-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qoraal ay maanta soo saartay dowlad goboleedka Hirshabelle waxaa lagu sheegay in golaha iskaashiga dowlad goboleedyada aan loo aasaasin inuu noqdo isbaheysi mucaarad balse ujeedka ahaa inay dowladda federaalka ah kala shaqeeyaan arrimaha federalism-ka, qeybsiga kheyraadka iyo arrimo kale. Hirshabelle waxaa ay sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in go’aan walbo oo ay soo saaraan oo aysan kuwada dhammeen dowlad goboleedyada aanu aheyn mid sharci ah. Akhri, qoraalka oo dhameystiran: Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ay ka geysteen in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay tani caddeyn buuxda u tahay sida ay uga go’an tahay maamulkiisa qeyb ka noqoshada iskaashiyada caalamiga ah ee lagu dhawrayo xuquuqda adaanaha, isagoona tilmaamay in ololaha ay Soomaaliya uga mid noqotay Golahani uu qaatay muddo sannad iyo bar ah. “In dalkeennu uu u tartamo, kuna guuleysato ku biiritaanka Golahan oo kale waxay muujineysaa inaan si qumaati ah dib ugu soo noqoneyno booskii aanu ku lahayn caalamka. Waxaan xoogga saareynaa sidii aanu u xaqiijin lahayn dadaallada lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha si waafaqsan sharuucda dalka iyo kuwa caalamiga ahba.” Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dalalka aan bahwadaagta ku nahay Urur Goboeedka IGAD, Ururka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dalalka kale ee aan saaxiibada nahay sida hagar la’aneed ee ay inoogu garab istaageen kamid noqonashada Golahan. Guushan taariikhiga ah keddib, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dardargelinaysaa dadaallada ay uga tartamayso xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ay ugu dambeysay sanadkii 1971-72dii. Dowlada Soomaaliya ayaa ku howlan soo celinta maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd fagaareyaasha caalamka oo in muddo ah dalku uu ka maqnaa, iyada oo la garabsanayo dalalka aanu saaxiibada nahay iyo bahwadaagta kale ee Soomaaliya. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweynaha oo soo dhoweeyay kamid Noqoshada Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle,Maxamed Cabdi Waare ayaa ka horyimid go’aanno uu sheegay in madaxda kale ee golaha iskaashiga dowlad goboleeda ay ka soo saareen shir ay ku yeesheen magaalada Nairob,sida uu hadalka u dhigay. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay in golaha iskaashiga laga leexiyay ujeedkii loo as’aasay ahaa arrimaha Federaalka,islamarkaana uu noqday is-bahaysi mucaarad ah oo lagu wiiqayo dowladnimada Soomaaliya. Waxaa kale oo war-saxaafadeedka lagu xusay in go’aannada goluhu gaaray ee ay ka maqantahay Hirshabeelle ay yihiin kuwa sharci-darro ah oo baal-marsan hadafkii loo as’aasay golaha oo aysan aqoonsaneyn Hirshabeele. Dhinaca kale sida war-murtiyeedka ka muuqata madaxweynaha Hirshabeelle wuxuu diido ka muujiyay magacaabista,af-hayeeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ,isagoo sheegay in uu baraha bulshada ka arkay magacaabista. Halkaan ak akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo ka horyimid golaha iskaashiga dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka soo horjeestay go’aamadii u dambeeyay iyo shirarka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ku yeesheen magaalada Nairobi, kaasoo ay la qaateen Beesha Caalamka. War murtiyeed ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in go’aan kasta oo ka soo baxa shirarka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo aysan qeyb ka aheyn Hirshabeelle uu yahay mid sharci darro ah. “dowlad goboleedka Hirshabeelle waxay ka soo horjeestaa wax kasta oo baal marsan hadafkii loo aas aasay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle. Halkaan hoose ka akhriso Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha gobolka Bari ,Yuusuf Maxamed Wacays(Dhedo) ayaa digniin ka bixiyay roobab dabaylo wata oo la saadaaliyay in ay ku soo aaddan yihiin xeebaha Puntland,gaar ahaanna gobolka Bari. Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa bulshada gobolka uga digay in ay taxaddar ka muujiyaan duufaannada la sheegay in ay ku soo wajahan,waxaana uu si gaar ah ugu digay shacabka ku nool degaannada xeebaha ah iyo miyiga gobolkaasi. Mudane Dhedo ayaa sidoo kale farriin u diray maamulada degmooyinnka iyo tuulooyinka dhaca xeebaha gobolka Bari oo uu ku amray in ay bulshada ku wacyi-geliyaan khatarta duufaanaha ku soo wajahan degaannadooda ee ka imaanaysa dhinaca dalka Cummaan. Wuxuu intaasi raaciyay in shacabka looga baahanyahay feejignaan dheeri ah,si loo yareeyo khasaaraha dabaylaha iyo roobabku sababi karaan,isagoo ku boorriyay in laga baxo meelaha godan ee u nugul duufaanta. Dhinaca kale taliska ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa heegan geliyay cutubyada gaar ah ee ku sugan xeebaha,si ay u badbaadiyaan shacabka,haddii ay khatar dareemaan,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska. Maalmaha sabtida iyo Axadda ayaa la saadaaliyay in roobab duufaanno wataa ku wajahan yihiin xeebaha gobolka Bari ee Puntland,waxaana dowladdu ka soo saartay digniino is-xigay oo shacabka loogu baaqay in ay ka fogaadan meelaha duufaanta u nugul. PUNTLAND POST The post Digniintii u dambaysay ee dufaan ku soo wajahan Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay khudbad ka jeedineysay munaasabadda lagu xusayey maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay tahay markii ugu horeysay ee la xuso burburkii kadib. Khadiijo Maxamed Diiriye hadalladeeda waxaa ka mid ahaa“Qof kasta oo Soomaali ah waa ogyahay maamuuska maalinta calanka Soomaaliyeed, laakin laga soo bilaabyo 2,000, intii hadda qaran burburka nagu dhacay, dowladihii KMG ahaa markii laga soo baxay, waxaan ku faraxsanahay dowladda Maxamed Cabdullahi Farmaajo, xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wasaaradda dhalinyarada iyo Sportiga inay nasiib u heleen inay xusaan maalintan oo aan horay loo xusi jirin”. Hadalka wasiir khadiijo waa been abuur iyo indho sarcaad ay ku sameysay dadka Soomaaliyeed, maalinta calanka waxaa si joogta ah looga xusi jiray Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ah. Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa 2014-kii iyo munaasabadda lagu xusayey sanad guuradaha 60-aad ee maalinta calanka. Xaflad lagu qabtay Muqdisho waxaa ka soo qeyb-galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Jawaari, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) iyo mas’uuliyiin kale, waxaana lagu dheeraaday taariikhda calanka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh oo goobta ka hadlay waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Qof kasta oo Soomaali ah astaanta uu leeyahay ee lagu garanayo marka uu caalamka meel ka mid ah joogo waa calanka Somalia, mala fiirinayo gobolka uu ka yimid iyo meesha uu kasoo jeeda, calanka waa waxaan naga harayn, waayo geesiyaasheenna marka ay dhintaan calanka ayaa lagu dedaa, marka aan weyneyno calankeenna,” Sanad kadib, 2015-kii waxaa sidoo kale lagu qabtay aqalka dowladda hoose ee Xamar waxaana ka soo qeyb galay madaxweyne Xasan Sheekh, ra’isul wasaare Cumar Cabdirashid, guddoomiyaha golaha shacabka jawaari, duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) iyo madax kale, waxaana looga hadlay qiimaha calanka. Labadaasi sano waa tusaale dhow, laakin 4-tii sano ee madaxweyne Xasan Sheekh si joogta ah ayaa loo xusi jiray maalinta calanka Soomaaliyeed. Lama oga waxa ku qasbay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye inay dafirto taariikh dhow, oo loo heli karo maqal, muuqaal iyo qoraalba. Maamulka hadda jira ee dhashay Febraayo 8, 2017-kii, waxaa uu ku caan baxay erayo ay ka mid yihiin ‘Markii ugu horeysay” iyo “28 sano kadib”, inta badan kuma fadhiyaan xaqiiq ee waa erayo lagu raadinayo sacab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
askari oo soo faarujiyay aagga Dhanaane ayaa loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amardiido ay ku samaayeen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka kowdii bishii sideedaad ee sanadkan. Askartan ayaa ka soo baxay aagga Dhanaane ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay ku qornaayeen, waxaana sagaal kamid ah ay wada ahaayeen isku difaac halka sedaxda kale ay iyana ka soo baxeen gooba kale oo ka tirsan aagagga dagaalka ee gobalka Shabeelaha Hoose oo ay dowladda Soomaaliya dhawaanahaanba ka waday dib u xureyn deegaanno iyo waddooyin kamid ah gobalka. 20-ka Bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa loo soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dacwadda la xiriirta eedeysanayaasha, waxa ayna xilligaas weydiisteen garsoorka in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan. 23-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dalbadeen in la muddeeyo dacwad qaadista eedda loo heysto 12-kan askari ee ah amar diidada iyo ka bixid aagga dagaal ee Dhanaane, waxaana maalin kadib codsiga Xeer Ilaalinta loo ballamay in la qaado Maxkamadeynta 12-kan Askari. 24-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa loo fariistay fadhiga hore ee dhageysiga dacwadda la xiriirta 12-ka askari oo loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amar diido, waxaa xafiiska xeer ilaalinta ku soo bandhigeen Maxkamadda taliya ururukii iyo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka oo si wada jir ah u soo gudbiyay dacwadda eedeysanayasha, sidoo kale maxkamadda ayaa dhageysatay dhammaan jawaabaha ay ka bixiyeen eedda loo jeediyay oo dhammaantood isla qiray in sedax kamid ah maahe intooda kale ay ka soo baxeen agga dhanaane halka kuwa kale ay iyagane loo heysto in ay ka soo baxeen furin dagaal oo ay ku qornaayeen. Waxaana Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida weydiisteen Garsoorayaasha In lagu xukumo xukunno u daneynayo adkeysiga iyo amar qaadashada ciidamada dhexdooda si loo ilaaliyo hadaf ciidan oo ku dhisan u adeegidda qaranka. Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa ka hor sheegay garsoorka in la siiyo fursad kale oo ay dib ugu noqdaan goobihii ay ka soo baxeen maadama markii hore iyaga ay ahaayeen kuwa qeybta ka ahaa xureeynta goobaha ay ka soo baxeen. Garsoorayaasha oo ka baaraan degayay nuxurka dacwadda, doodda dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada, ka falciladda jawaabaha ay ka bixiyeen eedeysanayaasha fadhiga maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in dhammaantood si wada jir ah loogu xukumo min Shansano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyacda goob joogga u ahaa fadhiga Maxkamadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow. Xukunka Maxkamadda ayaa xoojin karo adkeysiga ciidamada iyo in aysan soo faarujin goobaha ay kala wareegaan maleeshiyada Alshabaab sida horay u dhici jirtay. Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan rafcaan hadii aysan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad. Source: goobjoog.com
-
NASA iyo hey’ado kale oo caalami ah ayaa ka digaya dabeysha Luban oo maalmihii la soo dhaafay ka jirtay Gacanka Carabta. Dabeysha Luban ayaa la filayaa in axadda oo berri ah(October 14, 2018) ay soo aado waqooyiga jasiiradda Socotra, waa dhulka xeebaha Soomaaliya. Dabeyshan ayaa laga yaabaa in 48 saacadood gudahood at ku dhufato dhamaan dhulka ku teedsan Gacanka Cadan oo ay ka mid yihiin Gobolada Waqooyi iyo kuwa Bari oo ah qeybo ka mid ah (Somaliland iyo Puntland ) . Dabyasha Luban waa middii 3aad ee muddo sanad gudahiisa ah ku dhufata jasiiradda carabta iyo xeebaha waqooyi ee Soomaaliya. Dabyashan ayaa la sheegayaa in meelaha qaar ay ku socoto 140 km/h, waxaana lagu wargeliyey dadka inay ka digtoonaadaan. Bishii May ee sanadkan waxaa xeebaha waqooyi ee Soomaaliya ku dhufatay dalbeysha Sagar, boqoraal ayaa ku dhimatay, waxaana ku khasaaray hanti badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—The Norwegian Government announced a commitment of NOK 450 Million ($54.3 million) to support the reconstruction, reform and development process in Somalia. Channeled through the World Bank’s Multi Partner Fund (MPF), the contribution will provide resources through the Government’s systems to address the country’s most critical challenges on its path towards stability. The additional financing from Norway comes two weeks after the approval of Somalia’s first Country Partnership Framework (FY 2019-2022), and the first International Development Association (IDA) financing for government in more than 30 years. “This additional contribution from Norway signals our recognition of the considerable progress the Somali authorities have made in bringing the country together,” said Nikolai Astrup, Norway’s Minister of International Development. “This contribution reflects our confidence in the country’s institutions. The reform momentum is bringing tangible dividends to the country. This is the time to advance on the back of the gains we have collectively achieved and to sustain progress towards peace and stability” The MPF has been investing in intergovernmental fiscal reform through the Recurrent Cost and Reform Financing (RCRF) Project. This project brings the Federal Government and the Federal Member States together to discuss resource distribution, service delivery and financial reforms across the country. In September this year, the World Bank Group Executive Board approved the expansion of the RCRF project using IDA pre-arrears clearance grants. The RCRF project will therefore receive financing from both the MPF and IDA. The Norwegian contribution to the MPF will allow for a scale up in the resources going through the RCRF project, which include transfers to Federal Member States. “This is an important time in the World Bank’s engagement with Somalia. It is also an important time for Somalia’s engagement with the international community, including its neighbours,” said Hafez Ghanem, Vice President of the World Bank for Africa. “We welcome the significant support from Norway as Somalia pursues the path towards stability. This is the only means to achieve a reduction in the vulnerability and poverty of the Somali people”. The contribution from the Norwegian Government recognizes the key role of government in increasing domestic revenue and access to services in Somalia, in line with the MPF’s approach to using country systems and putting the government in the lead of the country’s development. The World Bank will partner closely with Norway throughout the implementation process and reform policy dialogue. The Multi Partner Fund works predominantly through Somali authorities and includes institution-building, economic growth and urban development activities. MPF is supported by the European Union (EU), United Kingdom’s Department for International Development (DfID), the German Federal Ministry for Economic Cooperation and Development, the Swedish International Development Cooperation (SIDA), the Royal Norwegian Embassy, Danish International Development Agency (DANIDA), the Swiss Agency for Development Co-operation (SDC), the Ministry of Foreign Affairs of Finland, United States Agency for International Development (USAID), Italy’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, and the World Bank’s State and Peacebuilding Fund (SPF). PRESS RELEASE
-
New York (Caasimada Online) – Somalia was elected to the United Nations’ top human rights body on Friday for a period of three years beginning January 1, 2019, getting 170 votes in the African States category. Somalia won the election as a new member of the United Nations Human Rights Council, with a strong effort made by the Permanent Representative of the Federal Republic of Somalia to the United Nations in New York, Ambassador Abukar Dahir Osman. The 193-member UN general assembly held elections for new members to the UN Human Rights Council. The 18 new members were elected by absolute majority through a secret ballot. Countries needed a minimum of 97 votes to get elected to the Council. Somalia was vying for a seat in the African States category. Along with Somalia, Burkina Faso, Cameroon, Eritrea and Togo. Somalia was overwhelmingly elected by 170 votes out of 193. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Xildhibaan Sharmaake Xasan Ganey oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in madaxweyne Waare ay la xisaabtan dhab ah la sameyn doonaan. Waxa uu sheegay mudanahan in madaxweynaha Hirshabelle uu ka meermeerayo inuu horyimaado xildhibaannada, iyadoo taasina horey u keentay in mooshin laga keeno. Xildhibaanka ayaa tilmaamay haddi uu madaxweyne Waare ka madax adeego inuu baarlamaanka u sheego qorshihiisa shaqo iyo wixii u qabsoomay in mar kale uu imaan doono mooshin, islamarkaana aan la aqbali doonin oday dhaqameed dambe oo ka hor istaaga mooshinkaasi. “Isla Xisaabtanka wuu socdaa waana sababta aan ugu yeernay madaxweynaha, muxuu ku diidan yahay inuu noo yimaado, madaxweyne Waare ha iska soo xaadariyo baarlamaanka, mar dambe kuma deyn doonno odoyaasha dhaqanka sidii hadda dhacday” ayuu yiri xildhibaanka. Dhowaan ayeey ahayd markii xildhibaannada Hirshabelle ay ka laabteen mooshinkii ay ka keeneen madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Senat-ka Maraykanka ayaa meelmariyay danjiraha cusub ee dowladdaasi u qaabilsanaan doona Soomaaliya Donald Yamamato. Mareykanka ayaa danjiraha cusub oo Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya u magacaabay Mr. Yamamato oo khibrad aad u badan u leh dhinaca dibloomaasiyadda. Madaxweyne Trump oo Yamamato Danjiraha Soomaaliya u magacaabay. Iyadoo aqalka sare ee Mareykanka uu magacaabiddiisa uu ku meelmariyey cod buuxa. Yamamato oo horay danjiranima uga soo shaqeeyey waddama badan oo qaaraddan Afrika ka tirsan, isaga oo noqday danjirihi ugu waaya aragnimada badnaa ee Soomaaliya loo magacaabo tani iyo inta ay Soomaaliya bur-brutay Mareykankana uu xiray Safaaraddiisi Muqdisho. Aqoonyahan Maxamed Maxamuud ayaa waeysi uu siiyey Goobjoog ku sheegay in Danjirahaan loo soo magacaabay Soomaaliya uu waxbadan ka badali karo siyaasadda dalka iyo is faham. Waxa uu sheegay inuu yahay Yamamato shaqsi fur furan oo siyaasada geeska afrika wax badan ka garanaya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREYSI-DANJIRE-CAAALIM.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
American pastor Andrew Brunson flew out of Turkey late Friday after a Turkish court convicted him of aiding terrorism but sentenced him only to time served. His release came one day after U.S. officials said a deal had been reached with Turkey’s government to secure his freedom. Source: Hiiraan Online
-
Maamulka Gobalka hiiraan ayaa sheegay in ay isku furi doonan wadada isku xirta magaaloyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burde, xilli AMISOMay iyana ka dhawaajiyay howlgal waddo furis ah. Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka gobolka Hiiraaan, C/raxiin Muxummad Taakooy ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid dhowaan la fulin doono, islamarkaana dadka lagasaari doono go’doonka. Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM u dhaqaaqeen sidii ay ula dagaallami lahaayeen Al-shabaab, islamarkaana u furii lahaayeen waddooyinka xiran. Dhanka kale, qoraal kasoo baxayAMISOM ayaa lagu sheegay in lagu furi doono waddooyinka ay xirteen Al-shabaab ee gobolka Hiiraan, shacabkana loo fududeyn doono isku socodkooda. AMISOM ayaa sheegtay in howlgalladan ay yihiin kuwo sidoo kale lagu doonayo in lagu fududeeyo shacabka ku dhaqan deegaannada iyo degmooyinka go’doonsan in lagu gaarsiiyo gurmad Bini’aadannimo. Maalmahan dambe, ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ballaaran waxay ka bilaabeen deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada B/weyne, gaarahaan xaafadda howlwadaag ee magaaladaasi ay ka dhacdo munaasabad ballaaran oo maamulka West-land ugu biirayo maamulka Hirshabelle. Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in munaasabaddan si gaar ah maanta loogu soo wareeejin doono ciidamadii uu haystay maamulkaasi, laguna dari doono ciidanka xoogga dalka. Muddooyinkaan dambe waxaa socdey dedaal badan oo lagu doonayey in maamulka West-land uu ku biiro Hirshabelle. West-land ayaa haysta ciidamo gaaraya 500, kuwaasi oo markii hore aan jirin cid ay si gaar ah uga tirsanaayeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dadkii dhowaan ka barakacay magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa bilaabay iney dib ugu laabtaan guryahooda, kadib markii xaaladda magaaladaasi isbedal uu ku yimid. Xasan Cumar oo ah guddoomiyaha Marka ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu ku sheegay in shacabka ay hadda intooda badan oo laabteen kuwa kalena la sugayo iney yimaadaan. “Ammaanka magaalada Marka aad ayuu u wanaagsna yahay, dadkii waxay bilaabeen iney kusoo noqdaan guryahooda, waxaana ay yihiin kuwo si cabsi la’aan ah u imaanaya…dadka waxay usoo laabanayaan waa in la heshiisiiyey maleeshiyaadkii magaalada ku dagaallami jiray sidoo kalena magaalada ay hayaan ciidanka xoogga dalka” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka kale, guddoomiye Xasan ayaa sheegay in maamulkooda uu kaalin weyn ka qaadan doono dib u dhiska magaaladaasi oo ku burburay dagaalladii dhacay. Marka ayaa muddo badan ahayd furin dagaal, iyadoo xaafadaha qaar ee magaaladaasi ay mar hore isaga barakaceen shacabkii deganaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgal ballaaran ka sameeyeen degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, iyaga oo kusoo qabtay howlgalkaasi rag hubeysan. Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, inuu arkay ciidanka oo wada 5 qof oo Labo ka mid ah yihiin kuwo hubeysan. Raggan la qabtay ayaa la sheegay in dhac ay ka geysan jireen degmada Dharkeenley, balse weli sharaakiisha Booliiska ee howlgalkaan sameeyeywax faah faahin ah ma aanay bixin. Maalmihii ugu dambeeyey, ciidamada Booliiska ayaa howlgalllo ammaan sugid ah ka waday magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Germany's Interior Ministry will extend migration controls at borders with Austria and Denmark for another six months. Denmark, Austria and France have also announced their intention to extend border controls. Source: Hiiraan Online
-
Washington’s newly named point man for Afghan peacemaking met Taliban representatives in the Gulf nation of Qatar on Friday, a person familiar with the gathering said, as the Trump administration stepped up efforts to cobble together a road map for talks aimed at ending the 17-year war in Afghanistan. Source: Hiiraan Online