tilmaayay geed socoda wanaagsan ee isboortiga gudaha Kooxda qurbajoogta Soomaaliyeed oo intii u dhaxaysay 17-30-October caasimada Muqdisho ka samaysay is dhaxgal bulsho iyo ciyaaro saaxiibtinimo ayaa nasiib u yeeshay in ay booqdaan garoonka Stadium,iyagoo ka qeyb qaatay nafaada kala duwan oo ka socotay Xuseen Aba Nuur Abti oo horay ugu ciyaaray kooxda wagad iyo xulka qaranka kana mid ahaa wafdiga kooxda qurbajoogta ayaa sheegay bilo ka hor wixii uu ka arkay baraha bulshada iyo sida hada loo diyaariyay Stadium oo u dhaxeeyo farqi weyn loona baahanyahay in inta dhiman la dhameystiro Dowladda ayaa balan qaaday in muddo gaaban lagu hagaajin doono garoonka si loo soo celiyay maqaakii ciyaaraha caalamka ee wadankeena ku lahaa adduunka waxayna arinta guul u tahay bahda ciyaaraha Halkaan Ka Daawo Wixii Iska Badalay Garoonka Stadium Labadii Bil Lasoo Dhaafay W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Shirkada caalamiga ah ee Dubia Port DP waxa la aas aasay sanadkii 1999 masharuuceed ugu horeeyan wuxuu ahaa jedeh sucuudi carabia waxa weeye shirkada dunida laga yaqaano oo caan ka ah oo maalgalisa dekadah dunida waxa la sheegaa innay ku dhowaada boqol iyo toban waddan iyo afartan dekadood oo caalami ah oo ayy maamusho ama maalgeliso isla markaan ayy gacanta ku hayyso oo ayy dardar geliso hawlah shaqo ee dekadaahsa dunid. Waxa lagu qiyaasa xadiga lacgat ee ayy hayysto shirkadani $3,121 million runn ahaantii waa qaddar lacag ah oo aad uu mugg leh. Waxa shaqaale ahan la shaqeeya shaqaale baddan. Waddamad ayy ka hawal gasho waxa ka midd ah Senegal, Egypt, Mozambique, Djibouti and Algeria UK Waxa arrin lagu farrxo ah in ayy maal gelin doonto 30 sanddod dekada Berbera run ahaanti waa muddo aad uu wangsan oo waxa lagu qabban karro dhinac kasta oo horumar ah Somaliland iyo shirkadan maalgashigu waxay kal saxeexdeen heshiis hordhac ah oo ayy ku bixi doonto lacag lagu qiyaasay $442 milyan Waxa hubaal ah in hadii shirkada DP world ee maal gashaneyssa dekada Berbera lagu taageero qorshaha maalgelinta in somaliland gebbi ahaanteed shacbi iyo dawldab ayy heli doonan horumar dhincyo baddan oo ayy ka midd tahay midd dhaqan dhaqaale iyo horumar dhinacyo baddan koobsad. Haddab bebera waa goob xasaasi oo ah oo ku taal mandaqada Geeska Africa gaar ahaan gacanka caddmeed run ahaantii waa goob ayy ku hareeraysn yihiin waddmo ayy ka jiraan xassardo iyo dagaalo sokeeye . Waxa muhiim ah in dadweynaha iyo dadka ka soo jeeda deeganka ayy ku taalo marrsadda ama dekadda bebera ayy yihiin dad jecel horumarka waayo waxa tusaale inoogu filan waxa deegankaas ka soo jeedaa raysal wassarhi hore ee Somalia . Madaxweynhii yagleelay qaddiyada ama jiritaanka somaliland mud. MAXMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL oo la odhan karro la’aantii somaliland halkan ayy manta marrayso may soo gaadheen. Dhanka kale waxa isna ka soo jeed madaxweynne ku xigeenkii seddexd ee somaliland Mud. AXMED YUUSUF YAASIN haddab bulshada ku abtirsta deeganka dekeda Berbera waa bulsho horumar ku suntan, Dhanka kale shaqaalah ugu baddan ee wakhti xaadirkan ka hawal galla dekada Berbera Deegan ahaan waxay ka soo jeedin deegamad hoos yimaada Berbera iyo hareeraheed, akhristow waxa waxxa lagu farrxo ah in shacbi weynah somaliland dhamaantood ayy jecel yihiin horumarka Berbera iyo guud ahaan dalka. Haddab waxa hareer socota taas in ayy Idilkood shabiga somaliland fahmeen macanah iyo dulucda ka danbeysa maalgashiga Marsadda Berbera isla markaan ayy la dhacsanyihiin ama ku farraxsanyihiin sidda ayy xukumada somaliland iyo Shirkad DP WORLD ayy waxa uu waddan ama heshiiska hordhaciisa uu saxeexeen. Gunaanandka qormadan kooban waxaan ku soo af meeraya waxaa mahad oo dhan iska leh Allah suurto galiyay qabsoomida heshiiskan marka xigata madaxda qarankan uu ugu horeeyo Madxweynah somaliland HE.axmed siilanyo iyo xukumadiisa waxa xusuus mudan in wasiirka wassarda Gancsiga iyo maalgashiga caalmiga ah Eng XUEEN ADEN CIGE in aaney la’aantii hir galeen heshiiskani taas oo uu door muhiim oo la taaban karro uu ku lahaa saxiixisa iyo hirgelita bandhigiisab labdab. Dhanka kale wasiirka arrimah dibbada DR SACAD ALI SHIRE iyo xubno kale oo wasiiro ah sidd wasiirka Qorsheynta qarankan CALI SHOONBE iyo Maareyah dekad Berbera Eng Cali xoor xoor koox khubro ah dhamaan dadkaas oo gaccan ka geystay inuu heshiiskan taarkhiga ah Qabsoomo wayyy mahdsan yihiin. Qalinkii: Nimcaan cadaani Hussein Bachelor science of public health Cadaani123@gmail.com Tell 252-63-4174513 Hargiesa Somaliland Source
-
(SLT-Hargaysa)Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil,ayaa sheegay in wefti ballaadhan oo ka socda xukuumadda Somalilandin ay u amba baxeen gobolka Sool isla markaana ay u socdaan daminta colaadda beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay koonfurta gobolka Sool (Dhumay). Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in madax dhaqameed uu ka mid yahay inay u amba baxayaan gobolka Sooloo ay ku biirayaan ergo nabadeed oo ka socda golaha guurtida Somaliland,madaxdhameed ka kala socda deeaanka Soomaalida Itoobiya iyo Puntland iyo weftiga wasiirada ah ee uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo deegaankaas u safray. Waxaa kale oo uu garaad Jaamac sheegay in nabadayntii beelaha walaaha ah ee Ceel afweyn in ay si wanaagsan u hir gashay oo labada beeloodba ay nabadayntii qaateen kuna dhaqmeen isla markaana labadil oo dhacay mid ahaan qofkii geystay la soo qabtay dilka labaadna isna lagu raad joogo qofkii geystay isla markaana ergadii nabadaynta labada beelood in ay u kicitimayaan Ceel afweyn oo ay magtii lagu kala xukumay u kala qaadayaan. Waxaanu u soo jeediyay labada beelood e walaalaha ah ee ku dagaalamay Dhumay in ay nabadda qaataan oo ergada aqbalaan oo colaadda joojiyaan. “waxaa caawa(xalay) wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland uu u amba baxay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool waxaanay u tageen nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah,waxaa kale oo hore u gaadhay oo ku sugan ergo nabadeed oo golaha guurtida Somaliland ah,iyo madaxdhaqameed ka kala yimi deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Puntland,waxaana deegaankii lagu dagaalamay gacanta ku haya oo nabad gelyo ku soo celiyay ciidanka qaranka.”ayuu yidhi Garaad Jaamac ii u warramayay wargayska Dawan. Waxaanu intaa raaciyay .”annagoo fulinayna amarkii madaxweynaha Somaliland ee ahaa in nabadaynta labada beelood loo koco oo xukuumad iyo madaxdhaqameed iyo culimoba laga qayb qaato aniga iyo madaxdhaqameed miisaan leh oo reer Somaliland ahi aanu socdaal ugu baxaynaa deegaanka Dhumay ee gobolka Sool,waxaanan leeyahay labada beelood ee walaalaha ah nabad ayaa horumar iyo nololba leh ee nabada qaata oo tacabkla dawladda Somaliland iyo madaxdhaqameedka idiin soo gurmaday ay idin geliyeen ha qasaaraynina,maanta haddii aanay nabaddu idinka idinka soo go’in oo aydaan qaadan dadkana dhib iyo naxdin ayunbaad ku haynaysaan idinkuna is bixin maysaan markaa aan idiin ducaynee nabad gelyada qaata oo madaxweyne illaa madaxdhaqameed illaa culimo la idiin soo gurmay ee inkaar ha shaqaysanina.” Garaadka oo ka hadlayay nabadayntii beelihii Ceel afweyn iyo halka ay marayso,waxaa uu yidhi. “labada beelood ee Ceel afweyn waxaan ku ammaanayaa in ay nabaddii si dhab ah u qaateen oo ay ka dhabeeyeen waxaa imikana u baxaya ergadii nabada madaxdhaqameedkii ahaa oo u kala qaadaya xoolihii loo kala xukumay,intii nabadaa la soo xidhayna laba dil ayaa dhacay,dilkii hore ninkii gabadha dilay waa la keenay dilkan dambe ee habeenka dhawayd dhacayna gacan ku dhiiglihii waa lagu maqan yahay oo lagu raad jooga mana qabo in halkaa dhibaato dambe ka taagan tahay marka beeluhu ay nabadda qaataan ayuunbaanay nabaddu hir gashaa, beelaha Dhumay ku dagaalamayna in nabadda ALLE garansiiyo oo ducada ergada culimo,dawlad iyo madaxdhaqameedba leh in ALLE ku anfaco,ayaan RABBI ka baryaynaa.” Source
-
(SLT-Washington)Ilhan Omar ayaa ku guuleysatay tartanka gobolka 5th ee Minnesota, waa qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ka mid ah noqda Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka, waxaa ay guushaasi ka gaartay doorashaddii dhexe ee Mareykanka ee shalay dhacday. Ilhaan Cumar ayaa bedeshay Keith Ellison oo ahaa Muslimiinkii ugu horreeyay ee ka mid noqdo Aqalka Congress ,islamarkaana ka soo galay dhanka Minnesoto. Ilhan Cumar ayaa taariikh samaysay iyada oo noqonaysa gabadhii ugu horreeysay ee loo doorto Congress-ka oo Soomaali ah. Waxaa ay sidoo kale noqonaysaa mid ka mid ah haweenka ugu horreeyay ee Muslimka ah ee loo doorto Congress-ka. Waxa ay ka socotay Xisbiga Dimoqraadiga ah, waxaana la aamisan yahay in guusha Ilhaan ay soo dedejisay Caddaadiska lagu haayo dadka Muslimiinta ah ee kunool dalka Mareykanka. Ilhaan Cumar oo 35 sano jir ah ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka sanadkii 2016-kii. Waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah Muddo afar sano ayay ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab Waxay Maraykanka tagtay iyadoo 12 sano jir ah Waxay noqotay qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Maraykanka. Source
-
Ilhan Cumar, oo Soomaaliya Amerikaan ah ayaa ku guuleysatay Congress-ka Mareykanka, waxaa laga doortay Minnesota, iyada oo noqotay mid ka mid ah labo gabdhood oo Muslim ah oo markii ugu horeysay ku biiray aqalka Congress-ka. Ilhan oo mataleysay xisbiga Dimoqoraadiga waxaa ay heshay 78.4% halka gabadha la tartantay ee Jennifer Zielinski oo ka socotay Jamhuuriga ay heshay 21.6%. Ilhan Cumar oo da’da 12 jir ah Mareykanka gashay, waxaa ku wehliya oo iyadana noqotay gabadh kale oo muslimad ah, oo ku biirtay Congress-ka Rashida Tlaib, oo laga doortay Michigan, waa gabar asal ahaan ka soo jeeda Falastiin laakin ku dhalatay Detroit Ilhan oo 36 jir ah, waxaa ay kursiga ka qaadatay Keith Ellison oo isna 2006-dii noqtay qofkii ugu horeeyey oo Muslim ah, oo jagadaasi hela. Ilhaan Cumar waxaa ay 8 jir iyada oo ah ka qaxeen Soomaaliya, waxaa ay xero ku jirtay 4 sano, markii ay gaartay 12 jir ayey qoyskeeda sponsore ka heleen dalka Mareykanka iyaga oo degay Minnesota. Ilhaan waxaa ay darajada koowaad ee jaamacadda ka haysta labo shahaado oo kala ah kulliyadda culuumta siyaasadda iyo kulliyadda daraasaadka caalamiga ah (International Studies) ee jaamacadda North Dakota State University, iyadoo aqoontaasi ay u saamaxday iney si xoog ah uga muuqato dhanka siyaasadda. 2017-kii, waxaa ay ku guuleysatay Golaha Sharci Dejinta Ee Minnesota iyada oo maanta noqotay gabadhii ugu horeysay oo Muslim ama Soomaali ah, oo gasha Congress-ka Mareykanka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibanada Koonfur Galbeed ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo maalmo ka hor ay ka yimaadeen. Xildhibaanadaan ayaa saaka la arkayay iyaga oo saaran gaadiidkii Dowladda Qatar ugu deeqday dowladda Soomaaliya, waxayna sii galayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Xildhibaano ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dib u laabashada xildhibaanada Koonfur Galbeed oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho. Waxay xildhibaanada qaar ay sheegeen in marnaba dib u dhac uusan ku imaan doonin doorashada Koonfur Galbeed, islamarkaana magaalada Muqdishoa u tageen kadib casuumaad ay ka heleen guddoomiyaha baarlamaanka oo isku deegaan ay kasoo jeedaan. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa la filayaa inay ka horyimaadaan go’aankii malaaqyada Koonfur Galbeed ay shalay qaateen oo ahaa in doorashada dib loo dhigayo. Wali waxaa laga dhowr sugayaa isbadalka saacad kasta ku imaan kara xaalada doorashada Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com