Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun ku riday eedeeysanayaal ay sheegtay in ay ka tirsanyihiin kooxda Al-shabaab. Maxamed Cabdi Salaad Nuur iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed ayaa maanta maxkamada ka soo hormuuqday kuwaasi oo ka tirsan amniyaadka Al-shabaab. Ciidamada amniga dowlada Soomaaliya ayaa labadaan nin ka soo qabtay degmooyinka Cabdicasiis iyo Warta-nabadda ee Muqdisho. Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aamisay in labada eedeysane lagu kala xukumo Maxamed Cabdi Salaad Nuur Sideed sano (8) oo xabsi ciidan ah halka eedeysana Gacal Maxamed Cali Maxamed Sedax sano (3) oo xabsi ciidan sida uu xukunka ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Hoos ka Daaawo Sawirada eedeeysanayaasha Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Maxkamada Ciidamada oo xukun ku riday rag ka tirsan Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
  2. Maamulka Gobalka Sool ee Puntland ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen meel u dhow Deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi. AbuAbukar C/raxmaan Geelle, guddoomiyaha gobolkaas ayaa xusay in dhankoda ay diyaar u yihiin in nabadda la qaato, balse dhanka Somaliland weli ay ku madax adeegeyso in Tukarraq ay iyagu weli maamulaan. Waxa uu sheegay in coalad wax faa’ido ah aanu u lahayn Labada dhinac muhiimna ay tahay in la wada hadlo. Puntland ayuu sheegay in dhankeeda ay xilli walbo goobeysa nabadda dadka Soomaaliyeed ee deriska ah, balse dhanka Somaliland loo taag la’ yahay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Gudoomiyaha-Gobolka-Sool-Ee-Puntland-9-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa shalay gelinkii dambe 5 qof oo shacab ah ku toogtay fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe. Dadka la toogtay oo dhammaantood rag ahaa ayaa Al-shabaab ku eedaysay in ay la shaqeynayeen sirdoonka dalalka Soomaaliya,Maraykanka iyo Ingiriiska,sida ay daabacday warbaahinta taageerta Al-shabaab. Magacyada ragga la toogtay ayaa lagu kala sheegay; Cabdicasiis Cabdisalaam Sheikh Xasan oo 22 sano jir ah, Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sano jir ah,Jeyllaani Cabdullaahi Nuur oo 36 sano jir ah,Cawaale Axmed Maxamed 32 sano jir Iyo Cabdulqaadir Isxaaq Amiin oo aan da’diisa la xusin. Xaakimka Al-shabaab ee xukunka riday ayaa sheegay in dhammaan ragga la toogtay ay maxkamadda ka hor qirteen in ay hoos kala shaqeynayeen sirdoonka Soomaaliya iyo dalalka shisheeye islamarkaana caddaymo kale loo helay denbiyada loo haysto. Ma jirin wax qiraal iyo caddayn ah oo uu soo bandhigay qaaddiga Al-shabaab marka laga reebo hadalka uu afka ka sheegay,taasi oo shaki gelinaysa sax ahaansha xukunka uu riday. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sidaan oo kale marar badan dad shacab ah u laayay iyagoo ku eedeeyay in ay sirdoon u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo dalal shisheeye intaba. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay 5 qof oo shacab ah appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) -Shabakadaha Dambiyadda ayaa Iran u isticmaalayaa Bar ay marto Dhuxusha Soomaaliya ee sida sharcidarada ah loo dhoofiyo taas oo Al-shabaab ay Malaayiin doolar ka sameeyaan canshuur ahaan, sida lagu sheegay Warbixin uu Qoray Guddiga la soconka Cuneqabateynta Soomaaliya oo ay aragtay Reuters. Warbixin sanadeedka oo aan wali la daabicin ayaa waxaa ay u sheegeysaa golaha Amaanka ee QM in Dhulka iyo Nidaamka Al-shabaab ay Canshuurta kasameeyaan ay ka weeynyihiin midka Dowladda Faderaalka ah ay Canshuurta ka sameeeyso ama ka qaado. Warbixintaan ayaa lagu sheegay inay Shabaab dhuxusha u dhuufiyaan dalka Iiraan iyadoo la isticmaalayo aqoonsiyo qaldan oo ah in Dhuxushaas lagu sameeyey dalka Iiraan. Warbixinta ayaa sheegtay in Doomo yar yar oo lagu dhajiyey Calanka Iiraan lagu dhoofiyo Dhuxusha, waxaana Imaaraadka Carabta lagu sheegay inay tahay meesha ugu badan ee Dhuxushaas la geeyo. “Jawaanadda Dhuxusha ah waxaa lagu qaadaa doomo yar-yar oo watta calanka Iran waxana loo dhoofiyaa Dekedda Al-Xamariya ee Imaaraadka carabta iyagoo doomahaasi isticmaalaaya aqoonsi khaldan oo ah in dhuxusha Iran lagu sameeyay” ay kooxda la socodka Cune qabateynta Soomaaliya warbixintooda ku xuseen. Warbixintu waxay ku qiyaastay in Imaraadka Carabtu uu Dhuxusha Somaaliya ku iibsaday 150 milion oo dollar muddo sanad ah, Imaraadkana dhuxusha waxaa aad loogu isticmaalaa Karista iyo in lagu shido dhalooyinka Shiishadda laga cabo. Dalka Iran ayey Warbxintu sheegtay in uu marin u noqday maraakiibta dhuxusha sida uuna jibiyay mamnuucistii QM ee dhoofinta dhuxusha Soomaaliya kadib markii Cuman ay adkeeysay Hanaanka Kastamyadeeda. Al-Shabaab ayaa la sheegay inay Sanadkii iibka Dhuxusha ka sameeyaan ilaa lacag gaareyso 7.5 Malyan oo Dollar sida ay xustay Warbixinta. Dhanka kal warbixintaan ayaa lagu sheegay inay Shabaab Canshuurta ka qaadaan dhul baaxad ahaan ka weyn midda ay Dowladda Soomaaliya ka qaado Canshuurta. Warbixinta ayaa lagu sheegay in shakhsi kasoo goostay Kooxdaan uu sheegay in Bar Koontarool oo 160Km Waqooyi Galbeed kaga beegan Muqdisho Maalin kasta ay Kooxdaan Canshuur ahaan ka hesho 30 Kun oo Dollar waana Wadada isku xirto Muqdisho iyo Baydhabo. Lacagtaas ay Al-Shabaab ka sameeyaan Bartaas Koontarool ayaa la sheegay inay sanadkii tahay 10 Malyan oo Dollar taasoo ah lacag aad u badan oo kooxdaan ka saacidi karto inay weerarada sii badiyaan. Warkaan ay Daabacday Reuters wali kama aysan hadlin dalalka Imaraadka carabta iyo Iran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Idaacaddaha Muqdisho ayaa sheegay inuusan sharci aheyn kulanka la filayo inay Maamulada ku yeeshaan Garoowe. Wuxuu sheegay in wax kasta oo kasoo baxo kulankaas iyo midka ay Maamulada ku yeesheen Nairobi aysan khuseyn Maamulkiisa Hirshabelle. Wuxuu xusay inuusan la qabin Maamulada kale waxyaabaha iyo cabashada ay u gudbiyeen Beesha Caalamka, isagana uu Mas’uul ka yahay Maamulka Hirshabelle. Wuxuu ku eedeeyey Madaxda Maamul Goboleedyada kale inay ka baxeyn ballantii lagu galay Kismaayo isla markaasna ay ka shaqeenayaan wax aan dan ugu jirin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Waare waxaa uu sheegay in Hirshabeelle iyo dowlad goboleedyadda uu ka dhaxeeyo xiriir Wanaagsan, balse aysan aqbali doonin Golaha Iskaashiga ay shiraan Hirshabeelle oo aan ogeyn,Maadaama maamulada ay wada dhisteen Golaha. Waare ayaa Dhawaan ku dhawaaqay inuu la heshiiyey Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyadoo Maamul Goboleedyadana ay soo saareen warbixin ay kaga hadlayaan arrintaan oo ay ku sheegeyn inaysan khuseyn Maamulada kale. Wasiir ayaa hadda xiriir fiican la leh Dowladda Dhexe, waxaana muuqato inuu weli jiri jahwareerka siyaasadeed ee u dhaxeeyo Madaxda Sare ee dalka iyo Maamul Goboleedyada oo aan siyaasad ahaan is keeni karin. Kulanka Garoowe ay ku yeelan lahaayen Maamul Goboleedyada ayaa baaqday Maanta kadib cadaadis xooggan oo uga imaaday Beesha Caalamka. Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Waare https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Waare.mp3Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  6. What’s being billed as the world’s largest sleep study suggests that getting too much sleep might be just as bad as not getting enough of it. Source: Hiiraan Online
  7. Cadaado (Caasimadda Online) – Cali Gacal Casir oo xildhibaano horey ugu shiray magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen inay xilka ka qaadeen ayaa wuxuu sheegay in dhawaan magaalada Cadaado ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Galmudug. Wuxuu sheegay Cali Gacal in sidoo kale ay bedelayaan guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo lagu tiriyo inuu la safan yahay Galmudug garabka Xaaf. Sidoo kale Cali Gacal Casir ayaa wuxuu sheegay in dhawaan ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan qaabka ay u dhaceyso doorashada, islamarkaana diyaarinta doorashada ay hada ku mashquulsan yihiin guddiga doorashada. Go’aankaan ayaa imaanayo xilli ay Xildhibaanada Galmudug Garabka Magaaladaas ku sugan ay Doorteen Gudoomiyaha Baarlamaanka. Fadhiga Baarlamaanka oo uu ku dhawaaqay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in xaadireen 137-Mudane. Saddex Musharax oo ku heeb ah Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Balse Xildhibaanadaan ay sheegeen in ay Xilka ka qaadeen ayaa isku soo taagaay. Wareeggga Koowaad ee Doorashada oo ay ku tartameen 1: Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle axmad, Xildhibaan Aadan Xaaji iyo Xildhibaan Salaad Caynte waxa ay kala heleen. 1:Xildhibaan Ismaaciil 93 Cod 2: Xildhibaan Aadan Xaaji 37 cod 3: Xildhibaan Salaad Caynte 5 Cod Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed ayaa ku guuleystay Doorashada, maadaama uu tanaasulay Xildhibaan Aadan Xaaji oo heystay Wareegga 1-aad 37-Cod. Isla Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa lagu dhaariyay Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed oo Xildhibaanada Galmudug garabka Dhuusamareeb u doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka. Arrintaan ayaan la ogeyn Wajiga cusub ay u sameyn karto Khilaafka Ka dhex taagan madaxda Galmudug oo Xil ka qaadis isku sameeyay, iyaga oo kala degay Dhuusamareeb iyo Cadaado. Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Casir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/cod-1-Galmudug-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir. Kulanka oo ka dhacay qasriga ra’iisul wasaaruhu ka deganyahay magaalada Riyaad ayaa horudhac u ahaa kulan uu ra’iisul wasaaraha XFS uu yeelanayo madaxda sare ee boqortooyada Saudi Arabia. Kulanka ay wada qaaateen ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaaa goob joog ka ahaa Wasiirrada arrimaha dibada Axmed Ciisa Cawad iyo Wasiirka Warfaafinta xukuummadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle. PUNTLAND POST The post Ra’iiusul wasaare Khayrre oo la kulmay wasiirka Arrima Dibadda Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
  9. Security footage removed and Turkish staff told to go home on day missing journalist visits Source: Hiiraan Online
  10. Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegayo inuu baaqday shirkii madax goboleedyada dalka ee lagu waday inuu Maanta ka furmo halkaas kadib go’aan iyo cadaadis xooggan oo ka yimid beesha caalamka. Kulankaas oo Maanta la filayey ayaa baaqday iyadoo ay Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ay ku maqan yihiin Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya. Shirka ayaa dib loo dhigay illaa 15-ka bishan , sida xubno ku dhow madax goboleedyada ay u xaqiijiyeen Caasimada Online inkastoo laga cabsi qabo inuusan xataa waqtigaas dhicin cadaadis jiro awgeed. Wakiilada beesha caalamka oo madax goboleedyada kula kulmay Nairobi, ayaa u sheegay in shirka ay dib u dhigaan, ayada oo beesha caalamka ay rajeeneyso inay xal gaaraan ayaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ka hor shirka. Wararka ayaa sheegaya in beesha caalamka ay rumeysan tahay in qodobo kale oo shir ka dhaca Garoowe kasoo baxa ay kasii dari karaan khilaafka, oo sii fogeyn karaan dowladda dhexe. Beesha caalamka ayaa lagu warramayaa inay iminka wada-hadallo la leedahay dowladda dhexe, oo ay dhankooda dhageysanayaan, waxaana jira dadaal la doonayo in ra’iisul wasaare Kheyre ku tago magaalada Nairobi, si uu ula kulmo. Si kastaba, kheyre ayaa la sheegay inuu ku adkeysanayo inaanu tegi doonin Nairobi, ayada oo uu horey u sheegay inaanu aqbali doonin in daraf saddexaad uu dhex-dhexaadiyo dowladda dhexe iyo madax goboleedyada. Dhanka kale Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Idaacaddaha Muqdisho ayaa sheegay inuusan sharci aheyn kulanka la filayo inay Maamulada ku yeeshaan Garoowe. Wuxuu sheegay in wax kasta oo kasoo baxo kulankaas iyo midka ay Maamulada ku yeesheen Nairobi aysan khuseyn Maamulkiisa Hirshabelle. Wuxuu xusay inuusan la qabin Maamulada kale waxyaabaha iyo cabashada ay u gudbiyeen Beesha Caalamka, isagana uu Mas’uul ka yahay Maamulka Hirshabelle. Wuxuu ku eedeeyey Madaxda Maamul Goboleedyada kale inay ka baxeyn ballantii lagu galay Kismaayo isla markaasna ay ka shaqeenayaan wax aan dan ugu jirin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  11. CANBERRA, Australia (AP) — Startping a new life in Australia might not come with views of the Sydney Opera House or surfing at the city's Bondi Beach with the government considering a ban on some immigrants from settling in big cities Source: Hiiraan Online
  12. Japanese prime minister Shinzo Abe has told Myanmar’s leader that a credible investigation into alleged human rights violations against Rohingya Muslims is key to resolving the crisis. Source: Hiiraan Online
  13. TORONTO (Reuters) - Suspended more than a 1,000 feet (300 meters) above downtown Toronto, six new Canadians took the oath of citizenship on Tuesday from the edge of one of the world’s tallest structures. Source: Hiiraan Online
  14. Ethiopian president Mulatu Teshome has announced that the country will in due course roll out a visa-on-arrival regime for all Africans entering the country. Source: Hiiraan Online
  15. Mudane ka tirsan baarlamaanka Somaliland sheegay in uu buray wada hadalkii nabadda ee Tukarraq. Xildhibaan Axmed Maxamed ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay eedeymo kaga yimid dhanka Puntland oo la xiriirta in dagaalka ay ciidankoodu ku horreeyeen. Wuxuu sheegay in dagaalka uu yimid markii weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen ciidamada Puntland ee ku sugan aagga hore ee jiidaha dagaalka. Xildhibaanka ayaa sheegay in ay meesha ka baxeen dedaalladii nabadda oo beesha caalamka ay ka dhex waddey Labada dhinac. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/XILDHIBAAN-SOMALILAND-09-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dr. Anwar bin Mohammed Gargash oo ah Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta oo ka hadlay kulan looga hadlayay la dagaalanka waxa looga yeero Argagixisada ayaa sheegay in Door wanaagsan ay ka qaateen. Iyaga oo Kaashanaya Boqortooyada Sacuudiga iyo Masar ayuu Dr.Gargaash sheegay in Dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Pakistan ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen Howlgalkaas. Waxa uu tilmaamay in aan Saameyn reebin Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ay la dagaalaan Isbaheysigooda. “Kulanka hogaamiyaasha Maanta waa Hogaamiyaasha Berri” ayuu tiri Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka. “Dhalinyarada waa Mustaqbalka Madaxda Dalalkooda, Mas’uuliyadeena waa in aan sii wadnaa Kaalmada iyo Garab istaagga Gudaha iyo Dibadda” ayuu sii raaciyay. Waa uu sii hadlay waxa uu yiri “Waxaan awoodda Saarnaa in Hogaanka Dalalka dhibaatooyinka ka jira ay gaaraan awood ay kula dagaalamaan Argagixisada”. Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka Dr.Anwar Bin Mohamed Gargash ayaa talo uu u jeediyay ku sheegay in habka kaliya looga guuleysan karo Argagixisada dibadda ay tahay in marka hore la cadaadiyo oo la baabi’iyo tan Gudaha. Imaaraatka Carabka ayaa Soomaaliya u tababaray Ciidamo dhowr Dufco ah, waxaana dalka ay ka baxeen Macalimiintii ka socotay iyaga oo qaarkood u wada tababar, kadib Xiriirka Labada Dal oo gaaray Meesha ugu hooseysa, ugu dambeyn waxa ay ka baxeen Dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. In the most detailed Turkish account about the reported murder of Saudi journalist Jamal Khashoggi, a pro-government newspaper released late on Tuesday the alleged names and photos of 15 Saudi nationals it said travelled to Istanbul the day Khashoggi disappeared. Source: Hiiraan Online
  18. Go’aan kama dambeys ah ayaa laga gaaray colaad muddo u dhaxeysay beello walaalo ah, kuwaasi oo ku dagaallamay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool. Sheekh Axmed Ismaaciil Mire oo akhriyey go’aanka lasoo saaray ayaa sheegay in looga baahan yahay Labada dhinac iney adkeeyaan go’aankan, islamarkaana dhan walbo looga baahan yahay fulintiisa. Labada dhinac ayaa la saaray bixinta diyada dadkii ay iska dileen, dib usoo celinta hantidii iyo hubkiii la kala qabsaday iyo arrimo kale. Dhanka kale, Maxamed Kaahin oo ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa halkaasi ka sheegay in tallaab adag laga qaadi doono cid walbo oo burisa go’aannada la gaaray, isaga oo dhanka kalena sheegay in aan hub lala soo geli karin deegaannada ay beelahan wada deggan yihiin. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/FAARAX-DUBBAD.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Major General Trust Magoba – who now serves as a special advisor to the African Union office for Peace and Security – has raised concern at foreign interference on the continent. Source: Hiiraan Online
  20. Mas’uuliyiinta xagga ammaanka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxay Faah faahinno dheeraad ah ay ka baxiyeen Duqeymo diyaarado dagaal ay ka geysteen deegaanka Ceelcadde oo ka tirsan Gobolka Gedo, islamarkaana ka mid ah deegaannada ay maamulaan Al-shabaab. Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Wasiiru Dowlaha Amniga Jubbaland ayaa sheegay duqeynta diyaaradaha in ay khasaaro ka soo gaartey xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al Shabaab. Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaaasi ka dhacdey deegaanka Ceelcadde oo markii Labaad muddo Todobaad ah lala eegtay, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya duqeyntan u dambeysay in ay ku bur-bureen dhismayaal ku yaaley Ceelcadde. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Jubbaland-oo-Faah-Faahin-ka-baxisey-Duqeymo-Diyaaradeed-oo-ka-dhacay-Deegaanka-Ceelcade-ee-Gobolka-Gedo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Leaders in Mandera want the national government to secure the county against al Shabaab attacks ahead of national exams. Source: Hiiraan Online
  22. The heinous atrocity committed against Ahmed Muqtar Salah (aka Dowlo), a Somali Bantu who was reportedly stabbed to death and his body burned while still alive by the family of his nephew’s in-laws was a bloody reminder of how far Somalis have to go on accepting each other Source: Hiiraan Online
  23. The owner of a popular Twin Cities haunt is apologizing for sending an internal note targeting Somali customers at Scream Town. Source: Hiiraan Online
  24. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Kaaliyihiisa gaarka ah. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa ka wada hadlay wada shaqeynta QM iyo Golaha Shacabka gaar ahaan sidii baarlamaanka looga taageeri lahaa dhinaca sharci dejinta. Waxyaabaha ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah sidii wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen baarlamaanka dhexe iyo Golayaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada iyo sidii sanadka 2020-ka ay doorasho qof iyo cod ah uga dhici laheyd Soomaaliya. Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa guddoomiyaha uga mahad celiyay xoojintiisa la xiriirta wada shaqeynta golaha shacabka iyo Qaramada Midoobay isagoo balan qaaday wad shaqeynta labada dhinac la xoojin doono. Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Nicholas Haysom Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya xilka cusub ee loo magacaabay isagoo ka rajeeyay in halkiisa kasii wado wada shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa golaha shacabka e Baarlamaanka iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Muqdisho (Caasimada Onlien) – Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya waxa ay leedahay laba waaxood oo dadka shacabka ah uga soo qaada canshuuraha, sida lagu sheegay daraasad cusub. Waax waxaa la yiraahdaa Zakawaat, midka kalena Waaxda Maaliyadda. Waaxda Zakawaat waxa ay soo ururisaa waxyaabaha aan lacagta ahayn ee Shabaab ay dadka ka qaaddo, sida xoolaha iyo dalagyada beeraha kasoo go’a, halka Xafiiska Maaliyadda uu ururiyo lacagta canshuurta ah. Xafiiska maaliyadda waxa uu uruuriyaa lacagta canshuuraha oo ay ku jiraan Zakawaat-ka oo lagu qaado cadad dhan 2.5% oo ku jaan go’an qiimaha ganacsiga oo ay qiimeyso Al-Shabaab ka hor macaashka. Tani waxa ay baal marsan tahay sharciga Islaam-ka oo ogolaanaya in Zakada lagu bixiyo boqolleey dhammaadka sanad dhaqaaleed walba, waxaa laga jarayaa raasamaalka oo dhan. Tani waxa ay horseedday in xubnaha Al-Shabaab dalbadaan in mushaarkooda laga bixiyo Zakada halkii ay ku qaadan lahaayeen canshuuraha uu soo uruuriyo xafiiska maaliyadda. Al-Shabaab waxa ay haystaan liiska milkiileyaasha ganacsiga iyaga oo qiimeeya qiimohooda. Dhammaadka sanadka, dhammaan ganacsiga waxaa laga doonayaa in ay bixiyaan Zakada sanad laha ah iyaga oo kaash ahaan ugu geeynaya xafiiska maaliyadda. Dhaqankan waxa uu ka hirgalaa xataa deegaanada aysan Shabaab-ku joogin: Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, milkiileyaasha ganacsiga waxaa ku hareereysan mas’uuliyiinta maaliyadda ee Al-Shabaab, deegaanada ay Shabaab maamulaan Zakada kaash ayey ku dhiibaan. Sidaas oo kale, ganacsade jooga Buur Saalax oo Galbeed-ka Mudug ah ee Puntland, taas oo aad uga fog meelaha ay ku xoogga badan yihiin Al Shabaab waxa uu sheegay in Al-Shabaab ka qaaddo Zakada. Sheekadan waxa ay sidoo kale ka jirtaa Boosaaso, halkaas oo ay mukhaabaraadka Al-Shabaab joogaan, si joogta ahna u bartilmaameedsadaan ganacsatada diida bixinta canshuurta. Lacagaha waxaa lagu qaadaa is baarooyin oo ay joogaan Al-Shabaab, hanti-dhawre ayaa u yeera si uu u weydiiyo lambar sireedyo iyo warqadaha lagu xaqiijiyo in la cagta la bixiyey. 10 Maalmood kaddib, xisaabiye ayaa ka qaada lacagta is baarooyinka. Magaalo walba waxa ay leedahay is baarooyin ku hareereysan oo uu booqdo xisaabiyaha kaas oo lacagta u geeya hanti dhawrka oo fadhiya xafiiska guud ee magaalada. Hanti dhawrka waxa uu xaqiijiyaa in lacagta la soo qaaday iyo warqadda lagu bixiyey in ay isku qiime ku qoran yihiin; waxa uu siiyaa warqad tiimbareysan xisaabiyaha oo u sii qaada Bangiga. Bangigana, xisaabiyaha waxaa laga soo siisaa warqad caddeyn ah oo uu ku soo celiyo hanti dhawr-ka. Kaddib labaddii biloodba, lacag qaadeyaasha waa la bedelaa si ay fasax u soo qaataan, kaddib dib ayaa loo celiyaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com