Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,307
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kampala (Caasimada Online) – Jaamacad ku taal dalka Uganda ayaa gabdhaha dhigta ogeysiis la yaab leh u soo dhajisay. Ogeysiiska waxaa laga mamnuucay xirashada goonooyinka gaagaaban, dhagaha, katiinadaha qoorta, funaanadaha ama shaararka gacmo gaabyada ah, rinjiyenta cinjiyaha iyo xirashada surwaalada iyo waxyaabo kale oo badan. Jaraa’id maxali ah oo loo yaqaan ‘New Vision’ ayaa Khamiistii daabacay in Jaamacada Bugema ay soo saartay ogeysiiska si ay u xoojiso adkeynta ‘Dhaqan Wanaagga.’ “Ma jiro arday la soo laabanaya waxyaabaha kor ku xusan Semester-ka dambe. Dambiileyaasha waxa ay wajihi doonaan gudiga asluubta iyo tallaabo adag,” ayaa lagu yiri ogeysiiska. “Ardayda waa in ay la soo laabtaan waxyaabaha kor ku xusan Semester-ka dambe.” Dean-ka ardayda George Mupaghasi ayaa u sheegay Majaladda New Vision in ay xoojinayeen sharciyada oo ardayda loo sharraxo marka ay Jaamacadda ku cusub yihiin. “Waan u sheegi jirnay ardayda sharciyadan, gaar ahaan marka soo dhaweynta loo sameeynayo laakiin niyad jabkeena, qaar ka mid ah waxa ay noqdaan dambiileyaal labis dhaqan xun,” ayuu George Mupaghasi yiri. Bugema University waxa ay xiriir la leedahay madhabka diinta Christian-ka ah ee Seventh Day Adventist waxaana markii hore uu ahaa School diimeed ay wax ku bartaan macallimiinta iyo wadaada. Markii dambe waxa ay bilowday bixinta kuliyado kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Kampala Caasimada@live.com
  2. (SLT-Wajaale) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo magaalada Xuduudkeeda Wajaale kulan kula yeeshay Masuuliyiin uu kamid aha Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ka hadlay kukankaas. Hoos ka DAAWO Source
  3. (SLT-Wajaale) Madaxweynaha dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka hadlay kulankii dhexmar Madaxweynaha Somaliland. Hoos ka DAAWO Source
  4. (SLT-Wajaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cumar iyo wefti uu hoggaaminayo. Kulankan oo ka qabsoomay magaaladda xuduudda labada dal ku taalla ee Wajaale, ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ku qaabilay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cagjar iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminay, waxana uu u gelbiyey dhinaca Waqooyi ee magaalada Wajaale ee gudaha Somaliland, iyada oo kumannaan kamid ah shacabka reer Tog-wajaale ay caleemo qoyan kusoo dhaweeyeen weftiga labada madaxweyne ee magaaladaas kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay. Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana loo dardargelin lahaa iskaashiga dhinaca amniga, ganacsiga iyo isu socodka leh, ayaa muddo saacado ah qaatay, waxana markii uu soo dhammaaday saxaafadda uga warbixiyey Wasiirka Warfaafinta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin iyo Afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana ay si isku mid ah u caddeeyeen inay labada madaxweyne si hufan uga munaaqashoodeen arrimo door ah oo la xidhiidha danaha guud ahaan ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ugu horrayn afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo waxyaabihii ay labada madaxweyne kulanka kaga hadleen sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey, ayaa tilmaamay in kulankaas si gaar ah diiradda loogu saaray arrimo ay ugu mudan yihiin amnniga, maalgashiga iyo iskaashigu, isla markaana la isla gartay abuuridda guddiyo door ah oo danaha labada dal ka shaqayn doona, waxana uu yidhi, “Waxa kulanka lagaga wada hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xidhiidhka labada xoojinta nabadgelyada iyo amniga, iskaashiga iyo horumarinta maalgashiga iyo dhaqaalaha. Waxyaabaha kale ee lagaga wada hadlay waxa kamid ahaa sii ambo qaadka iyo sii adkaynta xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo la isla qaatay in la abuuro guddiyo ka shaqayn doona arrimaha masiiriga ah iyo horumarka labada dawladood ka dhexeeya, kuwaas oo ay kamid yihiin guddiyada Amniga iyo nabadgelyada, ganacsiga iyo isu socodka iyo guddida horumarinta xuduudaha.” Wasiirka Warfaafinta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin, ayaa isaguna dhinaciisa hoosta ka xarriiqay inay labada madaxweyne kulankooda kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha isbeddelada ka socda geeska Afrika iyo dardargelinta iyo ka midho dhalinta heshiisyadii ay Somaliland iyo dawladda Federal-ka Itoobiya hore u kala saxeexdeen, waxana uu yidhi, “Qodobadda laga wada hadlay, waxa ay laf-dhabar u yihiin guud ahaanba Geeska Afrika koboca dhaqaale ee ka jira, waxana ugu muhiimsan in lasii xoojiyo lana dardargeliyo heshiisyadii ay hadda ka hor galeen Somaliland iyo dalka Itoobiya, in goobaha xadka ah oo dhan laga sameeyo horumar wada jira, guddiyada la dhisayaana waa guddiyo sii dardargelinaya wixii hadda ka hor jirey.” Wasiirku waxa uu raalligelin ka bixiyey hadalo hore uga soo yeedhay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo nuxurkiisu ahaa walaac la xidhiidha nabadda iyo ammaanka ka jira Somaliland. “Runtii arrintaasi hadal uu madaxweynuhu hore idaacada uga yidhi bay ahayd, sida uu u yidhi iyo sida loo qaatayna laba aad u kala fog weeyaan, maantana golihii wasiirrada ee goobta fadhiyey iyo labada madaxweyne si ballaadhan bay arrintaas uga hadleen, haddii ay qalad u qaateenna raalligelin buuxda ayaannu ka bixinay, shacabkana waxannu leenahay waad ka raalli ahaanaysaan, Somaliland-na waa waddanka noogu xiga ee deriska nala ah meel ay nabadgelyo ba’ani ka jirtona ma aha,” ayuu yidhi wasiir warfaafinta dawlad-deegaanka Itoobiya, Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin. Sidoo kale, labada madaxweyne waxa ay la kulmeen ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland, waxana halkaas lagu hogo-tusaaleeyey baahida loo qabo inay ganacsatadu u gudubto hannaanka maalgashiga labada dalka, si loo sii xoojiyo wax soo saarka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee labada waddan. Kulanka kadib, waxa ay labada madaxweyne u tallaabeen dhinaca xuduudda Itoobiya ee magaalada Wajaale, waxana ay kulan kale oo waqti kooban qaatay ku yeesheen Huteelka Madar ee daanta Koonfureed ee magaalada Wajaale. Source
  5. FRIDAY DECEMBER 21 2018 NAIROBI, The African Union has asked Burundi to reduce its contribution to an African peacekeeping force in Somalia by a thousand [...] Source
  6. Taariikh: 20/12/2018 Tixraac: SSE/DK- 081/20122018 Shirka Machadka Heritage uu ku qabtey Dalka Jabuuti iyo kuwa la mid ahba dan uma ahayn, umuna ahaanayaan Jamhuuriyadda Somaliland Dallada kulmisa Ururada Somaliland ee Yurub (SSE) waxy si dhow isha ugu haysaa dhaqdhaqaaqyada ay gudaha iyo dibedda ka wadaan kuwa ka soo horjeeda Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay dalladdu aad ula socotaa cadowga ku soo gabbanaya magacyada ururrada bulshada iyo Mac-hadyada cilmi-baadhista sheegta inay madax bannaan yihiin ama dhexdhexaad yihiin. Iyadoo mawqifkeedaasi ilaalinta qarannimada ku hawlan, waxay Dalladu daba-gal ku samaysay hagar daamooyinka Mac-hadka Heritage Institute uu ku hayo JSL (Jamhuuriyada Somaliland). Ma aha markii ugu horreysay ee Mahadkani u dhexgalay arrimaha wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo 2013kii markii la aasaasay oo uu ka faalooday wadahadalaas, wuxuu noo muujiyay in uu lid ku yahay qaranamida iyo jiritaanka Somaliland, waxaanan faaladooda ka soo saarnay 16kii May 2013kii Bayaan faahfaahsan. Sidoo kale masuulka Machadka Heritage wuxuu Somaliland keeney mashruuc la yidhaahdo Fursad fund mashruucaas oo dhalinyarada reer Somaliland Muqdisho loogu dirayo ,dalada SSE waxay ka dacweysey dawlada Somaliland mashruucaana waa la xidhey waana laga mabnuucey Somaliland. Waxaa nasiib daro ah in Shirkan bishan Diisambar 14-18keedii 2018 Machadku ku qabtay Jabuuti, oo la yidhi waxa uu ku saabsanyahay isbedalada ka socda Geeska Africa, ayna si mug leh xukuumada Soomaliya iyo xubno Baarlamaankeeda ka qaybqaateen, ayaa si aan la filleyn uga xaadireen shirkaas muwaadiniin Jamuuriyadda Somaliland ahi oo loo hanweynaa. Waxaa sidoo kale halkaa ka muuqday aqoonyahano u ololeeya mab-da’a Soomaali Weyn, iyo dad geed dheer iyo mid gaaban muddo dheerba u fuulay carqaladeynta madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Jamhuuriyadda Somaliland oo leh Madax iyo Baarlamaan la soo doortay ma ay ka qaybqaadan shirkan ama kulankan lagu qabtey Jabuuti. Arrimaha la xidhiidha wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Xukuumada ayey ummada Somaliland u igmatay. Arrimaha masiiriga ahi wuxuu u yaallaa oo keli ah cidda dastuurka iyo xeerarka dalku u banneeyay. Wixii intaa dhaafsiisan waxay abuureysaa fawdo iyo kala dambeyn la’aan. Aqoonyahanka iyo ururada bulshada Somaliland waxa ku waajib ah inay ka digtoonaadaan hagardaamooyinka ay wadaan hay’adaha Soomaliya ka soo jeedaa oo ay ka mid yihiin Heritage Institute. Dalladu waxay ugu baaqaysaa hay’adaha kala duwan ee dawlada, ururada guud ee bulshada, kuwa aqoonyahanka, kuwa dhalinyarada, kuwa dumarka iyo guud ahaan shicibka reer Somaliland inay ka digtoonaadaan qorshayaasha lagu wiiqayo qaranka Somaliland isla markaana ay ixtiraamaan doonista dadka reer Somaliland oo ah sidii loo gaadhi lahaa himilada Qaran Somaliland oo dunida laga aqoonsanyahay. Allah ayaa mahad leh, Guddiga fulinta ee Dallada SSE Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh: 00 45 25 53 93 15 Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qarax ayaa la sheegay inuu ahaa baabur lagu xiray waxyaabaha qarxa, waxaana uu ka dhacay bar kontrool oo ku taalla isgoyska dabka. Goobjoogayaal ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga qarxay uu ahaa kuwa raaxada. Barta kontorool ee uu qaraxa uu ka dhacay ayaa la sheegay inay joogeen ciidamada dowladda Soomaaliya, balse wax dhibaato ah kama soo gaarin qaraxa. Inta la ogyahay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa. Saraakiil ka tirsan dowlada ayaa sheegay in qofkii waday gaariga uu baxsaday. sawirro laga soo qaaday gaariga qarxay ayaa muujinayay burbur soo gaaray gaariga oo nuuciisa uu yahay PREMIO. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdishop ( Sh.M.Network):-Sida Goob Joogayaal Shabelle u xaqiijiyeen waxaa Caawa Qarax uu ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay Gaari walxaha Qarxo ay ku hilan yihiin kaas oo Darawalkii waday uu uga cararay Kontrol ku yaalla Isgoyska Dabka. Lama Oga Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi , waxaana meesha wax ka dhaceen lagu arkayaa Gaadiidka Ambalaasta. Wariyayaasha Shabelle ayaa u kuur galaya sida wax u dhaceen , annagoo idiinla soo socodsiin doona hadba wixii ku soo kordha weerarkaasi. The post Qarax Goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho. appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-211218.mp3 The post Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Xildhibaannada la baxay kutladda Badbaado Qaran ee Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah, ayna ku jiraan xildhibaanno matalaya Nabadda, Himilo, Ilays, UPD iyo kuwa kale, ahaana kuwii mooshinka ka keenay madaxweyne Farmaajo ayaa war murtiyeed maanta soo saaray, iyaga oo sheegay inay ka tanaasuleen Mooshinkii ay 9-kii bishan ka gudbiyeen Madaxweynaha. Qoraalka Halkan Ka Akhri: Source: goobjoog.com
  11. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ammaanay doorka fir-fircoon ee uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, kaga jira nabadda iyo is-dhexgalka Wadamada Geeska Afrika. Isaga oo ka hadlaya, kulan Saddex Cisha ahaa oo ay yeesheen Safiirro reer Jabuuti ah iyo Diblomaasiyiin sare, oo Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Jabuuti, ayaa wuxuu si aad ah usoo dhoweeyay is-beddelka ka jira Bariga Afrika ee uu hormuudka ka yahay Abiy Axmed. Madaxwayne, Geelle, ayaa xusay in ay tallaabadani xal ka geysan karto shaqaaqooyinka ka dhex taagan qaar ka mid ah Qowmiyadaha ku dhaqan bariga Afrika iyo in is-afgaradka laga gaaro xaaladaha jira. Wuxuu sidoo kale aad usoo dhoweeyay, mudane, Geelle, dedaallada jira , isagoo ka mahad celiyay dedaallada caalamiga ah ee uu wado Dr; Abiyi Axmed, ee ku aaddan Gobolka, oo ay ka mid tahay dedaalka uu ka sameeyay iyo geeddi-socodka is-dhexgalinta ah ee Jabuuti iyo Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  12. Waxaa markii ugu horeeysay maanta magaalada Togwajaale kulan ku yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cagjar. Kuankaasi oo ahaa mid xasaasi ah ayaa looga hadlay arimo quseeyo Labada dhinac ee Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxyaabaha sida aadka ah looga hadlay waxaa kamid ahaa arinta qaadka ka yimaadaaa Itoobiya oo Somaliland iyo Itoobiya ay isku qilaafeen. Dhinaca kale madaxweynaha dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cagjar ayaa raaligalin ka bixiyay hadal ka soo yeeray oo ahaa in qaraxyo laga soo abaabulayo Somaliland, hadalkaas oo uu sheegay in si khaldan loo tarjumay. PUNTLAND POST The post Cagjar iyo Muuse Biixi oo kulmay appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanno ka mid ah kuwii dhawaan Mooshinka ka keenay Madaxweynaha DF Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ee shalay ka ku dhawaaqay inay kala laabteen mooshinkii ay keeneen ayaa maanta soo saaray shuruudo ku aaddan waxyaabihii ay ku xireen inay tanaasulaan. Mudanayaashan ayaa soo saaray qoraal ka kooban sagaal qodob, waxaana Qoddobaadaasi ka mid ah in Madaxweynaha Somalia uu raaligelin ka bixiyo dhiibistii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax. Sidoo kale, Qodobbadda ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumaddaba ay tix-galiyaan Madaxbaanida Golaha Shacabka. Haddaba, AKHRISO: Qoraalka ay xildhibaanada maanta soo saareen; PUNTLAND POST The post Xildhibaannadii soo Abaabulay Mooshinkii Farmaajo oo bixiyay sharaxaad dheeraad ah appeared first on Puntland Post.
  14. Washington (PP) ─ Aqalka Wakiillada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga uu ansixiyo, ayaa meel-mariyay miisaaniyad KMG ah oo madaxweyne Trump siinaysa shan bilyan oo Dollar oo uu u codsaday dhismaha darbiga uu ka dhisayo xuduudda ay la wadaagaan Dalka Mexico. Xubnaha Aqalka ayaa sharcigan ku ansixiyey cod ah 217-185, xilli dambe oo khamiistii ah, ayaga oo rajaynaya inay taasi weeciso hakad ku yimaada howlaha dowladda. Sharcigan ayaa iminka u gubaya Aqalka Senate-ka, halkaasi oo aysan jirin wax rajo ah oo laga qabo in lagu ansixiyo. Donald Trump ayaa ku adkeystay in miisaaniyadda lagu soo daro lacagta dhismaha darbiga laga dhisayo xuduudda Mexico, isaga oo u sheegay hogaamiyayaasha xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada inuusan saxiixi doonin sharciga, haddii aysan lacagtaas ku jirin. Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha xubnaha dimoqraadiga ee Aqalka Senate-ka, Chuck Schumer ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu qalaalse gelinayo dalka, isaga oo dowladda ku hogaaminaya inay shaqadeeda istaagto. PUNTLAND POST The post Aqalka Wakiillada Mareykanka oo eedeymo kulul u jeediyay Madaxweyne Donald Trump appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweyne Cagjar oo raaligalin ka bixiyay hadal hore uga soo yeeshay oo uu Somaliland uu ku sheegay meel argagaxiso looga soo maleegaayo. Waxyaabaha ugu waawaynaa ee laga wada hadlay waxa ka mid ahaa. Amaanka, maalgashiga, Ganacsiga iwm. La soco warka oo dhamaystiran Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan mooshinkii madaxweyne Farmaajo ee guddoomiyaha baarlamanka uu shalay sheegay in laga laabtay. Qoraalkan, ayaa xildhibaanada waxay ku sheegeen in markii ay qiimeeyeen xaaladda siyaasadeed ee dalka ay u tureen isla markaana u tanaasuleen danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayna ogol yihiin in mooshinka laga laabto. Waxa ay sidoo kale sheegeen in in ka laabashada mooshinka ay qeyb ka tahay in madaxweynaha iyo Raysal Wasaarihiisuna fuliyaan sagaal qodob. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran iyo sagaalka qodob ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha laga doonayo.
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Sheekh Axmed Muxyadiin Axmed [Hiraab] ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu Afhayeenka Gollaha SHacabka ku buriyay Mooshinkii ka yaallay Madaxwayne Farmaajo. Hiraabe oo hadalkiisa sii watay ayaa wuxuu bogaadiyay dedaaladda horumarineed ee hadda dalka ka socda oo ay hormuudka uyihiin Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Madaxda qaranka ayuu ku tartarsiiyay inay adkeeyaan nabada iyo madaxbanaanimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, oo uu dhankooda ugu baaqay inay dowladda kala shaqeeyaan arrimahaasi. Isaga oo sii hadlaya ayuu Sheekh Hiraabe wuxuu afka ku balaariyay in loo baahan yahay in dhinac laysaga leexiyo wax kasta oo ka hor-imaanaya danta dalka iyo Shacbiga Soomaaliyeed. Sheekh Axmed Muxyadiin Axmed [Hiraab] oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed islamarakaana ku jiray xisbigii gobonima doonka ee “SYL” ayaa hadalkaan sheegay xili uu wareysi gaar ah siiyay idaacada Shabelle. 20-kii bishaan December ayay ahayd markii uu Gudoomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Cabdiraxmaan, qoraal uu soo saarey ku cadeeyay in gabi ahaanba ay ka laabteen mudanayaasha Hindisaha xilka qaadista Madaxwayne Farmaajo. The post Waxgarad ku amaanay Mursal go’aankii uu ku buriyay Mooshinka appeared first on Shabelle. View the full article
  18. (SLT-Muqdisho)Gudoomiyaha xisbiga Waddajir ee dalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo safiirka ay dawlada Itoobiya u soo magacawday somaliland. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ku sheegay in raysal wasaaraha Itoobiya uu kor u qaaday meeqaamkii ay somaliland taagnayd ka dib markii uu u soo magacaabay safiirka cusub. Qoraalka gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u dhignaa sidan:-Anigga iyo Safiir Shamsudiin Shamsudiin Axmad Rooble waa safiirka Itoobiya dhowaan u magacawday Somaliland. Sanadkii 2008 ee wadahadalka Jabuuti uga socday Isbahaysiga ARS iyo TFG, Shamsudiin wuxuu ahaa safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya dalka Jabuuti. Dhowrjeer ayaa anigga iyo wafdigii aan hor kacayey shirka wadahadalka kaga baxnay in Itoobiya shirka laga saaro. Maalin Jimce ah ayaan Masjidka wayn ee Jabuuti isku aragnay. Shamsudiin wuxuu ugu yiri “Waryaa Cabdi, Masjiidkana miyaad iiga baxaysaa”. Shamsudiin waxaan mar kale isku aragnay isagoo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Wadanka Kenya. Su’aasha waxay tahay Shamsudiin waa safiir. Safiir na ma qabto xil qunsuliyadeed. Haddaba sow lama oran karo Abiy Ahmed wuxuu sare u qaaday xiriirka itoobiya iyo Somaliland? Source
  19. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xiisad kacsanaan ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagan tahay tuulada Ceel-laheley ee gobolka Gaglgaduud. Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka, xiisadda ayaa ka dambeysay markii dil loogu geystay halkaasi qof kamid ah dadka degaanka, oo ay wada murneen ruux kale. Illo wareedyo kala duwan ayaa usheegay idaacada Shabelle inay socoto dedaalo lagu qaboojinayo xiisadda. Shaqsiga dilka geystay oo adeegsaday Toorey, kaasi oo goobta ka baxsaday ayaa lasoo warinayaa in lagu raad-joogo. Degaanka Ceel-lahalay oo hoos-yimaada gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa waxaa gacanta ku haysa kooxda Al-Shabaab. The post Xiisad xooggan oo ka dhalatay dil ka dhacay Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
  20. (SLT-Bosaaso)Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobalka barri. Saraakiisha ciidanka puntland ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen xubnaha Al-Shabaab eek u lahaayeen Deegaanka Balli Khadar ee Gobalka Barri. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dhanka kale Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarka ay ku dileen Hal Askari, halka mid kalana ay dhaawaceen. Duleedka Boosaaso ayaa dhowr jeer waxaa ku dagaalamay Ciidamada puntland iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab Source
  21. Doolow (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee ayaa sheegaya in maanta qarax lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah, oo halkaas ku sugan. Qaraxa oo dhacay saaka aroortii hore ayaa lala beegsaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhanka degmada Dooloow kuwaas oo sahay ugelbinayey ciidamo kale oo ku sugan deegaanka Yurkut ee dhaca halka ay iska galaan gobollada Baay iyo Gedo. Goobjoogayaal ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaari Uuraal ah ayna jirto khasaare gaaray ciidamada Itoobiyaan oo aan la ogeyn inta ay la egtahay. Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraalo ay ku baahiyeen warbaahinta taageerta ku sheegtay in 40 askari oo Itoobiyaan ah ay dhimasho ama dhaawac yihiin. M ajirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  22. Muxuuu Daaran Yahay Shirka Wajaale. Haddii qiyaastaydu sax tahay bal aan shiisho waxay ka wada hadlayaan: 1- wararkii sirdoonka mareykanku siiyeen Mustafe Cagjar ee ahaa rag baa joogaa Somalialdn iyo Puntland, kuwaasoo hawlaga qarxin ah u soo maleegaya Jig-jiga; waxaynu ognahay in Mustafe Cagjar hadalkaa si u kas ah uga baahiyay Media-ha; isla waqtigaa waxa ku sugnaa Jig-jiga safiirka Mareykanka ee Addis fadhiya, kaasoo u hoyday jig-jiga dhawr habeen. 2-arrinka shidaalka; waxa jirta in in badan shidaalkeenu ka yimaaddo kilinka shanaad, gaar ahaan intii haamaha ay la wareegtay dawladdu; taasoo dawladdun ay dhawaan ku soo rogtay cashuur ka badan ta haamaha Berbera waxay Somaliland doonaysaa in lag caawiyo joojinta shidaalkaas; haddaba su’aahsu waxa weeye marka Monopoly gaas yaa loo xidhayaa?; xogo badan ayaan ka hayaa arrinkaas; waynu faalayn doonaa inshallahu. 3-inta aanay Somaliladn la kulmin ina Djibouti, waxa la rabaa in Somaliand la kulanto kilinka shanaad, taasoo qayb ka noqonaysa isku xidhka wixi la odhan jiray Somali oo dhan; markan waxaynu u shaqaynaynaa sidii substation siyaasadda Djibouti ee shirkii Djibouti lagu qabtay; mawqifka Somaliland ee arrinkaasina waa beerka jecli xaydh jecli. Cabdo; wargeyska mufakirka siyaasadda Geeska. Source
  23. Jabuuti (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ammaanay doorka fir-fircoon ee uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaga jiro nabadda iyo is-dhexgalka dalalka Geeska Afrika. Geelle oo ka hadlay kulan sadex cisho socday oo ay yeesheen safiirro reer Jabuuti ah iyo diblomaasiyiin sare, oo maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Jabuuti, ayaa si wayn usoo dhoweeyay is-beddelka cusub ee Bariga Afrika. Talaabadani ayuu cod dheer ku qeexay in ay xal ka geysan karto shaqaaqooyinka ka dhex taagan qaar ka mid ah Qowmiyadaha ku dhaqan Bariga Afrika iyo is-afgaradka laga gaaro xiisadaha jira. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayuu uga mahad-celiyay kaalintiisa ku aadan nabadeynta iyo xasilinta gobolka oo muddo colaad iyo is-riix-riix siyaasadeed oo qaramada dhexdooda ah ay taagneyd. Ugu dambeyntii, Mar uu soo hadal-qaaday xiisada wadankiisa kala dhaxeysay Eritrea oo ay isku haystaan Dhul soondinta labada dal ku yaala ayuu Madaxwayne Geelle carabka ku dhuftay inay dedaalada socda u abuureyso is-dhexgal. The post Madaxwaynaha Jabuuti oo soo dhaweeyay isbedalka G/Afrika appeared first on Shabelle. View the full article