-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiye xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa kaga hadlay saameyn ay nolosha magaalada Baladweyne ku yeesheen roobab maalmihii dambe ku hooray magaaladaasi. Sheekh Xuseen Cismaan ayaa daboolka ka qaaday in qoysas danyar ah oo magaalada iyo hareeraheeda deggan ay yihiin kuwa ugu horreeya ee saameeyeen biyaha ka yimid roobabkani. Garoonkii diyaaradaha magaalada Baladweyne ayay sidoo kale saameeyeen roobabka xilliga deyrta ee ku da’ay magaaladaasi. Dhanka kale, wuxuu ka dhawaajiyay in ay jirto walaac ay ka qabaan fatahaad wabiga Shabeelle uu mar kale ku sameeyo magaaladaasi. Arrintaasi wuxuu u sababeeyay in ay dhici karto haddii roobabka ka da’aya magaalada Baladweyne ay sii lixaadsadaan. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREYSI-GUD-XIGEENKA-HIIRAAN-30-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso 6-ruux oo dableey hubeeysan ay ku dileen duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi oo dhaca duleedka Muqdisho kadib markii dadkaasi oo gaari saarnaa lagala dagay kadibna la dilay. Dadkaasi la dilaya ayaa waxa ay ka yimaadeen degmada Wanla-weyn ee gobolka Sh/hoose. Masuuliyiinta Gobolka Sh/hoose oo aan la xariirnay ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu falkaasi u dhacay waxaana Puntland Post uga waramay Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobolka Sh/hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle. Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadkaasi aana qabiil loogu dilay islamarkaasina ay wadaan baaritaano arintaasi la xariirta. Hoos ka dhageeyso Codka waxaa wareeystay Wariye Xasan Maxamed Samatar Cowke oo katirsan PP. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Wareeysi-Cowke-Cabdifitaax-Xaaji-Sh-Hoose.mp3 The post Faah Faahin: 6 Odoyaal Dhaqameed oo lagu dilay duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada AMISOM ayaa beeniyay in ciidammo Itoobiyaan ah oo marayay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan miino dhulka lagu aasay lala beegsaday ayna uga dhinteen 30-askari. AMISOM ayaa sheegtay in ciidanka oo kolonyo ahaa ay afar askari oo kaliya uga dhaawacmeen weerarkaas, ayna dhaawacyadoodu ahaayeen kuwo aad u fudud lana daaweeyay, iyagoo aanay jirin faahfaahin intaas ka badan oo la bixiyay. Sidoo kale, Taliska AMISOM ayaa intaas ku daray in Ciidamada weerarka lala beegsaday ay marayeen deegaank Ceel-gaal, ayna ahayeen kuwo dalkooda dib ugu laabanayay ayna ka tallaabeen xadka ay leeyihiin Somalia iyo dalka ay ka socdeen ee Itoobiya. Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Al-shabaab ay sheegtay in weerar la beegsadeen ciidammo Itoobiyaan ah ayna dileen 30-askari, kuwo kalena ay dhaawacyo kala duwan gaarsiiyeen. Dhanka kale, Ciidammo Itoobiyaan ah ayaa la sheegay inay maanta gaareen degmada Guriceel ee Gobolka Galguduud, halkaasoo ay fariisimo kala duwan ka sameysteen, lamana oga ujeedka ka dambeysa tallaabadan. Ugu dmabeyn, Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM, ayaa waxay ka hawl-galaan bartamaha Somalia, sida Hiiraan iyo Galguduud, halkaasoo ay kala kulmeen dhawr jeer weerarro ay la beegsatay Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Taliska AMISOM oo ka Hadlay Weerar Ciidamo AMISOM ah lagula eegtay Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Warbixin ay soo saartay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inaysan jirin musharax ka mid ah kuwa ku loollamaya hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia oo ay si gaar ah u taageersan yihiin. Qoraalka ayaa lagu xusay inay taageerayaan dhammaan musharraxiinta u tartamaya maamulka Koonfur-galbeed, isla markaana ay soo dhaweynayaan cid walba oo ku guuleysata doorashada oo dhici doonta 17-ka November ee 2018-ka. Sidoo kale, Qoraalkan oo kasoo baxay Xafiiska u Qeybsan Soomaaliya ee Xukuumadda Wanshigton ayaa lagu sheegay inuu soo dhaweynayo guddiga doorashada Madaxweynaha ee maamulka Koonfur-galbeed Somalia ee Toddobaadkii hore looga dhawaaqay Baydhabo. Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan la isla dhex-marayay in mid ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ay wataan Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya, balse Dowladda Somalia ayaa weli ka hadlin arrintaan. Dhanka kale, waxaa jira xildhibaanno ka tirsan kuwa maamulka Koonfur-galbeed iyo Dowladda Federaalka ah oo ka dalbaday dowladda Somalia inay fara-gelin ka dayso doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Baydhabo. Ugu dambeyn, Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay waxaa ka socda ololaha doorashada Madaxweynaha Koonfur-galbeed, iyadoo musharaxiintana ay ka mid yihiin musharixiin xilal hore uga soo qabtay Dowladda Federaalka iyo musharax xil sare ka soo qabtay Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo si Taxadar leh uga hadashay Doorashada Maamulka Koonfur-galbeed appeared first on Puntland Post.
-
Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaa ay gaareen ciidamo kasoo jeeda dalka Ethiopia. Ciidamadan ayaa lasoo sheegayaa inay watan gaadiid dagaal iyo hub xoogan waxa ayna fariisimo ka dhigteen duleedka Degmada. Gaadiidka ay wataan ciidamadan ayaa waxaa ku jira nooca looyaqan beebaha iyo kuwo kale oo lagu daabulo ciidamada. Gaadiidka ay wataan ayaa waxaa kamid ahaa nooca xambaara booyadaha biyaha iyo shidaalka kuwaa oo la rumeysan yahay inay ku qaatan biyaha iyo shidaalka. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay yihiin kuwo aad u xoogan isla markaana ay dhufeysyo ka sameysteen dhul duleedka ka ah degmada. Warar madax-banaan ayaa sheegaya inay jirto cabsi la xiriirta in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay duulan ku qaadan deegaanada la dajiyay ciidamada inta lagu guda jiro khilaafyada dowlada Dhexe iyo maamulka. Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaya Saraakiil isugu jirta Ethiopian iyo kuwa Soomaali ah waxaana la garan la’ yahay waxa uu yahay qorshahooda. Weli lama oga sababta ka dambeysa in Ciidamo Ethiopian ah ay xiligan tagaan degmada Guriceel oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug.
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Gudiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen ku go’aamiyey qaabka ay u dhici laheyd doorashada maamulkaasi. Inta uu kulanka socday Gudiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo bandhigay hab raaca loo dooran lahaa maaxweynaha maamulkaasi. Guddiga ayaa Jawdwalkaani doorashada soo saaray xili dhawaanahaan gudiga maamulkaasi aad looga dhowr sugaayey in ay soo saaran Jadwalka. Halkaan hoose ka akhriso jawdalka ay soo saareen Gudiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia:-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad oo shalay isniintii hortagay golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay sida uu u xoogeystay xiriirka Soomaaliya iyo dalalka dariska. Cawad oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Waad ka war heysaanbaan u maleynayaa xiriirka dalalka dariska waa soo xoogsanayaa, aad ayaan isugu soo dhowaaneynaa, waxaad ka arkeysaan isu socodka badan, Soomaaliya markii ugu horeysay waxaa ay horey uga jirtaa isu soo dhoweynta gobolka, waxaad arkeysaan kala yaacii dalalka qarakood ay nagu sameyn jiree iyo buuqii inuusam jirin, oo hadda Itoobiya, Eretrea, Djibouti iyo Kenya kulligood ixtiraamayaan qarannimada Soomaaliyeed” Waxa uu intaas ku daray “Madaxweyneheennu booqashadii uu Eretrea ku tagay, booqashooyinkii kala duwanaa iyo heshiisyadii aan saxiixnay waxa ay ahaayeen kuwoo adduunka oo dhan soo dhoweeyey, dalalka dibadda ama Yurub ha ahaadeen ama jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa, ama Mareykanka waxaa ay noo sheegaan waxa ugu weyn aan qabanay inay aheyd in dalalka dariska aan isku soo dhowaney”. Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad waxaa Senatorrada u sheegay in Abiy Axmed sheegay in Farmaajo uga muhiimsan yahay Donald Trump. “Ra’isul wasaaraha Itoobiya wuxuu yiri, Farmaajo ayaa iiga muhiimsan madaxweynaha Mareykanka Trump, waayo Trump waxyar buu ii dhimi karaa ama isiin karaa, laakin Soomaaliya ama waa isla dageynaa ama waa isla koreynaa, marka wuxuu yiri, Soomaaliya ayaa aad iiga muhiimsan, annaguna sidaas ayaan u aragnaa”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimadda Online)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday dacwad oogaha guud ee Sucuudiga inuu baaritan ku sameeyo ciddii uu kasoo fulay amarka ah in la dilo weriye Jamaal Kaashogji. Erdogan wuxuu sheegay in dacwad oogaha Sucuudiga laga doonayo inuu shaaca ka qaado ciddii soo dirtay 15-ka qof ee lagu tuhunsan yahay inay Jamaal Khaashogji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul. Hadalka madaxweynaha Turkiga ayaa imaanaya xilli dacwad oogaha guud ee Sucuudiga uu booqasho ku tegayo qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul. Dilka weriyaha kaddib, Sucuudiga wuxuu xabsiga dhigay dad lagu tuhunsan yahay dilka iyo sidoo kale waxaa shaqada laga ceeyriyay saraakiil sar sare. Balse mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay beeniyeen in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka Jamaal Khaashogji. Caasimada Online Xafiiska Ankara Caasimada@live.com
-
NAIROBI (Caasimada Online) — The normal-looking campaign rally in Somalia’s capital this month was anything but. Dozens of people in T-shirts bearing the smiling candidate’s image and “Security and Justice” were praising the former No. 2 leader of Africa’s deadliest Islamic extremist group, the al-Qaida-linked al-Shabab, who until recently was the target of a $5 million U.S. reward. Stunned, Somalia’s federal government is in an awkward spot. If Mukhtar Robow’s campaign for a regional presidency goes forward, observers say the man who once praised Osama bin Laden and tried to impose an Islamic state has a good chance at winning next month’s election. Ever since surprising Somalis by defecting to a delighted government last year, the former al-Shabab spokesman and founding father has not been shy. Robow openly discussed his break with hardliners that led him to quit the extremist group — “I disagreed with their creed, which does not serve Islamic religion,” he said — and the threats that pushed him to defect after years of living in the safety of his clan. Then he donated blood in a show of support after Somalia’s deadliest attack, the October 2017 truck bombing in Mogadishu that killed over 500 people. Now the lanky, bearded Robow, al-Shabab’s highest-profile defector, seeks to lead his native Southwest region despite a sharp “no” from the federal government. The interior ministry says he’s ineligible to run because he remains under international sanctions. The problem, observers say, is that Somalia’s federal government is in such a state that no one knows who has the authority to decide who can be a candidate. The presidency did not respond to questions. The United Nations mission in Somalia, which provides electoral support, would not comment. “Who has the last call on who runs? Nobody knows,” Hussein Sheikh-Ali, a former national security adviser and chair of the Hiraal Institute who has known Robow for years, told The Associated Press. On top of that, relations between Somalia’s federal government and its regional ones are so bad that cooperation is almost severed, victim of the wary politics in the Horn of Africa nation recovering from decades of warlord-led fighting and devastating al-Shabab attacks. Over the weekend, Southwest residents and some members of parliament protested what they called the federal government’s meddling in the vote. While Robow told the AP he couldn’t comment, there’s no sign of him backing out of the race, even as al-Shabab calls him an apostate. When the group this month bombed Baidoa, the Southwest’s interim capital, he quickly appeared at a local hospital to visit victims and condemn the attacks. Despite his dark history that includes recruiting many local young men into al-Shabab, some in the Southwest reserve goodwill for Robow after he spared several government officials from certain execution when the extremist group overran Baidoa in 2009. “That has contributed to change his people’s perception toward him, so they owe him a bit,” regional lawmaker Ahmed Nur Adam told the AP. “He’s already changed himself for the better, so forget his past identity,” said Ali Ahmed Isaq, a local traditional elder. “So, just like other politicians with a dreadful past such as warlords who are now politicians, nothing can deny him any leadership role.” Worried about Robow’s popularity, the federal government has sent at least one high-level official to try to persuade him to step aside. “I was asked to relinquish my candidacy but I’m telling you that … I will be running for president,” Robow told supporters this month. “With the help of God, we will win and peace will win.” Now the government is backing its own candidate with money, armored vehicles and security forces. “I guess you could say it is a positive story to see a former high-ranking al-Shabab official participating in a system he spent many years trying to destroy,” Omar Mahmood, a researcher with the Institute for Security Studies, told the AP. “But there is also the other side of it, the lack of having to answer for his time as a jihadist.” Some Somalis, haunted by memories of Robow praising al-Shabab attacks and the executions of government supporters, said he should be held accountable for the beheadings and other killings under his command. Others are alarmed that he would severely curtail women’s rights and other social freedoms if elected. “He may do a better job in terms of security, but I think it’s too early for him to consider such a high-level position before adopting some more moderate and nonviolent views,” said a Somali intelligence official who requested anonymity because he was not authorized to speak to the media. However, in the first sign of possible tolerance toward women, Robow has urged his constituency to welcome other candidates including women, and he asked for forgiveness for his past while promising security. “We shall reopen roads on which women are raped and people are harassed,” he said during a speech in Baidoa last week. “Notwithstanding my previous views, I owe you a lot for this huge welcome,” he added, to applause. The election drama is a major test of Somalia’s U.S.-backed efforts to encourage fighters to leave al-Shabab in the belief that every defection exposes weakness in the extremist group, which still controls large parts of the rural south and central regions, including the Southwest. “It doesn’t help that Somali law and institutions are still very much evolving and the amnesty program for ex-al-Shabab members is a bit unclear,” Mahmood said. Some low- and mid-level defectors go to rehabilitation centers while others end up on trial. Robow has received other arrangements, including security. Questions remain about his defection, which occurred soon after the U.S. quietly cancelled the $5 million offer under its “Rewards for Justice” program. That led al-Shabab to believe Robow had made a deal with the Americans, Sheikh-Ali said. The U.S. mission to Somalia did not respond to questions but tweeted on Tuesday that it looks forward to a “credible vote” next month and “We support the process but never any specific candidate.” However, Robow is still under U.S. sanctions imposed in 2008 when he was named a “specially designated global terrorist.” He has never gone completely through Somalia’s defection process, which would include the federal government negotiating with international bodies to clear him from sanctions, Sheikh-Ali said. “Unfortunately, he was thinking everything was fine and that’s when he decided to run,” he said. Startled, international bodies pressured Somalia and “the government woke up and said, ‘You cannot run.’” There likely isn’t time for Robow to be cleared before the Nov. 17 election, Sheikh-Ali said. He sees this as a disappointment. Somalia has a tradition of being accommodating, he said. After all, the current president of the Jubaland region was once part of insurgent group Hizbul Islam, which tried to overthrow the federal government. On Monday the new U.N. envoy to Somalia, Nicholas Haysom, greeted the Jubaland leader with a handshake and smile. “The Robow case is really jeopardizing any chance of another al-Shabab leader to consider defecting to the government side,” said Sheikh-Ali, who advocates dialogue with the extremist group. “Somalia needs peace.” Sources: AP
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ee la filayo inay Baydhabo ka dhacdo 17-ka bishan. Qoraal kasoo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Washington ay soo dhoweeneyso aasaaska Guddiga Doorashada ee Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo xulashada kooxda hogaamineysa. “Waxaan rajeyneynaa in November 17 ay dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo taas oo ka turjumeysa codka shacabka Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Mareykanka ayaa dhinaca kale sheegtay in marka ay timaado musharaxiinta dhowrka ah ee ku loolamaya xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, aysan jirin cid ay si gaar ah u taageerayaan. “Weynu taageereynaa geeddi-socodka, laakiin marnaba ma taageereyno musharax gaar ah” ayaa lagu yiri qoraalka. Ma cadda sababta Mareykanka u sheegeen inaysan cidna taageereyn, ayada oo aysanba jirin wax tuhunno ama warar ah oo arrintaas ku saabsan. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa taageereysa qaar ka mid ah musharaxiinta, waxaana suurto-gal ah in warkan uu ayada ku socdo. @US2SOMALIA wuxuu soo dhaweynayaa aasaaska Guddiga Doorashada ee Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo xulashada kooxda hogaamineysa. Waxaan rajeyneynaa in Nov 17 ay dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo taas oo ka turjumeysa codka shacabka SWS. — U.S. Mission-Somalia (@US2SOMALIA) October 30, 2018 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—A UN-backed African Union peacekeeping mission in Somalia known as ‘AMISOM’ has denied to have lost 30 soldiers in bomb explosion. In a series tweets, AMISOM refuted reports 30 of its soldiers were killed in roadside bomb attack on its convoy near Baladweyne town, some 335km north of Somali capital Mogadishu. The mission said four Ethiopian soldiers with African Union peacekeeping force were only slightly injured in bomb explosion claimed by Al Qaeda linked Al-Shabaab. “AMISOM would like to refute reports appearing in the section of the press that 30 of its soldiers were killed in the IED attack that targeted its convoy in Hiran region”, the mission said. It added: “the correct position is that only four of its soldiers incurred slight injuries and were treated at Beledweyne Level II Hospital”. The African Union in Somalia urges the public to be wary of false reports and continue working closely with the security forces to bring lasting peace and security in the nation. The bomb attack was claimed by Al Shabaab. The group says it has killed at least 30 African Union soldiers following the landmine explosion. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. The African Union has a combined contribution of roughly 22,000 personnel to fight against the Al-Qaeda inspired group in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—The militant group al-Shabaab has stepped up extorting from starving communities as the al Qaeda inspired group in Somalia endures financial pressures and an apparent crisis of morale. The group called on clans in areas of Middle Juba region, southern Somalia to pay for pretty much everything, according a local resident, who asked to be anonymous. The group collects millions of dollars in Zakat/taxes, road fees and special funds called ‘Infaaq’ from businesses, traders, trucks, fuel, other goods, farms and everything else in Somalia, according to state media. The money goes mainly to support the group’s members, and for the training, recruiting, weapons, and equipment required to sustain the Somali insurgency and wage jihad in Somalia. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. Somalia has been mired in violence and lawlessness since early 1990s when dictator Mohamed Siad Barre was toppled. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu diley Shan qof oo la socday gaari yar. Rag hubeysan oo indhaha soo xirtay ayaa la sheegay in ay joojiyeen gaarigan oo ka yimid degmada Wanlaweyn kuna soo socday magaalada Muqdisho. Waxa ay soo dejiyeen dhammaan dadkii saarnaa gaarigaasi, waxay fasaxeen darawalkii gaariga wadey, waxaana ay toogteen Shantii qof ee kale. Mukhtaar Nuur Geesey oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka Lafoole ayaa u sheegay Goobjoog in ay baxsadeen raggii dilkaasi fuliyey ayna ku raad joogaan. Geesey ayaa sheegay in tani ay la xiriirto dagaal beeleed ka dhacay degma Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Mukhtaar-Nuur-Geeseey-Guddoomiye-ku-xigeenka-Lafoole.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay iney kala dhexgaleen beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose. Maxamed Ibraahim Barre, guddoomiyaha gobolkaasi ayaa u sheegay Goobjoog in hadda ay xabaddu joogsatay, xaaladuna tahay mid deggan. Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in sidoo kale ay ku dedaaleen in ciidamada dowladda la kala dhex dhigo maleeshiyaadkii dagaallamay. Ugu dambeyn, guddoomiye Barre ayaa ugu baaqay beelahan ku dagaallamay gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan degmada Wanlweyn iyo nawaaxigeeda in nabadda ay qaataan oo ay ka fogaadaan wax walbo oo dhiig ku daadan karo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Guddoomiyaha-gobolka-Shabellaha-Hoose-Maxamed-Ibraahim-Barre.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Aqoonyahan C/raxmaan C/laahi Dhubad (Daqare) ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu ku sheegay in madaxweyne Farmaajo ay ka maqan tahay talada aqoonyahanka. Waxa uu sheegay in madaxweynaha laga doonayey inuu aqoonyahannada taladooda dhageysto islamarkaana ka talobixiya marxaladaha kala duwan ee dalka. Waxa uu tilmaamay in madaxweynaha ay ku hareersan yihiin Qurbejoog uu sheegay in aanay waxbo kala socon xaaladda dalka. Dhanka kale, Daqare ayaa wareysigan uu siiyey Goobjoog kaga hadlay arrimaha ku aadan khilaafka dowlad goboleedyada iyo sidoo kale DFS, wuxuuna sheegay in madaxweynaha xaq u leeyahay inuu isugu yeero madaxda dowlad goboleedyada. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Craxmaan-Daqare.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxgaradka K/galbeed ayaa ku eedeeyey madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka in farogelin ku hayaan doorashada la filayo iney ka dhacdo Baydhabo. Malaaq Cali C/raxmaan oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog , in madaxda dowladda federaalka wataan musharraxiin gaar ah oo ay doonayaan iney kusoo baxaan xilka madaxweynaha K/galbeed. Waxa uu si gaar ah u sheegay in madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay farogelintan wadaan, isaga oo ku baaqay in K/galbeed dadkeeda loo madax baneeyo doorashadan. Dhanka kale, Malaaq Shiino ayaa sheegay in dowladda ay mar hore ka waayeen Kaalmo, balse hadda ay dooneyso in qalalaasyo ay ka abuurto magaalada Baydhabo waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Wareysi-Malaaq-Shiino.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, isagoo ka hor yimid go’aanadii maamul Goboleedyada ee shirkii Garowe. C/xakiin Camey ayaa madaxda maamul Goboleedyada dusha u saray inay sabab u yihiin khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka, isagoo sheegay in wixii ka soo baxay Shirkii Garowe uu ahaa go’aano aan laga fiirsan. “Go’aamaadasi waxaan u arkaa riyo maalmeed aan suuragal ahayn, qof kastoo Soomaali ah wuu la yaabay, iyagana uma aha suuragal, dalkana suuragal kama aha, khaladka waa loo wada jeedaa wuxuu ahaa go’aan aan laga fiirsan…” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wareysi siiyey mid ka mida idaacadaha Muqdisho. C/xakiin Camey ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ciidamada iyo Culimada Puntalnd oo ka hor yimid go’aanadii maamul Goboleedyada ku gaareen magaalada Garowe, wuxuuna sidoo kale hambalyo u diray Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir oo soo dhoweeyay baaqii madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—At least six civilian people have been killed by unknown gunmen on Tuesday near Somali capital Mogadishu. The victims were shot and killed after gunmen waylaid a vehicle in which they were travelling at Lafole area near Mogadishu, a witness told Caasimada Online. The killers reportedly escaped from the crime scene uncaught. Caasimada Online learned that Tuesday’s killing links to long-standing vendetta between the two sub-clans. He says three people from same family members were among the victims. The dead bodies were taken back into Afgoye town, some 30km south of Somali capital Mogadishu. Somali has been without a central authority since the overthrow of the late ruler Mohamed Siyad Barre in 1991 when the country plunged into chaos and lawlessness. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in lix qof oo rayid ah lagu dilay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada Hoose, kuna yaalla duleedka magaalada Muqdisho. Dad ku sugan Lafoole ayaa Caasimada Online u sheegay in lixdan qof lagala degay gaariga ay saarnaayeen oo ahaa nooca raaxada. Koox hubeesan, oo wejiga duubtay ayaa la sheegay inay joojiyeen gaariiga ay saarnaayeen lixda qof oo dhammaantood rag ahaa, kadibna kala degeen oo ay wada toogteen. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dhacdadan ay la xiriirto aano qabiil oo u dhaxeysa laba beel oo wada dega Shabeellada Hoose, oo maalmahan dad iska dilayey. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in saddex ka mid ah ragga la dilay ay ahaayeen walaalo. Dadkii dhacdadan ku geeriyooday, ayaa sida ay wararka sheegayaa, dib loogu celiyay degmada Afgooye. Wararka arrintan la xiriira ayaa isa soo taraya, naga filo faah-faahin dhowaan Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka hadda naga soo gaaraya deegaanka Xaawo Cabdi ee dhaca duleedka Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goordhow lagu dilay dad saarnaa gaari. Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in ku dhowaad 6-ruux ay dhinteen tiro intaasi ka badana ay dhaawacmeen kadib markii dableey hubeeysan ay rasaas ku fureen dad saarnaa gaari nooca raaxada ah. Lixdaasi ruux ayaa 3-kamid ah waxa ay ahaayeen walaalo sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Dadka la rasaaseeyay ayaa ka yimid degmada Afgooye oo 30-KM u jirta Muqdisho iyaga oo ku soo wajahnaa Muqdisho. lama oga cida falkaasi ka dambeeysay iyo dadka la dilay waxa ay yihiin . Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dad Goordhow lagu dilay Duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Bu’aale (Caasimada Online) – Maleeshiya ururka Al-Shabaab ayaa deegaanada Jubbada Dhexe ka billaabay tallaabooyin ay isugu yeerayaan qabaa’ilka, ayaga oo hor-dhigaya dalabyo culus, oo beelaha ay aad u dhibsadeen. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Al-Shabaab ay ku amreen in Qabiil Qabiil ay dadku isku qaybiyaan ka dibna ay keenaan Hanti waxa ay heestaan. “Qabiil kasta waxaa la balaminayaa maalin gaar ah, waxaana laga rabaa Xoolo hadii ay heestaan ama Beeralay hadii ay yihiin dalagyadii u soo baxay inay keenaan oo siiyaan Al-Shabaab” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka. Culeyska ugu daran ayaa haatan wuxuu saaranyahay, Ganacsatada Beeralayda iyo Xoola Dhaqatada ku nool qaar ka mid ah deegaanada Gobalka Jubbada Dhexe. Al-Shabaab waxa ay ku tiirsan tahay lacagaha Zakada iyo canshuuraha kale ee ay ka qaaddoo dadka Soomaaliyeed, hase yeeshee mararka qaar waxaa dhacday in lacagta yaraato, oo ay awoodi weyso inay bixiso mushaharka shaqaalaha. Marka ay dhacdo xaalad saas ah, waaxda maaliyadda ee Al-Shabaab waxa ay qabaa’illada iyo ganacsatada ku nool meelaha ay maamusho ku amartaa inay bixiyaan ‘Infaaq’. Halkan ka aqri qormo sharxeysa Infaaq. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia tops the list for the fourth year in a row and two countries rejoin the list of offenders, including Afghanistan where a suicide attacker targeted a group of journalists in Kabul, killing nine. Colombia also reappeared on the ranks after alleged drug traffickers kidnapped an Ecuadoran news crew near the border and murdered them in Colombian territory. Both nations had fallen off the index in recent years as violent conflict receded. In the past decade, at least 324 journalists have been silenced through murder worldwide and in 85 percent of these cases no perpetrators have been convicted. It is an emboldening message to those who seek to censor and control the media through violence. More than three quarters (82 percent) of these cases took place in the 14 countries that CPJ included on the index this year. All 14 countries have featured on the index multiple times since CPJ began to compile it in 2008, and half have appeared every year. The majority of victims are local journalists. The list includes states where instability caused by conflict and violence by armed groups has fueled impunity, as well as countries where journalists covering corruption, crime, politics, business, and human rights have been targeted and the suspects have the means and influence to circumvent justice through political influence, wealth or intimidation. The Impunity Index is published annually to mark the International Day to End Impunity for Crimes against Journalists on November 2. It calculates the number of unsolved murders over a 10-year period as a percentage of each country’s population. For this edition, CPJ analyzed journalist murders in every nation that took place between September 1, 2008 and August 31, 2018. Countries with five or more unsolved cases for the period are included. As a measure of political will to address impunity, CPJ noted which states participated in the UNESCO’s impunity accountability mechanism. Each year, this mechanism requests information on the status of investigations into killed journalists. The following interactive chart is a list of the countries with the worst records in prosecuting those who murder journalists in direct retaliation for their work. The countries are ranked by their impunity rating, from highest to lowest. PRESS RELEASE
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Shalay gelinkii damabe ayuu maalmo kadib dib ugu laabtay Magalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf),waxaana uu ugu baaqay Shacabka Dhuusamareeb inay u diyaar garoobaan Shirweynaha Qaran ee ka dhacaya Magaaladaas. Hayeeshee iyada oo taasi ay jirto ayaa waxaa xalay war-Saxaafadeed soo saaray Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxa uu ku sheegay in ay aqoonsan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay Sheekh Shaakir in markii uu arkay xaalada dalka ay laga maarmaan u noqotay in la badbaadiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo gogoshii uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaao ee ahaa inay Shir Wadatashi ah isugu yimaadaana Madaxda Dowlad Goboleedyada kaa soo ka dhacaya Magalada Muqdisho balse Dowlad Goboleedyada kale ay diideen. Warqadaan xalay ka soo baxday Xafiiska Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug ayaa u muuqata mid abuurtay khilaaf Cuusb iyo khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan. Khilaafka u dhaxeeya Hoggaanka Galmudug ayaa sababay in Xildhibaanada Maamulkaas ay kala dagaan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb,waxana Madaxweyne Xaaf uu ku sugnaa Dhuusamareeb balse haatan ay u muuqato in uu waayay taageeradii uu ku lahaa Magaaladaas. Xaaf oo meel cidlaa kusoo dhacay: Qoraalka kasoo baxay Sheekh Maxamed Shaakir ayaa cadaadiska kusii badin doono Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf kaasoo horey usoo lumiyey Magaalada Cadaado. Xaaf ayaa hadda wajahayo jahwareer siyaasadeed, wuxuuna ku qasbanaan doonaa inuu heshiis la galo Dowladda Dhexe maadaama uu horey awoodda Galmudug u dhiibay Ahlu Sunna oo ciidan ahaana iyo maamul ahaanba maamusho Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Galmudug. Dowladda Soomaaliya ayaa dhabarjabin culus la heshay Madaxweyne Xaaf oo muddo badan ku maqnaa Magaalada Garoowe, waxayna tallaabadaan u egtahay inay tahay middii looga takhalusi lahaa Madaxweyne Xaaf oo taageero ka heysto madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad oo shalay isniintii hortagay golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay in qaar ka tirsan shaqaalaha safaarada Soomaalida ee dibadda aaney 9 bil mushaar qaadan, arrinkaas oo ka hor imaaneysa hadallada ay suuq-geeyaan ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyo xukuumadda oo marar badan ay cod-dheer ku sheegeen in aaney ku baaqan wax mushaar ah intii ay xafiiska joogeen. Mudane Cawad oo arrinkan ka hadlayey wuxuu yiri “Safaaradaheenna oo ay tahay inay qof kasta u adeegaan, qaarkood waxaa laga yabaa 9 bilood inaysan mushaar qaadan, annagu isaga kiin sheekeyn-meyno”. Dhinaca kale, Cawad wuxuu aqalka sare ka codsaday inay ka taageeraan Budget-ka ay wasaaradda ku leedahay miisaaniyadda sanadka cusub “Budget-ka Wasaaraddu waa micno darro, hadda Budget cusub baan soo jeedinay, waxaan la qeybsanay guddiga arrimaha dibadda, waxaan rajeynneynaa inaad taageertaan, oo na garab istaagtaan, kabacdina nagula xisaabtantaan” Axmed Ciise Cawad, waxaa uu wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegay inay tahay kaabadda isku xirta Soomaaliya iyo caalamka, albaabka dalalka iyo hey’adaha dowliga ahi kasoo galaan dalka, kalana soo xiriiraan dowladda Soomaaliya, wasaaradda hagta safaaradaha, ergooyinka iyo qunsuliyadaha iyo inay si hab sami leh caalamka ugu bandhigto danaha Soomaaliya, si Soomaaliya ay u kasbato saxiibo cusub, oo ay sidaas ku abuuraan maalgeshi iyo horumar. Arrimaha kale uu wasiirku sheegay inay wasaaraddu qabato waxaa ka mid ah: xaqiijinta qaranimada dalka, gacan ka geysashada si deegaannada gobolku nabad u noqon lahaa, balaarinta baaxadda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo u khidmeynta muwadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool. Goobjoog News Source: goobjoog.com