-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Komishanka Doorashooyinka Oo Dhammaadka Bishan Ku Dhawaaqaya In Aanay Doorasho Dalka Ka Dhacayn, Walaacii Xisbiyada Mucaaridka Oo Sii Xoogaystay Iyo Somaliland Oo Waajihi Doonta Culaysyo Caalamiya Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la xaqiijiyey in ay Bishan dabayaaqadeeda ku dhawaaqayaan dib u dhac rasmi ah oo ku yimid Doorashooyinkii Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka oo qorshuhu ahaa in ay dalka ka qabsoomaan Bisha March ee sannadka soo socda 2019 oo ay innaga xigaan wax ka yar Afar Bilood, taasi oo gabi ahaanba meesha ka saaraysa rajadii aadka u yarayd ee marka horeba laga qabay in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto. Ilo-wareedyo u dhuun daloola arrinkan oo aannu ka helnay Xisbiyada sqaranka ayaa Wargeyska FOORE u xaqiijiyey in ay xubnaha Komishanka Doorashooyinku diyaariyeen baaq ay ku shaacinayaan in gabi ahaanba doorashooyinkii qorshaysnaa Bisha March ee Golayaasha Wakiilada iyo Deegaamadu mar kale dib u dhacayaan taasina god ku sii ridayso hanaankii geeddi-socodka Dimuquraadiyadda Somaliland, mar kalena sidii caadada ahayd doorashooyinkaasi dib u dhacayaan wakhti aan la ogayn iyo duruuf ay ku dhici karaan toona oo aan la ogayn. Toddobaadka ugu dambeeya Bishan November ayaa la xaqiijiyey in ay Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqaan Go’aankooda oo ay isugu yeedhi doonaan dhammaanba Madaxda Saddexda Xisbi qaran kaasi oo ay ku shaacin doonaan xaqiijinta dib u dhaca Doorashooyinka. Dib u dhaca doorashada ee mar kale la shaacinayo ayaa la aaminsan yahay in ay halkii ugu hoosaysay dhigi doonto dhaawac weyna u gaysan doonto saaxiibtinimadii iyo wada shaqayntii beesha Caalamka iyo Somaliland taasi oo la ogsoon yahay in ay muddoba ka niyad jabsanaayeen sida ay xaaladda Somaliland ku socoto waxaana ay dadaalo iyo awood culus galin doonaan doorashooyinka dalka Soomaaliya laga filayo in ay ka qabsoomaan sannadda 2020. Tallaabadan Komishanku ku dhaqaaqayo wiigagga soo socda ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa wakhti ay kala fadhiyaan khilaaf culusna ku kala maqan yihiin Axsaabta qaranku kadib markii ay xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ay gabi ahaanba gaashaanka ku dhufteen kulamadii ay la lahaayeen Madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE. Waxaana halkaasi ku soo gudhaysa rajadii dalkani ka qabay in ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi oo ay kuraasta ku banneeyaan Golayaasha Muddo dhaafay ee qaranku. Golaha Wakiilada ayaa fadhiya muddo ka badan 13 sano halka Golaha Deegaankuna isaga laftiisu muddo dhaafay dhawr sano. Qaran News
-
Akhri Faashilka Ku Gadaaman Ballanqaadkii Uu Ololaha Ku Soo Galay Madaxweyne Muuse Sannad Kadib- Maanta Iyo Falanqaynta Tiirkii 2aad ee Buuga KULMIYE Intiinii la socotay cadadkeenii ugu dambeeyey ee Sabtidii waxa aanu akhristayasha sharafta mudan halkan kula wadaagnay tiirka koowaad ee qorshihii Buugga Xisbiga KULMIYE ku galay tartankii Ololaha doorashada Madaxtooyada ee Bishan oo kale, maalmahan oo kale sannadkii hore ee 2017 ka qabsoontay guud ahaan dalka, taasi oo aan lafa-gur kooban ku samaynay sida aanay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi waxba uga qaban sannadkeedii koowaad dhammaan wixii ay ballan qaaday marka laga tago nidaamka dawliga ah oo sidiisii isaga sii socday inkasta oo duruufo adagi ku hareeraysan yihiin oo qaarkood la kowsadeen muddo xileedka Madaxweynaha. Tiirka labaad ee Maanafeestihii Xisbiga KULMIYE waxa uu dhigayay ‘Amniga iyo Nabadda’ isaga oo Madaxweyne Muuse Biixi tartankii Ololaha qorshihiisa wax-qabad ku buunbuuniyey sida uu arrintan wax uga qaban doono. Waxa aynu haddaba qormadan maanta ku eegi doonaa waxa uga qabsoomay illaa hadda mudadii sannadka ahayd ee uu Madaxtooyada fadhiyay iyo ballan qaadkiisaasi la xidhiidha qodobkan, waxa uga hir galay innaga oo eegi doonaa marka hore sida uu u dhignaa ballan qaadkaasi oo ah in Xisbiga KULMIYE uu sheegay in muddo xileedkiisa 2017 illaa 2022 uu horumarin ballaadhan ku samayn doono ciidamada qalabka sida ee kala duwan oo ah kuwa suga Amniga qaranka. Xisbiga KULMIYE waxa uu ballan qaaday in uu awoodda saari doono xoojinta iyo casriyeynta ciidamada Booliska Somaliland iyo dhammaan hay’adaha amniga ku tacaluqa. Waxa uu KULMIYE ballan qaaday muddo xileedkiisa Madaxweyne Muuse Biixi in uu muhiimadda koowaad siin doono ilaalinta amniga qofeed iyo hantiyeed ee Mujtamaca reer Somaliland. Waxa uu ballan qaaday in uu kor u qaadi doono tayada iyo waxqabadka Cuqaasha dalka isaga oo sheegay in ay dib u eegis ku samayn doonaan Mushaharaadka ay qaataan. Waxa uu ballan qaaday in uu kordhin doono Mushaharka ciidamada kala duwan isaga sidoo kalena loo dhisi doono dhismayaal iyo dugsiyo tababar oo kale oo casri ah iyo waliba cisbitaallo casri ah oo u gaar ah ciidamada qaranka ee kala duwan. Aan haddaba is waydiinee Akhriste maxaa ka qabsoomay ballan qaadyadaasi mudadii sannadka ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi xilka qaranka hayay? Mudadii uu kursiga fadhiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa kala qaybsanaan weyni ku timid shacabka reer Somaliland oo ay saamayn weyn ku yeelatay doorashadii dalka ka qabsoontay. Tani waxa ay saamayn toos ah iyo mid dadbanba ku yeelatay colaado iyo nabad-galyo darro dalka ka dhacday mudadaasi sannadka ahayd. Waxa dagaalo xumi ka dhaceen deegaanada Sanaag Galbeed oo ay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeedba ka soo kala gaadhay beelo walaalo ah oo wada daga gobolka. Markii colaaddaasi ay waxba xukuumaddu ka qaban kari wayday waxa gurmad ugu tagay wadaado iyo wax-garad reer Somaliland ah oo heshiis ku soo afmeeray xaaladdaasi. Dhinaca Gobolka Sool gaar ahaan Koonfurta Gobolka Sool tiraba dhawr jeer waxa ka dhacay dagaalo culus iyo xasuuq ay isu gasteen beelo walaalo ahi, waxaana markii ugu horraysay taariikhda Somaliland beelaha Gobolka Sool lagu heshiisiinayaa meel ka baxsan Somaliland iyada oo toddobaadkan loo fadhiyo Magaalada Jigjiga ee caasimadda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dadka u kuur gala Arrimaha Ammaanka qaranku waxa ay sheegeen kala qaybsanaanta shacabka Somaliland ee doorashadu saamaysay oo keentay in markii ugu horraysay ay Askar ka tirsan ciidamada qaranku ka goostaan oo ay wakhtigan ku sugan yihiin Puntland iyaga oo duulimaad ku ah dalkana ay halkaasi ka abuureen Jabhad hubaysan, colaadda soo noqnoqota ee beelaha oo aanay xukuumaddu xalal waara u helin ay keentay in doorkii xukuumadda dhaliilo culus looga soo jeediyo arrintan. Sidoo kale dadka u kuur gala dhinaca amnigu waxa ay sheegeen in ay Somaliland halis kale ugu jirto dhallinyarada aan la jihayn ee shaqo la’aanta iyo rajo xumadu barriinsatay oo ah kuwo halis weyn ku ah amniga qaranka. Tani waa ta keentay ina ay kor u kacaan dambiyada abaabulan ee tuugada, boobka, iyo kufsiga ah ee habeen walba ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ay ku kacaan dhallinyaro koox koox u abaabulani. Dhammaan arrimahaasi, mudadaasi sannadka ah ee ay xilka haysay waxba kama aanay qaban lamana aanay iman istaraatiijiyad wax lagaga qabto. Ballan qaadka uu Muuse Biixi Cabdi ku sheegay Buuggiisii cagaarnaa in uu kobcinayo cuqaasha iyo madax dhaqameedka, wax uga qabsoomaa ha joogtee waxaa kaaga filan in toddobaadkii ugu dambeeyey oo kali ah ay bannaan bax magaalada Burco ku muujiyeen cuqaasha Gobolka Togdheer oo sheegay in aanay ku shaqayn Karin $25 oo kali ah oo ay Bishii xukuumadda ka qaataan hawsha ay hayaana aad u culus tahay. Isku soo wada duuboo muddada sannadka ah ee durba u dhammaanaysa maalmaha soo socda mudadii uu xilka joogay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, haba yaraatee wax u kordhay ama uu ka qabtay dhinaca Amnigu ma jirto. Inkasta oo aanay jirin dhibaato weyn oo amni oo qaranka ku dhacday oo xaaladdu iska sidii uun tahay marka laga yimaad dhibaatooyinka Gobolada Bari ka dhacay sannadkan haddana marka laga hadlayo wax qabad iyo wax la taaban karo wax alla wax cusub oo uu sannadkaasi ka qabtay dhinaca amnigu ma jirto. Waxaanan odhan karnaa marka la barbar dhigo tirada dadka innagaga dhintay dagaalada beelaysan waxa ay aad uga badan yihiin sannadihii xukuumaddii Axmed Siilaanyo ee isla xisbiga KULMIYE. …..La Soco Tiirka Saddexaad Qaran News
-
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa saaka u baqoolay Gobolada Bariga Somaliland Siiba Gobollada Saaxil,Togdheer & Degaano Oodweyne ka tirsan Sida Xaaji Saalax & Tuulooyin kale,Ma cadda Ujeedada safarkiisu waxay daaran tahay Marka laga reebo Jeel la sheegay inuu xadhiga ka jaraayo. Tabashooyin,cabashooyin iyo cadaaladaro isbiirsaday ayaa Bulshoweynta ku Dhaqan Gobolka Togdheer badhkood tirsanayaa,Halka badhka kalena ku hungobeen codkii ay siiyeen xilligii doorashada uu Madaxweynenimada u ordaayey ka dib markii ay ka waayeen wixii ay ka filayeen. Wararka qaarkood ayaa tibaaxaya inuu caynaba u sii gudbi doono,halkaasna ka soo noqon doono,Ceerigaabo& Soolna…….. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa walaac xoogan ka muujinaya inay waqtiga loo qabtay ay ku dhacdo doorashada Koofur Galbeed. Mushariixinta ayaa qaarkood waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin in dib u dhac uu ku yimaado doorashada madaxtinimada oo 28-ka bishaan loo balansan yahay inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Isqabqabsiga iyo Khilaafka guddiga doorashada ayaa Walaaca ugu badan geliyay Musharixiinta Koofur Galbeed, waxaana ay sheegeen inay ka baqayaan in arimahaasi dartood dib u dhac ku yimaado markale doorashada. Musharax Xasan Ibraahim ayaa sheegay in aysan socon shaqooyinka saxda ahaa ee laga doonayay guddiga doorashada Koofur Galbeed, taasina ay sii kordhisay walaaca ay ka qabaan in doorashada ay dib u dhacdo. Ilaa iyo hadda lama bilaabin diiwaan gelinta Musharixiinta Koofur Galbeed, sidoo kalana lama soo saarin jadwalka rasmiga ah ee doorashada, iyadoo taa badalkeeda arimo kale lagu mashquulsan yahay, sida uu sheegay Musharaxa. Walaaca musharixiinta ay qabaan ayuu ku sheegay inay qeyb ka tahay in doorashada ay kaga shaki qabaan in laga dhigo Sanadka cusub ee 2019, taasina ay caqabad ku tahay horumarka Koofur Galbeed. Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ku dhaliilay iney kaalin ka qaadatay dib u dhaca doorashadan, sidoo kalena ay waddo ineysan doorashada si xalaal ah u dhicin, waa sida uu hadalka u dhigaye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xukuumadda Somaliland waxay xaqiijisay inay aaminsan tahay in hub kasta oo la siiyo Soomaaliya uu halis ku yahay JSL. Somaliland waxay ku guubaabisay QM, IGAD iyo Midowga Afrika in ay taageeraan sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalkii u Somaliland iyo Soomaaliya. Hubka la siiyo Soomaaliya wuxuu ku dambaynayaa gacanta argagixisada. Hargeysa(Somalilandtoday)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku bogaadisey xubnaha Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay qaraarkii ay ku cusboonaysiiyeen cuno-qabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya 14kii Bishan November. Sidaasna waxa lagu bayaamiyey war-murtiyeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah JSL oo soo gaadhay Xafiiska Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanay dowladda JSL eedaysay Soomaaliya in aanay siyaasad ahaan iyo amni ahaan awood u lahayn inay xafido Hubka iyo Rasaasta, sida ku cad Warbixin Golaha Ammaanka la horgeeyey 9kii bishan November oo qiraysa in aanay Soomaaliya tahli karin inay hanato hubka iyo saanada ciidammada. Xukuumadda JSL waxay ku ammaantay Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay tallaabada ay ku sii adkeeyeen cunaqabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya. Xukuumadda Somaliland waxay xaqiijisay inay aaminsan tahay in hub kasta oo la siiyo Soomaaliya uu halis ku yahay JSL, dalalka jaarka iyo ammniga adduunkaba. Xukuumadda Somaliland waxay intaas ku dartay inay si xoog leh u cambaareynayso dalalka hubka siiya Soomaaliya, Iyadoo hubka la siiyaa uu aakhirka ku dambeeyo gacanta kooxaha argagixisada iyo maleeshiyo beeleedyada Soomaaliya. Dowladda Somaliland waxay ku boorisay beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka Qarammada midoobay inay sii wadaan cunaqabataynta hubka Soomaaliya oo xoojinaysa wadajirka nabadgelyada mandaqada iyo ammaanka caalamkaba. Xukuumadda Somaliland waxa kaloo ay soo dhaweysay heshiiska nabadeed ee dalalka Itoobiya iyo Ereteriya iyo murankii dhinaca xudduudaha ee u dhexeeyay labadaas dal iyo furdaaminta khilaafka soohdimaha ee ka dhex oognaa illaa 2008dii Jabuuti iyo Ereteriya, waxaanay JSL ku baaqday in waanwaantaasi noqoto mid iskaashi u horseeda gobolka. Xukuumadda Somaliland waxay ku guubaabisay Golaha Ammaanka Qarammada midoobay, urur-goboleedka IGAD, Midowga Afrika iyo xubnaha dalalka Qarammada midoobay in ay taageeraan sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, oo ah mid faa’iido ugu jirto mandaqada iyo nabadgelyada caalamka. Waxa kaloo warsaxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland lagu sheegay in gobolka Geeska Afrika ay soo mareen heshiisyo la mid ah kuwa Somaliland iyo Soomaaliya; sida Itoobiya iyo Ereteriya iyo Suudaan iyo Koonfurta Suudaan. Ugu dambayn, waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in Somaliland kaalin ka geysatay xasiloonida mandaqada 27kii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanay ku dooday inay wali la tacaalayso kooxaha argagixisada, kuwa dadka tahriibiya, waxaanay mudnaanta siinaysaa sidii gobolku iskaashi dhaqaale u gaadhi lahaa. KA Akhri Lifaaqan War-murtiyeedka Xukuumadda Somaliland press release on security council 02 (1) Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka subaxii hore safar ugu baxay gobolada bariga Somaliland. Ujeedada socdaalka Madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa waxaa sheegayaan in ay tahay in uu kormeer indho indhayn ah ku soo sameeyo goboladaasi, ka dib markii dhaliil badani ugu timid shacabka taas oo ah in aanu marna gobolada bariga tagin . Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in uu xadhiga ka soo jarayo Jeel cusub oo loo sameeyay Magaalada Burco. Madaxwayne Biixi ayaa la filayaa in uu ku sii nasto Magaalo Xeebeedka Barbara uguna gudbo Burco Xogtu ma sheegin in uu dhaafayo Burco iyo in kale. Waa safarkii ugu horreeyay ee magaalada Hargeysa uga baxo dhinaca bariga muddo sannad ah ka dib tan iyo markii la doortay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la xaqiijiyey in ay Bishan dabayaaqadeeda ku dhawaaqayaan dib u dhac rasmi ah oo ku yimid Doorashooyinkii Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka oo qorshuhu ahaa in ay dalka ka qabsoomaan Bisha March ee sannadka soo socda 2019 oo ay innaga xigaan wax ka yar Afar Bilood, taasi oo gabi ahaanba meesha ka saaraysa rajadii aadka u yarayd ee marka horeba laga qabay in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto. Ilo-wareedyo u dhuun daloola arrinkan oo aannu ka helnay Xisbiyada sqaranka ayaa Wargeyska FOORE u xaqiijiyey in ay xubnaha Komishanka Doorashooyinku diyaariyeen baaq ay ku shaacinayaan in gabi ahaanba doorashooyinkii qorshaysnaa Bisha March ee Golayaasha Wakiilada iyo Deegaamadu mar kale dib u dhacayaan taasina god ku sii ridayso hanaankii geeddi-socodka Dimuquraadiyadda Somaliland, mar kalena sidii caadada ahayd doorashooyinkaasi dib u dhacayaan wakhti aan la ogayn iyo duruuf ay ku dhici karaan toona oo aan la ogayn. Toddobaadka ugu dambeeya Bishan November ayaa la xaqiijiyey in ay Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqaan Go’aankooda oo ay isugu yeedhi doonaan dhammaanba Madaxda Saddexda Xisbi qaran kaasi oo ay ku shaacin doonaan xaqiijinta dib u dhaca Doorashooyinka. Dib u dhaca doorashada ee mar kale la shaacinayo ayaa la aaminsan yahay in ay halkii ugu hoosaysay dhigi doonto dhaawac weyna u gaysan doonto saaxiibtinimadii iyo wada shaqayntii beesha Caalamka iyo Somaliland taasi oo la ogsoon yahay in ay muddoba ka niyad jabsanaayeen sida ay xaaladda Somaliland ku socoto waxaana ay dadaalo iyo awood culus galin doonaan doorashooyinka dalka Soomaaliya laga filayo in ay ka qabsoomaan sannadda 2020. Tallaabadan Komishanku ku dhaqaaqayo wiigagga soo socda ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa wakhti ay kala fadhiyaan khilaaf culusna ku kala maqan yihiin Axsaabta qaranku kadib markii ay xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ay gabi ahaanba gaashaanka ku dhufteen kulamadii ay la lahaayeen Madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE. Waxaana halkaasi ku soo gudhaysa rajadii dalkani ka qabay in ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi oo ay kuraasta ku banneeyaan Golayaasha Muddo dhaafay ee qaranku. Golaha Wakiilada ayaa fadhiya muddo ka badan 13 sano halka Golaha Deegaankuna isaga laftiisu muddo dhaafay dhawr sano. Source
-
(SLT-Washington)-War ka soo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ee maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa lagu beeniyay warbixintii CIA da Mareykanka ee la xiriirtay dilkii Wariyihiin u dhashay dalka Boqortooyada Saudi Arabia ee Jamaal Khashoggi. Hay’adda sirdoonka Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in baaritaan kaddib ay ogaadeen in amarka lagu dilay Wariye Khashoggi uu bixiyay dhaxal sugaha Boqotooyada Amiir Maxamed Bin Salmaan. Laakiin Wasaarradda arrimaha dibedda dalka Mareykanka ayaa sheegay in wali aan la gaarin gabagabada baaritaanka lagu hayo sida uu dilku u dhacay iyo cidda ka danbeysay, taasoo macnaheedu noqonayo in warka ka soo yeeray hay’adda Sirdoonka uusan aheyn mid quseeya dowladda Mareykanka. Waxay u muuqataa in Aqalka Cad iyo hay’adda sirdoonka Dalkaasi Mareykanka ay kala hadlayaan oo ay isku si u arkin baaritaankaasi. Mareykanka ayaa u muuqda mid sameynaya dib u gurasho siyaasadeed, isaga oo ka soo horjeeda in markiiba dilka wariyaha dusha laga saaro Boqortooyada, gaar ahaan Amir Maxamed Bin Salmaan. Source
-
(SLT-Badhan)-Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019 Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafti ballaadhan oo uu horkacayo ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Boqollaal dadwayne ah oo soo dhoweyntiisa uusoo baxay ayuu Musharrax Jebiye kula hadlay goob fagaare ah, wuxuuna sheegay in abidkiis aanu la kulmin soo dhoweyn ka ballaadhan midda ay reer Badhan isaga iyo wafdigiisa ku qaabileen. Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu ballan qaaday haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland in uu dhammaystiri doono mashaariicda horumarinta ee ka socda gobolka Sanaag, gaar ahaan mashruuca laamiga lagu saarayo jidka isku xira magaalooyinka Ceel-daahir iyo Ceerigaabo. Musharraxu wuxuu sidoo kale ballan qaaday in uu degmada Badhan ka dhisi doono qasri madaxtooyo, kaas oo xilliyada qaar noqon doona xafiiska rasmiga ah ee Madaxwaynaha Puntland ku shaqeeyo. Musharraxa iyo wafdigiisa oo kasoo ambabaxay magaalada Boosaaso. Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray California si uu u soo indha indheeyo qasaaraha ka dhashay dabka ka kacay gobolkaasi oo ay ku dhinteen 71 qof. Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan 1,000 qof oo kale in la la’yahay iyada oo mas’uuliyiinta gobolkaasi ay sheegeen tirada dadka dhintay iyo kuwa la la’yahayba ay isbedbeddeli karto. Madaxweyne Trump oo magaalada Paradise uu dabka qasaaraha badan u geystay ka hadlay ayaa wuxuu ammaanay maamulka gobolka iyo shaqaalaha ku howlan baadi goobka dadka la la’yahay. Wuxuuna Trump intaa ku daray “iney cidna ku fikirin iney sidan wax u dhacayaan, waana wax laga naxo waxaanna ku dadaaleynaa dadka ay masiibada ku habsatay sidi aan u caawin lahayn”. Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionTrump oo booqday magaalada Paradise “Waxaanna rajeeynayaa ayuu yiri masiibo noocani iney markale na soo marin, maadaamaa uu dabkan uu yahay kii ugu qasaaraha badnaa ee abid na soo mara”. Dab kan la mid ah oo ka dhacay Los Angeles oo ay seddex qof ku dhinteen waxaa lagu guuleystay in mudda gaaban lagu xakameeyo. Toddobaadka soo socdana waxaa la saadaaliyey ayuu yiri roobab xooggan iney ka di’i karaan deegaannada uu dabku ku dhuftay marka maadaamaa ay daadad ka dhalan karaan waa in taxaddar weyn la sameeyaa maadaamaa ay dhirta inteeda badneyd ay gubatay. Howlaha gurmadka waxaa ka qayb qaadan hayo ciidamo tira badan oo shaqaalaha gurmadka ka barbar shaqeeynaya. Dadka dabka ku dhintay oo ay tiradoodu mareyso 71 qof ayaa waxaa Jimcihi seddex qof oo kale oo meyd ah oo dabka ku gubtay laga soo saaray dhismayaal ku gubtay magaalada Paradise. Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionEeyda oo loo adeegsanayo baadi goobka dadka la la’yahay dadka marka hore la sheegay in la la’yahay oo lagu sheegay 631 qof 24 saac gudaheed waxay tirada dadka la la’yahay gaartay 1,011. Inkasta oo tirada dadka la la’yahay iyo kuwa dhintayba ay isbed beddeli karto. Image captionKhariidad Muujineyso Goobaha uu dabku ku dhuftay Shaqaalaha dagaalka kula jira xakameynta dabka ayaa waxay sheegeen in si buuxda loo xakameyn karo dabka gabi ahaanti ay socon karto ilaa iyo dabayaaqada bishan. Madaxweynaha wuxuu la kulmay dadka dabka ka badbaaday iyo shaqaalaha dab damiska ku howlan. Telefishiinka Fox News oo madaxweynaha weydiiyey dabka inuu degdeg uu ku faafo iney ka qayb qaadatay isbeddelka cimilada ayaa wuxuu ku jawaabay “waa laga yaabaa inuu saameyn yar uu ku lahaa balse dhibka ugu weyn wuxuu ka yimid sida loo maareeyey”. Maamulaha California Jerry Brown, oo dhaleeceeyey hadalka madaxweynaha ka soo yeeray oo madaxweynaha soo dhaweeyey ayaa wuxuu sheegay “hadda waxaa loo baahan yahay iney tahay inaan iska kaashanno sidii aan u badbaadin laheen shacabka California ee ay masiibada ku habsatay”. Roslyn Roberts, oo ka mid ah dadka guri uu kaga gubtay dabka California ka kacay ayaa waxay wakaaladda wararka Reuters ayaa waxay sheegtay “hadalka madaxaweynaha ee sheegaya iney maamul xumo dhinaca deegaanka ay ka timid ay tahay mid aan la qaadan karin kumannaan iyo kumannaan guri ayaa ku burburay dabkaasi dadka guriyahaa ku noolaa ee lafahooda u badbaaday ee ku sugan teendhooyinka waxqabad ayey u baahan yihiine hadal raqiis ah ah uma baahna” Source
-
(SLT-Hague)-Xubin ka tirsan baarlamanka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe horena u ahaan jiray hogaamiye maleeshio ayaa loo diray Hague. Waxaa lagu soo oogi doonaa dacwado ah dambiyo aadamenimada laga galay iyo kuwo dagaal marka la hor geeyo Maxkamadda Dambiyada ee Caalamiga ah. (ICC). Alfred Yekatom oo loo yaqaanay “Rambo” ayaa hogaaminayey maleeshiyo Masiixiyiin ah markii ay socotay colaadii diimaha ku salaysnayd ee aloonsantay markii fallaagadii Muslimiinta ahaa talada dalkaa la wareegeen 2013-kii. Weli qalalaasihii wuu ka socdaa dalkaas oo ku dhawaad 40 qof ayaa ku dhintay dagaalo ka dhacay Jimcihii. Askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa isna ku dhaacwamay weerar lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin galbeedka dalkaas, waxa kale oo nolol lagu gubay wadaad Masiixi ah magaalo ku taal badhtamaha dalkaas, waxaanay Qaramada Midoobay sheegtay in kumanaan qof ka qaxeen qulqulatooyinkaa taagan. Dambiyada lagu eedeeyey Yekatom waxay dhaceen dabayaaqadii 2013-kii iyo horraantii 2014-kii. Waxa uu hogaaminayey maleeshiyo Masiixiyiin ah oo ka dagaalamayey dhanka koonfureed ee dalka oo ka soo horjeeday Muslimiinta laga tirada badanyahay ee dalkaas oo talada la wareegay. Maxkamadda ICC waxay sheegtay in Yekatom ka masuul ahaa dil, jidh dil iyo weerarro lagu qaaday dad rayid ah oo loo adeegsaday caruur la hubeeyey. Waa qof kii ugu horreeyey ee loo gudbiyo maxmadda ee u dhashay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. Ururka caalamiga ah ee xidhiidhka qareenada xuquuqda aadanaha ee magaciisa loo soo gaabiyo marka uu Af-Faransiiska yahay FIDH, ayaa sheegay in tallaabadaasi tahay mid muujinaysa in ay xukuumaddaa ka go’antahay in ay wax ka qabato dadka dambiyada ay geystaan aan loo raacin. Yekatom waxa xildhibaan baarlamanka ah loo doortay sanadkii 2016-kii in kasta oo ay saarrayd xayiraad ay Qaramada Midoobay ku soo rogtay. Waxaana la xidhay bishii hore mar ay is af-dhaafeen xildhibaan kale oo uu rasaas ku riday baarlamanka dhexdiisa ka dibna cagaha wax ka day is yidhi. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa si cajiib ah kaga hadlay cunaqabateynta hubka ee muddada sanadka ah lagu kordhiyay dowladda Soomaaliya, kadib qoraal kasoo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay. War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin cunaqabateynta hubka ee mudada sanadka ah loo kordhiyay, sida qoraalka lagu sheegay. Waxay qoraalka ku taageereen warbixintii laga gudbiyay dowladda Soomaliya, waxaana ay sheegeen in Soomaaliya awood iyo xirfad aysan laheyn inay xakameyso hubka gacanta u gala. Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in hubka loo gacan geliyo dowladda Soomaaliya uu qatar weyn ku tahay Somaliland iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda lagu sheegay. Somaliland ayaa walaac ka muujisay dowladaha hubka Siiya dowladda Soomaaliya, waxaana ay sheegeen inay qatar tahay in kooxaha argagixisada ay gacanta ku dhigaan, taasina halis kale ay ka imaan karto. Ugu dambeyn waxay sheegeen in cunaqabateynta hubka uu u wanaagsan yahay amaanka gobolka loona baahan yahay in lasii kordhiyo ilaa dowlad awood badan ay ka imaaneyso. Waxay IGAD iyo caalamka ka dalbadeen inay ka shaqeeyaan dib usoo celinta wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland, taasi oo ay sheegeen in amaanka gobolka wax weyn uu ka tari doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagey Ciidamo ka tirsan Booliska, kuwaa oo loo diyaarinayo qorshaha sugidda Amniga Caasimadda. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa mid mid u weydiiyay Ciidamada Xaaladdooda Nolaleed iyo mid Tabar intaba, isagoo warbixinno ka dhageystay macalimiinta tabarka siinaya ciidankan loo diyaarinayo sugidda Amniga. Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre uu u kuur-galayay Xaaladaha Ciidamada iyo tababarada ay qaadanayaan. “Ra’iisul wasaaraha JFS waxuu kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ay ku tababaranayaan Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku yaalla Gobolka Banaadir, waxuuna kormeer ku soo maray xarunta Dugsiga tababarka Janaraal Kaahiye, isagoo u mahad-celiyay Macalimiintii tababarka bixinayay”ayuu yiri Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo u xareysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan lagu wado in ay soo qalin-jabiyaan kuwaa soo la wareegaya Amniga. “Sidaad ka warqabtaan waxaa jira Ciidammo u xaraysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan soo qalin-jibin doona, kuwaas oo aan rajeyneyno in ay la wareegaan Amniga guud ee Caasimadda oo aan rajeyneyno in wax weyn uu iska badalo”ayuu raaciyay Xoghayaha Gobolka Banaadir Mudane Xasan Cali khayre oo ay wehliyaan Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (AMERICO), Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen iyo Saraakiil kale ayaa sidoo kale kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoysyada Gobolka Banaadir. The post R/w Kheyre Oo kormeeray Ciidamo loo diyaarinayo amniga Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS oo u warramamayay Shabelle ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliyeed. Xildhibaan Dalxa ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Koonfur Galbeed in ay si cadaalad ah uga shaqeeyaan doorashada maamulkaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in giddiga qaban qaabada doorashada looga baahan yahay in ay dardar galiyaan howlaha shaqo ee loo igmaday, si uusan markale dib u dhac ugu imaan waqtiga loo qoondeeyay doorashadaasi. Doorashada Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay qabsoonto 28-ka bishan Novmber, taas oo ay u taagan yihiin musharraxiin dhowr ah. The post Xildhibaan Dalxa Oo ka hadlay doorashada K/ Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay waxyaabo looga shakiyay inay yihiin qaraxyo la farsameynayay iyo ruuxii ku howlanaa. Howlgalka ayay ciidamada amaanka ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana lagu qabtay ruux ku howlanaa sameynta waxyaabaha qarxa iyo qalab mobeylo u badan oo qaraxyada laga hago. Xaafadda Nageyle ee degmada Kaaraan ayaa baaritaanka laga sameeyay, waxaana saraakiisha ay sheegeen inay ku raad joogaan dad kale oo looga shakisan yahay inay arintaan ku lug lahaayeen. Waxaa hadda ruuxaan uu ku xeran yihiin saldhiga degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir iyadoo ay baaritaan uu ku socdo, sida saraakiisha ciidamada ay sheegeen. Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkaan ka waday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir baaritaanka amaanka lagu xaqiijinayo, inkastoo mararka qaar ay degmada ka dhacaan falalka dilka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Safiirka cusub ee dowladda Mareykanka u soo magacawday Soomaaliya Donald Yukio Yamamoto bogaadiyay horumarka ballaaran ee ka socda gudaha dalka. Mr Yamamoto ayaa ku amaanay dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay uga go’antahay abuuritaanka siyaasadda dibadda, arrimaha dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale waxa uu ballan qaaday in dowladda Mareykanku ay garab taagnaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay arrimahaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-turki.mp3 The post Mareykanka Oo bogaadiyay horumarka ka socda Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka safarkiisi u horreeyay tan iyo markii uu xilka qabtay ugu baxay dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Madaxweyne Biixi ayaa sida wararku sheegayaan ku wajahan gobolada lagu muransanyahay ee Sool iyo Sanaag,balse waxaa la filayaa in uu ku hakado xarunta gobolka Togdheer ee Barco. Socdaalka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid loogu kuur-galayo xaaladda gobolada bari ee Somaliland,waxaana degaannada uu booqanayo kamid ah dhulka lagu muransanyahay ee Sool iyo Sanaag. Labada gobol(Sool&Sanaag) ayaa u kala qeybsan Puntland iyo Somaliland,hase yeeshe dhinac walba wuxuu sheegtaa in isagu goboladaasi ka taliyo. Gobolka Sool oo kamid ah meelaha la qorsheeyay in uu booqdo madaxwenuhu ayaa waxaa in mudda ah ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa labada maamul,taas oo markii horeba ka qaraxday amar uu bixiyay mudane Biixi. Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa in ka badan 10 bilood isku’ horfadhiyaa degaanka Tukaraq halkaasoo dagaallo qaraar ku dhex mareen tan iyo markii Somaliland qabsatay tuuladaasi 8 Jennaayo 2018. Waxaa jirta cabsi ay dadka degaanku ka qabaan in Muuse Biixi mar kale sabab u noqdo dagaal ka dhex qarxa ciidamada is-hor fadhiya,haddii uu booqdo gobolka Sool. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo mar kale sabab u noqon kara dagaal dib uga qarxa Tukaraq appeared first on Puntland Post.
-
Mid kamid ah murashixiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulka K/galbeed ayaa walaac ka muujiyey in doorashada madaxweyne ay ku dhacdo waqtigii loo qabtay. Xasan Ibraahim oo ka mid ah musharraxiintan ayaa u sheegay Goobjoog News, in xilligii doorashada la qaban lahaa lagu dhammeeyey khilaaf iyo is qabqabsi. Waxa uu tilmaamay in ka musharraxiin ahaan iney qiyaasayaan in doorashada la qabto bilowga sanadka cusub ee 2019. Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ku dhaliilay iney kaalin ka qaadatay dib u dhaca doorashadan, sidoo kalena ay waddo ineysan doorashada si xalaal ah u dhicin, waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/MUSHARAX-KOONFUR-GALBEED.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-181118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xildhibaan ka tirsanaa golihii degaanka waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland ayaa ka hadlay kala diristii uu madaxweyne Gaas ku sameeyey golahaasi. Cabdi waaxid Axmed Maxamed oo ka tirsanaa golahaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, iney soo dhoweynayaan kala diristii uu madaxweyne Gaas ku sameeyey. Waxa uu sheegay in madaxweynaha uu sharci u haysto inuu kala diro, iyaguna ay la shaqeyn doonaan cid walbo oo lasoo magacaabo. Sidoo kale, xildhibaankan ayaa sheegay in aanay wax dhibaato ah ahayn in shaqada laga diro, una arkaan iney tahay gudashada waajib madaxweyne Gaas saarnaa. Halkaan hoose ka dhageys: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/XILDHIBAAN-KA-TIRSAN-GOLAHA-DEGAANKA-GAALKACYO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa kala direy golahii deegaanka ee magaalada Gaalkacyo, wuxuuna dhanka kale xilkii ka qaaday duqii magaaladaasi Maxamuud Yaasiin Tumey. Gaas ayaa sheegay in muhiim ay tahay in ay shacabka Gaalkacyo helaan isbedallo dhanka maamulka ah, iyadoo aanay sabab kale jirin. Shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka maamulka Puntland ayaa aad u hadalhaya arrintan. Arrintan uu madaxweyne Gaas sameeyey ayaa imaaneysa xilli Puntland isku diyaarineyso doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAR-CALI-CEYN-1-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeeray xarumo ciidamada dowladda Soomaaliya ay tababar ku qaadanayaan, waxaana ciidamada ay ahaayeen boolis cusub oo la doonayo inay amaanka xaqiijiyaan. Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka ayaa qeyb ka ahaa kormeerka Kheyre uu ku tagay magaaladaxeryaha ciidamada amaanka ay tababarka ku qaadanayaan kuwaasi oo loo diyaarinayo inay xaqiijiyaan amaanka caasimadda. Xarumaha ay booqashada ku tageen waxaa kamid ah Iskuul Boliisiyo halkaasi oo ciidamo badan oo booliska kamid noqonaya maalmahaan uu tababar kaga socday halkaasi, waxaana uu Kheyre dardaaran u jeediyay ciidamada uu halkaasi kula kulmay. Xoghaayaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka uu doonayo in dhawaan ciidamada tababarka loosoo xiray ay la wareegaan amaanka caasimadda. Marar badan ayaa ciidamo cusub lagu wareejiyay amaanka magaalada Muqdisho waxaana dhacayay falal amaanka liddi ku ah, waxaana la ogeyn waxa ciidamadaan cusub oo dhaliyaro u badan ka badali doonaan amaanka caasimadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay kormeer ku sameeyeen xerooyinka ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin magaaladaasi. Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Maxamuud Maxamed Macallin Koronto ayaa hoggaaminayey saraakiishan, waxaana ay u kuurgalayeen xaaladda amniga ee magaaladaasi. Sidoo kale, saraakiishan ayaa doonayey iney la socdaan xaaladda guud ee ciidanka xoogga dalka iyo howlahooda shaqo. Waxay saraakiishan la kulmeen ciidankii Westland ee dhowaan lagu daray ciidanka xoogga dalka, waxaana saraakiisha ciidankaan dalbadeen in la qalabeeyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Taliska-Ciidamada-kormeer-Hiiraan-by-ziyaad-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa markale ku dhiiratay in ay faraha la gasho kiiska warihii sida arxan daradda ah ay Sucuudigu ugu dileen qunsuliyadda ay ku leedahay Istanbul. Hore ayey ahayd markii ay bulshada Soomaaliyeed dhabanno hays ku noqotay bayaankii ay Wasaaradda Khaarajigu ku garab istaagtay Sucuudiga iyada oo ku lumisay ixtiraamkii ay dowladda Turkiga u haysay Somalia. Hase ahaatee, xilli loo baahnaa in la saxo qaladkii hore, ayey haddana dowladda markale dhiiqo iyo siyaasad arrimo dibadeed aan jid iyo jiho lahayn ku dhaqaaqaday! Qoraalka wasaaradda ayaa yimid maalin kadib markii sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ay xaqiijiyeen inuu Maxamed Bin Salmaan amray dilka Sacuudiga, taasi oo meesha ka saartay sheegashadii Sacuudiga ee ahayd inuusan waxba ka ogeyn. Isla subaxii xigayna waxaa soo baxay warka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Intii ay Soomaaliya cambaareyn lahayd Sacuudiga waxay sheekada u leexisay mala’waalka Riyadh ee ah in dad aan amar ka qaadan Bin Salmaan ay dilka fuliyeen. Hadaba sawir ceynkee ah ayuu hab dhaqankaas ka bixinayaa dowladda? Caadiyan, dowladda meelaaha laga eego in ay gudo ballaarantay waxaa ka mid ah sida ay u maareyso daneheeda qaran ‘National Interest” yeelkeede, waxaa su’aal ah, dan qaran oo sidee ah ayaa dowladda ugu jirta in loo dhaanteeyo dowlad kale? Waliba loogu darnaado dal xiiir sokeeyo kaala dhexeeyo? Marka aad si fog u daristo tallaabooyinka ay Wasaaradda Arrimaha dibedda qaadeyso, waxaa kuu soo baxaysa in koox aan qayyim (Values) iyo fogaan arag (Vision) lahayn. Taas waxaa kuu caddeysa, in ay la yaab tahay in dowladda oo dhan laga waayey qof ku dhiiradda oo Wasaaradda Arrimaha dibedda qabta, oo ka hor-tagga qoraalada aan loo meel dayin ee kasoo baxaya. Dowladda waxay ka mid tahay dowlado kooban oo ku shaqaaeya kaash, oo wixii la doono la marsado. Waxaa taas daliil u ah markaad u fiirsato qoraaladeeda waxay kusoo aadaan marka xaalad adag ay Sacuudiga haysto, oo ay raadinayaan taageero noocee doontaba ha noqotee. Waxaa jirta xan sheegeysa in Sucuudiga uu gumeysi iyo afduub siyaasadeed ku sameeyey siyaasaddii arrimaha dibedda Soomaaliya, oo uu siduu doono u isticmaalayo, isaga oo adeegsanaya kaash iyo “waxaan idinka celineynaa Imaaraadka” oo faro kulul ku haya dowladda. Tuhunkaas waxaa xaqiijiya booqashadii uu Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ku tegay dalkaas, oo sida aan horey u sheegnay dhalisay inuu ka aamuso xafladdii furitaanka dekedda Berbera ee DP World, kadib lacag uu soo qaatay W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Trump: Washington Waxaa Ay Sheegi-doontaa Dilaaga Khashoggi
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kadib maalin markii ay CIA-du sheegay inuu dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku lug lahaa dilka Jamaal Khashoggi isla markaana uu ahaa ninka amray ayuu dhankiisa sheegay madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump in dalkiisa uu sheegi-doonno cidda dishay Khashoggi 2 maalin gudahood. Donald Trump waxaa uu natiijada CIA-da ku tilmaamay mid waqtigeeda ka soo hor martay, laakin waxaa uu intaas raaciyay inay macquul tahay. Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu sidoo kale ka hadlay inuu heli-doono warbixin ku saabsan cidda dishay iyo waxa ka dhalan kara, 2 maalin gudahoodna uu ku shaacin-doono. Donald Trump waxaa la sheegayaa inuu doonayo inuu ilaaliyo heshiisyada uu la galay Sacuudiga, laakin hey’adaha Mareykanka sida Congersska waxaa ay doonayaan in runta la ogaado. Goobjoog News Source: goobjoog.com