-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) UNITED NATIONS CORE VALUES: INTEGRITY, PROFESSIONALISM, RESPECT FOR DIVERSITY THIS POSITION IS OPEN TO SOMALI NATIONALS ONLY AND DOES NOT HAVE INTERNATIONAL BENEFITS DEADLINE FOR APPLICATIONS: 15 NOVEMBER 2018 DATE OF ISSUANCE: 16 OCTOBER 2018 FUNCTIONAL TITLE: ASSOCIATE DISARMAMENT, DEMOBILISATION AND REINTERGRATION OFFICER LEVEL: NO-B SECTION: DDR SECTION/ROLSIG LOCATION: MOGADISHU DURATION OF CONTRACT: ONE (01) YEAR FIXED TERM APPOINTMENT VACANCY ANNOUNCEMENT NUMBER: UNSOM/DDR/044/2018/SM For details follow this link – website https://unsos.unmissions.org/jobs. Applications to be sent to – Email: recruitment-unsoa@un.org The United Nations shall place no restrictions on the eligibility of men and women to participate in any capacity and under conditions of equality in its principal and subsidiary organs. THE UNITED NATIONS DOES NOT CHARGE A FEE AT ANY STAGE OF THE RECRUITMENT PROCESS (APPLICATION, INTERVIEW MEETING, PROCESSING, OR TRAINING).
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Siyaasadaha ay isticmaaleyso dowlada Somalia ee uu Hogaamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre ay saaran tahay mas’uuliyad gaara oo la doonayo inay ku xaq dhowraan mas’uuliyiinta ku jira Siyaasada dalka. Xasan Sheekh Maxamuuf wuxuu sheegay in madaxda dowladda hadda jirta looga baahan yahay inay la imaadan Siyaasad furfuran oo ay kula dhaqanto mucaaradka. Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Madaxda dowlada Somalia ay aad u diidan talooyinka iyo dhaliilaha loo jeediyo. Waxa uu ku taliyay in madaxda ay qaadato dhaliisha ku aadan hawlaha ay ka gaabisay, wixii ay ku hormartayna lagu amaano. Waxa uu sheegay in aysan wax xun aheyn hanaanka mucaaradnimada, loona baahan yahay in dowladda loo sheego hawlaha ay ka gaabisay, si ay horey ugu sii socoto. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Dadka xukuumada aan ku jirin ee banaanka jooga waxaa saaran masuuliyad wadareed, masuuliyadda dadka ay saaran tahay waa dowladda” “Waxaa laga rabaa inay la yimaadaan wax soo saar dhinac kasta ah, waxaan qabaa mucaaradnimadu ma xuma, hadii ay tilmaamayaan wax qaldan waa inay dowladdu saxdaa, dalkan waa dal dimuqradi ah, dowladda meeshii ay ka gaabisay waa loo sheegaa, meeshii ay hormarisayna waa lagu ammaanaa”. ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu talada dalka hayay ahaa mucaaradka fursad ay ku dhaliilaan dowladda aanan siin jirin, iyada oo caburin xoogan uu ku sameyn jiray warbaahinta dhaliili jirtay dowladdiisa. Haddalka Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xili dhinacyada mucaaradka ay culeys Siyaasadeed ka tabanayaan dowlada Somalia, waxaana xusid mudan in Xasan Sheekh uu dhawaan ku dhawaaqay Xisbi mucaarad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka soconaya howlgal aad u ballaaran oo ay sameynayaan ciidamada K/galbeed, kuwa dowladda federaalka iyo sidoo kale ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Warar goor dhow aan helnay waxay sheegayaan in ciidamadan ay galayaan guryaha ku yaalla xaafadahaha magaalada Baydhabo, waxaana la sheegayaa in lasoo qabtay dad badan oo lagu tuhunsan yahay Al-shabaabnimo. Howlgalladan ka socda magaalada Baydhabo ayaa ah kuwo aad uga duwan kuwii hore, waxaana la sheegay in howlgalkan uu daba socdo qaraxyadii 13 October ka dhacay magaaladaasi iyo cabsi ah iney jiraan xubno Al-shabaab ah oo ku sugan gudaha magaaladaasi. In ka badan 20 qof ayeey ciidanku kala soo baxeen guryahooda, kuwaasi oo la geeyey xarumaha baarista, sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan K/galbeed. Dhanka kale, waxaa muddo Labo cisho ah magaalada Baydhabo guud ahaanteedba laga mamnuucay gaadiidka loo yaqaan Bajaaj iyo sidoo kale NOAH. Waxaa lagu wargeliyey dadka leh gaadiidkaasi ineysan banaanka usoo bixin, haddii kale lagala wareegi doono, ruuxa wadana xabsiga la dhigayo. Ammaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeynayaa, waxaana magaaladaasi dhowaan ka dhici doonta doorashada madaxweynaha K/galbeed. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka warbixiyey howlgallo ay ciidanka dowladda ka wadaan deegaanno ka mid ah gobolkaasi oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab. Maxamed Ibraahim Barre oo ah guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose ayaa u sheegay Goobjoog Fm in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay wadaan howlgallo ay ku furayaan waddooyinkii ay xirteen Al-shabaab. Mar uu soo hadal qaaday ammaanka magaalada Marka ayuu sheegay iney tahay mid aad u wanaagsan, islamarkaana ciidanka ay howlgallo ka wadaan deegaanno ku dhow magaaladaasi, laguna furayo waddooyinka. Guddoomiye Barre ayaa sheegay in howlgalladan ay sii socon doonaan tan iyo inta Al-shabaab laga saarayo gobolkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Warka-Muuse-Cabaas-Cismaan-Maamulka-Goblka-Howlgalka-ka-hadlay.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Puntland Post-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilkii Weriyaha u dhashay dalka Sacuudiga ee lagu magacaabi jiray Jamal Khashoggi. Dilka Jamal Khashoggi ayaa ka dhex dhacay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Turkiga, ay ku leedahay waxaana la cadeeyay in maalintii uu dilku dhacayeye la fasaxay shaqalaha safaarada sida lagu helayo baaritaano hordhac ah. Howlwadeenada Safaarada waxa sida oo kale la sheegaya in ay mamnuucen in amar la’aan la soo galo xarunta oo ay ka soctay howlgalka lagu dilaayay Jamal Khashoggi. Warar kala duwan oo saaka ay daabacayaan Jaraa’idyada kasoo baxa dalka Sacuudiga ayaa qoraaya in boqortooyada ay maanta si rasmi ah u shaacin doonto dilka wariyaha loo haysto. Sacuudiga ayaa shaacinta dilka Jamal Khashoggi ku dhiiraday kadib markii ay soo foodsaartay culeysyo kaga imaanaya reer galbeedka iyoTurkiga oo aad uga carooday qaabka uu dalkiisa uga dhacay dilkan. Jaraa’idyadu waxa ay daabaceen in Jamal Khashoggi markiisii hore lagu khaldamay, balse uu dhintay xili lagu hayay baaritaankii ka danbeeyay xarigiisa. Waxa ay Jaraa’idyadu qoreen in dowlada Sacuudiga ay buunbuuninta dilka Jamal Khashoggi ku tuhmayso dowladaha Qatar iyo Turkiga oo ay ku eedeysay in dagaalkooda ay u rogeen saxaafada. Weriye magaciisa lagu sheegay Hemza oo wareysi hordhaca la sameeyay qaar kamid ah Saraakiisha danbi barista ee gacanta ku haya kiiska ayaa sheegay in Sacuudiga ay ku cadahay dilka Jamal Khashoggi. Hemza oo ka howlgala Telefeshinka Qaranka Turkiga ayaa boggiisa kusoo daabacay in dowlada Turkiga ay dhankeeda si rasmi ah saaka ugu dhawaaqi doonto baaritaanka oo maraaya gabagabo. Sidoo kale, Telefeshinada Al-Jazeera iyo CNN ayaa saacado un ka hor sheegay in khubarada Turkiga ee gacanta ku haya kiiska baaritaanka dilka Jamal Khashoggi uu yahay mid cad isla markaan ay Sacuudiga u harsan tahay keliya inay ku dhawaaqdo. Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in gudaha qunsuliyadda ay ka dhex heleen caddeymo muujinaya in Sacuudiga ay isku dayeen inay qariyaan caddeymo muujinayey in Jamal Khashaggi la dilay. Si kastaba ha ahaatee, dowladaha carbeed iyo kuwa reer galbeedka ayaa maanta si wada jira u sugaaya in Sacuudiga uu qirto dilka Jamaal, wallow Jaraa’idku ay qorayaan in Jamaal leysku dayay in la suuxiyo si loogu qaado Riyadh, hase yeeshee uu ku dhintay howlgalka socday. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Wargaysyada Caalamka oo qoraya in Sucuudigu saaka Cadaysanayo Dilkii Wariyihii Qunsuliyadooda lagu dilay. appeared first on Puntland Post.
-
BRUSSELS (HOL) – A Somali-Belgian woman has won a local city council member post, becoming the first Somali to have been elected to take a political post in Belgium’s history. Source: Hiiraan Online
-
Dhowaan waxaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo magaalada Baydhabo, taasi oo ah midda madaxweynaha ee maamulka K/galbeed. Iyadoo waqtiga uu dhow yahay ayaa illaa iyo haatan waxaan la dhisin guddigii doorashada ee maamulkaasi, taasi oo walaac ku beertay siyaasiyiin iyo sidoo kale musharraxiin, kana baqayaan in dib u dhac ku yimaado doorashadaasi. Senetor Xuseen Sheekh oo akhrinayey qoraal ay wadajir usoo saareen xubnaha aqalka sare ee kasoo jeeda K/galbeed ayaa sheegay iney dalbanayaan dedejinta dhismaha guddiga doorashada. Sidoo kale waxa uu sheegay mudanahan iney ka digayaan farogelin lagu sameeyo doorashada K/galbeed. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/CODKA-SEN-XUSEEN-SHEEKH-MAXAMUUD-15-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay howlgallo ballaaran oo maalmahan dambe ay ka wadeen deegaanno ka mid ah gobolkaasi. Taliyaha guutada Shanaad ee ciidanka xoogga dalka, Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay in ciidanka ay fureen waddooyin badan oo u xirnaa Al-shabaab, kadib howlgalkoodii kasoo bilowday magaalada B/weyne. Waxa uu taliyaha sheegay in sidoo kale ay dhowaan furi doonaan waddooyin kale oo Al-shabaab u xiran, kana mid ah gobolka Hiiraan. Meelaha ay howlgallada ka fuliyeen ayuu sheegay taliyaha in amni ahaan aad u wanaagsan tahay. “Amniga aad ayuu u wanaagsan tahay, ciidanku waxay cagta mariyeen meello badan oo Al-shabaab maamulayeen, waxay furi doonaan waddooyinka kale ee nabad diidka u xiran” ayuu yiri taliyaha. Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa AMIOSM ayaa howlgal ballaaran waxay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdish-[Puntland Post]-Dowladda Soomaaliya ayaa faafaahin ka bixisay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, kaasi oo lagu taageerayay dowladda Sucuudiga. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay in Soomaliya ay Sucuudiga ku taageerayso arinta wariyaha la laayahay ee Sucuudiga loo haysto. Dawladaha Caalamka ayaa cadaadis ku saaraya xukuumadda Riyaad in ay caddeyso halkii uu ku dambeeyay weriye Sucuudiga u dhashay oo lagu tuhunsan yahay in ay khaarijisay dowladda Sucuudiga. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlaya idaacada BBC aya waxa uu si faah fahsan uga hadlaya mihiimada uu daaran yahay warsaxafadeedkoodu iyo ujeedada ay ka leeyihiin. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Wasiir arimaha Dibada Soomaliya’’ Sucuudiga waxan ku taageernay Cadaadis uga yimid Dawladaha Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu ku bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar lama filaan ah kusoo qaadeen Koontarool laga soo galo degmadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Hal askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, iyadoo mid kalena dhaawac uu soo gaaray. Dhanka Al-shabaab lama oga khasaaraha kasoo gaaray dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Jowhar. Xaaladda guud ee magaalada Jowhar ayaa saakay ah mid deggan, iyadoo dhanka dowladda aanay war ka bixin dagaalkaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
With a record number of women running for office in the 2018 midterm elections – and with many poised to make history – the trend this year seems to be a blue and pink wave in politics. Source: Hiiraan Online
-
Less than a week after two teachers were killed in an Al-Shabaab raid at Arabia Boys Secondary School, the local leadership is now blaming the national government for the runaway insecurity in the area. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Sacuudiga ayaa laga dalbaday in xabsiyada dalkaasi ay kasii deyso muwaadin u dhashay dalka Qatar oo la waayay bishii May ee sanadkii la soo dhaafay. Sacuudiga ayaa shaqsigaasi la sheegay inay ku riday xabsi dhulka hoostii oo ilaa iyo hadda lagu la’ yahay nolol iyo geeri. Hay’adda The Doha-based National Human Rights Committee ayaa sheegtay in Sacuudiga ay muwaadinkaasi u geysteen dhibaatooyin ka muuqda jirkiisa, hase yeeshee laga doonayo inay sii deyso. Hay’addu waxa ay intaa raacisay in Sacuudiga ay dusha saaran doonto maqnaashaha Seddex ruux kale oo isla dalkaasi u dhashay. Ali bin Samikh al-Marri, oo ah Gudoomiyaha hey’adan oo warqad uu u diray waaxda QM u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay in baaritaan lagu sameeyo arintaan. Ali bin Samikh al-Marri, waxa uu suuragal ku sheegay in muwaadinka Qadriyanka ah iyo Seddexda kale mr hore la dilay, waaba haddii ay dhacdo in wali ay kusii jiraan xabsiga hoose. Dhinaca kale, Mr. Ali bin Samikh al-Marri ayaa ku celcelshay in si dhaba loo baaro suuragalnimada inay noolyihiin afarta Muwaadin oo aan dib loo arag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu wali kasoo baxayaa dil la sheegay in loo geystay Weriyaha u dhashay dalka Sacuudiga ee lagu magacaabi jiray Jamal Khashoggi. Dilka Jamal Khashoggi ayaa ka dhex dhacay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Turkiga, waxaana lasoo sheegayaa in maalinta uu dhacaayay dilka la fasaxay gabi ahaan howlwadeenada Qunsuliyada. Howlwadeenada Qunsuliyada ayaa xiligaa laga mamnuucay in amar la’aan ay soo galaan xarunta oo ay ka soctay howlgalka lagu dilaayay Jamal Khashoggi. Warar kala duwan oo saaka ay daabacayaan Jaraa’idyada kasoo baxa dalka Sacuudiga ayaa qoraaya in boqortooyada ay maanta si rasmi ah u shaacin doonto dilka Jamal Khashoggi. Sacuudiga ayaa shaacinta dilka Jamal Khashoggi ku dhiiraday kadib markii ay soo foodsaartay culeysyo kaga imaanaya reer galbeedka iyoTurkiga oo aad uga carooday qaabka uu u dhacay dilka. Jaraa’idyadu waxa ay daabaceen in Jamal Khashoggi markiisii hore lagu khaldamay, balse uu dhintay xili lagu hayay baaritaankii ka danbeeyay xarigiisa. Waxa ay Jaraa’idyadu qoreen in dowlada Sacuudiga ay buunbuuninta dilka Jamal Khashoggi ku tuhmayso dowladaha Qatar iyo Turkiga oo ay ku eedeysay in dagaalkooda ay u rogeen saxaafada. Weriye magaciisa lagu sheegay Hemza oo wareysi hordhaca la sameeyay qaar kamid ah Saraakiisha danbi barista ee gacanta ku haya kiiska ayaa sheegay in Sacuudiga ay ku cadahay dilka Jamal Khashoggi. Hemza oo ka howlgala Telefeshinka Qaranka Turkiga ayaa boggiisa kusoo daabacay in dowlada Turkiga ay dhankeeda si rasmi ah saaka ugu dhawaaqi doonto baaritaanka oo maraaya gabagabo. Sidoo kale, Telefeshinada Al-Jazeera iyo CNN ayaa saacado un ka hor sheegay in khubarada Turkiga ee gacanta ku haya kiiska baaritaanka dilka Jamal Khashoggi uu yahay mid cad isla markaan ay Sacuudiga u harsan tahay keliya inay ku dhawaaqdo. Taleefishinka Al-Jazeera oo kiiska Jamaal ku bixineysa juhdi ayaa xalay kasoo xigtay dacwad oogaha dalka Turkiga inay haleen caddeymo muujinaya in la dilay Jamal Khashoggi kadib markii baarayaasha Turkiga ay galeen qunsuliyadda. Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in gudaha qunsuliyadda ay ka dhex heleen caddeymo muujinaya in Sacuudiga ay isku dayeen inay qariyaan caddeymo muujinayey in Jamal Khashaggi la dilay. Si kastaba ha ahaatee, dowladaha carbeed iyo kuwa reer galbeedka ayaa maanta si wada jira u sugaaya in Sacuudiga uu qirto dilka Jamaal, wallow Jaraa’idku ay qorayaan in Jamaal leysku dayay in la suuxiyo si loogu qaado Riyadh, hase yeeshee uu ku dhintay howlgalka socday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Military officers who are believed to have incited members of the special forces who marched to the prime minister’s office last Wednesday are in custody, said Ethiopian Defense Force chief of staff General Seare Mekonen as reported state media, Ethiopian Broadcasting Corporation Source: Hiiraan Online
-
President Recep Tayyip Erdogan has strangled the free press, but his country has emerged as the source of grisly information about Jamal Khashoggi’s disappearance. Source: Hiiraan Online
-
On the dusty streets of Somaliland's capital Hargeisa, Mohammed Ahmed Ismail is arranging paper money in his tidy, waiting for clients who wish to exchange foreign currency. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu qoray machadka daraasaadka amni ee Hiraal, Xafiiska maaliyadda Al-Shabaab waxa ay lacagaha u qeybiyaan Saddex: Saadka, raashinka, shidaalka iyo wixii la midka ah: Sida xaaladaha deg degga ah, kuwaas oo lagu qarash gareeyo hoggaanka Al-Shabaab laguna badbaadiyo: Qeybta u dambeeysa waxaa la siiyaa xafiisyada wasaaradaha ee gobolada halkaas oo qoondada lagu sameeyo. Gobolada qaniga ah waxa ay isticmaalaan waxa ay rabaan waxa ayna inta ugu badan ku qarash gareeyaan xarumaha dhexe ee Al-Shabaab; sida deegaanada faqriga ah, tusaale Mudug iyo Galgaduud oo aan iska bixin karin qarashaadkooda, waxa ay taageero ka helaan xarumaha dhexe. Madaxa xafiis walba waxa uu lacagaha lagu bixiyo hawlgalada socda ka helaa xafiiska maaliyadda ee heer gobol. Hase ahaatee, waxyaabaha deg degga ah waxaa laga qaadayaa gudoomiyaha gobolka, oo loo yaqaan madaxa Wilaayada. Waxaa xiiso leh, lacagaha deg degga ah bil walba waxa ay dhaafaan intii loogu talagalay, waxaana loo dhiibaa madaxa deegaanka haddii la adeegsado iyo haddii kaleba. Lacagaha deg degga ah oo ka bilowda bil walba $3,000 ilaa iyo $10,000 waxaa loo adeegsadaa qaab deeq ahaan oo la siiyo madaxa xafiisyada heer gobol. Waxaa laga tusaale qaataa in gobol walba xafiiskeeda uu isticmaalo $7,000, sanad walba waxaa markaa ku baxa xafiis walba oo gobol $502,000 taas oo ka dhigan $4.5mn in ay ku baxaan sagaalka gobol ee ay maamulado ka dhisan yihiin. Kooxda waxa ay qarashaad badan ku bixisaa qorista dagaalyahanada oo uga baxa qaab mushaar. Dagaalyahanada lugta/ifentariga waa raqiis, waxa ay helaan lacago ka bilowda $30 bishii halka xaasaskooda ay helaan $30 kale oo dheeri ah halka $20 la siiyo halkii cunug ee uu dhalay. Iyaga oo leh 5,000 oo dagaalyahanno shaqeeya hadda, waxa ay lacagta mushaar ahaan uga baxda ka dhigeysaa sanadkii $3 milyan halka $3.6 milyan ay uga baxaan raashin, taas waxaa dheer in dagaalyahan walba maalintii helo $2. Sirdoonka Al-Shabaab yaa hela mushaarka ugu badan, waxa uuna ka bilowdaa $200 bishii, waxaa u dheer dhaqaale kale oo lagu kabo haddii ay ka hawl galaan deegaan cadaw. Qarashaadka ku baxa waxaa sanadkii lagu qiiyaasaa $1.5 milyan, sida ay ku ogaatay Hiraal dhaq dhaqaaqooda. Sidaas oo kale, taliyeyaasha iyo madaxda xafiisyada waxaa la siiyaa $200 bishii halka uu mushaarkooda ka bilowdo $400 oo lagu saleeyo xilka ay hayyaan, waxa ay isku darka noqoneysaa $11 sanadkii. Isku darka qarashaadka Al-Shabaab ee sanadkii ee gobolada waxa uu noqonayaa $23.6 milyan iyada oo aan lagu darin qarashaadka uga baxa rasaasta iyo walxaha qarxa. Sida ay hubka ku helaa Al-Shabaab ayaa hawl adag waxa ayna u baahan doontaa cilmi baaris kale. Hase ahaatee, daraasaddan owgeed, waxaan ku qiimeynay in aysan $2 milyan sanadkii ka badneyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah mid ka mid ah mucaaradka ugu weyn ee dowladda Soomaaliya, ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda Soomaaliya inay aad u bah-dilaan wasiiradooda. Qoraal watay Video oo uu facebook soo dhigay ayuu ku sheegay in wasiirada ka warbixiya safarada ama howlaha ay qabtaan madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha ay tahay bah-dilaad lagu sameynayo. Waxa uu sheegay in shaqada wasiirku aanay ahayn afhayeen iyo inay ka warbixiyaan waxqabadka madaxda ka sarreysa, balse ay tahay wasaaradahooda. Video uu soo dhigay facebook oo ahaa mid ka kooban muuqaallo dhowr ah oo la isku keenay ayaa waxaa ka muuqda wasiiro dhowr ah oo marna ka warbixinaya madaxweyne Farmaajo, marna ra’iisul wasaare Kheyre. Hoos ka aqriso qoraalka CC Shakuur, kana daawo muquaalka. “Uma jeedo in aan ku xadgudbo wasiiradda oo aan ixtiraam badan u hayo, laakiin rabitaanka ay Madaxda fulinta ku u doonayaan in safar walba oo ay u baxaan iyo kulanka ay galaan In ay wasiiradu ka warbixiyaan waxay bahdilaad ku tahay xilka Wasiirka, waana dhaqan ugub ku ah siyaasada Dalka. Wasiirku waa go’aan sameeye ka tirsan Gole Fulin oo lagu jaangoyo siyaasada, dhaqaalaha iyo amniga dalka. Yaa la bahdalin oo shaqadii uu afhayeenka lahaa loo dirin” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Washington DC (Caasimada Online) – Danjiraha Israel ee Mareykanka waxa uu Jimcihii kulan casho ah la qaatay dhiggiisa Imaaraadka-ka Carabta, taas oo ka mid ah tallaabooyinkii ugu dambeeyey oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada dal. Safiirka Israel ee Mareykanka Ron Dermer waxa uu la fariistay Al-Otaiba, danjiraha Imaaradka ee Mareykanka, iyaga oo ku kulmay machadka arrimaha amniga qaran ee Israel, halkaas oo lagu qabtay cashada sanadlaha ah Jimciihii. Labada safiir ayaa la arkayey iyaga oo si diiran isula hadlaya xilli ay dhageysanayeen khudbaddii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo. Waxaa isla miiska la fadhiyey danjiraha Egypt ee Mareykanka Yasser Reda. Sida uu qoray wargeyska Israle ee Haaretz, “Ma aha wax caadi ah in mas’uuliyiinta dowladaha Carabta ee aan xidhiidhka la lahayn Israel lagu arko iyaga oo mas’uuliyiinta Israel la jooga meel shaaric ah.” Hase ahaatee, tani ma aha markii ugu horreeysay oo la arko Al-Otaiba oo miis la wadaagaya mas’uul sare oo Israeli ah. Bishii Maarso waxaa lagu arkay maqaayad ku taal xaafadda Georgetown, oo ah deegaan ku yaalla Washington isaga oo casho la wadaagaya safiirka Bahrain ee Mareykanka. Al-Otaiba waxa uu maqlay in Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu isla maqaayaddaas casho ku lahaa waxa uuna ku casumay in kula soo biiro miiskiisa, waxaa sidaas sheegay Haaretz Sida wadamada kale ee Khaliijka, Imaaradka si rasmi ah uma aqoonsana Israel, sidoo kalena lama laha xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah dowladda Yuhuudda. Hase ahaatee, cashadi Jimcihii waa caddeymihii ugu dambeeyey ee caadiga looga dhigayo xiriirka labada dal. Bishii Agoosto, saxafi Israeli ah ayaa sheegay in duuliye Imaaraati ah uu ka qeyb qaatay duqeymihii loo geystay Falastiin ee lagu bartilmaameedsanayey marinka Gaza ee go’doonsan xilli uu tababar ku qaadanyey xarunta ciidamada cirka ee Israel. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com