-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xalay ka dhacday degaanka Ceel-dheer oo qiyaastii 60 Km galbeedk kaga beegan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,sida ay sheegtay wakaaladda SONNA . Weriye ka tirsan warbaahinta dowladda Soomaaliya oo ku sugan gobolka Hiiraan ayaa wakaaladda wararka SONNA ka soo xigatay in malayshiyaadka Al-shabaab ay shacabka u diideen in ay u soo dhowaadan halka la duqeeyay ama degaanka ay ka baxaan,si aan loo ogaan khasaaraha gaaray. Warbixinta ay daabacday wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA si cad looguma sheegin cidda duqeyntaasi geysatay,balse keliyah waxaa lagu xusay in dalalka Soomaaliya ka caawiya dagaalka Al-shabaab ay ka war heleen shirar malayshiyaadka uga socday degaanka Ceel-dheer,kadibna la duqeeyay. Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in degaanka Ceel-dheer ee gobolkaasi Hiiraan ay Al-shabaab ku uruuriyaan xoolaha ay ka dhacaan shacabka ku nool bartamaha Soomaaliya. PUNTLAND POS The post Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in duqeyn lagu dilay appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad oo shalay isniintii hortagay golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay sida uu u xoogeystay xiriirka Soomaaliya iyo dalalka dariska. Cawad oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Waad ka war heysaanbaan u maleynayaa xiriirka dalalka dariska waa soo xoogsanayaa, aad ayaan isugu soo dhowaaneynaa, waxaad ka arkeysaan isu socodka badan, Soomaaliya markii ugu horeysay waxaa ay horey uga jirtaa isu soo dhoweynta gobolka, waxaad arkeysaan kala yaacii dalalka qarakood ay nagu sameyn jiree iyo buuqii inuusam jirin, oo hadda Itoobiya, Eretrea, Djibouti iyo Kenya kulligood ixtiraamayaan qarannimada Soomaaliyeed, madaxweyneheennu booqashadii uu Eretrea ku tagay, booqashooyinkii kala duwanaa iyo heshiisyadii aan saxiixnay waxa ay ahaayeen kuwoo adduunka oo dhan soo dhoweeyey, dalalka dibadda ama Yurub ha ahaadeen ama jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa, ama Mareykanka waxaa ay noo sheegaan waxa ugu weyn aan qabanay inay aheyd in dalalka dariska aan isku soo dhowaney”. Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad waxaa Senatorrada u sheegay in Abiy Axmed sheegay in Farmaajo uga muhiimsanyahay Trump“Ra’isul wasaaraha Itoobiya wuxuu yiri, Farmaajo ayaa iiga muhiimsan madaxweynaha Mareykanka Trump, waayo Trump waxyar buu ii dhimi karaa ama isiin karaa, laakin Soomaaliya ama waa isla dageynaa ama waa isla koreynaa, marka wuxuu yiri, Soomaaliya ayaa aad iiga muhiimsan, annaguna sidaas ayaan u aragnaa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Boqorka sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis,ayaa sheegay in dhacdada dilka Jamaal Khashoggi uu yahay mid khuseeya wadamada Sacuudiga iyo Turkiga. Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis, waxa uu tilmaamay inay jiran wadamo dhowra oo ka faa’iideysanaya muranka labada dal, waxa uuna ku baaqay in arrinta Jamaal Khashoggi loo dayo Sacuudiga iyo Turkiga. Waxa uu sheegay Boqorka mar uu la hadlaayay warbaahinta maxaliga in dowladiisa ay ogoshahay in Turkiga ay ku qanciso xaqiiqda dilka Jamaal Khashoggi, hase yeeshee uu dareemayo inay jiran gacmo kale oo sii xoojinayo xiisada ka dhalatay dilka suxufiga. “Ma qaadan doono in gacan seddexaad ay soo faragaliso arrinta dilka Jamaal Khashoggi,waxaa howshaasi loo xilsaaray khubaro labada dal ah iyaga ayaana looga danbeyn doona howshaasi” Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis, waxa uu intaa raaciyay in dowladiisa ay horay u khirtay qaabka dilka, hase yeeshee xiligaani waxa horyaal ay tahay keliya in xal laga gaaro dilka iyo in si wada jira loo soo bandhigo natiijada baaritaanka dilka Jamaal Khashoggi. Sidoo kale, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa wadamada kale ee lugta kula jira arrinta Jamaal ugu baaqay inaysan ka hordhicin baaritaanka socda si looga fogaado khilaaf dhexmara wadamada saaxiibada ah ee Sacuudiga iyo Turkiga. Haddalkan ayaa muujinaya in dowlada Sacuudiga ay culeys xad dhaafa ka qaaday dilka Jamaal Khashoggi oo iminka laga hadal hayo dunnida oo idil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hatice Cengiz oo aheyd Xaaskii Jamaal Khashoggi ayaa hadalkaas ka sheegtay isku soo bax loogu baroor diiqayey Saxafigaasi oo lagu qabtay Caasimada London ee Britain. Isku soo baxa ayaa waxaa qeyb ka ahaa Siyaasiyiin, Suxufiyiin iyo dad u dooda xuquuqda suxufiyiinta oo aad uga carooday dilka Jamaal Khashoggi. “Jamaal wuu ogaa inay waajibkiisa tahay inuu noqdo codka dadka aan codka laheyn” ayey u sheegtay dadkii ka qeybgalay baroordiiqda. Hatice Cengiz, waxay kaloo sheegtay inay dooneyso inay mar kale ogaato halka uu yaalo Meydka Seygeeda, waxayna carabka ku adkeysay in maamulayaasha Sacuudiga ay yaqaanaan halka uu yaalo Meydka. Waxay kaloo Sacuudiga ka codsatay inay kasoo jawaaban codsiga. Dhinaca kale, Wareysi ay Hatice Cengiz siisay Reuters waxay sheegtay inay waajib tahay in lasoo wareejiyo mas’uul kasta oo ku lug lahaa fulinta iyo amarka lagu dilay Seygeeda isla markaana la horkeeno cadaalada si loo ciqaabo. Dhinaca kale, waxay kaloo sheegtay in dilka Seygeeda uu ka dhacay Qunsuliyada isla markaana dowlada Sacuudiga ay ogtahay wixii ka dhacay halkaas. Xigasho. AlJazeera + Reuters Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan shaqaale ka tirsan dowlada oo aan qaadan wax mushaar ah. Wasiir Cawad, ayaa sheegay in shaqaalaha aan qaadan mushaarka ay kamid yihiin kuwa ka howlgala safaaradaha Somalia ay ku leedahay caalamka qaarkood. Waxa uu Wasiir Cawad tilmaamay in mudada ay ogyihiin ilaa iyo hadda ay tahay 9 Bil oo mushaar la’aan ah, taasina ay tahay caqabad heysata dowlada aawgeed. Sababta aysan shaqaalahaasi 9 Bil u qaadan Mushaarka ayuu sheegay inay tahay in wasaaraddiisa ay ku yartahay qoondada miisaaniyada la siiyay taasna ay keentay in mushaar la’aan ay ku dhacdo shaqaalaha ka shaqeeya safaardaha qaar. Isagoo sii wata haddalkiisa ayuu Wasiir Cawad intaa ku daray in dhibaatooyinka haysta shaqaalaha safaardaha ay la qabaan shaqaalaha kale ee ka shaqeeya wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya. “Wax waliba waanu la socnaa balse waxaanu dooneynaa in la muujiyo dulqaad iyo howlkarnimo sida ay hadda wax yihiin waa laga baxaya anaguna dadaal ayaan muujineynaa” Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa shalay ansixiyey miisaaniyad sanadeedka 2019-ka taaso 23% ka badan miisaniyadda sanadka sii dhamanaya ee 2018-ka. Dhinaca kale, hadalka wasiirka arimaha dibadda ayaa waxa uu kusoo adayaa xili Madaxda dowladda ay inta badan sheegaan in shaqaalaha kala duwan ee dowladda la siiyay mushaaroodkooda, waxaana dhibta ugu badan ee mushaar la’aanta ka cawda shaqaalaha Hay’adda NISA iyo Militeriga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in hanjabaado kala duwan ay la kulmaan shaqaalaha BFS xiliyada lagu guda jiro mooshinada ka dhanka ah Guddoonka Golaha Shacabka. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah BFS ayaa mar uu ka hadlaayay kulankii shalay ka dhacay xarunta sheegay inuu soo jeedinayo in dib u habeen lagu sameeyo qodobada qaar. Xildhibaan Daahir waxa uu sheegay in qodobada qaar ay caqabad ku yihiin shaqaalaha Golaha waxa uuna tilmaamay in Guddoonka ay cadaadis iyo hanjabaado kula kacaan shaqaalaha xarunta xiliyada laga soo gudbiyo Mooshinka. Jeesow waxa uu dalbaday in isbedel lagu sameeyo qodobo ka mid ah Xeer hoosaadka oo ay ka mid yihiin in mas’uulka Mooshin laga keenaa uusan fariisan karin Xafiiska wixii shaqa ahna uu sii wadayo mas’uulka kale ee ku xiga. “Mooshinka laga keeno Guddoonka waxa ay caqabad ku tahay shaqaalaha mas’uul waliba markii laga keeno Mooshinka waxa uu awaamiir adag duldhiga shaqaalaha xarunta” “Shaqaalaha waxa ay ku qasbanaanayan inay qaatan amarka oo ay xariiqaan wixii loo yeeriyo iyaga oo ka cabsanaaya in la eryo, marka uu arrin sidaa yahay waxaan qabaa in mas’uulkii laga keena Mooshin uusan u shaqo tagi Karin golaha si aan loo cadaadin shaqaalaha howsha noo haya” Dhinaca kale, Xildhibaan Jeesoow ayaa shaaciyay in shaqaale badan la handaday intii lagu guda jiray Mooshino badan oo laga keenay Gudoonka Golaha Shacabka taas oo sabab u noqotay in kuwa badan oo Shaqaalahaas ka mid ah dalka ay iskaga tageen, sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ardayga la dilay Yaxye Cabdirisaaq Xaaji Wiil arday ah oo magaciisa lagu sheegay Yaxye Cabdirisaaq Xaaji ayaa xalay lagu dilay magaalada Garoowe Dilka ardayga ayaa sida la sheegay waxaa geystay rag ku lebbisan dharka tuutaha ah ee ciidamada Puntland,kuwaasoo taleefonnadii ka furtay wiilka la dilay iyo gabar la socotay. Wiilka ardayga ah ayaa dhiganayay jaamacadda Boosaaso University faraceeda magaalada Garoowe,gaar ahaanna kulliyadda Caafimaadka,sida laga soo xigtay eheladiisa. Ciidanka amniga ayaa markiiba gacanta ku soo dhigay raggii dilkaasi geystay,sida uu Puntland post u xaqiijiyay taliyaha saldhiga dhexe ee Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile(Fardafuul). Taliyaha ayaa intaasi raaciyay in ragga la qabtay ay yihiin askar ka tirsan Booliiska oo ka baxay saldhiga dhexe ee Garoowe. Dhacdadaan ayaa ku soo beegmatay xilli magaalada Garoowe ay ka nasatay kooxaha shacabka dhaca u geysta oo qaarkood hubaysan yihiin,kadib hawlgallo joogta ah oo ay sameeyeen laamaha amniga gobolka Nugaal. PUNTLAND POST The post Garoowe:Ciidanka amniga oo qabtay askar dil geysatay appeared first on Puntland Post.
-
QAYBTII KOOBAAD. Waxaa la yiraahdaa hoggaamintu waa waxa loogu hadal haynta badan yahay hadana loogu fahanka daran yahay, maxaa yeelay waxay si mug leh xiriir ula leedahay masiirka aadanaha. Siday doontaba ha ahaatee mid ka mida kuwa ugu wanaagsan ee lagu qeexo hoggaaminta ayaa ah inay tahay saamayn ama influence uu hoggaamiyuhu ku yeesho la hoggaamiyaha. Hoggaamiyuhu waa cid walba oo awood u leh inay kaa raarido ama kaa dhaadhiciso hadaf mucayana oo la hiigsanayo, deedna kugu hoggaamisa hilinka ugu wanaagsan ee looga mira dhalin karo hadaf kaas. Hadaynu si kale u dhignana waa cid walba oo ku saamaysa kaana dhaadhicisa afkaartooda deedna kugu jihaysa hilinkaas. Haddaba si ay saamaynta hoggaamiyuhu maxsuul wanaagsan u dhasho waa in hoggaamiyuhu ahaadaa aftahan balaaqo leh gudbina kara fariinta uu xambaarsan yahay. Waana inuu yahay burjiile( charismatic) wax soo jiidan kara iyo bulshay dad la dhaqan leh oo isku wadi kara qaybaha kala duwan ee ay ka koobnaan doonto bulshada uu hoggaamin doono. Hoggaamiye walba oo wax saameeyaayi wuxuu kasbadaa la hoggaamiyayaal raciyad u noqda, la hoggaamiyayaashu inta badan ma eegaan darajada hoggaamineed ee uu leeyahay hoggaamiyuhu mana tixgaliyaan aqoontiisa iyo nasabka uu ka soo jeedo toona ee waxay mar walba isha ku hayaan afcaashiisa, akhlaaqdiisa, amaanadiisa, kartidiisa iyo go’aan qaadashadiisa. Hoggaamiyaha looma shardiyo inuu ahaado mid leh aqoon sare, muhiimna maahan inuu wato shahaado sare laakiin taas badalkeeda waxaa lagama maarmaana inuu noqdo waayo arag leh garaad sare. John Maxwell oo ah mid ka mida ruug cadaayada ugu waawayn ee cilmigaan looga dambeeyo waxa uu yiraahdaa waxaa jira afar khuraafo oo dadku ku khaldamaan marka laga hadlayo hoggaaminta waxaana ugu horeeya aqoonta. Wuxuu yiri aqoonyahan waliba hoggaamiye ma noqdo. Darajo iyo awood kasta oo aad ku hesho xil laguu dhiibay ama laguu doortayna hoggaamiye kuma noqotid ee doorashada ama magacaabistu waa albaabka ugu horeeya ee uu imtixaanku kaaaga bilowdo. SOOMAALIDII HORE IYO HAGGAAMINTA Soomaalidii hore si wanaagsan ayay u fahan sanaayeen nuxurka ay hoggaamintu u lahayd nolashooda, si fiican ayayna u garowsanaayeen hoggaamini inaysa marnaba saamayn (influence) ka soo harin. Sidaas daraadeed waxay dooran jireen hoggaamiyayaal ku haboon daruuftooda. Hogaamiye dhaqameed In kasta oo hoggaamiye dhaqameedku ahaa madaxa ugu sareeya ee ay beelwayntu lahayd uuna ahaa marjaca ugu dambeeya ee loo noqdo iyo guddoon ridaha beesha haddana mid walba oo kamida waxaa lagu dooran jirey sifo isaga u gooniya oo uu wax ku saameeyo. Tusaale ahaan Garaad waxaa lagu dooran jirey tuhun lagu tuhmayo inuu leeyahay xikmad iyo abwaanimo uu wax ku kala dareerin karo kolka ay xaajadu adkaato. Islaan, Iimaan, Beeldaaje iyo malaaqna waxaa lagu dooran jirey karaamo iyo duco la rajeynayey inay reeraha ugu kaalmayn doonaan. Boqor oo ah maro dhexda lagu xiran jirey astaana u ahayd cid haysata mood magaalo iyo maal miyi labadaba xilli ayba yarayd cid dhar qaadan jirtay, ayay u badan tahay in lagu dooran jirey haysashada uu haystey hanti ama xoolo uu wax ku maareeyo kolka loo baahdo. Ugaas oo sida ka muuqata dhismaha erayga ay ku jirto magaca gaas oo ah cutub ciidana ayaa waxaa laga yaaba in lagu dooran jirey khibradda iyo waaya aragnimadiisa dagaal ee uu lahaa. Magacyadani waxay si waafiya inoogu sheegayaan in soomaalidii hore ay aad ugu xeel dheerayd qaab xulashada hoggaanka. Indheer-Garad Sidoo kalena waxaa jirey hoggaamiyayaal indheer-garada oo iyaguna talada wax ku lahaa waxa kaliya ee ay martabadaas ku gaareena ay ahay sida fudud ee ay bulshada u saamayn jireen. Waxayna ahaayeen gabyaagii iyo suugaanleydii soomaaliyeed oo mid waliba oo ka midihi beeshiisa afhayeenka u ahaa. Waxay awood u lahaayeen inay huriyaan colaad farha looga gubto ama ay ka hor tagaan kuwo soo fool leh. Salaan Carabeey iyo tixdiisii caanka ahayd ee War tolow colka jooja ee uu ku kala dareeriyay laba beelood oo qarka u saarnaa dagaal lagu halaagsamo ayaa tusaale wanaagsana. “kolkii cuurar dhintaanoo cutub wayni cidlaataa lays canaanan hadhowe war tolow colka jooja” Dhanka kalana Faarax Nuur oo ahaa gabyaa aragti dheer iyo hoggaamiye gunnima diida kana gilgishay caddaalad daro muddo dheer reerkiisu qabeen ayaa waxa ugu weyn ee uu reerihiisa gobanimada ku gaarsiiyey ay ahayd saamayntii uu gabaygiisu ku yeeshay. Isaga oo canaananaya si ay u hoggaansamaana waa kii lahaa “haddaan Arab sidaas yeela iyo waano kala quustay, sow inaan dantay waarriyaa igu wanaag maahan” Kolkii uu ku furay kobtii uu la rabayna waa kii uga tagay dardaarankiisii caanka noqday ee ahaa “lix meeshaad ku joogtaan dagaal laabta ka ogaaada, haddii luqunta laydin ka jaro lugaha meermeersha”. HOGAANKII XORNIMADA DHALIYEY Dhalinyaradii soomaaliyeed ee xornimada dhaliyey laga soo bilaabo aasaasayaashii xisbigii leegada illaa hurmoodkii dawladnimada waxay ahaa yeen dhalin ay koobnayd aqoontooda maadigaa haddana waxay unkeen oo dhidibada u taageen qaran dhan oo dhismay. Waxayna sidoo kale amaamudeen dawlad gaamurtay oo tusaale laga dhigan jiray xilligeedii. Waxay soo saareen hoggaamiyayaal ku caan baxay karti iyo hufnaan sidii raysal wasaare Cabdirsaaq Xaaji Xuseen ama kuwa kale oo loo qiray dulqaad iyo daacadnimo sidii madaxwayne Aadan Cabdulle Cusmaan. Maysan ahayn aqoon yahanno shahaadooyin waa wayn sita oo inyar-garada, ee waxay ahaayeen caqli-yahano indheer-garada oo ku gaashaaman waayo-aragnimo, han, hufnaan, karti, amaano, sariigasho, akhlaaq, hawl-karrnimo, af-tahannimo, daacadnimo, iyo dulqaad. Haddii aad doonayso inaad xaqiiqsato taariikhdii hoggaannimo ee ay lahaayeen raggaas aynu kor ku xusnay iyo sidii loo arkayey xilligii ay talinayeen Gaar ahaan aragtidii ay ka qabeen dawladihii shisheeye ee ay la macaamilayeen kolkii ay talada hayeen, ha ahaadeen kuwo waawayn iyo kuwo yar yarba’e, akhri kitaabka Africa’s First Democracy ee uu qoray Professor Abdi Samatar. Waxaad ogaan doontaa in sifooyinka aynu kor ku tilmaanay iyo raggaani ay is lahaayeen. Lasoco qaybta labaad oo ka hadli doonta hoggaanka maanta. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi The post Hoggaanka Soomaalida: Sidaad isu Doorataan ayaad isu Doorisaan appeared first on Puntland Post.
-
Cadaado (Caasimada Online)-Iyadoo uu wali khilaaf xoogan ka dhextaagan yahay dowlada Dhexe iyo maamulka Galmudug ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Sheekh Shaakir oo soo saaray qoraal ku aadan khilaafka labada dhinac ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo gogosha uu mar labaad fidiyay madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo). Sheekh Shaakir, ayaa sheegay in gogoshaasi ay tahay mid lagu doonayo in lagu daweeyo khilaafyada jira sidaa aawgeedna uusan garankarin sabab uu kaga hor imaado. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay inay midoobaan, islamarkaana muujiyan tanaasul, iyada oo la xusuusanayo weerarkii Soomaalida badan ay ku dhimatay ee 14-kii October 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe.
-
Sheikh Shaakir oo soo dhoweeyay gogosha uu fidiyay Farmaajo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa soo dhoweeyay gogosha uu madaxweyne Farmaajo mar kale u fidiyay golaha islaashiga dowlad goboleedyada,si xal looga gaaro khilaafka labada dhinac. Sheikh Shaakir ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Galmudug aqoonsantahay jiritaanka dowlada Federaalka Soomaaliya,uuna ku baaqayo in wada-hadal lagu xalliyo khilaafka xukuumadda Federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada. Sidoo kale wuxuu qoraalka ku sheegay in uu shakhsi ahaan mas’uuliyad iska’ saarayo xal u helidda khilaafka u dhexeeya labada dhinac,isagoo madaxda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xasuusiyay qaraxii lagu hoobtay ee Soobe 14 October 2017 iyo muhiimadda ay leedahay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Sheikh Shaakir oo soo dhoweeyay gogosha uu fidiyay Farmaajo appeared first on Puntland Post. -
Waxaa hakad galay howlihii shaqo ee garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay galeen biyo badan, roobab ka da’ay magaaladaasi. Saraakiil ku sugan Garoonkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in wax duulimaad ah aanu jirin, iyadoo aan la ogeyn xilliga sida rasmiga ah ay duulimaadyadan dib ugu billaaban doonaan. Dayactir wanagsan ma uusan helin garoonka magaalada B/weyne , balse maamulka gobalka Hiiraan dhankiisa waxa uu sheegay in guddi ay u sameyn doonaan garoonkan si dhismihiisa looga qeyb qaato sida ugu dhaqsiyaha badan… Xilli walbo oo uu roob ka da’o garoonka B/weyne waxaa sidan oo kale hakad u gala dhammaan duulimaadyadii magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka degmada walaweyn ee gobolka Shabellaha hoose ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo xiisado colaadeed oo degmadaas ka jira. Yuusuf Maxamed, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulkaas ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa dagaal u dhexeeya Laba meleshiye beeleed oo wada daga degmadaas. Dagaalka ayaa salka ku haya dhul daaqsin Labada dhinac ay isku qabteen, walow weli aan si rasmi ah loo kala dhex-gelin dhinacyada dirirtu ka dhaxeeyso. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, mana jirto weli xal rasmi ah oo laga gaaray. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAR-MUUSE-CABAAS-AFGOOYE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The nomadic nature of communities in Mandera county is hampering immunisation coverage exposing children below the age of five to measles, polio and pneumonia. Source: Hiiraan Online
-
The European Union Naval Force say they have blown up an abandoned boat from which pirates had attempted to hijack a Hong Kong-flagged ship on the Indian Ocean. Source: Hiiraan Online
-
PARIS (AP) — French President Emmanuel Macron has expressed support for Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed’s ambitious reforms and diplomatic peace efforts. Source: Hiiraan Online
-
The European Union Naval Force say they have blown up an abandoned boat from which pirates had attempted to hijack a Hong Kong-flagged ship on the Indian Ocean. Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Koonfur Galbeed, ayaa kulan degdeg ahaa iusgu yeeray la-taliyayaashiisa dhinaca amniga iyo xubno isaga ku dhow. Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa looga wada xaajooday amniga Baydhabo iyo Ciidmaada faraha badan ee magaalka ku soo qul qulayay maalmihii u danbeeyay, Kuwaasoo qaarkood ay wataan Dadka kursiga kula loolamaya. Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa kulanka kaidb qaaday tilaabo ay aad ula yaabeen Shacabka iyo Siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo, taasoo dadka qaarba ay u fasirteen iney soo dadajineyso shakiga la xiriira in Shariifka ku soo bixi waayo doorashada. Shariifka, ayaa shaqada ka eryay dhamaan askarta iyo saraakiisha ilaalada ka heysay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo. Dadka ku dhow Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, ayaa sheegaya in arintan la xirirto kala shaki soo kala dhex galay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ilaaladiisa, maadaama uu ka soo hor jeedsaday Taliyihii booliska Koonfur Galbeed iyo Saraakiil kale. Xubnaha la hadlay Caasimada Online, ayaa sidoo kale ku waramaya in Shariif Xasan uu u cabsaday amaankiisa, Isagoo maalmahanba ku cataabayay erayo ku aadan suura galnimada in la bartilmaameedsado, Taasoo ay aad ula yaabay dadka la jooga. Ciidamada iyo Saraakiisha laga saaray Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la geeyay xero ku taala gudaha Baydhabo, kuwaasoo loo sheegay iney meesha ku xareysnaadaan inta dib looga yeerayo. Ciidamada iyo saraakiisha la wareegay amaanka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa badankood ah dadka ku heyb/Qabiil ah Shariifka, Kuwaasoo joojiyay dhaq dhaqaaqii badnaa ee ka jiray Madaxtooyada. Ciidamadan, ayaa sidoo kale albaabka Madaxtooyada ka celiyay Saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Xildhibaano la balan sanaa Shariif Xasan, Kuwaasoo loo sheegay in aqoon buuran aan loo leheyn, Isbadal dhinaca amniga ahna uu ka dhacay Madaxtooyada. Shariif Xasan, ayaa fahansan in wax walba isbadali karaan maalmahan yar ee ka harsan doorahsada, Isagoo shaki ka muujiyay in ilaaladiisii hore loo soo maro, Kuwaasoo xanibi kara howlaha uu ka hayay gudaha Madaxtooyada, maadaama aan cidi soo geli karin. Lama oga sida uu xaal noqon doono maalmahan, waxaase maalinba maalinta ka danbeysa cirka sii galaya walaaca Shariif Xasan Sheekh Aadan ee la xiriirta inuu dib ugu soo laabto kursiga uu isaga fadhiyay sanadaha dheer ee aanu wax badanna ku qaban. Baydhabo, ayaa marti galineysa bisha danbe 17-keeda doorashada Madaxweynaha, Waxaana wax soo dooranaya Xildhibaanada Koonfur Galbeed, kuwaasoo codadkooda siinaya Musharaxa ay ka dhex xulanayaan ku dhowaad 10-ka Musharax ee kursiga u loolamaya. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
-
Is-beddelka siyaasadeed ee Itoobiya ka dhacay waxa uu noqday mid sare u qaaday dhawrista xuquuqul insaanka, ayada oo tacaddiyadii badnaa ee maamulkii ka talin jiray magaalada ee Cabdi Iley lasoo afjaray. Jigjiga oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu horreeya marka ay timaado ku tumashada xuquuqul Insaanka ayaa noqotay mid ka mida kuwa ka faa’ideystay hoggaanka is bedelay ee Itoobiya iyo imaatinka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Cabdi Iley oo ahaa shaqsigii mas’uulka ka ahaa ddaqankii waxashnimada ahaa ee ka mid noqday nolol maalmeedka shacabka Jigjiga iyo dhammaan gobolada Soomaali Galbeed ayaa ugu dambeyn xabsi galay oo uu ilaa iyo hadda liinta ku cabbaa. Yeelkeede, saameyntii dulmilow Iley, kuma koobneyd Soomaali Galbeed balse waxa ay soo gaadhay gobollada Jumhuuridda Soomaaliya sida kuwa Waqooyi oo uu dad ku laalay, qaar ku xidhay halka gobolada dhexe ay sidoo kale dulmaneyaal u noqdeen xukunkii tacaddiga badnaa ee Iley. Waxaa dulmiga u adeegsan jiray ciidamada Liyu Police oo uu ku gumaaday boqolaal kun oo Soomaali ah meel walba oo ay degan tahay. Hase ahaatee, haddii Jigjiga maanta ka nabad qabto dhibaatadii ay Iley iyo Liyu Police ku hayyeen, Kismaayo ayey ku harsan tahay mushaakilaadka raadkii Iley iyo ciidamadiisa waxuushta ah. Ciidamada Kismaayo ku sugan ee u qoran Axmed Madoobe, waaa kuwo naqshadooda laga soo koobiyey Liyu Poilice-ka Soomaali Galbeed. Hab dhaqankooda iyo sida ay ula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed oo ay ugu dameeyeen xubnaha beesha Cawlyahan ee Ogaadeen, waa mid aan ka qarsooneyn dadka ku dhaqan Kismaayo. Qofka aan Kismaayo joogin ee looga sheekeeyo in ciidamada tacadiga ka geysta magaaladaas in ay yihiin Liyu Police ama kuwo shabaha waxa ay moodi karaan in HAYB/ISKU QABIIL ahaan loogu anaanayo arintaas maadama Liyu Police ay ahaayeen Ogaadeen sooc ah iyo hoggaamiyehoodii hadda xiran iyo Axmed Madoobe balse sawirada hoose ayaa xaqiiqada ku taabsiin doona. Liyu Police waxa ay caan ku yihiin in qoorta la surto macawiis ama cimaamada! Hadda fiiri sawirada laga soo qaaday ciimadii dhawaan xasuuqa Kismaayo ka geystay iyo qaabka ay u labisan yihiin! Kaliya ma ahan in sawiradan iyo hab labiska ay ciidamada Kismaayo ee Axmed Madoobe ka dhigayaan Liyu Police, balse waxa ugu darran ee sidaas ka dhigaya ayaa ah dhaqankooda iyo dhibaatada ay ku hayaan dhammaan dadka kasoo horjeeda maamulka Axmed Madoobe. Haddii ay Jigjiga xorowday, dhabtii Kismaayo ayaa maanta u baahan xornimo. W/Q: Mahad Cabdullaahi Diini Nairobi, Kenya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Kaddib markii shakay lagu dhawaaqay miisaaniyadda dowladda federal-ka ee 2019, waxaa muuqday is bedel weyn iyo guulo la taaban karo oo laga gaaray sare u qaadista dhaqaalaha dalka iyo dakhliga dowladda ay soo xareyso. Lamabrka 340, oo iha inta milyan ee miisaaniyadda 2019 ay tahay ayaa ah astaan muujineysa guulaha dowladda madaxweyne Farmaajo ay ku tallaabsatay intii ay dalka maamuleysay. Xukumadda Federal-ka ah ee la baxday magaca Nabad iyo Nolol ayaa sameysay laba miisaaniyadood intii ay dalka mamaulkiisa gacanta ku haysay waxa ayna kala yihiin sida soo socota Labadii miisaaniyadood ee ugu dambeeyey dowladdii Xassan Shikeh 1 – $246m (2016) 2 – $260m (2017) Labada miisaaniyadda ee xukuumadda Nabad iyo Nolo. 1 – $274M (2018) 2 – $340M (2019) Labada miisaaniyadood waxaa u dhexeeya farqi gaaraya $66m. Dhinaca kale, haddii aan la barbardhigno farqiga u dhexeeya labadii miisaaniyadood ee ka horreeyey waxaa ku soo baxay – $260-%246 waa $16m! Labada miisaaniyadood ee dambe iyo labada miisaanoyadood ee hore marka aad si gaar ah isha ula raacdo waxaa kuu soo baxaya in koritaanka dhaqaalaha ee dalka iyo koboca miisaaniyadda in ay xawaare ku socota dowladda marka la eego dowladda hadda ee Nabad iyo Nolol. Sidoo kale waxaa halkaas ku cad, in ay is waafaqeen hadallada dowladda ah ee ay In dakhliga gudaha ka soo xerooda uu aad u kordhay, taas oo ay si cad uga muuqato miisaaniyadda shalay lagu dhawaaqay. Dakhliga dowladda waxaa si muuqata kordhiyey laba arrin, oo midda koowaad ay tahay horumarka xagga dhaqaale ee dalka ka jira. Dhaqaalaha dalka oo kordha waa dhaqaalaha dowladda oo kordhay, maadaama dowladda wa ka hesho oo ay canshuurto ganacsiga. Arrinta labaad ayaa ah in dowladda ay si aad ah ula dagaashay ugana hortagtay musuq-maasuqa, ayada oo malaayiin dollar oo laga dhici jiray dekedda Muqdisho iyo wasaaradaha dowladda ay xukuumadda xakameysay. Labada arrinba waxay muujinayaan dowlad ay daacad ka tahay wax qabad. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
In badan waxay kooxaha mucaaradka ku ah dowladda hadda jirta iyo madaxda maamul goboleeyadu dowladda ku eedeeyeen inay xoogga saartay baraha bulshada. Taageerayaasha badan ee dowladdu ku leedahay baraha bulshada ayaa lagu tilmaamay kuwo lagu bixiyay lacag badan. Waxaa eedaha lagu daray in shacabki Soomaaliyeedba ay kasoo qaadday inta ooga sacab tunto Faysbuugga. Haddaba eeddaasu ma saxbaa dowladduse ma ku saxantahay inay ku tiirsanaato baraha bulshada si ay u ogaato rabitaanka shacabka? Waxaa qabaa inay sax tahay arrintaas. Bulsho walba oo dal ku nool waxay ka koobantahay saddex un. Koox siyaasadda ku jirta ama talo ha hayso ama mucaarad ha noqoto. Koox ree balad ah oo ku xiran idaacadaha lana socoto waxa dalka ka socdo sidaas darteedna wixii soo kordha wax ka yiraahda iyagoo isticmaalayo kannaalo kala duwan sida wargaysyada iyo baraha bulshada. Kooxda seddexaad waa dadka meesha uu u badan yahay. Waa shacab weynaha aan waxba ka ogayn waxa socda. Waxaa dhici karto ianysanba kala jeclayn cidda talada dalka hayso, waxaa dhici karta inaysan war u ahayn waxa dalka ka socda oo aysan marin (access) u haysan warbaahinta iyo baraha bulshada sida dadka miyiga iyo tuullyinka fog fog ku nool. Dowlad walba oo jirta iyo mucaaradka doonayo inuu talada kala wareego wuxuu xoogga saaraa hanashada aragtida dadka u dhuun daloola waxa dalka ka socda. Dadkaas oo ku teegeera waa tubta lagu gaaro kursiga dalka ugu sarreeyo. Haddii aad talada hayso waa dadka aragtidooda aad ku qiimayn karto in la rabo iyo in la nacay maamulkaada. Waddamada dadka codkiisa madaxda lagu noqda, baraha bulshada ayay dadaal badan iyo qarashba ku bixiyaan dadka tartanka ugu jira hoggaanka dalka iyo kuwa talada hayaba. Tusaale sanadki hore doorashadi ka dhacday dalka Ingiriiska xisbiga shaqaalaha oo tartarnka ku jiray wuxuu ku bixiyay faysbuugga hal miyal oo gini (qiyaasti hal milyan iyo labo boqol oo kun oo doolar). Sidoo kale xisbiga talada hayay ayaa isna caddad intaas ka badan ku bixiyay faysbuugga si uu dadka ooga gado siyaasaddiisa dibna loogu doorto. Waddamada aysan cidna u baahnayn codka shacabka naftoodu kama maarmaan idaacadaha iyo baraha bulshada. Dalalka Carabta ayaa lacag aan xisaab lahayn ku bixiyo baraha bulshada si ay sawir qurxan ooga bixiyaan maamulladooda shacabkooda iyo bulshooyin kalana u indha sarcaadiyaan. Tusaale, dowladda Sacuudiga ayaa malaayiin doolar siisay shirkado xayaysiin oo fadhigoodu yahay Ingirriska si ay indhaha shacabka caalamka ooga jeediyaan ceebta kasoo gaartay dilkii wariye Jamaal Khashooki sida uu qoray wargayska The Guradian. Warbixintaas waxaa lagu sheegay in hal muuqaal oo soconayo 15 daqiiqo kasoo lagu soo xayaysiinayay dalxiiska Sacuudi Carabiya uu soo jiitay malaayiin dad ah waqti yar gudahiis. Dunida casriga ah, baraha bulshadu waa meesha ugu dhaqsaha badan ee dadka warka lagu gaarsiiyo. Tusaale qarixii ka dhacay magaalada Boston ee dalka Maraykanka, dhowr ilbiriqsi un ka dib marki uu dhacay waxaa lagu faafiyay Tiwiterka. Idaacaddii ugu hooraysay waxay isla warkaas baahisay 15 daqiiqo ka dib markuu dhacay. Waqtiga ay idaacaduhu billaabeen baahinta warkaas, malaayiin qof oo ku nool dunida dacalladeeda ayaa mar hore kala socotay baraha bulshada. Arrintaan waxay keentay in idaacaadaha dunida ugu afka dheer, inta aysan warka ay helaan kasoo dayn taleefishinnada iyo raadiyayaasha hawada ku jiro ay kusoo qoraan baraha bulshada sida tiwiterka iyo faysbuugga. Dalkeennu miyuu dunida kale ka duwan yahay? Waxaa aaminsanahay inuusan ka duwanayn balse uu ka mid yahay dalalka ugu mudan isticmaalka baraha bulshada marki la doonayo sara u qaadidda sumcadda dalka iyo soo jiidasahada shacabka. Waayo dadka soomaaliyeed waa dad soo jeeda si aad ahna ugu xiran idaacadaha iyo baraha bulshada. waa xaqiiq in dadka intiisa badan uusan marin u lahayn internetka, laakiin kuwaas maahan yoolka loo socdo. Yoolka waa dadka eegayo dhaqdhaqayada dowlada iyo dhinaca ay u socoto siyaasaddeeda. Dadkaasu waa dadka ku xiran baraha bulshada. Sidoo kale, dadka ku xiran baraha bulshada waxay ka turjumayaan rabitaanka ama nacitaanka bulshada guud. Haddii inta badan dadka ku xiran baraha bulshadu ay diidaan arrin waxay ka dhigan tahay in bulshadu arrinkaas kasoo horjeeddo sidaa darteed in la tixgaliyo xalna loo helo muhiim ayay noqon. Sababta in fahmo maahan mid u baahan cilmi iyo aqoon durugsan ee mid iska cad. Waayo ma dhici karto in lagu doodo inta faysbuug ku xiran waa dad gooni ama hal faker aaminsan ama hal beel ah ama hal deegaan kasoo jeedda. Maadaama, dadkaan yihiin dad kala da’ ah, kala deegaan ah, kala aqoon ah, kala aragti ah waxay si buuxdo u matalaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Maxay mucaaradku arrintaas ceeb ooga dhigayaan? Mucaaradku waa labo. Kooxda kurisga doonayso sida C C Shakuur iyo Fiqhi iyo kuwa la mid ah. Kooxdaan eedayntaasu waxay ka tahay weerer iska caadi oo lagu yaqaan mucaaradka waana mid lagu tilmaami karo labo wajiilaynta siyaasiyiinta dunida, waayo iyaga ayaaba dowladda ooga badan inay baraha bulshada taageero ka raadiyaan ama aragtidooda kula wadaagaan bulshada guud. Uma arko inay ku khaldan yihiin isticmaalka weerarka noocaan ah waayo meel walbaoo ay u arkaan inay kaga guulaysan karaan dadka talada hayo inay gacanta galiyaan waa lagu yaqaan mucaraad oo dhan, khaladna maahan hadduusan hagardaamo dalka wax u dhimayso la socon. Kooxda laabaad waa madaxda maamul goboleedyada. Kooxdaan waxay u badan yihiin odayaal siyaasadda aan tacliin usoo marin. Sidoo kale, sida waayeelka kale ee dunida ku nool, waxaa ku adag isticmaalka baraha bulshada iy guud ahaan Internetka. Waxay fahmi karaan maahan dagaalka baraha bulshada iyo sida ay u sahlan tahay in lagu hanto aragtida dad weynaha. Ma fahmi karaan saamaynta ay leeyihiin farriimaha ay dowladdu marinayso faysbuugga. Ma fahmi karaan khalgiga tiro dhaafay dadka Faysbuugga ka taageero dowladda iyo sida hadba dhinac loogu jiheeyo. Waxayba fahmi la’yihiin waxa dowladdu muhiimmada u siinayso baraha bulshada oo ay iyaga ula hadli la’dahay. Waxaanba u muuqan in yoolka xukuumaddu yahay hanashada shacabka taageersan madaxda maamul goboleedyada. Waxaysaba ogayn in farriimaha la marinayo baraha bulshada ay ka xoog badan yihiin in iyaga lala kulmo ama la qanciyo. Dhowrka wasiir ee ree magaalka ah ee ku jira maamul gobaleedyadu waa ay yaqaannaan muhiimmada baraha bulshada waqti badan ayayna galiyaan diridda farrimaha ay rabaan inay bulshada gaaraan. War iyo dhammaantii dowladdu kuma khaldana inay ka shidaal qaadato baraha bulshada. Waxaa sax ah inay qiimayso rabitaanka shacabka iyadoo ku tiirsan baraha bulshada iyo meelaha uu dad weynuhu kusuoo bandhigo aragtidiisa. Taasi kama dhigna inaysan qancin shaqsiyaadka wax tabayanaya ee meelaha haysto magaca uu rabo ha watee. Waxaa muhiim ah inay labadaba isku garab wato si loo gaaro waxa u roon dalka iyo dadka. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/ Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka oo 27-Okt-2018 ka dhacay magaalada Muqdisho waxa uu kadhigan yahay tallaabo fiican oo ay qaadday siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxaana suuragal ah in dhaqaaqa siyaasadda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 5tii sano ee ugu dambeysay ay sabab u ahaayeen dadaaladii is xigxigay ee ay wasaaradda arrimaha dibaddu kuhirgelisay xiriirka wax wadaqabsiga iyo kala macaashka kudhisan, kaas oo weji cusub u yeelay muuqaalka diblomaasiyadda ee Soomaaliya. Sida lagu qoray webka www.oic-oci.org kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga Islaamku waxa uu ahaa mid heer wasaaradeed ah oo ay kaqaybgaleen wakiilada 16 dowladood oo xubno ka ah Ururka iskaashiga Islaamka. Sida lagu sheegay bogga www.oic-oci.org waxa kulakaas xoogga lagu saaray lafagur kusaabsan habka ugu wanaagsan uguna sahlan ee lagu xoojin karo dhinacyada dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya, xaqiijinta siyaasad deggan, Joogtenya nabadgelyada, horumarka iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka koowaad ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kasheegay furitaankii kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC in qabashada iyo taabbagelinta Soomaaliya ee kulankaas ay dalliil cadiyo tusaale u tahay isbeddelka wanaagsan ee sameysay, isaga oo sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay si dhab ah uga shaqeyneyso dib u habaynta dhammaan hay’adaha dowladda. Danjire Hishaam Yuusuf Kaaliyaha guud ee arrimaha bani’aadminiada ee OIC oo ku hadlayey magaca xog-hayaha guud ee ururka iskaashiga Islaamka Dr Yuusuf Axmed ayaa kasheegay kulanaka kooxda xiriirka Soomaaliya uu tusaale u yahay sida ay OIC uga go’an tahay taageeradadadaalka shacabka Soomalaiyeed iyo xkuumadduba ugu jiraan dhismaha mustaqbal wanaagsan oo uu yeesha dalka Soomaaliya. Guusha siyaasadeed ee Soomaaliya ka macaashtay kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC ayaa ah in gunnaanadkii kulanka uu ka soo baxay warmurtiyeed ugu yeeray dowladaha xubaha ka ah OIC in ay ka taageeraan jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya dhinacyada kaladuwan ee horumarka. Soomaaliya waxa ay xubin firfircoon ka ahayd asaaskii ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana Kudhowdaan 50 sano akhor sanadkii 1969-kii lagu qabtay magaalada Muqdisho kulankii OIC, taas oo kadhignayd in Soomaaliya ka ciyaareysay dunida Muslimka kaalin weyn oo siyaasi ah, sidaas oo kalana waxa qayb muhiim ah ka ahayd ururkii midnimada Afrika oo maanta ah midowga Afrika. 2016, waxa agaalada Muqdisho kadhacay kulamo is xigxigay oo heer qaaradeed iyo heer goboleed ah kuwaas oo uu qayb ka ahaa kulamada midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Madaxweyne Trump ayaa darsaya tirro ficilo ah (Different options) oo ay kaga jawaabi lahaayen falkii ay dowlada Sacuudiga ku dileen Jamaal Khashoggi. Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa hadalkaasi sheegtay mar wax laga weydiiyay qorshayaasha maamulka uu kaga fal celinaayo dilka Saxafiga Sacuudiyanka ah. Sarah Sanders, waxay sheegtay in la uruuriyay dhammaan xogihii mukhaabaradka isla markaana uu maamulka Mareykanka haatan miisaamayo kala xulashada dhowr ficil. “Maamulka wuxuu garwaaqsanayaa talaabada aan horay u qaadi doono iyadoo aasaas looga dhigayo warbixintii madaxweyne Trump loo soo gudbiyay asbuucii hore” ayey tiri Xoghayaha. Mar wax laga weydiiyay inay agaasimaha Sirdoonka Mareykanka ay dhageysatay codadka Saraakiisha Turkiga sheegen ayey ka gaabsatay inay xaqiijiso ama beyniso nooca Sirdoonka ee loo gudbiyay Gina Haspel. Haddal kasoo baxay Aqalka cad ayaa lagu sheegay in go’aan qaadashadaasi ay ka danbeysay kadib markii agaasimaha mukhaabaraadka Mareykanka Gina Haspel ay dhawaan Madaxweyne Trump u gudbisay cadeymaha dilka Jamaal. Haddalka kasoo baxay Aqalka cad laguma faafin talaabooyinka miiska saran iyo heerka uu gaarsiisan yahay fulinta go’aankaas. Agaasime Gina Haspel, waxa ay dhawaan booqasho gaaban ku tagtay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga halkaa oo ay kula kulantay Saraakiil dowlada Turkiga u qaabilsan baaritaanka dilka Jamaal oo ay ka heshay muuqaalo iyo codad muujinaaya dilka Jamaal. Tifaftiraha Telefeshinka CNN ee arrimaha diblumaasiyada caalamiga Nic Robertson ayaa sheegay in Madaxweyne Trump keliya uu soo afjari karo xiisada ismari’waaga ee ka dhalatay dilka Jamaal. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump waxa uu horay u sheegay in dowlada Sacuudiga uusan kusoo rogi Karin cunaqabateyn maadaama hubka ugu badan ay ka iibsadan. Xigasho: CNN + Anadol