-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shil gaari oo ka dhacay Gobolka Amxaarada ee waqooyiga Ethiopia ayaa waxa uu horseeday in ciidanka ay gacanta ku dhigaan Hub farabadan oo sharci darro ah. Warbaahinta maxaliga Ethiopia ayaa sheegtay in gaari booyadle shidaal waday Hub oo kasoo ambabaxay dalka Sudan kuna soo jeeday waqooyiga Ethiopia uu qalibmay xili uu la dhuumanaayay Hubka. War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska isgaarsiinta dowlad Goboleedka amxarida ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen 97 qoryaha AK47 iyo 1,291 oo bistoolado ah, kuwaasi oo lagu soo qariyay haanta shidaalka. Waxaa kaloo lagu sheegay war-saxaafadeedka in Hubkaasi la doonaayay in lagu qalqal galiyo amniga Ethiopia oo iminka aad u wanaagsan. Tahriibinta Hubka waxay si guud caadi uga tahay Waqooyi galbeed Ethiopia si ay isugu difaacan iyo inay u adeegsadan dagaalada deegaanka. Si kastaba ha ahaatee, tahriibinta hubka Ethiopia waxaa kaloo isticmaala danbiilayaasha si ay ugu geystaan dhac iyo inay u adeegsadan dagaalka looga soo horjeedo dowlada. Xigasho: Xinhua
-
MOGADISHU, Oct. 29 (Xinhua) -- Somalia's cabinet on Monday approved a budget of 340 million U.S. dollars for the 2018/2019 financial year which is 65 million dollars more than the previous fiscal year Source: Hiiraan Online
-
KISMAYO (Caasimada Online) – With his first planned trip to a regional centre coinciding with tensions between the federal and state governments, the new United Nations envoy to Somalia encouraged Somalis to work together to find their own solutions to their problems. The Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Nicholas Haysom, visited Kismayo, the capital of Jubaland, a Federal Member State in the country’s south, with his counterpart from the African Union (AU), the Special Representative of the Chairperson of the AU Commission, Francisco Madeira. “I’m aware that Somalia is not Mogadishu, Mogadishu is not Somalia – it’s necessary for me to visit the regions to see my own staff, but also to see how people live across the breadth and length of Somalia,” Mr. Haysom said. “I’m also coming here at a difficult moment in the relationship between the Federal States and Federal Government, and I’m here with my colleague from the African Union, Ambassador Francisco Madeira, to really encourage all of the different parts and levels of Somali political life to work together,” he added in a joint press encounter with Mr. Madeira and Jubaland’s President Ahmed Mohamed Islam Madobe. Working together “We are convinced that Somalia needs all of its people to work together and to find a solution as to how to work together,” Mr. Haysom said. “We say in my part of the world – I come from southern Africa – that the doctor cannot take medicine on behalf of the patient. What we can do is to encourage the patient to take their medicine and find a solution which the Somalis themselves must find.” Earlier, the UN and AU officials had met with President Madobe, and heard first-hand his views on the recent tensions. “We had a long discussion about wide ranging issues in Somalia, for example, the conflict between the FGS [Federal Government of Somalia] and Federal State Members. We shared with him our view on how the conflict can be resolved. We also stated that Somalia needs true and durable solutions to the problems facing it,” President Madobe said in the joint press encounter. He also welcomed the new UN Special Representative, noting his previous service in countries such as Afghanistan, Iraq and Sudan. “It was a good day for the people of Jubaland that the new UN envoy to Somalia visited us today,” President Madobe added. “He has vast knowledge about conflict and countries that have experienced war like Somalia.” In his comments to the media, Ambassador Madeira flagged the importance of hearing directly from those involved in the recent tensions. “I want to thank President Madobe because he has been very open with us; he spoke with us and he told us his feelings,” the AU official said. “This will help us to see how we can be of better use to Somalia, to its people and the Federal Member States.” PRESS RELEASE
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan xildhibaanada BFS ayaa si caro leh uga hadlay habdhaqan xun oo uu dheegay inay leeyihiin qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada qaar ay garan la’yihiin shaqooyinka loo igmay, waxa uuna carab ***** inay faragalin ku hayan howlaha Dowlada Dhexe ee ku aadan maamul Goboleedyada. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar, waxa uu sheegay in arrin nasiib darro ah ay tahay in Xildhibaano gabay howshooda ay Dowlada Dhexe uga hormaran shaqooyinkeeda dhanka maamulada. Xildhibaanka oo dhaliilsan faragalin uu sheegay in Xildhibaanada qaar ay ku hayaan howlaha Dowlada ayaa ku baaqay in xasaanada mudanayaasha gabay howshooda. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa soo jeediyay in Xildhibaanada dhaliilaya Dowlada Dhexe laga qaado Xasaanada maadaama ay gafeen isla markaana dhaliilo aan xaqiiq aheyn u jeediyeen dowlada. Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in xildhibaanada aqalka sare iyo golaha sahacabka ee kasoo jeedo maamulka Koonfur Galbeed ee shalay ku shiray magaalada Muqdisho ay la yimaadaan cadeymo muuqdo oo muujinaya in dhowladda dhexe ay faragelin ku heyso doorashada Maamulkaasi. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar, oo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsaday in xildhibaanada dowladda dhexe ku eedeeyay in hub ay u dirtay Koonfur Galbeed dad lagu dilay in maxkamada lala tiigsado ayna la yimaadaan cadaymaha ay haayaan. “Haddalka ay Xildhibaanadu ku dhaliileen dowlada Dhexe maaha mid sahlan waayo waxa ay sheegen in Hub ay dowlada u dirtay Koonfur Galbeed lagu leynaayo shacabka, waa in Xildhibaanada noocas ah maxkamad lala tiigsadaa” “Dowladu xaq bey u leedahay inay maxkamad la tiigsato Xildhibaanada jeediyay dhaliisha aan cadeymaha loo heyn waa in laga qaadaa Xasaanada” Haddalka Idiris Cabdi Dhakhtar, ayaa kusoo beegmaya xili Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ay dowlada Dhexe ku eedeeyen inay faragalin ku heyso doorashada Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLU News Agency ayaa sheegay inuu Xeer-ilaaliyaha Guud ee Sacuudiga, Sacuud Al-macjab uu waaberigii hore ee maanta (Isniinta) ka degay Garoonka Diyaaradaha Atatürk ee magaallada Istanbul, isagoo la socday Diyaarad Khaas ah. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Turkiga, Carfaan Faydaan iyo dhigiisa Sacuudiga waxay Kulan xasaasi ah ku leeyihiin Xarunta Dhexe ee Xeer-ilaalinta Turkiga ee magaallada Istanbul. Labada Mas’uul waxay ka wada arrinsanayaan heerka uu marayo Baaritaanka dilkii Jamaal Khashoggi. Waxay kaloo booqasho ku tegi doonaan dhismaha Qunsulliyada Sacuudiga ee ku taalla Istanbul, dalkaasi oo bishan October 2-dii lagu dilay Saxafigaas. Booqashada Xeer-ilaaliyaha Guud ee Sacuudiga ayaa ku soo beegmaysaa iyadoo uu Madaxweyne Erdogan ka codsaday Madaxda Sacuudiga inay Dowladda Turkiga ku soo wareejiyaan 18-kii xubnood ee ka tirsanaa Sirdoonka Sacuudiga ee sida xun u dilay AUN Jamaal Khashoggi. Xigasho: Anadolu news Agency W/turjumay Usataad Nuradin
-
JOHANNESBURG, Oct 29 (Reuters) - UK-based off-grid power company BBOXX is looking to enter two new African markets in partnership with France’s EDF Group next year as it capitalises on growing interest in the sector from large energy companies, its chief executive said on Monday. Source: Hiiraan Online
-
The maiden Kenya Airways direct flight from Nairobi to New York ended shortly after 2pm on Monday, with a touchdown at John F. Kennedy International Airport (JFK Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo maanta hortagay xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dowladda dalbatay in deeqaha laga joojiyo maamulka Somaliland iyo qodobo kale. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan dalbanin in deeqaha caalamka siiyo Somaliland laga joojiyo, balse ay albaab walba u garaacdo in deeqaha loo kordhiyo. Waxa uu sheegay in warqadda uu qoray wasiirka qorsheynta Soomaliya Jamaal Maxamed Xasan si qaldan loo fasiray, oo aysan ahayn mid deeqaha looga jarayo Somaliland, hase yeeshee dowladda federaalka ay u doodo Somaliland. “Somaliland waxaa ku nool dad Soomaaliyeed, oo naga mudan taageero iyo gacan qabasho, mana cunaqabteyneyno” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Somalia. Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in ay jiraan dalal fara-badan oo dowladda federaalka ka soo codsaday inay qunsuliyado ka furtaan Somaliland ayna ka ogolaadeen. Dalalkaas ayaa waxaa ka mid ah dalka Kenya, sida uu sheegay wasiirka, oo intas ku daray in dal walba oo ka codsada inuu qunsuliyad ka furto Somaliland ay ka aqbalaan, oo aysan wax dhib ah u arag. Hoos ka dhageyso codka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Cod-1-Caddow-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.co
-
Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wakiilka Midowga Afrika Ambassador Fransisco Madeira iyo xubno kale. Wafdigan ayaa shir la qaatay Madaxweynaha iyo qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada iyadoo kulankaas diirada lagu saaray arimo kala duwan oo ay kamid yihiin xal u helista khilaafka u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah kaas oo mudo soo jiitamayay iyo tageerada ay Bulshada caalamku siiso Soomaaliya. Gaba gabada kulanka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahad celiyay booqashada ay masuuliyiintan Jubbaland ku yimaadeen iyo dadaalka ay ugu jiraan in xal loo helo xaaladaha taagan si gaar ah Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhexdhexaadinta labada dhinac ayna qasab ahayn in Beesha Caalamku ay noqoto cida dhexdhexaadinta samaynaysa oo ay noqon karaan Aqalka sare oo hada dadaalka qayb ka ah. Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in dhamaan Warqadaha ay soo saarto Dowlada dhexe ee isugu jira marti qaadyo ama arimo kale oo lagu sheegay xisaab celin aan lasoo marsiin habka rasmiga ah ee xiriirka Dowliga ah oo ay ku arkaan oo kaliyah baraha Bulshada. Dhanka kale, Madaxweyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Madoobe] wuxuu sheegay inuu rajaynayo in wada hadal iyo isku tanaasul wax walba lagu dhameeyo oo la is afgarto. Ugu dambeyn, Nicholas Haysom iyo Fransisco Madeira ayaa dhankooda si wadajir ah u bogaadiyay hormarka iyo dadaalka kasocda jubbaland gaar ahaan nabadgalyada iyo sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo Kooxda Al-Shabaab waxaa kale oo ay sheegeen in ay mari doonan dhamaan dowlad goboleedyda iyaga oo dhaysan doona sida xal rasmi ah loogu heli karo khilaafka jira. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo kula kulmay Wakiiladda Q/M iyo Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso[Puntland Post]Bangiga Amal ayaa xaflad lacag wareerin ah u sameeyey in kabadan 20 dumarkaganacsigayaryar kuhaysta Bosaso, xafladan lacagta lagu wareejinaayay ayaa lagu qabtaya hoolka Amal Palaza ee Xarunta Amal Bank, Bosaso. Bangiga Amal oo ujeedooyinkiisa ayka mid tahay horumarinta bulshada; siweyna uga dhex muuqda adeegyada bulshada iyo hormarka guud ayaa kaqeyb qaadanayey horumarinta ganacsiga yaryar oo ugu horeeyo ganacsiga dumarku.Maalgelintaan fufud ayaa ganacsatada lagu siinayaa amaah oo anay faa,ido la socon.[Qardu Xasan]. Barnaamijkan ayaa waxa iska kaashanaya Bangiga Amal iyo Bangiga dhexe ee Dawlada. Ugu horan Maamulaha Bangiga Amal ee gobalka Bari,iyo Sanaag Bari Dr,Maxamed Faahiye Ciise ayaa ka hadlay goobta ayaa ku dheeradaya sida ahmiyada xafladan waxan uu xusay in Amal ay markasta u heelan tahay hormarka ganacsiga iyo hormarinta bulshada Madaxa hormarinta bulshada ee gobalada Bari,iyo Sanaag Bari ee Bangiga Amal Jaamaca Ciise Maxamed ayaa sida oo kale sheegaya in barnaamijakan aya la socoto tababaro joogto ah iyo la talin si ay ganacsatadu ay hab fiican ugu maamushan ganacsigooda. Maxamed Cabdi Waabari gudoomiye ku-Xigeenka rugta ganacsiga Puntland ayaa dhankiisa waxa uu la dardaarmay haweenkii la siiyay maalgalinta waxana uu sheegaya in loo bahan yahay in sida ay tahaya ay uga faa,idaystan. Haweenka loo sameeyey maalgelinta ayaa soodhaweeyey, waxaayna sheegeeen in barnaamijka uuyahay mid haweenka kudhiiri gelinaya in ganacsigooda ay sii hormariyaan. Bahda Amal Group oo uu katirsanyahay Amal Bank ayaa intabadan taageera hormarada ganacsiga ,arimaha waxabarsahada ,iyo Caafimaadka waxaan bogaadiyay bulshada. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Bangiga Amal oo Lacag ku wareejiyey 20 dumar ah oo Ganacsatada Yar-Yar ah appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa Warbaahinta Caasimadda u xaqiijiyey in fal anshax darro ah lagula kacay hobolada Kooxda Waabari Puntland, kaddib markii uu xilka ka qaaday Madaxweyne Cabdiweli Gaas Guddoomiyihii kooxdaas Abwaan Cabdiqaadir Cabdi Shube. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in subuxnimadii saaka la dul dhigay Kooxda Waaberi amar deg deg ah oo dhigaya in Muddo 24-saac ah ay ku baneeyaan guryaha hooyga iyo xafiisyada u ah ee ay ka degan yihiin Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo ku taala dhismihii hore ee Madaxtooyada Puntland. Hobolada Waaberi ayaa lagu amray in ay qalabkooda ka urursadaan xarunta ay degen yihiin, haddii kalena bannaanka lagu soo daadin doono markii ay dhammaato mudada 24-saac ah ee loo qabtay. Amarkaan ayaa la sheegay in uu ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, iyadoona Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo Kuxigeen-kiisuba ay u sheegeen Guddoomiyaha Kooxda Waaberi sida ay uga xun yihiin dhacdadaan, maadaama ay kaalin weyn kasoo qaateen Puntland mudan yihiinna maamuus iyo waji ka duwan kan haatan lagula kacay. Madaxtooyada Puntland ayaa wadda abaabul ka dhan ah masuul kasta oo ka aragti duwanaada mowqifkeeda ka dhan ah Dowladda Dhexe, iyadoo go’aamadaas inta badan ay ka soo horjeesteen masuuliyiinta xilka laga qaaday oo intooda badan ay muddo kasoo shaqeynayeen Puntland.. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
NAIROBI, Oct 29 (Reuters) - Kenya's central bank sold dollars on Monday after the shilling weakened due to demand from the energy and manufacturing sector amid negative market Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Loolanka Murashaxiinta Madaxtinimada Koonfur-Galbeed ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyey, waxaana dadka reer Baydhabo ay si weyn u hadal hayaan sida xaal noqon karo maalmaha yare e haray. Hadal heynta ugu badan ayaa sidoo kale ah in qaar ka mid ah musharaxiinta, gaar ahaan kuwa taageerada ka haysta dowladda federaalka ay haystaan dhaqaale xooggan oo ay ku qal-qal gelin karaan Shariif Xasan. Inkasta oo weli aysan caddeyn cid badin karta, ayaa haddana olalaha Shariif Xasan, wuxuu dareemayaa culeeska dowladda federaalka iyo dhaqaalaha musharaxiinta ay wadato oo codad badan ka leexin kara. Dhinaca kale, Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed ayaa ka digay faragalin ay sheegeen in dowladda federaalka ah ee soomaaliya ay ku hayso doorashooyinaka lagu wado in bisha dambe ay ka dhacaan Baydabo. Odayaasha oo maanta kulan ku yeesha Baydhabo, ayaa sidoo kale ku baaqay in la sugo aminiga, kana digay banaanbaxyada keeni kara xasilooni darrida. Dadka ka faalooda siyaasadda ayaa sheegaya in xubnihii ka tirsanaa baarlmaanka dowladda federaalka ah ee Muqdisho ku qabtay shirka jaraaid ee ay ku taageerayeen Madaxweyne Shariif Xasan, iyo hadala odayaasha ay tahay mid muujinaysa culeyska isa soo taraya ee uu wajahayo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Far-right congressman Jair Bolsonaro has won Brazil's presidential election, raising fears of a rollback of civil rights and free speech. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Golaha wasiirrada Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019 oo dhan US$ 340,060149 (Sedax Boqol iyo Afartan Milyan, Lixdan Kun Boqol iyo Afartan iyo Sagaal Doolar). Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre si aqlabiyad leh loogu meel mariyay miisaaniyadda sanadka 2019 oo ka badan Miisaaniyaddii sannadka dhammaadka ah ee 2018 oo ahayd 274.6 Milyan. Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in ilaha laga helayo dhaqaalaha miisaaniyada loo qorsheeyay 2019 ay ugu wayntahay dakhliga gudaha laga soo aruuriyo, waxa uuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo dawladda kala shaqeeyay canshuur aruurinta si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale. “Waxa aan ku faraxsanahay in golaha wasiirradu ay ansixiyaan miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019. Miisaaniyaddennu waxa ay gaartay $340 Milyan. Horumarkani waa natiijadii ka dhalatay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Xukuumadda ayaa miisaaniyadda ay maanta ansixisay u gudbinaysaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya si uu u meel mariyo. FAAHFAAHIN DHEERAAD AH: Meelaha laga filayo Dakhliga Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) waxa ay ka filaysaa gudaha dalka, 44.2% (124.6 Milyan) waxa ka filaysaa deeqaha dawladda lagu caawiyo. Dakhliga Gudaha; Dakhliga gudaha laga filayo ayaa isugu jiraa canshuur lasoo aruuriyay iyo qayb aan canshuur ahayn. Canshuuraha waxaa laga filayaa 135.2 Milyan iyada oo dakhliga aan canshuuriga ahayn la filayo uu yahay 54.7 Milyan oo dollar. Deeqaha Dowladda la siiyo; Deeqaha dawladda la siiyo wax ay isugu jiraan deego laba dhinac ah iyo deeqo dhinacya badan, waxaana 30 Milyan oo kamid ah la filaayaa in ay ka timaaddo deeqda laba dhinac la ah, 120.2 Milyan ee kalana waxa ay ka imaanaysaa deeqaha dhinacyada badan. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirrada Somalia Maanta oo Meel-mariyay Miisaaniyadda Dawladda ee 2019-ka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019 oo dhan US$ 340,060149 (Sedax Boqol iyo Afartan Milyan, Lixdan Kun Boqol iyo Afartan iyo Sagaal Doolar). Wasiirka maaliyadda, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre si aqlabiyad leh loogu meel mariyay miisaaniyadda oo ka badan Miisaaniyaddii sannadkii hore oo ahayd 274.6 Milyan. Wasiirka ayaa sheegay in ilaha laga helayo dhaqaalaha miisaaniyadda loo qorsheeyay 2019 ay ugu wayntahay dakhliga gudaha laga soo aruuriyo, waxa uuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo dawladda kala shaqeeyay canshuur aruurinta si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale. “Waxa aan ku faraxsanahay in golaha wasiirradu ay ansixiyaan miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019. Miisaaniyaddennu waxa ay gaartay $340 Milyan. Horumarkani waa natiijadii ka dhalatay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa miisaaniyadda ay ansixisay waxa ay u gudbinaysaa golaha sharci dejinta dalka si ay u meel mariyaan. Meelaha laga filayo Dakhliga Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) waxa ay ka filaysaa gudaha dalka, 44.2% (124.6 Milyan) waxa ka filaysaa deeqaha dawladda lagu caawiyo. Dakhliga Gudaha Dakhliga gudaha laga filayo ayaa isugu jiraa canshuur lasoo aruuriyay iyo qayb aan canshuur ahayn. Canshuuraha waxaa laga filayaa 135.2 Milyan iyada oo dakhliga aan canshuuriga ahayn la filayo uu yahay 54.7 Milyan oo dollar. Deeqaha dawladda la siiyo Deeqaha dawladda la siiyo wax ay isugu jiraan deego laba dhinac ah iyo deeqo dhinacya badan, waxaana 30 Milyan oo kamid ah la filaayaa in ay ka timaaddo deeqda laba dhinac la ah, 120.2 Milyan ee kalana waxa ay ka imaanaysaa deeqaha dhinacyada badan. Miisaaniyadda cusub ayaa ah tii ugu badneyd ee ay ansixiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana xusid mudan in dhaqaalaha usoo xaroodda xukuumadda uu marba marka ka dambeysa sii kordhayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Golaha wasiirrada ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019 oo dhan US$ 340,060149 (Sedax Boqol iyo Afartan Milyan, Lixdan Kun Boqol iyo Afartan iyo Sagaal Doolar). Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre si aqlabiyad leh loogu meel mariyay miisaaniyadda oo ka badan Miisaaniyaddii sannadkii hore oo ahayd 274.6 Milyan. Wasiirka ayaa sheegay in ilaha laga helayo dhaqaalaha miisaaniyadda loo qorsheeyay 2019 ay ugu wayntahay dakhliga gudaha laga soo aruuriyo, waxa uuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo dawladda kala shaqeeyay canshuur aruurinta si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale. Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa miisaaniyadda ay ansixisay waxa ay u gudbinaysaa golaha sharci dejinta dalka si ay u meel mariyaan. Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) ka filaysa gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa deeqaha dawladda la siiyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhowaan madaxda maamulad ayaa dhistay xisbi cusub oo siyaasi ah oo la yiraahdo (National Progressive Party) kaas oo ay madaxda maamuladu sheegeen inuu ka shaqeyn doono arrimaha siyaasada loo dhan yahay ee 2020. Xisbigaan oo banaanka soo dhigay damaca qarsoon ee mdaxda maamulada qaarkood, ayaa dhanka kale waxaa gadaal ka taagan ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake. Madaxweynaha Puntland, Dr Cabdiwali Gaas iyo ex-ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa laga cabsi qabay iney isku jabaan doorashada Puntland ee 2019, balse Gaas ayaa Cumar ku qanciyay inuu dhisaayo xisbi siyaasi ah oo ay xubno ka yihiin madaxda maamul goboleedyada kadibna uu isagu xisbigaas hogaamiyo kana taasulo doorashada Puntland ee 2019. Sida ay xubno xogogaal ah xaqiijiyeen ,Cumar Cabdirashiid ayaa aqbalay qorshaha Gaas isagoo kalsooni badan ku qaba inuu Gaas ka cilmi iyo curin badan yahay madaxda kale ee maamulada. Hada Cumar isma sharaxi doono sida aan xogta ku helnay wuxuuna diyaar u yahay inuu dhiso Cabdiwali Gaas kadibna Cumar la dhiso doorashada Soomaaliya ee 2020. Heshiiska labada wiil ee Maxamuud Saleebaan ayaa ilaa hada ku socda sidii ay u qorsheeyeen taas oo ka dhigan in xubnaha kale ee Dowlad-goboleedyadu aaney waxba ka aheyn dhismaha xisbiga cusub ee NPP iyo hiigsigiisa mustaqbalka dhow. Axmed Madoobe waxaa lagu abuuray dagaal caadifi ah (Mareexaan v Ogaadeen), Shariif Xasan waxaa la saaray masuuliyad uusan qaadi karin oo ah gudoomiya GIDG, halka Xaaf ay ku filan tahay in loo difaaco madaxtinimadiisa Gal-Mudug. Arrimuhu ilaa hada waxaa ay u socdaan sidii uu rabay jilaaga qarsoon ee Filimkaan oo ah Cumar Cabdirashiid, laakiin dadka wax indha indheeya waxa ay aaminsan yihiin in ugu dambeyn la isku soo jeesan doono hadii Gaas looga adkaado doorashada Puntland ee dhici doonta horaanta bisha Janaayo ee 2019. Waxaa su’aal saaran tahay Axmed Madoobe ,Shariif Xasan iyo Xaaf oo la galiyay dagaal aaney aragti badan ka heysan ,sidoo kalana aaney qiyaasi karin gunaanadkiisa. W/Q: Mohamed Osman Falanqeeye Siyaasadeed Nairobi-Kenya
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—EU NAVFOR military personnel has on Sunday seized an active Pirate Action Group (PAG) whaler and destroyed it off the coast of Somalia. EU NAVFOR says the operation followed a sustained period of surveillance after a piracy attack was conducted against the Hong Kong-flagged Bulk Carrier KSL Sydney. EU navy is committed to disrupting PAG’s wherever and whenever the opportunity arises and Sunday 28th October was one such occasion, according to a statement. The attack against the KSL Sydney took place on 16th October 340 Nm off the coast of Somalia. Rear Admiral Alfonso Perez de Nanclares, the EU NAVFOR Force Commander, ordered counter-piracy forces to the area for further investigation. EU NAVFOR Spanish Maritime Patrol and Reconnaissance Aircraft (MPRA) flew over the area to gain as much detailed information on suspected pirate activity as they could. The ability to deploy aircraft and ships immediately to this area proved vital in identifying this latest PAG. The information the MPRA provided made it apparent that PAG whalers were active in the area, which would be used to launch further attacks on maritime shipping transiting the area. The suspicious whaler identified by the MPRA was later tracked down by the crew of ESPS Castilla to a small bay just off the Somali coast. The Force Commander then ordered it to be seized and towed out to sea where it was safely destroyed. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Wakiilka cusub ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay Nicholas Haysom iyo dhiggiisa midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira ayaa waxa uu haatan kulan kula leeyihiin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Haysom iyo Madeira ayaa maanta gaaray magaaladaasi, waxaana kulanka uu la qaadanayo Madoobe looga hadlayaa arrimo ay ugu horreyso khilaafka DFS iyo maamul goboleedyada. Ma jirto faah faahin intaan ka dheer oo laga helay kulankan ka soconaya magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose. Waxaa sii xoogeystay khilaafka ka dhaxeeye dowlad goboleedyada iyo sidoo kale dowladda dhexe, iyadoo wadahadal uu ku baaqay madaxweynaha DFS, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in goor dhow ay rag hubeysan halkaasi ku dileen Nuur Kheyre Guutaale oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed. Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in raggii dilkaasi geystay ay goobta isaga baxsadeen waxaana halkaasi gaaray ciidamada DFS. Ciidamadan ayaa wada howlal ballaaran oo la sheegay iney ku baadigoobayaan raggii dilkaasi ka dambeeyey. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com